Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

CODKA SOOMAALIDA CUSUB
A Weekly Somali Electronic Journal

Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah
Wuxuu ku soo baxaa afafka
(Soomaaliga iyo Ingiriiska)
Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah

Home Page URL: http://cschpage.cjb.net

Taariikh:10 16.08.1998

[DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY]

© Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.

OGAYSIIS
WAXAAN OGAYSIINAYAA DHAMMAAN DHALLINYARADA KU TIXAN WARGAYSKAN, IN LAGA YAABO IN AANEY II SUURTA GELIN, IN AAN CADAD CUSUB SOO SAARO DHOWRKA TODDOBAAD EE FOODDA INAGU SOO HAYA, SABABO QOYS IYO KUWO SHAQO AWGOOD, SIDAA DARTEED DHALLINYARADU RAALLI HA INAGA AHAADEEN, SIDA UGU DHAQSAHA BADAN AYAAN DIB UGU SOO DIRI DOONAA CADADYADA CUSUB, HADDII EEBBE IDMO. WIXII EMAIL AH AMA MAQAALLO CUSUB AH SIDII CAADIGA AHAYD AYAA LOO SOO DIRI KARAA.

Hersi M. Labagarre

TUSMADA WARGAYSKA

NO

BOGGA

MAQAALKA

MAGACA QORAAGA

1

BOGGA 1AAD

ARARTA WARGAYSKA

HERSI M. LABAGARRE

2

BOGGA 2AAD

WARARKA SOMALIDA

HERSI M. LABAGARRE

3

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

HERSI M. LABAGARRE

4

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

QASIM HERSI FAARAX
IBRAAHIM MACALLIM MURSAL

5

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SH.M. ABDIWAHHAB

6

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

A/LAHI BIN MUQAFA

7

BOGGA 7AAD

HIDAHA, DHAQANKA,..

HERSI M. LABAGARRE

8

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS

HERSI M. LABAGARRE

BOGGA 1AAD


Hersi M. Labagarre

ARARTA WARGAYSKA

AFRIKAAY, ALLIYO RAXMO!
Qof kasta oo dhegaystay idaacadaha ama joornaallada aqristay, waa uu maqlay qaraxyada ka dhacay Kenya iyo Tanzania. Nin kasta oo aad ka warsato arrinta qaraxyadaas, wuxuu si fudud kuu leeyahay, waa muslimiintii waalnayd oo Ameerika Bambo u dhigay!

Idaacadaha maraykanka siiba CNN-ta, ayaad mooddaa in ay xil adag iska saartay sidii ay arrintaas u suuq gelin lahayd, toddobaadkii ina soo dhaafay wararka Keenya iyo Tanzania ay idaacaddaasi ka soo sheegtay, waxay ahaayeen kuwo la yaab leh oo qofkii dhegaystaa in uu waasho ku dhawaanayo, waa haddii uu yahay qof wax fahmaya oo siyaasadda dibadda ee maraykanka la socda.

Anigu dooni maayo in aan aqristaha waqtigiisa ku lunsho sheegsheegidda wararkii ay CNNtu Qubaysay, ee waxaan doonayaa in aan dulmar gaaban ku sameeyo, goolka ay Ameerika ka ciyaarayso Africa iyo ujeeddooyinka ka dambeeya, iyo xiriirka arrintaasi la yeelan karto, qarxyada ka dhacay Kenya iyo Tanzania.

AFRICA MA AMERIKAA ISKA LEH?!
Aan ku billawno arrinta hore, ee ah goolka ay ameerika ka ciyaarayso Africa, arrintaasi waxay u baahantahay in aan dib ugu laabanno, siyaasaddii Maraykanka siiba tobankii sano ee la soo dhaafay, laga soo billaabo 1988kii waxaa dowladda Maraykanku si xoog leh isugu dayday in ay Afrika ka midig mariso dowladihii horay u gumaysan jiray oo ay ka mid ahaayeen, Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Koofur Afrika, dadaalkaas dheeraadka ah ee ay Ameerika ku dhaqaaqday wuxuu ku salaysan yahay dhowr qodob oo ay ugu wayn yihiin:
1. In Qaaradda Afrika tahay Qaarad dahan oo begro ah.
2. In qaaraddaasi ay Ameerika u dhawdahay xagga joqoraafiga.
3. In dadka maraykanka Qaar badan oo ka mid ah, asalkoodu qaaraddaas ka yimaadeen.

Haddaba si qaaraddaas loo soo gacan gelsho waxay dowladda Maraykanku waxay qaadday tillaabooyin wax ku ool ah oo ay ugu waynaayeen:
1. In laba oday oo ka mid ah odayaasha aqalka cad ee maraykanka ay si joogto ah uga qayb galaan shirarka Ururka Afrika, ayaga oo ilaalinaya shirarkaas sida ay u dhacayaan, odayaashaasina waa in ay ahaadaan Madow, arrintaas waxaa la fulshay 1988kii, ilaa iyo maantana sidaa ayay ku socotaa.

2. In la cariirsho dowladda Koofurta Afrika ka talisa ee midab takoorka ku salaysan, ayna gacanta ku hayaan dad asalkoodu yurub ka yimid, xukunkana lagu wareejiyo madowga, isla markaana olole la qaado kaas oo looga sifaynayo dowladaha reer yurub qaaradda afrika.
3. In la abuuro "dhaqaale madow" loona baxsho "Africa Aid" si aan looga dudin, howsha dhaqaalahaas iyo maamulkiisana loo dhiibo nimanka maalqabeenka ah ee maraykanka madow ah ee uu hormuudka u yahay wadaadka loo yaqaanno J.C.Juckson.
4. In Maraykanka madow loo baxsho "African American" lagana daayo magacyadii hore ee ay ka mid ahaayeen "Black American" iyo "Negro" IWM. si loo dareensiiyo Dadka reer africa in xiriir qoto dheeri ka dhexeeyo labada umadood.

Haddaba si loo hir gelsho qodobadaas ayaa waxaa dowladda maraykanku ku guulaysatay in ay taliskii midabtakoorka ahaa ee koofur africa dhilqiso, dabadeedna maalgelin xoog leh dalkaas ku samaysatay, waxaana waqtiga la joogo ka dhisan dalkaas in ka badan 700 oo sharikadood oo maraykanka laga leeyahay, oo ragga maalgelinayaa ay ka mid yihiin qoysaska aad u ladan ee madowga maraykanka, oo sida tirakoobkii 1988kii sheegay, gacanta ku haya maal gaaraya ilaa 300 oo milyaar, sharikadahaasi waxay malaayiinta faa'iidada ah ee ay maalgelintaas ka helaan ku shubaan bangiyada maraykanka.

Sidoo kale, waxaa xukuumadda maraykanku xoogga saartay in ay beddesho talisyadii ka jiray Itobiya, Angola, Namibiya, Zair, Somalia, Kenya, Nigeria iyo Liberia, wayna ku guulaysatay howshaas badaankeedii, waxa kaliya ee ka horyimid waxay ahayd Kenya oo Ingiriisku aad gacan saar ula lahaa.

Arrintaas waxay Amerika u suurta gelisay in ay ka cayriso dowlado xoog badan qaaradda Africa sida faransiiska iyo Jarmalka iyo Beljam.


AMERIKA IYO ARGAGIXISADA CAALAMIGA AH
Haddii aan u soo laabanno arrinta nuxurkeeda, waxaan is waydiin karnaa, maxaa keenay argagixisada Kenya iyo Tanzania? Nimanka isku sheegay in ay khubaro yihiin ee ka hadlay Idaacadda CNNta waxay isku dayeen in ay arrintaas tafsiir ka baxshaan, laakiin waxaa muuqatay in tafsiirkoodu ahaa, mid aan cilmi ku dhisnayn, maxaa yeelay, waxay eedda dusha ka saareen dad aanay marnaba u suurta gelayn in ay fal caynkaas ah ku kacaan, tabarna aan u lahayn qarxinta hub intaa xooggiisu gaarayo.

Nimankaasi waxay tuhn gelsheen wadaaddada ka dagaallama Afqanistan, dowladda ka talisa Sudan iyo Ciraq iyo Liibiya, qof kasta oo siyaasadda dunida la socda, wuu ogyahay, awoodda ay dowladahaasi leeyihiin iyo waxa ay samayn karaan, Saddaam Xuseen asiga ayaa meel uu galo la' , Suudaanna waxay isga filnaan waayeen jabhadda koofurta dalkaas, afqanistaanna dowladi kama jirto, wadaaddada joogaana wax siyaasaddoodu halkaas gaarsiisantahay kuma jiraan oo fikirkooda siyaasadeed garkoodu inta uu dherer jeedo ayuu ku jin yahay.

Kolka yaa la eedaynayaa, ma Itixaadka Soomaaliya iyo Kenya iyo Tanzaniya ayaa wax qarxiyay?

Itixaad Siyaasad ma galo, qarxin iyo argagixisana iskaba daa, waxaa laga yaabaa in ay dagaal galaan, waana dhacday, taasna waxaa keenay, duruufta iyo cimilada dagaal ee ay ku noolyihiin ee siyaasad kama aha.

Haddaba Aqristow, maxaad u malaynaysaa, aniga shaqsi ahaan waxay ila tahay in Jawaasiista maraykanka ee loo yaqaan CIA iyo FBI iyo Musadka Yahuddu ay ka masuul yihiin falkaas, maxaa yeelay, wararku waxay sheegeen in dowladda Yahuuddu digniin siisay maraykanka intii aan qaraxu dhicin, oo ay dheheen waa laydin weerari doonaa, laakiin waxay u raacsheen, warkaas shaki baa ku jira, si ay dowladda maraykanku u degdegin.

Waxaa kale oo arrintaas kuu caddaynaya, warka ay soo sheegeen ee leh, nin Keenyaati ah oo dhimanraba ayaa wuxuu yiri; niman carab u eg ayaa weerarka inagu soo qaaday, warkaas laba ayuu mid yahay: in uu been yahay, maxaa yeelay beenlow, nin dhintay iyo nin dheer ayuu marqaati ka dhigtaa, maxaa loo waayay nin nool oo caafimaad qaba oo nimankii meesha weeraray inoo sheega, waxaa kale oo dhici karta in hadalku run yahay laakiin nimankaasi Yahuud ahaayeen, maxaa yeelay Muusaadka yahuudda ayaa qarxiska jaadkan ah ku dheereeya, Carabta iyo Yahuudduna waa isu egyihiin.

Aqristow, arintu si kastaba ha ahaatee, waxaa la wada og yahay in ameerika ay doonayso in ay Kenya gacanta ku dhigto oo ay beddesho nidaamka hadda ka talsha, xukunkana loo dhiibo kuukuuyada meeshaa deeggan si ay wax u wada qabsadaan tujaarta madowga ah ee maraykanka, kolka si taas loo hir gelsho waxaa lagama maarmaan noqotay in Ameerika Safaaradaheeda Qarxiso, sidii pakistaan ay ku sameeyeen markii ay dooneen in ay dilaan madaxwaynihii hore, waxay la dileen safiirkii maraykanka.
Waa siyaasad caan ah oo Maraykanka lagu yaqaan, waxaanse garanayn, doqonta iyo maan gaabka.

BOGGA 2AAD

WARARKA SOOMAALIDA

SIXID IYO FAAHFAAHIN

Waxaan doddobaadkii la soo dhaafay ka qornay maqaal, dowladda Puntland, waxaanna dhahnay, Cabdullaahi Yuusuf ayaa madaxwayne loo doortay, Maxamad Abshirna Madaxwayne ku xigeen, kolka runtii, ninka madaxwayne ku xigeenka loo doortay, waa Maxamad Cabdi Xaashi, sidii aan doddobaadkii ka sii horreeyay u sheegnay, qaladkanna waxaa inagu baraarujiyay Abdiqani Axmad Cabdi, aad baanna ugu mahad celinayaa, laakiin Cabdiqani wuxuu ii sheegay in ninka madaxwayne ku xigeenka loo doortay la yiraahdo Axmad Xaashi.

Wakaaladda wararka Reuterna waxay sheegtay in ninkaas la yiraahdo Maxamad Cabdi Xaashi, waxaa kale ee Cabdiqani ii sheegay in Cabdullaahi Yuusuf uusan reer garowe ahayn, ee Maxamad Abshir reer garowe yahay, Reuterna waxaan ka aqriyay, in Maxamad Abshir ku eedeeyay Cabdullaahi Yuusuf in uu reer Garowe yahay, oo uu sidaa meesha caasimad uga dhigay, marka arrintaas waxaad mooddaa in aanay turxaan baxsanayn, waxayna igu dhalisay shaki cusub.

Sidaa darteed waxaan dhallinyarada aqristayaasha ah ka codsanaynaa, gaar ahaan reer Puntland, in ay faahfaahin dheeraad ah inaga siiyaan arrimahan:
1. Cabdullaahi Yuusuf ma reer garoowaa mise meel kale ayuu u dhashay? hadduu u dhashayse waa xaggee?.
2. Ninka Madaxwayne ku xigeenka loo doortay, ma Maxamad Cabdi Caashi baa la yiraahdaa? mise Axmad Xaashi?
3. Wixii kale oo faahfaahin ah oo ku lug leh dowladda puntland.

Waxaan jeclaystay in aan halkan ku fidsho sixiddii uu ii soo diray Cabqiqani, annaga oo aad ugu mahadinayna. waana tan.

Subject: Saxid
Date: Sun, 09 Aug 1998 07:06:40 PDT
From: "Abdiqani Ahmed_Abdi"
To: Hersi@brunet.bn
Asalaamu calaykum waraxmatu lahi.....
waxaan kuu soo gudbinayaa salaan, salan dabadeed waxaan kula socod sii nayaa hadii aanan khaldanayn , maqaalka aad ka qortay Puntland in ninka madaxwane ku xigeenka loo doortay uusan ahayn Maxamed ABSHIR ee uu yahay Axmed Xaashi.
Mida kale Cabdulaahi yuusuf ma aha reer Garoowe, ee waxaa reer Groowe ah Maxamed ABSHIR, marka waxaan filayaa in markii aad garacay say in khalad dhacay, sidaas iyo nabad galyo !
Abdiqani!


MA LAGA YAABAA IN SOOMAALIYA SOO CAYMATO?
Sida wakaaladaha wararku sheegeen, waxaa dib loo furay Airporki iyo dekeddii Magaalada Muqdisho bishan afarteedii, arrintaasi waxay ka dambaysay, shir la qabtay bishan saddex deedii, laguna qabaty Hotelka Shamow, oo ay ka soo qayb galeen hoggaamiyayaasha jabhadaha, Ali Mahdi, Caydiid, Ismaan Caato iyo Qanyare iyo qaar kale.

Toddobaadkii la soo dhaafay, waxay hoggaamiyayaashaas isku dayeen in ay maamul midaysan u yeelaan magaalada, hase ahaatee, in kasta oo ay cali mahdi iyo Ina Caydiid isla meel dhigeen qaabka maamulkaasi yeelan doono, hadana waxaa wararku sheegeen in Ismaan Caato iyo qaar kale ka soo hor jeedeen habka maamulka loo dhisay.

Maamulka Magaalada loo yeelay waxaa u talsha guddi uu xoghaye u yahay nin la yiraahdo Axmad Daahir, duqa magaalada Muqdishana waxaa loo magacaabay nin la yiraahdo Xuseen Cali Axmad, Kornel Cabdi Xasan Cawaale nin la yiraahdana waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliiska, oo ah ciidan aan wali la abuurin, Xuseen Caydiid iyo Cali Mahdi labaduba waxay isku magacaabeen laba guddoomiye, Ismaan caato iyo Qanyarana waxay ku magacaabeen guddoomiye ku xigeenno.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, Maamulka cusub ee magaalada Muqdishu ee ay soo dhiseen Cali Mahdi iyo Ina Caydiid, waxaa mucaaraday Ismaan caato, wuxuuna ku tilmaamay in aanuu ahayn mid metelaya dhammaan dhinacyada ay arrintu khusaydo.
Waxaa kale ee Ismaan Caato dadwaynaha Soomaaliyeed iyo Dunida inteeda kaleba ka codsaday in aan maamulkaas la aqoonsan, maxaa yeelay, qaabka xeerarkiisa loo dhigay ma ahayn mid qeexan.

Dad badan ayaa waxay aadeen dekedda iyo airiporka magaalada Muqdishu, kadib markii ay maqleen waa la furay, laakiin meeshaa wax howlihi kama socon, dekedda Xamar wax qalab ah ma yaallaan isgaarsiinta iyi shidaalka iyo dhammaan qalabka kale ee loo adeegsado dejinta iyo raridda badeecada, qalabkaas oo dhan midna kama yaallo dekedda, taas ayaana keentay in aan meeshaa wax howli ka socon waqtiga la joogo.

. Nimanka indhaindheeya xaaladda Soomaaliya waxay go'aanka furitaanka dekedda iyo airiporka ku tilmaameen in uu yahay tallaabo muhiim ah oo laga yaabo in ay horay u mariso waanwaanta nabad raadinta ah ee soomaaliya ka socota, laakiin waxay intaa ku dareen, in sidii go'aankaas lagu fulshaahi ay adagtahay, hirgelintiisana shaki xoog lihi ku jiro.

NIN SOOMAALI AH OO LAGU XIRAY TANZANIA
Nin Soomaali ah oo sheegtay in uu la shaqeeyo hay'adda qaxootiga ee qarumada midobay ayaa Jawaasiista maraykanku ku xireen dalkaasi Tanzania ayada oo lagu soo eedeeyay in uu ku lug lahaa qaraxyadii dhawaan ka dhacay dalkaas, waxaa kale ee jawaasiista maraykanku xabsi ku gureen dad badan oo masaakiin ah oo qaarna dalxiis u socday qaarna shaqo raadis ahaa, dadkaas waxay ka kala yimaadeen dalalka Ciraaq iyo Suudaan iyo Turkiga.

Dadkaa ay FBIda Maraykanku xabsiga u taxaabeen, waxay tiradoodu gaaraysaa ilaa 14 qof, lix Sudan ah oo la sheegay in qaarkood Sacuudiga ka shaqayn jireen, iyo lix Ciraaq ah oo laba injineer ku jiraan, iyo mid Turki ah oo aan waxa uu ka shaqeeyo la sheegin, dadkaas waxaa lagu soo eedeeyay in ay sheegi waayeen sababtii ay dalka u soo galeen.

Waxaa kale oo Jawaasiista Maraykanka ee joogta Kenya xabsiga u taxaabeen dad loo malaynayo in ay yihiin Muslimiinta ku nool dhulkaas oo tiradoodu gaarayso ilaa shan qofood, dadkaas wax dambi ah oo ay leeyihiin lama sheegin, wadamada ay u dhasheenna lama sheegin, laakiin waxaa muuqata in ay ugu yaraan yihiin dad ka kala socda waddamada muslinka ah ee bariga dhexe iyo afrikada bari.

Dowladda maraykanku waxay u ballan qaadday cidii war sugan uga keenta qolyihii qaraxaas ka dambeeyay lacag dhan laba milyan.

Urur Muslim ah oo loo yaqaan Al-Muhaajiruun ayaa waxay ku gacan sayreen yaboohaas ay dowladda Maraykanku ballan qaadday, wuxuuna ururkaasi Muslimiinta ku guubaabshay in aanay marnaba wax tiftifnimo ah ku kicin, maxaa wacay, in la is jaajuuso islaamka kuma jirto, sida ururku sheegay.

MADAXWAYNE KU XIGEENKA SOUTH AFRICA
OO DHALEECEEYAY MADAXDA JABHADAHA SOMALIA
Madaxwayne ku xigeenka dalkaasi Koofur Africa Thabo Mbeki, ayaa dhaleeceeyay madaxda jabhadaha soomaaliya gaar ahaan, guud ahaanna hoggaamiya yaasha jabhadaha iyo xoogagga dagaallada sokeeye ka wada Africa dhexdeeda.

Mr Mbeki wuxuu warkaas ka sheegay 13kii bishan magaalada Johannesburg, wuxuuna warku intaa ku deray in Madaxwayne ku xigeenku ku eedeeyay hoggaamiyayaasha dagaalka sokeeye ee Soomaaliya in ay yihiin kuwo xukun doon ah oo doonaya in ay kursiga taliska ku gaaraan gowraca marasta iyo dadka masaakiinta ah ee aan dambiga lahayn.

Wuxuu yiri, Africa uma baahna siyaasiyiin ah sida kuwa Soomaaliya dagaalka ka wada ee dad waynihii Soomaaliyeed u qaxshay dowladaha reer galbeedka ah, dalkoodiina ka cayrshay.
Waxaa kale ee madaxwayne ku xigeenku tusaale ahaan u soo qaatay, dagaallada ka socda waddamo badan oo Africa ka mid ah, sida Lesotho, Eritrea, Ethiopia, Democratic Republic of the Congo, Guinea Bissau, Rwanda iyo KwaZulu-Natal, wuxuuna ku tilmaamay hoggaamiya yaashaas in ay yihiin gacan kudhiiglayaal

BOGGA 3AAD

BOGGA QUBANAHA

DAD LOO XIRAY WAR AY INTERNET-KA GELSHEEN AWGIIS?
Dalkaasi Malaysia maalmahan dambe waxaa ka taagnaa qalalaase ay dadku uga cabanayaan, cadaadiska ay dowladdu ku hasyso madaxbannaanida iyo xurriyadda warramidda, taasina waxay ka dambaysay, kadib markii toddobaadkan horraantisii cid aan la garanayn soo gelisay internetka email uga digaysa dadka reer Indonisia ee ka shaqeeya Malaysia qatar wayn oo ku soo fool leh.

Emailkaas waxyaabihii uu Indonisiada ku cabsiiyay waxaa ka mid ahaa, in ay xaasaskooda iyo carruurtooda nabadgelyadooda gaar ka qabtaan oo ka tagaan goobaha shaqada, iyo in dagaallo ka dheceen magaalada Kuala Lupmur oo dadka Indonisia u dhashay iyo dadka waddanka Malaysia u dhashay is laynayaan, iyo in aan shaqaalaha ajnabiga ah kunturaadda loo cusboonaysiin doonin wixii ka dambeeya 15ka bishan lagu jiro.

Wararkaas waxaa loo maleeyay in ay lug ku leeyihiin cabsida ay ka qabaan indooniisiyada joogta Malaysia in uu soo weeraro shiina deggan Malaysia ee xoogga badan, kuwaas oo aad uga xanaaqsan sida ba'an ee loola dhaqmay dadka shiinaha ah ee deggan dalkaas indooniisya.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, wararkaasi waxay kaysteen dhibaatooyin ay ka mid yihiin lacagtii malaysia oo hoos u sii dhacday, iyo shaqaalihii indooniisiyada oo goobihii shaqada ka cararay, iyo muran badan oo magaalada ekeeyay.

Haddaba si arrintaas looga hor tago, ayaa booliiska dalkaasi digniin adag ka baxshay falalka jaadkaas ah, wuxuuna isla markaa ka codsaday sharikadaha Internetka ijaara in ay soo helaan dadkii ka dambeeyay emailka jaadkaas ah ee gaystay dhibaatooyinka iyo cabsida badan, waxaana isla maalmahaa la xiray laba ilaa saddex qof, laakiin arrinta xiridda dadkaas loo maleeyay in ay yihiin kuwii emailka soo diray, waxay keentay buuq badan oo ka dhashay indheergaratada iyo reer magaalka dhexdooda, laysna waydiiyay qarsoodi nimada wararka emailka lagu dirsado iyo madax bannaanida dadka reer malaysia u leeyihiin in ay ra'yigooda dhiibtaan.

Dowladda Malaysia tastuurkeedu wuxuu dhigayaa in ninkii dhiillo gelsha degganaanshaha iyo nabadda la iska xiri karo ilaa laba sano ayada oo aan wax maxkamad ah la soo taagin, waana qaanuunkaas midka dadka la xiray lala cuskaday, taas ayaana keentay in dad badan is waydiiyaan xurriyadda iyo madaxbannaanida shacabka reer Malaysia, iyo qarsoodida Emailka wararka lagu dirsanayo.

QALAB ELECTRONIC AH OO LOO SAMEEYAY
IN UU JACAYLKAAGA KUU XULO
Sharikad laga leeyahay Dalkaasi Japanka, oo la yiraahdo Erfolg, ayaa waxay samaysay qalab electronic ah oo jeebka la gashado oo kolka uu kuu soo jirsado qof kugu habboon 5 mitre kuu baaqaysa.
Qalabkaas wuxuu u shaqaynayaa sidii radar wuxuuna bixinayaa signal kolka qofka aad jacaylka wadaagi kartaan kuu soo dhawaado, asiga oo ku leh, la hadal saaxiibkan, ragga iyo haweenka qolo walba waxay leeyihiin nal yar oo midab leh, ragga nal yar oo bulug ah ayaa u shidmaya kolka ay u soo dhawaato ninku gabar ku habboon oo ay is dabci keenayaan, gabadhana sidoo kale, nal yar oo casaan ah ayaa u shidmaya kolka uu u soo dhawaado wiilka ay jacaylka wadaagi karaan, isla markaana waxaa qalabkaas lagu duubi karaa wixii adiga kugu habboon ee aad doonayso, tusaale ahaan, astaamaha iyo qaabka uu leeyahay qofka aad jeceshahay in aad jacayl wada jishaan, sidoo kale kolka uu kuu baaqo, waxaad la hadli kartaa qofka uu kuu tilmaamay.

Qalabkaas waxaa ilaa iyo hadda laga geday 500 oo kun, waxaana loo malaynayaa in uu aad suuq uga heli doono waddama Asia oo dadka ku nooli yihiin dad xishood badan oo aan badanaa la qaylin ama sheegin wixii ay dareemayaan, waxaana la sheegay in qalabkaas qiimihiisu gaarayo ilaa 3 kun oo yen oo u dhiganta, US$21.

MASAR OO DAAWO IYO TABABARAYAAL U DIRTAY ERITREA
Kulan ku dhex maray magaalada Qaahira wasiirka caafimaadka Masar Dr. Ismaciil Salaam iyo wasiirka caafimaadka Eritrea Salax Maki, ayaa waxaa lagu go'aansaday in Masar u dirto Eritrea daawo iyo dhaqaatiir badan oo ka caawin doona Eritrea xagga caafimaadka, samaynna doona baaritaanno caafimaad, daawadaas waxay Eritrea gaari doontaa bishan gudaheed, sida warku sheegay.

Waxaa kale ee wasiirka caafimaadka Masar sheegay in dowladdiisu tababar u fidin doonto, kalkaaliyayaasha iyo dhaqaatiirta dalkaasi Eritrea, laguna tababari doono Masar.

Astaanta Saldanadda Brunei Darussalam

SULDAANKA BRUNEI OO CALEEMA SAARAY WIILKIISII
Bishan 10-keedii, ayaa suldaanka Brunei Suldaan Xasan Al-Bulqiyah wuxuu u caleema saaray wiilkiisii in uu ahaado ninka boqortooyada dhaxli doona aabbihiis ka dib, waxaana caleemasaarkaas lagu qabtay maxfalka wayn ee dahabka lagu dheehay ee loo yaqaan Istaana Nur al-iimaan, kaas oo ah mid ka mid ah, aqallada boqortooyada dalkaas ee shanta ah.

Waxaa xafladdii caleema saarka ka soo qayb galay dad gaaraya ilaa 4 kun oo qof, waxaana aqriyay qoraalka caleema saarka boqorka walaalkiis, amiir Maxamad al-bulqiya.
Boqorka Brunei iyo mid walaalihiis ka mid ah oo la yiraahdo Jafri al-bulqiyah ayaa maalmahan muran ka dhex taagnaa, waxayna isku afgaran waayeen arrimo la xiriira maamulka lacagta dalka, Jafri wuxuu hadda joogaa Malaysia, munaasabadda caleema saarkana kama soo qayb gelin.

Amiirka la caleema saaray, oo magaciisa la yiraahdo, al-Muhtadi Billaahi, wuxuu dhashay 1974kii, wuxuu sanadkii la soo dhaafay ka soo qalin jebshay jaamicadaha Ingiriiska, haddana wuxuu billaabay shaqadiisa amiirnimo.

Brunei, waa dal yar oo hodon ah, waxaa ku nool ilaa 300 oo kun oo qof, boqorka dalkaas xukuma wuxuu shaqalaha dowladdiisa u kordhiyay bishii ina soo dhaaftay mushaarka asiga oo tusaya dadkiisa iyo caalamka intiisa kaleba sida dalkiisu maalqabeen u yahay, maxaa yeelay, dowladaha Asia dhammaantood waxay hoos u dhigeen mushaaradii iyo qarashkii dowladda kadib markii dhaqaalahoodii iyo lacagtoodii dhaceen, boqorka Brunei waa ninka kali ah ee mushaarkii wax ku deray ee waliba ballan qaaday in uu sanadka soo socda mushaarka mar labaad wax ka bedeli doono.

ITOOBIYA OO LIIBIYA KU EEDAYSAY IN AY ERITREA HUB SIISAY
Wargays af amxariga ku soo baxa oo Itoobiya leedahahay ayaa wuxuu sheegay in Liibiya hub ugu deeqday dalkaas Eritrea oo uu dagaal ka dhex taagnaa ayaga iyo Itobiya sadexdii bilood ee la soo dhaafay.

Waxaa wargaysku intaa ku deray, in eritrea iyo Liibiya kala saxiixdeen heshiisyo xag dhaqaale iyo maalgelinta iyo tacliinta iyo fanka ku saabsan.
Waxaa kale ee la sheegay in Madaxwaynaha Eritrea Aforaqi, dhowr jeer soo booqday dalkaasi Liibiya bilihii la soo dhaafay, waxaana taas xigtay, heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen madaxda labada dal bishii la soo dhaafay.

BOGGA 4AAD

BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA

Daraasadan cusub wuxuu qoraagu ku indha-indhaynayaa, arrimaha la xiriira mustaqbalka soomaalida, duruufaha adag ee ku horgudban iyo qabanqaaba xumida soomaalida maanta.

Waxaa Qoray:
Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstr. 20, 7151 ZA Eibergen, Nederland

SIR MA QABE ALLAA U SAHAN AH
Sahan waxaa loo samaystaa sidiisaba in lagu gaaro yool la tilmaansaday. Yoolkaas wuxuu u baahanyahay in uu leeyahay tabo iyo xeelado lagu gaaro. Haddii waayeelku la yiri arintaasi samir iyo sugitaan uma laha, qorshe mustaqbal dheer ah ma sugi karo, doonayane in maalintaas wuxuu ku noolan karo ay taladiisu ahaato. Mise waxaanu leenahay cid kasto xilbaa saarane xilkiisa ha guto.

Mise waxaan niraahdaa Soomaali waxaan noloshaan ahayn ma istaahisho. Mise waxaan niraahdaa SIR MA QABE ALLAA U SAHAN AH ee aan iska sugnaa wixii waayaha aan ka dhaxalno. Nebiga SCWS wuxuu ku yiri ninkii su'aasha weydiyay: "AWRTAADANE DABRO ALLANE TALO SAARO". Talada waxay u taalaa cidda mustaqbalka tiigsaneysa awlaadane la doonaya sharaf iyo xushmad bani aadan ku noolaadaan. Maskax dihan aqoon iyo waya aragnimo aan ka maqneyn dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba waynu ku leenahay.

Meel cidla ah farta ku taag, halkaas bey arintu la'dahay dal iyo Ummad toona ma dhiseyso. Arintu waxay u baahan tahay guntiga in la xirto, khatartane loo bareero, nolol maalmeedkane loo huro tan mustaqbalka dheer lagu dhisayo. In la beero miro caruurteenna u aaydo.

Raacato Xaal ha qaadato!
Dood siyaasi ah oo BBCda laga sii daayay, jariidane ay ka soo xigteen ayaa ra'yiga u badanaa in Sommaali ay u badan tahay reer guraa aan Dowladnimo u bisleen. Taas oo cillad looga dhigay iyaga oo ah raacato foowdawiyyiin ah meel Alla meesha ay joogaan. Inkasta oo doodayaasha aan la siinin waqti ku filan si ay u sharraxaan dulucda ra'yigooda. Hase yeeshee way mudan tahay arinta dulmarka sidaas ah aan loo dayin, maxaa yeelay kuwa Soomalia xumaanta iyo dhagarta u maleegaya ayaa berito hub inooga soo dhigan kara. Astaan amase "label" lagugu bar aqoonsanayo ayaa lagaaga dhigi karaa. Waa sow adigu afkaaga kama oran?

Marka hore, aan isweydiinee, raacato maxay halleysay? Raacato waa kuwaas oo isku filnaaday, xoolahooda dhaqday ilaa ay noqotay saldhigga asaasiga ee dhaqaalaha dalka, lacagaha adag dibedda kaga soo hoysay, dalka gudihiisane brootiinka oonta xoolaha laga helo ka haqabtirtay, xoolaha duur jooggane ku badbaadeen. Waa kuwaas oo maamulka Dowladeed laga fogeeyay, adeeg bulsho iyo 'infrastructure' dhaqaale aan midna loo yeelan. Xiriirka keliya ee lala yeeshay uu noqday 'canshuurta bixi, haddii kale waa lagu xaraashaya'. Waa ninkaas oo xoogga loo sheegtay oo la 'canshuuray'.

Mise waxaad raacato u taqaanaan kuwa xoolihii soo dayacay, ee dawarsi iyo tacab la'aan dibjirka u ahaa, dabadeedna xukunka maroorsaday. Bulsho kasta in xun way ku jirtaa. Raacato xaal ha qaadato! Ha loo helo magac ku habboon kuwa dalka dumiyay haddane uu ka degi la'yahay! Yaan lagu sariibanin bulshada Somaliyeed ee xalaasha ah, kartidana badan. Haddane, ayaa yiri Soomaali oo dhan waa raacato, amase raacatada ayaa matasha? Somaalida tiradeeda badan xaggee bay ku nooshahay? In kastoo Somaalida inta badan ay dulman tahay.

[Waa socotaa...]


Qasim Xirsi Faarax

MIYAAN IS SHABAHNAA INAGA IYO YUHUUDI?
Anaga oo ka jawaabayna fikradda isla weynida beenta ah ku dhisan ee dadkeena habaabisay aan dhexgelino jawaabta ciwaankeenan ee ah maxaan ku kala duwanahay inaga iyo Yuhuudi? mise is shabihi karnaa oo ma la isku soo keen qaban karaa? waxayna tahay jawaabtu Haa, haddaanaan ka leexan jidkay qaadeen.

Sida maanta inoo muuqatana ficillo badan oo ah kuwii iyaga lagu halaagay inagu caano uma kabbano oo waanba caadaysanay inaga oo qaarkood ku faanayna. Bal isu bar bar dhig Qur'aanka iyo dhaqankeenna oo haddana isu barbar dhig dhaqankeenna iyo dhaqankii Yuhuud ama waqti jaahiligii, maxaa kuu soo baxaya? waxaad weliba naf ka quusanaysaa marka aad aragtid ficillo ama fikrado ayba Yuhuudi nagu dhaantay.

Haddii aan mar kale hoos ugu sii dhaadhacno xusitaanka wax ka mid ah waxyaalaha ay nagu dhaameen, waxaan ku horaysiinaynaa madaxdoodii iyo kuweennii ee bal aan ka tusaalaysanno Fircoon.

Fircoon wuxuu ahaa nin aad uga fiican guud ahaanba madaxda maanta adduunka ka jirta intooda badan, mid dhif iyo naadir ah mooyee, wuxuu ahaa wax garad u dhuun daloola dhismaha mustaqabalka siyaasaddiisa iyo qancinta shacabkiisa, halka ay kuwa maanta jiraa keliya ka fikiraan sidee baad wax u boobtaa, xukunna ugu adkaysataa si muruq adeegsi ah?

Taasna waxaad garan kartaa marka aad u fiirsatiod habka uu u la hadlay dadweynihiisii markuu doonayey in uu ka jeediyo Nebi Muuse NNKHA, sidaa si la mid ah wuxuu ahaa nin Dimoqraadi dhaba ah.

Waxaana taas kuu caddaynaya guud ahaanba qisada dhex martay isaga, wasiiradiisii, shacabkiisii, iyo Nebi Muuse, taas oo aad ka dareemayso in uu ula doodayey sida ugu haboon ee mucaarad loola doodi karo, aan ka eegno Suuradda; Dhaaha; Aayadaha; 40-70.

(Waa Socotaa...)

F.G:
Waxaan ugu bishaaraynaynaa Aqristayaasha bogga doodda, in aan billaabi doonno fidinta daraaso cusub, kolka midda hadda socota dhamaato, daraasadaas oo cinwaankeedu yahay (MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO) Waxaa qoray Qaasim xersi Faarax, waa isla qoraagii aad hore u aqrisateen daraasadiisa hadda socota. Wuxuu qoraagu daraasadan mar labaad isku deyayaa in uu si qayaxan u soo ban dhigo waxyaabaha ka guuxaya maskaxda soomaalida iyo figradda ay ka haysato madaxwaynanimada.. Aqristayaasha boggan waxaan ka codsanaynaa in ay ina soo siiyaan wixii talo ah, inta aan daraasada cusubi billaaban. Wixii munaaqasho ah ama sixid ah albaabbadu waa u furanyihiin. Labagarre.

BOGGA 5AAD

DIINTA ISLAAMKA

SHIRKIGU WAA MAXAY?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

CASHARKA 12AAD
IN CID AAN EEBBE AHAYN WAX LOO
YABOOHO, AY SHIRKIGA KA MID TAHAY
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Way oofiyaan nadarka (yabooha) waxayna ka yaabi maalin sharteedu fidi (qiyaamaha)] Al-Insaan 7.

Waxaa kale oo Eebbe yiri:
[Waxaad bixisaan oo nafaqo ah amaad ku Nadartaan (yaboohdaan) oo nadar ah (yabooh ah) Eebbe wuu ogyahay, daalimiinna gargaare uma sugnaanin]Al-Baqarah 270.

Xaddiiska saxiixa ahna waxaa Caa'isha Eebbe ha ka raalli noqdee looga soo weriyay, in Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Ninkii Ballan qaada in uu Eebbe baarri u noqon doono, ballankiisa ha fuliyo, ninkii ballan qaada in uu Eebbe caasi ku noqon doonana, caasi yuusan ku noqon".

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa in ay waajib tahay in la fuliyo wixii la yabooho ama la ballan qaado.
Tan 2aad: Haddii ay sugnaato in ballan qaadku cibaado yahay Eebbe cid aan ahayn haddii loo dhigo shirki bay noqonaysaa.
Tan 3aad: In yabooha ama ballan qaadka dambi ka imaa-nayo in la oofiyo aanay bannaanayn.
(Waa socotaa..)

F.G: Warka ku qoran labada bil (...) inta u dhaxaysa, waa war aan anigu ku deray tarjamada, si aan macnaha u caddeeyo, inta kalena waa warkii qoraaga.

* Dhammaan aayadaha quraanka ah tarjamadooda afsoomaaliga ah waxaan ka soo qaadannay kitaabkii (Quraanka kariimka iyo tarjamada macnihiisa ee afka soomaaliga) ee uu qoray Maxamad maxamud cabdi, waxna kama aanan beddelin tarjamada meelo yaryar oo qaldan baan saxnay meelo uu wadaadku ka boodayna waan ku darnay.

** Haddii ay dhammaato tarjamada kitaabka Tawxiidka ee hadda socota, ee uu qoray Sh. Maxamad Bin Cabdil Wahhaab, oo ah shiikha Wahhaabiyada, Salafiyada iyo Itixaadka Iwm, waxaa ku xigi doona Tarjamadii Kitaabkii "Al-Ibanah Can Usuul Ad-Dayyaanah" ee uu qoray Sheekhii Ashcariyada. Sidaa darteed, dhammaan waxaan ka codsanaynaa aqristayaasha bogga Diinta Islaamka in ay ina soo siiyaan wixii talo iyo tusaale ah inta aanan buuggan hadda socda dhammaan.

BOGGA 6AAD

BOGGA DHALLINYARADA

SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA

Qaybtii: 9aad

Waxaa qoray: C/laahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Dimna: uur xumaalowgu wax buu taraa oo kaa-lintiisa wuu ka soo dhalaalaa, intii laga gaarsiinayo jago uusan mudnayn, markii uu gaarana wuxuu u hanqal taagaa meel ka sii saraysa, gaar ahaan hagarrowga iyo abaal laawaha.

Caloolxumaalowga abaal laawaha ahi boqorka cabsi wax aan hayn uguma adeego, kulamana taliyo, haddii uu deeqtoomo oo cabsi beelo nuxurkiisii ayuu u soo noqdaa, sidii daba eey oo lataagay si loo toosiyo, inta ay xirantahay way toos-naanaysaa, haddii la furana sideedii hore bay u soo qaroofanaysaa oo u soo qaloocanaysaa.

Boqoryahow, waxaadna ogaataa, in qofkii aan ogolaan waanooy inka ku adag ee lagu waaninayo, in uusan taladiisa mahadin, waa sidii nin ka tegay wixii dhaqtarku u qoray, ee wixii uu doono cunaya, lataliyaha boqorkuna wuxuu mudanyahay in uu ku dheeraado dharaandhirinta waxyaabaha boqorka awoodda iyo wanaagga u kordhinaya, sidoo kale waa in uu fogeeyo waxyaalaha dhibaya ama xumaynaya, walaal iyo wadayna waxaa ugu wanaagsan kuwa aan wax humaagin marka ay wax waaninayaan, ammaanna waxaa ugu wanaagsan afka duqowda tii ka timaada, talisna waxaa ugu wanaagsan kii aan qooq gelin, dhaqanna kii dhowrsanaanta kuugu kaalmeeya ayaa u wanaagsan, waxaana la yiri nin dab barkaday, oo abeesa gogladay in uusan hurdin ayuu mudanyahay.

Ninkuna haddii uu wadaygiis in uu nacayb u hayo ka dareemo kuma kalsoonaado, boqorana waxaa ugu liita kan wehsilowga ah, iyo kan aan waxa soo socda eegin, iyo kan maroo-diga kacsan la moodo, kaas oo aan fiira lahayn, marka raggiisu wax faraanna waa ka Wehsadaa, haddii uu wax halleeyana la taliyayaashiisa buu dusha ka saaraa.

Libaaxii: hadalka waad igu adkaysay, lataliyaha hadalkiisana waa la ogolaaday oo waa la qaatay, haddiise shitriba nacayb ii hayo sida aad tiri, wax dhib ah iima gaysan karo, sidee buu taas ku awoodaa asiga oo cows cune ah aniguna aan hilib cune ahay, asiguna cunto ayuuba ii yahay, wax aan uga baqaya-na ma jiraan, teedakale hab uu wax u dhagro helimaayo, kadib markii aan megan gelyo siiyay, oo aan dhaqaaleeyay, oo aan ammaanay, haddiise aan ballankii ka tago oo aan geddiyo, markaas waan dabbaaloobay oo aqoondarsaday, naftaydana dhagray.

(Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD

HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOOMAALIDA

[MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED]

Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre

[Waxaan ku arkay ku arag!!]
Nin dhurwaa ku soo booday,ayaa sheekadan laga sheegay.
Waxaa la yiri, nin meel duur ah maraya ayaa dhurwaa ku soo booday, kolkaas baa ninkii dhurwaagii labada dhegood ka qabtay, kolkii uu in door ah hayay, uuna ku daalay hayntiisa, wax uu ku sameeyana garan la'yahay, dhurwaagiina afka soo kala hayo, oo in uu ninka cuno doonayo, ayaa nin kale soo ag maray, kolkaas buu ku yiri:
war maxaa bahalka ugu dheggantahay, oo aad ku aragtay?

Ninkii baa markaa ugu warcelshay: war bahalka waan gadanlahaa oo lacag badan buu joogaaye, kaalay oo ii qabo aan marada xirto e'.
Kolkaas baa kii soo dhaqaaqay oo ninkii dhurwaagii ka qabtay, kolkii uu u dhiibay ayuu kii dhaqaaqay, asiga oo leh: bal waxaan ku arkay ku arag!!

BOGGA 8AAD

IIDHEH IYO OGAYSIIS

Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: hersi@brunet.bn

******

Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro. Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh: (ii soo dir codka soomaalida cusub) , ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan: http://cschpage.cjb.net qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).


"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY
U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA
UJEEDDADA WARGAYSKA"

D H A M A A D