Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

CODKA SOOMAALIDA CUSUB --000-- THE VOICE OF MODERN SOMALI

[The First Electronic Journal In Somali Language]

=================================================

 

 

Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah:

Wuxuu ku soo baxaa afafka:

(Soomaaliga iyo Ingiriiska)

Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah

*************$$$$$$$$$$*************

 

Waxaa Abaabulay:

Hersi M. Labagarre

(Ph.D. Philosophy & Theology)

National University of Malaysia

***********$$$$$$***************

 

----------------------------

| Taariikh: 01/6-06/6/1998 |

----------------------------

 

Tusmada Qaybtan:

Bogga----iyo---Maqaalka:

1aad: Ararta Wargayska:

Qore:Hersi M.Labagarre

 

2aad: Suugaanta Soomaalida:

Qore: Hersi M. Labagarre

(Bakayle inta uu bur ku jiro ayuu bur kale daydaa).

 

3aad: Maxaa Laga Wadaa? (Bun)

Qore: Hersi M. Labagarre

 

4aad: Diinta Islaamka: Tawxiidka

Qore: Sheekh Maxamad Bin Cabdil Wahhaab

 

5aad: Bogga dhallinyarada

Sheekadii (Diinka iyo Daanyeerka)

Qore: Cabdullaahi Bin Muqafac

 

6aad: Iidheh iyo Ogaysiis

 

--------111111111111------------------

 

Bogga 1aad: Ararta Wargayska

Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre

Waxaa in la xuso u baahan qiimaha iyo wax dheefka wayn ee ay leeyihiin isku xirraashada iyo iska warqabidda iyo is kaashigu, waxaanna u malaynayaa in aan taas nin igu khilaafayaahi jirin, sidaa darteed qola kasta ama dad kasta ee doona in ay hore u kacaan waa in ay yeeshaan isku xirraasho iyo isku kalsooni iyo iska war qabid taas oo ugu dambaystii isugu soo biya shubanaysa togga wayn ee loo yaqaanno (ISKAASHIGA).

Warkaasi war cusub ma aha oo dad badan baa hortay yiri, haddana qaar aan anigu ka mid ahay ayaa leh, iga dibna waa la dhihi doonaa, taas shaki iigama jiro, hadalkaasi wuxuu i xasuusinayaa hadalkii uu yiri gabyaaygii soomaaliyeed ee caanka ahaa cabdullaahi suldaan timacadde waagii soomaalidu xornimada qaadatay, dulucdii hadalkiisu waxay ahayd "Waxaan la yaabay inta shiinuhu tiro la egyahay iyo sida uu u ogyahay qiimaha ay leedahay isku duubnaantu iyo inta soomaali utiro yari la egtahay iyo sida ay isu necebyihiin" qoodhay iyo xaraday ina suldaanow run baad sheegtay, war ma qof soomaali maanta isku duubni iyo iskaashi kaga wanaagsanaan lahayd baa jirta? ma qof maanta sida aan isku duubni ugu baahannahay ugu baah baa jirta? waxaan hubaa in nin kasta oo soomaali ah uu ku jawaabayo: maya qof maanta isku duubni iyo iskaashi inooga habbooni ma jito. kolka haddii arrintu sidaa tahay maxaa inagu dhacay, hadalka waxaan u soo jeedinayaa inta wax garanaysa, maxaa yeelay waxaa la yiri: eey malab ma rabo, ninkii lahaana lama rabyo! taas waxaan uga jeedaa, in aan murtida qofka caqli laawaha ahi wax ku dheefayn, sidaa darteed caqli laawuhu murti ma rabyo, caqlilowguna lama rabyo, maxaa yeelay waa ogyahay in aanuu wax ku dheefayn.

joornaalkan sababta loo aasaasay waa arrintaas, waxaan ugajeedaa arrinta isku doobnaanta. waxayna ku imaan kartaa iska warqabid iyo iskaashi iyo iska warhayn, isku duubnaanta la sheegayo waa taas, falsafadda wargayskanna waa taas.

---------------2222222222-------------------

Bogga 2aad: Suugaanta Soomaalida:

Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre

(Bakayle inta uu bur ku jiro ayuu bur kale daydaa).

Maanta waxaa ila habboonaatay in aan ku soo qaado baalka suugaanta maahmaahyo caan ah oo soomaali oo dhami wada xasuusan tahay, maahmaahyadaasi waxay ku timid bakayle oo ah bahal yar oo goofta iyo duurarka lagu arko inta badan, wuxuu ku caan yahay feejignaan iyo taxader dheeraad ah, kolka uu doonayo in uu meel ka baxo ee uu meel kale galo, inta uusan meesha uu ku jiro ka bixin ayuu meeshii uu aadi lahaa ama geli lahaa fiirsadaa, kolka uu arkado meel uu geli karo haddii uu meesha uu hadda ku jiro ka baxo, ayuu bannaanka isu soo saaraa asiga oo ordaya oo tiigsanaya halkii uu doonayay in uu gaaro.

Intaas oo dhan wuu ogyahay qof kasta oo soomaali ah oo arkay bakayle, hase ahaatee, xigmadda murtida ku jirtaahi ma aha in la barto bakaylaha iyo sida uu u dhakado, ee waa in dadku ka faa'iidaysto waaya aragnimada uu soo marayo iyo dhibaatooyinka uu la kulmayo maalin kasta inta uu noolyahay.

Soomaalida maanta waxaa joogta debadda waxay kor u dhaafayaan dhowr milyan, Ameerika kaligeed 25 kun baa gashay, kanadana waxaa lagu qayaasay 100 kun in ay kor u dhaaafeen, danmark waxaa la sheegay in ay joogaan dad aan ka yarayn 16 kun, urub inteeda kalena iskaba daay, dadkaas soomaaliyeed ee debadda u soo baxay dhibaatooyin badan baa haysta, halkan waxaan doonayaa in aan tilmaamo mid ka mid ah dhibaatooyinkaas, taas oo ah in qaar badan oo dadkaas ka mid ah ay ku indha sarcaadeen ilbaxnimada sare ee dalalkaasi gaareen, kolkii ay soomaalidu dalakaas u qaxeen badankoodu way la qabsan waayeen nolosha dalakaas ka jirta, taasina runtii la yaab malaha, ee waxaa calool xumo leh in aad badanaa arkaysid qaar soomaali ah oo moodaya in ay dalaka ay u qaxeen ama ay deggan yihiin ab ka ab ka dhaxleen, taasina waxay keentay in ay dantoodii iyo naftoodii illoobeen, oo ay hadal macna la'aan ah iyo caay iyo aflagaaddo wax aan ahayn isku howlayn.

Tusaale waxaa kuugu filan in aad eegto beejka (somali on line)si aad u aragto cajaaibka iyo horumarka la yaabka leh ee ay soomaalida maantu gaartay, mooyi wax beejkaas loo bixin doono, waxaanse ogahay in soomaalidu u bixisay (idaacadda maangaabta) BBCda maxaa yeelay waxay fureen barnaamij ay dadka ra'yigooda ku waraysanayaan, kolkaas baa soomaalida qaar ka mid ah ku daacdaacsan jireen, taas ayaana keentay in loo baxsho idaacadda maangaabta, waxay uga jeedaan maangaabta ayaa ku hadasha.

Taas ugama jeedo in soomaali oo dhan sidaa tahay, waana ognahay in ay jiraan soomaali nafteeda iyo danteeda taqaan, ee waxaan doonayaa in aan farta ku fiiqo dhibaatada haysata qaarkaa soomaalida ah ee garan waayay inta uu garto xayawaanka yar ee bakaylaha ahi, waxay garanwaayeen in ay meel eegtaan inta ay hadda dalakaa hore u maray joogaan, oo aanay fursaddaa iska lumin.

 

------------333333333333333--------------

Bogga 3aad: Maxaa Laga Wadaa?

Maxaa laga wadaa (Bun)?

Waxaa qoray Hersi M. Labagarre

geedka bunku, miraha bunka ayuu dhalaa, waana geed aad u waxdheef badan oo aad loo beerto, caleemo yaryar iyo laamo aan badanaa toosnayn ayuu baxshaa. Miraha bunka oo ayagana siyaalo badan oo kala duwan loogu dheefsado, badanaa cabitaan jaadad badan leh ayaa laga sameeyaa mirahaas ka dib marka la dubo. Soomaalidu waxaa kale ee ay bun u taqaan, sharuur subag ama saliid iyo miraha bunka oo laysku dhalaalshay ka kooban, oo dalka soomaaliya dhankiisa koofureed aad looga yaqaanno, waxaadna ogaataa in sharuurku yahay jaad bunka ka mid ah, maxaa yeelay bunku dhaqan iyo xeerar iyo hidde soomaalidu dhowrto ayuu leeyahay, xeerarkaasna aad ayaa loo dhowraa, maxaayeelay, soomaalidu waxay rumaysantahay in bunku diinta ka mid yahay ama diinta xiriir toosan la leeyahay, waana arrin gar ah oo aan cidna ka murmi karin, maxaa yeelay arrintu bunka laftiisa oo kali ah ma taagna ee bunku wuxuu astaan u ahaa walina u yahay wax la bixidda, ama dheefinta martida, ama alla bariga waxyaalahaas oo dhan ayuu bunku tilmaan u yahay oo maskaxda soomaalida marka la eego habka ay u dareemayso arrinta bunka waxaa caddaanaysa in ay isku xiranyihiin, sidaa darteed, marnaba bunka diinta lagama fogaynkaro, haddii aan tixgelino habka ay soomaalidu u dhugsatay, maxaa yeelay, diintu in wax lala baxo oo dadka martida ah la dhaqaaleeyo, oo danyarta la dheefsh ayay faraysaa soomaaliduna arrimahaas ay diintu farayso ayay bunka tilmaan uga dhigteen, sidaa darteed ayaa odayaasha qaarkood waxaa laga sheegay in ay dheheen, "waa beryay oo aan murxo buneed iyo salaad arraxmaan lahayn, in uusan beryin baa roonayd" ujeeddaduna waxay isugu soo biya shubanaysaa, waa kasta oo berya oo aan eebbe loo tukan, waxna xaggiisa loola bixin in uusan beryin ayaa la qaatay, marka bunku wuxuu u taaganyahay, waxa xag eebbe loola baxayo, waxaana taas kuu sii caddaynaya in marka bunka la dubayo badanaa qof deriska ah loo yeero haddii aan markaas martiyi joogin haddii aan qof deris ah la helin, aabbaha iyo carruurtiisa iyo qoyska intiisa kale ayaa cuna, waxaana in la tilmaamo mudan, in todobaatameeyadii wixii ka dambeeyay ay wadaadadii cusbaa ee dhallinyarada ahaa ee dalalka carabta wax ku soo bartay dagaal iyo weerar ku qaadeen dhaqanka bundubidda ah, oo ay wadaaddadii hore ee dhaqanka iyo diinta isku weday hiddahaas ku dhaleeceeyeen, waxaana hubaal ah in ay taas dhallinyaradu ku gafsanaayeen maxaa yeelay uma aysan fiirsan arrinta nuxurkeeda ee way iska weerareen, dhallinyaradaasi dhaqamo badan oo diinta la socday oo aan ka hor imaanayn ayay sidoo kale weerar ku qaadeen, taasna wixii ka yimid iyo dhibaatadii ka dhalatay waaba la ogaay oo hoogga maanta dalka ka taagan arrintaas ayaa xubin wayn ka qaadatay, maxaa yeelay, weerarka jaadkaas ah, wuxuu dhalshay in ninkii reermiyiga ahaa, uu beelo kalsoonidii uu duqaydii iyo wadaaddadii hore ku qabay, aqoon cusubna uusan helin oo uu taas dabadeed dadcun aan wax anshax ah lahayn ku soo baxay, soomaaliduna sida la wada ogyahay badankeedu waa dad aan aqoon lahayn oo reermiyi ah reermagaalkooda laftiisu wax aqoon leh ama ilbax ahi way ku yaryihiin, waxa kali ah ee celinayay ee anshaxa toosan iyo is turidda ku hayayna wadaaddadii hore iyo dhaqankii ayay ahaayeen, markii labadaas soomaalidii laabtooda laga tiray oo wadaaddadii iyo hiddihii loo caayay oo diintii hore ee ay wadaaddadu haysteen iyo awyaalkii laga dambaynjiray lugta lagu dhuftay ayaa dadkii dadcun aan wax uu dhowranayo la arkin soo baxay taasina waxay ka mid tahay waxyaalaha loo aanaynayo arinta maanta soomaaliya ka taagan ee umuladooxa ah, intaas ka dib, haddii aan arrinta bunka wax kaaga sheego, bunku xeerar iyo dhaqan u gaar ah ayuu leeyahay, waxaana xeerarkaas ka mid ah in bunka subag sixin ah ama saliid macsaro lagu dubo, hadii labadaas la waayo, waa in caddeey lagu dubo, taasi waa arrinta dufanka ku saabsan, murxuhuse waa in ay haldhan ahaadaan oo aysan bolol iyo wax xorre galay ahaan, waana in la jebsho, waana in laga duceeyo, bunka ka ducayntiisuna saddex jeer weeyaan sida wanayga looga duceeyo oo kale, marka murxaha la keeno ayaga oo ceeriin ah oo kurbin ku jira oo la gooyo ayaa reerka iyo bulshada loo eebbe tuugaa awyaalka waawayn ama awliyada iyo intii xag eebbe u kacdayna loo baxshaa, inta joogta eebbe ha ku dhorana waa la yiraahdaa, arrinta bunka ka ducayntiisa ku saabsanna sheeko ayaa iga soo martay, aniga iyo nin cali hayaan la dhihi jiray oo majeerteen u dhashay iyo nin asigana maxamad cabdulle qaanso la dhihi jiray oo daa'uudkii abgaal u dhashay, saddex deennuna aan ka shaqayno waaxda dugsiyada sare ee wasaaradda waxbarashada soomaaliya, ayaa la kaftamay, kolkaas baa cali hayaan ina cabdulle qaanso ku yiri, walaalow marka aad bunka dubataan ee aad ducaysanaysaan, maxaad tiraahdaan, maxamad wuxuu ugu warcelshay, waxaan dhahnaa:(intii xun eebbe ha naga hayo nacabkeenana eebbe ha jebsho gacalkana allaha ku dhowro, intii jirranna shuushkooda shimbir waalan eebbe ha ku raro, oo daarood iyo meel daran allaha ku rido)!!! kolkaas baa cali hayaan soo booday oo yiri: tol beelay, oo illee waa taas tan hoogga iyo jirrada inoogu wacnayd!, maashe cudurka iyo jirradu inaga bixi diidday!!! Ducada labaadna waa marka la keeno ee odayaasha ama wadaadda la soo hor dhigo asiga oo bisil oo duban, tan saddexaadna waa marka la cuno oo laga soo jeesto, jebinta bunka iyo dubiddiisa iwm, dhamaantood xeerar u gaar ah ayay leeyihiin,intaas waxaa sooraaca toorka bunka, waana cuntada bunka lagu cunayo, badanaa waxaa toor laga dhigtaa, cambuulo digir ah ama cambuula gudud ah ama hammuu' ah, ama muufo iwm, haddii murxuhu yaryihiin, daango ayaa lagu badshaa, haddii toor la'aani jirtana daangada lafteeda ayaa toor looga dhigaa.

 

------------44444444444----------------

 

Bogga 4aad: Diinta Islaamka:

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab

Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi Labagrre.

 

TAWXIIDKA

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:

[Jinni iyo Insi waxaan cibaadadayda ahayn uma abuurin] Ad-daariyaat 56.

Waxaa kale oo Eebbe yiri:

[Waxaan ka bixinnay umad kasta rasuul inay caabudaan Eebbe kana dheeraadaan Daaquudka (waxyaabaha Eebbe ka sokow la caabudo) waxaana ka mida dadka cid Eebbe hanuuniyay, waxaana ka mida ciday ku sugnaatay baadinomo, ee socda dhulka oo eega siday noqotay ciribtii beeniyayaasha] An-Naxl 36.

Waxaa kale oo Eebbe yiri:

[Wuxuu faray Eebbahaa inaydaan caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo fashaan labadii waalid samo falid, hadduu ku gaaro agtaada wayni midkood ama labadooduba ha ku dhihin uf, hana canaanan una dheh hadal fiican] Al-Israa' 23.

Waxaa kale oo Eebbe yiri:

[Caabuda Eebbe hana la wadaajinina waxba]An-Nisaa' 36.

Waaxaa kale oo Eebbe yiri:

[Waxaad dhahdaa kaalaya aan idiin akhriyo waxa Eebbe idinka reebay, waa inaydaan wax la wadaajin, labada waalidna waa inaad u samo fashaan, oydaan layna carruurtiinna saboolnimo (baahi darteed) annagaa idinka iyo ayagaba dheefin, hana u dhawaanina xumaanta teeda muuqata iyo teeda qarsoonba, hana dilina naftii Eebbe reebay in xaqdarro lagu dilo, saasuuna Eebbe idinfari inaad wax kastaan]

Hana u dhawaanina xoolaha agoonta si fiican mooyee intay ka gaadhaan xooggooda, dhammaystirana miisidda iyo miisaanka si caddaalada, laguma kallifo nafi waxayan karin, haddaad hadlaysaanna caddaalad fala qaraababa ha ahaadee, oofiyana ballanka Eebbe, sidaasaana Eebbe idin faray inaad waantowdaan.

Kaasina waa jidkayga toosaan ee raaca, hana raacina wadiiqaha oo idinla kala tago (idinka leexiya jidka Eebbe) saasaana Eebbe idin faray inaad dhowrsataan]

Al-Ancaam 151-153.

Ibnu Mascuud wxuu yiri: Ninkii doona in uu arko dardaarankii dhabta ahaa ee Nabi Muxamad nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ha aqriyo qowlkii Ilaahey:

[Waxaad dhahdaa kaalaya aan idiin akhriyo waxa Eebbe idinka reebay, waa inaydaan wax la wadaajin] inta laga gaaro... [Kaasina waa jidkayga toosaan](waa saddexda aayadood ee kor lagu soo xusay).

Waxaa Mucaad Ibnu Jabal raalli Allaha ka noqdee laga soo weriyay in uu yiri: Dameer uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee saarnaa ayaan fansaar ku ahaa kolkaas buu wuxuu igu yiri:"Mucaadow, ma garanaysaa xaqa Eebbe addoomihiisa ku leeyahay, iyo xaqa ay addoomuhu Eebbe ku leeyihiin ?, kolkaas baa iri: Eebbe iyo Rasuulkiisa ayaa iga og. Kolkaas baa Nabigu yiri: xaqa Eebbe addoomihiisa ku leeyahay waa in ay caabudaan iyaga oo aan cid kale ku lammaanin, xaqa addoomuhu Eebbe ku leeyihiinna waa in uusan cadaabin ninkii aan cid kale ku lammaanin. Kolkaas baa iri: Rasuulkii Eebbow arrintaas dadka ma ugu bishaareeyaa?. Wuxuu yiri: ha ugu bishaarayn yaaney is dhiganin e'" {Bukhaari & Muslim}.

MAS'ALOOYINKA CASHARKA

Tan 1aad: Waa xigmadda aadanaha loo abuuray.

Tan 2aad: Waa in cibaadadu ay tawxiid tahay, maxaa wacay dooddu asiga ayay ka taagantahay.

Tan 3aad: In ninkii aan Tawxiid sax ah la imaan uusan Eebbe caabudin. Waxaana meeshaa ku jira ujeeddadii qowlkii Eebbe ee ahaa:

[Idinna ma caabudaysaan Eebbahaan caabudi] Al-Kaafiruun 3.

Tan 4aad: Waa xigmadda ku jirta Nabiyaasha soo diriddooda.

Tan 5aad: Waa in fartiintii Nabigeennu Umadaha oo dhan gaaratay.

Tan 6aad: In diimaha nabiyaalku isku mid yihiin (oo isku meel ka yimideen).

Tan 7aad: Oo ah arrin wayn, waana in aan cibaadada Eebbe toosayn haddii aanan shaydaan (Daaquudka) laga furan, waxaana taas laga dhugsan karaa Qowlkii Eebbe ee ahaa:

[Ruuxiise diida Dhaaquut(shayaadiinta iyo xume fare wixii ah) oo rumeeya Eebbe wuxuu qabsaday xadhig sugan]

Al-Baqarah 256.

Tan 8aad: Waa in Daaquudku koobayo wax kasata oo Eebbe ka soko la caabudo.

Tan 9aad: Waa in aayadaha saddexda ah (ee la soo sheegay) ee suuradda Al-Ancaam, ay mudnaan wayn ka lahaayeen asaxaabihii hore agtooda, kuwaas oo ay ku jireen arrimo toban ah tan ugu horraysana ay tahay in shirkiga laga reebtoomo.

Tan 10aad: Waa aayadaha Suuradda Subxaan (Al-Israa') oo ay ku jiraan siddeed iyo toban masalo kuwaas oo uu Eebbe ku billaabay:

[Ha yeelin Eebbe agtiisa ilaah kale ood noqotid mid caayan oo la khasaariyo] Al-Israa' 22.

Kuna dhameeyay:

[Hana yeelin Eebbe la jirkiisa Ilaah kale oo lguu tuuro Jahannamo adoo lagu dagaalay oo lgu fogeeyay] Al-Israa' 39.

Waxaana Eebbe ina tusaaleeyay mudnaanta ay mas'alooyinkaasi leeyihiin, wuxuuna yiri:

[Arrintaasu waa waxa Eebbahaa kuu waxyooday oo xigmada]

Al-Israa' 39.

Tan 11aad: Waa aayadda suuradda Annisaa' ee lagu maga caabo aayadda xuquuqaha tobanka ah taas oo uu Eebbe ku billaabay [Caabuda Eebbe hana la wadaajina waxba..] An-Nisaa' 36.

Tan 12aad: Waa in xaddiisku ina xasuusiyay dardaarankii Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee kolkii uu dhimanayay.

Tan 13aad: Waa barashada xaqa Eebbe inagu leeyahay.

Tan 14aad: Barashada xaqa addoomuhu Eebbahooda ku

leeyihiin haddii ay xaqiisa gutaan.Tan 15aad: Waa in masaladan aysan asaxaabta Nabigu badankoodu ogayn.

Tan 16aad: In ay bannaantahay in cilmiga la qarsho haddii sidaa dantu ku jirto.

Tan 17aad: In ay wax la jeclaysto tahay in muslinka loogu bishaareeyo wixii uu u begayo.

Tan 18aad: In laga baqayo in la isdhigto ayada oo la isku hallaynayo naxariista Eebbe wayninkeeda.

Tan 19aad: In qofkii wax la waydiiyo uu yiraahdo "Eebbe iyo Rasuulkiisa ayaa naga og" wixii uusan garanayn.

Tan 20aad: In ay bannaantahay in cilmiga dadka qaarkood loo sheego qaar kalena aan loo sheegin.

Tan 21aad: (waxaa xaddiiska laga kororsanayaa) In aan Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee iska waynaysiin dammeer fuuliddiis asiga oo uu fansaarka (ama fangelisku) u dheeryahay.

Tan 22aad: In ay bannaantahay in ayada oo neef la saaranyahay qof kale la fangelsho.

Tan 23aad: Waa fadliga uu leeyahay Mucaad Bin Jabal.

Tan 24aad: Waa mudnaanta wayn ee ay arrintani (Towxiidku) leedahay.

 

--------------5555555555---------------

 

Bogga 5aad: Bogga dhallinyarada(Maantoole)

(SHEEKADII DIINKA IYO DAANYEERKA)

 

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac

Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

 

waxaa la yiri daanyeer baa boqor u ahaa daanyeerada, kaas oo magaciisa la yiraahdo maahir, wuxuuna ahaa mid gaboobay oo duqoobay, daanyeer dhallinyar oo qoyska reer boqor ka mid ahaa ayaana ku kacaamay, oo maamulkii ka faramaroogsaday, kolkaas buu cararay oo hortiisa u baxsaday, intii uu xeebta ka gaaray, halkaas oo uu ka helay geed ka mid ah geedaha berdaha, kolkaas buu fuulay oo hoy ka dhigtay, asiga oo maalin maalmaha ka mid ah berdihii ka miraysanaya ayaa berde gacantiisa ka dhacay oo biyihii ku dhacay, kolkaas buu ka maqlay cod iyo jabaq, wuxuuna billaabay in uu marna cuno marna tuuro, taasina way bururisay, markaas buu mirihii berde biya ku dhex tuuristoodii badshay, diin qubo ayaana mirihii soo dhacaba hoos ka cunayay, markii sidaasi in badan socotay baa diinkii mooday in uu taas asiga awgiis u yeelayo, kolkaas buu jeclaystay in uu waday la noqdo, wuuna dhawaystay, wuuna la hadlay oo midiba midkii kale ayuu weheshaday.

 

Hase ahaatee diinku ooridiisii ayuu in door ah ka maqnaaday, wayna ka welweshay oo deriskeeda bay arrintaas uga sheegatay, waxayna ku tiri; waxaan ka baqayaa in wax ku dheceen oo dileen, waxay tiri: ninkaagii xeebta buu joogaa, daanyeer bayna is weheshadeen wuuna la cunaa oo la cabbaa, asiga ayaana ninkaagii kaa gooyay, agtaadana kuma nagaan karo intii dhagar aad daanyeerkaa ku disho aad ka helayso.

 

Waxay tiri; oo sidee yeelaa?.

Deriskii waxay tiri: haddii uu kuu yimaado is jirri, haddii uu ku waydiiyana ku dheh, dhaqtarradu beer daanyeer bay ii qoreen.

Kolkaas baa diinkii in ka dib aqalkiisii aaday, wuxuuna arkay xaaskiisii oo bukta, oo murugaysan, wuxuuna ku yiri; waa sidee si baan kuu arkaaye ?.

Tii deriskeeda ahayd baa u war celisay oo tiri: ooridaadu way bugtaa oo waa bisteed, dhaqtarraduna waxay u qoreen beer daanyeer, baan kalena ma leha.

Diinkii: taasi waa arrin culus, xaggee baannu beer daanyeer ka helaynaa annaga oo biyahan dhex joogna, hase ahaatee, wadaygay baan dhagrayaa.

 

Kadibna xeebtii badda ayuu aaday, kolkaas baa daanyeerkii ku yiri: walaalow, maxaad iiga maqnaatay?.

Diinkii wuxuu ku yiri: xishood aan kaa xishoonayo ayaan kaaga maqnaa, maxaa yeelay garan maayo si aan samafalkii aad ii gashay kaaga abaal mariyo, waxaanse kaa doonayaa in aad samafalkaaga ii dhamaystirto, oo aad aqalkayga igu soo booqato, waxaanna degganahay jasiirad aad u mira wanaagsan, ee dhabarkayga soo fuul si aan kuula dabaasho, daanyeerkiina taas wuu jeclaystay oo wuu soo degay, diinkii buuna dusha ka fuulay, wuuna la dabaashay, kolkii uu bartamaha biyaha geeyay, buu xumaantii uu u qarinayay ee dhagarta ahyd u soo bandhigay wuuna hundhursaday.

 

Daanyeerkii: maxaa kugu dhacay oo aad la murugootay?.

Diinkii: murugadaydu wax kale ma aha e', waxaan xasuusty in ooridaydii aad u jirrantahay, taasina waxaysan ii ogolaanayn in aan si wanaagsan kuu dhaqaaleeyo oo kuu wanaajiyo.

Daanyeerkii: inta aan dadaalka aad dhaqaalayntayda ugu jirto ka ogahay, ayaa deeqda dhibkeeda kaa baajinaysa.

 

Diinkii: waa hagaag, daanyeerkii buu in kale la dabaashay, dabadeedna wuu la istaagay, kolkaas baa daanyeerkii dhiillo gashay, wuxuuna is yiri, diinkani waxa uu la joogjoogsanayo wax kale ma aha ee arrin baa kolley jirta, mana hubo in laabtiisu iga gaddoontay oo jacaylkaygii ka baxay oo uu jab ila doonayo iyo in kale, maxaa yeelay, wax laabaha ka fudud oo ka gadgaddoon badani ma jiraan, waxaana dhici karta in la yiraahdo, ninka wax garadka ah waxaa la gudboon in uusan illoobin la tashig xaaskiisa, walaalihiis, wadaygiis arrinkasta oo timaada, uuna la tashado goorwalba, weer walba, marka uu istaagi rabo, iyo marka uu fariisanayo, iyo markastaba, maxaa yeelay intaas oo dhami waxay ku marqaati furayaan waxa laabta ku jira, indheergarataduna waxay tiri, haddii wadaygu ka labalabeeyo wadaygiis si geesinima leh ha uga feejignnaado, ilbiriqsiyada iyo gooraha uu marayana arrintaas ha iska baaro, haddii maladiisu rumowdana nabadgelyo buu helaa, haddii ay beenowdana go'aan hore buu u gaaray taasina wax dhibaato ah uma keento.

 

Diinkii buu markaa ku yiri; maxaa ku joojiyay maxayse tahay murugada iiga kaa muuqata?, waa adigan u eg wax isla hadlaya e'.

Diinkii: waxaan la murugoonayaa waa in aad aqalkayga tagto sida aan jecelahay si aan ahaynna aad arrintayda u aragto, maxaa yeelay naagtaydu way xanuunsantahay.

Daanyeerkii: waxba ha murugoonin, murugo wax kugu tari mayso e', ee raadso wax ooridaada baaniya oo daawo iyo cunto ah, maxaa yeelay waxaa la yiraahdaa, ragga hodonka ahi hantidooda afar meeloodba ha ku bixiyeen, deeqda, gooraha baahidu jirto, carruurtooda iyo xaaskooda.

Diinkii: waa runtaa, waxayse dhaqtarradu dheheen, baan aan wadne daanyeer ahayn ma laha.

 

Kolkaas baa daanyeerkii is yiri; tollahay, dadaal iyo hunguri waynin baa duqnima igu helay, intii aan uga dhacay hoog iyo wareer, runbuuna sheegay ninkii yiri; ninka hunguri iyo laab samaada, degganaan iyo nabad buu ku noolaadaa, kan dadaalka badan ee hunguriga waynina, inta uu noolyahay dhib iyo daal buu ku noolaadaa, aniguna maanta maskaxdayda baan u baahnahay, si aan u helo illin aan kaga baxo dabinka aan ku dhacay, kolkaas buu diinkii ku yiri; oo maxaad iigu sheegi waysay arritaas intii aan aqalkaygii joogay si aan wadnahaygii u soo qaado, maxaa yeelay tani hidde bay inootahay haddii aan nahay bah daanyeer oo marka qof naga mid ahi u baxo in uu waday soo booqdo wadnihiisa wuxuu uga soo tagaa reerkiisa ama aqalkiisa, si haddii aan eegno qofka aan soo booqanayno xaaskiisa aan u eegno annaga oo aan wadnaheenna sidan.

Diinkii: oo wadnahaagii xaggee buu hadda jiraa?.

Daanyeerkii: geedkii baan uga soo tegay ee haddii aad doonayso geedkii inoo celi, si aan kuugu soo qaado.

Diinkii arrintaas wuu u bogay, wuxuuna yiri, wadaygay wuu i afgartay aniga oo aan dhagrin, kadibna daanyeerkii buu halkii ula noqday, kolkii diinkii xeebta u dhawaaday buu dhabarkiisii ka booday oo geedkii fuulay, kolkii uu diinkii ka daahay, baa diinkii u yeeray oo yiri: wadaayow, wadnahaaga soo qaad oo soo deg dibbaad ii dhigtaye'.

Daanyeerkii: waligeedna, ma waxaad i moodaysaa in aan ahay sidii dawacadii ku andacootay in uusan dameer wadne iyo dhega lahayn.

----------dhamaad--------------------

 

------------666666666--------------

 

Bogga 6aad: OGAYSIIS

 

-------------***************-------------------

Walaalayaal Qofkii doonaya in loo soo diro wargayska

Codka Soomaalida Cusub toddobaad kasta, ha iisoo diro E-mail asiga oo ku soo qoraya weertan:

[U soo dir Codka Soomaalida Cusub (hebel hebel)] meesha (hebel hebel ku qorantahay magacaaga geli.

-------------***************-------------------

 

------------**************---------------------

Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaya in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee aad doonaysaan in aad ku fidisaan wargayskan, usoo dira: (hersi@brunet.bn)

ama (somalilanguage@angelfire.com)

ama (codkasomalidacusub@angelfire.com)

ama (hilole@hotmail.com)

------------***************---------------------