|
|
BOGGA 1AAD |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD |
|
Somalia ayaa dunidda ugu haysata gudniinka haweenka! December 16, 1998, Nairobi, Kenya (PANA), Somalia Waa waddanka ugu badan dunida xagga gudniinka haweenka, sidaa waxaa sheegay warbixin caafimaad. Waxayna intaa ku dartay in boqolkiiba 98, haweenka soomaaliya ay soo mareen gudniin dhibaatooyin badan ugaystay. Eritrea ayaa waddanka labaad ah (boqolkiiba 94.5), Mali (93.7), Sudan (92.8), Afrikada Dhexe (43.4), waxaana ugu yar Africa Kongada Dimuquradiga boqolkiiba 5 ah. Gudniinka Haweenka dunida oo dhan baa laga yaqaan, laakiin wuxuu aad ugu fidsanyahay diilinta dhexe ee qaaradda Afrika Gudniinka maalmahan dambe waxaa aad looga xiiseeyay waddamada reergalbeedka sida Canada, England iyo USA oo ay u soo qaxeen dad ka yimid meelahaa laga isticmaalo gudniinka haweenka. Warbixintaasi waxay sheegaysaa, in haween tiradoodu u dhaxayso 85 iyo 114 , oo isugu jira, gabdho iyo naago, oo maanta nool la guday, waxaana lagu qiyaasay laba milyan inta sanad kasta la gudo. Warbixintaas waxay ku salaysantahay, daraaso cusub oo lagu sameeyay Baydhabo (Somalia), waxaana la helay in 55.4 boqolkiiba haweenka la guday ay qabaan waqti caado oo an caadi ahayn. Daraaso kale oo Suudan lagu sameeyay waxaa lagu arkay, in 16.4 boqolkiiba haweenka gudani ay la kulmaan dhibaatooyin sida fasas uga dhaca kaadimareenka, qaarna ay wasaq-hays iwm ku dhacaan. UN ka oo Somaliya u yaboohaya $65.7 Million Geneva, December 15, 1998 - Hay'adda Qurumaha midoobay ayaa waxay soomaaliya u yaboohaysaa lacag gaaraysa $65.7 Million, lacagtaas oo la doonayo in lagaga hortago gaajo ba'an oo loo malaynayo in ay soomaalida ku habsan doonto sannadka soo socda ee 1999ka. Waxaa la sheegayaa in gaajadaasi ay khatar ku hayso dad gaaraya ilaa 1 Million, waxaana dhibaatada gaajadaas si aad ah looga baqayaa in ay disho 300, 000 oo qof. Meelaha laga baqayo in aad loogu la'do waxaa ka mid ah goballada Bay iyo Bakool oo sanadkii 1992kii ay gaajadu sida xun ugu laysay dad lagu qiyaasay 200 oo kun. Yaboohaa UN ku sameeyay Somaliya waxaa la socota, warbixin dheer oo ka faallaynaysa xaaladda dalku soo maray iyo midda uu hadda ku suganyahay iyo waxa la malaysanayo, waxaan isku diyayaa in aan tarjamo dhammaystiran u soo gudbiyo aqristayaasha wargayskan, aniga oo dhowr toddobaad ku soo qori doona ararta wargayska. Marka dhammaan aqristayaasha xiiseynaya warbixintaas, waxaan ka rejaynaynaa in ay maqaalladaas aan soo turjumi doono la socdaan. Dagaallo ka dhacay Koofurta Somaliya MOGADISHU, Dec 13 (Reuters), Dabayaaqadii toddobaadkii la soo dhaafay ayaa dagaallo ba'ni ku dhexmareen agagaarka magaalada kismaayo labada jabhadood ee ay kala hoggaanshaan Jenaral Maxamad Saciid "Morgan" iyo Kornail Maxamad Warsame. Sida la ogyahay jabhadda Morgan waxay salka ku haysaa qabiilka Majeerteen, Jabhadda Maxamad Warsamana qabiilka Mareexaan. Labada qolo waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay dhex maray loollan ay qola waliba ugu jirtay qabsashada magaalada dekedda leh ee Kismayo, hase ahaatee labadii sano ee la soo dhaafay waxaa gacanta magaalada ku hayay ciidanka Jeneral Morgan, Jabhadda Mariixaankana dibadda ayaa looga saaray magaalada. Dagaalkan cusub xooggiisu wuxuu dhacay sabtidii la soo dhaafay, wuxuuna ka billawday baa la leeyahay ciidanka Morgan oo weeraray meelo ay haysteen jabhadda Mareexaanku, kadibna waxaa la is dhaafsaday hubka jaadadkiisa kala duwan, dadkuna waxay sheegayaan in kun nin ay qola waliba dhinaceeda dagaalka ka soo gelisay. 22 qof ayaa ku dhintay 35 kalena way ku dhaawacmeen dagaalladaas, maalintii axadda ayaa xabbaddii joogsatay, ciidanka Moorgan ayaga ayaa magaalada wali haysta, ciidankii Warsamena waxay u laabteen goobohoodii. |
|
Ma Is-Qabaan, Mise Way Is-Fureen? Ibrahim Moallim Mursal Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands Tele/Fax +31 -545 -476 -473 |
|
Furitaan Samadda ayuu Kuu Jiraa! Midda labaad waa maamulka dhaqaalihii soo kordhay. Ninka haddaba wuxuu u arkaa wixii soo kordhay maamulkooda in uu isagu u madax banaan yahay, amase wax isagu soo shaqaystay. Dakhliga afadiisane inuu yahay mid ka wada dhaxeeya oo weliba isagu ninkii yahay oo ka talinayo. Dhanka kale haweynaydu waxay u aragtaa waxa ay qaadato wax iyada u gaar ah oo sidii ay doonto u maamusho. Badanaa way oggoshahay in reerka masaruufkiisa ay door wayn ka qaadato, laakiinse ninka ay ka doonayso qaybtiisa masaruufka uu wax ka bixiyo. "Illeen iyadu ninkii ma ahee, reerka masaruufi mayso!" Halkaasna waxaa ka dhasha xurgufta ugu wayn oo lagu kala baxo oo hooy-qoyseedkii lagu xayaayibiyo. Markaas ayaa la yiraahdaa Arimo Dhaqaale awgood ayaa reerku u dumay. Waa run, laakiinse ma aha is-qab-qabashadan dambe ee waa bilowgii basaresashada "gemeente"da. Inta kale waa wixii ka dhashay "The impact". Halkaas ayuu muranku ka bilowdaa oo ay timaadaa I-Fur iyo Ma-ku-furayo! Haddaadan i furaynin Gurigayga iiga bax. Waa yahay Furitaan Samadda Ayuu kuu jiraa, laakiin Gurigaaga waan kaaga baxayaa! Waa socotaa.. Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre Rabadaanka Barakaysan Dhammaan dadka Muslimka ah ee dunida guudkeeda ku nool, waxay filanayaan 19ka ama 20ka bishan December, in ay billaabato bishii Rabadaan ee barakaysneed. Rabadaanku ama soonku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamka, qof kasta oo Muslim ahna (haddii uusan cudurdaar lahayn) waxaa looga baahanyahay in uu cuntada iyo galmada ka soomo maalmaha bishaa, habeenkiina waa loo banneeyay waxyaabahaas. Dooni maayo in aan tirsho faa'iidooyinka diimeed iyo kuwa caafimaad ee uu leeyahay soonku, maxaa yeelay waa iska muuqdaan, oo soonka maanta waxaa isticmaala umado aan islaam ahayn ayaga oo doonaya in ay caafimaadkooda ku hagaajiyaan. Rabadaanka iyo Soomaalida Soomaalida waxaa loo kala qaybin karaa laba qaybood, qolo waddankii soomaaliya ku nool iyo qolo dibadda uga soo baxday dalka, qolowaliba dhibaatadeeda ayaa haysata, marka laga eego sida ay u gudanayaan bishan soon qaad. Soomaalida dalka gudihiisa ku nool, badankoodu waxay la kulmi doonaan dhibaatooyin dhaqaale oo badan, taasna waxaa ugu wacan ayada oo dalkii sii abaarsaday iyo bisha rabadaan oo badanaa dadku u baahan yahay qarash badan. Soomaalida dibadda ku nool waxaa iyana waa laba nooc, qaar ku nool waddamo aan muslim ahayn, iyo qaar ku nool waddamo muslim ah, qolada hore waxaa lafilayaa in ay dhibaato kala kulmaan bulshada ay ku noolyihiin oo ah bulsho aan laga qiimaynayn diinta Islamka. Runtii sida muuqata dhibaatooyinkaasi waa kuwo dabiici ah, maxaa yeelay haddii aad doonayso in aad ku noolaato dal sidi soomaaliya oo kale ah, waa in aad dhibaato oo dhan ku tashato, raaxo iyo naxariisna ka samirtid, sidoo kale haddii dal aan muslim ahayn aad doonayso in aad sidi muslim ugu dhaqanto, dhibaatooyin badan baad la kulmi doontaa, laakiin waa in aad qorshaha horay ugu sii darsatay. Taas waxaan u leeyahay, maxaa yeelay dhibaatadu marka la filanayo xanuunkeedu wuu yaryahay, kolka ay kediska tahayna xanuunkeedu wuu badanyahay. Maka ninka jooga soomaaliya waa in uusan damcin nolol dabacsan, ninka jooga dhulgaalana waa in uusan damcin diin toosan. Waxaa Qoray: Cawil Farax Muse Qaybtii 2aad: Waa Maxay Qabiilku? Soomaalidu waa walaalo dhamaantoodna waa illmo Aadam, Laakiin eeddu waa qabyaalad, waana taan eednay. Labadii isjeclayd iyo labadii isdhashay, labadii walaalaha ahayd iyo Labadii isudhaxday. Macalin iyo ardaygiis, labadii waayo waayo istaqiinay ee aan qabyaaladda aqoon. Labadii daristee dabkoodu iskumidka ahaaa amba isumuuqday. Caruur cayaari tiqiinay ee aragoodu isku raagay. DHamaan dhulkii soomaali ku dambaabtay xaaladiisii waa xuumaatay, waxaa oo dhana waxa keenay waa qabyaalad kuraagatay. Rasuulkeenii nabi Muhamed(s.c.w) aad iyo aad buu inoogadigay qabyaaladda, sidaas daraadeed waxaa ku waajiba qokasta oo muslim ah in uu kadigtoonaado arinkaas, aan aduun iyo aakhiro midna anfac lahayn. Haddii aanu soomaali nahay tusaale fiican baan kahaysanaa, haddaan lays indo tirin, bal ufiirso markii qabyaaladu ka bilaabatay QURAC & QANSAX, waxay usii gudubtay laamo-laamo iyo caleen-caleen! Waxayna ilatahay, hub nalagurido kii ugu darraa inaytahay,lagana soo shiishay ama nalookaga soo riday BBC-da. Hadaba waxay ilatahay aniga fikirkayga gaaban, in inbadan lagaga hadlo si aallekacabsi kujirto, ayadoo aan qolo gooniya waxlagashiigin, sababta oo ah, magaranayo qollo ceeb kasaliim ah. |
|
BOGGA 3AAD |
|
Eedda Yaa iska leh? Dagaalkii toddobaadkan dhexdiisa lagu qaaray dalkaasi Ciraaq, wuxuu muujiyay dhowr waxyaabood oo horayba loo ogaa laakiin aan dadka qaarkiis rumaysnayn. Arrimahaas waxaa ka mid ah, Caddaalad darrada ay dowladaha reergalbeedku kula dhaqmayaan umadaha soo koraya, tusaale ahaa, arrinta baaritaanka hubka ee dalka Ciraaq lagu qaaday, waxaa ku howlanaa laba guddi, labadii guddaa guddi mid ka mid ah waxaa ka madax ahaa nin caddaan ah, midka kalena waxaa ka mid ahaa nin muslim ah, labadaa guddi waxay Hay'adda Umadaha midoobay u soo gudbiyeen laba warbixin oo is burrinaysa, Ameerika iyo Xulafadeedu waxay ku howlgaleen midkii uu soo gudbiyay ninkii caddaanka ahaa, kii ninkii muslimka ahaa soo gudbiyayna waa iska dhega tireen. Arrinta labaad waa, macangagnimada taliska Ciraaq, kaas oo si cad wali ugu sii madax adaygaya samaynta hub dunida lagu burbursho oo uusan awooddiisa lahayn. Arrinta saddexaad waa waxtar xumida golaha amniga ee Hay'adda Qarumada Midoobay. Tan afaraadna waa macna darida figradda xuquuqda aadanaha ee ay reergalbeedku la yeerayaan har iyo habeen. Dagaalkii Ciraaq lagu qaaday hal walxaato ayaa ka caddaaday, waana xasuuqidda dadka masaakiinta ah ee reer Ciraaq, haddaba yaa mas'uuliyadda la saarayaa? Adigu aqristow, qofkii aad doonto mas'uuliyadda saar, Maraykanka, Bill Clinton, Saddam Xusayn, Tony, Boqor Fahad, Sheekh Jaabir, iyo ciddii kale ee aad is leedahay ayada ayaa dhibaatadan ka dambaysay, balse maxaa taasi taraysaa, natiijadu waa in aan dad laynay, dhul iyo daarana burburinay, maxaa hadaba la faa'iiday? Pakistan oo 14 qof toogasho ku xukuntay Khamiistii la soo dhaafay ayaa saraakiisha dalkaasi Pakistaan qaar ka mid ahi sheegeen, in maxkamad loogu tala galay ka hortagga argagixisada, ay toogasho ku xukuntay afar iyo toban qof oo ka mid ahaa, jabhadaha muslimiinta dhacma ku dheggaahi wadaan. Waxaa intaa warku ku deray in dadkaa toogashada lagu xukumay ay ku jireen raggii laayay siyaasiyiintii Iran. Siddeed ka mid ah sunniyiinta dhacma ku dhegga ah, waxaa lagu soo eedeeyay in ay weerareen xafiis ay Iran ku lahayd Multan Bishii Feberuary 1997kii, dileenna maamulihii xafiiskaas Maxamad Cali Raximi. Lixda kalena waxay raacsanyihiin qolo shiico ah oo deggan Pakistan oo ayaguna asalraac ah, waxaana lagu soo eedeeyay in ay bishii September ee sanadkii 1996kii ay weerareen masaajid sunniyiintu leeyihiin oo halkaa ku dileen 22 qof oo salaad ku jiray. Qaanuunka Pakistan wuxuu nimankaa u saamaxayaa in ay naqtiin ka codsadaan maxkamadda sare ee dalka. Maraykanka oo Xiray Safaaradihiisii Africa Dowladda Maraykanka ayaa xirtay 40 safaaradood oo ugu yiil qaaradda Africa, waxaana wararku sheegayaan in safaaradahaasi xirraan doonaan laba maalmood oo kali ah, laga billaabo maalintii Ciraaq la weeraray. Sababta ugu wayn oo safaaradahaa loo xiray, waa nabadgelyo awgeed sida la sheegay. Safaaradahaa la xiray waxay ku yaallaan wadamada deggan dhulka Saxra-xigeenka ah ee Africa waxayna xirraan doonaan Deecember 17, 18, sidaa waxaa sheegay nin ka mid ah saraakiisha maraykanka. Saxara-xigeenka Africa waxaa Maraykanka ugu yiil 46 safaaradood, Congo, Somalia iyo Guinea Bissau safaaradihii ku yiil horey ayaa loo xiray. Hadda waxaa wali furan safaaradaha ku kala yaalla South Africa, Nigeria iyo Burkina Faso. Warku wuxuu intaa ku deray, in shaqaalihii joogay safaaradda maraykanka ee ku taalla Israil iyo Kuwayd ay u noqdeen dalkoodii, dadka maraykanka ah waxaa iyana amar lagu siiyay in aanay u safrin Ciraaq ayaga oo aan ogolaasho dowladda ka haysan. |
BOGGA 4AAD |
|
|
Qaybtii 2aad: Ma la daba soconkaraa erayadii gumaysiga? Markaa haddii la dabo soconayo magacyadii gumeysiga, dhulkaa maa loo bixiyo ”The British Somaliland”? Dabcan waxay noqon lahayd magac bixin tan ka sii foolxun. Magaca dhulkaa ku habboon, ammaba uu run ahaantii lahaa, waa Waqooyiga Soomaaliya, amma Soomaali Waqooyi. Qaladkaas in aynu saxno iska daaye mar kale iyo marar kaleba wuu inagu soo noqday, waxaana la maqlay ”Puntland” iyo ”Jubbaland”. Puntland waa tarjumidda ingiriisiga ah ee magacii ay faraacinadu Soomaaliya u yaqaanneen, kaas oo ahaa ”Dhulkii Udugga” amma ”Dhulkii Ilaahyada”. Haddaba qoladan dambe haddii ay magac soomaaliga uga carareen sabab aan la garanayn, may qaataan magacii ay faraacinadu afkooda ku bixiyeen oo aanan aniga qudhaydu maanta aqoon? Mise waxay moodayaan in uu magac Ingiriisku bixiyey, amma ay faraacinadu af ingiriisi ku hadli jireen? Taa waxaa dheer magcaas oo uu ku jiro xaraf aan dhawaaqa af soomaaligaba ku jirin, kaas oo ah ”P”. Haddaba carruurta soomaaliyeed ee gobolkaa ku dhaqan ma waxaa lagu karbaashi doonaa in ay bartaan dhawaaqa aan afkooda ahayn ee ”P”? Mise waxaa lagu beddeli doonaa ”B”? ”Jubbaland” iyana waa magac bixin micno darrada labadaa hore kala mid ah. Haddaba waxaad mooddaa in aan kala googo’a oo keliya loo kala dheeraynayn, ee lakala boobayo magacyo ingiriisi ah. Waa socotaa... |
|
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan] Golayaasha Taliska Golaha Wasiirada Xukuumadda "Golaha Wasiirada", waxay ka kooban tahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirada; waxayna u xilsaaran tahay arimaha ku saabsan fulinta hawl Dowladeedka. Xukuumadda jiritaankeeda waxay ku xiran tahay mar kasta in ay kalsooni ka haystaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Golaha Baarlamaanka. Xukuumadda waxay xambaarsanaysa gefafka ka dhaca Madaxwaynaha Jamhuuriyadda isaga oo gudanaya xilkiisa Madaxwaynenimada (Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka ama Wasiirada wax ka saxiixay arintaas). Golaha Garsoorka Awoodda Garsoorka waxaa xambaarsan Garsoorka. Xubinta Garsoorka Qaranka ugu sarreysa wa Maxkamadda Sare oo awoodeeda dalka oo dhan gaarsiisan tahay; waxaana saldhiggeedu yahay Muqdisho. Astaamaha Nidaamkii Burburay Sida aan kor ku soo sheegnay, aqlabiyada (Majority) ee Dastuurka HAA tiri waxay gaarayeen 90.6% ee inta codka dhiibatay, inkasta oo haddana shacbi weynuhu uusan nuxurka Dastuurka uusan wada fahamsanayn. Waa suurtagal in kalmadda carabiga ka soo jeedda ee (Dastuur) xoogaa la fahamsanaa, laakiinse dastuurka aysan ka bixinaynin tafaasiil cad oo la wada garan karo. Dastuur ama Tastuur af Somaaliga micno aad u kooban ayuu leeyahay. Arinta kale oo laga yaabo in shacbiga ku dhiira gelisay aqbalaadda Dastuurka waxaa laga yaabaa in ay tahay qodobada qaarkood oo Dastuurku xambaarsanaa sida Qodobka 1, qayb3 "Islaamka waa Diinta Qaranka". Iyo "Sharciga Qaranka waxaa asal u ah Shareecada Islaamka, qodobka 50aad" iyo weliba "Sharciyada iyo xeerarka kale oo leh awoodda Sharciga waa inay la socdaan Dastuurka iyo Mabaadiida Guud ee Islaamka qodobka 98, qayb 1". Hase yeeshee XEER Somaaliga iyo Dhaqankaba marne ma noqon mid ku milma amase la qabsada qaabka Sharci Dejinta Reer Yurub oo uu dastuurku ku salaysnaa. Shacbiga Somaliyeed wuxuu Dastuurka u ahaa Arimo Dowladda Khuseeya. Af ahaan Somaliga kuma jiraan kalmado u dhigma eraybixinnada Dastuurku xambaarsan yahay, sida decreto amase decreto-legge iyo wixii u dhigma. [Waa socotaa...] |
|
Arrimahaas aan todobaadyadii la soo dhaafay soo sheegay, markay dhaceen ayaan calool gadoomay oo ka baxay maktabaddii iskana dhaqaaqay anoon garanayn meel aan u socdo iyo dan aan leeyahay toona, waxaanan ku soo cel-celiyey xusuusta habkii wax loo bililiqaysanayey ee diiratanimada ahaa iyo sida Tooreyda loogu kil-kilayey fiiladii dabka u soo qaadaysey Kombuyuutarka si loo qaato Shaashadda ama iskiriinka Kombuyuutarka oo loo malaynayo mid Fiyow illeen lama garanayo inay kaga filantahay uun iyadoo fiilada laga soo siibo bareesada darbiga keliya!!! Waxaan kaloo xusuustaa wixii xog iyo cilmi ku jiray Kombuyuutaradaas oon hadhow lahayn meel kale oo loo raaco, intaas keliya maahane waxaan ku naqtiimay xusuusashada waxyaalihii lama arag lama maqalta wada ahaa een ilaa saakay iyo shalay arkayey intaan dhex wareegayey magaalada la is wada cayrsanayo. Hadday tahay habka dadka loo dilayo ama loo silcinayo iyo hadday tahay habka wax loo bililiqaysanayaba waa wax hadaad ka sheekayso xataa aan lagaa rumaysan karin, waa yaab, waa naxdin, waa calool xumo, waa quusasho, waa qalbi dillaac. waxaadba mararka qaarkood is leedahay (kolley inta maanta ah unbaa adna saas oo kale laguu silcine maad hadda qolo si toos ah kuu disha raadsatid). Waxaan sii ooyey markaan soo xusuustay nin Masri ah oo saakay la isla kaaya qabtay oo ka dib markii nala waraystay, anna aan sheegtay magicii qoladii na qabsatay, isna markii aan u caddeeyey in uu u dhashay reer Masar, uu nin soo booday oo yiri: War nacallaa idin ku yaale ninka yaan mar kale Qabiil hebel loo malayn oo la diline ku dhiga summad, markaas inta sakiin la qaatay wejiga looga qoray (waa nin Masri ah) iyadoo uu dhiiggu ka falaqlaynayo oo uusan waxba u jeedin ayayna fasexeen oo dheheen ka bul dheh. Allah, Allow adaa jira oo jooga, allaylehe waad wada waalan tihiin aniga iyo ninkaas waallida ku caanka ahaa unbaana idinka fiyow, gebi ahaantiin haddaad tihiin kuwa wax bililiqaysanaya iyo kuwa wax laynaya intaba. Waa socotaa... |
BOGGA 5AAD |
|
|
CASHARKA 24AAD WAXYAABIHII SIXIRKA KU SOO AROORAY Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: [Dhab ahaan yey u ogaadeen in ruuxii sixir barta uusan aakhiro nasiib ku lahayn] Al-Baqarah 102. Waxaa kale oo uu Eebbe yiri: [Waxay rumeyn sixir iyo shaydaan] An-Nisaa' 51. Waxaa Cumar yiri:"Jubtigu" waa sixirka, "Daaquudkuna" waa shaydaanka. Jaabirna wuxuu yiri: "Daaquudka ama Shaydaanka" Waxaa looga jeedaa faalallowyo shaydaanku ku soo degi jiray, xaafad kastana mid baa deggan. Abuu Hurayrana, Allaha ka raalli noqdee, wuxuu yiri: Nabiga ayaa wuxuu yiri:"Toddobada wax halaagta ka fogaada. Waxay dheheen: Nabigii Ilaahayaw, oo toddoba-daasi maxay tahay? Wuxuu yiri: In Ilaah loo shariig yeelo, iyo sixirka, iyo in Naf aadane oo Ilaah xaaraameeyay gardarro lagu gooyo, iyo in ribada ama dulsaarka la cuno, iyo in dagaalka Jihaadka ah laga baqdo, iyo in Marwooyinka dhowrsan ee mu'miniinta ah dhillonimo lagu xanto". Jundub waxaa laga soo weriyay, in uu yiri:"Sixirrowga dawgiisu waa in seef qoorta looga gooyo". Waxaana Bukhaari ka soo weriyay Bijaale bin Cabdah in uu yiri: Cumar Bin Khidaab ayaa na faray in aan dilno sixirrow iyo sixirray kasta, kolkaas baan saddex sixirrow dilnay. Waxaana Xafsa Allaha ka raalli noqdee, laga sheegay in ay fartay in la dilo gabar boy u ahayd oo sixirtay, kolkaas baa la dilay. Sheekadan oo kalena waxaa laga soo sheegay Jundub. Axmad ayaa arrinta sixirrowga dilkiisa ah ka soo sheegay saddex asaxaabtii Nabiga ka mid ah. MAS'ALOOYINKA CASHARKA Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda ku jirta suuradda Al-Baqarah. Tan 2aad: Waa tafsiirka aayadda ku jirta suuradda An-Nisaa'. Tan 3aad: Waa tafsiirka sixirka iyo shaydaanka, iyo waxa u dhexeeya labadooda. Tan 4aad: Waa "Daaquudka" ama shaydaanku wuxuu ahaankaraa Jinni, waxaa kale ee dhici karta in uu qof aadane ah ahaado. Tan 5aad: Waa aqoonta toddobada waxyaabood ee wax hoojiya ee la is farray in laga fogaado. Tan 6aad: In sixirrowga gaal oo kale loo la dhaqmayo. Tan 7aad: In la dilayo oo aan loo sugayn inta uu ka toobad keenayo. Tan 8aad: In arrintaasi Muslimiinta dhexdooda ka jirtay waagii Cumar, kolka maxaa maanta loo malaynayaa. |
BOGGA 6AAD |
|
|
Qaybtii: 20aad LIBAAXII IYO DIBIGII Dimna: Waxaa layiri, nacab liita oo doqon ah lama yaraysto, gaar ahaan haddii uu tab iyo taageerayaal leeyahay, ee sidee buu kula yahay libaaxu asiga oo xoog iyo adaygba leh, qofkii nacabkiisa taagdarradiisa darteed u quursada waxaa qabsada wixii qubadii ka qabsaday xuunshada. Shitriba: oo taasi sidee bay u dhacday?. Dimna: waxaa la yiri, shimbir ka mid ah shimbiraha badda oo xuunsho la yiraahdo ayaa badda xeebteeda degganaa asiga iyo xaaskiisii, markii la gaaray xilligii ay ukumayjirtay ayey ku tiri: aan degno meel dhawrsan oo aan ukunta dhigano, maxaa yeelay waxaan ka baqayaa in ay qubadu markii baddu soo maaxato ukunta naga qaadato. Midkii lab ayaa ku yiri, meeshaada ku dhal maxaa yeelay way nagu habboontahay biyaha iyo fiidduna way inoo dhawyihiin. Waxay tiri: doqonyahaw, si fiican u fiirso anigu ukunteenna qubadaas baan uga baqayaa. wuxuu ku yiri, meeshaada ku dhal qubo sidaa yeeli mayso e'. Waxay tiri: qanaansanidaa, miyaadan xusuusan gooddinta iyo hendedaadda uu kuu hayo, tabar-taada iyo taagtaadase miyaadan ogayn. kolkaas buu diiday in uu wax ka yeelo, markii ay ku celcelisay oo uu hadal ka maqli waayay ayeey ku tiri, qofkii aan maqal waanada waxaa qabsada wixii diin qabsaday markii uu diiday taladii boolaboolada. (Waa socotaa...) |
BOGGA 7AAD |
|
|
|
Qaybtii 3aad: Midigta iyo bidixdaadu waa, laba mataanoode Majeerteenka aad kicisay iyo, mililka aad qooshtay Iyo nimanka aad mariya tiri, kala ma maarmaane Abaal waa magdhow iyo inaad, maalin celisaaye Iyaguba markaad haysaten, waa mintidayeene Muruq bay ku daafacahayeen, waana loo marage Ma aqaan ra’yiga foororaa, meel u kaa galaye Mareexaanku kii kula dhashiyo, magaca sow maaha Maxamuud saleeban xumaan, uma midoobaane Haddey qolo maraar yeelatoo, muusannaw kiciso | Adigoo maslxad eegayaa, loo miyiriyaaye Middidaad afeynsiyo waxa, aad maleegeyso Haddaaad labada meelood collaad, miigan ku abuurto Waxa adiga marax kaaga noqon, waa i mariweydey Haddiise mooradduug iyo dhaciyo, mahadho lay geystey Maqaawiir la soo xulay haddii, muxubbo loo laayey Muswareenka adigaa dhigayo, maahirtii dilaye Muquundii Rashiid loo dirye, melegtey sow maahid? Maantana waxaad maagan tahay, waa midkii xigaye Miratirisku goormuu Muhdiyow, kula macaacaadey. |
|
Qaybtii 3aad: Guud ahaan Buugan waxaa loo kala qaybin karayaa laba qaybood iyo mid labadooda miisaamaysa. Tan hore waa muddadii Cawad Markabka lahaa, tan labaadna tahay muddadii Cawad dib ugu laabtay noloshii reerguuraanimada yaraantiisiina duruuftu ka kaxaysay, ta labadooda miisaamaysaana tahay taariikhdii iyo dhaqankii Cawad ku lifaaqay Buugan. Hadaynu qaybta hore soo qaadano oo ah mudadii uu Cawad Markabka lahaa. Hadba, inkastoo Cawad ku noolaa magaalooyin Xeeb ku yaala (Berbera iyo Cadan) mudo uu ku qiyaasay 60 sanadood, hadana aqoon Badmareenimo uu lahaa iska daayoo biyaheeduba cidhibta uma dhaafin, Markabna aqoontiis waxay kala taagnaayeen " kaaf iyo kala dheeri". Aqoon la'aantaa Bad-mareenimo awgeed ayaa waxaa ka soo gaadhay Cawad Markabkiisii dhibaato aan la qiyaasi karin ruuxna haba yaraatee wax caawimo ah u fidin. Dhibtan soo foodsaartay waagaas ayaana ku dhalisay in uu Cawad Buugan qoro si uu uga faa'iideeyo tusaalena ugu noqoto da'ada ka dambysa tiisuu soo maray, himilooyinkiisiina u soo ban dhigo qof kasta. Tan labaadna hadaynu soo qaadano qaybtii labaad, oo ah mudadii uu Cawad dib ugu laabtay noloshii miyiga kuna noolaa nolol ku salaysan magaalo, ayuu Cawad degta saartay Gudin iyo Hangool noqdayna Geeljire. Hadaba ugamay roonaan noloshan cusub ee uu galay tii hore ee soo martay, hadana waxay ahayd mid uu aad ugu bogay kuna nuux nuuxsanayo inaanu la'aanteed mid kastoo ka jirtay noloshani ay ahayd mid isaga ka maqnayd oo aanu weligiis ogaadeen, noloshiisana si wayn wax ugu soo kordhisay, bartayna tii isaga soo martay tay isdaboolayeen--taasoo ah ta miisaan buuxda siinaysa Buugan, Cawadna si faahfaahsan ugu soo bandhigayo akhristayaashiisa. (Waa socotaa...) |
|
Qaybtii 7aad 71.Xayn yari sabool bay eedday, xididna hadal buu eeday. 72.Xaq feeruhuu ka dillaacaa. 73.Xaniinyo la is ma amaahsho. 74.Xoolo awrkoodaa la meraa, dadna hooyadiis baa la meraa. | 75.Xarig uu hayo Xoolo kuma jiraan. 76.Darandooriyaa naasnaasi. 77.Doqoni hadal kama diimoona. 78.Doqoni meel lagu diriray waa ogeed, meel lagu heshiiyayse ma ogayn. 79.Dad waa guuraa dalse ma guuro. 80.Dani waa seeto. |
BOGGA 8AAD |
|
|
1. Cajalado iib ah (a). Aasaaska Barashada Afka Carabiga: Waa duruus kuugu kaal maynaysa sidii aad u xoojin lahayd afka carabiga, oo ku duuban shan cajaladood. Qiimaha: (hal cajalad = US$10.00) oo aan qarashka boostadu ku jirin. (b). Cajalado Dikri iyo Nabi ammaan ah: Waa nabi ammaan cod aad u qurux badan lagu qaadayo, oo ku xasuusin doona habkii wadaaddadii hore ee soomaalidu diinta u fahmeen. Qiimaha: Halkii xabbo | (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.2. Buugaag iib ah (a).Cinwaanka: as-salafiyah al-wahhabiya, bayna mu'ayidiha wa muntaqidiha(187 bog). Mowduuca: Waa kitaab af carabi ku qoran oo ka sheekaynaya taariikhda xarakadii Sheekh Maxamad Bin Cabdil wahhab. Qoraaga: Hersi M. Labagarre Madbacadda: Bruneio Printers 1996. Qiimaha: (US$ 15.00) oo aan boostadu ku jirin. (b). Al-caqidah al taxawiyah (tarjamada afsomaliga) Qiimaha:US$ 5.00 oo aan boostadu ku jirin. |
MA U BAAHANTAHAY IN LAGAA CAAWIYO SAMAYNTA HOME PAGE ADIGA KUU GAAR AH? Haddii jawaabtu (haaaaaaa) tahay fadlan nala soo xiriir, idaarada wargayskan waxay heegan u tahay in ay kaa caawiso qoridda (home page-kaaga gaarka kuu ah) iyo sidii aad u fidin lahayd figradahaaga qiimaha leh. Sidoo kale waxaan heegan u nahay in aan kaa caawinno xayaysiinta Ururkaaga, Sharikaddaada, Home Page-kaaga, badeecadaada iyo khadamaadkaaga intaba. |
|
XISAABTA MA KU LIIDATAA? Ma u baahantahay qof kaa caawiya maaddada xisaabta? si aad u yeelato aqoon xagga xisaabta ah oo kalsooni buuxda kaa siida, xisaabta aad u baahantahay maalin kasta. Tusaale ahaan: (Everyday Mathematics, an introduction to geometry, an introduction to statistics, averages, introduction to algebra iyo qaar kale), haddii aad xiisaynayso mowduucan waxaad qaadan kartaa toddobaad kasta duruus lagugu siiyo af ingriis (by email) laguuguna sharxo af soomaali, haddaba fadlan la soo xiriir idaarada wargayskan. |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|