Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah

Wuxuu ku soo baxaa afafka

(Soomaaliga iyo Ingiriiska)

Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah

***************************$$$$$$$$$$****************************

 

Waxaa Abaabulay:

Hersi M. Labagarre

(Ph.D. Philosophy & Theology)

National University of Malaysia

***********$$$$$$***************

 

......................| Taariikh: 21-27.6.1998 |..............

_______________________________________

Tusmada Wargayska

 

Bogga_________Maqaalka______________________Magaca Qoraaga____

 

Bogga 1aad:...Ararta Wargayska..............Hersi M. Labagarre

 

Bogga 2aad:...Suugaanta Soomaalida..........C/lahi S. Timacadde

 

Bogga 3aad:...Maxaa Laga Wadaa?(Af).........Hersi M. Labagarre

 

Bogga 4aad:...Diinta Islaamka-Tawxiidka(3)..Sh. M. Bin C/Wahab

 

Bogga 5aad:...Bogga dhallinyarada:

..............Kaliila iyo Dimna (Q. 3aad)...C/laahi bin Muqafac

 

Bogga 6aad:...Bogga Doodda:

..............Danaanada iyo Qabyaaladda.....Qasim Hersi Farax

 

Bogga 7aad:...Bogga Isbarashada:

.............."Taariikhda Noloshayda".......Ali Artan(Sayid Ali)

Bogga 8aad:...Iidheh iyo Ogaysiis:

__________________________________________________

BOGGA 1AAD:

_________________ ARARTA WARGAYSKA ________________

 

"INTAAN U QABO IIMA QABOW, DHURWAAGA GALBEED KA SOO CARAR"!!!

Waxaa la sheegay in habari haysatay wiil kuray ah oo kali ku ahaa, kolkaas bay maalin maalmaha ka mid ah si xun u canaanatay, wiilkii baa kolkaa intuu xanaaqay aqalkii ka cararay oo duurka galay, habartii kolkii gabbalku gaabtay oo ay wiilkii u jeedi waysay by welweshay dabadeedna u yeertay ayada oo codkeeda sare u qaadaysa intii tabarteed ah, kolkaas bay tiri "Intaan u qabo iima qabow, dhurwaaga galbeed ka soo carar!!!" oo ay uga jeeddo "Sida aan u jecelahay iima jeclow, iniga ma aha qofka in laga cararo mudan ee waa dhurwaaga galbeed.. hadaba ka soo carar yuu ku qaadine!!"

Arrintaas mid u eg maanta Soomaali bay haysataa, labada xaaladoodse waxaa u dhexeeya in maalinta habartaasi sidaa tiri la joogay miyi, waxa laga baqayana waxay ahaayeen dugaag dadka qaada, maantana waxaa la joogaa magaalooyin ifaya oo aan habeenkooda iyo maalintooda la kala sooci karin, una malayn maayo in nin waagan aan noolnahay nooli magaalada aadiddeeda uga baqayo dugaag dadqaad ah.

 

Taas ujeeddadeedu ma aha in nin kasta oo magaalo ifaysa ku nooli nabad iyo ammaan ku nool yahay, mar aan sidaa u sii dheerayn waxaan wararka ka aqrinay in lagu dilay nin soomaali ah oo taxi wade ah Amerika asiga oo taxi-giisii ku shaqaysanaya ayaa xabbad lagu dhuftay, wuxuu haystayna laga qaatay, kolkii soomaalida halkaa deggani ay ka gilgisheen falkaa xun ee lagula kacay ninkaa miskiinka ah waxaa loogu jawaabay "haddii aadan dil rabina dalkiinii u laabta"

 

Newzeland soomaalida joogta aqalladooda hortooda ayaa xaarka iyo qashinka loogu soo tuuraa ayada oo waliba loogu derayo "go back to Africa" dowladda Newzeland waxay ka soo daysaa idaacadda iyo TV barnaamijyo ku dhaleecaynaya soomaalida in ay yihiin dad mutaqallaf ah oo aan la qabsan karin ilbaxnimada ka jirta dalka.

 

Waxyaabahaas waxay si cad inoo tusayaan dhibaatooyinka ku soo fool leh soomaalida ku nool dalka dibaddiisa, maanta waxaannu raadinaynaa wax aan cunno oo kolkii aan dalkeennii ka soo cararnay wixii ugu waynaa ee inaga maqnaa waxay ahaayeen "Jidiin" berrito arrintu halkaa joogi mayso, waxaad u baahanaysaa tacliin iyo xorriyad siyaasadeed iyo mid dhaqaale intaba, waxaana hubaal ah in aan ninna kaa ballan qaadin intaa oo dhan, hadaba maxaa la gudboon soomaalida?

 

Ummado badan baa soo maray dhibaatooyinka maanta ina haysta, waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa Yahuuddii u haajirtay Orobbo qarnigii 12aad iyo wixii ka dambeeyay, jarmalkii u haajiray Ameerika dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ka dib, Irishkii u haajiray Ameerika abaartii bataatiga ee dalkooda ka dhacday ka dib, Kuuriyaankii Ameerika galay dagaalkii kuuriya ka dib, intaa iyo in kale oo aan la soo koobi karin oo tusaalooyin ah baa jira, ummadahaasi meel kasta oo ay joogaan waxay leeyihiin ururro iyo kooxo cariirsha dowladda ay ku noolyihiin ama dowlad kasta oo ay doonayaan in ay ku qasbaan in ay dadkooda daryeesho, waa siyaasad duq ah oo waa hore ummaduhu yaqiinneen, waxaa tusaale u ah.

 

Sh. Cabdullaahi Zaylici oo ah wadaad soomaali ah, waa ninka qoray kitaabka xaddiiska ah ee caanka ah ee loo yaqaanno "Nasbu Ar-rayah), ayaa waagiisii asiga oo Masar jooga boqorrada xabashidu dhibaatooyin u gaysteen Muslimiintii soomaalida ahaa, kolkaas buu intuu boqorkii masar u tegay ka codsaday in boqorku kaniisadda Iskandariya cariiriyo si kaniisaddu u cadaadiso boqorrada xabashada oo kolkaa ay ka daayaan dhibaatooyinka ay soomaalida ku hayaan, waanay u hir gashay arrintaasi, Sh. Zayliciyow eebbow kuu naxariiso.

Kolka soomaaliyeey maxaad maanta damacsantahay? sidee baadse u doonaysaa in aad naftaada iyo xuquuqdaada ku badbaadsato?

 Waagii soomaaliya la joogay, nin waliba qabiilkiisa ayuu u qayshan jiray, maantase qabiil aad u qayshataan idinlama joogo, hadduu idin maqlana wax uu idin taro idiin roone in uu wax idiin dhibo baaba laga yaabaa, haddaba maxaa talo ah, kollayba waxaan u malaynayaa in qolo kasta oo soomaali ah dalkii ay doonaan ha ku noolaadeene ay lagama maarmaan ku tahay in ay "qandiga qorya ku sii qaataan!!"

  

BOGGA 2AAD:

_______________ SUUGAANTA SOOMAALIDA _____________

_________ "Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed"______

 

Waxaan Toddobaadkan ku soo qaadanaynaa:

Jiiftadii Halkudheggeedu ahaa [Madoobaadayey xalay Miyay Murugtay Laabtaydu] Waxaa tirshay Allaha U naxariistee:

Cabdullaahi Suldaan Timacadde:Wuxuu noolaa (1920-1973)

 

 

Macnaa gabaygu kala leeyihiyo jiriyo miidaane

Laysuma marduufee markaan miimka ka higaadsho

Masa'looyinkaygii haddaan maayada u laliyo

Haddaan maago maantaba inaan mariyo luuqdeeda

U meermeeri maayo tixaan meel dhaw ku ogaaye

Miyirsada anaa tu' aan yarayn idinku maashayne

 

Moqor malaha geeluba hadday mayayga waayaane

Maalkuba caleen kama heleen milicda dayreede

Anna waxan maleeyaan sidii milicda muujaaye

Miyirsada anaa tu' aan yarayn idinku maashayne

 

Miidaan la soo xidhay shirkuu rag isku maan dhaafo

Isagoo muxtaad loo yahay baan muunadayn jiraye

Markaasaan muquuno u baxshaa arar leh miisaane

Midh la yeerku goortuu bartaan kaygi meel dhigaye

Miyirsada anaa tu' aan yarayn idinku maashayne

 

Afartaa wax la iskuma maro e miim ma ka higaadshay

Maxlal hadalka wow odhan jiree ma u masa'lo sheegay

Malyan dheerta arartuu ahaa macallinkaygiiye

Mudanii Aflo iyo sidii Muxumad ma u yeedhshay

Micna micna kalana waa hadaladay muhatay laabtaydu

 

Sida Maxamadow mugul kaliil maangad lagu ooday

Oo mayay gu'oo hoora iyo maax biyo leh waydey

Oo waa mawaashiye saqdhexe maa ka tiri beesha

Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu

 

Sida mayl ka soo baxay Hindia marinnadii Jaawa

Uu macallinkii weday xukumay mood in laga buuxsho

Oo maalmo badan soo dhexoo meel marso leh gaadhin

Oo minwaar quusaa u dhigay maynka lagu goosmo

Oo wixi makhluuqaad ku jiray maalku kala soormay

Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu

 

Sida Naag ninkeedii mudnaa mowdku kala qaaday

Oo Macangeg liitaa u hadhay yeeshay meherkeeda

Oo inay ka meermeeriyaan magane doonaysa

Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu

 

sidi carab macdaar wacan dhigtoo mihindisoonaaya

Oo maqayil xaafad tegay waa lagama maarmaane

Uu tuug musmaarrada guray uu taabay maqalkiisa

Oo aan milliim lagaga tegin mulug wuxuu haystay

Aan madhax dambiyo raasamaal meel ka dayanaynin

Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu

 

Sida maahir geeloo diraac madax sare u boodday

Oo gubad magoolliyo tigaad nuruqle soo daaqday

Haddaan madoobow ratiga heeryo lagu miisin

Milmil iyo haddaan loo carrayn miridh xadhaadhowe

 

Midiix ololku waa gare hadday miridhna daynwaydo

Uu kala melmelo jeelku waa mehereddiisiiye

Ninkii maali jiray waa xaqiiq inay masoobaane

Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu

 

Sida inan mabsuudoo rug wacan maalig ka abuuray

Oo oday masaa'ibi dhalay oo laga mildhaabaayey

Magri ma laha naago e hadday madda hayn waydo

Oo inay hablaa wada maraan milicda doonayso

Uu inan ku meeraysan jiray meel fog ka ilaaqday

 

Uu habar malcuuna u diray ooy moqodhinka u saartay

Oo aan ka maanicin wuxuu uga muraad yeeshay

Oo lays muwaafaqay kolkuu maya ka dhowraayey

Oo farakh makaankeeda galay madax wareeraysa

Madoobaadayey xalay miyay murugtay laabtaydu

 

Hadduu muruqa bowdadu ku go' waad makalntaaye

Ninkii midigta laga taabayow bidixdu waa maafe

Markaba daarka waxa loogu tolay meel ha joogsadoe

Waxa maraqa loo seesayaa maahir yay jiqine

Miraalaha hortiibaa guryaha layska moosaaye

Mareegtaaba loo sii guntaa maqasha nayloode

Ayaan hadalka muurmuurinine waxan ku maydaamay

Micnihiyo ujeeddada ninkii maaxiyaa garane

 

*Jiiftadan waxaan ka soo qaadannay buuggii uu qoray Boobe Yuusuf ee cinwaankiisu ahaa (Maasadii Timacadde) Wakaaladda Madbacadda Qaranka Muqdisho 1983kii.

*Afsoomaaliga lama kala badsho, hase yeeshee, ninkii garan waaya erayada jiiftada ku soo arooray qaarkood in uu nasoo waydiiyo waxba kuma jabna.

 

BOGGA 3AAD:

__________________ MAXAA LAGA WADAA? ( Af )__________

Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre

Af-ka:

Afku waa inta u dhexaysa labada can oo labada bushimood ka billawda dalqadana ku dhamaada, wuxuu koobayaa ilkaha, gawsaha, carrabka, dhanxanagga, labada cirrid, labada can gudohooda, iyo wixii soo raaca Waana xubinta ay naflaydu wax ku cunto.

Sidoo kale afku waa dhinaca ay wax kasta oo wax gooyaahi wax ku gooyaan, tusaale ahaan, toorrayda afkeedu waa dhanka ay wax ku goyso, masaarta afkeedduna waa dhankeeda hore ee aay geedka ku goynayso, mudaca iyo maxaarka iyo waranka, iyo fallaarta iwm, afkoodu waa caaradda ay wax ku mudaan, sidoo kale filigga iyo fiiqtinka iyo qodaqodaha iyo qodaxda iwm, afkoodu waa dhinaca fiiqan ee ay wax ku mudaan ama ku duraan.

 

Sidoo kale, afka aqalka iyo daarta iyo godka iyo beerta iwm; waa illinka laga galo.Waxaa kale oo af loo yaqaan, erayo ama sumado loo adeegsaday in lagu gudbiyo ujeeddooyinka maskaxda ku jira ama erayo kasta iyo somado kasta oo la isku afgarto, waxaan uga jeedaa, erayo iyo sumado ay bulsho isla meel dhigtay oo ay samaysteen si ay isugu afgartaan.

Waxaa soomaalidu tiraahdaa "nin af leh ayaa abaar ka baxa" waxayna ka wadaan, nin codkar ah oo wixii uu doonayo si cad u dhihi kara ayaa abaar ka baxa, maxaa yeelay haddii uusan codkar ahayn oo uusan waxa uu u baahanyahay sheegi karin qofina wax siinmayso afkiisana wax kuma goosan karo, sidoo kale haddii uusan codkar ahayn waxaan suurtagal ahayn in uu dhagar iyo tab wax ku helo, marka nin afleh, waxaa looga jeedaa nin codkar ah oo wixii uu doono in uu qurxiyana qurxinkara wixii in uu xumeeyo uu doonana xumaynkara, ninkaas marka soomaalidu waxay tiraahdaa waa aftahan ama waa afmaal, waxaa kale ee ay soomaalidu ku maahmaahdaa "af wax cunay xishoo" erayga "af" halkan wuxuu u taaganyahay "qof" marka u jeeddadu waa qof wax la siiyay oo abaal hore loo gaystay ama samafal loo gaystay, wuu ka xishoodaa qofkii abaalka u gaystay, maxaayeelay markii uu qofkaa la kulmaba wanaaggii uu u gaystay buu xasuusanayaa taasina waxay u gaysaa in uu qofkaa ka baqo oo ka xishoodo, in ninkii wax ku siiya laga xishoodana xumaani kuma jirto haddii xishoodku uu soohdintiisa ku egyahay oo goobtii xishoodka la joogo, waxaase gaf ah in xishoodka meel aan meeshiisii ahayn la dhigo, tusaale ahaan,haddii aad nin wax kuu galay oo xishood kaa mudan aad aragto asiga oo gaf ku socda looma baahna in laga xishoodo, maxaayeelay goobtu goob xishood ma aha, badanaana maahmaahyadan meelaha jaadkaas ah ayaa looga dan leeyahay oo waxaa looga jedaa qof wax la siiyay haddii uu arko qofkii wax siiyay wuu ka xishoodaa haddii uu dano qofkaasi gaf ha ku joogo e'.

 

Waxaa kale oo la yiraahdaa "af jooga looma adeego" oo laga wado, qof jooga looma hadlo, "af aanad lahayn lama qabto" waa afkaaga in aad ka hadasho ayaa kuu bannaan, qof kale in aad hadal ku celisana kuuma bannaana, sidoo kale "af aamusani marti ma sedo" maxaa yeelay waxaa loo baahanyahay in martida loo sheekeeyo, oo la baashaalsho, haddiise aad cunto soo hoosdhigto ee aad ka tagto ama aad hortooda kuududsato, markaa martida sedkeedii ma aadan siin, sidoo kale "afxumo nabadna way kaa gaysaa, colaadna wax kaagama tarto" maxaayeelay colaaddu badanaa af xumo uma baahato, ee xoog ama afwanaagsan oo nabad dhalsha ayay u baahantahay, waxaa kale oo nin laga sheegay in uu yiri "nimanyahaw haddaan hadlanana waa af sallax ku dheg, haddii kalena ariga sidan laga dayn maayo" waa oraah ama maahmaah laga sheegay nin arijir ah, oo mar walba oo uu neef ka lumo ama bahal ka qaato eebbe eedeeya maalintii dambe ayuu meel haro ah yimid oo in uu afkiisa biya uga cabbo doonay kolkaas baa afkii dhulkii uga dhegay sida la sheegay, kolkaas buu oraahdan yiri, wuxuuna uga jeedaa, meel aan ku baxsanayaahi ma jirto, dhan kasta oo aad u kacdaba dhibaato ayaa kaa hor imaanaysa, waxaana oraahdan loogu hal qabsadaa waxa dhankii aad u kacdaba dhibaato kuu gaysanaya. Sidoo kale, waxaa la yiri"Af waa kanee my liki aamee" waxaa loogu maahmaahaa qofka wax aan suurta gelayn hadal in uu ku sugo doonaya. 

Soomaalida afkeeda araygani aad buu uga buuuxaa aad baana loo adeegsadaa, magaalooyinka soomaalida qaar baa af ka billowda sida afbakayle, afmadow, afgooye, ceel afwayn iwm, soomaalida magacyadeedana wuu ka buuxaa sida afwayne, afjaxuun, afeey, aflow, sidoo kale waxaad arkaysaa erayo af ka wada billowda sida afxumo, afaafad, afdhaw, afmaris, afxir, afayn, afgub, afmacaan, afmaal, afxaaraan, afdheere, afgaab, afqallooc wim. Eraygan wadartiisu waa Afaf ama Afyaal ama afyow.

BOGGA 4AAD:

___________________ DIINTA ISLAAMKA _______________

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab

Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre.

 

CASHARKA 4AAD

CABSIDA LAGA QABO SHIRKIGA

 

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:

[Eebbe ma dhaafo in lala wadaajiyo wuxuuse ka dhaafaa intaa wixii ka soo hara cidduu doono]

An-isaa' 48,116.

Waxaa kale oo Eebbe yiri:

[(Eebbow) iga dheeree ani iyo carruurtayda inaan caabudno sanamyada] Ibraahiim 35.

Xaddiiskana waxaa lagu sheegay (in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yiri):"Waxyaabaha aan idinkaga baqayo waxaa ugu daran shirkiga yar, kolkaas baa (shirkiga yari waxa uu yahay) laga warsaday, markaas buu yiri: waa istustuska".

Waxaa Ibn Mascuud, Eebbe haka raalli ahaadee, laga soo weriyay, in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yiri:"Qofkii dhinta asiga oo Ilaah u shariig yeelaya naarta ayuu galaa"{Bukhaari}.

Muslimna, wuxuu Jaabir, Eebbe ha ka raalli noqdee, ka soo weriyay, in Nabigu, Naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Ninkii Eebbe la kulma (maalinta qiyaamaha) asiga oo aan u shariig yeelin jannada ayuu gelayaa, qofkii asiga oo u shariig yeelay la kulmana naarta ayuu gelayaa".

 

MAS'ALOOYINKA CASHARKA

Tan 1aad: Waa cabsida laga qabo shirkiga.

Tan 2aad: Waa in istustusku shirkiga ka mid yahay.

Tan 3aad: Waa in istustusku uu shirki yar yahay.

Tan 4aad: In inta shirkiga jaadkaas ah looga cabsanayo ay saalixiintu (dadka suubbani) u badanyihiin.

Tan 5aad: In Jannada iyo Naartu labaduba ay dhawyihiin.

Tan 6aad: In Jannada iyo Naarta dhawaantooda xaddiis kali ah lagu sheegay.

Tan 7aad: In qofkii Eebbe la kulma asiga oo aan u shariig yeelin jannada gelayo, qofkii u shariig yeelana uu naarta gelayo, haddii uu doono qofka dadka ugu cibaado badan ha noqdee.

Tan 8aad: Waa arrin aad u wayn, taas oo ah waydiisashada uu Nabi Ibraahim waydiistay Eebbe in uu ka korsho asiga iyo dhashiisa in ay sanamyada caabudaan.

Tan 9aad: Waa in Nabi Ibraahim fiiro gaar ah siiyay dadka badan (kolkii uu ka hadlayay dadka sanamyada caabudiddoodu lumisay) sida aayaddani sheegtay:

[Eebbow waxay dhumiyeenin badan oo dadka ka mid ah]Ibraahiim 36.

Tan 10aad: In xaddiisku sida Bukhaari u sheegay uu faahfaahin ka bixinayo ashahaatinka.

Tan 11aad: Fadliga uu leeyahay qofkii shirkiga ka nabadgala.

F.G:

* Dhammaan aayadaha quraanka ah tarjamadooda afsoomaaliga ah waxaan ka soo qaadannay kitaabkii (Quraanka kariimka iyo tarjamada macnihiisa ee afka soomaaliga) ee uu qoray Maxamad maxamud cabdi, waxna kama aanan beddelin tarjamada meelo yaryar oo qaldan baan saxnay meelo uu wadaadku ka boodayna waan ku darnay.

BOGGA 5AAD:

_________________ BOGGA DHALLINYARADA _____________

 

(KALIILA IYO DIMNA):(Qaybtii 3aad)

Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac

Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre

LIBAAXII IYO DIBIGII

Dimna libaaxii buu u dhawaaday oo kaliyaystay markaas buu maalin ku yiri, waxaa ii muuqata in boqorku meel kali ah ku nagaaday oo uusan ka dhaqaaqayn ee maxaa ugu wacan?.

Ayaga oo sheekadaa ku jira ayaa Shitriba aad u yeeray, markaas baa libaaxii gariiray, mana uu doonayn in uu arrintaas qabsatay dimna ogaysiiyo, Dimnana wuu ogaaday in codkaasi libaaxa welwel gelshay, markaas buu waydiiyay oo yiri; codkaas maqliddiisu armay boqorka welwel gelisay?.

Boqorkii: kaas mooyee waxkaleba ima welwelin.

Dimna: boqorka lama gudboona in uu meeshiisa uga tago cod dartiis, aqoonyahanaduna waxay dheheen, lagama maarmaan ma aha in codwaliba laga cabsado.

Libaaxii: oo taas maxaa tusaale u ah?.

Dimna: waxaa la yiri, dawaco baa howd gashay, geed geedihiisa ka mid ahna durbaan baa ku xirraa, markii dabayshu ku dhacdo laamihiisa bay dhaqaajisaa oo durbaanka bay garaacaan, markaas baa cod wayn oo cabsi leh laga maqlaa, dawacadii baa xaggiisii qabatay codkaas wayn oo ay maqashay dartiis, markii ay u timid oo ay aragtay wayninkiisa bay moodday in uu hilib iyo barruur badan leeyahay, markas bay qaniinyaysay, markii ay ku daashay bay ogaatay in uu qolfoofyahay markaas bay tiri, ma hubo, waxaase lagayabaa in waxwaliba waxa ugu liitaahi ay ugu qolfoof waynyihiin uguna codwaynyihiin.

 

Waxaanna tusaalahan kuugu soo qaaday in aad ogaato in codkan ina cabsiiyay, haddii aan u tegi lahaa uu inta aan u filayno ka fududaan lahaa, haddiise boqorku doono aniga ha ii diro asiguna halkiisa ha joogo inta aan uga keenayo warbixinta yeertaas.

Libaaxii baa markaa ku raacay oraahdiisii oo u ogolaaday in uu aado xagga yeerta markaas baa Dimna aaday meeshii shitriba joogay.

 

Markii Dimna uu libaaxii ka tegay baa libaaxii arrintii dib ugu noqday, oo ka shallaayay diritaanka uu dimna diray, oo yiri; in aan Dimna ku kalsoonaado oo xogtayda ogaysiiyo ma haboonayn, iridda aqalkayga ayuu aalli jiray, ninka boqorka iriddiisa imaanayana haddii uu ahaa nin asiga oo aan gaf gaysan hantidiisii la duudsaday, ama uu ahaa nin gardarro ka soo gaartay xagga taliyihiisa, ama uu ahaa nin lagu yaqaan dadaal iyo hunguri waynin, ama dhibaato gaartay ee aan boqorku wax u qaban, ama uu ahaa eedaysane ka cabsanaya in eeddiisii laga abaalmariyo, ama uu sugayay wax boqorka dhibkiis ah asigana dheeftiis ah, ama uu ka baqayo wax boqorka wax teraya asigana dhibaya, ama uu nacabka boqorka heshiis la yahay gacalkiisana col la yahay, uma habboona boqorka in uu kuwaas ku degdego soo dhawaysigood kuna kalsoonaado oo uu kaaliyo.

Dimna waa dhagarrow dhugbadan, iriddayda ayuuna hognaa oo uu hagoognaajiray, waxaana la hubaa in uu intaa iigu dulqaatay uurxumana ii hayo taasina waxay keeni kartaa in uu i dhagro oo uu nacabkayga kaaliyo asiga oo daldalooladaydana og, waxaana laga yaabaa in uu kala kulmo midkaas codka wayn leh awood tayda ka sarrayda, oo uu dabadeed iga doorto oo uu iga raaco.

 

Markaas buu ka istaagay fadhigii oo in aan dheerayn socday, markaas buu arkay dimna oo soo socda, kolkaas buu qaboobay oo fadhigiisii ku soo noqday.

 

Dimna ayaa u soo galay, libaaxii baa ku yiri; maxaad samaysay, maxaadse aragtay?.

Wuxuu yiri; dibi baan arkay, waana midka cida iyo codka aad maqashay leh.

Libaaxii: Muxuu xoog la egyahay?.

Dimna: wax awood ah maleh waabana u dhawaaday, laba isku fil ah dooddood ayaanna la dooday, wax uu iga tarayna ma jiraan.

Libaaxii: taasi waxba yaanay ku hodin, arrintiisana sidaa ha u fududaysan, maxaa yeelay dabaysha xoogga lehi xaabada ma fecaysato, ee dhirta culus iyo tan dhaadheer bay dhilqisaa.

Dimna: boqoryahow waxba kaas xaggisa ha ka baqin, arrintiisuna waxba yaanay kula waynaan, aniga ayaa kaas kuu keenaya oo addoon ku maqlaya oo kaa dambeeya ka dhigaya.

Libaaxii: sidii ay kula noqoto yeel anigu waxba kama qaboe'.

(Waa socotaa...)

 

BOGGA 6AAD:

___________________ BOGGA DOODDA ________________

 

QABIIL QALAD LAGA FAHMAY

Waxaa qoray: Qasim Xirsi Faarax

(M.A. Qaanuunka iyo Shareecada)

International Islamic University (Malaysia)

 

Bilowgii ilaah wuxuu abuuray Aadam suu feertiisa ka soo saaray Xawo, dabadeedna wuxuuba ka firdhiyey labadoodii dad fara badan oo rag iyo dumarba leh, say waa faafeen oo dunidii dhex xuleen ka dib markii laga soo saaray jannadii gar darradooda awgeed. waxayna guda galeen oo halkaas ka bilaabeen qaraabasho iyo quutul-yowm raadsi oo waxay yeesheen koox-koox u wadanoolaansho si ay isu difaacaan ama ay u wadashaqaystaan.

 

Taas oo dhalisay in ay is jaallaysi ku kala tagaan oo iska soo horjeestaan cadawyana isu noqdaan halkay kolkii hore iska dugsanayeen cadawga habardugaag, weyna khilaafeen hadafkuu Alle u abuuray ee ahaa in ay isaga uun caabudaan in yar oo Alle naxariistiisa u hillaacshay mooyee, oo wuxuu Ilaah faray in ay uga mahad naqaan siduu u badiyey ugana dhigay laan dheeraha, iyo siduu ugu sameeyey tolka iyo xigaalada iyo nasabyada ay ku abtirsanayaan si ay isu kala aqoodaan una gartaan isku kaalmaysiga samafalka, iyo si ay isaga ilaaliyaan anshax-xumada iyo wacalnimada ama garacnimada aan lahayn abtirsiga, taas oo Aadanaha ka duwaysa xoolaha iyo xayawaanka kale ee duur joogta ah.

 

Waxay tahay xusuusta weyne kale ee la doonayey; in lagu fikiro iyada oo lagu cibra qaadanayo siduu Ilaah ruux keliya uga soo saaray ummadaha intaa tira iyo tayo la eg, Ilaahay oo taas inoo faah faahinaya ayaa yiri;

(Dadow/dadow ka dhawrsada Eebihiinna idin ka abuuray naf keliya (Aadam) kana abuuray xaggeeda haweeneydeeda (xawo) kana abuuray xaggooda rag iyo haween fara badan, kana dhawrsada Eebihiinna aad wax isku warsataan iyo qaraabada, Eebana wuxuu u yahay korkiinna ilaaliye)an-Nisa':1

 

Hadaba Ilaah wuxuu si cad inoogu sheegayaa in ay tani ka mid tahay Aayadaha iyo daliilaha waa weyn ee lagu rumaysan karo jiritaankiisa iyo awooddiisa dhabta ah ee aan laga daba imaan karin, abuuritaanka uu abuuray dadkan faraha badan ee isku midka ah hadana kala nooca ah marka loo eego si kale, bal arag oo u fiirso xagga luuqadaha, midabka, fikirka, dhaqanka, caadada, iwm. Taasna macneheedu ma ahan in ay isugu faanaan midba siduu Ilaah u sameeyey iyo hooyaduu ka dhaliyey iskuna laayaan taas awgeed ee waxay tahay in ay u noqoto caddayntii ay ku rumaysan lahaayeen awoodda iyo doonista Eebe, Ilaah wuxuu yiri:

(Waxaa ka mid ah aayaadka ku tusinaya (qudrada) Eebe samooyinka uu abuuray iyo dhulka iyo kala duwanaanta afkiinna/luuqadihiinna, iyo midabkiinna taasna calaamad baa ugu sugan kuwa cilmiga leh) Ar-Ruum:22

 

Haddaba ummadaha intaas la eg oo dhan shaqada uu Ilaah ka sugayaa waa uun inay isaga keliya caabudaan, Ilaah wuxuu yiri:

(Jinni iyo insiba waxaan cibaadadyda ahayn umaanan abuurin) Ad-Daariyaat:56

 

Isku soo duuduub arintee, akhristow waxaan kuu sheegi karaa uun in ay tahay sababtay ku timid qabyaaladdii xumayd ee dhex martay, dabadeedna marisay annaga iyo quruumo badan oo naga sii horreeyey ay ahayd oo keliya in ay khilaafeen sababtaas Ilaah u abuuray iyaga iyo ummadaha kale ee kula nool ifka, oo ay u beddesheen isu faan iyo is xukun ku dhisan qab weyni iyo anaa ina hebel ah. (Waa socotaa...)

 

 

BOGGA 7AAD:

__________________ BOGGA ISBARASHADA ______________

 

Taariikhda Noloshayda

Maqaalkan waxaan uga bixinnay webka dalab qoraaga laftiisa inooga yimid awgiis.

 

BOGGA 8AAD:

_____________________ IIDHEH IYO OGAYSIIS____________

BISHAARO

Waxaan dhammaan dhallinyarada ku jirta liiska wargayska ugu bishaaraynaynaa in aan ku soo darnay bogagga wargayska bog cusub oo aan ugu tala galnay in ay ku soo qoraan dhallinyarada aqrisata wargayskan taariikhda noloshooda, ayada oo taa looga dan leeyahay ISBARASHO,Haddaba dhallinyaradu ha ku soo dhawaadeen boggan cusub.

 

*******

Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaya in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: (hersi@brunet.bn)

ama(somalilanguage@angelfire.com)

ama (hilole@hotmail.com)

ama (codkasomalidacusub@angelfire.com)

_______________________________________________

"DAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY

U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA

UJEEDDADA WARGAYSKA"

_________________D H A M A A D_________________