Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Bogga Codka Somalida Cusub
Gundhigga wargayska Codka Somalida Cusub
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
Taariikh: 28.12-03.01.1999
Aqarso B. Martida
Best Viewed:
Netscape Communicator 4.0
Saxiix B. Martida
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
The Crown Prince of Brunei
AL-MUHTADEE BILLAH
His Royal Highness' Website
Visit His Royal Highness' Web Site
Soo booqo Bogga Amiirka Brunei
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA

United Nations Consolidated Inter-Agency Appeal for Somalia

    Waxaa Somaaliyeeyay:
    Xersi M. Labagarre

    Qaybtii 2aad
Hersi's Photo

Xafiiska ay warqaddu ka soo baxday: Xafiiska UN ka u qaabilsan Daryeelka Aadanaha.
Taariikhda: January - December 1999
Yaboohii Hay'adaha UN ku u sameeyeen Somaliya
Xafiiska Qaabilsan Arrimaha Daryeelka Aadanaha (OCHA)

James Gustave Speth
Administrator
United Nations Development Programme

Warbixintii Howlwadeenka
Qoraalkani waa midkii saddexaad ee ay Qurumada Midoobay ku sugtay yabooha Somaliya, tan iyo intii UNOSOM ka soo baxday, horraantii 1995kii.

Codsigan, Guddi-wadameedka Qarumada Midoobay (UNCT), waxay isku dayeen in ay soo gudbiyaan warbixin kooban, hase ahaatee ah suuradda guud ee Somalia, ayaga oo soo dulmaraya baahida dhibaatada bani'aadanimo ee taagan, taas oo mudan gargaar deeqsinimo leh, sidoo kalena leh fursado lagu maalgeliyo meelaha nabadda ah.

Ayada oo Soomaaliya ay haysato dhibaato aan dhammaanayn dhinaca koofurta, hadana rejo ayaa ka jirta gaar ahaan dhinaca waqooyi, ayadoo mustaqbalka maamullo bilow ah laga soo dhiso, kuwaas oo laga yaabo in ay maalin noqdaan, saldhigga dowlad midaysan oo cusub.

Danta ugu wayn ee laga leeyahay codsigan waa in laga hortago xaaladda ka taagan koofurta si aanay macluul u noqonin, taas oo ay u wacnayd, abaarta iska daba dhacday, daadadka, cudurada iyo colaadda, isla markaana, la taageero abuurista shuruudaha gundhigga u ah nolol la qaban karo.

Qaybta 1aad waxay soo bandhigaysaa tifaftirka tillaabooyinkii uu soo maray codsigii la sameeyay 1998kii, wuxuuna naqtiiminayaa, taariikhda maanta iyo xaaladda taagan.

Si sifiican loo dhugsado gurracnaanta arrinta Somalia maanta, aragtida howlgalka (meelaha dhibaatadu ka taagantahay, isbeddelka, iyo soo kabashada) ayaa la soo bandhigay.

Ayada oo la tixraacayo dharaandhiriska xaaladda Somaliya, waxaa xoogga la saaray, dhowr arrimood oo horyaal ah, sida, baahida loo qabo, xoojinta ka hortagga arrimaha degdegga ah iyo wax ka qabadkooda, waa mid, tan kalena, waa baahida loo qabo maamul la hagaajiyay.

Qodobkan ugu dambeeya qaybta 1aad, mashruuca guud ee daryeelka aadanaha iyo horumarinta ee Qarumada midoobay, way soo koobeen, ayaga oo qorshaha ku deraya, xaaladda ugu wanaagsan iyo midda ugu xun ee la filan karo 1999ka.

Mashruuca hay'adaha Qarumaha Midoobay, waxaa loogu talagalay, guudahaan dhammaan bulshada Soomaaliya oo lix milyan ah, kuwaas oo afar milyan oo ka mid ah la filayo in ay noqdaan kuwa sida tooska ah uga dheefsada, haddii mashruucan si fiican loo fulsho.

Howlaha degdegga ah, waxaa loogu talagalay in si dhaqsi lah loogu taakuleeyo ugu yaraan hal milyan oo qof, kuwaas oo 300 oo kun oo ka mid ahi ay khatar halis ah ku sugan yihiin. Ayada oo la tixraacayo, dharaandhiriskaas iyo mashaariicda sanadka soo socda, waxaa la dejiyay shan qodob oo muddo-gaaban lagu howlgelayo.

Si horumar qodobadaas lagu fulinayo loo sameeyo, Somali UNCT (Guddi-wadameedka)waxay ku adeegsan doontaa dhammaan dhigaalladda, marka la isticmaalayo qaab-howleed guud, laguna fulinayo habka iyo mabaad'ida aasaasdiga ah, oo ay ku jiraan "habka ka bixidda" si looga gudbo baahida ay u qabto gargaarka Somaliya.
  • Heegan u ahaanshaha Arrimaha degdegga ah iyo ka hortaggooda;
  • Sugidda Jidiinka Qoyska;
  • Dib-isigu gaynta kuwa soo noqonaya iyo dadkii dalka gudihiisa meelo aan meelahoodii ahayn u qaxay (IDPs);
  • Dibuhabaynta howlaha bulsho ee lagama maarmaanka ah;
  • Maamul Wanaagsan.     Waa socotaa ...

BOGGA 2AAD Somali Forum Free Email Free Guest Book Free Home Page
WARARKA SOOMAALIDA
Tuugo Kalluumaysato ah oo lagu qabtay Eyl
MOGADISHU, Dec 26 (Reuters) - Doon laga leeyahay dalkaasi Kenya oo si dhuumaal ah uga kalluumaysanaysay xeebaha badda soomaaliya ayaa lagu xukumay lacag gaaraysa US$500,000, sidaa waxaa sheegay madaxdii maxkamadda qaar ka mid ah.

Sheekh Cabdulcasiis Dajuma oo maxkamad ku taalla magaalada Eyl qaalli ka ahaa, ayaa sheegay in kabtankii doontaas la xukumay maalintii Jimcaha.
Sheekhu wuxuu intaa ku deray, in dadka doonta iska leh lagu xukumay in ay baxshaan $400,000, badmareennada doonta wedayna waxay bixinayaan $100,000, haddii kale doontana waa la xaraashi doonaa, badmareennadana xabsi dheer baa lagu xukumi.

Doontaas oo ay wadaan 33 badmaax oo isugu jira Talyaani, Kenyati iyo Somali, waxaa toddobaad ka hor ku arkay biyaha xeebaha bari kalluumaysato soomaali ah.

Waxaa kale oo la sheegayaa in ay doon kale baxsatay, laba doomood oo kalluumaysatada soomaalidu lahaayeenna la burburshay, kalluumayste soomaali ahna la dhaawacay intii hardanku socday.

Xeebaha soomaaliya waxaa waayahan dambe lagu hayay xatooyo joogto ah, kalluumaysatada soomaalida oo badanaa ilaalsha xeebahaas ayaa mararka qaar soo qabta tuugada badda ee ku soo dhuumata xeebahaas.

Eyl waxay ku taallaa bariga soomaaliya, waxay Muqdishu ka fogtahay qiyaastii 800km, waxayna hadda hoos timaadaa maamulka Puntland, maamulkaas wuxuu billaabay in uu shati kalluumaysi siiyo doomaha ajnabiga ah ee doonaya in ay si nabadgelyo leh uga kalluumaystaan xeebaha dhulkaas.

Qaxootigii Kenya joogay oo dalkii ku laabanaya
Nairobi, December 23, 1998, Dhowr kun oo qaxootigii soomaaliya ka soo qaxay ah, kuna noolaa dalkaasi keenya xeryaha ku yaalla gaar ahaan xerada Jomvu ayaa la sheegayaa in dhibaato ba'ani ku haysato Mombasa.

Dowladdda Kenya iyo Hay'adda UN-ka u qaabilsan qaxootiga waxay go'aan ku gaareen in daddka soomaalida ah ee qaxootiga ah laysugu geeyo laba xerto, oo kala ah Kakuma iyo Dhadhaab, taasina waxay keentay in dad baddan oo soomaali ah diideen in ay xeryahaas aadaan, ayaga oo ku dacwinaya in xeryahaasi ka liitaan meesha ay haddda joogaan iyo in ay xeryahaasi ka fogaynayaan magaalada Nairobi halkaas oo somalida badankeedu ka raajicinayso fiisayaasha iyo lacagta ay u soo dirayaan qaraabadooda dibadda ku nool.

Waxaa wararku intaa ku dareen in dadkaas soomaalida ah oo hadda ku xaniban Mambasa aanay haysan wax daryeel ah haba yaraatee, UN-ku waxay dheheen dadkaasi qaxootinimadii way ka baxeen kol haddii ay diideen in ay xeryaha tagaan.

Dadkaa qaxootiga ah waxay doorteen in ay dalkii ku laabtaan, hase ahaatee, waxaa la sheegayaa in aanay wax taakulayn ah haysan, ganacsatada soomaalida ayaa waxay ugu deeqeen saddex markab oo lagu daadgureeyo dadkaas, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in dadkaasi u baahanyihiin ugu yaraan 6 markab oo kiiba qaado 400 oo qof.

Dagaallo ka dhacay Sakow
Nairobi, December 21, 1998, (PANA), Dagaal ba'an ayaa ku dhexmaray magaalada Sakow qolyaha loo yaqaan Macallin-Wayne iyo Gelediga, kuwaas oo dhammaan wada sheegta Raxanwayn.

Dagaalkaas waxaa ugu yaraan lagu dilay dad gaaraya 21 qof, wuxuuna ka dambeeyay kadib markii ay fashilantay waanwaan nabadeed oo labada qolo u socotay.

Wargayska "Qaran" ee Xamar ka soo baxa ayaa warka laga soo xigtay, wuxuuna intaa ku deray in dagaalku billawday kadib markii uu nin deblay ah dilay afar qofood oo Xamar ka timid una socotay Sakow.

Magaalada Sakow hadda way deggantahay waxaana dhexwareegaya dablayda ka tirsan qolada looyaqaan Macallin-Wayne.

Saddex qof oo lagu dilay Madiina
MOGADISHU, Dec 20 (Reuters), Dagaal ka dhacay Xaafadda Madiina ee ku taalla Muqdishu ayaa lagu dilay ugu yaraan saddex qof, dagaalkaas wuxuu ka billawday dhul laysku khilaafsanaa, wuxuuna billawday dagaalku kadib markii waanwaan ay odayaal wadeen fashilantay.

Xaafadda Madiina oo ahayd meelihii magaaladda muqdishu ugu qurux badnaa markii dalku buburayay, ayaa hadda waxay noqotay goob lagu hardamo, taas oo qolyaha isku haysta magaalada Muqdishu doonayaan in ay awooddooda ku ballaarshaan.

SOOMAALIDA QURBAHA JOOGTA
Ma Is-Qabaan, Mise Way Is-Fureen?

Ibrahim Moallim Mursal
Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
Tele/Fax +31 -545 -476 -473

somalinet logo
Raggu sow Dalaaqada ma laha?
Haddaba in yar aynu eegno guud ahaan xiriirka ragga iyo haweenayda uu qabo. Ha ahaado guur-jecayl amase mid durufi dhalisay, wuxuu ku ansaxaa Nikaax waafaqsan Sharciga Diinta Islaamka.

Haddaba Illahay wuxuu ragga saaray ammaana culus oo ah awoodda hoggaminta "Al-Qiwaamah", taas oo lagu siyay garasho Rabbi "Tafatddul" oo uu ragga haweenka kaga horraysiyay iyo wixii Nafaqayn ah (ha ahaato nafaqada nikaaxa hortiisa amase dabadiisa), sida masaruufka joogtada ah, marashada, hoyga iyo wixii soo raaca oo qoysku u baahdo.

Diinta waxay haweenka u dammaanad qaadday in ay marna ka walwalin baahida nolol maalmeedka "basic needs", si loo dhowro Sharafteeda iyo Karaamadeeda. Xilkaasi waxaa la saaray ragga ay u dhaxdo (inta ay xarriggiisu tahay amase ciddadiisa tirsanayso), waalidkii dhalay, haddii la wayo walaalkeed ama xigtada kale oo ugu dhaw.

Sidaas awgeed marna nafaqada kaama harto, waana asaaska nikaaxa, haddii duruufo dhaqaale xumo jirin oo aad waxba aad reerka ku masaruuftid aadan haysanin.

Weliba taasi hawaynayda raaligeeda ayay ku xiran tahay. Markii Alla faraj kuu furo waa lagaa rabaa wixii kugu baaqday! Waxaa la gaarsiyay in raggu laga xaaraantimeyay inay cunaan maalka haweenkooda u gaarka ah, ha ahaato hanti raggoodu siyeen amase mid dhaxal ay ku heleen amase mid si kaloo xalaal ah ku soo gashay.

Waxaa Diintu oggolaatay oo keliya cunidda hantida haweenka, iyada oo ay kula gacalooto oo markaasi aad u cunto si dhadhansi leh, kumana koobna markaasi baahida aad u qabtid oo keliya hantidaasi ee waxaa laguu oggolyahay si dhereg-dhacsi iyo ku raaxaysasho ah inaad ugu intifaacdid.     Waa socotaa..

Rabadaanka Barakaysan
Waxaa qoray:   Abas Dirir
Fadliga bishan barakeysan ey leedahay waa mid aan la soo koobi karin, waa mid aad u weyn, Alle subxaanahu watacaalaa wuxuu soo dajiyey Qur'aanka kariimka ah.

Soonku wuxuu ka mid yahay cibaadoo yinka ilaahey adoonmadiisa uu faray oo uu ku adoonsadey isla mar ahaantaana ilaahey loogu dhawaado.

Soonku wuxuu kamid yahay tiirarka shanta ah ee islaamku uu ku dhisan yahay, Alle jalla wacalaa, wuxuu yiri "soonka aniga ayaa iska leh, anigaana -qofka- ka abaal marinaya"(xadiis qudsi).

Maadaama Salaadaha, Zakada iyo Xajka uu Alle iska lee yahay hadana wuxuu si gaara u yiri Soonka aniga ayaa iskaleh.

Soonku waa cibaadada kaliya ee aan galin istustus oo qofka dhergan iyo qofka gaajeysan aan la garaneynin ilaa uu qofku yiraahdo waan soomanahay, markaa kadib ey dadku gartaan.

Alle subxaanahu watacaalaa, waa kii wax waliba og. camalada kale sida Salaadaha waa loo jeedaa inuu qofku tukanayo, Zakada waa loo jeedaa inuu qofku wax la baxayo, Xajka waaloo jeedaa inuu qofku xajinayo.

laakiin Soonku waa cibaadada kaliya ee aan qofka laga garaneynin ilaa uu isagu yiraahdo waan soomanahay, sidaas ayuu Alle u yiri Soonka aniga ayaa iska leh.

Camalada kale abaal marin tooda alle wuxuu ku sheegay inuu toban jeer laalaabo ama todobaatan jeer laalaabo, laakiin soonka Alle subxaanahu watacaalaa, isaga uun baa og, oo abaalmarintiisa wuu ka duwan yahay kuwa kale.

Soonku waa nafta oo laga xabiso waxyaabaha macmacaanada iyo hawada iyo iyadoo laga gooyo wixii ay caado u yeelatey, isla mar ahaantaana lagu hagaajiyo wadada toosan si looga ilaaliyo iney dalabto raaxaysi iyo dabacsanaan.

Naftu waa in ay aqbasho wax walba ey ku daahiroobeyso oo janno lagu tagi, iyo in lagu tir-tir siiyo iney gaajo jabiso nafta hanqaltaageeda iyo qooqeeda, ee uu xusuusiyo xaalad aad u xun.

Waxaa sidoo kale looga gol leeyahay, ciririnta marinada shaydaanka ee qofka, iyadoo la ciriirinayo marinadii cuntada iyo cabida iyo in laga xabiso xubnaha xoogga leh fasaxnaantooda.

B  A  A  F  I  N

Waxaa warkiisa la doonayaa, CABDIWAHAAB SHIRE CISMAAN "GAALA ERI", oo la la'yahay muddo 13 sano ah, markii ugu wardambaysana joogay dalkaasi Maraykanka magaalada Oklahoma.

Cabdiwahaab, waxaa warkiisa doonaya Siad Abshir, hadaba ciddii wax war ah ka haysa waxaan ka codsanaynaa in ay inala soo xiriirto ama si toos ah ula xiriirto Siad Abshir oo laga helo (adan2001@hotmail.com)

BOGGA 3AAD xayaysiin Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Arafat Madaxwaynaha Falastiin oo booqanaya xaafadaha ay degganyihiin kirishtaanka reer falastiin. askar maraykan ah Ciidanka Maraykanka ee jooga Qaliijka Carabta ee ku howllan dagaalka Ciraaq oo ku ciidaya maraakiibta dagaalka ee maraykanku soo qotonshay xeebaha Kuwayt.
Ciiddii Kirishtaanka oo loo dabbaaldegay
Meelo Badan oo dunida hareereheeda ka mid ah ayaa si la yaab leh looga dabbaal degay ciiddii kirishtaanka, waxaa meelahaa ka mid ah dalalka Islaamka qaarkood sida Ciraaq, Falastiin, Malaysia iwm, waddamadaas oo ay ku noolyihiin dad kirishtaan ah oo badan.

Qaaradda Asia dabbaaldegga waxaa la socday badanaa codsi ay umadahaa dabbaaldegayaahi bulshada ugu baaqeen in la taageero nabad raagta iyo xurnimo.

Waddamada Carabta sida Lubnaan iyo Falastiin iyo Ciraaq, dabbaaldegga waxaa la socday naxdin iyo uurxumo ay reebeen dagaalladii iyo degganaansha la'aantii waddamadaas soo fool saartay dhowrkii maalmood ee ciiddaas ka horraysay. Maraykanka siiba Magaalada New York Waxaa dabbaaldeggaas la socday dabaylo iyo roob xoog leh oo korontadii ka gooyay in ka badan 300 oo kun oo guri, waxaa la sheegayaa in dadkaasi ciideen ayaga oo shumac ifsanaya!

Dalka Ruushka waxaa dabbaaldegga la socday gaajo la yaableh iyo dhexen badan, taas oo ay keentay dhibaatada dhaqaale iyo midda maamul ee dalka haysata.

Habar 93 jir ah oo guuxeedii ka dheeraysay!
Habar 93 jir ah oo reer California ah, ayaa lagu soo eedeeyay in ay ku xadgudubtay xeerka socodka baabuurta, kadib markii ay ku socotay 100km saacaddiiba, ayada oo meeshaa loo ogolaa 70km saacaddiiba.

Habartaas oo la qabtay ayada oo baabuurka ku wadda xaafaddeeda, waxaa la soo saaray maxkamad, waxaase la yaab lahaa in ay diidday bixintii lacagtii ganaaxa ahayd oo gaaraysay ($100).

Waxay qaalligii xukumayay ku tiri, haddii aad iga dhaafaysaan bixinta lacagta ganaaxa, wax aan cuno iyo meel aan seexdana aad i siinaysaan, waxaan doorbiday in lay xiro oo dabbaaldegga ciidda kirishtaanka aan xabsi galo.

Hase ahaatee, Qaalligii wuu diiday in uu xabsi u diro habarta, wuxuuna ku xukumay 20 saacadood oo iskaa wax u qabso ah.

Dalkaasi Chechnya oo shareeco lagu xukumi doono
Maxkamadda sare ee dalkaasi Chechnya oo bedeshay qaanuunkii ruushka, ayaa waxay khamiistii go'aamisay in la casilo golaha baarlabaanka dalka, bedelkiisana la dhiso gole cusub oo loo yaqaan golaha shuurada.

Chechnya waxaa sanadihii la soo dhaafay ka dhacay dagaal gobanima doon ah oo ay ku dhinteen muslimiin badan, waxaana wararku sheegayaan in qaraarkaa cusub laga yaabo in uusan casilin madaxwaynaha dalka oo loo ogolaado in uu shaqada sii hayo inta mid kale laga soo dooranayo.

Masaajidyo afur ugu deeqay dadka baahan
In la daryeelo dadka baahan, waa arrin qof kasta garan karo, laakiin inta fasha howsha jaadkaas ah way yaryihiin.

Masaajidku wuxuu ka mid yahay meelaha cibaadada loo dhisay, laakiin su'aashu waa, masaajidka ma loogu tala galay in lagu daryeelo dadka baahan?

Haddii aan taariikhda Islaamka dib u eegno, waxaan arkaynaa in ay jireen waqtiyo masaajidda loo adeegsaday meelo dadka baahan lagu daryeelo, waxaana arrintaas tusaale u ah dadkii loo yaqiin "ahl-sufa" ee noolaa waagii Nabiga, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, dadkaas waxay gaarayeen dhowr boqol mararka qaar, waxayna ku soo hoyan jireen masaajidka nabiga dayrkiisa halkaas oo wax ay cunaan iyo wax ay hugtaan lagu siinjiray.

Maanta waxaa dhacday arrintaas mid u eg, taas oo ah in Ciraaq iyo dalal kale oo la mid ah oo muslim ah ay baahi xumi ka dhacday, dalakaas waxay billaabeen in ay dadkaa baahan ka siiyaan afur masaajidyada.

Runtii waa arrin aad u fiican, waxayna aad ugu habboonaan lahayd soomaaliya, in kasta oo aanan u malaynayn in ay sidaa yeeli doonaan, maxaa yeelay waa dad qalbigooda nacayb eebbe ku abuuray.

Madaxwaynaha Pakistan oo awood badan siiyay milateriga
Dalkaasi Paakistan waxaa waayahan dambe dhibaato xoog leh ku hayay tuugada iyo burcadda gacan ku dhiiglaha ah ee dadka dilaysa.

Dilka iyo dhacu waxay noqdeen waxyaabo joogto ah siiba meelaha qaarkood sida Magaalada Karaaji, taasina waxay keentay in ciidanka xoogga dalka la siiyo awood dheeraad ah si uu u soo qabto burcadda una xukumo.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa madaxwaynuhu wuxuu awood u siiyay ciidamada in ay soo qabtaan oo maxkamad millateri soo saaraan tuugada xadaysa qalabka korontada ee ay dowladdu gelisay dalka.

Waxaa dalkaas waayahan dambe dhibaato ku hayay tuugo u baratay in ay xaddo xoolaha dowladda gaar ahaan qalabka korontada iyo wixii kale ee ay dowladdu leedahay.

Sheekh Bin Laden oo Muslimiinta ugu baaqay jihaad
sheekh bin laden
Sheekh Bin Ladan ayaa maalintii khamiista ugu baaqay dadka Muslimka ah in ay jihaadkooda ay uga horjeedaan Maraykanka iyo Ingriiska sii wadaan. Waraysi uu la yeeshay Wakaaladda ABCNews, wuxuu wadaadku sheegay in dad waynaha Ingriiska iyo Maraykanku dowladahooda taageersanyihiin, taas
ayaana dhiiggooda xalaal ka dhigaysa, oo in la dilo waajibisay, maxaa yeelay dowladahoodu dagaal ayay muslimiinta ku qaadeen sida midka Ciraaq iyo midka Israaiil waddo.

Marka waxaa lagama maarmaan ah in la dilo qof kasta oo Ingriis ah ama maraykan ah.
Mar wax laga waydiiyay weerarkii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tanzania, wadaadku wuxuu sheegay in uusan arrintaas wax lug ah ku lahayn, laakiin uu taageersanyahay, ragga weerarka qaadayna uu garanayo qaar ka mid ah.

Waxaa kale ee uu wadaadku sheegay in uu ka fakaday shirqoollo la doonayay in lagu dilo asiga, kaas oo ay u dhigeel amiirrada sacuudiga qaarkood, ayaga oo lacag badan dad siiyay, dabadeedna faray in la soo dilo bin Ladan, waxaa kale oo shirqoolladaas ka mid ahaa kii ay soo qaadday dowladda Maraykanku ee saaruuqa ahaa laguna dhuftay xeradii uu wadaadku degganaa, halkaas oo ay ku dhinteen dhowr iyo labaatan arday ahayd.
BOGGA 4AAD somali prees on-line logo
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
SOMALIDA MAANTA IYO AFSOMALIGA

Waa daraaso cusub oo uu qoraagu ku falaanqaynayo, "habka ay soomaalidu -ha ahaato midda soomaaliya ku nool ama midda qurbaha ku noole- ay afafka somaliga & Ingiriiska) u adeegsato, iyo sida arrintaasi u saamaysay fikirka soomaalida maanta.
Waxaa inoo soo qoray daraasadan:

Ibraahim Yusuf
Skogsrundan 34A, 691 43 Karlskoga, Sweden.
Tel. 586 393 74

Qaybtii 3aad:
Dhibaatooyinka Dagaallada Sokeeye ma laga gudbi karaa?
Ummado badan ayuu sannadahan dambe dagaal sokeeye ka dhex qarxay, giddigoodna waxay heleen xal ummadnimadooda u qalma, marka laga reebo reer yuguslaafiya oo aan awelba iyagu isku dad ahayn, waxbana wadaagin.

Reer lubnaan, oo soo maray burbur iyo colaad si teenna u fool xun, kaas oo run ahaantii lahaa sababo teenna ka qoto dheer, ugu dambayntii waa kuwaa ku guuleystey in ay isagu yimaaddaan qaranimo sharaf leh.

Waxaas oo dhan dooni maayo in aan dhex galo, waxaanse la yaabbanahay sida uu weli wacyiga iyo garaadka bulshadeennu u hooseeyo, ee aynu dhalanteedka iyo micno darrada ugu dhex dabbaalanayno.

Waxaan uga jeedaa, markii la dhisay maamulkii waqooyiga, waxaa loo bixiyey ”Somaliland”.

Arrinta la yaabka lihi waa magacaas oo aan sidiisaba lahayn dhadhan iyo macne soomaaliyeed. Dhulkaa Ingiriiska ayaa waqtigii uu maamuli jirey ula baxay ”The British Somaliland”. Ka hor iyo ka dibba dhulkaasi wuxuu lahaa magac soomaali ah, waana in uu lahaadaa.

Magaca ”Somaliland” samayn maayo macne xaddidan oo gobolladaa u gaar ah, waayo waa erey ingiriisi ah oo macnihiisu yahay: ”Dhulkii Soomaalida”. Ma halkaas oo keli ah ayaa haddaba ah ”Dhulkii soomaalida”? Waxaa jirey ”The French Somaliland”, ”The Italian Somaliland” iwm.     Waa socotaa...
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah?
Waxaa Qoray:
Ibrahim Moallim Mursal
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]
Burburka Dowladnimo
Haddaba waxaaynu dhihi karnaa Jamhuuriyadda Somaliyeed "La Repubblica Somala" waxay ku aaasaasantay waxa loo yaqaan Dowlad sharci ku taagan State Of Law amase" Stato di Diritto’ oo u habaysan una qaab-eg nidaamka Reer-Galbeedka "western-style cultural system".

Haddaba qaabkaan aan meelna ka soo gelin hiddaha, dhaqanka iyo qaab dhismeedka xeerarka Somaliyeed, ma u habaysnayn in si toos ah bulshada Somaliyeed in loogu dhaqo, kamana haqabtiri karaynin baahida bulshada u qabtay nidaam ay ku hirato.

Arintaasi waxay kalliftay Sharciyada Dowladda in loo adeegsado hawlaha iyo biroqradhiyada Dowladda. Mar kastoo Dowladda ay la soo gudboonaato in nidaamka Dowladda ay ku hoggaamiso bulshada ama shacbiweynaha, waxaa la samayn jiray waxa loo yaqaan xeer-ka-boodyo amase xeer-jajab (exceptional amase special provision).

Tanine waxay keentay xeer-ka-boodku in uu xoogaysto oo xeerarkii dastuurigaba uu qariyo. Taas oo micnaheedu noqday Dowladnimadii in ay ka baxdo Sharcigii iyo Dastuurkii ay ku taagnayd, Shakli amase formally-ba ha ahaadee.

Halkaasine waxaa looga siibtay ilaaladii amse raqaabadii sharciga. Ilaaladii loo yiqiin "Checks and Balances" xubnaha Dastuuriga kala hagaysayne ku baaba’day oo arintu noqotay jaantaa rogan.Waxaa dhalatay dhuuninimmo, danaysi iyo qalin ku adeegasho, nin jeclaysi iyo qabiil kaklkaal.

Xeer-jajabkii ayaa loo isticmaalay dana-shaksi u adeegsi. Sidaasi ayay ku timid in sharci-ka-boodku uu beddelay sharci ku dhaqankii.    [Waa socotaa...]  
FOOLXUMOOYINKII KHARAARAA EE WAAYADII DAGAALLADA

    Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
    Cinwaanka: Horta Yaa Dunida Fasahaadiya?
    Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya fasahaaddii iyo hooggii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee soomaaliya iyo siyaabaha laga yaabo in loo xalliyo.
    Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel)
Keenee gar daran?
Mar aan marti qaaday dhawr nin oo ka kala socda qabiilooyinka Soomaaliyeed, qado ka dibna aan gooni-gooni iyo guud ahaanba ugala sheekaystay xalladda murugsan ee dalka, iyadoo iyaguna ay dhexdooda is weydaarsanyeen doodo furnaa oo ku saabsanaa isla arrinta.

Nimankaas oo aan ku kala qiyaasayey inay ka mid yihiin kuwa ugu wax garadsan, marka loo eego sida ay Soomaalidu u taqaan wax garadnimo, ayuu si dadban oo aan toos ahayn, laakiin hadal qalbi ka soo go'ay ah mid walba iigu caddeeyey fikraddiisa sida uu u arko inay qoladiisu xaq u leedahay in ay iyagu ka taliyaan dalka taas oo macneheedu yahay ninkii hela jagada madaxweynenimada qoladiisu waa kuwa ka taliya dalka marka loo eego rumaysadka Soomaalida.

Hadaba waxaa naxdin iyo uur ku taallo igu noqotay markay boqolkiiba boqol is waafaqeen, haba is ku khilaafeen hab asluubeedkee, fikirkii iyo ictiqaadkii ay qabeen odayaashaasi iyo kay qabeen caamadoodu, taasoo ah sababta ku keenaysa inay qola walba qorigeeda deegta u ridato oo raadsato xuquuq ka maqan iyadoo isku tilmaamaysa mujaahidiin xaq ku dirir ah oo gurigoodii daad ugu soo galay, kuwa ka soo horjeedana ku tilmaamaysa mutamaridiin mutaystay in lagu jihaado oo Ilaahayna ku caasiyoobay ardigana fasahaadinaya.     Waa socotaa...
BOGGA 5AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

    Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
    1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
    2. Mowduuca: Tawxiidka.
    3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
    4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
    5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.

CASHARKA 25AAD
FAAHFAAHIN KU SAABSAN JAADAD SIXIRKA KA MID AH

Axmad wuxuu yiri:
Qadan bin Qabiisa ayaa aabbihiis ka soo weriyay in uu maqlay Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee oo leh:
"Shimbiraha oo la buubsho iyo faalka iyo shimbiraha oo lagu saacsado sixirka ayay ka mid yihiin"

Cowf wuxuu yiri: Shimbira buubintu: waa cayrintooda, faalkuna waa jiitimo dhulka lagu xarriiqaayo.
Jubtiga-na: Xasan wuxuu yiri: waa shaydaanka codkiisa.
Abuu Daa'uud iyo Nasaa'i iyo Ibnu xibbaan saxiixiisana xaddiiskaas oo kale ayaa lagu soo sheegay.

Ibn Cabbaasna Allah asiga iyo Aabbihiiba ka raalli noqdee, wuxuu yiri: Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaa yiri: Qofkii barta qayb xiddiginta ka mid ah, qayb sixirka ka mid ah buu bartay, intuu kordhiyo ayuuna kordhaa"{Abuu Daa'uud).

Nasaa'ina wuxuu xaddiiskii Abuu Hurrayra ka soo weeriyay, Allaha ka raalli noqdee in "Qofkii gunud gunta ee ku tufa uu sixray, qofkii wax sixrana uu Eebbe u shariigyeelay, Qofkii laabta wax gashadana ayagaa loo tala saaraa".

Ibn Mascuudna waxaa laga soo weriyay in Nabigu naxariisi korkiisa ha ataatee uu yiri:"Ma idiin sheegaa beentu waxa ay tahay? waa diradiraha, warka dadka la isga sheego" {Muslim}.

Bukhaari iyo Muslimna waxay Ibn Cumar, Allaha ka raalli noqdee, ka soo weriyeen, in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yiri:"Codkarnimada qaarkeed sixirka bay ka midtahay".

MAS'ALOOYINKA CSHARKA
Tan 1aad: Waa in shimbira buubinta iyo faalka iyo shim-biraha oo lagu saacsado ay sixirka ka mid yihiin.
Tan 2aad: Waa tafsiirka shimbira buubinta iyo faalka.
Tan 3aad: Waa in cilmiga xiddigintu uu jaad sixirka ka mid ah yahay.

Tan 4aad: Waa in guntinta oo la afuufaahi ay sixirka ka mid tahay.
Tan 5aad: Waa in diradiruhu asiguna sixirka ka mid yahay.
Tan 6aad: Waa in codkarnimada qaarkeed ayaduna ay sixirka ka mid tahay.
BOGGA 6AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 20aad
LIBAAXII IYO DIBIGII
(Xuunshadii dhiddig ayaa, markii midkii lab taladeedii diiday tiri:)
Qofkii aan maqal waanada, waxaa qabsada wixii diin qabsaday, markii uu diiday taladii boolaboolada!

Kii lab ayaa yiri: oo taasi sidee bay u dhacday?.
Tii dhidig ayaa tiri: laba boolaboolo ayaa ag degganaa hara cows leh, haradana diidiin baa ku jiray, jacayl iyo jaalnimo ayaana ka dhexeeyay, waxaana dhacay in biyihii gureen, labadii boolaboolo ayaa diin u yimid si ay u nabad gelyeeyaan, waxayna ku dheheen:
Nabadgelyo, annagu halkan waannu ka tegaynaaye, maxaayeelay way biya yaraatay.

Diindiin: biya la'aantu aniga oo kale bay ka muuqanaysaa, maxaa wacay sidii donni baan ahay, oo ma noolaan karo biya la'aantood, adinkuse meel walba waad ku noolaan kartaan ee i kexeeya.

Waxay dheheen waa hagaag. Wuxuu yiri: oo sideebaad ii qaadaysaan?.
Waxay dheheen: qoray baan labada dhinac ka qabanaynaa, adiguna dhexdiisa ayaad afka ku qabsanaysaa, sare ayaanna kugula duulaynaa, iskana jir oo haddii aad maqasho dad hadlaya ha dhawaaqin.

Kadibna, way qaadeen oo sare bay ula duuleen, markaas baa dadkii yiri: waa yaab!, diidiin laba boolaboola u dhexeeya oo ay sidaan.

markii uu maqlay hadalii buu yiri: indhaha eebbe idinka rid dadyahow. Markii uu afka kala qaaday buu dhulka u dhacay oo dhintay.

Kiilab baa yiri: oraahdaadii waan maqlay ee ha ka cabsan qubada.
Kolkii biyihii soo maaxeen bay ukuntii la tagtay.
Tii dhiddig ayaa tiri: sidan in ay noqonayso waan ogaa!!!.

kii lab: aniga ayaa ka aargoosanaya. Kadibna wuxuu aaday bah shimbireed, wuxuuna ku yiri: adiinku walaalahay baad tihiin iyo kalsoonidaydii ee ii kaalmeeya.

Waxay dheheen: maxaad doonaysaa in aannu samayno?
Wuxuu yiri: waad kulmaysaan oo shimbiraha oo dhan baad u tegaysan, waxaanna uga eed sheeganaynaa wixii quba igu samaysay, waxaanna oranaynaa adinku shimbiro nala mid ah ayaad tihiin ee ina taageera.

Shimbirihii waxay ku dheheen: annaga guduri ayaa madax iyo boqor inoo ah ee asiga inoo kexee si aan ugu calaacalno oo uu inoogu soo baxo, oo aan waydiisano in uu boqornimadiisa inoogu aar goosto.

kadibna ayagii iyo xuunshadii baa israacay oo u ciladhaansaday kuna calaacalay wuuna u soo baxay oo sheekadii bay u sheegeen, waxayna waydiisteen in uu raaco si quba loola dagaalamo, markiiba wuu ogolaaday, qubo markii ay maqashay in guduri iyo shimbiro dagaal u soo socdaan, bay ka cabsatay in ay la dagaalanto boqor aaney awood ku dhamayn markaas bay ukuntii soo celisay oo la heshiisay, gudurigiina ka noqday.

Waxaanna sheekadan kuugu sheegay in aad ogaato in la dagaalanka libaaxa wax kuugu sugani aysan jirin.     (Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD xayaysiin
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
Khalif's Photo Khaliif Sh. Maxamuud Siciid (1951-1982)
GABAYGII JAWAABTA AHAA EE CALI CILMI (Afyare)
Gabaygan waxaa tiriyey Cali Cilmi “Afyare”(Allaha u naxariistee) isgoo ka jawaabaya gabaygii Khaliif Shiikh Maxamud ee Hurgumo. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 109 (Boqol iyo sagaal) tixod, waxaana loogu magacdaray “MASHIIQSI”.

Maasadan waxaa inoo soo habeeyay:
Maxamad Ciise Axmad (Ciise Carab)
Qaybtii 4aad:
Madiixiyo gabaygaagu waa
kaa muraadsadaye
Macnihii dawacdii haddaad
igu madaareyso
Miidlaha wankiyo goortii ay
mariso reerkaaga
Oy maqasha kaa layso bay
kuu mashxaradaaye
Magligeyga jiifsaday haddaad
maad ka dhiganeyso
Inkastoo magool aadan lahayn
muhasho ii qaado
Maxaa diini ii dhiimaye adaa
jebiyey mooskiiye?
Afartaa sidii macallimada
“Miin” ma ka higgaadshey
Majarihiisa kama leexiyee
muunad ma u sheegay
Afar kalena mayay soo curtiyo
mililiceygii dheh
Mallayga iyo beeyada raggii
adugu maansootay
Siwaaqroonka xeebtiyo marsada
mooshinku is dhaafo
Muuse iyo Ismaaciilka bari
kuma maqlaayaane
Iyagoo mareeg lagu xiray oo
moora lagu ooday
Musbaaxdii kacaanku u shiday bay
mahadinaayaane     (Waa socotaa...)
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.

Qaybtii 8aad
81. Duunyo kaa cararaysa waa la ceshadaa, dadkaa cararayase lama celiyo.
82. Doolli wuxuu maamulaa meel ay mukulaali ka maqantahay.
83. Degdegsiiyo haddii ay door dhasho, kaadsiiyana kiish lacag ah buu dhalaa.
84. Doqoni waxay ku barto ayaa waxay ku baddo kaaga daran.
85. Dameero isku hallayn bay hooyadood dabada uga nuugaan.
86. Dameer waxa uu u gawsa beelayo waa wax ha kaa hareen.
87. Dawaco meeshii ay macal uga barato bay macluul ugu baqdaa.
88. Dulmi abbakar iyo digo sagaaro ayaa la masliyay.
89. Doqoni sokeeye malaha.
90. Doqoni nin ay dibirsatay kama kacdo.

BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
TARJAMADA LUQADAHA
Waxaan aqristayaasha qaayaha leh ugu bishaaraynaynaa in idaarada wargayska Somali Electronic Journal hayso waqtiga xaadirka ah dhallinyaro mutacalimiin ah oo aqoon dheeraad ah u leh luqadaha (Ingriiska, Carabiga, Soomaaliga iyo Isbaanishka iyo luqado kale oo muhiim ah), awoodna u leeyihiin in ay turjumaan kutubta iyo maqaaladaha cilmiga ah iyo qoraallada kale ee la midka ah.
Hadaba ciddii doonaysa in loo turjumo qoraal noocii uu doono ha ahaadee, ha la soo xiriireen maamulka wargayska, qiimaha shaqadda tarjamadu waxay ku salaysan tahay nooca shaqada tiro iyo tayo intaba iyo heshiiska labada dhinac wada gaaraan.
Buug iyo Cajalado iib ah
1.Cajalado iib ah
(a). Aasaaska Barashada Afka Carabiga: Waa duruus kuugu kaal maynaysa sidii aad u xoojin lahayd afka carabiga, oo ku duuban shan cajaladood.
Qiimaha: (hal cajalad = US$10.00) oo aan qarashka boostadu ku jirin.
(b). Cajalado Dikri iyo Nabi ammaan ah: Waa nabi ammaan cod aad u qurux badan lagu qaadayo, oo ku xasuusin doona habkii wadaaddadii hore ee soomaalidu diinta u fahmeen.
Qiimaha: Halkii xabbo (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
2. Buugaag iib ah (a).Cinwaanka: as-salafiyah al-wahhabiya, bayna mu'ayidiha wa muntaqidiha(187 bog).
Mowduuca: Waa kitaab af carabi ku qoran oo ka sheekaynaya taariikhda xarakadii Sheekh Maxamad Bin Cabdil wahhab.
Qoraaga: Hersi M. Labagarre
Madbacadda: Bruneio Printers 1996.
Qiimaha: (US$ 15.00) oo aan boostadu ku jirin.
(b). Al-caqidah al taxawiyah (tarjamada afsomaliga)
Qiimaha:US$ 5.00 oo aan boostadu ku jirin.

MA U BAAHANTAHAY IN LAGAA CAAWIYO SAMAYNTA HOME PAGE ADIGA KUU GAAR AH?
Haddii jawaabtu (haaaaaaa) tahay fadlan nala soo xiriir, idaarada wargayskan waxay heegan u tahay in ay kaa caawiso qoridda (home page-kaaga gaarka kuu ah) iyo sidii aad u fidin lahayd figradahaaga qiimaha leh.
Sidoo kale waxaan heegan u nahay in aan kaa caawinno xayaysiinta Ururkaaga, Sharikaddaada, Home Page-kaaga, badeecadaada iyo khadamaadkaaga intaba.

Madaxwayne Ha layga dhigo!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne Ha layga dhigo.
Mowduuca: Waa buug afsoomaali ku qoran, oo si qoto dheer u falaanqaynaya, hardankii qabiilooyinka soomaalida ku dhexmaray madaxwayne-nimo-doonka, iyo xujooyinkii qolo kasta ku andacootay.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah

XISAABTA MA KU LIIDATAA?
Ma u baahantahay qof kaa caawiya maaddada xisaabta? si aad u yeelato aqoon xagga xisaabta ah oo kalsooni buuxda kaa siida, xisaabta aad u baahantahay maalin kasta.
Tusaale ahaan: (Everyday Mathematics, an introduction to geometry, an introduction to statistics, averages, introduction to algebra iyo qaar kale), haddii aad xiisaynayso mowduucan waxaad qaadan kartaa toddobaad kasta duruus lagugu siiyo af ingriis (by email) laguuguna sharxo af soomaali, haddaba fadlan la soo xiriir idaarada wargayskan.
Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page