CODKA SOOMALIDA CUSUB
The Voice Of Modern Somali
=============================
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah:
Wuxuu ku soo baxaa afafka:
(Soomaaliga iyo Ingiriiska)
Wuxuu Soo baxaa Maalin kasta oo Axad ah
*************$$$$$$$$$$*************
Waxaa Abaabulay:
Hersi M. Labagarre
(Ph.D. Philosophy & Theology)
National University of Malaysia
***********$$$$$$******************
Taariikh: 7/6-13/6/1998
-------------------------------------------
Tusmada Qaybtan:
Bogga----iyo---Maqaalka:
-------------------------------------------
Bogga 1aad: Ararta Wargayska:
Qore:Hersi M.Labagarre
Bogga 2aad: Suugaanta Soomaalida:
Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed
Waxaan maanta ku soo qaadanaynaa
Maasadii Dardaaran ee uu tirshay
Allaha U naxariistee:
Sayid Maxamed Cabdule Xasan
Bogga 3aad: Maxaa Laga Wadaa? (Abgaal)
Qore: Hersi M. Labagarre
Bogga 4aad: Diinta Islaamka: Tawxiidka (Casharkii Labaad)
Qore: Sheekh Maxamad Bin Cabdil Wahhaab
Bogga 5aad: Bogga dhallinyarada
Sheekadii Kaliila iyo Dimna (Qaybtii 1aad)
Qore: Cabdullaahi Bin Muqafac.
Bogga 6aad: Bogga Doodda
Horta Yaa Dunida Fasahaadiya
Waxaa qoray: Qasim Xirsi Faarax
(M.A. Qaanuunka iyo Shareecada)
Bogga 7aad: Iidheh iyo Ogaysiis
(Mawliidka Nabiga barakaysan)
--------111111111111------------------
Bogga 1aad: Ararta Wargayska
Wargayskan sida aan horeyba ugu sheegay, ujeeddadiisu waa in
la isku xiriirsho soomaalida maanta dunida joogta intii la isku xiriirin karo, ayada oo udub dhexaad laga dhiganayo afkooda hooyo, taasina waxay keenaysaa dhowr waxyaalood: midda 1aad
waa in afkooda hooyo uu hore u maro oo uu galo caalamka internet-ka, tan 2aad-na waa in ay isku xirnaantaas iyo iska warqabkaasi keeno is kaashi iyo wax wada qabsi, ayada oo laga gudbayo dhammaan waxyaabaha dibudhaca iyo luggooyada u keenay ummaddeenna, sida qabyaaladda iyo qolaqolaysiga iwm.
Taas waxaa caddaynaya in aqoon is waydaarsiga iyo isku xirraanshaha ku dhasha internet-ka dhexdiisa ay keeni karto in la is kaashado ayada oo aan aqoon qabiileed ama qolo la isu lahayn, maxaa yeelay waxyaabahaasi maslaxada labada qof ee netka ku xariiray bay ka soo hor jeedaan, kolka labadaa qof waxaa qasab ku noqonaysa in aanay ka hadlin waxyaabahaa maslaxadooda joojinaya oo lug jiidaya.
Waxaan arrimahan iyo qaar la mid ah ka wada hadalnay dhowr jeer
dhallin yaro soomaali ah annaga oo adeegsanayna (mIRC)ga, waxayna badankoodu muujiyeen soo dhawayn iyo u riyaaqid, taasna waxay tusaysaa in dadkeennu maanta u baahanyahay wax xiriirsha,
gaar ahaan kumanyaalka dhallinyarada ah ee dunida jaamicadaheeda ku jira, kuwaas weeye kuwa aan uga jeedu (Soomaalida cusub) Gaar ahaan, guud ahaanna waa soomaalida dibadda dalka uga soo baxday.
Haddaba walaal aqriste, soomaalidu adiga ayay kuu baahntahay, wixii aad tari karto in aad ugu deeqdo maxaa kuu diiday!
Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre
---------------2222222222-------------------
Bogga 2aad: Suugaanta Soomaalida:
"Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed"
Waxaan maanta ku soo qaadanaynaa
Maasadii Dardaaran ee uu tirshay
Allaha U naxariistee:
Sayid Maxamed Cabdule Xasan
Min daroofle, aql daahya wayn, dadab la heedaamay
Dermo iyo firaash lagu gam'iyo, daalam iyo googo'
Aniga oo waxaan doonayaba, derejaday hasta
Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii ceeldheero
Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gawdiidshay
Dumbuq subaga degelkaan ka kacay, dahab wixii yiillay
Dakhal jabay wixii daar burburay, ama bukaar duugmay
Didibtii bannaanayd wixii, dad iyo maal jiifay
Diric iyo waxay sheekh dileen, ama duq waayeela
Maxajabad daboollayd wixii, gaal u dukhuleeyay
Dabatoobka Iidoor wuxuu, darayay caarkiisa
Lo' durdura wixii deebla geel, nalaka sii daayey
Dulihii shareerraa wixii, daal na caga gooyay
Dirrawgii qabsaday reerka yaga, dalankicii gaaray
Dulkuneefle kaan soo agmaro, duullan ka hor gayska
dan la'aan waxay nagu faleen, darab nijaaseedku
Doonyaha shammaalka ah haddii, dakhalka loo laabo
Mar uun baa dabaylahaa sidaa, kor u dandaanshaane
Oo doofaarradii ku jiray, daraxu caynshaaye
Dabro cudura duumo iyo furuq, waxa dadkii xaaqay
Annagu diidi maynoo marbaa, daayin noo wacaye
Ninkiise tiisa loo daynayaa, haygu diirsado e'
Kolna haddaan cid laga dayna hayn, mowdka dabaqdiisa
Ninkii haatan nagu daganayow, dan iyo xeeshaa e'
(Qaybta kale, waxaan soo raacin doonnaa doddobaadka
dambe, haddii Eebbe yiraahdo)
[Tixdan waxaa laga soo qaatay buuggii uu qoray Jaamac Cumar Ciise 1974kii oo cinwaankiisu ahaa[Diiwaanka gabayadii Sayidka].
------------333333333333333--------------
Bogga 3aad: Maxaa Laga Wadaa (Abgaal)?
(Maqaalkani wuxuu ku saabsan yahay qolo ka mid ah qolooyinka soomaalida, ninkii doodcimiyeedka casharkan ku saabsan wax kusoo biirin kara ha ku soo dhawaado, aragtidiisana ha soo diro
si aan toddobaadka dambe u fidinno) toddobaadkii hore waxaan ku
soo qaadannay (bunka) iyo meesha uu uga jiro dhaqanka soomaalida.
-----------
Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre
abgaal: qolo qolooyinka soomaalida ka mid ah oo xoola dhaqashada iyo degganaanta iyo diin jeclida caan ku ah.
"abgaaloow, maandhow adigana diin iyo degganaasho baan kuugu duceeyay" oraahdan odagii hawiye ayaa laga sheegay.
"abgaal ismaanyo aal dameer anaa ogoo ushaa u roon"
"abgaal dabbaal maaha waase aqli debbelanyahay" "abgaaloow afuufa wayne aarankii abkeey ka leexo"
shiribkan iyo kuwo la mid ahna waxaa ku shirbay qabiilooyinkii abgaalka colaaddu dhexmari jirtay siiba murusadaha, sayidkiina waxaa laga sheegay in uu yiri:"nimanyahaw abgaal ma hurdaa mise wuu soo jeedaa!, wuu hurdaaye hurdadiisa u daaya!"
"ninkaan dibutaati daadihinayn amaan dabagaabi daaya lahayn, dameerki abgaalba wuu dili" maasadanna waxaa la tirshay waagii musuqmaasuqi,
"sagaal abgaalyo sayma roob hadday saftaan sidaan miyaa!"
"abgaalow, habargidir baa kuu timid, adigaan ku ahay bay ku tiri, waayahaye halkan iisoo deg baad tiri, kuma ahayne way kugu meelgaaraysay, abgaalow, murusadaa kuu yimid, adigaan ku ahay buu kugu yiri, waayahaye ii soo deg baad tiri, kuma ahayne, waa kugu meelgaaraayay"
waanadan oday waxgaradkii cidda abgaal ka mid ah ayaa laga sheegay, waxaana la yiri, sheekadu waxay dhacday waagii habargidir iyo murusade koofur iyo xagga dhulka abgaal dego ku soo badanayeen, kolkii ay abgaal u soo degeen oo ay xoogaysteen ayay dhulkii kula dirireen, oo xamar iyo dayniille iyo agagaarkooda ayaa dagaallo ku dhexmareen abgaalka iyo qolyahaas.
waxyaalaha abgaal laga sheego waxaa kale ee ka mid ah, kutirikuteenta la soo tebiyo ee ka sheekaynaysa sidii abgaal meesha uu haadda degganyahay uu ku soo degay iyo meeshii uu markiisii hore ka soo guuray, waxayna dheheen,
abgaal naag murusade la dhalatay baa dhashay oo odaygii abgaal awowgoodii hore ahaa ayaa gabadhaas guursaday, reerkuna dhulka xabashidu hadda deggantahay buu degganaa, abgaalkana hiraab baa la dhihi jiray, kolkaas baa maalin maalmaha ka mid ah abgaal in uu guuro doonay asiga iyo xaaskiisii, murusade ayaa kolkaa qalabkiisii soo qaatay oo
yiri: aniguna waan kulaguurayaa oo walaashay ka hari maayo, kolkaas baa "heridiid" loo baxshay, sidaa ayayna "hiraab" iyo "heridiid" ku noqdeen. waxaase dhacda in mararka qaarkood murusadaha laftooda hiraab la yiraahdo, taasna waxaan ku aragnay, sida ay kutubta taariikhda qaarkeed
sheegtay, tusaale ahaan, badmareenkii axmad ibn maajid wuxuu abgaalka iyo murusadaha deggan xeebaha koofureed ee ku aaddan dhulka mesegga-waa loo yaqaanno ku tilmaamayaa in ay hiraab yihiin, waxaa kale oo jirta in waagii ay xawaadle iyo murusade colaaddu dhexmartay, waa mar lixdameeyadii ku aadane, ay col murusade ah oo dagaalkii ku soo
guulaystay ceel ay niman abgaal ahi shubayaan yimideen, kolkaas baa nin raggii ceelka shubayay ka mid ah yiri, "heriddiidki hooyaday dhalow, hiraan ma ii hibeyn kartaa" heriddiid murusadaha ayuu ka wadaa, hiiraanna waa gobolka xawaadluhu dego, ujeeddada shiribkuna waa "heriddiidki hooyaday
dhalayow, hiiraan ayaan soo qabtay ma i dhihi kartaa!" shiribkan waxaa loo soo tebiyaa sidoo kale "hiraabki hooyaday dhalow, hiiraan ma ii hibayn kartaa" haddii aan sidan u qaadanno shiribka, kutirikuteentii aan hadda soo sheegnay ayaad mooddaa in uu ka hor imaanayo, maxaa yeelay, kutirikuteenta, marna abgaal ayaa hiraab lagu sheegaa, marna murusadaha iyo abgaalka, oo wada jira, sidoo kale, naagta abgaal dhashay ee la
sheegay, ma murusade baa dhalay mise way la dhalatay, mise way dhashay? shiribka waxaa laga dhugsanayaa in murusade dhalay, kutirikuteentana in ay la dhalatay baa lagu sheegaa, waxaanse u malaynayaa in raggii kutirikuteenta maleegay ay sheekada qaldeen ama kuwa soo tebiya ay arrintu isga miliqday, waxaana habboon ama ay u egtahay in murusade iyo abgaal labadaba hiraab la isku
yiraahdo, waana aragti ama ujeeddo ka mid ah ujeeddooyinka magacan loo yaqaan, taasina waxay noo fududaynaysaa in aan garano, ujeeddada shiribka ku timid ee ah in heriddiid ama hiraab abgaal hooyadiis dhalay, ama ay ayadu dhashay, maxaa wacay waxaa la soo tebshay "heridiidki hooyaday dhashow,
hiiraan ma ii hibayn kartaa" kolka haddii sidani sax tahay waa walaalo isku hooyo ah, magaca heridiidna sida la sheegay goor dambe buu baxay, marka wax dhibaato ah la kulmi mayno haddii aan kutirikuteenta sidan aan soo sheegnay u faahfaahinno hadalkuna is burrin maayo, maxaa
yeelay, ninka shirbay hadalkiisa ah "hiraabki hooyaday dhalow" haddii uu run noqdo waxaa loo qaadan karaa in uu murusadaha markaa ku cisaynayay maxaa wacay dagaal bay ku soo guulaysteen, kolka wuxuu ugu yeeray magacii aabbahood, wuxuuna ka dhigay sidi wax gabadha abgaal dhashay dhalay si uu mudnaantooda u muujiyo, haddii aan shiribka dhanka kale u qaadannana arrintu sidan way ka fududdahay.
------------44444444444----------------
Bogga 4aad: Diinta Islaamka:
Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad bin Cabdil Wahhaab
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagrre.
TAWXIIDKA (CASHARKA 2AAD)
FADLIGA TAWXIIDKA IYO DAMBI DHAAFKIISA
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Kuwa xaqa rumeeyay oon ku dheehin Iimaankooda (Gaalnimo) kuwaasaa nabadgelyo u sugnaatay hanuunsanna] Al-Ancaam, 82.
Waxaa Cubaada Bin Saamit laga soo weriyay, in uu yiri: in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yiri:"Ninkii qirta in uusan Eebbe mooyee Ilaah kale jirin, iyo In Maxamad addoonkiisii iyo nabigiisii yahay, iyo in Ciise addoonkii Ilaah iyo Nabigiisii yahay, iyo in uu kelimaddii Eebbe iyo ruuxiisii uu Maryam ku riday yahay, iyo in Jannada iyo naartu xaq yihiin, in Eebbe jannada gelinayo, camalkiisu wuxuu dano ha ahaadee" waxaana xaddiis kale lagu sheegay "In Ilaahey Naarta ka xaaraantimeeyay qofkii yiraahda, Ilaah mooyee Ilaah kale ma jiro, asiga oo Eebbe dartiis u leh.
Waxaa Abii Saciid Al-Khudari laga sheegay, in uu nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay in uu yiri: "Nabi Muuse ayaa wuxuu yiri: Eebbow waxaan kaa doonayaa in aad wax aan kugu xuso oo aan kugu baryo aad i barto. Kolkaas baa Eebbe ku yiri: Waxaad tiraahdaa "Eebbow Ilaah kale ma jiro Adiga mooyaane". kolkaas baa Nabi Muuse yiri: Eebbow addoomahaaga oo dhan sidaa way dhahaan!. Kolkaas baa Eebbe ku yiri: Muusow, Haddii toddobada Samo iyo toddobada Dhul inta deggan iyo ashahaatinka la isu miisaami lahaa, ashahaadada ayaa culusaan lahayd" {Ibn Xibbaan, Xaakim, Tarmadi}.
Anas waxaa laga sheegay in uu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaan ka maqlay asiga oo leh:"Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: Bina aadanow haddii aad dhulka muggiis oo dambi ah iila imaan lahayd, adiga oon ii shirkiyeelin, intoo kale oo dambidhaaf ah ayaan kuula imaan lahaa.
MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waxaa halkaa laga ogaanayaa in fadliga Eebbe aad u ballaaranyahay.
Tan 2aad: Sawaab badnida Tawxiidku Eebbe agtiisa ka leeyahay.
Tan 3aad: Waa in Tawxiidku dambidhaaf badan leeyahay.
Tan 4aad: Waa tafsiirka aayadda Suuradda al-Ancaam ku jirta, (ee la soo sheegay).
Tan 5aad: Waa in loo fiirsado shantii walxaato ee xaddiiskii Cubbaada lagu soo sheegay.
Tan 6aad: Waxaa kale oo halkaa laga kororsanayaa, in haddii aad xaddiiskii cubbaada soo weriyay iyo kii Catabaan soo weriyay isu gayso, ay kuu caddaanayso ujeeddada laga leeyahay ashahaatinka, waxaa kale oo kuu caddaanaya in ay gafsanyihiin kuwa is mooday in ay wax ogyihiin.
Tan 7aad: Waa in loo fiiro lahaado shuruudihii ku jiray xaddiiskii Catabaan.
Tan 8aad: Waa in Nabiyaashu u baahanyihiin in ay dadka ku baraarujiyaan fadliga uu leeyahay ashahaatinku.
Tan 9aad: Waa in loo fiiro yeesho in ashahaatinku ka culusyahay uunka oo dhan, isla markaana ay dhacday in in badan oo uunka ka mid ah oo ashahaadanaya uu xasanaadkoodu yaraaday.
Tan 10aad: In xaddiisku caddeeyay in toddobada dhul ay toddobada samo la mid yihiin.
Tan 11aad: In doddobada samo ayagana duul ku noolyahay oo la degganyahay.
Tan 12aad: In Sifooyinka Eebbe sidooda loo sugayo, taas oo ka soo horjeedda sida Ashcariyadu tiri.
Tan 13aad: Waa in haddii aad ogaato waxyaabihii ku soo arooray xaddiiskii Anas (ee la soo sheegay) aad ogaanayso in warka xaddiiskii Catabaan lagu sheegay ee ahaa "In ninkii yiraahda -Eebbow Ilaah kale ma jiro adiga mooyaane- asiga oo Ilaahay wajigiisa ku doonaya, Eebbe cadaabta ka xaaraantimeeyay, Ay kuu caddaanayso, in ninka sidaa leh shirkiga ka tegay, oo aysan arrintu ku sinnayn, ashahaadada oo afka oo kali ah laga yiraahdo.
Tan 14aad: Waa in loo fiirsado in Maxamad iyo Ciise nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, yihiin Eebbe labadiisii addoon iyo labadiisii Nabi.
Tan 15aad: In laga ogaanayo xaddiiska in gaar ahaan Ciise nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yahay kelimaddii Ilaahay.
Tan 16aad: In Ciise nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yahay ruuxii Ilaahey.
Tan 17aad: Waxaa halkaa laga baranayaa fadliga uu leeyahay jannada iyo naarta oo la rumeeyo.
Tan 18aad: Waa in la barto (weertii Nabigu yiri) ee ahayd "Camalkiisu wixii uu doono ha ahaadee".
Tan 19aad: Waxaa halkaa laga baranayaa in miisaanka Aakhiro laba dhegood leeyahay.
Tan 20aad: Waxaa halkaa laga baranayaa in Eebbe waji leeyahay.
--------------5555555555---------------
Bogga 5aad: Bogga dhallinyarada(Maantoole)
(KALIILA IYO DIMNA) (Qaybtii 1aad)
Waxaa qoray: Cabdullaahi ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
LIBAAXII IYO DIBIGII
Boqorkii Debshaliim ayaa ku yiri Faylasoofkii Baydaba, kaas oo madax ka ahaa "baraahimada" tusaale iga sii laba is jecel oo dhagarrow beenlow ahi isku dirayo si ay isu nacaan, oo ay u colloobaan.
Baydaba: Haddii lagu laqdabeeyo laba is jecel beenlow dhagarrow ahina soo dhex galo, way kala goostaan oo dhabarka bay isu jeedshaan, waxaana taas tusale u ah in dhulka "Reer Dastaawundi" nin oday ahi degganaanjiray, saddex wiil ayuuna lahaa, markii ay qaan gaareen, xoolihii aabbahood bay dhaqaala xumeeyeen farsamo ay ku xoogsadaanna ma lahayn, kolkaas baa aabbahood canaantay, falxumadiina ka waanshay, wixii uu ku yirina waxaa ka mid ahaa; wiilashaydiiyow, nin adduun jooga saddex buu doonaa, affar la'aanteedna ma haleelo, saddexda uu doonayo waa, hodonnimo, mudnaan iyo jiscin aakhiro, afarta uu ku doonayana waa, xoolaha oo sida ugu wanaagsan loo shaqaysto, iyo xoolahaas oo la dhaqaaleeyo, iyo ayada oo la kobciyo, iyo in loo bixiyo sidii noloshu ku fiicnaanayso, oo xigtada iyo walaalku ku caloolsamaanayaan abaalmarintiisana aakhiro loo helo, ninkii arrimahaas oo dhan aan fulinna dantiisa ujeeddadii uu kalahaa ma gaaro.
Maxaa yeelay, haddii uusan shaqaysan xoolo uu ku noolaado ma helayo, haddii uu xoolo iyo dhigaal lahaa, hase ahaatee, uusan dhaqaalaynna, waxaa loo baqaa in xooluhu dhammaadaan oo uu dabadeedna saboolo, haddii uu dhaqaaleeyo oo uusan kobcinna si degdeg ah bay u dhammaadaan in kasta oo uu yaryareeyo bixintooda, waa sida indhakuusha, lagama qaado tifka boorka soo raaca wax ka badan, isla markaasna si degdeg ah bay u dhammaataa, haddiise uu ku baxsho meel aan ku habboonayn oo meeshoodii meel aan ahayn uu dhigo, oo uu la gafo meeshii la gudboonayd, wuxuu noqdaa sabool aan wax haysan oo kale.
Waxyaabahaas waxay xoolaha ka dhowraan, dhammaadka ay dhacdooyinku keenaan, iyo dhibaatooyinka la soo gudboonaada, sidii biya xireenka, haddii uusan af lahayn iyo dalool iyo meel uu ka neefsado, biyuhuna intii la rabay ay ka bataan wuu hallaabaa biyuhuna way daadaan, waxaaba laga yaabaa in uu dillaaco, dillaac xoog leh oo biyuhu butaacaan.
Wiilashii odaygu dhalay warkii aabbahood way ku waana qaateen, in sidaasi wanaagsantahayna way garteen, wayna ku howl galeen.
Midkii ugu waynaa ayaa dabadeed aaday dhul la yiraahdo "Mayuun" , socodkiisii ayuu ku yimid waddo dhiiqo ah, wuxuuna watay gaari ay jiidayaan laba dibi, midkood waxaa la dhihi jiray "Shitriba", kankalena "Bandaba", Shitriba ayaa dhiiqa galay ninkii iyo wadayaalkiis ayaa isku deyay in ay ka saaraan intii ay ka daaleen, wayna ka saari waayeen, kolkaas buu ka tegay wuxuuna uga tegay nin ilaaliya, si haddii dhiiqadu qallasho uu dibiga u iibsho.
Ninkii markii uu ku waaray meeshii ayuu ku daalay oo ku cidlooday, markaas buu dibigii ka tegay oo wadayaalkiis dabagalay oo ku yiri; dibigii wuu dhintay, wuxuu ku yiri; dadka haddii da'doodu dhammaato, oo geeridoodu dhawaato inkasta oo uu ka digtoonaado waxyaalaha uu naftiisa uga baqayo, digtoonidaasi waxba kuma tarto, waxaaba laga yaabaa in dadaalka iyo digtoonaantaasi darxumo u horseedaan.
Sidii ninkii laga sheegay in uu ku socdaalay ban cabsi dugaag leh, dhulkaas iyo dhibaatooyinkiisana aqoonfiican buu u lahaa, in aan badnayn markii uu socday baa dhurwaa dhurwaayada ugu dadqaadsanaa ka horyimid, markii ninkii arkay in dhurwaagu maagganyahay buu ka baqay oo midig iyo bidix eegay si uu u helo meel uu ka galo dhurwaaga, tuulo tog meesha ku yiil ka dambaysa mooyee wax kalena uma jeedin, tuuladii xaggeedii buu markaa isu rogay, toggii markii uu ku yimid huuri uu ku gudbo ma uusan helin, dhurwaagiina wuu arkay in uu soo haleelayo, markaas buu toggii isku tuuray, dabaashana ma aqoon, geeri kolkii uu ku dhawaaday baa reerihii tuuladu arkeen oo u soo gurmadeen oo bixiyeen asiga oo geeri qarka u fuulay.
Markii ay bixiyeen oo uu ka nabadgalay dhurwaagii dadqaadka ahaa ayuu arkay aqal gooni ah oo togga qarkiisa ah, kolkaas buu is yiri; aqalkan ma galaa aan ku nasado e', Markii uu aqalkii galay buu ku arkay koox tuuga ah oo nin ganacsade ah soo qafaashay oo xoolihiisii qaybsanaya ninkana in ay dilaan doonaya, markii ninkii intaa arkay buu lafihiisii u baqay oo tuuladii ku noqday oo derbi derbiyadeeda ka mid ah ku dhacadiidsaday, si uu uaga nasto daalkii iyo cabsidii ku dhacay, hase ahaatee derbigii baa ku soo dumay oo halkiisii buu ku dhintay.
------------666666666--------------
Bogga 6aad: Bogga Doodda
Waxaa qoray: Qasim Xirsi Faarax
(M.A. Qaanuunka iyo Shareecada)
HORTA YAA DUNIDA FASAHAADIYA
DADKAA DUNIDA FASAHAADIYA
Iyadoo wax waliba ay ku dhacaan qadarka iyo doonista Allaha awoodda sare leh, ayey hadana wax waliba leeyihiin sabab ay eersadaan taas oo loo aaneeyo inay ka dambaysay fal dhacaas, iyadoo isla markaasna xambaarsanaysa eedda iyo canaanta wax alla iyo wixii hoog iyo khasaare ka dhasha dhacdadaas.
Sidaas si la mid ahna dusha u ridanaysa, oo iyadu ku dheefsanaysa wixii ammaan iyo wanaag ka dhasha ee ay keento faa'iidada ka timaada dhacdadaas ama natiijada ka askunta ficil hawleedkaas ay qolo ku kacayso.
Haddaba annaga oo hadalka taas ka amba qaadayna ayaan is weydiinaynaa;
Maxaa dabada isugu wada xiray dunidan wada damaadsan? waa maxay waddamada ama qowmiyadaha iyagu nasiibka u helay hadimada hoog ee is daba joogga ah ee markay mid ka baxaanba mid kale ku hantaaturoonaya ee lugta dalaq siisanaya?
Waa biyo dhaca sheekada ee dadkeenan Soomaaliyeed ayaandarra badanaa? maxay ugu badsadaan dhibka dunida inteeda kale? maxaan galabsannay oo nalaka gudayaa? hadayba dhacdayse eed aan galnay maxay u dami la'dahay aar gudista nala ku hayaa? maxay tahay ujeeddada weyn ee ka dambaysa dhacdooyinkan naxdineed? Allow yaa ogaada godobta aan galnay weynaa oo wax yeello badanaa?.
Runtii kuwani waa su'aalo ay isweydiintoodu mudan tahay, ka jawaabiddooduna ayba lagama maarmaan tahay, balse waxaa loo baahan yahay in jawaabohooda loo daayo cidda mudan ee ku habooon inay ka jawaabto, ciddaas oo noqon karta uun inta loo xulay. isla markaasna laga faa'iidaysto oo la qaato jawaabohooda cilmiga ku salaysan.
Maxaa yeelay marba haddii mas'alo lagu murmo oo lagu maskax wareero, la is ma waalo ee miyirka ayaa la isgeliyaa oo loo bandhigaa mawlaha na maamula, meerisyada kitaabkiisa qiimaha leh ayaana markaas laga helayaa jawaabihii oo waafi ah, sidaas darteed aniga iyo adiguba maan garan karno meel ka haboon ee laga heli karo jawaabaha su'aalahakan, dhanka kale hadaan ka eegno kitaabkaas Qur'aanku waa midka keliya ee laga helayo xalka wax kaste iyo akhbaarta wax kaste.
Haddaba kitaabkaas isaga ah oo nooga jawaabaya su'aalahaan xusnay ayaa jawaabta koowaad ee aan buuggaba cinwaanka uga dhignay na siinaya oo leh:DADKAA DUNIDABA FASAHAADIYA.
Ilaah wuxuu yiri;
(Xumaan baa ka soo if baxday bad iyo berriba waxay kasbatay gacmo dad darteed, si Eebe u dhadhansiiyo wax ka mid ah fal-fal xumooyinkay sameeyeen, waa intaas ooy ka soo noqdaane.) Ar-Ruum;14.
Ilaah waxa kale oo uu inoo caddeeyey in ay Aadanuhu sidaa si la mid ah islaaxiyaan dunida oo ay ka dhaliyaan wanaag iyo samo, hadana sidoo kale Ilaah wuuxuu inoo caddeeyey in wanaajinta iyo hoojinta uu marba mid uun qolo ama qof ku dhufanayo oo dusha ka huwinayo iyada oo ay ku xiran tahay hadba sida ay qoladaasi u shaqaysato samo ama xumo.
Sida hadday qolo ka leexdaan kheyr iyo samo ay fali jireen, fara geliyaanna shar iyo xumaan sida dhacaysa maanta oo kale, Allaha wax walba awoode ahna wuxuu ku sii jiidayaa hoog iyo ba' isaga oo kaga jawaabaya fal-fal xumadoodii oo dhadhansiinaya kharaarka ay leedahay shartu, si ay u dareemaan dhibka oo ay uga soo noqdaan intay wax gartaan, si taa la mid ah qoladii ka tagta xumi ay ku hawllanaayeen kuna beddesha samafal iyo wanaag. Ilaah wuxuu u sii horseedayaa barwaaqo iyo baraare waafaqsan abaal marintooda, wuxuuna yiri;
(Ilaahayna ma dooriyo waxa uu dad ku sugan yahay inta ay ka doorinayaan waxa naftooda ku sugan)Ar-racd;11.
Waxayna tani waafaqsan tahay macnaha dhabta ah ee loola jeedo maah maahda soomaaliyeed ee ah; caada la gooyaa cara Allay leedahay, taas oo macneheeda loo dan leeyahay uu yahay yaan la goyn caadada wanaagsane ilaah ka raalliga yahay. waana waxyaalahaas waxyaalaha aan ku garan karno in dadku iyagu ay yihiin kuwa dunida ku keena sababta fasahaadka ama sababta barwaaqda iyo baraarahaba, hadaba musiibada adduunka dadku iyagaa u macallin ah, musiibaduna adduunyada iyadaa u macallin ah.
--------------777777777-------------------
Bogga 7aad: OGAYSIIS
-------------***************-------------------
------------**************---------------------
Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba
waxaan ogaysiinaya in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii talo ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen: (hersi@brunet.bn) ama(somalilanguage@angelfire.com)
------------***************---------------------