|
BOGGA 1AAD |
|
|
Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre Wargayska SEJ sida ay aqristayaashu u la socdaan, waa wargays toddobaadle ah, runtii waqti, daddaal iyo howl badan oo joogto ah ayuu qaataa wargayskani si uu toddobaad kasta u soo gaaro aqristayaasha shaqafta leh. Aniga oo og culayska howsha wargayska ayaa misana waxaa ila xumaatay in intaa dadaalkeennu ku ekaado oo aan ka badin wayno wararka aan toddobaadkiiba mar soo ururino. Sidaa darteed waxaan billownay labadii toddobaad ee la soo dhaafay in aan aqristayaasha u soo gudbinno toddobaadka dhexdiisa wixii warar ah ee cusub ee soo kordha siiba haddii ay aad xiiso u leeyihiin. Arrinkaas dhallinyaro badan ayaa u riyaaqday oo emaillo ii soo diray ayaga oo ka mahad celinya wararkaa degdegga ah, sidaa darteed, waxaan xoojin doonnaa barnaamijkaas aan u bixinay "SEJ Updating" ama "wararka degdegga ah" oo aan aqristayaasha ugu soo gudbin doonno wixii war ah ee xiiso leh. Toddobaadka soo socda waxaan rejaynayaa in aan jornalka soo gelsho "form" u suurta gelinaya dhallinyarada in ay ka baxaan "unsubscribe" barnaamijkaas "wararka degdegga ah" haddii ay doonaan, wararkaas waxaa loo soo diri doonaa dhammaan dhallinyarada ku tixan wargayska, qofkii kolka doonaya in uusan wararkaa helin wuxuu ii soo diri karaa email asiga oo leh "wararka degdegga ah iga daa ama ha iisoo dirin". Waxaa intaa ii dheer oo aan doonayaa in aan aqristayaasha sharafta leh xasuusiyo, in aanan wararkaa degdeggaa ah afsoomaali lagu soo qori doonin, maxaa yeelay waqtiga ayaa ciriiri ah, balse waxaan soo gudbin doonnaa ayaga oo ingiriis ah, haddii uu asalkoodu carabi ahaa waxaan isku diyayaa in aan soo turjumo. Waxaan rejaynayaa in aqristayaasha sharafta lehi ay ka heli doonaan barnaamijka cusub ee "wararka dedegga ah" kaas oo aan rejaynayno in uu wargayska SEJ u gogol xaaro sidii uu u noqon lahaa wargays maalin kasta soo baxa!! |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD |
|
Wafdi Masaari ah oo Somaliland booqday August 13, 1999 (BBC) Wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi Masar ayaa booqasho ku tegay dowladda isku magacaawday Somaliland si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal iyo arrimaha ku lugleh ganacsiga iyo xaal u helidda dhibaatooyinka soomaaliya. Kuxigeenka wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Africa, Faisa Nagah, ayaa la kulantay madaxwaynaha Somaliland Maxamad Ibraahim Cigaal, khamiistii la soo dhaafay. Wafdigu wuxuu Somaliland kadib booqasho ku tegi doonaa magaalada Muqdishu. Somaliland waxay soomaaliya ka goosatay 1991kii, hase ahaatee, adduunwaynuhu dowladnimo uma aqoonsan. Goobjooggu waxay Reuters u sheegeen in aaney jirin cid sheegatay miinaddaas aasiddeeda. Buur Hakaba oo abbaaraha 180km ka fog Muqdishu, waxaa gacanta ku haya jabhadda Raxanwaynta, kuwaas oo dagaal ba'an kula jira jabhadda Xuseen Caydiid. Soomaali ku dhimatay miino ku qaraxday MOGADISHU, Aug 13(Reuters), Ugu yaraan 28 qof ayaa ku geeryooday, kadib markii gaarigii ay saarnaayeen miino hertiyay, shilkaasina wuxuu ka dhacay degmada Buur Hakaba jimcihii la soo dhaafay. Goobjoogga lagula xiriiray fooneeyaha ayaa sidaa sheegay.Boqoleeyo aad u hubaysan ayaa halkaa u firxaday kolkii ay miinada dhawaqeeda maqleen, ayaga oo u malaynaya in nacab dibadda uga yimid soo weeraray. Ciidanka Ethiopia oo Xabad ku furay Soomaali Bannaan baxaysa Aug 13, 1999(AP) Buulo Xaawo, Ciidanka Ethiopia ayaa xabbad ku furay dad bannaan baxayay dabadeedna halkaa ku dilay laba qof ugu yaraan 10 kalena ku dhaawacay, waxaa kale oo Ethiopianku xirxireen ilaa 20 qof oo kale oo aan la ogayn ilaa iyo hadda wax xaalkoodii ku dambeeyay. Buulo Xaawo oo u jirta 375km magaalada Muqdishu, waxaa gacanta maalmahanba ku hayay ciidamada Ethiopia, dadka ciidankaas ku bannaan baxayay waxay ka gadoodayeen saddex qof oo la sheegay in ay ciidankaasi ciqaabeen, ayaga oo u haysta in ay yihiin jawaasiis ka tirsan jabhadda SNF ee Caydiid gacansaarka la leh. Jabhaddaasi waxay ugu baaqday ciidamada Ethiopia in ay ka baxaan Buulo Xaawo iyo dhammaan gobalka Gedo. Sidoo kale waxay ku eedeeyeen ergiga Qarumaha midoobay ee soomaaliya David Steven, in uu ka seexday howshiisii ahayd in ciidanka shisheeyaha dibadda looga saaro dalka soomaaliya iyo in hubka laga caajiyo soo gelinta dhulka soomaaliya sida UN-ta xeerkeedu dhigayo. Kenya oo dib u furtay xuduudkeedi Somalia Aug 12 1999, MOGADISHU (Reuters) Dowladda Kenya ayaa dib u furtay xuduudkii ka dhexeeyay dalka Kenya iyo Somalia oo bishii la soo dhaafay la xiray si looga hortago firxadka qaxootiga laga baqayay in uu ka soo yaaco dagaalladii ka socday Jubada Hoose. Weriyayaashu waxay sheegeen in dhibaatada xiritaanka xuduudku ay labada dhinacba saameysay, dhanka soomaaliya aad baa loo dareemay xiritaanka xuduudka, maxaa yeelay hay'adaha gargaarku sooma gudbin karin deeqda gargaarka, dhanka Kenyana soomaali badan oo ganacsato ah ayaa dhibaatada dareentay, kuwaas oo ku tiirsan badeecada laga keeno soomaaliya. Xisbi-Siyaasi isku sheeg soomaaliyeed oo la abuuray Muqdishu Aug 9 1999 (AFP) Xisbi soomaali ah oo isku sheegay in uu yahay xisbi siyaasi ah ayaa dhawaan la abuuray, kaas oo la magac baxay "United Somali Republic Party (USRP)" xisbigaas waxaa uu iska qoray magaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay, wuxuuna sheeganayaa in uu ka madax bannaan yahay qabyaaladda, arrinkaas oo runtii ah mid aan cidna ka runsan doonin. Xisbigaas curashadiisii waxaa ka soo qayb galay 500 wafdi, waxaana hoggaamiye u ah nin la yiraahdo Cabdi Nuur Darmaan, kaas oo sheegtay in uu yahay ijineer soomaaliya ka soo qalin jebshay haddana haysta jinsiyad maraykan ah. Ninkaasi wuxuu sheegay in aanan xubnaha xisbiga lagu qaadan doonin qabyaalad ee loo eegi doono daacdnimada ay xisbiga iyo siyaasaddiisa u hayaan. Sidaa waxaa soo sheegay weriyaha wakaaladda AFP Isniintii la soo dhaafay. Waxaa madaxda xisbigaas qaarkood laga soo xigtay in Darmaan soo booqday dowladaha ay ka midka yihiin Ethiopia Jabuti uuna kala hadlay horumarinta barnaamijka ku lug leh soomaaliya, iyo in xisbiga howshiisa ugu horreysa ahaan doonto in ay soomaalida ku dhiirri gelshaan in ay si madax bannaani leh hubka isga dhigaan. Adduun waynaha oo ka carooday Jornalistayaashii Puntland lagu xiray Kooxaha u dagaallama madax baannida warbaahinta ee ay ka midka yihiin "The International Freedom of Expression Exchange (IFEX)" iyo "Reporters sans frontieres (RSF)" ayaa jimcihii ku bannaan baxay Cabdullaahi Yuusuf Axmad Madaxwaynaha Puntland, taas oo la xiriirta xiritaankii uu xiray jornalistayaashii soomaalida ahaa ee saddexda ahaa. War laga soo xigtay (RSF) wuxuu sheegay in dowladda Cabdullaahi Yuusuf xirtay saddex jornaliste oo maxad bannaan, oo kala ah Cabdulqaadir Cali iyo Maxamad Deeq oo ka socda wargayska "Sahan", iyo Axmad Maxamad Cali oo ka socda wargayska "Riyaaq", jornaalistayaashaas waxaa la xiray 2dii bishii Augost 1999ka. Nimankaas qoraayaasha ah waxaa la sheegay in ay ku caan baxeen "naqdiga" dowladda Cabdullaahi Yuusuf. (RSF)-tu waxay Cabdullaahi Yuusuf ku guubaabisay in uu awooddiisa adeegsado si uu u hubiyo in saddexda jornaliste loo siidaayo si dhaqsi lah. Nin Sekreteri u ahaa hay'adaa wuxuu sheegay in xeerarka Puntiland dhigayo madax bannaanida warbaahinta, inta uu ogyahayna aaney nimankaa qoraayaasha ahi wax dhibaato ah gaysan ee ay howshooda qoraanimo gudanayeen. |
BOGGA 3AAD |
|
650 bilyan oo doolaar ayaa carabta bangiyada adduunka ugu kaydsan Dalalka carabtana waxaa jooga 12 milyan oo qof oo shaqo la'aan ah!! Daraaso cusub oo uu ka soo jeedshay madaxa hay'adda shaqada dalalka carbeed, shir lagu qabtay Dimishiq, ayaa caddaysay in ay gaartay shaqala'aanta dalalka carabtu 14%, taas oo ujeedadeedu tahay in dad gaaraya 12 milyan oo qof ay howl la'aan yihiin. Waxaa kale ee ay daraasadaasi caddaysay in shaqala'aantu aad ugu fidday dadka shahaadooyinka sare iyo kuwa dhexe haysta intaba, oo aysan saamayn dadka aan shahaadooyibnka haysan oo kaliya. Daraasadaasi waxay intaa ku dartay, in boqolkiiba hal qof oo shaqo la'aan ah ay keenayso khasaaro gaaraysa 2.5% oo ku timaada wax soo saarka dalalkaas, taas oo macnaheedu tahay qasaaro gaaraysa 115 bilyan oo doollaar sanad kasta. Ninkaa hay'adda shaqada carabta madaxda ka ah oo layiraahdo as-sayid Ibraaahiim Quwaydir, wuxuu sheegay in dhibaatadu ka timid xoolaha faraha badan ee carabtu leedaahay ee dibadda looga baxshay dalalka carabta, wuxuuna is waydiiyay waxa carabi ka damacsantahay sanadka kunka saddexaad ee foodda inagu soo haya. Sayid Quwaydiri, wuxuu talo ahaan u soo jeedshay qodobada soo socda, si looga hortago dhibaaatooyinka shaqo la,aanta. 1. In la xoojiyo sugnaanta siyaasadeed iyo midda bulsho ee dalalka carabta. 2. In la xoojiyo isdhexgalka bulshada ayada oo loo sii marayo xurnimo buuxda oo bulshada loo siiyo in ay kulmaan oo ka doodaan dhibaatooyinkooda, si ay kolkaa uga qayb qaataan wax soosaarka iyo kobcinta dhaqaalaha. 3.In la xoojiyo shaqaalaynta ayada oo la maalgelinayo wershedaha yaryar iyo farsamooyinka hoose. 4.In la helo shaqooyin munaasib u ah bulshada oo caafimaadkooda iyo nabadgelyadooda dhowraya. 5. In il gaar ah lagu eego haweenka oo la siiyo fursad fiican oo ay uga qayb qaataan shaqooyinka amaankoodana la ilaalsho, lagana hor tago shaqo gelinta carruurta. 6. In laga hor tago saboolnimada ayada oo dadka shaqo la'aanta ah loo raadinayo shaqooyin ku habboon. 7. In buug loo furo shaqaalaha dibadda ka shaqeeya si loola socdo xaaladdooda shaqo, xuquuqdoodana loo dhowro. 8. In ay iskaashadaan saddexda kooxood ee kala ah (dowladaha, hay'adaha wax shaqaaleeya iyo ururrada shaqaalaha)lana taageero hay'adda shaqada carabta. |
Sarrifka lacagaha dalalka badanaa soomaalidu deggantahay. Taariikhda sarrifka 13.8.1999ka. |
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD |
|
Ethiopia oo sheegatay in ay jabhadihii ka soo horjeeday baabi'isay AUGUST 12, 1999(AP) Dowladdaasi Ethiopia ayaa sheegatay in ay baabi'isay saddex jabhadood oo ka soo weerarayay dhulkeeda dhinaca soomaaliya ayna taageeri jirtay Eritrea. Nin u hadlay difaaxa Ethiopia ayaa wargays kasoo baxa dalkaas u sheegay in ciidanka Ethiopia ay dileen ama qabteen col tiradoodu gaarayso 1,103 ilaa iyo bishii May ee la soo dhaafay. Warku wuxuu intaa ku deray in in ay colkaas ka dambeeyaan ilaa 275 asgeri oo kali ah, dadka la qabtay ama dhintayna waxay ka tirsanaayeen jabhadda Oromada, sida afahayeenku sheegay, labada jabhadood ee kale ee la magacaabay waa jabhadda cusub ee Tokichuma iyo Itixaadka Islaamka. Warkaas waxaa dowladda Ethiopia u soo saartay in ay ku burriso, war ka soo yeeray jabhadda Oromada oo sheegayay in ay dileen 100 askeri oo ciidanka dowladda ka mid ah,kuna dileen iska hor imaadyo dhacay bishaan gudaheeda. Jabhadda Oromadu waxay la dagaallamaysay dowladda Ethiopia laga soo billaabo 1992kii, si ay u helaan madaxbannaani gudaha ah oo dheeraad ah, jabhaddaasi waa xisbiga ugu ballaaran ee metela Oromada, kuwaas oo ah koox ka mid ah kooxaha ugu ballaaran kuwa dalka Ethiopia ku nool. Afahayeenku wuxuu eedeeyay Eritrea iyo Xuseen caydiid, kuwaas oo uu sheegay in ay soo hubaynayaa kooxasaas duullaanka ka soo qaadaya dalka soomaaliya dhexdiisa. |
Dhibaatooyinka geeska Africa oo sii fidaya |
Dalkaasi Sudan oo dhibaato badani ka haysato xagga siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo nabadgelyada, waxaa khilaaf wayni ka taagnaa maalmahan sidii loo sii wedi lahaa heshiiskii xabad joojinta ee ka dhexeeyay dowladda iyo jabhadda reer koofurka. Reerkoofurku waxay dowladda ku eedeeyeen in aysan daacad u ahayn nabad doonidda ee ay doonayso in ay waqtiga xabad joojinta ka faa'iidasato si ay u soo saarto ardayda ka soo baxaya dugsiga tababarka ciidamada sanadkan, dabadeedna ay ardaydaas dagaalka koofurta u soo dirto. Intaa waxaa la jira in labadii bilood ee la soo dhaafay dalka Sudan meelo ka mid ah roobab badani ka da'een kuwaas oo dhibaatooyin gaarsiiyay dhaqaalihii reer miyiga iyo wax soo saarkii baadiyaha. |
Dalka Soomaaliya waxaa wararku sheegeen in ay ku soo fool leedahay gaajo xoog leh, hay'adda qaruumaha midoobay ayaa maalmahan waxay isku deyaysay in ay lacag yabooh ah u hesho somaliya dowlado kale oo adtikaan ah. Masawirka waxaa ka muuqda aabbe reer Baydhabo ah oo caruur yar oo uu dhalay dusha ku haya, carruurtaa yar waxay u dhimanayaan gaajo iyo cudur, waxa kaliya ee aabbihiis tari karo waa in uu dusha ku qabto sida masawirka ka muuqata. |
BOGGA 5AAD |
|
|
BOGGA 6AAD |
|
MADAXTINIMADA DUMARKA OO LOO EEGAYO SHARIICADA ISLAAMKA Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax GOGOLDHIG Naagtu waa Boqolleey sida uu ninkuba u yahay Boqollow. Naagta waa loo dooran karaa Madaxtinimo iyo Qaadinimaba sida ninkaba loogu dooran karo. Naagtu waxa ay furi kartaa Markhaati kaste si la mid ah sida ninkuba ugu furi karo nooc kaste oo dacwo markhaati ah, haba dhacdo in waxyaalah daymaha ganacsiga ku saabsan si gooni ah loo eege. Naagtu Kama yaraysato dhaxalka ninku qaato, mana ku kala duwana nin iyo naagi dhaxal qaybin, balse waxaa jira xisaabo kale duwan si cadaalad loo sugo. Waxyaabahaa oo dhan ayaan daraasadan ku falanqayn doonnaa, aniga oo xujjo ahaan u cuskanaya Quraanka iyo Sunaha, qofkii haya wax adillada aan soo sheegi doono ka soo horjeeda, ama ra'yi iyo aragti kale haya wuu soo ban dhigi karaa aragtidiisa. Intaas ka horse waxaa iga xusuusin ah: fadlan si dhab ah oo ka fiirsi leh u wada akhri kitaabkaan, ka dibna hadaad ka hesho gef ka soo horjeeda diinta Islaamka, si fudud iigu soo bandhig xujadaada. Hadaadan wada akhrin buuggan ama aadan ku eegin il caddaaladeed iyo caqli adeegsi yaanaan isku daalin ee ku sii maqnow sidaada. Tan ugu dambaysana waxa ay iga tahay waano, fadlan hubso wax kaste oo kugu cusboonaada aad gaartid xaqiiqade. [Waa socotaa..] |
BOGGA 7AAD |
|
|
CASHARKA 48AAD QOFKII KU CIYAARA WAX EEBBE XUSKIISA AMA QURAANKA AMA RASUULKU KU YAALLAAN Eebbe kor ahaayee, wuxuu yiri: [Haddaad warsato waxay dhihi waan un yar tiimbanaynay oon ciyaaraynay, waxaad dhahdaa ma Eebbe iyo aayaadkiisa iyo rasuulkiisa yaad ku jeesjeesaydaan]At-Tawbah 65. Waxaa laga soo weriyay Ibn Cumar iyo Muxamad bin Kacab iyo Sayd bin Aslam iyo Qataada -xaddiis ay wadaagaan - In nin yiri dagaalkii Tabuuk "Ma aanan arag wadaaddadeenan wax ka hunguri badan oo ka been badan kana fulaysan kolka colaadda, wuxuuna uga jeedaa Rasuulka iyo asaxaabtiisa quraanka aqriya, kolkaas baa Cowf bin Maalik ku yiri: Been baad sheegtay, hase ahaatee munaafiq baad tahay, waanna u sheegayaa Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, kolkaas baa Cowf aaday Rasuulkii naxariisi korkiisa ha ahaatee, si uu ugu sheego, kolkaas buu arkay Qur'aankii oo ka soo dhaqayx, kolkaas baa ninkii u yimid Nabigii naxariisi korkiisa ha ahaatee oo guuray oo hashiisii fuulay, kolkaas buu yiri: Nabigii Ilaahayow, wax kale ma ahayne waan tiimbanaynay (hadalka) oo ku sheekaysanaynay sheekadii socdaalka si aan ugu waddo marno, Ibn Cumar wuxuu yiri: Waan Eegayay ninkaas asiga oo ka laalaada caynka hasha Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayada oo dhagaxyadu ku dhacdhacayso lugtiisa, asiga oo leh: Waan uun tiimbanaynay oo ciyaaraynay. Nabiguna naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu leeyahay: [ma Eebbe iyo aayaadkiisa iyo rasuulkiisa yaad ku jeesjeesaydaan. Ha cudur daaranina waad gaalodeen rumayn ka dibe] At-Tawbah 65-66. Asiga oo aan soo eegayn oo aan intaa uga badinayn. Masa'looyinka Casharka Tan 1aad: Waa arrin wayn, oo ah in qofkii ku ciyaara waxyaabhaa oo kale uu gaal yahay. Tan 2aad: In kaa la soo sheegay uu yahay tafsiirka aayadda, qofkii sidaa yeela ciddii uu dano ha ahaadee. Tan 3aad: Waa waxa u dhexeeya diradiraha iyo waanada Ilaah iyo Nabiga dartiis la isu waaniyo. Tan 4aad: Waa waxa u dhexeeya dambi dhaafka uu Eebbe jecelyahay, iyo adkaynta lagu adkaanayo nacabka Eebbe. Tan 5aad: Waa in ay ka mid yihiin cudur daarashad qaar aanay habboonayn in la aqbalo. |
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 40aad Baaristii Arrintii Dimna Garsoorihii: oo taasi sidee bay ahayd?. Dimna: waxay dheheen in magaalo uu joogi jiray nin [MARSAB] ah oo magac leh, wuxuuna qabay naag quruxsan oo dhowrsan, ninkana waxaa u joogay Gallayrkoriye ku xeeldheer dhaqaalaynta gallayrka iyo maamulkooda, ninkuna aad buu u jeclaa oo gurigiisa ayuu soo gelshay oo qoyskiisii la fariisiyay. Waxaana dhacday in gallayr-koriyihii hunguriyeeyay naagtii ugaaskiisa ayaduna way diiddady oo taas way ka carootay foolkeediina xishood buu la guduutay oo la doorsoomay, diidmadeeduna sii darsatay asiguna wuu ku sii mintiday oo wuxuu ku dadaalay sidii uu uga dhaal gaari lahaa tabina way ka idlaatay, kolkaas buu maalin ugarsi aaday sidii dhaqankiisu ahaa oo soo qabsaday laba shimbirdhaajiso oo yar ayr, aqalkiisii ayuuna u qaatay. Kolkii ay waawaynaadeen ayuu kala dhaqaajiyay oo laba shabaq kala gelshay mid ka mid ah ayuu baray in uu yiraahdo waxaan ugaasaddayda ka ogaaday wax dhowrsanaanteeda wax u dhibaya, kiikalana wuxuu baray in uu yiraahdo aniguse waxba oran maayo. Kadibna sidaa ayuu ku carbiyay oo si fiican u qabadsiiyay lix bilood gudahood, markii uu dantiisii gaaray ayuu u qaaday ugaaskiisii, markii uu arkayna wuu la yaabay hortiisa markii ay ku dhawaaqeenna aad buu ugu begay, hase yeeshee ma uusan garan ujeeddada waxa ay ku hadlayaan. Maxaa wacay tababaruhu waxuu ku baray erayada afkii reer balakh, ninka reermarsabna aad ayuu ugu bogay, gallayr-koriyihiina xoolo ayuu ka siiyay naagtiisiina wuxuu faray in ay ka feejignaato oo dhaqaalayso naagtiina sidaa bay yeeshay. [Waa socotaa..] |
BOGGA 9AAD |
|
|
Qaybtii 27aad 1. Fuulliin waa fara ku hayn. 2. Fulay hooyadii ma gablanto. 3. Finka caloosha ku yaal carrabkaa dila. 4. Faras aadan lahayn fuulmadiis futa qarar baa laga qaadaa. 5. Farriini wayl ma koriso. | 6. Fulay xantii ma mooga. 7. Farihii dufan leh ayaa wax duuga. 8. Fal aan laabta jirin faraha u dhib badanaa. 9. fallaartii cirka loo ganay nin walbow filo. 10. Qoora lushay baa rag qayrkiis ku jiraa. |
BOGGA 10AAD |
|
Dhammaan dhallinyarada sharafta leh waxaan xusuusinayaa in ay soo diraan jawaabahooda iyo arigtidooda, jawaabahaas waxaad u soo diri kartaan email ahaan, jawaab gaaban, ama war gaaban, ama su'aal ama ra'yi gaaban, shardi ma aha in aad maqaalado dhaadheer oo habaysan soo qortaan! |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|