|
BOGGA 1AAD |
|
|
Waxaa qoray: Ibrahim Moallim Mursal Email: mursal@gelrevision.nl Walaal Xirsi, waxaan kugu hambalyeenayaa hormarka farsamo oo mar walba aad u curinaysid jariidada iyo "page"ka SEJ, taas oo mar kasto dar dar cusub gelinayso horumakooda islamarkaasne dhiirigelinaysa ka soo qaybgelinta afkaarta akhristayaasha. Tan kale waxaan jeclaystay "form"kan cusub inaan uga faa"idaysto in ararta wargayska "mulaxado" aan ka sameyo. Inkasto ay iga noqonayso hordhac qoraal waayahan aan maskaxda ku hayay ee la xiriira qoraalladayda tixanaha ah ee SAHAN. Sida aan wada ogsoon nahay afartankii sano ee ugu dambeeyay Somaliya waxaa ka abuurmay "dhaqan siyaasadeed iyo bulshe-dhaqaale" (Political & Socio-Economic Culture), ha ahaato inta ay jirtay Dowladnimo(?) amase burburkii ka dambeeyay. Haddaba natiijada aan hadda hayno waa qaab-dhaqmeedkaasi inuu fallisay oo fashilmay. Haddaba beddel naakhuudi gaadiidkiisu doontaa tahay reer "baruul Amaan" ma geyn karaa?! Waxa aan runtii aan baadigoobayno ma qof qof ku beddel baa. Imisaa la soo beddelay oo lays lahaa kani haddii uu na dhaafo necaw ayaa in soo geli lahayd. Marka waa in dib loo fakaraa, lana baadi goobaa beddel "alternatives" aan argtida siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ku turxaan bixinno. Aragtidaasi cusubna ay dhalisaa cidda ku habboon hogaaminta. Kolley aragtidaydaasi oo faah faahsan qoraalladayda soo socdo ayaan ku soo bandhigi doonaa. " Alle dad ma (ka) beddelo waxa qolo ay ku sugan tahay; ilaa (iyagu) ay beddelaan waxa ay naftooda ku sugan tahay". Towfiiqda Allah hana waafajiyo. Raadraac Waxaa qoray: Labagarre Waan kugu raacsanahay walaal Mursal, in qof qof ku bedel iyo dhaaqan dhaqan ku bedel aaney ahayn laba walxaato oo isu dhigma. Laakiin waxaa ii muuqata in dhaqan bulsho-siyaasadeedka "qof qof ku bedel" aanuu ahayn mid jiray 40kii sano ee la soo dhaafay oo kaliya. Waxaan tusaaale kuugu soo qaadayaa bulshada ku dhisan nidaamka qabaliga ah sida Somaliya, qabiilka nin baa metelaya, ninkaas oo badanaa "kaaba-qabiil" ama "duq" ama "ugaas" ama "garaad" iwm, lagu magacaabo. Marka, haddii ninkaasi fiicnaado qabiilku wuu fiicnaanayaa, hadduu xumaadana sidoo kale, tusaale ahaan, waxaan aqriyay kitaabkii "futuux al-Xabasha" qoraaga "Carab Faqiih" wuxuu sheegay in qabiilooyinka soomaalida qaarkood diinta Islaamka soo galeen kadib markii kaabaqabiilkoodii Islaamay. Arrinkaas wuxuu dhacay qarnigii 16aad markii uu socday dagaaalkii Xabashida iyo Axmed Gurey, taasi waxay ku tusaysaa in haddii kaabaqabiilku go'aan gaaro uu awood u leeyahay in uu go'aankaas qabiilka marsiiyo, macnaha qabiilku waa sidi diin, ee dhaqan bulsho ma aha. Dhaqanka bulshada waxaa dhaliya waaqica nolosha iyo cimilada degaanka, caqiidada qabiilkana maslaxadaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ay leeyihiin qabqablayaasha bulshada iyo hoggaamiyayaashoodu. Taas waxay caddaynaysaa in caqiidada qabiilku ay tahay aalad ay ku adeegtaan kaabaqabiilladu ee aanay ahayn dhaqan ay bulshadu soo kobcisay. Marka taas ayaa u sabab ah in aaney soomaalidu lahayn dhaqan siyaasadeed oo aan ahayn midkaas "halka nin" ku salaysan. Tusaale kale waxaan kuugu soo qaadayaa, ninkii kaaba qabiilka ahaa ee laga sheegay in uu tolkiisii ka yaabay qallafsanaantooda iyo khilaafkooda iyo iskaashi la'aantooda, markaas buu madax dameer meel geed hoostiis aah ku aasay, dabadeedna qabiilkii intuu shiriyay ku yiri; "halkan nin owliyo ah ayaa ku aasan ee ku durraanta!". Markii ay meeshii ku durraanteen oo ku kulmeen dhammaantood buu ku yiri, ha la isa saamaxo oo ha la isu calool fayoobaado, haddii kale ducadiinna la aqbali maayo, kolkii ay sidaa yeeleen, ilaah baa barwaaqo u soo dejiyay iskaashigoodii iyo niyad samidoodii awgood. Taasi waxay keentay in qabiilkii barwaaqoobo, toban sano kadib buu maalin ninkii kaaba qabiilka ahaa tolkii shiriyay oo geedkii hoostiisii geeyay dabadeedna meeshii uu yiri wali baa ku duugan qoday oo madaxii dameer soo saaray ayaga oo arkaya. Wuxuu ku yiri; madaxaas dameer bay ahaayeen wixii aad caabudayseen tobankii sano ee la soo dhaafay, sidaad aragteen baadna u barwaaqowdeen ee iskaashada oo isu calool fayoobaada. Arrintu marka "madax caabudiddiis iyo caabud la'aantiis" midna ma aha ee waa caqiidadaas midaysay qabiilka, taas oo dhalisay dhaqan wadanoolaasho oo iskaashi iyo daacadnimo ku salaysan. Hadal iyo dhamaantiis, in kasta oo aan kugu raacsanahay in nolosha "siyaasadeed, bulsho, dhaqaale, iwm" ee dhaqanka ku salaysan ay 100% ka wanaagsantahay midda qofka ku salaysan, haddana waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado in aaney fududeyn in dhaqan la abuuro, nolosha hadda soomaaliya ka taagganna waa mid qof ku salaysan ee ma aha mid dhaqan ku salaysan. Sidaa darteed, waxaan ka hadli karnaa wixii hadda taagan, ayaga ayaana la qiimayn karaa oo ama la toosin karaa ama la sixi karaa, taas ayaana igala fudud in la bedelo qaab nololeed bulsho, maxaa yeelay bedeliddu waa adagtahay haddii ay suurtagashana waqti aad u dheer bay qaadanaysaa. |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD |
|
Sixid iyo Faahfaahin Hersi M. Labagarre Toddobaadkii la soo dhaafay waxaan faallada warka ku qoray maqaal, maqaalkaas oo maqaal (naqdi ah) ahaa dhowr dhallinyaro ah ayaa qalad ka fahmay, taasna waxaa ugu wacan degdegta ay wax u aqrinayaan, ee haddii ay kaadsan lahaayeen oo hadalka u fiirsan lahaayeen waa fahmi lahaayeen ujeedada iyo meesha hadalkaygu u duurxulayo. Fahmidda Ujeeddada Maqaaladaha Tusaale waxaa u ah dhallinyaradaas, maqaalka aan hoos ku qornay ee uu inoo soo diray Daauud Cali, oo runtii ra'yigiisa si geesinimo leh u dhiibtay, ama ha ila qaldanaado ama ha ila saxnaadee, waxaa aniga igu waajib ah in aan maqaalkiisa fidsho. Waxaa jiray dhowr dhallinyaro ah oo doqonnimo u gaysay in ay caay iyo aflagaado ii soo diraan, marka kuwaas hadalkoodii kama jawaabin, maxaa yeelay jawaab ma mudneyn. Haddii aan u soo laabto maqaaalka Daauud, waxaan doonayaa in aan hal arrin si fiican u caddeeyo, taas oo ah, markii aan maqaalka qorayay anigu waaqic ayaan dharaandhirinayay ee ninna inkaari mayn, ninna caayi mayn, ninna u eexa mayn, qabiilna ka hadli mayn. Macnaha anigu waxaan falaanqaynayay xaalka taagan, daliil waxaa kuu ah, haddii aad warka u fiirsato, waxaan sheegay in la dilay laba nin oo mid wadaad ahaa midna Ina Caydiid aad ugu dhawaa, marka waxaan halkaas ka soo saartay in ay dhici karto in dil kaas oo kale ah ku yimaado Caaydiid. Nin dhimashadiis dhibaato ma ku yaraanaysaa? OK, Qof dhimashadiis, dhibaato ma ku yaraanaysaa, anigu waxaan qabaa in ay ku yaraanayso, maxaa yeelay qofkii dhinta dhibkiisa ayuu la dhimanayaa, wayna dhacday hadda ka hor in dad badan oo dhibaato waddamadoodii ku hayay ay dhinteen oo siddaa looga raaxaystay. Maxaa looga xanaaqaa xusidda magaca Xuseen Caydiid iyo kuwa la midka ah?! Tan kale, waxaan la yaabay, dhallinyarada ka xanaaqaya wax ka sheegidda Cali Mahdi iyo Caydiid iyo kuwa la midka ah ee soomaaliya dhibaatada ku haya, maxay u xanaaqayaan marka nimankaas hadalkooda la soo qaado, nimankaas waxaa waajib ah in aan dhinac uga soo wada jeesano oo aan xumaantooda iyo samaantooda caddayno, laakiin ma aha in aan "caabudno" ama aan "adeecno" sidii ay nabiyaal yihiin. Naqdiga Cilmiga ku dhisan ninna uma turo "Naqdiga" cid ka sarraysaahi ma jirto, ciddii xumaan samaysana waa la naqdinayaa, ninkii taas ka caroonayana asiga ayay jirtaa, mana bannaana in "naqdiga cilmiyaysan" ee daliilkiisa wata loo fasiro in uu yahay "tacasub qabiil". Markaad wax aqrinayso kaadso indhah iyo maskaxdana fur Marlabaad waxaan xasuusinayaa dhallinyarada in ay hadalka si fiican u aqriyaan oo ay kaadsadaan, dhanka sanna wax u fahmaan, anigu qoraa baan ahay, afsoomaali oo kaliya wax kuma qoro ee saddex luqadood oo Carabi iyo Soomaali iyo Ingriis leh ayaan maqaalado iyo buug iyo daraasooyin ku qoray, waxaanna qoraalka billaabay 11 sano ka hor, oo khibrad igu filan waan leeyahay. Faallada macnaheedu waa falanqaynta waaqica taagan ee malo ma aha Marka aan wax falaanqaynayo, anigu wax waaqic ah oo taagan ayaan falaanqaynayaa ee anigu inkaar iyo duco midna meesha kuma hayo. Tan labaad haddii waaqic laga hadlayo, kala xigsasho iyo danaano meeshaa sooma geli karto, maxaa yeelay hadalkaygu wuxuu ku go'naanayaa ka hadlidda waxyaabaha laga dhugsankaro waaqicaas aan ka hadlayno. Tusaale la yaab leh Waxaa email ii soo diray wiil dhallinyaro ah, wuxuu igu yiri, maxaad u kala xigsanaysaa, Cumar Xaaji iyo Axmad Warsame! Waxaan maqaal ka qoray miisaanka ciidan ee dalka dib uga aloosmay, kadib markii Ethiopia iyo Eritrea soo faragelsheen dalka, markaas baan iri, Jabhadda mareexaan ee Cumar Xaaji wato mustaqbal fiican ma leh, waxaanna isu miisaamayay Saddexda kooxood ee Mareexaanku u qaybsamay, iyo sida ay u kala xoog badanyihiin, markaas buu wuxuu u maleeyay in aan laba nin u kala danaaninayo "laaxawla walaa quwata illaabillaahi!!". War xaggee lagu arkay dad noocaas ah oo markaad geel u heesto goroyo u heesaya, maxaa aniga iga galay Cumar Xaaji iyo Axmed Warsame! Emailkii wiilkaas ii soo diray hal sadar ayaan uga jawaabaay oo ah "waad mahadsantahay walaal" wax kale oo aan ku haddlo ayaan garan waayay, waligay isma dhihin dad noocaas ah ayaa joornaalkan aqrista. Mahadnaq Ugu dambaystii waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dhallinyarada jawaabaha soo qortay, iyo kuwa bogaadinta ii soo diray, runtii form-kii aan jornaalka soo gelshay toddobaadkii hore aad buu wax u taray, laakiin wali dhallinyarada "hotmailka" adeegsata way isticmaali la'yihiin form-kaas, waxaan kula talinayaa in ay soo booqdaan bogga SEJ dabadeedna adeegsadaan form-ka ku jira halkaas. |
|
War ka soo baxay odayaasha degmada wallawayn War ay soo saareen odayaasha beelaha deggan degmada wallawayn ayaa wuxuu sheegayaa in beelaha degmadaas deggani ay cabsi badani soo foodsaartay kadib markii ay degmada soo degeen ciidamo oromo ah oo ka soo horjeeda dowladda Ethiopia gacansaarna la leh Xuseen Caydiid. Warku wuxuu intaa ku deray in odayaashaasi ay sheegeen abaaro laga baqayo in ay ku habsadaan degmadaas. Warku waxaa kale ee uu sheegayaa in aaney wax nabadgelyo darro ah hadda ka jirin degmadaas iyo beelaheeda, hase ahaatee, uu warka odayaashu soo saareen muujinayo cabsida laga qabo xasillooni darrida gobalka kadib markii ay soo faragelsheen dowlado shisheeye ah. Jabhadda Badbaadada Digil oo ciidankii Caydiid weerartay July 26, 1999 (AP) Jabhad cusub oo isku magacawday jabhadda badbaadada digil ayaa waxay weerar ku soo qaaday magaalada Qoryooley axaddii la soo dhaafay, halkaas oo ay horay u haysteen ciidan uu leeyahay Xuseen Caaydiid. Kooxdaa cusub waxaa la sheegayaa in uu madax u yahay nin Kornayl ah oo la yiraahdo, Ali Sheik Abdulkadir oo Garre ah, waxayna sheegeen in ay doonayaan in ay xureeyaan dhulka uu qabiilkoodu leeyahay ee Xuseen caydiid ka qabsaday. Goobjoog dad ahaa ayaa waxay sheegeen in ciidanka Caydiid magaalada ka cararay, laakiin nin u hadlay jabhadda Caydiid wuxuu sheegay in ciidankoodu ay magaalada dib gacanta ugu dhigeen tuugadii soo gashayna ka cayrsheen, wax war ah oo suganna lagama hayo dadka dagaalkaas ku qurbaxay. Waararkale oo isla dagaalkaas ka imaanaya ayaa sheegaya in maalintii talaadada daagaallo kale dhaceen oo lagu dilay halkaas 17 qof, laba naagood iyo canugna lagu dhaawaacay. Waxaa loo malaynayaa in jabhaddaaas cusub ay Ethiopia ka dambayso oo ay taageerayso. Xaflad ay qabatay Somalida Danmark deggan Waxaa soo qoray: Abdi Hussein Email: abdihussein@hotmail.com Magaalada Arhuhs oo ah magaala madaxda labaadd ee Danmark ayaa lagu qabtay xaflad si aada looga shaqeeyey oo ku saabsaneyd malintii ay midoobeen labada gobal ee somaalidu lahayd lana magac baxay jamhuurida soomaaliya, waana mid ay somaali meel kastoo ay joogto ayku hawlanayeen in aay xafladaas ka sameeyaan goobaha ay ku sugan yihiin. Hadaba aan u soo noqdo deegaanka aan ku suganahay oo ah meel ay somaalidu ku badan yihiin iyadoo aalaba ay ku soo qulqulaan magaalooyinka waaweyn. Magaaladan aannu degganahay ayaanu ku sameynay xafladan lagu garowsanayey in ay tahay munasabadaha somaalidu wadaagto, waxaana la qabtey xili aan kii ay ku adaneyd ahayn, kaas oo ah 24 luulyo walow ay qaban qabiyaashu ka dhigteen xiligaas sababo ay sheegteen awgpood, dadweynahana ay la socdeen goorta ay dhaceysay lagalana socodsiiyey meelaha ay ku kulmaan. Xafladaas oo ay in dadbadani ah ka soo qeybgaleen waxaa halkaas laga surey astaanta calanka somaaliya iyo kan wadanka martida loo yahay ee Danmark, xafladaas oo lagu furey qur'anka kariimka ah, ayaa waxaa lagu xejiyey heesta uu leeyahay calanka somaaliya, deedna waxaa laga sameeyey goobtas cayaaraha ay wadaagaan somaalida walow ay xoogsanayeen dadka ciyaarayeey. Xafladaas oo dadku ay intooda badi ay yimaadeen xiligii ay soo xirmaysay ayaa halkaasi lagu soogunaanadey si cagajiid ah oo ay ku saleysaneyd iskaa wax u qabso. Dadaalkaasi waxa uu yara ahaa bal in aan la ilaawin xasuusta somaalinimada ciidaha ay lahayeeen oo aad garanayso in ay caga jiid ku imaanayan taasoo ay ugu wacan tahay xaalada imika ka jirta somaaliya. Xaflad Isbarasho Furan oo ka dhacday Sydney Australia Waxaa Qoray: Sadiq H. Hashi Email: sadiq@anccom.com [28 July Sydney] Xaflad ay soo qaban qaabiyeen Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka dhacday Sydney Australia habeenkii Sabtidii 24 July 1999. Cawayskaan quruxda badan, waxaa soo abaabulay kana soo shaqeeyay dhalinyaro wax ka barata gobolkan NSW oo jeclaysatay inay isu keenaan dhalinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkan NSW. Sidaad la socotaanba waxaa Sydney ka dhaca xaflado badan, laakiin xafladahaas oo dhami waxay ku guul daraysteen inay isu keenaan dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka NSW. Hadaba si arintani u suurowdo ayaa loo soo abaabulay Cawayskan caawa. Xafladaas oo ahayd xafladii ugu horeysay oo ay soo qaban qaabiyaan dhalinyaro soomaaliyeed, Waxaa ka soo qaybgalay dad kabadan 200 oo qof, Dadka martisharafka ka soo qaybgalay cawayskan waxaa ka mid ahaa Gabadha Soomaaliyeed ee ku jirta Fashionka Aduunka Kana Timid wadanka Brasil magaceeda La yiraahdo Ardo laguna Naaneeso Ms World. Cawayskaas oo u dhacay sidii lafilay waxa uu ku dhamaaday guul aad u wayn dadkuna markay baxayeen waxay iswaydiinayeen goormuu dhacayaa cawayska kan kuxiga maba sugi karnee!, waxaana meeshaas laguciyaaray kabaabeyda dad badana aad u xiisa galisay, heesaha casriga ah ee soomaaliga iyo waliba musiga R&B oo meeshaas ka socday xafladaas waxa ay dhamaatay 3:00 habeenimo. |
BOGGA 3AAD |
|
Xuseen Caydiid oo Ksh9 milyan oo qaan ah loo haysto Nin ganacsade ah oo isku sheegay in uu yahay ninka soomaaliya u qaabilsan ganacsiga dibadda, ayaa wuxuu Xuseen Maxamad Caydiid ku soo eedeeyay in uu qabo lacag gaaraysa Ksh 9 milyaan ($123,287). Mr Ijaz Hussein Ganijee oo ah ganacsade reer Kenya ah wuxuu dacwadaas ka gudbiyay maxkamadda sare ee Kenya, asiga oo isla markaa codsaday in Caydiid la soo xiro, si hantidiisa loo badbaadsho. Ninka qareenka u ah Xuseen Caydiid ee Naironi jooga ayaa wuxuu ku gacan sayary dacwadaas, wuxuuna maxkamadda ogaysiiyay in aaney wax sharci ah u lahayn in ay dacwadaas dhegaysato, waxaa kale ee qareenku sheegay in aanay soo gaarin dukumiintigii dacwadaas ku saabsanaa oo dhan. Dacwadaas dib ayaa loo dhigay ilaa iyo waqti aan la ogayn, kadib markii maxkamad ganacsi ay caddeyn waysay in arrinkaasi yahay mid degdeg ah iyo in kale. Ninkaa ganacsadaha ah wuxuu sheegtay in uu magacaabay "dowladda somaliya" uuna magacaabay Caydiid oo "madaxwayne ka ahaa" loona xilsaaray in uu metelo ganacsiga dibadda ee somaliya, waxaa kale ee uu sheegtay in qarashka uu dalbanayo uu ku baaxshay dayactir xagga dib u dejinta iyo kaalme dhaqaale oo uu Caydiid siiyay iyo dhaqdhaqaaqyo kale. Ina Caydiid oo ganacsi xoog leh uga socdo Kenya, wuxuu halkaa tagaa dhowrkii toddobaadba mar asiga oo ku dega hotelka wayn ee loo yaqaan "Safari Park Hotel" halkaas oo uu ka maamulo xoolihiisa iyo ganacsigiisa ka socda Kenya iyo dunida dacalladeeda kaleba. Warku wuxuu intaa ku deray in Caydiid gacansaar la leeyahay qoyska xukuma Kenya oo ay ganacsi iyo maslaxado kale ka dhexeeyaan. |
Sarrifka lacagaha dalalka badanaa soomaalidu deggantahay. Taariikhda sarrifka 25.7.1999ka. |
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD |
|
Dalkaasi Brunei oo ay dhawaan ka billaabanayaan ciaarihii Kofurta Bari ee Asia Dalaka Brunei oo dal dadka deggan aad u yaryihiin, hase ahaatee aad hodon u yihiin ayaa sanadkan wuxuu isu qabanqaabinayaa in uu martigelsho ciyaaraha dalalka Koofurta Bari ee Asia ay sanadkan yeelan doonaan. Ayada oo arrinkaas loo gogol xaarayo ayaa waxaa dowladda Brunei ka codsatay hay'adaha bulshada iyo ciidamada intuba in ay si wacan uga qayb qaataan howlaha loogu gogol xaarayo furitaanka ciyaarahaas. Waddamada ka soo qaybgelaya ciyaarahaas waa sagaal dal, Brunei, Malaysia, Tailand, Philipine, Singapore, Indonisa, Vietnam, iyo qaar kale. Ciyaarahaas waxaa la filayaa in si rasmi ah loo furo bishan Augosto toddobadeeda, waxayna xirmi doonaan bisha 16keed. Ciyaarihii Bariga iyo Bartamaha Africa maxay ku dambeeyeen? Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa Rwanda ka socday ciyaarihii Bariga iyo Bartamaha Africa, toddobaadkan dhexdiisa waxaan aqristayaasha u soo gudbinay email, si ay ula socdaan xaalka ciyaarahaas meesha uu marayo. Waxaan si aad ah isugu taxalujiyay in aan wax macluumaad ah ka helo ciyaarahaas laakiin aad bay u adkaatay arrintaasi, maxaa yeelay Rwanda wax journal ah oo internetka ku socda kama soo baxaan, qofna ka garanmayn waxa dhulkaas ku nool si aan ula xiriirno. Intii aan toddobaadkan u soo gudbiyay aqristayaasha wax wayn oo cusub kuma soo dersamin laakiin faahfaahin arrinkaas la xiriira qofkii doonaya Halkan ha riixo |
BOGGA 5AAD |
|
|
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo! Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan. Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel). |
|
MAXAA ISKA KEEN HORKEENAYA? Ummaddeena Soomaaliyeed in kastoo ay yihiin dad dagaalka quuta belwadooda horena ay tahay in la is laayo, hadana waa walaalo, oo midkoodna ma doonayo in uu kan kale dhibo ama uu ka gardarnaado, laakiin dabeecaddaas dagaalka oo ay kala mid yihiin ummado badan oo ay dhaqan iyo dabeecad wadaagaan sida kuwa sidooda oo kale ku nool saxaraha iyo dhulalka kulaylaha ah ee xoolaha lagu raacdo ayaa ku jirta xilli ay is beddelayso oo ay u dillaacayso hab kale iyo weji cusub. Taasina waxay lama huraan ka dhigaysaa dhaawacyo iyo dhimashooyin dhaca, waxa keliya oo ay taasina tahay isla tabta ay wax walba u leeyihiin xanuun marka ay is beddelayaan, tusaale ilmuhu marka uu saddex bilood ku gaaro uurka hooyadiis wuxuu u dillacaa hab dhismeed dad. laakiin taasi waxay ku keentaa hooyadiis dhibaatooyin badan oo ah jirro culus, sidoo kale marka uu ilig cusubi u soo baxayo ilmaha ama uu ka dhacayo ee uu u soo baxayo mid cusub waxa uu kala kulmaa dhib iyo xanuun, Laakiin taasi waa liibaantiisa. Haatan sidaa si la mid ah Soomaalidu waxay ka baxaysaa taariikh reer guuraanimo oo waxay gelaysaa mid reer magaalnimo iyo deganaansho, sidaa awgeed waxaa dhacaya waa uun xanuunkii xididadii ilbaxnimo ee u soo baxayey, iyo xuub dillaacsigii darareed. Inkastoo ay qola walba ka xishooto oo geeri ka xigto in laga adkaado ayna ku faanaan weligeen nala kama rayn. haddana kuma ay dhiiradaan faduusha, tusaale habka ay ugu tarbiyeyaan ilmahooda dagaalka waxaa ka mid ah; marka uu ilmuhu dad gardarraysto waa la xanjafiyaa sida badan, laakiin haddii laga soo adkaadana waa la xanjafiyaa oo weliba aad baa loo canaantaa iyadooba laga yaabo in laga cayrsho guriga, waxaana lagu eedeeyaa sidee buu kaaga adkaan karaa inan kula fac ihi dhiigga Alle kaa siibyee? Laakiin taas oo jirta ayeysan marnaba joogin qabiil Soomaaliyeed in ay dagaal kula jiraan qola kale mooyee, taasina waa mid ay sababto deegaanka ay ku nool yihiin iyo xiriirada wada dhaqan ee ka dhexeeya, taas oo ah dhammaanba hab dhaqan dhaqaaleedka dabeecadeed ee ay ku meersan tahay noloshoodu. Waayo qola walba ee Soomaaliyeed waxay ku tallantaa in ay reer hebel ka sarayso, waxayna isku qancisaa in ay ka sareeyaan reer hebel kale. Taasina waa tan dhalisa in ay kala dhiidhiyaan, oo ay qola waliba ka taxadarayaan wax alla iyo wixii ay u arkaan in ay dhaawacayaan sharaftooda, sidaa darteed waxay qola waliba aruurisaa hadalada uu ku hadlo mid ka mid ah qolada kale ee ay ficiltan dhoocileedka la leeyihiin, dabadeedna dib ayey ugu soo aruuriyaan oraahyadii xifaalada ama jees jeeska ahaa ee uu beri hore nin ku kaftamay, waxayna ugu goodiyaan in ay tahay cuqdad raagtay oo raggeedii iminka u soo kacay, halkaa ayeyna ka abuuraan guluf colaadeed waaya dambe jiitama, unugiisana dib loo waayo. Sidaa awgeed noqda xarig aan guntintiisii la hayn oo middi lagu gooyo, inta ay colaaddaasi ka dhex taagan tahay labadaas beeloodna waxa ay isla maraan xaaladaha kuwa ugu kharaar oo qola walba qolada kale ayey ku durtaa gaalnimo iyo waxashnimo, laakiin isla marka uu heshiis rasmi ihi dhex maro waxa ay qola walba qolada kale ku tilmaantaa dadnimo iyo sharaf. [Waa socotaa...] |
|
BOGGA 6AAD |
|
Gabar soomaali ah oo magaceeda la yiraahdo Fadumo ayaa gaddoontay kadib maarkii ay xasuusatay xumaatooyinkii haweenka loo gaystay intii dagaalku socday. Faadumo waxay marqaati ka furaysay maxkamadda haweenka Africa ee ku taalla dhismaha UN-ka ee Nairbi, Kenya. |
BOGGA 7AAD |
|
|
CASHARKA 45AAD QOFKII CAAYA WAAYAHA EEBBE AYUU DHIBAATO U GAYSTAY Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: [Waxay dhaheen gaaladii wax kale ma jiro ee waa uun noloshanada dhaw, waana dhimanaynaa qaarna noolaan, waxaan waqtiga ahaynna nama dilo, wax ogaansho ahna uma leh arrintaas waxaan male ahaynna kuma socdaan] Al-Jaasiyah 24. Saxiixana waxaa Abuu Hurayra Allaha ka raalli noqdee looga soo weriyay in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee yiri:"Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: Aadane wuu i dhibayaa, wuxuu caayayaa waayaha, aniga ayaana waayaha ah, waxaan kala rogaa habeenka iyo maalinta". Riwaayad kalena waxaa ku yimid "Ha caayina waayaha, Eebbe ayaa waayo ehe". Mas'alooyinka Casharka Tan 1aad: Waa in la iska reebay in waayaha la caayo. Tan 2aad: Waa in lagu magacaabay dhibidda Eebbe. Tan 3aad: Waa in loo fiirsado, weedha Nabiga "Eebbe ayaa waayo ehe". Tan 4aad: Waa in ay dhici karto in qofku ahaado mid caayay (waayaha) inkasta oo uusan u kasayn. |
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 38aad Baaristii Arrintii Dimna Dawacii wuxuu qaatay wixii Dimna siiyay, kadibna ballankaas ayuu uga tegay, markaas ayuu gurigiisii aaday oo xoolihii dhigtay. kadibna Libaaxii ayaa soo hiiraystay, laba saac kolkii ay maalitii ahayd, ayuu fariistay, ciidankiisiina in ay usoo galaan bay ogolaasho u waydiisteen, wuuna u ogolaaday, wayna usoo galeen oo buuggii bay hortiisa dhigeen. Kolkii uu gartay oraahdooda iyo oraahdii Dimna ayuu hooyadiis u yeeray oo intaas u aqriyay, markii ay maqashay wixii buugga ku yiillay bay afka labadiis yeertay: haddii aan hadalka adkeeyo ha i eedaynina, maxaa yeelay adigu wax dheefkaaga iyo dhibkaaga kalama taqaanid, waxaani miyaanay ahayn wixii aan kuu diidayay in aad maqasho? Maxaa yeelay waa hadalkii gacankudhiiglaha, ka ina xumeeyay ee ina dhagray, kadibna ayada oo caraysan bay baxday, dawacii uu Dimana walaashadayna intaas oo dhan wuu arkayaa oo maqlayaa, kolkaas buu kasoo daba baxay asiga oo degdegaya oo Dimna buu u yimid, arrintii sida ay u dhacdayna uga sheekeeyay asiga oo wali la jira ayaa mid la soo diray yimid, oo Dimna u kexeeyay kulankii iyo garsoorihii xaggoodii, markii garsoorihii lasoo hortaagay ayaa shir guddoomiyihii hadalkii furay oo yiri. Dimnow arrintaada runlow aan ku kalsoonnahay ayaa iisheegay loomana baahna in aan baarno arrintaada intan ka badan, maxaa yeelay wadaadadu waxay dhahaan, eebbe, korahaayee, adduunyada sabab iyo marqaati ayuu aakhira uga dhigay, maxaa yeelay waa golihii rasuullada iyo ambiyada wanaagga tusaayay, jannadana ku hanuuninayay, eebbe in la aqoonsadana dadka ugu yeerayay. Arrintaadana waannu hubsannay , qof aannu ku kalsoonnahay ayaana inoo sheegay, hase yeeshee boqorkeenna ayaa ina faray in aan arrintii ku noqono oo dib u baarno dawgaaga, in kasta oo arrintu annaga inoo caddahay. Dimna: waxaa iiga kaa muuqata, garsoorayahow, in aadan u baran in aad si garsoornimo ah u gar qaaddo, garsoornimada boqoradana kuma jirto in loo dhiibo dadka laga gardaranyahay iyo kuwa aan gafka lahayn garsoore aan garsoore ahayn, waa in loo doodo dawgoodana la difaaco, ee haddaba sidee baad toogashadayda u go'aamisay aniga oo aan garramin, sideebaadse taas ugu degdegtay ayada oo aan wali saddex maalmoodi dhammaan. [Waa socotaa..] |
BOGGA 9AAD |
|
|
Qaybtii 25aad 1. Geeriyi nin aadan garanayn iyo geel jiray ku roontahay. 2. Geel geel waydaartay geeda la'aan baa leh. 3. Geed walba in gubtaa hoos taal. 4. Geel nabar uusan ogayn buu ka gagabaa. 5. God walba wixii qoday baa loogu tagaa. | 6. Goor xun socdaa goor san taga. 7. Giir lo'aad iyo girrid macaayo midna ma go'o. 8. Geel aan qowsaar lahayn iyo ari aan qawdhiidha lahayn midna ma dhaqmo. 9. Geel iyo nin aan kaa naxaynba lama daba kaco. 10.Garbo isgaaray gargaar maleh. |
BOGGA 10AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|