|
BOGGA 1AAD |
|
|
Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre Toddobaadkii ina dhaafay ayaan sheekaysanay nin saaxiibkey ah oo u dhashay Sudan, kolkaas baan soo hadal qaadnay xaalka soomaaliya, markaas baan iri; waxaan saaxiibow ka baqayaa, in golaha ammaanka ee qarumada midoobay soo saaro qaraar dabadeedna yiraahdo somalia dowlad jirta ma aha, maxaa yeelay 10 sano ayaan dowlad la'aan nahay! Haddii ay taas oo kale dhacdana dhibaato wayn bay soomaalida dunida ku firirsan u soo jiidaysaa, maxaa yeelay waxa waraaqo ah ama baasaboorro ah ee uu ku qoran yahay magaca soomaaliya waa la diidayaa. Aniga oo cabsi sidaa ah igu jirto ayaan Malaysia aaday, intii aan sii socday xudduudka dalalka aan maray si caadi ah ayaan uga gudbay, markii aan soo laabanayay ayaa waxaa la igu qabsaday gegida diyaaradaha Malaysia, sheekadan ayaana ina dhexmartay aniga iyo shaqaalihii halkaas joogtay. Shaqaale: ma soomaali baad tahay? Aniga: haah (afbuuxa ayaan ku iri!!). Shaqaale: xageed u socotaa? Aniga: Brunei baan u socdaa? Shaqaale: (computer-ka ayuu fiirshay, markaas buu xoogoo wax ku qorqoray, dabadeedna wuxuu afka malaayada ku yiri "ta boleh" oo looga jeedo "ma dhici karto". Aniga:(oo dhoolla cadaynaya) ayaan iri; shaqaalaha dowladda Brunei baan ka tirsanahay? Shaqaale: oo soomaali baadna tahay? Aniga: haah, maxaa ku jaban? Shaqaale: Dowlad soomaaliya la yiraahdo miyaa jirta? Aniga: Haah laakiin adiga ayaan aqoonin!. Shaqaale: fiisaha Brunei baasaboorkaaga xagee uga yaallaa! Aniga: haddii aad kasi waysay, keen aan ku tusee. Shaqaale: asiga oo fiisihii eegaya, ayuu yiri; wax alaab ah ma wadataa? Aniga: boorsadan yar baan wataa. Shaqaale: ma dhici karto, asiga oo baasaboorkii dib u eegaya mar walba. Shaqaale: hoo baasaboorkaaga iyo tikidkaaga "iyo warqaddii diyaaradda lagu raacayay". Aniga: waad mahad santahay. Nin kasta oo baasaboor soomaali ah wata oo doona in uu safro, qashqashaad taas oo kale ah buu la kulmayaa, laakiin Malaysia kuma aanan arki jirin dhibaatadaas, oo waa dalka kaliya oo ilaa iyo maanta soomaaliya aan fiise looga baahnayn. Laakiin dhibaatadu waxay ka timid soomaalida qaxaysa ee meel walba u goynaysa, tan labaad, hadalka toddobaadkan ka soo fulay qarumada midoobay ee sheegaya in soomaaliya "bar madow" tahay dhibaato wayn buu inoo gaystay. UN-ku soomaaliya way ku tuugsanayaan ee taageeri mayaan, waxaa jirtay in ay lacag adduun waynaha ka codsadeen sanadkan billowgiisii taas oo ay sheegeen in ay soomaaliya ku taageerayaan, laakiin cidi dheg jalaq uma siin, hadda si ay arrinkii dib ugu cusboonaysiiyaan ayay "Annan" dheheen qoraal ka soo saar soomaaliya si adduun waynuhu ugu soo jeesto xaggeeda dabadeedna xoolo la cuno loogu helo magaceeda. Ugu dambeystii waxaan leeyahay, dadka soomaaliyeed dhibaato wuu ka dhergay, dhibaatana uma dhinna, UN-kana kaalmo kama helin kana heli ma doono, dhibaatada soomaaliya nin kasta wuxuu isku deyay in uu ka faa'iidaaysto, UN-ka ayaana ugu horreeya dadka dhibaatada soomaaliya ka ganacsanaya. Haddaba soomaaliyey maxaa loo waayay nin intaa garta oo arrinkan wax ka qabta, siiba kuwa dagaalka ka wada muqdisho, miyey garan waayeen in ay isu yimaadaan oo dowlad-ku-sheeg yar soo dhisaan, sida kuwa ka dhisan Puntland iyo Somaliland, oo "Muqdisholand" ula baxaan, haddii ay wax kale garan waayeen, taasiba waxay dhaantaa la'aan. |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD |
|
UN-ka oo xaaladda Soomaaliya mid aad u xun in ay tahay ku tilmaamay August 19, 1999 (AP) Xoghayaha Qarumada Midoobay Kofi Annan ayaa ku tilmaamay xaaladda soomaaliya ka taagan in ay tahay mid aad u xun. Somaliya waa dal aan dowlad lahayn, tobankii sano ee la soo dhaafayna dadka halkaa ku nool wax tacliin ah ama horukac bulsho ah ma helin. Somaaliya waa dalka ugu saboolsan dalalka adduunka oo dhan dhan kasta oo laga eego, sidaa waxaa golaha ammaanka u qoray xoghayaha qarumada midoobay Anan arbacadii la soo dhaafay. Dowladdii cusubeyd ee soomaaliya ee dhalatay 19960, waxay dhactay 19991kii, kadib markii taliska laga cayrshay kaligii taliye madaxwayne Maxamad Siyad Barre. Qolyihii asiga ka soo horjeeday ayaa kolkaa isku soo jeestay, kadibna dalkii waxaa loo qaybshay goballo yaryar oo ay jabhado qabiil ku salaysan ka talshaan. Xoghayuhu wuxuu intaa ku deray, in dhibaatooyinka dagaalka ay la jireen daadad badan oo koofurta ka dhacay oo ay ku daba jirtay abaar dalka badankiisa waxyeelaysay, taas oo keentay in in ka badan 1 milyan oo qof oo ku nool koofurta iyo bartamaha dalka ay soo fool saarto cunto xumo halis ah. Dhammaan hantidii dowladda waa la bililiqaystay, ama dhisme ha ahaato ama qalab xafiiseede, sidoo kale wixii qoraal ahaa ee dowladdu lahayd, wixii matxafyada iyo maktabadaha yiil ee dhigaal ahaana waa la baaba'shay dhammaan. Waddanka badankiisa bolis kama jiro, maxkamado iyo shaqo dowlana kama jiraan. Korontada waxaa heli kara kuwa awooda in ay matoorro iibsadaan, carruurta badankoodu wax daryeel caafimaad ah ma haystaan, dhaqaaluhuna meel xun buu marayaa, ayuu yiri xoghayuhu. Annan wuxuu yiri Somaliya waa "bar madow" halkaas oo nidaam iyo qaanuun la'aantu ay soo jiidanayso mujrimiinta iyo qarandumiska. Qaaradda Africa dagaalku waa u joogro, somalida dhibaatadeeduna waa mid wax midaysan u eg, waddanku uma qaybsana diimo ama qowmiyado, wax khilaaf ahna kama taagna meelaha hantida dabiiciga ahi taallo, wuxuuse u qaybsanyahay qabiil qabiil, qabiil kastana wuxuu ka baqayaa in qabiilka kale soo weeraro. Anan ayaa yiri. Waxa ugu muhimsan ee dalkaa ka maqan waa isku kalsoonaanta, isku kalsooni la'aanteed, nabadgelyo iyo xasillooni somaliya kama dhalan karaan, dowlad midaysanna lama dhisi karo. In kasta oo lagu fashilmay xallinta arrinka soomaaliya dhowr jeer, haddana xoghayuhu wuxuu sheegay in ay jireen dhowr tillaabo oo muhiim ah oo la qaaday, oo ay ka mid yihiin howlaha guddiga IGAD, wuxuuna Annan sheegay in howlihii IGAD wadday laga gungaaray, haddana loo baahanyahay in hore loo sii wado. Ethiopia oo sheegtay in ay jabhaddii Oromada jebisay August 19, 1999(BBC), dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ay dileen nin ka mid ahaa hoggaamiyayaasha jabhadda Oromada ee dagaalka ka wadda dhinaca xigta dhulka soomaaaliya ee xuduudka Ethiopia. Wasaaradda difaaca xabashidu waxay kooxdaas ku sheegtay in ay ahayd mid muhiim ah oo dagaalka ka soo oogi jirtay dhulka soomaaliya, waxayna sheegtay in dhammaan kooxdaas la baaba'shay hoggaamiyaheeddiina la dilay. Warkaas cid kale oo madax bannaan oo hubisay ma jirin, nin Oromada u jooga maraykanka ayaa warkaas ku tilmaamay in uu yahay caluusaad. Dowladda xabashidu waxay inbadan ku andacootay in kooxdaas Oromada ah ay taageeraan Eritrea iyo Xuseen Caydiid. Waxaa kale oo wararku sheegayaan in ay dagaallo kuwaa la mid ah dhex mareen Oromada iyo ciidanka xabashada, kuna dhex mareen dhinaca xudduudka dalka Kenya, dowladda xabashidu waxay sheegtay in ay qabatay ilaa 400 oo askeri oo Oromo ah oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay xuduudka soomaaliya iyo Ethiopia. Waxaa kale oo ay sheegatay in ay laysay askartii Oromada ee dagaalka ka wadday dhinaca Kenya oo haraagoodii ay u firxadeen buuralayda ku taalla xuduudka Kenya, halkaas oo ay doonayaan in ay qaxooti ahaan isaga dhiibaan dalka Kenya. Nin Oromada u hadlay oo joogay Kenya ayaa wuxuu sheegay in ay jabhaddiisu ku gacan sarreysay dhammaan dagaalladaas, wuxuuna beenshay wararka ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga dalka Ethiopia. Shactiroole soomaaliyeed oo la dilay Muqdisho August 18 1999, Laba soomaali ah ayaa lagu dhaawacay, kadib markii ninman dablay ahi tacshiirad ku fureen dad bannaan baxayay ayaga oo ka caraysnaa ninkii shactiroolaha ahaa ee la dilay ee la dhihi jiray Nuur Cusmaan Jayte. Jayte wuxuu u sii socday meel uu doonayay in uu ka ciyaaro kadib markii ay dabley joojisay dabadeedna toogteen. Waxaa loo malaynayaa in weerarkaas uu ahaa aargoosasho, loogu aargudaayo nin ay hadda ka hor dileen qolada uu Jayte ka dhashay. Jayte wuxuu riwaayado iyo filimo ka dhigay arrimo ku saabsan qabqablayaasha dagaalka soomaaliya iyo dhoofitaanka dhallinyarada somaalida. Dagaal kooxaha Muqdisho isku haysta dhexmaray Muqdisho, Agoust 15 1999, Lix qof ayaa lagu dilay 10 kalena waa lagu dhaawacay kadib markii ay iska horyimaadeen kooxaha hubaysan iyo ciidamada wadaaddada maxkamadaha, dabayaaqadii toddobaadkii la soo dhaafay sida goobjooggu sheegeen. Dagaalkaasi wuxuu billawday baa la yiri, habeenkii jimcaha, kadib markii ay soo weerartay jabhad hubaysan maxkamad ay qolyaha wadaaddadu dhisteen oo ku taalla degmada Hodon. Ciidanka maxkamaduhu si is dabajoog ah bay u dagaallameen intii ay dib u celsheen jabhaddii soo weerartay. Waxaa la sheegayaa in maxkamaduhu yihiin meesha kaliya ee hadda laga wado wax maamul lagu sheegi karo, waxaana taageersan ganacsatada. |
BOGGA 3AAD |
|
Sicirkii batrooka oo kor u kacay, ayaa keenay dahabkii oo qaaliyoobay! Dalalka khaliijka carabta ee uu ka mid yahay Sacuudigu ayaa maalmahan sicirkii dahabku cirka isku shareeray, taasina waxay ka dambeysay kadib markii sicirka batroolku uu kor uga kacay suuqyada adduunka, haddaba labadaa arrimood maxaa ka dhexeeya? Sida la wada ogyahay, haweenka dalalka khaliijku waxay aad u adeegsadaan qalabka lagu xaragoodo ee badankiisu ka samaysan dahabka, ayaga oo gadanaya dahabka haweenku xirto jaadadkiisa kala duwan iyo dahabka la kaydsado qaar ka mid ah oo aad u fara badan. Dalalkaas haweenku waxay isugu faanaan dahabka ay haystaan, iyo inta jijimood ama dhegodhego ah ee ay mid waliba qabto, taas ayaana keentay in sicirka dahabku kor u kaco, maxaa yeelay dadka dhulkaa deggan ayaa aad u adeegsada. Haddaba kolkii sicirkii batroolku qaaliyoobay waxaa kordhay dakhligii dalalkaas khaliijka oo ku salaysan ganacda batroolka, taasina waxay keentay in uu kor u kaco dakhliga qoysaska khaliijka, taasina waxay keentay in dakhligii haweenkii qoysaskaasi kor u kacay, dabadeedna ay weerar ku qaadeen suuqii dahabka! |
Sarrifka lacagaha dalalka badanaa soomaalidu deggantahay. Taariikhda sarrifka 22.8.1999ka. |
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD |
|
Jornaliste Kenyati ah oo xabsi lagu xukumay AUGUST 18, 1999(Nation), qaaliga qaaliyaasha Kenya ayaa wuxuu ku xukumay nin jornaaliste ah 6 bilood oo xaarig ah iyo 1 milyan oo ganaax ah iyo sharikaddiisa warbaahinta oo la xiro. Jornaalistahaas wuxuu wax ka qoray mar hadda dhowr bilood laga joogo, maxkamadda dalka Kenya iyo qaalliyaasheeda, asiga oo falaanqaynayay sidii ay u dhacday dacwadii laba nin oo tujaar ah oo isku qabsaday tukaan ku yiillay Nairobi. Qoraagu wuxuu maqaal ku sheegay in labada nin ee ganacsatada ah dacwadoodii loo dhiibay qaalli qaalliyaasha ka mid ah, dabadeedna uu qaalligaasi u xukumay dukaankii nin tujaarta ka mid ah, hase yeeshee, qaalliga qaalliyaashu uu arrinkii mar labaad maxkamadda keenay oo tukaankii u xukumay ninkii kale. Qoraagu wuxuu yiri, qaalliga qaalliyaashu wuxuu qaatay laaluush gaaraya 30 milyan oo shilin. Arrinkaasi wuxuu ka caraysiiyay qaalligii maxkamadaha Kenya, dabadeedna wuxuu faray in qoraagaas maxkamadda la soo taago, dabadeedna wuxuu ku xukumay xarig iyo ganaax, qaalliyaasha kalena way ku taageereen arrinkaas. Qoraagu wuxuu ku murmay in uu qabsanayay howshiisa qoraanimo oo kaliya, laakiin qaaliyaashu waxay isku raaceen in uu ninkaasi dambiile yahay maxaa yeelay maxkamadda dalka ayuu damcay in uu qalqiil geliyo. Arrinka maxkamaddaasi wuxuu u ekaa maahmaahyadii soomaaliyeed ee tiri; wadaad qiil uu ku goosto iyo qandi uu ku rito labadaba asigaa leh! |
BOGGA 5AAD |
|
MADAXTINIMADA DUMARKA OO LOO EEGAYO SHARIICADA ISLAAMKA Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax HORDHAC Silsiladaan cilmi baariseed ee la xiriirta xuquuqda dumarka oo laga eegayo dhanka Shariicada Islaamka, waxa ay garab socotay diyaarintii silsiladda kale ee ku wejahnayd siyaasadda Soomaaliyeed iyo weliba tii dhaqan celineed. Saddexda silsiladoodba waxa ay ku jireen hawlaha uu qabtay xaafiiska "Hanuun" ee u gaarka ah Qaasim X. Farah, xilligii 1996/97. Cilmi baaristaani waxa ay ku salaysan tahay hab ah dhaqan bulsho iyo sharci (Socio-legal aspect). Marka aan ku gaabinno warbixinta ujeeddada buug yarahakan ina hor yaalla, waxa uu buugani ka galayaa silsiladda lambarka saddexaad. Lambarka koowaad ee silsiladdaan lagu magacaabay "Dum" oo laga soo gaabiyey "Dumar" waxaa ku jira buugga uu ciwaankiisu yahay; "Magdhawga Dumarka oo loo eegayo Shariicada". Lambarka labaadna waxaa ku jira; "Maragfurka Dumarka oo loo eegayo Shariicada". Labada buugba waa ay soo bexeen, akhristuhuna waxa uu haleeli karaa akhriskooda. Buug yarahakani isagu waxa uu ka jawaabayaa su'aasha ah: miyey qof haween ihi u noqon kartaa dawlad ama qoon madax? Ha ahaato boqorad, madaxweyne, wasiirad, qaaddiyad, iwm. Sidaa si la mid ah miyey qaadi kartaa wilaayad ruux kale? Miyey nikaax xiri kartaa? Miyey is bixin kartaa guur ahaan? Miyey naag kale bixin kartaa? Iwm. Waxa kale oo uu iyana dulmar guud ku samaynayaa mas'alooyin ku saabsan Imaamnimada salaadda, in ay qof haweeney ihi salaad tujin karto iyo in kale. Jawaabaha su'aalahaas oo idili waa kuwa ay jawaabtoodu ka dhex dhaalayso akhriska qoraalkaan. Iyada oo si caddaalad iyo xaq doonnimo ah wax walba lagu baarayo ayaa ruux kaste oo macquul ihi ku qanci karaa habka ay daraasaddani u soo taabanayso xaqiiqda jawaabtaan. [Waa socotaa..] |
BOGGA 6AAD |
|
Dalkaasi sacuudiga sida aan ognahay, haweenka looma ogola in ay la xiriiraan dadka shisheeyaha ah, laakiin hadda waxaa billowday waxa loo yaqaan Internetka, halkaas oo loo malaynayo in uu noqon doono rejada kaliya ee ay haweenka sacuudigu leeyihiin si ay dunida inteeda kale ula xiriiraan. Gabdho u dhashay dalkaasi sacudiga carabta oo ku jira netkii ugu horreeyay ee laga furay dalkaas, oo loo baxshay "awalnet" kuna yaalla Riyadh, halkaas oo ay gabdhuhu isku deyayaan in ay internetka ka galaan adduunkana kala xiriiraan! |
BOGGA 7AAD |
|
|
CASHARKA 49AAD QOFKII KU CIYAARA WAX EEBBE XUSKIISA AMA QURAANKA AMA RASUULKU KU YAALLAAN Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: [Haddaan dhadhansiinno naxariis xagganaga ka timid dhib taabtay ka dib, wuxuu dhahaa kan anaa iska leh mana u malaynaayo inay saacadda (qiyaame) kici, haddii lay celiyo Eebbahayna waxaan ku leeyahay agtiisa wanaag, dhab ahaan baan ugu warramaynaa kuwii gaaloobay waxay camal faleen, waxaanna dhab ahaan u dhadhansiinaynaa cadaabka daran] Fusilat 50. Wuxuu Mujaahid yiri:"Kani waa camalkaygii anigaana mutaystay" (ayaa looga jeedaa). Ibn Cabbaasna wuxuu yiri:"wuxuu uga jeedaa: Aniga agtayda ayuu ka yimid (camalku)". Qowlkii Eebbe ee:[ Wuxuu yiri: waxaa uun la ii siiyay xoolaha ogaanshahayga..] Al-Qasas 78. Wuxuu Qataada yiri:"Aqoon aan u leeyahay hababka xoolaha loo kasbado (yaa laga wadaa)". Qaar kalana waxay dhaheen:(waxaa laga wadaa): Ogaal uu Eebbe u leeyahay in aan mutaystay xoolahaas". Kaasina waa hadalkii Mujaahid:"Waxaa la igu siiyay sharaftayda (darteed)". Abuu Hurayrana waxaa laga soo weriyay in uu maqlay Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, oo leh: Saddex reer Banuu Israa'iil ah: Mid cadhood ah iyo mid rifrif leh iyo mid indhool ah, baa Eebbe doonay in uu imtixaano, kolkaas buu Malag u soo diray, kolkaas buu (malaggii) u yimid kii cadhoodka ahaa oo ku yiri: dunida maxaad u jeceshahay. Wuxuu yiri: Midab wanaagsan, iyo maqaar fiican, iyo in la iga qaado midkan dadku igu kahanayaan. Wuxuu yiri: kolkaas buu gacanta marshay oo cadhadii baa ka ba'day, waxaana la siiyay midab wanaagsan iyo maqaar fiican. Wuxuuna ku yiri: Xoolo maxaad ugu jeceshahay. Wuxuu yiri: Geel ama Lo' - Isxaaq ayaa ka shakiyay - kolkaas buu hal toban bilood ah siiyay, oo ku yiri: Eebbe ha kuu barakeeyo. [Waa socotaa..] |
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 41aad Baaristii Arrintii Dimna Intaa ka dib, waxaa dhacday in rag reer BALAKH ah oo odayaal ahi ay ku soo hoydeen ninkii, kolkaas ayuu martiqaaday kadibna sheeko bay galeen, gallayrkoriyihii ayuu faray in uu keeno labadii dhaajiso, waana keenay, markii la soo hor dhigay bay ku dhawaaqeen wixii la soo baray odayaashiina way garteen wixii ay tiri, kolkaas bay hundhursadeen yaxyax iyo xishood dartiis, ninkii baa waydiiyay waxa ay tiri, odayaashiise way diideen in wixii shimbirtu tiri ay sheegaan, kolkaas ayuu ku adkeeyay oo aad u sii waydiiyay ujeeddada wixii ay yiraahdeen. Waxay dheheen, wexay leedahay sidaa iyo sidaa, inoomana habboona in aan ka cuntaynno aqal lagu dhillaysanayo. Markii ay intaas dheheen ayuu waydiistay in ay kula hadlaan afka reer BALAKH wax kalena waydiiyaan, taasna way yeeleen, waxayna arkeen in aaney dhaajisadu aqoon wax kale, taasna waxay u caddaysay asiga iyo odayaashii in marwadu dhowrsantahay, oo ay gafka loola kasay ka fogtahay, waxaana caddaatay beentii Gallayr-koriyaha, markaas buu Gallayr-koriyihii faray in uu u soo galo aqalka, wuxuuna gacanta ku siday gallayr boor ah, naagtii ayaa qaylisay markii uu soo galay; naftii u daranayahow, ma adiga ayaa igu arkay waxa ay yiraahdeen?, oo ku taba baray dhaajisada? Markaas buu yiri aniga ayaa kugu arkay waxa ay sheegeen oo kale, gallayrkii ayaa foolkiisii ku booday oo ciddiyihiisii il uga baxshay, naagtii ayaa tiri: baga, bay taasi kuugu dhacday iyo abaal marin eebbe, maxaa yeelay wax aan ishaadu arag ayaad ka marqaati kacday. [Waa socotaa..] |
BOGGA 9AAD |
|
|
Qaybtii 27aad 1. Qunyar socod qodaxi ma muddo. 2. Qayr waa soo dheelmadaa qoryase soo ma qoryase sooma dheelmadaan. 3. Qaan marreexaan waa qaaxa kugu maqan. 4. Qeedhiin iyo bisayl wixii ka dhexeeyaahi waa yacyacood. 5. Qoolleey qoorqabad biya kuma cabto. | 6. Qofkii inta uu yaryahay aan madaxa ka dhiididin marka uu gaboobo ayuu futada ka dhididaa. 7. Qosol aanan ku jirin ciridfayiig baan u aqaan. 8. Qatanaan reer waa la galaa qaawanaase reer lama galo. 9. Qandi uu ku rito iyo qiil uu ku banaystaba wadaadbaa leh. 10. Qaylo waa cid keen. |
BOGGA 10AAD |
|
Dhammaan dhallinyarada sharafta leh waxaan xusuusinayaa in ay soo diraan jawaabahooda iyo arigtidooda, jawaabahaas waxaad u soo diri kartaan email ahaan, jawaab gaaban, ama war gaaban, ama su'aal ama ra'yi gaaban, shardi ma aha in aad maqaalado dhaadheer oo habaysan soo qortaan! |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|