|
|
BOGGA 1AAD | ARARTA WARGAYSKA |
|
Gabagabadii Shirkii "Aqoonyahannada" ee Djibouti! Sida wararka aan ka wada maqalnay, waxaa toddobaadkii la soo dhaafay la soo gabagabeeyay shirkii lagu magacaabay "shirka aqoonyahannada soomaaliyeed" ee lagu qabtay Jabuuti, shirkaas sida dowladda Jabuuti iyo UN-uyaalka ninka ah sheegeen wuxuu ahaa shir ay isugu yimideen dad doonaya in ay talooyin iyo figrado ku biitiyaan dowladda Jabuuti, waxaa kale oo ay sheegeen in aanay dadkaasi ahayn dad la marti qaaday oo metelaya kooxo ama qabiilooyin, ee ay ahaayeen dad iskood isaga socday! Ilaa iyo hadda waxii shirkaa ka soo baxay lama garanayo, go'aannadii iyo talooyinkii ay "aqoonyahannadu" soo saareenna lama soo bandhigin. Hase ahaatee, dad badan oo xiisaynayay shirkaas waxay isku dayeen in ay helaan waxyaabihii ay ka doodayeen dadkaasi. Maxay ahaayeen dadka shirka ka qayb galay! Inta aanan ka hadlin qodobadii shirka looga hadlay qaarkood, waxaan akhristaha soo hordhigaynaa kooxihii shirka ka qayb galay sida ay kala ahaayeen: 1. Wafdi ka socday Xamar oo xooggiisu ahaa qabiilka Abgaal. 2. Wafdi reer Somaliland ah oo aan badnayn, kuna xirnayn dowladda Somaliland. 3. Koox matelaysay Urur isku magacaaba Ururka Haweenka. 4. Dad kalikali ah oo ka kala socday qabaailka daaroodka iyo raxanwaynta iyo qaar kale. Gundhigga doodda kooxahaas! In kasta oo aanan helin faahfaahin wanaagsan oo shirkaas ku saabsanayd, hadana waxaa ina soo gaaray warar iyo emaillo aan runtii ka faa'iidaysannay, kuwaas oo ina tusaya kooxaha shirka ka qayb galay wixii ay ku tallamayeen iyo wixii koox kasta ay xoogga saartay oo ahayd sidan: 1. Wafdiga Xamar ee xooggiisu ahaa beesha Abgaal waxaa hadafkooda 1aad ahaa laba arrimood, midda hore waxay ahayd in ay dowladda Jabuuti ku adkeeyaan in Cali Mahdi Madaxwayne ku meelgaar ah loo magacaabo sidii horeyba loogu magacaabay. Tan labaadna waxay ahayd in Muqdishu ahaato caasimadda Soomaaliya oo aanan taas marnaba shaki la gelin. 2. Wafdiga ka koobnaa koox reer Somaliland ah, waxay xoogga saareen laba arrimood: Tan hore waxay ahayd in ay muujiyaan wanaagga iyo gobanimada dadka Somaliland iyo sida ay nabad iyo barwaaqo u gaareen markii ay ka go'een Soomaaliya. Arrinka labaadna wuxuu ahaa in ay Cambaareeyaan dowladdii hore ee soomaaliya, iyo soomaalida inteeda kaleba, kuwaas oo dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhac u gaystay dadka reer Somaliland (sida ay hadalka u dheheen)(hadalkan waxaan ka soo xigtay emaillo qarsoodi ah oo la ii soo diray). 3. Kooxaha kale ee shirka ka soo qayb galay wax ujeeddo ah oo gaar ah ma aysan lahayn iskumana aysan xirnayn ee waxay ahaayeen dad kalikali u socday, waxa kaliya oo aan maqalnay koox dhowr qof ka kooban oo u qaylinaysay xuquuqda haweenku ku leeyihay talada dalka iyo mustaqbalka aayaha umadda, wax barnaamij ahna ma aysan wadan. Faallaynta Qodobada! Su'aasha ugu horreysa ee akhristuhu iswaydiinayaa waa: maxaa arrimahaas ka khuseeya nabadda Soomaaliya? Dadka shirka yimid wax danta soomaaliya ka hadlayay kuma jirin run ahaantii, ee waxaa qof kasta doonayay in uu guto dan gaar ah oo uu doonayay fulinteeda. Marka aan leenahay waxba kama soo bixin shirkii aqoonyahannada, arrinkaasi layaab malaha, maxaa wacay markii horeba shirka loogama hadlin qodobbo khuseeya nabadda soomaaliya. Waxaan ku qoslay su'aal la waydiiyay madaxwaynaha Jabuuti oo ahayd "maad heshii siidaan dadka dagaalay, waadinka heshiisiinaya dad aanan dagaalin e?" Dadkii loo baahnaa in la heshiisiiyo waa dadka dagaalka wada, dadkaas ayaana wax tar leh oo ama wax dilaya ama wax noolaynaya, soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa "ninkaasi kuma dilo, kumana nooleeyo" macnaha waxba tari maayo. Daadka shirka Jabuuti ka qayb galay ma aysan ahayn dad ay arrinta soomaaliya khusayso, dad arrinkaas wax ka gala ama wax ka gooyana ma aysan ahayn, dowladda Jabuutina siyaasad bay ka wadatay ee soomaali heshiisiin kama ahayn. Intuu baaniyaal cuni lahaa Cali ha beeseysto! Jabuuti oo sida aan ognahay ay la soo gudboonaadeen dhibaatooyin dhaqaale waxay fursad u heshay in ay madax ka noqoto dalalka loo yaqaan IGAD, isla markaana madaxwaynaha Jabuuti oo ah nin aad u firfircoon goor dhawna la soo doortay wuxuu jeclaystay in uu ka faa'iidaysto xaaladda ka taagan geeska Africa ee murugsan. Tillaabadii ugu horreysay ee uu qaaday waxay ahayd in uu hagaajiyay xiriirkii uu la lahaa dowladaha deriska ah intooda badan siiba Xabashida. Tii labaadna waxay ahayd in uu guntiga dhiisha isaga dhigay sidii uu uga faa'iidayn lahaa xaaladda ba'an ee Soomaaliya ka taagan. Wuxuu madaxwaynhu soo bandhigay mashruuciisii caanka ahaa ee uu ka jeedshay golaha ammaanka ee Qarumada Midoobay ee ku saabsanaa nabadda soomaaliya. Anigu run ahaantii waxaan ku jiray dadkii moodayay in madaxwayne Geelle howsha uu wado ay soomaalinimo ka tahay, laakiin waan qaldanaa, waxaana caddaatay in uu siyaasad ka waday. Maalgelinta Soomaaliya! Madaxwayne geelle wuxuu arkay in xaaladda soomaaliya la maalgelin karo oo "investment" lagu samaysan karo, sida ay horeyba u yeeleen dowlado badan sida Masar iyo Liibiya iyo Kenya. Waxaa soomaaliya noqotay middi nin kastaa ku cad goosto, waxaana u horreeya dadka soomaaliya ku cad goosta UN-ka, oo sanad kasta adduunka uga cuna lacag aan xad lahayn "soomaaliya ayaa baahan", sidoo kale dowladda Masar ayaa sanadihii la soo dhaafay ayaduna dalalka Jaamicadda carabta iyo ururka Islaamka uga cuntay lacag aan xad lahayn magaca soomaaliya. Inkasta oo Jabuuti gadaal ka gaar tahay, hadana wali waxaa muuqata in la maalgelin karo xaaladda soomaaliya ka taagan, waxaa cad in dowladda Jabuuti rejaynayso in ay ku hesho magac iyo xoolo waanwaanta ay hadda waddo xaq bayna u leedahay oo kama liidato kuwii ayada ka horreeyay iyo kuwa ka dambayn doona. Arrinta Soomaalia, Soomaali bay u taallaa! Waxaa halkaa ka cad in arrinka soomaaliya uusan xallin doonin cid aan soomaali ahayn, sidaa darteed soomaalida waxaa la gudboon in ay runta isu sheegaan oo ay qabiilqabiil u shiraan, khuraafaadka kalena iska illoobaan, dabadeedna heshiiyaan oo dowlad dhexe soo dhistaan, xaqeeqadu waa taas, soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa "haddii aanan run la sheegin, wax ka liitaa la sheegaa, waa beene". |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD | WARARKA SOOMAALIDA |
|
|
Shirkii beelaha Mareexaan oo Beledxaawo ka billowday April 1, 2000, Sida ay sheegayaan warar Kenya inaga soo gaaray, waxaa shalay oo bisha April ahayd kow, ka billowday magaalada Beledxaawo shir ay isugu yimideen odayaasha iyo waxgaradka beelaha Mareexaan, kaas oo la doonayo in lagu dhammeeyo khilaafaadka yaryar ee beelahaas dhex yiillay in muddo ahba, laguna doorto madax beelahaas maatasha. Wararku waxay intaa ku dareen in ay dadka shirkaa ka soo qaybgalay oo ilaa 500 oo qof kor u dhaafay ay isla dhexmarayeen in lagayaabo in dowlad hoosaad la dhiso, taas oo maamuli doonta goballada Gedo iyo Jubbada hoose iyo wixii la xiriira. Wafdi UN-ka ka socday oo Kismaaayo diyaaraddoodii lagu xabbadeeyay March 31, 2000, Kismaanyo, wafdi ka socday UN-ka oo 3 nin oo laba ingiriis tahay midna faransiis yahay ka koobnaa ayaa la sheegay in diyaaraddii ay la socdeen xabbad lagu furay kadib markii duuliyihii weday isku deyay in uu diyaaradda kacsho. Tacshiiraddaa diyaaradda lagu furay la garan maayo ciddii ka dambaysay, waxaana wafdigu sheegay in ay khatar halis ah gaarsiin lahayd rakaabka iyo diyaaradda intaba haddii ay haleeli lahayd qof ka mid ah wafdiga ama meel ka mid ah diyaaradda makiinaddeeda ama santuuqa shidaalka. Xabbadaha la soo riday qaar ayaa diyaaradda ku dhacay, mid waxay ku dhacday kuraasta mid ka mid ah oo markaa marnaa oo aanan cidi saarnayn, mid kalena waxay ka gudubtay diyaaradda dhexdeeda. Duuliyihii diyaaradda weday wuxuu ku guulaystay in uu kacsho diyaaradda oo ku dejiyo Baydhabo, dabadeedna Mandheera, halkaas oo ay shidaal ka qaadanayeen. Shilkaasi wuxuu keenay in la joojiyo dhammaan howlihii ay UN-tu ka wadday Kismaayo iyo kuwii la damacsanaa in laga billaabo halkaas. Kismaayo horay ayaa looga joojiyay howlaha UN-tu waddo, wafdiga diyaaraddan la socdayna waxay meesha u yimideen in la indhaindheeyo xaaladda meesha ka jirta si dib loogu billaabo howlihii UN-ka. Dowladda Liibiya oo la sheegay in ay ku howlantahay arrimaha Soomaaliya March 31, 2000, Dowladda Liibiya waxay ka mid ahayd dowladihii sida firfircoon ugu howlanaa siyaasadda Soomaaliya, sida Maasar, Jabuuti iyo Ethiopia, waxaana wararku sheegayaan in maamulka Kornayl Qaddaafi damacsanyahay in uu dib isugu dayo mar labaad soo dhisidda maamul dowladeed oo soomaaliya dib loogu hoggaansho. Waxaa wararku sheegayaan in Liibiya hunguriyaynayso dekedda wayn ee magaalada Muqdisho iyo Gegida Diyaaradaha, sidoo kale, madaxwaynaha Liibiya oo sanadahaanba ku howlanaa qaaradda Africa, soomaaliyana uu u fadhiyo safiir joogto ah, ayaa la filayaa in uu kaalin wayn ka qaadan doono jihaynta siyaasadda soomaaliya. Wali waxaan u caddayn ragga xaaladda soomaaliya indha indheeya barnaamijka Kornayl Qaddaafi, waxaase dadka badankiisu rumaysanyihiin in uu ka duwanyahay midka uu wato Madaxwaynaha Jabuuti Geelle, oo ku salaysan in kooxaha hubaysan loo bedelo xisbiyo siyaasadeed. Warar kale oo ayagana laga soo xigtay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in safiirka Liibiya ee fadhiya Muqdisho beenshay warka uu sheegay Ina Caydiid ee ah in Liibiya qaban doonto shir dibuheshiisiin ah bishan lixdeeda. Dowladaha bahda IGAD oo taageeray barnaamijka Jabuuti Isniin March 27, 2000, Dowladaha xubnaha ka ah ururka IGAD ayaa muujiyay taageerada ay la garab taaganyihiin barnaamijka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ay Jabuuti waddo. Dowladahaas oo kala ah Djibouti, Uganda, Sudan, Kenya, Ethiopia iyo Eritrea, ayaa wasiiradooda arrimaha dibaddu isku raaceen in la taageero barnaamijka ay Jabuuti waddo. Sida ku xusan barnaamijkaas, Jabuuti waxay qabanaysaa shir 20 April ilaa 5ta May, kaas oo lagu soo dhisi doono baarlabaan soomaaliyeed, kadibna baarlabaankaas ayaa dooran doona Madaxwayne iyo Ra'iisal wasaare! Wasiir arrimaha dibadda ee dalka Sudan oo u warramayay idaacadda Suudan ayaa arrinkaas shaaca ka qaaday. Kornail Shaarguduud oo diiday shirka Jabuuti Isniin March 27 2000, Hassan Mohamed Nur oo loo yaqaan "shaarguduud" oo ah taliyaha jabhadda RRA-da ee ka talisa goballada Bay iyo Bakool ayaa si cad u diiday Isniintii la soo dhaafay barnaamijka ay waddo dowladda Jabuuti ee dibuheshiisiinta ah. Kornailku wuxuu ku tilmaamay barnaamijkaas in uusan ahayn mid waaqici ah iyo in ay ka qayb qaadanayaan dad dhulkooda iyo dadkooda horey u waxyeelleeyay dhibaatooyin badanna soo gaarsiiyay. Shaatiguduud oo loo malaynayo in uu tilmaamayo kooxda Xuseen Caydiid, oo ay horay jabhaddiisa dagaallo ba'ani u dhexmareen, wuxuu ku tilmaamay howsha uu wado madaxwayne Geelle in ay waqtilumis tahay. Barnaamijka madaxwayne Geelle waxaa horey u diiday kooxo kale oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin Somaliland iyo Puntland iyo Kooxda Ina Caydiid, waxaana lagu eedeeyay in uu u mudnaanta siinaayo kooxaha mucaaradka ku ah maamullada hadda ka dhisan goballada qaarkood, isla markaana iska dhegatirayo talooyinka ay soo jeedsheen maamullada goballadaas. Wiil Soomaaliyeed oo la sheegay in uu ku xiranyahay Atlanta Atlanta March 29 2000, War inaga soo gaaray xabsiga "DEKALB COUNTY JAIL" ee ku yaalla Atlanta Georgia ayaa sheegaya in uu halkaas ku xiranyahay wiil sheegtay in uu soomaali yahay, wiilkaas waxaa warku sheegay in uu hadal ka yaqaanno laba eray (Somali, Muslim) oo kaliya uuna diiday in uu la hadlo dadkii xabsigaa ka shaqaynayay. Warku wuxuu intaa ku deray in arrinkaas dartiis wiilkaa loo gudbiyay qaybta dadka waalan, oo kaligiis qol lagu xiray. Nin wiilkaas soo booqday oo warka inooga soo diray Atlanta wuxuu inoo sheegay in ay dhici karto in uusan wiilkaasi waalnayn ee ay dhibaato ka haysato sidii uu ula xiriiri lahaa dadka halkaas ka shaqeeya luqadda uusan aqoon awgeed. Wiilkaas waxaa la sheegay in uusan waxna akhrin waxna qorin, dadka xabsiga maamulana waxay ku andacoodeen in ay heegan u yihiin in ay caawiyaan laakiin ay af garan la'yihiin. Haddaba Soomaalida joogta Atlanta Georgia waxaa laga codsanayaa in ay la xiriiraan ninka la yiraahdo (JOHN LIOTTA PHONE 770-270-5712 OR FAX 770-493-6549 E-MAIL kliotta@mindspring.com) si ay wiilkaa xiran arrinkiisa u hubsadaan, iskuna dayaan in ay caawiyaan haddii ay dhabnoqoto in uu soomaali dhibaataysan yahay. |
BOGGA 3AAD | BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA |
|
|
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD | BOGGA QUBANAHA |
|
Goorma ayey Soomaaliya xornimo heleysaa? Waxaa qoray: Mahamed Abdisalam Egal Leidschendam, Holland Qabyaaladda: Qabiilku ma laha meel uu ka billowdo iyo meel uu ku dhamaado. Taas micnaheedu waxaa weeye haddaad raadiso meeshii uu ka billowday waxaa laga yaabaa saad u socoto in aad tagto Firkii Nabi Adan iyo Xaawo amaba aad weydo meel aad u sii dhaqaajiso magacyada la taxo marka la abtirsanayo. Mana laha meel uu ku istaago oo wali waa socdaa oo qarniyada soo socda waxaa imaan doona Jilibyo iyo qabiilooyin cusub oo aan hadda jirin. Laga soo billaabo 1991 illaa iyo xilligan aan ku jirno, Soomaliya waxaa gumaysta nin la yiraahdo Qabiil, Ninkaasu gumaysigiisu aad ayuu u awood badan yahay xitaa haddaad ka soo fogaato Soomaaliya waa uu ku daba socdaa mar haddaad Soomaali tahay meel kasta oo aad ku nooshahay. Qabiilku Soomaali waxaa uu gaarsiiyey heer laga yaabo in ay Shirki (kufrinimo) ku dhex jiraan iyagoon is ogayn. Waayo xadiis ka mid ah xadiisyada Nabiga SCW ayaa oranaya qof ama fikir (Abstract) hadduu awood u yeesho in uu kuu xalaaleeyo wax Eebbe xarrimay ama uu kaa xaaraantimeeyo wax Ilaah xalaaleeyey waad caabuday. Haddaba sow ma aha Qabiil kan Soomaalida u xalaaleeyey in qof ashahaadanaya in la dilo, xoolihiisa la dhaco iyo in xasad iyo nacayb aad qof muslim ah oo aan ku aqoon u qaadid. Waxaase la yaab ah xeeladda Gumaysiga Qabiilka meesha ay gaartay, Soomaalida ku nool dhulalka ka fog Soomaaliya ayaa ururinaya Lacagaha la isku dilayo ama xasadnimo ka shaqaynaya! Qabiilka yaa u baahan yaase adeegsada? Ogsoonow Qabiil waxaa u baahan oo kaliya qofkii aan isku filnayn, haddaad noloshaada dib u jaleecdo ma arkaysid wax abaal ah oo uu qabiil ku sheegto korriimadaada iyo waxbarashadaada, Haddaba, maxaa kalifaya in aad ogolaato gumaysigiisa? Dib u fakir oo isku day in aad fikirkaaga xorayso oo aad noqoto qof ka madax bannaan qabiil siiba dadka dibadda ku nool oo ka soo fogaaday Soomaaliya waayo maanta ma jirto waxaad uga baahan karto Qabiil waana fursad aad diintaada ku ilaashan karto. Dadka Soomaaliya ku sugan waxaa laga yaabaa in ay baqayaan waayo isagoon danbi galin ayaa lagu dilayaa qabiilka uu ka dhashay dartii, sidaas ayaana ku kallifaysa in uu gaashan ka dhigto Qabiilka. Runtiina waxay u baahan yihiin in loo gurmado lagana xoreeyo ninka Qabiilka la yiraahdo ee sida ba'an ula dhaqmaya. Qabiilka mar kastaa waxaa adeegsada dadka raba in ay wax dumiyaan ama dulmi falaan waxaana aad ka tarjuman kartaa Ereyada ah Waawareey, Tolla'ayeey iyo Tolbeelayeey oo ah erayo dadka dhiilo galiya. Qabiil iyo Magaalo Somalida oo badankeed ahayd reer Guuraa waxaa dhibaato ay ku qabtay daaqsinka iyo biyaha. Sidaas darteed marka baadka iyo biyo ku yaraadaan ayaa waxaa dhici jiray khilaafyo iyo iska horimaadyo. Sidaas darteed qabiil walbaa waxaa uu ku dadaali jiray in uu xukumo dhul ballaaran oo xoolihiisu u daaqsin tagaan halkaas ayeyna ka billaabatay figradda dhulbalaarsiga ah ee Soomaalida. Haddaba waxaa isweydiin leh magaalooyinka lagu dagaalamayo sida Xamar, Shabeelooyinka iyo Kismaayo ma daaqsin bay ka rabaan? Magaalo waxaa qiimo ay yeelan kartaa marka dad badan oo kala jinsi ah ay degen yihiin sidaas ayaana dhaqaalaheeda iyo bilicdeedaba ku dhismaysaa. Haddaan tusaale u soo qaadanno magalooyinka caalamka sida Paris waxaa ku nool in ka badan 12 milyan oo qof, Cairo sidoo kale illaa 15 milyan oo qof. Saw suurto gal ma aha dadka miyiga ka soo qulqulaya oo magaalooyinka xoogga ku qabsanaya in Somaali oo dhan hal magaalo isugu tagi karto hadday doonayaan in dhammaantood ay reer Magaal noqdaan. Soomaalidu waa Qabiil kaliya waa dad isu Eg, Isku Af, Isku Diin iyo dhaqan ah. Haddaba waxaa is weydiin ah qabyaaladdu siday ku timid xaggayse ka timid? Akhriste kastaa waa u furan tahay Jawaabta su'aashaas. [Waa socotaa..] |
Salaan, Taageero iyo Talabixin W.Q: Abdullahi Hashi Egal Adress Rosenhøj 2A ,2 mf, 8260 viby j, Denmark. Tel:(45) 8672 222 25 Asalaamu calekum waraxmatullahi wabarakatuh, Saxiiba yaal ama walaala yaal marka hore waan idin salaamayaa salaan ka dib waxaan idiin soo gudbinayaa bogaadin & mahadnaq ku wajahan sidda wanaagsan ee aad u madda ugu shaqeeynaysaan, waxaan hubaa haddii ay dhamaan dhalin yaradu is xilsaaraan in laga gudbayo dhibka haysta umadan soomaaliyeed ee afduubka ku jirta mudada dheer, waxaan in taas ku darayaa, raadiya dadka maskaxda fiyoow, ee jecel in ay isku soo jiidaan umaddan burburtay, kana shaqeeya ama faafiya figradaha wanaagsan. Waxaan ku talin lahaa in aad kadaysaan wararka quseeya dagaalka sokeeye ee muddada dheer socday oo dhamaan waayey oo meesha aad wararkaas ku badashaan arimaha nabada taageeraya, gabagabada su'aal, waa adinka mar walaba qora ama sheega divid & kofi annan & qabqab la yaasha dagaalka war kooda, ee meeday kaalintiinii? ama kaalintii dhalin yarada soomaaliyeed? gaar ahaan dhalin yarada joogta qurbaha oo aragtay hor u marka ay gaareen dadyowga aan la joogno ama aan martida u nahay. Intaas ayaan ku soo koo bayaa message kaan, wa billaahi tawfiq. Asalaamu caleykum waraxmatullahi wabarakatuh. Cajaa'ibta - Maqaalkii Cajaa'ibka Shirka Jabuuti! W.Q: Maxamuud Cali Date: Mon, 27 Mar 2000 18:23:50 +0200 Salaan ka bacdi waxaan xirsi aad ula yaabay maqaal ah caajibka shirka Jabuuti waxaan aad uga xumahay in aadan soo sheegin cidda maqaalkaas soo qortey waxaanse u maleeynayaa ineey tahay fikradda ama rayiga wargeeyska. Haddaba waxaan aad uga xumahay inaad cambaareeyso shirka Jabuuti adigoon sii eegin baahida ummadda soomaaliyeed u qabto in ay hesho dawlad iyo nabad oo ay la ayeen muddadii 10kii sano ahaa oo mooryaan iyo jirey wadanka baabiyey. Waxaan qofkasta oo soomaali ah kana madaxbanaan cudurka qabyaalada si buuxda u taageersanayahay in nimanka warlords ay soomaali ay ka galeen danbiyo aan la soo koobi karin waxaana sax ah in nimankaas laga mamnuuco iney soomaaliya ayaheeda meel looga ariminaayo iney yimaadaan. waxaana ka xumahay Mr hersi inaad Somali jouranl iyo warlords ay iska aragti ka noqdaan shirka jabuuti. waxaana kuu sheegayaa in odayaasha iyo aqoonyahana lagu xulay soomaalinimo iyo iayagoo wax denbi ah gelin ummmadda soomaliyeed iyagoo weliba aan ka aheyn iney xukun rabaan. Markaa waxaan xirsiyaow kaa baryeeynaa inaad taageerid shirka jabuuri iyo soomaalinimo, ogowna qabiil halkuu ina dhigay iyo nin jecleeysi. |
|
BOGGA 5AAD | BOGGA DOODDA IYO CILMIBAARISTA |
|
Saynis iyo Quraan!
Arrinka la yaabka leh ayaa waxaa ah in dadka badankiisuba (ay ka mid yihiin wadaaddada qaarkood) aysan garanaynin sida uu qur'aanku u jiheeyo maskaxda aadanaha.Tusaale ahaan, waxa loo yaqaan sayniska (ee ah midka aanan ku xirneyn dhaqan ay bulsho leedahay) had iyo jeer waxa uu ka jawaabaa su'aasha ah "Sida ay wax u dhaceen(how)", laakiin marnaba kama jawaabi karo "sababta ay wax u dhaceen(why)" !
Haddii aan mar kale ku laabto tusaalihii samaysanka biyaha, oo aynu is weydiinno sidee (how) ayay biyuhu ku samaysmeen, waxaynu oran karnaa biyuhu waxay samaysmeen kadib markii ay falgaleen labada curriye ee ah Haydrojiin iyo Ogsijiin. Laakiin haddaynu is weydiinno su'aashan ah: Curriyaha Haydrojiinta ah waa curriye aad u fudud, waana curriye si fudud u qarxa, sidoo kalena curriyaha kale ee Ogsijiinta waa curriyaha kaalmeeya gubashada, oo meel uu ka maqan yahay waxba kama gubtaan, haddii labadaan curriye ee midna uu si fudud u qarxo, midina uu yahay midka kaalmeeya gubashada ay falgalaan, waxaa ka dhasha waxa loo yaqaan "biyo", oo loo isticmaalo iney joojiyaan "gubashada"!
Haddaynu isweydiinno maxaa sababay (why) in sheey ka samaysan waxyaalaha qarxa (biyo) uu u joojiyaa gubashada? ma jirto labo saynisyahan oo isku ra'yi noqonaya, mid walbana wuxuu isku dayayaa inuu la kaashado caqligiisa iyo aragtidiisa kuwaas oo aan marnaba ka madax bannaaneyn dhaqankiisa iyo wuxuu aaminsan yahay.
Saynisku muxuu yahay?
Haddaba waxaynu oran karnaa sayniskuba waa ogaanshaha sida ay wax u dhacaan, ee ma ah ogaanshaha sababta (why) ay wax u dhacaan.
Haddii aan Qur'aanka kariimka ah u soo laabanno waxaad arkaysaa in dadka oo idil lagu jiheeynayo iney raadiyaan sida (how) ay wax u dhacaan, tusaale: Aayaadka ugu dambeeya Suuratul-Gaashiya, waxay inoo jiheynayaan baaritaanka sayniseed, macnihii aayaadkaasi waa sidan "Miyeysan eegeynin SIDA (how) loo abuuray geela, SIDA(how) samada kor loogu qaaday, SIDA (how) buuraha loo
adkeeyay, SIDA(how) dhulka loo fidiyay..", ayaadkan innagu jiheynaya baaritaanka sayniseed waxaa ay soo degeen 1400 oo sano ka hor!
Waxaynu oran karnaa aayaadkuba waxay u yimaadeen iney xoreeyaan insaanka dhammaantiis, kana xoreeyaan khuraafadka, isla markaana inoo jiheeyaan inaynu baaritaan ku samayno caalamka aynu ku nool nahay, si aynu markaa mas'uul uga noqono caalamka oo idil. Sidoo kale aayadaha Qur'aanka kariimka si aad u xeel dheer ayay inoogu baraarujiyaan inaynu baaritaan xeel dheer ku
samayno koonka (univers-ka) intiisa kale, waxaase naxdin leh in dadkii gacanta ku haystay Qur'aanka ay in badan waxba kala socon caalamka intiisa kale.
[Waa socotaa..]
Somalia: Horta, yey Taladeedu ka go'daa ?! Waxaa Qoray: Ibrahim Macallim Mursal Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen, The Nederlands Tel/Fax +31 545-476473. E-mail: mursal@gelrevision.nl Xusul duub iyo dardar gelin: Sida aannu hadalkeena ku soo bilownay, hindi-saha Djibuuti, muddadii yareyd uu soo shaac baxay, wuxuu soo maray marxalado kala duduwan oo maanta wuxuu mara-yaa marxalad fulineed. Oo hadda waxaa laga hadlayaa dowladda Soo-maaliyeed ciddii hog-gaamin lahayd.(lamana shirin, go'aanna waa la gaaray!!!). Ra'iisul Wasaare yaa loo magaacaabayaa, xubnaha dowladda yaa ka mid noqon doono, guddoomiyaha Baarlamaanka yaa loo magacaabi doonaa, xubnaha baarlamaanka yaa loo xulayaa, madaxweynenimo yaa loo ballan qaadayaa markii baarlamaanka uu ku kulmo Muqdisho. Waxaa maalmahaan loo wada jihaystay, (dhan kastoo aad u jeesatid Rabbi baa kaa jiro ee !!!), dhanka Djibuuti, magac ururo amase magac shakhsi mid kastoo lagu tago, cid walbana garabka uun baa laga soo taabtaa. Wixii dheeraad ah Allaa og!!! Sida aan horeyba aan u soo sheegnay odayaal, hoggamiyaal dhaqmeed iyo bulshada rayidka ayuu hindisaha bartilmaameed ka dhigtay. Arintaasi waxay dhalisay in xusul duubyo, hoos u kala dusid, ballan fur iyo kala orod, (nafta orod bey kugu aamintaaye!). Waxaa abuurmeen dhaqdhaqaaqyo aan hore u jirin amase ujeedooyin kale loo abuuray ayaa loo jiheeyay dhanka halganka awood qaybsiga. (Raqda yaan lagaaga sed badsanin!?). Hoggaamiyaasha kooxeed, odayaashii dabka u kala qaadi jireen, hoggaamiyaashii dhaqanka ee taageerada u fidinayay, ganacsatadii dhaqaalaha u haysay iyo kooxihii hay'adaha samafalada jiscinka uga soo dullaalaayeen, ayaa lagu mashquuleen in awoodaha siyaasadeed ay Djibuuti qaybinayso ay wax ka doontaan. Arintaasi waxay u horseedday oo ay bulshada ku soo kordhisay walaahow, walbahaar iyo jahawareer muddo sii jiitami doonaan. Dhaqan bulshadeedkii (social culture) tobankii sana dood dalka ka abuurmay ayaa hadda isku dhex yaacay; miisaankii dheelitirka ayaa liicay, iska horimaadyo iyo xasillooni darro iyo jawi colaadeed ayaa oogmeen. Laga yaabee xaaladdaan in ay dhaliso isbeddello looga reysto duruufaha taagan, haddii caqli iyo qorshe aad looga baaraan degay lagu maareeyo. Waxaase u baahan in loo dhug lahaado oo loo dhiifoonaado qiimaha culayska weyn oo shacbiga ugu kici doono jiljilka xaaladda cusub ka dhalan doono. Ma yahay culays shacbiga uu qaadi karaayo. Weliba ay kuu sii dheer tahay kuwa ummadda u arrimiya aan shacbiga taahiisa u jixinjixeynin, oo naxriista Alle ka siibay. Allow caaqibadeenna toosi!!! [Waa socotaa..] |
|
BOGGA 6AAD | BOGGA HAWEENKA |
| Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax International Islamic University Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia Email: qasim55@hotmail.com |
| |
SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
|
BOGGA 7AAD | DIINTA ISLAAMKA |
| ||
|
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 49aad
Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
|
BOGGA 9AAD |
|
1. Hal laba geel jecel dhexdooda baa bahal ku cunaa. 2. Hashu ayadaa geela cunaysa waana cabaadaysaa. 3. Hadal iyo haweenba duca la'aan wax ma taraan. 4. Hadal waa murti hilibna waa solay. 5. Hunguri wax ka wayn la geliyaa waa dillaacaa. | 6. Haruub buuxsamay qubashuu u halis yahay. 7. Hal laba nirgood leh lisaa ma dhamo. 8. Hadal waa mergi, oo hadba waa meeshi loo jiido. 9. Hadal ninna si u yiri ninna si u qaaday. 10. Hal caana diidaysa geed ay ku xoqato ma wayso. |
BOGGA 9AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|