|
Aqarso B. Martida | Saxiix B. Martida |
|
BOGGA 1AAD |
|
|
|
Soomaali iyo qabiil maxaa kala haysta?!
Soomaali qabiil si Rabbi ugu tala galay ma ahee si kale ayay u aragtay? Ilaahay geed Naarta ka baxa (Bal adiga ku fakar geed dabka ku baxa, kuna kora!) oo Ehlu Naarka markay gaajoodaan cunto looga dhigo. Wuxuu Ilaahey inoogu sheegay geedkaasi mirihiisa ama qaabka uu u baxo inuu yahay “Sidii madaxda Shayaadiinta”. Innaga “madax Shayaadiin” horay uma anaan arag, laakiinse Ilaahay Sawirkiisa sidii uu noqon karo, ayuu qof walba ku hanuuniyay.
Waxaynu sawir ka qaadanay, sheydaanku inuu wax aad u fool xun yahay, madax qaab daran oo geesa leh leeyahay, indhihiisane sida dhimbilo dab ah, afkiisuna qiiq iyo holac ka baxaaya.
Wax kugu lammaanan oo aad marna kheyr ka filanaynin. Haddaba Soomaalida qabiilku waxay u sawiratay qaab ka duwan sidii Rabbi u sheegay. Waa kaas oo kugu lammaanan oo haddane aan kaa tirsanayn. Cid kasta oo Soomaali ah oo wax isku fasha oo wax xishood ah ku dambeya, way iska ilaalisaa in afkeeda laga maqlo magac qabiil.
Waxaa loo arkaa qofka qabiiliga ah cid magaalo joog xumo hayso, cid garaadkeedu hooseeyo. U fiirso xittaa kuwa hadda ku adeegta magaca qabiilka, kuna andacooda in ay u guntan yihiin danaha qabiiladooda, haddane fagaaraha way iska ilaaliyaan in ay magac qabiil adeegsadaan.
Waxay adeegsadaan kalmado yare maldahan sida: Beesha deggan bariga magaalada iyo beesha deggan galbeedka ee todobaadkii hore isku dhacay ayaa ka wada xaajoonaya sidii arimaha dhexyaala loo dhammayn lahaa.
[Waa socotaa...]
|
BOGGA 2AAD | Somali Forum | Free Email | Free Guest Book | Free Home Page |
|
|
Dhaliil ay dowladda Puntland u soo jeedisay guddoomiyaha ururka FGAP GAROOWE Jan 30, Wararka ka imanaya ayaa waxay sheegayaan in Dowlad Goboleedka la magac baxdey Puntland dhawaan soo saareen warqad kulul oo ay kaga ashtakoonayaan Gudoomiyahay ururka FGAP ee usku duwida Gargaarka Caalamiga ee Soomaaliya oo la yiraahdo Duarti. Ninkaas oo lagu eedeeynayo in uusan dhexdhexaad ka ahayn howlaha uu ka hayo Soomaaliya, Dacwadaasi waxaa loo kala direy Hay’ada Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi iyo Dalalka Deeqda bixiya EEU , IGAD iyo IPF ee arimaha Soomaaliya fadhigoodu yahay Addis-ababa. Waxaa loo cuskadey inuu yahay nin cadaawad weyn u haya Puntland isagoo xakameeyey Gargaarkii Caalamiga ahaa ee Aduunku Soomaaliya ugu talagaley qeybtii kaga aadaneyd Goboladatan. Waxaa kale oo uu Mr:Duarti oo ah la taliyaha reer Yurub ee arimaha Soomaaliya oo ay xukuumad Goboleedka Puntland ay ku eedeynayso in isagoo ka mid ahaa Wafdigii xaqiiq raadinta ee dhawaan Soomaaliya yimid, uu aad uga takooraa xubnaha wafdiga intooda kale markii ay joogeen Boosaaso iyo Garoowe oo uu hadalo kulkulul oo gabasho lahayn oo ka soo baxayey ereyo lid ku ah bay yiraahdeen xukuumada la magac baxdey Puntland. Waxaa kaloo lagu eedeeyey warqad uu dhawaan usoo qorey oo ay ku jirtey hanjabaad ah hadii ay Dowlad Goboleedka aanay ka laaban Go’aan ay canshuur ku soo rogtey shaqaalahaas Soomaalida ee ka shaqeeya Hay’adaha iyo in dalku gal (Visa ) lagu soo galo Puntland ay wax weyn u dhimayso wada shaqeynta Hay’adaha iyo Dowlad Goboleedkaas. Waxa ay ku tilmaameen sarkaalkaas in uu aheyn nin mudan inuu jagadaasi sii hayo iyagoo codsadey in jagada laga fadhiisiyo, waxa kaloo ay isla garteen in Bisha Febraayo toban keeda la isugu yeero dhamaan Hay’adaha Xafiisyada ku leh Gobolada Puntland si loo weydiiyo wixii mashaariic iyo miisaaniyad ee ay hayaan iyadoo hada wixii ka dambeeya aanay dhici doonin bey yiraahdeen in Hay’aduhu ay iska fulin howl iyo mashaariic aan lala ogeyn. Nin Kenyati ah oo Somaliya lagu dilay Baardheere JAN 29, Niman hubeysan ayaa toogtay oo dilay nin u dhashey wadanka Kiinya oo samafalka gargaarka ka shaqeynayey. Ninka dhintey oo u shaqeynayey urur Talyaani laga leeyahay oo la yiraahdo(Teronova),Waxaa la diley isaga oo Lo’ talaalayey. Dad aad u faro badan oo careysan ayaa isugu soo ururey goobtii lagu diley, warku waxa uu intaa ku darayaa dadka halkaasi degen inay aad ugu dheregsan yihiin baahida ay u qabaan gacan ay calamka ka helaan marka la eego abaaraha xun ee iminka halkaa ka jira. Shaqaalaha gargaarka ee aagaas ka howl gala ayaa iminka ka shireya waxaana ay ka baaraan degayaan dilka ninkaasi u dhashey Kiinya inuu ahaa dil mar uun iska dhacay oo aan lagu talo galin iyo inuu yahay mid astaan u ah xasilooni daro weyn oo halkaa ka soo socota. Waxaa kale oo iyaduna ka jirta tuulooyinka Ceelcade iyo Ceelguduudow inay biyo la’aan iyo gaajo dadku halkaa ku hayso. War ka soo baxay Madaxwayne kuxigeenka Somaliland HARGEYSA JAN 27, Wararka ka imanaya Hargaysa ayaa waxay sheegayaan in uu Madaxweyne ku xigenka Dalka lamagac baxay Jamhuuriyada Soomaliland Daahir Riyaale Kaahin oo wareysi qaas ah siiyey Wargeyska Jamhuuriya ee ka soo baxa Hargeysa uu sheegey in howshii loo xilsaarey ay tahay howl mustaqbal oo u baahan dadaal iyo ka baaraandeg. Waxaa loo baahan yahay buu yiri, in la helo macluumaad badan, ayna ururiyeen ilaa iyo hada dukuminti dhowr ah oo la xiriirta nidaamka xisbiyada badan, lana soo gabagabeyn doono bisha Feberaayo ee sanadkan. Daahir Riyaale oo ka jawaabayey dhaliil had iyo jeer loo soo jeediyo gudidiisa oo ah in xukuumada howshan iyada kaligeed ay isku koobtey oo aanay ka qeyb galin qeybaha kale ee bulshada. Waxaa kale ee uu sheegey in dastuurka xukuumada awood u siiyey diyaarinta xeerka dhismaha xisbiyada badan dadkana ay wax dhaliili karaan hase yeeshee dadka na dhaliilaya anaga oo aan waxba soo saarin waxaan u arkaa ayuu yiri inay ka hor dhaceen wuxuuna intaas raaciyey in ay howsha si dhaqsa ah u diyaarin doonaan. Daahir Riyaale Kaahin oo la weydiiyey waxa ka jira, sida dad badan ay qabaan, in ururka SNM laga reebayo qorshaha xisbiyada badan, waa uu diidey arintaasi waxaana uu yiri SNM waxa ay ka mid yihiin muwaadiniinta xaqbeyna u leeyihiin ka qeyb galka habka xisbiyada badan, mana jirto cid u diideysa laakiin inay umadda iska takooraan looma baahna. Sidoo kale Daahir Riyaale Kaahin waxaa kale ee uu cadeeyey in hididiilada xisbiyada badan ay ku saleysnaan doonto, sida dastuurku uu dhigayo oo ay ku koobnaan doonaan sadex xisbi oo isku xuquuq ah lamana kala sareysiin karo oo sharci isku mid ah ayaa loo sameynayaa. Sidoo kale Madaxweyne Maxmed Ibraahim Cigaal ayaa isaguna todobadkan mar uu qaabilayey wafdi Hargeysa yimid waxa uu usheegey in Soomaaliland hada ay ka guureyso nidaam beeleedka habka, dabiiciga ku dhisan, oo ay u guureyso nidaamka dimoqraadiyada ku dhisan ee xisbiyada badan. Warku waxa uu intaa ku darayaa in Radio Hargeysa uu fadhiyo iyadoo la sheegey in lagala baxay qalabka warlaliska. Maxaabiistii reer Ugrania oo cuntadii ka soomay BOOSAASO JAN 28, Wararka ka imanaya boosaaso ayaa waxay sheegayaan, inay bishii aan soo dhaafnay niman dhalashadoodu tahay Ugrania oo markab yar watey ay niman kaluumaysato ah ku qabteen xeebaha magaalada Caluula. Nimankaas ayaa lasheegayaa in ay labadii maalmood ee ugu dambeeyey cunadii diideen, amaba ay ka soomeen raashinkii, iyagoo doonaya in la sii daayo, nimankaas oo sheegey inay yihiin dalxiis waxaa gacanta ku haya wasaarada kaluumeysiga ee dowlad goboleedka la baxday Puntland. Nimankaas waxaa lagu hayaa magaalada Boosaaso, hase ahaatee waxaa markabkoodii weli gacanta ku haya kaluumaysatadii qabsatey. Go'aanadii ka soo baxay shirkii Digil iyo Mirifle MUQDISHU JAN 27, Wararka ka imanaya Muqdishu ayaa waxay sheegayaan in shir la qabtay, kaas oo ay isugu yimaadeen odeyaal iyo dad waxgarad ah oo ka tirsan beesha Digil iyo Mirifle. Shirkaas oo loo fadhiistey guriga Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Zoobe), waxaa lagaga wada hadley arinta ku saabsan sidii xoogaga Xuseen Ceydiid ay ugaga bixi lahaayeen gobolada Bay iyo Bakool. War saxaafadeed hadal laga soo saarey ayaa lagu sheegey in Xuseen Caydiid uu burburiyey wax loogu yeerey waan "waantii iyo dib u heshiisiintii" mudada la soo wadey war saxaafadeedkaasi waxaa saxiixay (Zoobe). Asiga oo shirkaasi gudoominayey waxaa uu beesha caalamka gaar ahaan ururada OAU, Jaamacada Carabta , IGAD iyo Dowladihii loo xilsaarey arimaha Soomaaliya xal u helideeda uu u sheegey in dhinaca Xuseen Caydiid ay gebi ahaanba jebiyeen qodobadii salka u ahaa xal kama dambeys ah oo loo helo arimaha goboladaas oo mudo sadex sanadood ka badan wax lagu sheegey barokicin iyo dhibaato dad maato ah laga wadey. Waxaa kale oo war saxaafadeedkaas lagu eedeeyey in uu Xuseen Caydiid jebiyey heshii skii guud iyo kii gaar ahaaneed ee lagu saxiixey magaalada Qaahira 21 bishii December sanadkii 1997 ee ku saabsanaa ka soo bixitaanka ciidankiis gobolada Bay iyo Bakool. Dadkii shirkaas ka qeyb galey waxaa kale oo ay Xuseen Caydiid ku eedeeyeen in uu haatan wado abaabul dagaal oo dhinacyo badan leh sida hadalka loo dhigey isla markaana uu dalka keeney shixnado hub iyo saanad ah, in kasta oo aan la sheegin halka ay ka yimaadeen. Taas oo bay yiraahdeen, ka soo hor jeeda qaraarkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya looga mamnuucay hubka iyo nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, waxaa kaloo war saxaafadeedkaasi lagu muujiyey walaaca weyn ee laga qabo xaalada labada reer ee colaadu dhextaal deegaanka Kismaayo waxeyna ugu baaqeen dhinacyada isku hor fadhiya halkaas in ay joojiyaan dagaalka, isla markaana ay ka heshiiyaan colaada dhextaala iyagoo uga digaya dhibaato ka culus tii horey loosoo marey. War saxaafadeedkaasi waxaa kale oo lagu sheegey in aan Soomaaliya laga dhisi karin dowlad qaran inta koox ama qabiil Soomaaliyeed u hanqal taagayaan maamulida deegaan aanay u dhalan. Gebogebada war saxaafadeedkaasi waxaa laga soo jeediyey baaq ku aadan wadamada deeqaha bixiya iyo hay’adaha caalamiga ahba, in ay deeq raashin, daawo iyo isugu jirta la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan deegaanada Bay iyo Bakool oo ay haatan hayaan abaaro, colaado iyo cuduro. Si kastaba ha ahaatee, go’aanada shirkan waxey u muuqdaan kuwo sii baa bi’inaya hadiiba ay wax ka hareen rajadii ku saabsaneyd qabsoomidii shirkii Baydhabo ee horey loogu balamey in lagu dhiso dowlad qaran oo dhowr jeer oo hore dib u dhacay. Waxaa ugu dambeyntii lagu balamey in laqabto bishan Janaayo horaanteedii hase ahaatee uu Cabdulqaadir (Zoobe) sheegey inayan haatan suurto gal aheyn. Waxaa kaloo uu shirkan uu ku soo beegmay maalin kadib markii uu Xuseen Caydiid si lama filaan ah uga ambabaxay magaalada Muqdishu isagoo ku sii jeeda sida wararka qaar ay sheegayaan wadamo ka tirsan geeska Afrika iyo Carabta oo waayahan dambe uu booqashooyin is daba joog ah ugu noqnoqanayey. War Saxaafadeed oo uu soo saaray Xuseen Xaaji Dhanka kalena war saxaafadeed uu soo saarey Dr Xuseen Xaaji Bood ayaa wuxuu ku sheegey in uu aad uga xun yahay in Dowladaha Eliteriya iyo Yamaen ay hub, saanad iyo qalab militeriya ay ku taageeraan Xuseen Caydiid, arrintaas waxay ka soo horjeeda ayuu yiri go’aankii Qaramada Midoobey ay hubka kaga mamnuucday Dalka Soomaaliya ahna arinta sii hurineysa Soomaaliya. Dr Bood wauxuu kale oo uu yiri Eliteriya iyo Yamen waxa ay ku biireen Masar iyo Liibiya oo ay taageero dhaqaale iyo Qalab Militeri si joogta ah u siiyaan Xuseen Caydiid si uu usii heysto Gobolka Bay, isla mar ahaan taana uu uqabsado Gobolada Jubbada Hoose iyo Bakool. Dr Bood oo Dowladahaas ku Cambaareynayey waxa uu ugu baaqey UN, OAU, IGAD iyo Ururka Jaamacada Carabta inay ku Cadaadiyaan Xukuumadahaasi inay faraha kala baxaan arimaha Soomaaliya. Odayaasha Afmadow oo dunida gargaar ka codsaday AFMADOW JAN 26, Wararka ka imanaya Afmadow ayaa waxay sheegayaan in odayaasha iyo gudida maamulka ee deegaanka Afmadow ay ugu baaqeen hay’adaha samafalka in ay gargaar la soo gaaraan dadka ku dhaqan degaankaasi, oo ay sheegayaan inay ka jirto macluul baahdey oo ka dhalatey abaaro. Sidoo kale waxaa iyaguna abaarahaas ay ka jiraan gobolada dalka Soomaaliya oo idil taas oo ugu wacantahay roob yaraantu. |
|
Daraasadan ku lug leh, boobka ay wadamada ajnabiga ahi ku hayaan dalka soomaaliya, waxaa afka talyaaniga inooga soo turjumay Bashiir Sh. Maxamad, aad ayaanna ugu mahad celinaynaa. |
|
Waxaa Soomaaliyeeyay: Bashiir Sh. Maxamad |
URANO PROJECT (Mashruucii URANO) Markii ay dhacday dawladdii Siyad Barre, aad ayay dadka hawlahan ku shaqalihi isugubaaqeen sidii mashruuca looga taabbo gelinlahaa Somalia. Warqad ay wada jir ugu saxiixeen magaalada Nairobi 24-kii June 1992-kii, Mr. Garelli iyo nin la yiraahdo Ezio Scaglione (Console onorario della Somalia) iyo ninka aadka loogu muransanyahay ee deggan xamar lana yiraahdo Marocchini baa laga akhriyey inay wadahadallo la yeelanayaan Soomaali si ay uga helaan dhul ay wasakhdaas ku aasaan. Bilihii Agoosto iyo September ee isla 1992-kii ayaa xoghayaha Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha degaanka (UNEP) ee fadhigeedu yahay Nairobi, Mr. Mustafa Tolba, wuxuu ganay “qayladhaan” uu ka digayey shirkado Talyaani ah oo qashin sun ah ku quba Somalia. Ninkaasi wuu ka gaabsaday inuu sheego magacyada shirkadahaaas waayo, buu yiri, dad badan ayaan naftooda halis gelin lahaa haddaan magacyo sheegi lahaa. Isla beryahaas waxaa la sheegay in Hargeysa laga dejiyey -lama sheegin sababta iyo sida toona- 81 kun oo litir oo ah sunta cayayaanka dhirta oo gabowday. Hay’adda UNEP waxay sannadkii 1997-kii u dirtay xeebaha Soomaalida qaarkood dad cilmibaarayaal ha oo uu hogaaminayey nin macallin Chemistry horay uga ahaan jiray Jaamicaddii Soomaalida oo la yiraahdo Mahdi Geeddi Qayad oo muddo bil ah soo wareegay xeebaha Mudug ilaa Jubbada Hoose oo yaab badan soo sheegay. |
BOGGA 3AAD |
|
Dagaalkii sokeeye oo laga baqayo in uu Soomaaliya dib uga qarxo NAIROBI JANUARY 30, Wararku waxay sheegayaan in laga cabsi qabo in dagaalkii sokeeye soomaaliya dib uga qarxo, asiga oo baaxad aad u ballaaran leh. Cabsidaas waxaa muujiyay guddiyo caalami ah oo loo xilsaaray in ay soo indhaindheeyaan xaaladda nabadeed ee soomaaliya. Waxaa cabsida dagaalkaa laga baqayo in uu dib uga dhexqarxo qabiilooyinka soomaalida sii xoojinaya, iska horimaadka taagan waqtiga la joogo, ee kooxaha qaarkood isku haystaan meelaha qaar sida Kismaayo iyo Muqdishu iyo hub aruursiga ay ku jiraan kooxaha qaarkood sida kooxda uu hoggaansho ina caydiid. Waxaa la sheegayaa in Ina caydiid hub ka helay dowlado ay ka mid yihiin Eritreya iyo Liibiya iyo masar, jabhadaha Raxanwaynta iyo Mareexaankana waxaa la sheegayaa in ay hub ka heleen Ithopia. Intaa waxaa soo raacda dagaalka afka ah ee kooxaha Muqdishu wada deggan isku hayaan, iyo iska horimaadka joogtada ah ee kooxahaas ka dhexereya sida kooxda ina Caydiid iyo Jabhadda Raxanwaynta, iyo kooxaha Kismaayo isku haysta. Gabar baa lagu dilay saddex kalena waa lagu dhaawacay xaafadda Gubta Muqdishu JAN 29, Laba kooxood ayaa xabado isku waydaarsaday xaafadda loo yaqaan Gubta ee xaafadaha Muqdishu ka mid ah, kooxahaas waxaa loo malaynayaa in ay ahaayeen kooxo ka mid ah qabiilka looyaqaan Murusadaha. Sikastaba arrintu ha ahaatee, la garan maayo sababta ka dambaysay dagaalkaas kooxahaas dhexmaray, hase ahaatee, waxaa ay xabado aad u badan oo ka dhacayay qoryaha autamatiga ah isku waydaarsadeen meel xaafaddaas dhexdeeda ah oo aad loo degganyahay. Xabbadahaas ay labadaas kooxood iswaydaarsanayeen, waxaa la sheegay in ay ku dhimatay gabar yar oo xabbadi ku dhacday inta qolyahaasi is cayrsanayeen, waxaa kale oo ku dhaawacmay gabadhaas ayaydeed iyo laba gabdhood oo kale. Gabadha dhimatay magaceeda wax inoo sheega ma helin, aabbaheed waxaa la yiraahdaa Maxamad cali Maag. Dagaallo Baydhaba ka dhacay Baydhabo Jan 29, Dagaal ba'an ayaa la sheegay in uu dhexmaray ciidamada Xuseen Caydiid ee haysta magaalada Baydhaba iyo ciidamada Raxanwayn ee doonaya in ay magaalada ka kacshaan ciidanka Ina Caydiid. Waxaa wararku intaa ku dareen in ay dagaalkaa ku dhinteen 10 qof 25 kalena lagu dhaawacay. Labada kooxood ee isaga soo horjeeda gobalka bay waxaa dhextaagan xiisad aad u kulul, Xuseen caydiid wuxuu jabhadda raxanwayn ku eedeeyay in ay tahay ciidan Itoobiyo ku adeeganayso. Odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle ayaa ayaguna Ina Caydiid ku eedeeyay in uu dalka hub badan dibadda ka soo gelshay uuna u qalab qaadanayo in uu sii kululeeyo dagaalka uu doonayo in uu ku qabsado goballada Bay, Bakool iyo Jubbada hoose. Dagaallo ka dhacay Shabeellada Dhexe MOGADISHU JAN 28, Dagaal ba'an ayaa ka dhex qarxay laba jilib oo ka mid ah qabiilka Abgaal, kuwaas oo la kala yiraahdo Celi Cumar iyo Cabdalle Caroone, labadaa jilib waxay degaan Shabeellada Dhexe, waxaana dagaalku ku dhexmaray tuulada Gabaxo ee Muqdishu u jirta 70km. Dagaalkaas waxaa lagu dilay ugu yaraan 31 qof, waxaa kale oo la sheegayaa in isla qolyahaas dagaal ku dhexmaray Carra-madowle oo 110 km u jirta Muqdishu. Kooxahaas oo dhammaantood ka mid ah qolyaha raacsan cali mahdi, waxaa la sheegayaa in dagaalkoodu ka billowdday dhul la isku haystay, dagaalkuna wuxuu dib u qarxay, kadib markii waanwaan socotay fashilantay. Cali Mahdi ayaa la sheegayaa in uu qolyahaas meesha ku dagaalamaya faray in ay dagaalka degdeg ku joojiyaan si loo qabto wadahadallo nabad lagu raadinayo. Lix Soomaali ah oo Kenya lagu dilay Kenya Jan 27, Lix soomaali ah oo ay ku jiraan laba dhallinyaro ah ayaa lagu dilay meel u dhaw xero qaxooti oo Kenya ku taal oo ay degganayaayeen kumanyaal soomaali ah, arrintaas oo keentay dagaallo qabyaaladeed oo isdaba yaal ah. Dadkaa la dilay oo dhammaantood rag ahaa oo ay ku jireen laba wiil oo midna 15 jir yahay midina 17 jir yahay, waxaa la helay ayaga oo geedo jiriddood lagu xirxiray dabadeedna la toogtay. Dagaalladaas waxay keeneen iska horimaadyo badan dabayaaqadii toddobaadkii la soo dhaafay, 14 qof ayaa 25kii bishan isbitaalka yimid oo qaar ay ku yiilleen dhaawacyo baangad lagu dhuftay ka soo gaaray, waxaana taas la jirtay in la gubay 91 coosh oo qaxootigu degganaa. Waxaa loo malaynayaa in colaaddaasi ay qabiilooyinka dhexdooda ka taagantahay, waxaana la tuhunsanyahay in qilaafku ka dhashay dhul daaqsin ah, hase ahaatee, UNHCR way caddayn kari waysay in dadka la dilay ay soomaali qaxooti ah yihiin iyo in ay soomaalida Keenya deggan yihiin. |
BOGGA 4AAD |
|
|
|
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan] Indheergaradka Soomaaliyeed Runtii waxaa aad isku hawlay arimaha Somaaliyeed indheergarad fara badan oo baaris cilmiyeed ku sameyay, bugaag fara badanna ka qoreen. Iskaashi cilmiyeed oo nuxur leh ayay la yeesheen aqoon yahanno aan Somaali ahayn. Afkaar fara badan iyo aragti balbalaaran ee ku saabsan wadciga Soomaaliyeed wa la isu dubba riday. Haddane Yoolkooda wuxuu ku janjeeri in aragtiyo amase "nadariyaad" cilmiyeed ay ka gaaraan. Inkastoo arintu tahay "war la helaa ayaa talo la helaa", dadaalka aqoon yahannada uma horseedin xal u helidda dhibaatada maanta taagan, waxaase laga helay macluumaad wax gal ah, dhibaatadana nuxurkeeda soo iftiimiyay, laakiinse hawshooda cilmi-baarista uma saamixin inay iskaashi wada shaqayn dhexdooda ay yeeshaan, YOOL midaysanna ay samaystaan. Sideedaba hawsha cilmi baarista waxay ku janjeertaa qof waliba maadada takhassuskiisa tahay hormarinteeda. Arinta adag "challange" waxay tahay tabtii looga faa'idaysan lahaa natiijada ka soo baxda baarista takhassusyadaasi, illeen mid kasta mushkilladda dhinaca "jaanibka " takhassuskiisa ayuu ka dersaye. Waxaa loo baahan yahay macluumaadkaasi cilmiyeed in la ururiyo inta ka dhinnaatana la dhamaystiro, dabadeedna loo jiheyo xal u helidda dhibaatadan ina dillotay. Arintaasi waxay sahli kartaa helitaanka nidaam siyaasi u habaysan in uu isku xiro fikradahaasi ee ku salaysan waaqica dhabta ah ee uu Dalka ku sugan yahay. Taasine waxay ku iman kartaa iyaga oo aqoonyhannada inta ay isku tagaan ee isu keena macluumaadka, uga soo baxay baaristii dheerayd ee takhassusyadooda kala duwan. Dabadeedna baadi goob u gala xal, si xaqiiqoyinka isherdinaya ee soo baxay meel dhexe laysugu keeni lahaa, loona furdaamin lahaa ka gudubkooda, xal waarana u horseeda. [Waa socotaa...] |
|
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo! Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan. Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel). |
|
Keenee gar daran? Qisada aan ku soo sheegay dhowrkii maqaal ee aan horey u fidinnay, waxey ku timid waraysi aan u qasday oo aan arintaan ku xog barayey, laakiin bal aan fiiriyo kuwa aanan u qasdin ee igu soo gaaray sida dheg duulka ah. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen tii aan ka faa'iidaystay mar aan aniga iyo koox saaxiibaday ah, kana kala yimid qabiillo kala duwan aan ku xifaaltanay miiskii aan ku shaah cabbaynay. Waxaan isku soo hadal qaadnay, sida caadiga ahayd ee aan badanaaba ka doodi jirnay, arinta murugsan ee Soomaaliya. Markaa ayuu mid walbaaba kelmado kaftan iyo yool baar isugu jira tuurtay, saa waxaa ka mid ahaa hadaladoodii oo ay kulligood ku soo gaban gabeeyeen in uu qabiilka Marreexaanku keenay fidnada oo dhan iyaga oo leh; kulli fidno cinda Marreexaan. 1. Kii Abgaal; Anaga waxaa waddankeenii naga bara kacshay oo jabkaan oo dhan inoo keenay Marreexaan, sababtuna waxaeey tahay; anaga iyo Habargidir isma aqoonin, ismana arki lahayn ee waxaa noo keenay Marrexaan oo soo dejiyey dalkeennii. 2. Kii Majeerteen; Anaga iyo Daarood oo dhanba waxaa jebiyey Marrexaan, oo waxa ay nagusoo faruureen Habargidirtii aan Hangoolka adag isaga haynay. 3. Kii Reer Xamar; Horta inkastoo ay nimankaan aad Mareexaanka iyo Habargidirta ku kala sheegaysaan iyaga oo is bursanaaya naga soo galeen gobolada dhexe, kadibna ay guryeheenii dumiyeen, anigu waxaan aaminsanahay in ay cidahani is leeyihiin oo ay anaga uun noo heshiiyeen. Tusaale; markii ay Daaroodku ka carareen Muqdisho, haddii ay hawiayaha kale soo qabtaan qof Marreexaan ah, waxaa isku dhejin jiray qof Habargidir ah oo dhahaayey; waa abtigey, walaashey, iwm ee car yaa taabta. Hawiyaha kalena waxay isku kalifaayeen sidii ay qof Marrexaan ku soo qaba lahaayeen, sababtoo ah waxaa laga dhaadhiciyey in iyaga aad loogu dhaarsanaa. Waa socotaa... |
|
1. Qandhada Heerkulka qofka caafimaadka qaba waa 37.5 C ama 98.6 F. Haddii ilma yari jirado waxaa Heerkulka gaadhi karaa 38, 39 ama 40 C ama ka badan. Heerkulka qofka waxaa lagu cabiraa thermometer loogu talagalay. Waxaase kaloo lagu ogaan karaa taabashada qofka qandaysan oo aad taabato, iyadoo aad daraymayso kulayl. Qofka jiran waa calaamad wanaagsan u ah, in lagu arko qandho ama xummad, maxaa yeelay waxay ku tusinaysaa in jidhkiisu is difaacayo oo uu ku jiro dagaal. Qofka xumadaysan aad buu u neefsadaa sidaas darteed wuxuu qaataa oksijiin badan, kaas oo raaca wareegga dhiiga. Wadnuhu aad buu u garaacaa wuxuuna geeyaa dhiig saa'id ah xubnaha, halkaas oo dhiigaas uu ku jiro dhiigga cadcad ee difaaca jidhka lana dagaalama qaabuqa. Markii xaraaradu sarrayso waxaa dhaca in qanjidho badani soo daayaan dheecaamo sida qanjidhada saaran kelyaha ee loo yaqaan "adrenal glands". Waxaa loo baahan yahay haddii ilmuhu ladnaado xitaa waa in ay maalin saa'id sii nastaan si uusan markiiba u qunbacan. Haddii qofku qabo xummad saa'id ah waxaa ku dhaca haraad badan, taas oo ay sababto dhididka badan ee ka baxa, sidaas darteed dhakhtaradu waxay kula taliyaan in qofkaasi qaato ama cabo biyo badan ama sharaab. Waxaa caan noqotay in ilmaha ama caruurta yaryari ka xummad sarreeyaan caruurta roonroon sidaas darteed, waxaa la siiyaa aspirin ama daawo u dhiganta ama antibiotic sida penicillin. Dhawr siyaabood ayaa xummadda loo dhimi karaa: 1. iyadoo la saarsaaro isbuunyo qabow. 2. in weel biyo qabow ku jiraan lagu rido. 3. in la siiyo enema (caaga jilicsan ee biyaha lagu shubto) biyo qabow ku jiraan. 4. in la siiyo sharaab qabow. 5. cusbitaalada waxaa marmar lagu dadaa buste qabow. Waa socotaa... |
BOGGA 5AAD |
|
|
Waa Maxay Kaalinta Haweenku Bulshada uga jiro? Haweeneydu waa lafdhabarta qoyska marka la eeggo dhismaha bulshada soomaaliyeed, waxayna hooyadu ka cayaartaa dhismaha qoyska kaalin aan marnaba la iska dhegatiri karin. Ayadoo sidaa ah ayaad hadana waxaad mooddaa in haweenka soomaaliya kaalintoodii bulshada ka maqantahay! marka aad eegto goobaha shaqada qaarkood, taasna waxaa ugu wacan ayada oo aaney haweenku fursad ku filan u helin xagga tacliinta iyo ka qayb qaadashada maamulka. Sababaha keenay dibudhaca tacliimeed iyo midka ka qaybgalka maamulka waxay isugu jiraan sababo caado kuwo diimeed iyo kuwa dhaqaale. Intii taliskii Siyaad Barre jiray waxaa haweenka soomaaliya ku faani jiray in boqolkiiba 60 xubnaha xisbiga hantiwadaagga kacaanka soomaaliyeed ay haween yihiin. Maanta oo ay xaaladdii dalku sii xumaatay haweenka soomaaliyeed xuquuq ay helaan daaye, waxay la kulmaan dhibaatooyin joogto ah oo isugu jira dil, dhac, boob iyo xadgudub. Haddii aan u soo gudbo kuwa dalka dibadda uga soo dhoofay ee maanta deggan waddamo horey u maray waxaad iyagana mooddaa in aanay wali la qabsan duruufaha dalalkaas ka jira oo ay wali ku dhegganyihiin caadooyihkii iyo figradihii madhabadeed ee ay dalkoodii kala yimideen. Intaas oo dhan waxaa ka sii daran in aan cidi soo hadal qaadin dhibaatooyinka maanta haysta dumarka soomaaliyeed, ama dibadda ha joogeen ama dalkii ha joogeene!. Tusaale ahaan, soomaaliya dhexdeeda haweenka maanta cidi ma qaymayso oo waxaa la xisaabsadaa ragga oo kali ah, marka wiil la dilo qabiilka oo dhan baa dagaal gelaya oo wiilkaa waa loo aarayaa, marka gabar la dilana digaagad dhimatay ayaa laga soo qaadayaa!. Maanta dhowr ka mid ah hablihii dalka dibadda uga soo cararay ayaga oo aad u yaryar ayaa jaamicadaha iyo iskuullada ku yaalla waddamada galbeedka ku jira, waxaana lagu rejawayn yahay in qaarkaas wax baranaya ay kaalin ka qaataan u dagaallanka xuquuqda haweenka soomaaliyeed meel kasta ha joogeene. |
|
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaan intaan dhex wareegayay internet-ka, waxaan soo booqday bog ay dhallinyaro soomaaliyeed oo waliba isku sheegay in ay yihiin (Arday iyo Aqoonyahanno) ku dooyayaan. Markii aan forum-ka boggaas fiirshay waxaan arkay in mowduuca ay bishaas ka doodayeen uu ahaa mowduuc haweenka soomaaliyeed khuseeya, waana mowduuca "gudniinka haweenka". Runtii aad ayaan mowduucaas u xiisaynayay, waxaanna damcay in aan doodda aqoonyahannada aqristo si aan uga faa'iidaysto, laakiin markii aan dhowr sadar aqriyay ayaan waxaan arkay in mowduuca cinwaanka u ah munaaqashada oo ah "gudniinka", iyo mowduuca ay ka hadlayaan aanay is lahayn. Dhallinyaradu waxay isku haysteen arrimo qabiil iyo arrimo diimeed, oo caay iyo aflagaaddo ayay meesha isku dhaafsanayeen, aniguna waxaan mooday in ay cilmi haweenka ku lug leh ka hadlayaan. Runtii aad baan arrintaas ula yaabay, meeshaasna waan ku hungoobay, waxaanna xasuustay hadalkii "Cigaal Shidaad" ee ahaa (geedyahow, ma waxaan ku mooday, mise waxaad noqotay, mise waxaan loo noqon doonin. Waxaan ku mooday libaax, waxaadna noqotay geed jirridkiis, waxaanse loo noqon doonin dheelmad cawo). Maalintaa laga billaabo waxaan ku fikiray in ay lagama maarmaan tahay in haweenka soomaaliyeed ay arrimaha ayaga khuseeya ayagu ka hadlaan oo aan cidkale u hadliin. Maanta Ilaah mahaddiis, wargayska Codka Somalida Cusub ayaa bog cusub furay, kaas oo haweenka soomaaliyeed ku dhiirri gelinaya, fursadna u siinaya in ay ra'yigooda si madaxbannaani leh u dhiibtaan. Maadaama laygu martiqaaday in aan ka mid noqdo gabdhaha soomaaliyeed ee boggan codkooda lagu billaabo, waxaan mar labaad xasuusinayaa haweenka soomaaliyeed in ay hurdada ka toosaan. |
BOGGA 6AAD |
|
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan: 1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog) 2. Mowduuca: Tawxiidka. 3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab. |
|
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre 5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin. |
CASHARKA 30AAD WAXYAABIHII KU SOO AROORAY XIDDIGAHA OO LAGU ROOBDOONO Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: [Ood ka yeelaysaan risiqiinna in aad beeninaysaan] Al-Waaqicah 82. Waxaa Abii Maalik Al-Ashcari Allaha ka raalli noqdee laga soo weriyay, in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Afar walxaato oo ummaddayda ku jira waxay ka mid yihiin amuurihii jaahiliyada kuwaas oo aanay ka tegayn: waana Gobanimada oo la isugu faano, iyo abtirsiinyada oo la duro, iyo xiddigaha oo lagu roobdoonto, iyo Maydka oo lagu dul booyo". Waxaa kale ee uu yiri:"Naagta maydka ka dul booyda haddii aaney tooba keenin inta aanay dhiman waxaa la soo baxshaa maalinta qiyaamaha ayada oo cabbuurro maar ah iyo shaarar cadho ah gashan"{Muslim}. Bukhaaari iyo Muslimna waxay Sayd Bin Khaalid Allaha ka raalli noqdee ka soo weriyeen in uu yiri: Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayaa salaadda subax Xudaybiya nagu tujiyay roob mir ah ka dib, kolkii uu salaaddii ka baxay ayuu dadkii u soo jeestay oo yiri: ma garanaysaan waxa Eebbihiin yiri?. Waxay dhaheen Eebbe iyo Rasuulkiisa ayaa naga og. Wuxu yiri: Wuxuu (Eebbihiin) yiri: Addoomahayga waxaa ka waa bariistay mid aniga i aaminay iyo mid igu kufriyay, kii yiraahda waxaan roob ku helnay fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa, kaasi wuu i aaminay xiddigahana wuu ku kufriyay, kiise yiraahda xiddig hebel iyo xiddig hebel baa inoo da'ay, kaasi wuu igu kufriyay xiddigahana wuu aaminay. Waxay labadoodu sidoo kale ka soo weriyeen xaddiiskii Ibn Cabbaas mid kan ku macne ah, waxaana ku jiray "Qaarkood baa yiri: xiddig hebel iyo xiddig hebel way runsheegeen, kolkaas baa Eebbe soo dejiyay aayaddan: [Waxaan ku dhaartay halkay xiddiguhu ku dhacaan. Waana dhaar wayn haddaad ogtihiin. Quraanku waa shay sharaf leh. Wuxuuna ku suganyahay kitaab la dhawray. Mana taabto ruux aan daahir ahayn. Waxaana soo dejiyay Eebbaha caalamka. Ee ma quraankan yaad beeninaysaan. Ood ka yeelaysaan risiqiinna in aad beeninaysaan]Al-Waaqicah 75-82. MAS'ALOOYINKA CASHARKA Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda ku jirta suuradda Al-Waaqicah. Tan 2aad: Waa in la sheegay afarta walxaato ee amuurihii jaahiliga ka mid ah. Tan 3aad: Waa in la sheegay in qaarkood lagu gaaloobayo. Tan 4aad: Waa in uu kufriga ku jiro qaar aan qofka diinta ka saarayn. Tan 5aad: Waa weedha uu yiri ee ah "Addoomahayga waxaa ka waa bariistay mid i aaminay iyo mid igu kufriyay" sababtuna ay ahayd nicmada soo degiddeeda. Tan 6aad: Waa in iimaanka loo fiiro lahaado meeshan. Tan 7aad: Waa in kufriga loo fiiro lahaado halkan. Tan 8aad: Waa in loo fiiro lahaado weedhiisa "Wuu runsheegay xiddig hebel iyo xiddig hebel". Tan 9aad: Waa in caalimku barid awgeed mas'alada u soo saaro waydiin ahaan, sida uu u yiri: Ma garanaysaan waxa uu Eebbihiin yiri? Tan 10aad: Waa goodinta loo goodiyay tan maydka ku dul booyda. |
|
Qaybtii 1aad Warsidaha Maalinlaha ah (The Daily News) Kanisadda Skotland way saartay dhalashadii Bikrada ee Ciise Masiix(CS) London: Tixraac dhalashadii bikrada waa laga saaray daabacaaddii kaniisadda Skotlaand, waana biyaan caqiido si la iskaga jiro ama la isaga ilaaliyo kala qaybsanaan iman karta oo ku iman karta xubnaha kaniisadda dhexdooda. Xoghayaha qaybta shaqada khaaska ah Re. David Beckett kaas oo soo saara warfaafinta wuxuu yidhi; "Ka saaridda arintan waxay ka dheereynaysaa kanisadda Skotland in ay ka fogaato barashadii diiniga ahayd ee Ingiriiska Katoligga ah (anglo-catholic) waxayna u dhawaynaysaa in ay ku biirto qaybta xorta ah ee kanisadda Ingiriiska ee uu hoggaamiyaha u yahay wadaadka Durham David Jenkins". Qoraalkan rasmiga ah ee cusub waxaa si rasmi ah loogaga dooday shirweynihii kanisadda Skotland ee lagu qabtay Edinburg. Si loo caddeeyo qiraalkii Westminiter ee la qoray 1640kii, si faseex ahna loo bayaaniyo ayaa guddiga caqiidada ay qabteen fursaddii ahayd in ay qaabeeyaan qoraalka ku saabsan (dhalashada bikrada). Mr.Beckett wuxuu yidhi "annagu waxaanu doonaynaa in aan soo saarno bayaan midayn ah, intii aanu keeni lahayn mid kala qaybinaya xubnaha. Waana bayaan ay xubnaha kansiisadda oo dhammi ay soo dhawaynayaan oo aan ahayn midka ay soo dhawaynayaan oo kaliya dadka u haysta dhalidda bikrada in ay tahay dhacdo taariikheed, laakiinse ay tahay mid ay raacsan yihiin kuwa taabacsan in ay tahay arrin caqiidi ah". Hoggaamiyeyaasha kaniisadda dhawaaqoodii qiraalkii Westminiter lama badalin, waa la soo koobay waana la soo casriyeeyey oo kaliya. (Waa socotaa...) |
BOGGA 7AAD |
|
|
Qaybtii: 24aad Dabbaalkii iyo Dhagarrowgii Dabbaalkii iyo Dhagarrowgii kolkii murankoodii dheeraaday, bay garsoore isula tageen, sheekadoodii baa garsoorihii dhegaystay, dhagarrowgii wuxuu sheegtay in dabbaalku lacagtii qaatay , dabbaalkiina wuu ku beenshay. Markaas buu dhagarrowgii ku yiri wax caddayn ah ma haysataa, wuxuu yiri; haa, geedkii lacagtu ku jirtay baa iiga marqaati ah in dabbaalku qaatay, dhagarrowguna aabbahiis ayuu faray in uu geedka ku dhuunto si haddii geedka la waydiiyo uu uga war celiyo. Dhagarrowga aabbahiisana geedkii buu aaday oo guntiisii buu ku dhuuntay, garsoorihiina markii uu dhagarrowgii taas ka maqlay ayuu yaabay oo asiga iyo kaaliyayaashiisii baa markiiba baxay, dhagarrowgii iyo dabbaalkiina sidoo kale, intii ay geedkii ka gaareen. Markaas buu waydiiyay arrintii, odaygii baa gudihiisa ka yiri;haa, dabbaalka ayaa qaatay, markii garsoorihii taas maqlay ayuu amankaagay oo xaabo diray oo geedka in la gubo faray, kolkaas baa hareeraha laga shiday. Dhagarrowga aabahiis ayaa markaas calaacalay, waana la soo baxshay asiga oo geeri ku dhawaaday, garsoorihii baa sheekadii waydiiyay, isaguna wuu u sheegay, markaas buu dhagarrowgii garaacay aabahiisna dharbaaxay oo cambaareeyay, dhagarrowgiina lacagtii ganaaxay, oo ka qaaday oo dabbaalkii siiyay. (Waa socotaa...) |
BOGGA 9AAD |
|
|
|
War dadkii is barbar yaacyee Sharcigiibaa dalbayeeshayoo Inta reer dawadiisa Hadba leys ku dayaayaba Ummaddii danbasowdaye Madoowbaa arintaasi? Niman yahow dalka fiicane Afartiisa docoodba Diinta aynu ku heynee Darajaale illaahay Qur`aankuu soo dejiyay Oo doorroonow Nabigeenuna Noogu sheegay daliilka Dadka aad u yaqaanee Dulmigiyo xalaasha daahir Aadka loo kala asheegay Maxaa keenay dilkaan aan Dambi dhaafka lahaynoo Jannada aad u macaanee Deeqlaheenu amaanay Maxaa la isaga diidayoo Dabka aan baqtiyeeniyo Naarta loogu dareeray. |
|
Qaybtii 12aad 131. Rag is galay kala gallad la'. 132. Rag hareertaada baa laga dayaa. 133. Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa. 134. Riyo lugtoodaa shalaw u soo du'da. | 135. Runtu ragga way ka nixisaaye ma disho. 136. Raganimo dantaamoogi bay ku jirtaa. 138. Rag waa raggii hore hadalna waa hadalkuu yiri. 139. Rawis reerkiisa looma dhaamo. 140. Raqiba waa raggeed. |
BOGGA 8AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|