Madaxwayne Cigaal dowladdiisu waxay taageertay dowladdii gooni u goosatada ahayd ee ka dhalatay koofurta yaman dhowrsano ka hor, taas oo dowladda Sanca awood u yeelatay in ay dhulka ka cayriso.
Arrintaasi waxay keentay in labada dowladood uusan wax xiriir ah oo wanaagsani dhexmarin ilaa iyo hadda, madaxwayne Cigaal wuxuu sheegay in dowladda Yaman martiqaadday, booqashadiisuna ay sidaa ku timid.
Waxaa kale oo uu sheegay madaxwaynuhu in xiriirka labada dal ka dhexeeya yahay mid aad u qoto dheer, oo kolka laga eego xagga diinta iyo carabnimada iyo afka uu xiriirkaasi sii ballaaranayo.
Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu sheegay in dadka reer Yaman u haysteen dadwaynaha reer somaliland in ay ku raaxaysanayaan dhibaatooyinka ka socda soomaaliya siiba koofurta iyo bariga.
Wuxuu Cigaal sheegay in aanay dadkiisu marnaba ku raaxaysanayn dhibaatooyinka ka dhacaya koofurka soomaaliya sida Muqdishu iyo Kismaayo, ayna jecelyihiin in nabad waarta soomaaliya ka dhalato.
Ciidamadii Puntland iyo Somaliland oo lakala qaaday
PUNTLAND April 7, 1999 (BBC), Ciidamo ay lahaayeen Somaliland iyo Puntland oo isku horfadhiyay magaalada Baraan ee ku taalla bariga soomaaliya ayaa dib loo kala guray kadib markii heshiis dhexmaray.
Wargayska la yiraahdo ayaamaha ayaa wuxuu sheegay in suldaan Saciid uu labada qolo dhexkeenay heshiis leh in ay labadooduba ka baxaan magaalada oo aanay soo gelin mar dambe.
Wargayskaasi wuxuu toddobaadkii hore sheegay in dhoollatus ciidan halkaas ka socdo kadib markii ay ciidamada Puntland qabsadeen maamulka magaaladaas.
Doorashooyinka madaxtinimada Jabuuti
DJIBOUTI, April 7 1999 (Reuters), Doorashooyinkii madaxtinimada dalkaasi Jabuuti ayaa raggii ku loollamayey isu baraaraynayaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen tartankaas.
Ismaaciil Cumar Geelle oo u sharaxan xisbiga dalka xakuma ayaa toddobaadkan booqasho ku soo maray koofurta dalka, oo ah dhinaca ay dadka cafarta ahi deggan yihiin.
Waxaa la sheegayaa in uu diyaarad helikobtar ah adeegsaday oo u kala gooshay degmooyinka halkaa ku yaalla, asiga oo ka ballan qaaday dadka meeshaa deggan in uu dhisi doono guryo beerahana daryeeli doono.
Ismaaciil Cumar oo 55 jir, waxaa loo malaynayaa in uu noqdo ninka bedeli doona madaxwayne Xasan Guuleed oo dalka xukumayay tan iyo intii faransiisku dalka ka kacay 1977kii.
Jaalle Ismaaciil wuxuu ka soo shaqeeyay xafiiska madaxwaynaha asiga oo halkaa madax ka ahaa, kadibna wuxuu noqday madax xoghaynta dowladda, kadibna madaxwaynaha ayaa soo caleemasaaray.
Nin u hadlay mucaaradka ninka u sharaxan Muuse Axmad Idiris ayaa ku eedeeyay xisbiga maamulka haya in ay jebinayaan xeerarka doorashada, ayaga oo xoolaha dalka u adeegsanaya qabanqaabada is sharaxiddooda.
Wuxuu sheegay in ay adeegsanayaan ciidanka xoogga dalka iyo maamulka dowladda iyo xataa tareenka itoobiya iyo jabuuti u kala goosha, sidaa waxaa Reuters u sheegay Maxamad Muse Toortoor oo mucaaradka u hadlay.
Sida ay sheegayaan dibolomaasiyiinta reer galbeedka iyo dadka deggan Jabuuti, xisbiga dalka xakumayay 22kii sano ee la soo dhaafay ayaa loo malaynayaa in uu doorashada ku guulaysto, maxaa yeelay mucaaridka khilaaf wayn baa ka dhexeeyay mar dhaw ayayna midoobeen oo nin soo sharaxdeen.
Waxyaabaha ugu waawayn ee doorashooyinka lagu ballan qaadi doono waa shaqo u helidda bulshada reerjabuuti ee da'yarta ah, iyo dowladda dhibaatada kala soo gudboonaatay bixinta mushaarka shaqaalaha.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dowladdaas yar ee aan dadkeedu dhaafayn 600 ee kun, waxay ku sugnaan doontaa xaalad aan halna deganayn taas oo ay keenayaan deriskeeda dagaalka ku jira Itobiya iyo Eritereya iyo nidaam darrada soomaaliya ka jirta.
Madaxwaynaha Cusub ee Jabuuti
Wararkii ugu dambeeyay ee inaga soo garay Jabuuti waxay sheegayaan in doorashooyinkii la qabtay maalintii jimcaha ee la soo dhaafay, uuna ku guulaystay ninka la yiraahdo Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa ninkii uu soo sharaxay xisbiga dalka xakuma.
Ismaaciil wuxuu ku guulaystay 74.1% boqolkiiba, ninka mucaaradka ah Axmad Idiris, wuxuu helay 25.9% boqolkiiba. Sidaa waxaa maalintii Sabtida telefishin Jabuuti ka sheegay wasiirka arrimaha gudaha.
Daacuun ka dillaacay Somalia
SOMALIA April 6, 1999 (BBC), Cudurka daacuunka ayaa la sheegayaa in uu soomaaliya si xun uga dillaacay, waxaana ofishaalaha caafimaadku sheegayaan in ay runtii aad uga welwelayaan fiditaanka cudurkaasi dalka ku fidayo.
Cali Xuseen Caliyow oo madaxa degmada Qoryooleey ayaa sheegay in ay dhinteen dad gaaraya boqol qof dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay. Madaxda degaankuna waxay sheegeen in cudurkaasi aad u fidayo, wax ka hortag ah oo la sameeyana aysan jirin.
Wararka ka imaanaya Jilib ayaa ayaguna waxay sheegayaan in daacuunku halkaa ku dilay 30 qof labadii toddobaad ee la soo dhaafay, laba boqol oo qof oo kalena xaalad qatar ah ayay ku sugan yihiin.
Weriyayaashu waxay sheegayaan, in daacuunku uu soomaaliya cudur joogto ah ku noqday, laakiin uu sanadkan gaar ahaan ku xumaaday goballada Gedo iyo Bay, taas oo ay u wacnayd dadka badan oo dhulkoodii ka qaxay, dagaalka iyo abaarta dhulka ku habsatay.
Wiil Soomaaliyeed oo ku dhintay Sydney
Sydney(Somali Sydney News Letter), Shil
baabuur oo naxdin leh ayaa waxaa ku geeriyooday wiil Soomaaliyeed,
habeenimadii Axadii saacadu markay ahayd qiyaastii 2:00AM ayaa shil
naxdin leh oo ka dhacay jidka xaafada Sury Hills ee Sydney uu ku
dhintay Alaha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Warsame oo 19 jir ahaa horayna u daganaan jiray magaalada Melbourne bil ka horna u soo
wareegay magaalada Sydney ee xaafada Auburn.
Wiilka Somaaliyeed oo uu la socday saaxiibkii waxay geerida naxdinta leh ku timid markii ay
soo raaceen baabuur ay wateen laba gabdhood oo walaalo ah da`dooduna
kala ahayd 25jir iyo 19jir.
Shilkaas oo loogu magacdaray [Tartankii
Dhimashada] sababtoo ah baabuurka gabadhaas ay waday wuxuu ku socday
xawaare xad dhaaf ah oo gaaraya 100 ilaa 140km/h kadibna waxay
lumisay awoodii ay ku waday baabuurka taas oo keentay in uu wiilka
Soomaaliyeed islamarkiiba meesha ku geeriyoodo(Alaha unaxariistee) .
Waxaana meeshaas dhaawac halisa ka soogaaray gabadhii waday baabuurka
gabadhaas oo ladhigay isbitaalka kadibna sida warku nagu soo gaaray
ku geeriyootay isbitaalka maalinimadii Talaadada. Sidoo kale waxaa
dhaawac halis ah ku soo gaaray gabadhii kale ee la socotay gaariga ee
walaasheed ahayd waxayna ku jirtaa ilaahaatan isbitaalka .
Shilkaas waxaa si nasiib leh uga badbaaday wiilkii kale ee Soomaaliga ahaa
(Ale mahadiiyee).Alaha unaxariistee Marxuum Maxamed Ibrahim waxaa
lagu aasay Qabuuraha Lidcombe Maalintii talaadada ahayd.
Uguyaraan 4 qof ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay Baydhabo
MOGADISHU, April 6 (AFP), Uguyaraan 4 qof ayaa lagu dilay 6 kalena waa la dhaawacay kadib markii Jabhadda Raxanwayn (RRA) ay weerar hebeennimo ku soo qaaday magaalada Baydhabo, sidaa waxaa sheegay maalintii Talaadada nin u hadlay Jabhadda Raxanwayn.
Weerarkaasi wuxuu ahaa aargudasho loogu aargudayo saddex taageerayaasha (RRA)-da ka mid ahaa oo la dilay iyo 14 aqal oo ay ku gubtay Buulo Hadamo maalin ka hor, jabhadda Xuseen Caydiid. Sidaas waxaa AFP-da u sheegay maalintii Talaadada nin u hadlay (RRA) oo la yiraahdo Bashiir Cabdi.
Dadka la dilay saddex ka mid ah waxay ahaayeen ciidanka (RRA)-da. War ay jabhaduhu Baydhabo ka soo sheegeenna wuxuu leeyahay, in Jabhadda Caydiid oo raadinayay hub ay aqallo dad aadd u sabool ahi degganaayeen dab qabadsiiyeen.
Hubkaas waxaa la sheegayaa in ay ka xadeen ciidanka (RRA)-du xaafad ku taal dhanka bari ee Baydhabo oo ay habargidirtu aad u deggan tahay.
Hase ahaatee, nin u hadlay RRA-da wuxuu guryahaas la gubay ku tilmaamay in ay yihiin kuwo loo kasay looguna tala galay in dadka Raxanwaynta ah looga cayrsho dhulkooda si loogu bedelo ddablayda Caydiid ee aan "bani'aadamka" ahayn.
Wax hub ah oo dadka deggan Buulo Hadamo xadeen ma jiraan, laakiin hubka waxaa qaatay ciidan weerar ahaa oo RRA-da ka tirsanaa. Sidaa Abdi baa yiri.
Laba qof oo kale ayaa si xun ugu dhaawacmay dabka ay qabadsiiyeen ciidanka Caydiid xaafadda Raxanwaynta, dadka halkaa deggan ayaa sidaa yiri.
Labada qolo dagaalkoodu wuxuu billowday 1995kii, kadib markii Maxamad Farax Caydiid uu ka qabsaday Baydhabo iyo agagaarkeeda dadka Raxanwayn.
Jabhadaha Muqdishu oo sugaya jawaanno lacag ah!!
MOGADISHU, April 5 (AFP), Ciidamada jabhadaha jooga Muqdishu ayaa waxay ku kulmeen agagaarka gegida diyaaradaha ee Ballidoogle, halkaas oo la filayay in ay ka soo degto diyaarad sidday lacag cusub oo qiimaheeda lagu qiyaasay 17 milyan oo doolaar.
Ciidamada daacadda u ah Xuseen Caydiid ayaa xaydaan ku qabtay gegida diyaaradaha Ballidoogle ( oo 90 km woqooyiga Muqdishu), halkaas oo lagu sugayay lacag gaaraysa 135 bilyan oo lacag soomaali ah oo lagu soo caddeeyey Canada.
Dablayda qolada Cayr oo taageersan Caydiid ayaa ayaguna ciidan u soo diray Ballidoogle iyo agagaarkiisa si ay lacagta santuuqdooda uga buuxsaadaan.
Goobjooggu waxay sheegeen, in Ballidoogle iyo agagaarkiisa hub qatar ah lagu goglay, kaas oo ay ka mid yihiin qoryaha banbanka ah, baasuukaha iyo gantaallada lidka diyaarada.
Socotada imaanaysa magaalada Muqdishu waxay sheegeen in ay dablayda hubaysani qasayeen waddada nabadgelyadeeda, intii ka dambaysay toddobaadkii la soo dhaafay, kadib markii la isku khilaafay arrinta lacagtaas imaanaysa.
Caydiid wuxuu sheegay in lacagtaas la daabacay ayada oo aan loo cuskan wax qaanuun ah, maxaa yeelay soomaaliya dowlad malahayn wixii ka daambeeyay sanadkii 1991kii markii xukunkii Siyaad Barre dhacay, sidaa darteed, lacagta waxaa iska leh buu yiri, maamulka midaysan ee Muqdishu.
Hase ahaatee, qolada Cayr oo ah qolo hubaysan xoolo badanna haysta, waxay sheegteen in ay wax ka dhiibeen qarashka lagu soo daabacay lacagtaas.
Duqayda qolyahaas ayaa waxay mashquul ku ahaayeen Isniintii sidii ay xal ugu heli lahaayeen dhibaatadaas ka dhalatay lacagta, hase ahaatee, way awoodi waayeen in ay dejiyaan xiisadda, sidaa waxaa sheegay duqay xogogaal ah iyo ciidanka jabhadaha qaarkood.
Lacagtaas waxaa markii hore la filayay in ay Muqdishu soo gaarto 2dii April, waxaase dib loogu dhigay arrimo nabadgelyo awgood.
Maalintii isniinta, shilinka soomaaliga waxaa lagu sarrifayay 8,110 halkii doollaar, waxaase laga yaabaa in uu gaaro 10,000 oo shilin halkii doolaar, lacagtaa la filayo haddii ay timaado.
Warar kale oo cusub ayaa ayaguna waxay sheegayaan in uu heshiis dhex maray ganacsatada Cayr ee bixiyay qarashka daabacaadda iyo Xuseen caydiid, oo lagu heshiiyay sidii lacagtaas loo qaybsan lahaa, waxaa kale oo la sheegayaa in lacagta lagu qiyaasay lacag u dhiganta afar milyan oo doolaar oo maraykan ah, waxaana Canada ku soo daabacay sharikado Malaysia laga leeyahay.
Ciidankii Booliiska Muqdishu oo la kala diray lacag la'aan awgeed
MOGADISHU, April 4 (AFP), Ciidankii booliiska ee la sameeyay bishii Ogosto ee la soo dhaafay ayaa la kala diray kadib markii loo waayay lacag mushaar ahaan loo siiyo.
Ciidankaas waxaa abaabulay Caydiid iyo Cali Mahdi iyo Qanyare, waxaana la doonayay in lagu mideeyo magaalada Muqdishu oo looga hortago boobka iyo dhaca tuuga magaaladaas gacanta ku dhigtay.
Xubnihii ciidankaas kuwii ugu dambeeyay ayaa shalay xerada ka tegay ayaga oo qoryahoodii iyo hubkoodii sita, waxayna dib ugu biireen ciidankii qabiilkooda.
Ciidankaas oo tiradoodu ahayd 700 oo askeri waxaa la sheegayaa in aanan wax mushaar ah la siin afartii bilood ee la soo dhaafay, waxaana wararku sheegayaan in Liibiya bixisay 800,000 oo doolaar si ciidankaas loogu taakuleeyo, hase ahaatee, ay nimanka madaxda ahi ku gateen baabuur laankuruusar ah iyo aqallo waawayn.
Warkaas waxaa xaqeejiyay taliyihii ciidanka booliiska Muqdishu Cabdi Xasan Cawaale "Qaybdiid" oo sheegay in ciidankii loo taba baray la dagaallanka tuugada Muqdishu la kala diray.
Abaanduulayaasha kala ah Cismaan Caato, Xuseen Xaaji Bood iyo Muuse Suudi Yalaxow, ayaa waxay hore si xun ugu dhaleeceeyeen abaabulidda ciidankaas, waxayna ku tilmaameen fal aan suurtagal ahayn oo loogu tala galay in lacag looga sabto dowlado aan xaalka soomaaliya war kahayn.
Xuseen Xaaji Bood oo hub cusub la soo degay
MOGADISHU, April 3 (AFP), Abbaanduule Xuseen Xaaji Bood ayaa wuxuu soo degsaday hub cusub, kaas oo ay keeneen baabuurta xamuulka qaada, sidaa waxaa sheegay dad goobjoog ahaa.
La garan maayo meesha hubkaas ka yimid, waxaase laga soo xigtay nin ragga hubkaas dejinayay ka mid ahaa, in hubkaas lagu dejiyay goobta Gedoole ee xerada jabhaddu ku taallo badankiisuna ahaa rasaas.
Baabuurtaas hubka sidday waxay Muqdishu soo galeen ayaga oo ay garab socdaan ciidamo badan oo wata hub culus oo ay ka mid yihiin qoryaha banbanka ah ee baabuurta dushooda laga taagay.
Cali Mahdi wuxuu ku eedeeyay Ethiopia in ay hub siinayso Ina Bood, Ethiopiana way beenisay edeeyntaas.
Qiimiha hubka Soomaaliya lagu kala gato, oo hoos u dhacay
MOGADISHU, April 2 (AFP), Qiimihii hubka lagu gadan jiray Soomaaliya ayaa la sheegayaa in uu aad hoos ugu dhacay, kadib markii ay dalka ku fideen warar sheegaya in jabhadahu hub badan la soo degayaan.
Axmed cabdulle Ibrahim oo tukaan hubka lagu gado ku leh suuqa Argentin ee hubka, ayaa yiri, qoriga AK-47 oo aad looga adeegsado Soomaaliya waxaa lagu gadi jiray 1.8 milyan oo shilin ama US$225 bishii janaayo ee la soo dhaafay, maantana waxaa lagu gadaa 1.1 milyan shilin ama US$137.
Sidoo kale waxaa hoos u dhacay qiimaha risaastiisa oo ka soo dhacday US$ 60 cent ilaa US$ 22 cent. Waxaa suuqa hubka argentin aad u xumeeyay wararka la isla dhexmarayo, maxaa yeelay qof kasta wuxuu sugayaa hubka raqiista ah ee la filanayo. Sidaa Ibrahim baa yiri.
Qorayga Jarmalku sameeyay ee loo yaqaan G3 ayaa asiguna 50% qiimihiisii ka dhacay suuqyada ugu waawayn ee hubka ee kala ah Argentin iyo Bakaaraha.
Khamiistii la soo dhaafay, qorayga G3 waxaa la gedayay US$100, laba bilood ka horna waxaa la iibinayay US$190. Rasaasta qoraygan, oo badanaa adeegsadaan abgaalka deggan waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaa la gedayay US$ 75 cent, waxayna u soo dhacaday US$ 20 cent.
Qiimaha qoryaha waawayn iyo lidka diyaaradaha isma bedelin, laakiin rasaastooda ayaa qiimaheedii 60% hoos u soo dhacay suuqa Bakaaraha halkaas oo ah meesha hubka laga jamlaysto.
Suuqyo kale oo yaryar (Mini-markets) oo ku yaalla Madina iyo Huriwaa ayaa ayaguna sheegay in qiimihii hubku hoos u dhacay. Qiimaha qorayga aad loo adeegsado ee loo yaqaan "dabajeex" wali wuu kacsanyahay, laakiin wuxuu ka soo degay qiimihiisi hore haddana waxaa la gadaa 8 milyan oo shilin ama US$1000.
Qorayga meelaha fog wax ka dila ee Ruushku sameeyay ee la yiraahdo BKM, waxaa badanaa adeegsadaan abaanduulayaasha iyo kaabaqabiillada muhiimka ah, iyo burcadda iyo ragga maalqabeenka ah ee ka baqaya aargudasho ka timiday colaad hore, sidaa waxaa sheegay jabhad waaya arag ah.
Qiimaha bambada gacanta lagu tuuro isma bedelin, sicirkoodu wuxuu ka ahaa afar doollaar suuqyada waawayn iyo kuwa yaryar intaba.
Sabbaynta qiimaha hubka wuxuu dhashay kadib markii ay abaanduulayaasha jabhaduhu isku eedeeyeen in ay hub ka soo dhoofsanayaan dowladaha deriska ah, waana arrin ay hubiyeen qolyo kale oo madax bannaan.
Nin ganacsatada jabhadaha ka mid ah oo tukaan ku leh suuqa Bakaaraha ayaa (AFP) u sheegay, in hub badan oo cusub suuqa lagu soo daadshay, kadib markii uu Xuseen caydiid u qaybshay taageerayaashiisa hub.
Ninkaa ganacsadaha ah oo diiday in magaciisa la sheego, arrimo nabadgelyo awgeed, wuxuu intaa ku deray in aanan suuqu haysan hubka
artilleryga iyo minada dhulka.
Madaxda Jabhadaha qaarkood oo Ethiopia eedeeyay
MOGADISHU, March 31 (AFP), Cali Mahdi ayaa ku eedeeyay Ethiopia in ay hubaynayso cadawgiisa, ayna is hortaagayso dadaalka dalka iyo duniduba ugu jiraan sidii soomaaliya nabad looga dhalin lahaa.
Ethiopia waxay hub badan keentay toddobaadkan Baladwayne, waxayna u qaybisay kooxo nabadda ka soo horjeeda iyo qolyo kale oo deggan degmooyinka aniga i hoos yimaada. Sidaa waxaa AFP-da u sheegay Cali Mahdi.
Wuxuu intaa ku deray in Etthiopia ay kharibayso nabad raadinta ka socota soomaaliya, wuxuuna dunida ka codsaday in arrintaa wax laga qabto.
Saraakiisha nabadgelyada ee waqooyiga Muqdishu waxay sheegeen in hubka laga keenay Ethiopia badankiisu qoryo iyo rasaas yahay, laakiin ay la socdaan hub culus sida, gantaalka lidka diyaaradaha 37mm, iyo madaafiicda 106mm ah, iyo qoryaha hoobiyaha ah iyo dayactirka hubkii hore ee la adeegsaday waqtigii Siyaad Barre dhacay wixii ka dambeeyay.
Hub kasta oo ay keento Ethiopia gacanta uma gelin karto hoggaanka soommaaliya qolyo ama qabiilooyin hooseeya oo aan caan ahayn, si ay ugu adeegaan maslaxaddeeda gaarka ah. Sidaa Cali Mahdi ayaa yiri.
Ethiopia waxaa lagu tuhmayaa in ay hub siisay qabiillada Xawaadle iyo Raxanwayn, kuwaas oo ka soo horjeeda Ina Caydiid iyo Midawga Abgaal. Ali Mahdi ayaa yiri.
Warar kale waxay sheegayaan in baabuur badani ka baxday magaalada Muqdishu maalintii Talaadada ayaga oo ku sii jeeda dhinaca Beledwayne, si ay u soo qaadaan hub badan oo uu leeyahay Xuseen Xaaji Bood, oo hadda jooga Beledwayne.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in xuseen caydiid hub fara badan u qaybshay qabiilkiisa iyo dhammaan dadka asiga taageersan, waxaana la sheegayaa in caydiid hubkaas ka helay Liibiya iyo Eritrea iyo Yaman.
Saraakiisha Gargaarka oo sheegay in Jabhadda Itixaadku dishay gabadhii Maraykanka ahayd
NAIROBI, March 30 (AFP), Saraakiisha sare ee gargaarka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay kooxaha Itixaad al-Islaami in ay ka dambeeyeen dilkii gabadhii maraykanka ahayd ee la oran jiray Deena.
Gabadhaas oo la dilay 2dii bishii marso, waxay u sii socotay dhulka soomaaliya ayada oo doonaysa in ay ka shaqayso fidinta gargaarka ay wadeen kooxo kirishtaan ah oo halkaa deggan.
Gabadhaas waxaa la dilay ayada oo maqaayad shaah ka cabaysa oo ay sheekaysanayaan odayaasha beelahaas iyo saraakiisha gargaarka soomaalida qaar ka mid ah.
Ninka gabadhaas dilay waxaa lagu magacaabaa bay saraakiishu dheheen Axmad Kabawayne, markii uu ninkaasi rasaasta ku furay gabadha waxay soomaalidii halkaas joogtay isku dayeen in ay qabtaan, laakiin rag kale oo dablay ahaay ayaa u soo hiilliyay oo xabbad kor u riday.
Gabadhaas waxaa loo soo qaaday isbitaallada ku yaalla dhinaca keenya, raggii soo qaaday waxay sheegeen in ay ooyaysay intii ay soo sideen, hase ahaatee ay goor dambe aamustay.
Gabadhaas waxaa la dilay 15 daqiiqo kadib markii ay dhulka soomaaliya cagaha dhigatay, waxaana la sheegayaa in soomaaliya tahay meel aad qatar u ah, gaar ahaan dadka khubarada ah ee ka yimaada galbeedka.
Kooxaha al-Itixaad ee meeshaa deggan waxaa maamula nin maalqabeen ah oo la yiraahdo Sheekh Xuseen Cabdulle "Turki". Waxaana la sheegayaa in ay yihiin kooxo aad u hubaysan oo doonaya in ay dhulkaas ku dhaqaan shareecada Islaamka.
|