Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
S o m a l i    E l e c t r o n i c    J o u r n a l
A Destination for Somali News, Business and Culture
SEJ Logo
  • Somali Studies
  • Somali Culture
  • Business
  • Communication
  • Computers
  • Education
  • Entertainment
  • Hobbies
  • Internet
  • Jobs
  • Libraries
  • Music
  • S.E.Journal
  • Newspapers
  • Organisations
  • Search Engines
  • Shopping
  • Sports
  • Travel
  • Women
  • Gundhigga Wargayska
    Akhriso B. Martida
    Taariikh: 12.3.2000
    Saxiix B. Martida
    FREE DOWNLOADS - LASOO DEG QORAALLO BILAASH AH
  • Wararkii toddobaadkan oo af ingiriis ah
  • Buug cusub oo afsoomaali ku qoran
  • BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA

    Warbixin kooban oo ku saabsan

     Wargayska SEJ
    List Name: Somali Electronic Journal (SEJ)
    Purpose: Somali news, views and links
    List Type: Announcement (read only)
    Subscription:Does not require owner approval
    Archive: Readable by subscribers only
    Created: Jan 09, 2000
    To Join: Send an email to SEJ-subscribe@topica.com
    Stats: 427 subscribers
    Massages per week: 1 or 2 messages per week
    List Owner: Somali Electronic Journal
    Subscribtion fees: Free (there are no subscribtion fees)
    Language: Somali Language
    To unsubscribe SEJ: Send an email to SEJ-unsubscribe@topica.com
    Maxaa cusub toddobaadkan![Somali]
    Wararka Somalida:
  • Waraysi aan la yeelanay Maamulaha Bogga SomaliTalk.
  • Gabar reer Denmark ah oo maxkamad lagu soo saaray masabidasho ay soomaalida u gaysatay.
    Maqaaladaha iyo Daraasooyinka:
  • Daraaso cusub oo la xirta xarakaadka Islaamiga ah iyo Islaamka.
    Qoraalkii toddobaadka:
  • In kor u dhaaftay 200 oo qof maqaallo ay ku qoreen buugga martida ee SEJ saddexdii sano ee la soo dhaafay oo akhristayaasha loo soo bandhigi doono toddobaadkan asiga oo free ah oo ay la soo degi karaan.
    Liiska SEJ iyo Ciidda:
  • Liiska SEJ oo akhristayaasha loo furi doono toddobaadkan soo socda, si ay isu dhaafsadaan tahniyadaha ciidda, haddaba si aad ugu gudbiso tahniyaddaada iyo salaamahaaga akhristayaasha SEJ, waa in aad rukumatid SEJ, waxaa tahniyadaha loo diri karaa SEJ@topica.com laga billaabo maalinta Axadda ee bisha March tahay 12.
    Maxaa kale?
  • SEJ waxaa kale oo uu akhristayaasha u soo bandhigi doonaa qoraalladii caadiga ahaa ee isugu dhafnaa, wararka, maqaaladaha, Daraasooyinka, Murtida iyo Madadaalada.
    Xusuus:
  • Wargayska SEJ bishii la soo dhaafay wixii ka dambeeyay wuxuu noqday mid u gaar ah dadka rukunta oo kaliya,, oo aanay akhrin karin dadka aanan rukuman, sidaa darteed, dadka wargayskan xiiseeya waxaan ka codsanaynaa in ay rukuntaan wargayska si ay ugu soo biiraan boqollaalka soomaalida ah ee akhrista wargayskan xiisaha leh.
  • Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    BOGGA 2AAD WARARKA SOOMAALIDA
    Waraysi aan la yeelanay Tifaftiraha Somalitalk.com
  • Tfaftire: Mohamed Ali
  • Somalitalk.com Team
  • email: somalitalk@hotmail.com
  • www: http://somalitalk.com
  • Fax: 1-561-828-5949
  • Feedback: http://somalitalk.com/feedback/
  • SomaliTalk Banner
    Qaybtii 1aad:
    Waxaa farxad wayn inoo ah toddobaadkan in aan akhristayaasha soomaaliyeed u soo bandhigno waraysigii aan la yeelanay Tifaftiraha bogga sida aadka ah loo xiiseeyo ee Somalitalk.com.
    Sida dhallinyarada Soomaaliyeed ee internetka baarta ka warhayaan, Somalitalk.com, wuxuu ka mid yahay bogagga ugu muhiimsan guryaha ay Soomaalidu ka dhiseen internetka.

    Sida aan la wada soconno, internetka waxaa hadda ku jira ilaa labaatameeyo bog oo habaysan oo Soomaalidu leedahay, laakiin waxaa nasiib darro ah in hal iyo labo mooyee, inta kale ay dano gaar ah u adeegayaan oo aanad badanaa ku arkayn wax xil gaar ah iska saaraya qaddiyadda ummaad Soomaaliyeed.

    Si kastaba ha ahaatee Somalitalk.com inta aan ka ogahay anigu shakhsi ahaan wuxuu ka mid yahay bogagga sida daacadnimada leh ugu shaqeeya danaha umadda soomaaliyeed, taas ayaana ii gaysay in aan tifaftiraha waraysi gaar ah la yeesho si aan waxqabadkiisa iyo dadaalkiisa ugu soo bandhigno akhristayaasha wargayska SEJ, waxaanna tifaftiraha waydiinnay su'aalaha soo socda.

    http://www.Somalitalk.com/
    S: Walaal bal marka hore isbarasho wanaagsan, waxaan jeclaanlahayn in aad inoo sheegto magacaaga iyo waxa aad ka shaqayso?.

    J: Walaal magacayga waxaa la yiraahdaa Maxamed Cali Aadan. Waxbarashadaydana haddaan kawarramo waxaan kulliyadaii Injineeriya ee Jaamacaddii Gahayr bilaabay dabayaaqadii sannadkii 1986. Laakiin iyada oo aanan weli dhammaystirin ayaa dagaalkii Soomaaliya kabilaabmay 1990. Markii aan imid carrigan aan hadda kunoolahay ee Canada saddex sano kahor ayaan dib u qabanqaabiyey in aan siiwato waxbarshadii.

    Hadda waxaan dhigtaa Jaamacad kutaal magaalada London, Ontario oo mageceeda layiraahdo University of Western Ontario. Waxaan rajeynayaa in aan dhammaystiro BSc bisha April ee 2001, Insha Allah. Dabcan waxaan hadda ahay arday buuxa, taas oo meesha kasaareysa su'aashii shaqada.

    Asaaskii Somalitalk.com
    S: Aniga oo kuu soo koobaya su'aalahayga, waxaan doonayaa in aad akhristayaasha figrad kooban ka siiso Boggan Somalitalk, ee aad aasaasteen, maamulkiisa, xubnaha howsha wada iyo waxqabadkiisa?

    J: Haddaan warbixin kooban kabixiyo Somalitalk.com; ugu horrayn waxaan asaasnay bishii September ee Sannadkii 1999. Xaruntiisuna waa magaalada London, Ontario ee dalka Canada.
    Waxaan Somalitalk.com bilownay markii aan aragnay baahida ay Soomaalida ku dhaqan meelaha kafog Soomaaliya u qabaan helitaanka wararka iyo akhbaaraadka Soomaalida kale.

    Sida aan lawada socono Soomaalidu hadda waxay kudhaqanyihiin dhamman geesaha adduunka, taas oo aan u aragnay sida ay lagama maarmaanka u tahay kala war qabka Soomaalida. Taas oo xaqiiqadii aniga shakhsi ahaan igu dhalisay in aan u doorto bogga magac katarjumaya dhammaan Soomaalida, isla mar ahaantaana ka hadlaya danaha guud ee Soomaalida. Waana taas sababta aan ugu bixinay magaca Somali Talk.

    Maamulka iyo Xubnaha Somalitalk.com
    Maxamed Cali (Madaxa Somalitalk.com) – London, Canada, Abdullahi Abukar (Xiriirka dadweynaha) – London, Canada, Maxamed Abdullahi (Talabixinta) – London, Canada, Xubnaha sida joogtada warka usootebiya Somalitalk waxaa kamida: Cabdiraxiim Yuusuf (Californio, USA), Ikraam Naasir (Sweden), Abdullahi Moalim (Jakarta, Indonisia), Maxamed Xasan (Italy), Xujaale (Michigan, USA), Maxamud Maxamed (Nairobi, Kenya), Muxyadiin (Washington, Seattle, USA)>
    Waxaa kale oo jira asxaab farabadan oo noosootebiya talooyin iyo akhbaaro muhiim ah, kuwaas oo xusid iyo ammaan mudan.

    Waxqabadka Somalitalk.com
    Waxa ugu muhiimsan ee aan u qabano Soomaalida waxa ugu horreeya isku xirka Soomaalida kusugan geesaha caalamka, taas oo aan ku dadaalo in aan hello wararka Soomaalida kudhaqan goobahaas fogfog kaddibna aan kusootebino Somalitalk.com.

    Wax yaabaha kale ee aan u qabano Soomaalida waxaa kamida; Baafinta Soomaalida kalamaqan, xayaysiiska ganacsiga Soomaalida, Asaasida goob ay ay Soomaalidu afkaartooda toos ugu soo tebin karaan. Uururinta maahmaahyaha Soomaalida iyo halxiraalayaasha si jiilka dambe ee Soomaalida ay u helaan xigmaddii iyo murtidii Soomaalidii hore. Ururinta arimaha muhiimka ah ee mustaqbalka anfacaya in cilmi baaris lagu sameeya waddanka Soomaaliya guud ahaan. Ururinta boggaga muhiimka u ah Soomaalida sida quraanka iyo axaadiista.

    Waxa kale oo aan muhiimad weyn siinaa Soomaalida kudhaqan Soomaaliya iyo geeska Afrikada Bari, taas oo aan soogudbino wararka laxiriira si markaa Soomaalida kale ee kudhaqan goobaha fog-fog ee aan korkusoo xusnay ay u helaan waraka waddankoodii hooyo.

    Waxaan dhiiri gellinaa ardada Soomaaliyeed sidii ay isu dhaafsan lahaayeen afkaaraha iyo aqoonta ay leeyihiin si ay halkaas uga soobaxaan hoggaamiyayaashii mustaqbalka Soomaaliya oo ku baraarugsan xaqiiqada waddankooda iyo dadkooda.     [Waa socodaa..]

    Ugaas Soomaaliyeed oo ku geeryooday Caabudwaaq
    Waxaa Qoray: Lul Isse Ugas
    Ugaas Faarax Cabdille Cali, waxuu ku geeriyoodey gurigiisa oo ku yaaley Degmada Caabud-waaq, taariikhdu markey ahayd March 4, 2000. Waxaa aaska Ugaaska ka soo qayb galey dad badan oo eheladiisa ah iyo dad kale oo Somaliyeed, ayada oo si wanaagsan loo aasey.

    Taariikh nololeedkii Ugaas Faarax
    Ugaasku waxuu ku dhashey degmada hobyo 1907, waxaana uu ku barbaarey kuna bartey Qur'aanka kariimka ah Degmada ceel buur, waxuu culuunta diinta islaamka ku bartey masaajidka maqaamka ee ku yaal magaalada Mogdishu halkaas oo uu joogey xiligii u dhaxeeyey 1933-1936, kadibna waxuu aadey Qalaafe si uu u sii kororsado aqoonta diinta.

    Waxuu u sii gudbey magaalada Harer ee dalka itoobia halkaas oo uu ku qaatey qaybo kamid ah cilmiga diiniga ah, waxuuna u sii gudbey Magaalada Jig-Jiga halkaas oo uu in mudda ah deganaa kana ganacsan jirey.
    Sanadkii 1950 ayuu gacanyare u noqdey aabihiis Ugaas abdille Cali, waxuuna ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatey halgankii leegada. Waxaa loo caleemo saarey Ugaasnimo 1959 kadib markii uu geeriyoodey aabahiis Ugaas Abdille.

    Ugaas Faarax waxuu ahaa nin diinta Islaamka ku dhaqma kana arimiya nabadda beesha Sade iyo beelaha Soomali waynba. Allaha u naxariistee Ugaasku waxuu ifka uga tegey labaatan qof oo is kugu jira wax uu dhaley iyo waxey sii dhaleen. Waxaan Ugaaska ilaahey uga baryeynaa naxariistii janada ummada Soomaaliyeed iyo reerihii uu ka tegayna samir iyo imaan ka siiyo, aamiin.

    Hoggaamiyayaasha Soomalida qaarkood oo Liibiya booqday
    March 10, 2000, Sida wakaaladaha wararku sheegayaan, madaxda dowlad-gobaleedyada Soomaalida qaar ka mid ah ayaa booqasho ku tegay dalka Liibiya, waxaana madaxdaa ka mid ah Ibraahim Cigaal, Xuseen Caydiid iyo Cabdullaahi yuusuf, waxaana wararku sheegayaan in madaxdaas looga yeeray Liibiya.

    Su'aasha ay iswaydiinayaan ragga indhaindheeya siyaasadda Soomaaliya waxay tahay, maxaa ka dambeeya booqashada saddexdaa nin ay Liibiya ku tageen? Saddex aragti oo kala geddisan ayaa ragga u dhuundaloola siyaasadda Soomaaliya sheegayaan.

    Midda hore waa in sababtu tahay kalsooni darrada ay madaxdaasi ka qabaan qabanqaabada shirka Djibouti, maxaa wacay, madaxdaasi ma doonayaan in ay ahaadaan sidi shakhsiyaad caadi ah, dowladda Djiboutina sida uu madaxwaynaheedu sheegay, qabqablayaasha soomaaliyeed waxaa loo marti qaadi doonaa shakhsi ahaan, oo ay shirkaas uga qayb geli doonaan, laakiin xaq uma laha in ay cid matalaan.

    Tan labaadna waa ayada oo la sheegayo in Kornaylka Liibiya uu doonayo in uu shir kale oo asigu uu wato qabanqaabsho, sida la ogyahayna Qaddaafi wuxuu ku leeyahay koofurta dalka Somaliya safaarad joogto ah oo indhaindhaysa guud ahaan xaaladda geeska Africa, gaar ahaanna Soomaaliya.

    Ra'yi kale oo saddexaad ayaa jira oo asiguna leh, waxaa laga yaabaa in kornaylka Liibiya uu nimankaas saddexda ah, oo sida la ogyahay ah kuwa ugu xoogga badan uguna madaxa adag qabqablayaasha Soomaalida, doonayo inuu cadaadis saaro si ay ugu nuglaadaan go'aannada ka soo bixi doona shirka Djibouti.

    Shirka Djibouti oo la filayo in la qabto bisha April ee sanadkan dhexdeeda, lana rejaynayo in dowlad soomaaliyeed oo loo dhanyahay lagu soo dhiso ilaa bisha June ee soo socota waxaa ilaa iyo hadda lagu marti qaaday dad aad u farabadan oo soomaali ah, oo ay ka mid yihiin duqay, kaabaqabiillo, hoggaamiyayaal bulsho, aqoonyahanno iyo ururro kaleba.

    Tanzania iyo Tuugada Soomaalida maxaa kala haysta!
    March 8, 2000 Booliiska dalkaasi Tanzania ayaa la sheegayaa in ay baadi goobayaan waxa ay ku tilmaameen "tuugo Soomaaliyeed" oo la sheegay in ay nin wadaad-kirishtaan ah ku dileen tuulada Malambo ee gobalka Ngorongoro.

    Ninkaa wadaadka ah waxaa la sheegay in uu la socday koox kale oo wadaaddo ah, kadib markii niman in ay Soomaali yihiin la sheegay oo hubaysan ay joojiyeen dabadeedna fareen in uu gaariga ka dego, markii uu diidayna ay dhabarka ka toogteen.

    Nimankaa dablayda ah waxaa la sheegay in ay dabadeed gaarigii wadaadka oo ahaa Landcrouser iyo nimankii saarraa kaxaysteen, dabadeedna meel duur ah oo ilaa 20 km u jirta meeshii ay wadaadka ku dileen uga tageen gaarigii iyo nimankii saarraa intaba.

    Booliiska dalka Tanzania waxay sheegeen in aysan u baahnayn in ciidanka xoogga dalka lagu fidsho dhulka ay dablayda soomaalidu khatarta ku hayaan, maxaa wacay dalkeennu hadda dagaal kuma jiro, tuugadaa hubaysanna waxaa ku filan ciidanka booliiska.

    Dagaallo Qoryooley ka dhacay
    March 5, 2000, Dagaallo ba'an ayaa toddobaadkii hore dhammaadkiisii ku dhexmaray degmada Qoryooley kooxaha ciidanka Raxanwaynta iyo Wadaaddada maxkamadaha. Dadka ku dhintay dagaalladaas tiradooda dhabta ah la garan maayo, laakiin waxaa lagu qiyaasay 5 ilaa 10 qofood dadka la dhaawacayna 10 ilaa 20 qof.

    Kooxaha kala ah Jabhadda Badbaadada Digil iyo Mirifle iyo Jabhadda RRA-da ayaa isku deyayay in ay magaalada gacanta ku dhigaan, hase ahaatee, waxaa wararku sheegeen in Jabhadda wadaaddada maxkamadaha oo lagu eedeeyay in ay u adeegayso maamulka Caydiid ay magaalada hadda gacanta ku hayso.

    Toddobaadkii hore, warar ka soo fulay koofurta Soomaaliya waxay sheegeen in ay colaadi ka dhaxaysay kooxo ka tirsan beelaha Raxanwayn, hase ahaatee waxaa hadalkaa beenshay Cabdulqaadir Soobe asiga oo DSA-da iyo Itixaadka ku tilmaamay qalab uu Ina Caydiid ku adeegto.

    Gabar masabidatay Soomaalida oo maxkamad la soo saarayo
    Ibraahim Saalah (Odense, Danmark):
    Maalintii isniinta ee ay taariikhdu ahayd 28.2.2000, ayaa gabadhi u gudbisay booliiska dacwad ahayd in ay kufsadeen labo nin oo Soomaali u muuqaal ekaa. Haddaba si aan xaqiiqda arrintaa u ogaano ayaa waxaan la xiriirnay Verner Engelbaek oo ah denbi baare (Kriminalassistent) ka tirsan ciidanka booliiska Odense, isla markaana xubin ka ah guddiga degmada ee Odense (Odense Byråd).

    Engelbaek oo haya keeska dacwada gabadha ayaa waxa uu noo sheegay in uu baaritaan ku sameeyay, isagoo intaa raaciyay in gabadha ay la soo xiriirtay aroortii maalinimadii Isniinta, iyadoo u sheegtay in ay kufasdeen niman u muuqaal eg soomaali, iyagoo wejiga dhaawacyo ka soo gaarsiiyeen, hase yeeshee Engelbaek oo u kuur galay arrintan ayaa wuxuu ogaaday inaynan waxba ka jirin.

    Sidoo kale dhakhaatiirta baaritraanka ku sameeyay ayaa iyaguna sheegay in dhaawaca soo gaaray gabadhu ay iyadu is gaarsiisay. Mar aanu weydiinay booliiska sababaha gabadha ku kellifay inay masabidka intaa la’eg u geysato dad aynan aqoon u lahayn, ayaa wuxuu noo sheegtay inay ku xanbaartay hadalkaas iyadoo haysatay gabadha mushkilad nafsaani ah, wuxuuna nooga cudrdaartay inuusan intaa wax ka badan noo warami karin.

    Wuxuu Engelbaek noo sheegay in gabadha la soo taagi doono maxkamadda, iyadoo ay u badan tahay in ay muteysato ciqaab la xiriirta masabidka.
    BOGGA 3AAD BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
    Sarrifka Lacagaha dalalka ay badanaa Soomaalidu deggantahay.
    Dalka Lacag US$1 =
    Qatar Rial 3.639
    Bahrain Dinner 0.3769
    Kuwait Diner 0.3047
    Switzerland Frank 1.501
    Malaysia Ringit 3.800
    Dalka Lacag US$1 =
    Somalia Shilling 9620
    Djibouti Frank 177.72
    Syria Lire 45
    Sudan Diner 247.10
    Yemen Riyal 148.15
    Dalka Lacag US$1 =
    Australia Dollar 1.5349
    Thailand Bahat 37.95
    Canada Dollar 1.4823
    England Pound 0.6207
    Europe EURO 0.9374
    Dalka Lacag US$1 =
    Saudi Riyal 3.750
    U.A.E Durham 3.672
    Oman Riyal 0.3849
    Egypt Pound 3.409
    Iraq Diner 0.3107
    Anglefire Free Email
    BOGGA 4AAD BOGGA QUBANAHA
    Niman culumo ah oo Maraykan ah oo lagu qabtay xatooyo
    Sabti 11 March, Laba nin oo culumo ah ayaa lagu qabtay gobalka Sarawak ee dalkaasi Malaysia ayaga oo lagu soo eedeeyay in ay xadayeen cayayaan aan la ogolayn in dalka laga dhoofsho ayada oo aan ogolaasho laga helin dowladda iyo maamulka gobalkaas.

    Nimankaa oo markii hore la socday koox cilmibaaris u tagtay gobalkaas si ay howdka dhulkaas uga soo baaraan jaadad naadir ah oo ka mid ah cayayaanka, ayaa kolkii ay u dhammaatay laba week oo ay howshaa wadeen ka soo laabtay goobtii ay howsha ka wadeen. Nimankaas culumada ah waxay maamulka gobalka horey u waydiisteen in loo ogolaado in ay cayayaankaas u qaataan dalka Maraykanka si ay baaritaan qoto dheer ugu sameeyaan, hase ahaatee, maamulka gobalku wax ogolaansho ah sooma uusan saarin.

    Waxaase kedo ku noqotay maamulkii gobalka kolkii ay arkeen nimankii culumada ahaa oo cayayaankii dhalooyin ka soo buuxsaday dabadeedna iska soo qaatay, cayayaankaas oo la sheegay in tiradoodu gaaraysay ilaa 200 oo nooc oo kala jaad ah oo ka mid ah noolaha naadirka ah ee dunida dabayaaqada ku ah, waxaa dhoofintooda ka yaalla qawaaniin aad u adag, waxaana maamulka gobalkaasi sheegay in nimankaas maxkamad la soo taagi doono ayna mutaysan doonaan xarig iyo ganaax.

    Tuug Masaajid labaatan doollaar ka xaday!
    March 11, 2000, Wiil dhallinyaro ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee waddanka Brunei ayaa la qabtay kadib markii uu ka xaday BD$20.0 qasnad yar oo dhex tiil masaajid ku yaalla gobal la yiraahdo Kuala Peliat, oo ku yaalla xeebta badda koofurta Shiinaha.

    Imaamkii masaajidka ayaa arkay wiilka oo gacanta gelinaya santuuq yar oo lacagta tabarucaadka ah lagu rito, wuxuuna u jeeday wiilka oo la baxaya labaatan doolaar oo lacagta Brunei ah (US$12.0), dabadeedna wuu ku qaylshay oo faray in uu lacagta dhigo, hase ahaatee, wiilkii wuu cararay oo lacagtii wuu la fakaday, asiga oo ku baxsaday gaarigii uu watay.

    Imaamkii masaajidka ayaa dabadeed booliiska taleefan u diray oo u sheegay in wiil gaari lambarkiisu sida iyo sidaa yahay wata uu lacagta caynkaas ah la fakaday, isla markiina booliiska ayaa wiilkii gacanta ku dhigay asiga oo wali labaatankii doolaar sita!

    Brunei waa dal aad hodon u ah, sida qiyaasta caalamiga ah ee faqrigu sheegaysana, dhulkan lagama helo qof faqiir ah, laakiin wiilkaa dhallinyarada ah sababta ku kalliftay in uu labaatan doollaar masaajid ka xado ee gaari ku baxsado waa la garan la'yahay ilaa iyo hadda!
    BOGGA 5AAD BOGGA DOODDA IYO CILMIBAARISTA
    Soomaaliyeey kala saara: Islaamka iyo Xarrakooyinka
    Maxamed Cismaan Nuux (Asad)
    Huddingenpolku 2c 32 01600 Vantaa, Finland.
    Tel: +385-0-407413369 ama +358-0-5891 453 (home) E-Mail: cawdgale@hotmail.com
    asad's photo
    In badan oo dadka soomaaliyeed kamid ah ayaa waxay isweydiiyaan su'aalo aysan waligood isweydiinin, in badanna waxayba isku dayaan in ay iska qariyaan isweydiinta su'aalahaas, sababtuna waxay tahay:
    1. Arrinkan oo ku saabsan diinta Islaamka.
    2. Xilliga la joogo ayaan ahayn xilli ku habboon in la isweydiiyo noocyada xarrakooyinka iyo fahamkooda kala duwan, laakiinse waxaa caddaatay in badan uu qofku ismaahsiiyo, waa inta badan uu kala saari waayo xarrako iyo Islaam, waana inta badan uu kala saari waayo waxyiga iyo caqliga la falgalay waxyiga.

    Ummadda soomaaliyeed waa muslimiin 100% , haddana is dhalay, isku luuqad iyo deegaan ah, intaa waxaa dheer fahamka diimeedka isaga mid ahaa, oo ceelkii Shaafici (ra) ayay ka wada cabbi jireen. Laakiin sida aynu ognahay in badan islaamku saameyn weyn kuma lahayn dadyowga soomaaliyeed (siiba waayihii dambe).

    Dadka Islaamka wax ka yaqaan ayaa la oran jiray "wadaaddo", maadaama islaamku marba marka ka dambaysa ka sii fogaanayay nolol maalmeedka shacbiga soomaaliyeed. Sidoo kale qiimaha wadaaddada marba marka ka dambeysa hoos ayuu u sii dhacayay, oo booska ay wadaaddadu ka taagnaayeen bulshada wuxuu ku xirnaa hadba boosku uu islaamku bulshada ka taagnaa.

    Qaybaha uu islaamku ku sii haray, sida guurka, furriinka iyo geerida, waxaa hoggaanka u hayay oo madax ka ahaa wadaddada, dhanka nolosha kale sida, maamulka bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda, aqoonta iyo cilmi baarista, caafimaadka iyo dhammaan waxyaalaha ay noloshu ka kooban tahay oo idil, islaamku wuu ka maqnaa, qiimaha wadaadkuna hoos buu u dhacay, ilaa ay dadku gaarisiiyeen inuu wadaadku u dhaxeeyo ragga iyo dumarka ! qofkii liitana uu ahaa wadaad, labada gacan tii hooseysana ay ahayd tan wadaadka, oo ahayd midda sidday qur'aanka kariimka ah !

    Si kastaba ha ahaatee dagaalladii sokeeye waxay ahaayeen mirihii aynu goosannay, waxaynu dugsannay colaad, innagoo xiran gaajo, waxaynu u yaacnay jiho walba, sawaxankii iyo qayladii ayaa baraarujiyay wadaadkii hurday, dhankiisaan u yaacnay, Islaamkeynu haleelnay, quusi baynu diidnay, rajo, nolol iyo mustaqbal baynu isweydiinnay!     [Waa socotaa..]


    Somalia: Horta, yey Taladeedu ka go'daa ?!
    Waxaa Qoray: Ibrahim Macallim Mursal
    Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tel/Fax +31 545-476473. E-mail: mursal@gelrevision.nl

    Dowladda Djibuuti iyada oo ku tashaneysa taageerada xulafadeeda ayay ku madlisay bisha Juun dhismo dowlad Soomaaliyeed. Qaab dowladeed oo ku salaysan habka loo yaqaano maamulka-dhexe (Central Government) oo Muqdisho xarun u noqoto. Waxaane mudnaan la siin doonaa hab maamuleedka federaaliga ambase nooca kale oo loo yaqaan ismaamul goboleed (regional autonomy).

    Waxaa la dhisi doonaa Gole Barlamaan. Waxaa la magacaabi doonaa Guddoomiye Baarlamaan, Raiisal Wasaare. Golaha Baarlamaanka kulankiisa ugu horeeya Muqdisho ayuu ku kulmi doonaa, halkaasne wuxuu ku dooran doonaa Madaxweyne Jamhuuriye.

    Hase yeeshee, waxaa saaxada ku tartamaya dhowr quwadood siyaasadeed/qabiilo, si ay qayb libaax ah uga helaan raqda Maandeeq iyagoo xaar xaaranayo bardegaaneed (costituency) ay ku gorgortamaan. Waxaase isweydiin mudan xaaladda maanta taagan iyo duruufaha jira yaa ehel u noqon kara inu magaca Soomaliyeed ku hadlo, xaqna (legitimacy) u leh in isaga oo adeegsanayo magaca shacbiga uu aayaha Qaranka ka taliyo.

    Haddaba, in yar aannu dib u milicsano, aanna isweydiino cidda maanta taagan saaxadda siyaasadda/qabiilka iyo xaaladdooda waxa ay ku sugan tahay, innaga oo aan isku wareerinin magacyada shakhsiyaadka, oo aynu isku soo koobno kooxaha magacyada kala duwan ku adeegto .
    Jabhadaha
    Nidaam Dowladeedkii jiray waxaa dagaal hubaysan la galayn ciidamo gadooday oo qaab jabhadeed isku habeeyeen. Inkastoo ciil qab guud ah uu jiray, haddane marxalladaha ay soo marayn waxaay ishaarayaan in gadoodku ku salaysnaa qaab qabali ah oo lagu difaacayo qayb tilmaaman ee tirsanaysa si godob ah in loo takoorayo amase loo cadaadinayo ambase saluugsan sahmiga xukunka ay ka haysato.

    Ugu dambayntii Jabhadaha waxay ku guulaysteen in Nidaamkii ay ridaan, waxaase nasiib darro noqotay in xukun tooxsi uu kala dhan taallay oo ay u kala jabeen kooxyo nasakhan oo, hortaba sidii falsafaddii ay ku aasaasmeen ay ahayd, qabiilo iyo jilibyo ayay u kala faquuqmeen. Kooxaha ma lahayn wax barnaamij siyaasadeed ah oo ay ku midaysnaayeen.

    Qolo kastaa waxay hoosta ku wadatay ajenda qarsoon oo xukun maroorsi ku jaangoosan. Waxayne arintaasi ay fududeysay in ay gacanta u galaan quwadaha shisheeyaha danaha gaarka ah ka leh geyiga. Qolo walba goonideeda ayaa garbaha laga soo dherbaaxay oo idinka ayaan idiin la jirna lagu yiri, hiil iyo hooba waan idinla garab taagannahay. Sidaasaana shacbi weynahii ugu hungoobay ka dhur sugiddooda. Arintaasine waxay sababtay in magac jabhad aan maanta cidna lagu matali karaynin.     [Waa socotaa..]

    la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
    BOGGA 6AAD BOGGA HAWEENKA
    Qasim's photo
    Qasim Hirsi
    Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax
    International Islamic University
    Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia
    Email: qasim55@hotmail.com
    Soo booqo bogga
    ururka Almanhal
    almanhal
    SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
  • Maxay ku doodaan dadka dumarka nus ka diga?

    Haddaan hadalka soo yarayno, oo aan usoo noqono caddaynta cillada ku jirta dib udhigista soonka. Waxa ay culimada muslimiintu isku soo wada raaceen in safarka qudhiisu uu yahay cillada loo fasaxay afurka, in laga hortago dhibaatada iyo mashaqada ka imaanaysa safarkana ay tahay xikmadda loo fasaxay afurka. Haddii la dhihi lahaa cilladu waa dhibka ka imaanaya safarka, waxaa dhici lahayd in la yiraahdo dee cid kaste oo dhib iyo hawl culus ku jirtaaba ha afurto, waayo waxaa jira qof isaga oo sooman dhagax jebinaya ama muufo dubaya. Waxaa kale oo dhici lahayd in maanta la yiraahdo arintii waa laga noqday, waayo safarka wax dhib ihiba kama yimaadaan waqtigaan aan joogno oo ka gees ka gees dacallada dunida waxaa la isaga gooshaa saacado iyada oo kursi qabow oo raaxo ah lagu fadhiyo. Bal eeg Diyaaradaha dheereeya ee loo yaqaan "jet" ka.

    Hadaba looma banayn afurkaan cid kaste oo ay dhibaato haysato, waayo dhibaatadu waa xikmad, xikmadna xukun ma dhaliso. Sababtuna waxa ay tahay in aysan joogto ahayn, aysan dhabna u qayaxnayn. Midda kale waxaa cillada sharciga laga samaynayo loo shardiyaa in ay tahay sifo cad - wasfi thaahir, xikamadina waa wax badanaaba iska qarsoon – wasfi khaffi.

    Anaga oo weli doodeenna ka askumayna xikmad iyo cillad ayaa waxa aan halkan ku cadaynaynaa in uu jiro muran ku saabsan weedha Aayaddan ee ah; "Illowshaha dumarka " ee aayadda lagu xusay ma xikmo ahaanbaa mise waa cillad ahaan?. Haddii uu yahay cillad, waxaa loo baahan yahay in uu soo buuxiyo shuruudihii mar hore loo dejiyey cilladda oo ay ka mid ahayd " in aysan guurin, badelmin ayna tahay joogto abidkeed". Haddaba si aan u dhahno qodobku waa cillad waa in aan helnaa in dumarku ay weligood ka fog yihiin arimaha dhaqaalaha iyo hanti yeelashada, in ay ku adag tahay fahamka hantileydu, in ay dabiici ahaan u illowsho badan tahay iwm. Laakiin haddii aan waqti waqtiyada ka mid ah dareenno ama garowsano in ay dabeecadoodu taas ka baddelantay waxaa hubaal ah inysan arintu cillad ahayn ee ay tahay xikmad.     [Waa socotaa..]

  • BOGGA 7AAD DIINTA ISLAAMKA
    Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com - Odense, Denmark
  • CABDULLAAHI BINU CABBAAS
    Cabdullaahi Binu Cabbaas isagoo ka hadlaya sidii uu u dalbi jiray waddada cilmiga wuxuu yiri: "haddii aan maqlo nin ka mid ah asxaabta Rasuulka (scw) waxaan aadi jiray iridka gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan barkan jiray go'a aan wato, annigoo seexan jiray albaabka agtiisa, haddii aan doonana waxaan weydiisan jiray inaan u soo galo guriga oo markaa wuu i fasixi jiray, wuxuu i weydiin jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku oran jiray inaan doonayo inaan isaga ka aqoon kororsado, Maxaa yeelay cilmigu waa loo tagaa ee isagu iskama yimaado, dabadeedna waxaan weydiin jiray xaddiiska aan doonayo inaan ogaado.

    Sidaa ayuu ugu weynaa cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u huri jiray helista barashada cilmiga. Sida uu Cabdullaahi u qaddarin jiray barashada cilmiga ayaa misna uu u weynayn jiray culumada aqoonta u leh diinta Islaamka. Matalaan hal tusaale haddaan ka soo qaadano arrintaas, waxaa la ogsoon yahay in Zeyd Binu Thaabit uu ahaa qoraagii Waxyiga, dhinaca kale uu ahaa saxaabiga ugu aqoonta badanaa magaalada Madiina marka laga hadlayo cilmiga garsoorka, fiq-higa, qiraa'ada (akhrinta toosan ee tajwiidka) iyo cilmiga dhaxalka.

    Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Saxaabiga la yiraahdo Zhaabit Binu Thaabit oo doonaya inuu fuulo ratigiisa ayaa waxaa is hor istaagay Cabdullaahi Binu Cabbaas, isagoo doonaya markaas inuu ku hogaamiyo ratigii uu saarnaa. Thaabit ayaa Cabdullaahi ku yiri: "faraha isaga qaad kii ay Rasuulka (scw) ay ilmo adeerada ahaayeene". Cabdullaahi ayaa yiri: "Sidan oo kale ayaa nala faray inaan u wanaajino culumadeena". Thaabit ayaa isna yiri: "ii soo laac gacantaada". Cabdullaahi wuxuu u fidiyay gacantiisa, dabadeedna Thaabit ayaa dhunkaday gacantii Cabdullaahi isagoo leh: "sidatan ayaa nala faray inaan ula dhaqano Aalu-beytka Nebigeena (scw).     [Waa socotaa..]

  • BOGGA 8AAD xayaysiin
    BOGGA DHALLINYARADA
    SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
    Qaybtii: 43aad
    Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
    Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
    Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
    T U K I H I I -- I Y O -- G U U M A Y S K I I
    Wuxuu yiri: qofkii tala hayaa ha keeno, markaas baa waxaa soo booday bakayle bakaylayaasha ka mid ahaa, oo la yiraahdo fayruus,boqorkuna wuxuu ku yaqiin aqoon iyo garaad wanaagsan, wuxuu yiri: haddii boqorku garto in uu ii diro maroodi, qof uu ku kalsoonyahayna ila diro, si uu u soo arko una soo maqlo waxa aan ku hadlo si uu boqorka ugu soo sheego.

    Boqorkii: adiga ayaan kugu kalsoonahay, warkaagana waannu qaadanaynaaye orod oo maroodi u tag oo wixii aad doonayso iga gaarsii, waxaadna ogaataa in qofka fartiinta ahi garaadkiisa, dhugtiisa, jileeciisa iyo mudnaantiisa, laga garanayo dhugtii qofkii soo diray, haddaba waxaan kugu ogahay jileec, nugayl iyo fiirsi, maxaa yeelay qofka fartiinta ah asiga ayaa jilcinaya laabta haddii uu naxariisto, asiga ayaana qallajinaya laabta haddii uu xanaaqo, kadibna bakaylihii wuu baxay habeen dayax jiro oo maroodigii buu aaday, wuxuuna ka baqay in ay ku joogsadaan ayaga o aan u kasayn, markaas buu buur fuulay oo u yeeray boqorkii maroodiyaalka, wuxuuna ku yiri: dayaxa ayaa isoo diray, ninka farriinta ahna eedi kama saarna warka uu keenayo haddii uu dano ha adkeeyo e'.
    Boqorkii maroodiyaalka: oo maxay tahay farriintaasu?

    Bakaylihii: wuxuu ku leeyahay, qofkii ogaada in uu taag dheeryahay dadka liita ee ku hodma kuwa xoogga leh asiga oo kuwii liitay oo kale u malaynaya, xooggiisu hoog buu u soo jiidaa, adiguna awoodda aad dugaagga dheertahay ayaad ogaatay, taasina waxay kuu gaysay in aad ku hodanto, markaas baad soo aadday isha la iigu magac deray, dabadeedna waad ka cabtay, oo aad dhabjisay, markaas buu iisoo kaa diray, waxaanna kaaga digayaa in aad taas oo kale u noqoto, haddii aad u soo noqqotana indha la'aan baa kugu dhici, waadna dhimandoontaa, haddii aadan farriintayda rumaysanayn, haddaba ina keen isha, asiga ayaa kuugu imaanayee. Boqorkii maroodiyaalku, waa la yaabay hadalkii bakaylaha, kolkaas ayuu fayruus xaggii isha ula dhaqaaqay, markii uu eegayna humaaggii dayaxa ayuu biyihii ka dhex arkay, kolkaas baa fayruus ku yiri: dhuuntaada biya ku soo qaado oo ku fool dhaqo, dabadeedna dayaxa u sujuud, maroodigii baa dhuuntiisii biyihii gelshay, markaas buu mooday in dayaxu gilgishay, kolkaas buu yiri: dayaxu muxuu doonayaa oo uu la gilgishay?, ma u malaynaysaa in uu ka carooday biyaha aan gacantayda geliyay. kolkaas baa bakaylihii yiri: haa. maroodigii baa markaa u sujuuday dayaxii wuuna dambi dhaaf waydiistay wixii uu falay, wuxuuna ballan qaaday in uusan falkaas u noqon asiga iyo colkiisu.     [Waa socotaa..]

    BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
    HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
    MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
    1. Waraabe dhankii loo eryaba waa u bannaan.
    2. Wiilkaaga walaal kalahaw, walaalkaana wiilal kalahaw.
    3. Wixii la arki jiray wixiisii baa lagu aqriyaa waxaan la arki jirinna subxaanallaa lagu aqriyaa.
    4. Waano dhallaan baa ka adag.
    5. Waysha gawrac dibigu ha ku quustee.
    6. Wax walaal loo diiday wed baa leh. 7. Wadiiqadu waddada wayn bay kugu riddaa.
    8. Waxa umusha u dan ah ayaa ilmahana u dan ah.
    9. wax indho arkeen baa ilka gooyaan.
    10. Wax aanad filayn iyo fallaariba way kaa nixiyaan.
    BOGGA 9AAD xayaysiin
    IIDHEH IYO OGAYSIIS
    Soodhawaynta Isku dubbaridaha Wargayska!

    Xurriyadda Ra'yiga
    Walaal aqriste, ma dhacday hadda ka hor in lagu cadaadshay ama aad cadaadis la kulantahy?!
    Madhacday hadda ka hor in xaqaaqa aad u leedahay in aad ra'yigaaga dhiibato lagaa inkiray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in aad intaad hadal maagtay, aamus lagu yiri, oo hendedaad iyo cabsiin laguugu deray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in kuwa jahli iyo cadaawo isku gaashaan buursaday ay kugu jujuubeen in aad ra'yigooda raacdo?!

    Haddii aad la kulantay waxyaabahaas kowo kale oo la mid ah, maanta waa laga baxay waqtigii lays jujuubi jiray, oo jaahilku caalimka afqabanjiray.

    Adiga oo ku bishaaraysanaya horumarka warbaahinta casriga ahi gaartay ha illoobin in aad cadkaaga goosato, oo aad ra'yigaaga si madaxbannaani leh u dhiibato, adiga oo aanan cidna ka baqin!!

    Wargayska Somali Electronic Journal waa wargayska kaliya ee xurnimo buuxda kuu siinaya in aad fidiso figradahaaga, asiga oo aanan kugu xirin, qabiil, mad-hab diimeed, aydoloojiyo gaar ah iyo siyaasad dowladeed toona.

    Meesha joornaallada kale ee soomaalida badankoodu ay u adeegayaan kooxo gaar ah iyo xoogag qabiil iyo kuwo diimeed, SEJ wuxuu kaa ballan qaadayaa in uu fidsho maqaal kasta oo loo soo diro, uusanna ku xirin wax aan ahayn shardiga (farsamada) qoraalka.

    Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
    Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
    WARGAYSKAN MAQAALADAHA LAGU FIDSHO, WAX AAN SHARDIGA FARSAMO AHAYN LAGUMA XIRO, KAAS OO AH IN MAQAALKU AHAADO "WAR ISKU TOOSAN OO UJEEDDO LEH"

    "DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA ASIGA AYAANA U QOOLAN, EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA, ISKUDUBBARIDAHANA WAX XIL AH KAMA SAARRA"

    DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

    Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
    Nala soo xiriir
    booqo csc H. page
    Saxiix B. Martida
    Codso wargayska sej
    Dhiibo Aragtidaada
    Akhriso B. Martida
    Xayaysiin
    Bogaadin
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page