|
|
BOGGA 1AAD | ARARTA WARGAYSKA |
|
|
|
Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Danmark S: Mudane Ibraahim, marka hore waxaad noo sheegtaa tirada Soomaalida ku dhaqan dalka Denmark inta lagu qiyaaso iyo waxa aad adigu qabato? J: Marka hore Xirsiyoow waad ku mahadsantahay wareysiga aad ila yeelatay iyo howshan wacan ee aad u qabanayso bulshada Soomaaliyeed, intaa ka dib. Haddaan si kooban uga jawaabo labadii su'aalood ee aad i weydiisay. Horaantii annigu waxaan ka shaqeeyaa Dugsi dugsi hoose dhexe ah oo la yiraahdo Seden School, waxaan waxbarashada ka caawiyaa caruurta Soomaaliyeed ee dhigata dugsigaas, sidoo kalena waxaan ka shaqeeyaa meel naadi ah oo ay dhalinta ku kulmaan. Intaas waxaa dheer waxaan anniga iyo arday saaxiibaday ah soo saarnaa Wargays bishiiba mar soo baxa kuna soo baxa afka soomaaliga waana Wargayska Wadajir. Waxaa kale oo aan si iskaa wax u qabso ah uga shaqeeyaa Dugsiga Salaaxu-diin ee ay caruurta soomaaliyeed ku barato qur'aanka, kuwaasoo la baro barashada diinta Islaamka, dhaqanka soomaalida iyo iyagoo loo qabto xafladaha ciidaha diinniga ah. Su'aasha ku saabsan tirada soomaalida degan dalka Denmark. Waxay gaarayaa soomaalida ku dhaqan dalkan Denmark ilaa 12000 qof oo u badan dhalinyaro, waxayna intooda badan degan yihiin magaalooyinka waaweyn ee Kobenhagen, Arhus iyo magaaladan Odense. S: Soomaalida ku dhaqan Danmark maxay badankoodu ka shaqeeyaan? J: Dalkan Denmark waa dal aad uga duwan dalalka sida Mareekanka, Canada iyo Ingiriiskaba. Waxaa adag inuu qofka ajnabiga ahi uu durbadiiba helo shaqo ama waxbarasho. Sidaa darteed soomaalida intooda badan ma hayaan wax shaqo ama waxbarasho la sheego ah, hase ahaatee sannadihii ug danbeeyay waxaa jiray dhalinyaro ku soo biiray goobaha waxbarasho iyo goobaha shaqada. S: Soomaalida aanan haynin wax shaqo ah maxay qabtaan? J: Waxay aadaan dugsiyada lagu barto luqadda dheenishka, waana qasab in la dhigto. Soomaalida intooda badan ma shaqeeyaan oo waxay qaataan mucaawinada ay dowladdu bixiso. Sidaa darteed ayaa qofka aan aadin dugsiyada lagu dhigo barashada luqadda dheenishka uusan u helaynin wax lacag ah. |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD | WARARKA SOOMAALIDA |
|
Qabiilooyinka Soomaalida oo shirka Jabuuti isu qabanqaabinaya Somalia Feb. 12 2000, Warar Muqdisho, Boosaaso iyo Gedo inaga soo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in beelaha soomaalidu maalmahan dambe ku jireen dadaal dheeraad ah oo ay ugu tafa xaydanayaan sidii ay mowqif uga istaagi lahaayeen shirka nabadda ee la filayo in Jabuuti lagu qabto bisha April ee soo socota. Bishan 14 keedii ayaa shir wayne uga billowday Muqdisho beelaha Hawiyaha kaas oo waxyaabaha lagu falaanqayn doono ay ugu horreeyaan mowqifkii uu Hawiye ka istaagi lahaa waanwaanta nabadeed ee ay waddo Jabuuti. Sidoo kale waxaa maalmahan shirar degdeg ah uga socdeen Nairobi odayaasha beelaha Mareexaan, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafaadka beesha gudaheeda ka taagan, si meel looga soo wada jeesto dhibaatada ay faragelinta Ethiopia ku hayso gobalka Gedo. Sidoo kale, odayaasha Mareexaan waxay maalmahanba isku deyayeen in ay doortaan qof bahda Sade matala oo uga qayb qaata shirka ka billaaban doona Jabuuti. Waxaa kale oo wararku sheegayaan in kooxo reer bari ah oo uu hoggaaminayo madaxwaynaha Puntland u tabaabushaysanayaan sidii ay shirka Jabuuti kaalin libaax uga qaadanlahaayeen, waxaa kale oo la sheegayaa in Beelaha Hartiga loo yaqaan isku deyayaan in ay ka fogeeyaan Isaaqa Somaliland waanwaanta nabadeed ee Jabuuti si aaney ugu cariirin qaybta libaax ee reer barigu doonayaan in ay shirkaas ka qaataan. Beelaha Habargidir ayaa ayagana Jimcihii la soo dhaafay la filayay in shir uga billowdo magaalada Muqdisho kaas oo ay uga wadahadli doonaan xallinta khilaafaadka beelahaa dhex yaal, si ay mowqif midaysan uga istaagaan shir waynaha Jabuuti iyo shirwaynaha Hawiye ee xamar ka socda ee beelaha Abgaal hormuudka u yihiin. Ragga xaaladda siyaasadeed indhaindheeya waxay aaminsanyihiin in beelaha Abgaalka iyo Habargidir uu ka dhaxeeyo hardan hoose oo koox waliba doonayso in ay kooxda kale ku barabixiso, sidaa darteed ayaa Cali Mahdi u kicitimay dhinaca Jabuuti, waxaana laga yaabaa in uu gacansaar hoose la leeyahay beelaha Majeerteenka iyo Xawaadlaha. Majeerteenka ayaa ayaguna maalmahan isku deyayay sidii ay uga fogayn lahaayeen Somaliland shirka Jabuuti, si ay kolka u fuliyaan arrinkaas, maalmahan dambe waxaa Puntland ku dhaqaaqday tillaabooyin ay xasaasiyad ku gelinayso Isaaqa Somaliland, taas oo kolkaa ku abuuraysa dareen, kuna kallifaysa in ay ka caroodaan shirka Jabuuti oo yiraahdaan annagu kuma jirno oo dowlad gaar ah baannu nahay. Reerbarigu waxay quuddarraynayaan in haddii Somaliland shirka ka carooto, oo Hawiye kala jabo, sida hadda muuqataba, aanay meeshaa ka soo bixin koox xoog leh oo aan ayaga ahayn, taasina ay fursad u siiso in ay ku doodaan annaga ayaa soomaaliya matalayna ayna aqoosi iyo taageero uga helaaf UN-ta, IGAD iyo Jabuti intaba. |
|
Jacfar Ali Mohammed: Qisadii Wiil Soomaaliyeed Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan Email: ibra88@hotmail.com, Odense, Denmark Jacfar Ali Mohammed oo 31 jir ah ayaa wuxuu yimi dalka Denmark muddo hadda laga joogo 3 billood, ka dib markii ay soo qaadatay dowladda Denmark arrimo caafimaad awgeed, isagoo markaa joogay dalka Suuriya. Jacfar wuxuu qabaa cudurka halista ah ee Kansarka, wuxuuna dhakhtarka Jacfar Ole Hvid Hansen mar uu taleefishinka TV2 u waramay uu sheegay inuusan Jacfar lahayn wax rajo caafimaad ah, khatarta cudurkan awgeed. Wuxuu ku nool yahay degmada Tommerup oo u jirta qiyaastii 20 km magaalada Odense. |
Jacfar oo jeclaystay in uu dego magaalada Odense Ma jiraan cid kale oo Soomaali ah oo degan meeshaas aan ka ahayn isaga. Wuxuu Jacfar in badan ka codsaday Degmada Odense in loo soo wareejiyo magaalada Odense oo ay ku nooshahay Soomaali tiradooda gaareysa 1325 qof si uu u waheshado Soomaalidaa. Nasiib darro markii hore kummuunaha Odense way ku gacan seertay codsigii Jacfar, hase ahaatee waxaa arrintii ka war helay maamulka Jaaliyadda dhaqanka Soomaaliyeed ee magaalada Odense. Wuxuu maamulku gudbiyay dacwad la xiriirta arrinkaas, iyagoo u qeexay madaxda gobolka dhibaatada heysata Jacfar iyo in ay ku rajo weyn yihiin in la aqbalo codsigaa. Madaxa Jaaliyadda Soomaaliyeed - Odense Waxaan diyaar u nahay inaanan ka gaabin wax qabadka Jacfar- ayuu yiri madaxa Jaaliyadda Cabdullaahi Xanbali oo booqda Jacfar 2 jeer usbuucii. Maamulka Jaaliyadda Cabdullaahi Xanbali iyo ku xigeenkiisaba Abuukar Max'ed Saciid waxay usbuucii la soo dhaafay ku mashquulsanaayeen arrinkan isaga ah, iyagoo kaalmeysanayay Suleymaan Caydiid Jaamac oo ah guddoomiyaha Soomaalida ugu jira Guddiga Talo bixinta Ajaanibta ee magaalada Odense (Flygtninge Invandrerråd). Waxay si wadajir ula xiriireen Wargayska maalinlaha ah Fyens Stiftstidende ee ka soo baxa magaalada Odense si uu arrinkan wax uga qoro, sidaasna ayuu wargayskii maqaal dheer uga waramay xaaladda qadhaadh ee haysata Jacfar. Jacfar wuxuu xaq u leeyahay in loo wareejiyo magaalada Odense Qaar ka mid ah madaxda gobolka ayaa si aadanimo leh u eegay dacwada, sidoo kale waxaa wareejintan ku taliyay Ole Hvid oo ah dhakhtarka Jacfar. -Jacfar wuxuu xaq u leeyahay in loo wareejiyo magaalada Odense-, ayeey tiri Ninna Wurtsen oo ah madaxa gobolka Fyn. Duqa magaalada Odense isla markaana ah madaxa degmooyinka dalka Denmark Anker Boye oo markii hore diidanaa ayaa aqbalay, isagoo qirtay inay ahayd qalad aan habboonayn inuu mar kale soo laabto. Haddaba, waxaa hadda Jacfar loo ogolaaday in loo soo wareejiyo magaalada Odense maalinta soo socota ee Jumcaha. Kooxo ka tirsan beesha Ogaadeen oo dagaal ku dhex maray Dhoobley Somalia Feb. 12 2000, Dagaal ay isaga horyimideen kooxo kala taageersan Adan Gabyow iyo Cumar Jees ayaa lagu dilay ugu yaraan 20 qofood 45 kalena lagu dhaawacay. Sida wakaaladaha wararku sheegeen dagaalku wuxuu billowday kadib markii ciidan gaaraya 150 nin oo hubaysan soo weerareen degmada Dhoobley. Wararkale waxay sheegayaan in qolada soo weerartay degmada ay ahaayeen taageerayaasha Aadan Gabyow, ayna dileen ilaa 5 qof. Taageerayaasha Cumar Jees ayaa ayaguna sheegtay in ay dagaal rogaalcelin ah ku qaadeen kooxdaas soo weerartay degmadooda oo ka dileen 15 qof kuna khasbaeen in ay baqa cagaha wax ka dayaan. Warar kale ayaa ayaguna sheegaya in dagaalka labada kooxood ku lug leeyahay colaad aan sababteeda la aqoon oo maalmahanba beelaha ogaadeenka ee dhulkaa ku dhaqan ka dhex socotay. Dadka siyaasadda indha indheeya waxay rumaysanyihiin in dagaalladaas ay sabab u yihiin arrimo ay u badan yihiin, kooxdii xukumi lahayd ganacsiga xuduudka Kenya iyo soomaaliya, iyo siyaasadda guud ee labada kooxood oo ah taageeridda ay kala taageeraan kooxo kale. Wadaaddada Maxkamadaha oo lagu eedeeyay in ay shaati qabiil hugteen Muqdishu Feb.12 2000, Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dhowr ka mid ah abaanduulayaasha kooxuhu ku eedeeyeen wadaaddada maxkamadaha in ay huwanyihiin shaati qabiilo kuna gabbanayaan magaca diinta. Sida la wada ogyahay toddobaadkii ina soo dhaafay ayaa dagaal ku dhexmaray wadaaddada maxkamadaha iyo RRA-da meel magaalada Muqdisho u jirta 100 mayl, oo ah agagaarka Buulo Mareer, waxaana dagaalkaas lagu dilay qiyaastii 13 qof qaar kalena waa lagu daawacay. Dr. Xuseen Xaaji Bood ayaa wuxuu toddobaadkan ku eedeeyay wadaaddada maxkamadaha in ay dagaal hor ah ka oogayaan beelaha soomaalida dhexdooda, wuxuuna ku tilmaamay in ay huwanyihiin shaatigii Xuseen caydiid. Waxaa sidoo kale digniin u soo jeedshay wadaaddada maxkamadaha Maxamad Sh. Cusmaan oo ah qabqablayaasha beelaha Murusadaha mid ka mid ah, asiga oo ku eedeeyay in ay fidno ka dhex dhalsheen beelaha Murusadaha iyo kooxda RRA-da oo xiriirkoodu fiicnaa. Waraysi aan toddobaadkan la yeelanay shaqsiyaad xogogaal ah oo kala jooga meelo soomaaliya ka mid ah ayaa waxay inoo sheegeen in xaaladda siyaasadeed ee wadaaddada maxkamaduhu hadda soo xumaanayso, taasina ay keenayso xoogaggii qabyaaladeed oo dib u soo noolaada. Wadaaddada maxkamaduhu waxay isku dayeen in ay bulshada ka qabtaan tuugada iyo burcadda boobaysa laakiin waxaa muuqata in ay ugu dambaystii ku dhaceen siriqdii abaanduulayaasha qabyaaladda. Waxaa guubjoogga aan la xiriirnay carrabka ku dhufteen in ay hadda cabsi wayni ka jirto magaalada Muqdisho oo laga baqsanyahay dagaal cusub oo dib u billowda, kana dhex dhasha qabiilooyinka magaaladaas deggan, siiba kooxaha Abgaalka iyo Habargidirta oo ay kala taageerayaan kooxo kale sida Murusadaha iyo Xawaadlaha. |
BOGGA 3AAD | BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA |
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD | BOGGA QUBANAHA |
|
Toban Guuradii Saxariirta Soomaaliya
Waxaa Qoray: Axmed Xirsi Faarax
P. O. Box 3378, Ras Al Khaimah, U.A.E.
Foolxumada Dal aan madaxwayne lahayn
Waxay ahayd 31/12/1990 markii uu dagaalka sokeeye ka dillaacay magaala madaxda Muqdisho, socdayna ilaa 27/01/1991 maalinkaas oo uu madaxwaynihii Dalka Maxamed Siyaad ku baxay si aad ufool xun, iyo dal aan Madaxwayne dib u helin 10 sano, dadka hoggaamada jabhadaha ahina aysan diyaar u ahayn ilaa hadda dawladnimo.
Khasaarada dadka iyo dalka ayaa taa ka daran
Khasaarada dadka iyo dalka ayaa taa ka daran, waxaa ku dhintay dagaalka sokeeye kumanaan qof oo xabbad ama macluul iyo go'doon ugu le'day dagaaladaas una badan haween iyo caruur. In kasta oo aysan Soomaalidu dagaal kasta oo ay galaan layn jirin maatada dagaalkaan waa baddalay, maxaa wacay waxaa loo arkay inay isku mid yihiin xagga dagaal ka qayb qaadashada mar haddii naagtu dagaalka gashay ilmaha yarina uu bari gali doono ama loo aanayaynayo ficilkii uu sameeyay qof uusan waxaba ka ogayn oo laga yaabo inuu ahaado qabiilkaas.
Ciqaabidda haweenka iyo caruurta!
Waxaa kasii fool xumayd daca iyo kufsiga. Waxaan laba isku khilaafsanayn inay noqotay in qawlaysatada dagaal wada yaasha ahi u bareereen dhaca iyo gardarada ay iyaga iyo ciidamadoodu ku kacaan, taasina ay u noqonayso baddalkii mushaarkii ay ka heli lahaayeen shaqo ay qabteen, waxay haddana gubaan guryaha iyo wax kasta oo ay bur buriyaan si ay u cirib tiraan faa'iidooyinka walaalahooda ka yimid qabiilka ay weerareen ama kuwo kaleba. Kufsigu wuxuu gaaray meel aad looga murugoodo oo taariikh madow kaga qoran dadka Soomaaliyeed lagama tagin habar ilmo yar iyo gabar toona si loo ciqaabo haweenka ka yimid qabiil kale!
Waxay martay Soomaaliya tiih degganaan la'aan uu qof walba ilaa hadda ka fakaro halkee dagaa oo aamin aan ku heli karaa? Qabiilkayga meesha uu u badan yahay mise meeshii aan ku dhashay oo kusoo barbaaray. Gabdhihii Soomaaliyeed oo edab wanaagga ku caanka ahaa ayaa waddooyinka iyo meelaha khamriga lagu cabbo taagtaagan iyaga oo aan wax sariiga lahayn burburiyayna dhaqankoodii iyo caadooyinkoodii fiicfiicanaa. Yaa loo haystaa?
Aaway culimadii dalka iyo dadkaan?
Aaway culimadii dalka iyo dadkaan? Miyaysan ogayn in iyagu ay galayaan fitnadaan kaalin gaar ah haddaysan usoo jeedsan inay wax ka qabtaan. Waxay badidoodu taageersan yihiin qabiilladooda oo ay isleeyihiin arintu si kastaba ha ahaatee ma qabiilkayga ayaan ka hari karaa iyo gargarkayga, una arkaan tol la'aan iyo magac xumo. Waa tay Soomaali horay u tiri "Fiqiih tolkii kama jana galo".
Haddaba akhriyaha qaymaha badanoow ma kula tahay in diinta lagu xallin karo arintaan dabada dheeraatay? Mise waxayba kula tahay in qabiilkaaga kolleeyba ay saxan yihiin, ama ugu dhaw yihiin? Culimadeenu ma ka baxsan yihiin dagaalka mise waa ku jiraan? Haddaysan ku jirin may dadkooda kala celiyaan kana marooqsadaan talada dadwaynaha cilmi daradu hayato?! |
Aragti: Nabadraadinta Soomaaliya!
Waxaa Qoray: Maxamuud S.A. Abiskul
Email: QORICAD@aol.com, Toronto Canada.
|
Waxaa magaceyga la yiraahdaa Maxamuud Sh. Cabdiraxmaan Abiskul waxaanna
deganahay Toronto Canada, waxaanna halkan ku muujinayaa sida aan u doonayo
iney inooga dhalato Soomaaliya dowlad ka talisa danaha shacabka Soomaaliyeed
ee qaarna ay macaluul iyo dhibaato ku hayso dalka gudahiisa qaar kalena ay
dullinimmo iyo diin doorinta ay isugu dareen gaaladii diirka caddeyd iyo
kuwii madoobaaba.
Ugu danbeyntii waxaan oran lahaa Soomaaliyeey weli
miyeydaan ogaan in Qabyaalad wexey dumiso mooyaane aysan waxba u tarin
cidina, sidoo kale guul waxay inoo jirtaa intay inoo jiraan xidigaha intaan
ka harayno dagaal oogayaasha ku gababanayo magaca qabiilka .
Haddii aan usoo laabanno diinteena Islaamka ee xaqqa ah waxaan helaynaa muddada inooga harsan inaan kunoolaanno dunideena sharaf, markaan geeriyoonana waxaan
Allaah ka rajeyneynaa Janno iyo denbi dhaaf . salaan walaalnimo iga guddooma
dhamaan ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba.
| |
BOGGA 5AAD | BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA |
Somalia iyo Kalaguurka Labada Kun!!
Waxaa Qoray: Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen, The Nederlands
Tel/Fax +31 545-476473. E-mail: mursal@gelrevision.nl
IGAD xaaladdeeda maxay ku sugan tahay?
Inkastoo mashruuca qaab ahaan aan la isku diidanayn, haddana waxaad
mooddaa in kuwa laga dhur sugayo ay danahooda gaarka ah is diidan
yihiin, haddii aynu u eegno khilaafaadka iyo colaadda u dhexaysa
xubnaha IGAD. Eritereya iyo Itoobiya cadaawad googooyo ah ayaa dhex
martay. Keenya oo isku aragto inay mudan tahay arrinta Soomaaliyeed in
lagaga danbeyaa, maadaama ay sheeganayso in culayska badan ee xasil
darrada Soomaaliyeed ay iyada dhabarka u dhigatay, oo wax badanna isku
dayday in ay meel ka riixato; madaxweynihii hore Djibuutina ay kala
shirtay; shirar badanna oo fool ka fool ah ay u qabatay hoggaamiyaasha
kooxeed.
Waxaa ugu danbaysay booqashadii Madaxweyne Dowlad Goboleedka
Puntland. Xurgufyo fara badanna kenya iyo Itoobiya dhanka xuduudaha ay
ku dhexmartay. Kenya Hey'adaha Unka waxay ka xayirtay duulimaadyadoodii
xagga Soomaaliya iyo mucaawinadihii ay mari jireen dhanka badda, si
kastaba ha ugu marmarsiyootee. Waxaase la tibaaxa-yaa in ay ahayd
"raddi-ficligii" warbixintii XG ee QM oo laga dhadhansaday in arinta
Somalia Itoobiya gacanta loo geliyay. Kenya waxay dalkeeda ka saartay
Madaxda Urururada saldhigga ka dhigatay dalkeeda, markii ay oggoladeen
mashruuca Djibuuti, hishiisna ay la galeen Dowladda Itoobiya oo markii
hore colaadi ay ka dhaxaysay.
Uganda oo isa siinaysay xajmi weyn oo hamminaysay inay hoggaamiso, ma aha keliya Geeska Afrika, oo ay u sharraxnayd dalalka harooyinka waaweyn "Great Lakes" oo dhan in ay
hormuud u noqoto. Xur-gufyo iyo colaad fara badan ee xuduudeed ayaa
iyadana Eritereya iyo Djibuuti ka dhexeeya. Madaxweynaha Djibuuti
Mashruuca wuxuu talo ugula tagay Itoobiya oo keliya. Dowladda Suudan
iyadana xasaasiyad aad ah ayay ka qabtaa maamulka IGAD, maadaama
siyaasadda IGAD ay u janjeerto Gobollada Konfureed ee Suudaan in la
siiyo madaxbanaani. Imminkan qoraalkan aan gacanta ku hayno, Somaliland
waxay xirtay xudduudii ay la lahayd Djibuuti. Dowladaha IGAD ay ka
kooban tahay waa: Somalia, Djibuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo
Suudaan. Somaliya oo ah raqda la qaybsanaayo ma ahee, inta kale waa kuwa
danahooda is wada hardinayaan. Waxaana tilmaan u ah xaaladda ka soo
qaybgalka shirkii Djibuuti lagu qabtay.
[Waa socotaa..]
| |
| ||
|
|
BOGGA 6AAD | BOGGA HAWEENKA |
| Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax International Islamic University Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia Email: qasim55@hotmail.com |
SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
|
BOGGA 7AAD | DIINTA ISLAAMKA |
|
CASHARKA 67AAD WIXII KU SOO AROORAY QOWLKII EEBBE KOR AHAAYEE: [MAYNA WAYNAYN GAALADII EEBBE WAYNAANTIISA DHABTA AH, ISAGOO DHULKU DHAMMAANTIIS KU JIRO XUKUNKIISA MAALINTA QIYAAME SAMOOYINKUNA KU DUUBANYIHIIN MIDIGTIISA EEBBAA KA NASAHAN KANA SARREEYA WAXAY LA WADAAJIYEEN] As-Sumar 67. Ibn Jariirna wuxuu yiri: Waxaa ii sheegay Yuunus, Ibn Wahab ayaa noo soo tebiyay, wuxuu yiri: Ibn Sayd ayaa wuxuu yiri: Aabbahay baa wuxuu ii sheegay: in Nabigu yiri, naxariisi korkiisa ha ahaatee:"Samooyinka doddobada ahi maxay yihiin haddii kursiga la dex dhigo, waa sidi toddoba dirham oo lagu dhex tuuray gaashaan". Wuxuu yiri: Abuu Darr Allaha ka raalli noqdee ayaa yiri: Waxaan maqlay Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, oo leh:"Kursigu muxuu yahay haddii Carshiga la dhex dhigo, wax kale ma ahee waa sidi garangar bir ah oo lagu tuuray bannaan dhul ah dhexdiis". Ibn Mascuudna waxaa laga soo weriyay in uu yiri:"Samada dhaw (ee adduunyada) iyo midda ku xigta waxaa u dhaxeeya shanboqol oo sano, Kursiga iyo Biyahana waxaa u dhaxeeya shan boqol oo sano, Carshigu biyaha korkooda waaye, Eebbena Carshiga korkiisa waaye, wax camalkiinna ka mid ah oo ka qarsoomayana ma jiraan". Waxaa soo saaray (xaddiiska) Ibn Mahdi, ka Xammaad Bin Salamah, ka Caasim, ka Sarr, Ka Cabdullaahi, waxaana sidoo kale soo weriyay Mascuudi, ka Caasim, ka Abii Waa'il, Ka Cabdullaahi. Waxaa sidaa yiri: Xaafidkii Dahabi ahaa, Allaha u naxariistee, wuxuu yiri: Waddooyin buu leeyahay (xaddisku). Cabbaas Bin Cabul Muddalib Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay, in uu yiri: Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayaa yiri:"Ma garanaysaan inta u dhaxaysa Samada iyo Dhulka? waxaan dhahnay, Eebbe iyo Rasuulkiisa baa og. Wuxuu yiri: Waxaa u dhaxeeya shanboqol oo sano oo socod ah, Samo kasta iyo Samada kuxigtana shanboqol oo sano oo socod ah baa u dhaxaysa, Samo kasta jirmigeeduna waa shanboqol oo sano oo socod ah, Samada toddobaad iyo Carshigana bad baa ah, salkeeda iyo oogadeeda ay yihiin sida Dhulka iyo Samadu isku yihiin, Eebbana kor ahaayee waxaa wuu ka sarreeyaa, wax ka qarsoomaya oo camalka aadanaha ahina ma jiraan"[Abuu Daa'uud iyo kuwo kale baa soo weriyay]. [Waa socotaa..] |
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 43aad
Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
|
BOGGA 9AAD |
|
1. Nin xun wuxuu ku baraa wuxuu ku bado kaaga daran. 2. Nin aan cabsan, waa loo cabsadaa. 3. Nin kaa xoog badan hortaa buu xanaaqaa. 4. Nin xoog leh baa xaajo u tuudday. 5. Nin kaa codkarsan hadduu hortaa hadlana hadalkaaguu qaaya tiraa, hadduu kaadib hadlana, hadalkaagii buu baabi'iyaa. | 6. Nin dhul ganay iyo nin kaligii garramay labaduba ma gafaan. 7. Naago waa hilib geed saaran (haweeni waa hilib geed saaran). 8. Waan rabaa roob baa lagu waayay. 9. Waayeel ilkahaaga i tus aan tirshee lama yiraahdo. 10. Waxaad dhaqatay nin kuu diiday ha dhaqdo buu leeyahay, nin dheef kuu diidayna ha dhinto. |
BOGGA 9AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|