|
Aqarso B. Martida | Saxiix B. Martida |
|
BOGGA 1AAD |
Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre
|
|
|
|
reermiyiga ah ee abaaruhu waxyeeleeyeen roob la'aantii sanadkii la soo dhaafay awgeed. Cigaal wuxuu yiri; kumanyaal ayaa waxay u soo qaxeen xagga iyo magaalooyinka kuwaas oo ay horey u haysatay biya la'aan, boqollaal lo' ahna waxay u dhimanayaan biyo iyo daaq la'aan. |
Cigaal wuxuu intaa ku deray; in mashaakilka taagan qaarkoood ay keeneen dalalka carabta qaarkood oo go'aan ku gaaray in aaney gadan lo'da laga keeno Somaliland, sidaa darteed |
waxaa dalka ka lumay boqolkiiba 40 lacagtii adkayd ee dibadda uga imaanjirtay, wuxuuna ku tilmaamay diidmadaas in ay tahay "siyaasad" wuxuuna ku guubaabshay in ay dib u billaabaan gadashada lo'da. |
Berbera hub lagama soo dejin doono!! Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal, Madaxwaynaha dowladda Somaliland ayaa wuxuu sheegay in aanuu marnaba u ogolaan doonin Ethiopia iyo Eritrea midkood in ay hub kala soo degaan dekedda istaraatijiga ah ee Berbera. Intii aan dagaalku billaabay, Itoobiyaanka ayaa ina waydiistay wixii khadamaad ah ee ka suurtoobaya adeegsiga dekedda Berbera, sidaa waxaa sheegay Cigaal asiga oo u warramaya jornal la yiraahdo al-hayat oo kusoo baxa afka carabiga kana soo baxa London. Waxaannu u sheegnay in aanan wax ka qabin in ay u adeegsadaan ganacsigooda sida dekedaha kaleba loo adeegsado, kuwaas oo u soo bandhiga khadamaad kooxo kala duwan, ama dowlado ha ahaateen ama sharikado gaara ha ahaadeene. Waxaa kale oo aan u sheegnay in dekeddu yartahay una baahantahay dayactir iyo horumarin ayna ugu wacnayd dacdarraynta iyo dagaalladii la soo maray. Laakiin wax warcelin ah kama imaanin xaggooda annaguna wax mashaariic ah sooma jeedin. Waxaan isku daynay in aan labada qolo la faqno kadib markii khilaafka dekedahoodu billawday. Xaaladda hadda taagan, u ogolaan mayno midkoodna in uu qalab milateri kala soo dego. Kismaayo oo Ciidan Taakulayn ah loo diray Muqdishu Feb. 10 1999, (BBC), Wargayska la magac baxay Ayaamaha ayaa wuxuu sheegay in jabhadaha qaarkood ay Kismaayo u direen hub iyo taakulayn ayada oo laga baqayo in qolyaha halkaa isku haysta ay dagaal isaga horyimaadaan. Waxaa la sheegayaa in ay magaalada Muqdishu ka tageen ciidamo badan oo tigniko wata, waanwaantii nabadeedna wax guul ah lagama gaarin. Waxaa kale ee wargayskaasi sheegay in dagaal dhexmaray qolyaha loo kala yaqaan Macallin wayne iyo Gelledi ee raxanwaynta ah ay 12 qofood ku dhinteen toddobaadkii la soo dhaafay. Dagaalkaas wuxuu ka qarxay degmada Saakow ayada oo odayaasha beelahaasi shir nabadeed u fadhiyaan si ay labada qolo u heshiisiiyaan. Puntland oo ciidan booliis ah dhisaysa Waxaa kale oo la sheegayaa in dowladda Puntland ay doonayso in ay ciidan booliis abaabusho. Wargays la yiraahdo Mugadishu Times ayaa sheegay in 6000 oo booliis ah laga soo xuli doono ciidanka jabhadda, booliiski hore iyo milateriga, wargaysku wuxuu intaa ku deray in aan wali la ogayn mushaarka ciidankaas meesha laga bixin doono, waxaana la sheegayaa in ay deekedda Boosaaso ka mid tahay kuwa ugu waawayn ilaha dhaqaale ee maamulka Puntland. Cudurka Daacuunka oo Soomaaliya ka dillaacay Gedo, Feb. 12 1999 (BBC), Koofurka galbeed ee dalka soomaaliya ayaa la sheegayaa in uu ka dillaacay cudurka loo yaqaan daacuunka oo uu dilay 14 qofood oo carruur iyo dadwaawaynba isugu jira. Guddoomiyaha Gedo Maxamad Jamac Beer ayaa sheegay in 82 qof oo kale isbitaalka la dhigay, dowr kalena uu cudurku saameeyay. Qolyaha caafimaadka ku howllan ayaa iyaguna sheegay in ay jireen xaalado senteriyo qatara ah oo badanaa ka yimid biyaha wasaqda ah ee gobalkaas. Meeshaa cudurku saameeyay waxaa dhawaan soo degay dad lagu qiyaasay siddeed kun oo qof oo cunto goob ah. Wakaaladaha gargaarka ayaa joojiyay howlihii ay halkaa ka wadeen kadib markii jabhadda meeshaa ka talisa kula kacday dhowr fal oo qaab daran. |
Madaxwayne Xasan Guuleed Xukunka ma ka degidoonaa? Jabuuti feb 6, Wararka ka imanaya ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha Jabuuti Xasan Guuleed uu shaley ku dhawaaqey in uu xilka ka degidoono 9ka bisha April, ka dib marka ay soo baxdo natiijada cida ku guuleysata |
|
doorashada Madaxtinimada ee Dalkaas oo uu isagu uu san ka qeyb gali doonin. Waxa uu Madaxweynuhu arintaa ku sheegey dhambaal uu shaley u direy shirweyne aan caadi ahayn oo isugu yimid xisbiga RPP ee talada Dalkaas haya, Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkaas ku yiri ka dib markii 22 sanadood oo marwalba kalsooni buuxda la ila garab joogey umadda Dalkuna biseyl ay ku gaadhey sharaf aadami iyo karaamo walaaltinimo iyo nabad galyo. Waxaan Eebe uga mahad celinayaa inuu cimrigeyga igu simo wixii intaasi aan ku taamayey in aan gaaro oo aan sidii aan doonayey arimuhu igu dhacaan iminkana waxaa la soo gaarey buu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadu waqti ka dib afar jeer oo isku xigta oo xilka Dalka la isaarey aan u daayo in uu hogaamiyo bilowga qarniga 21aad Dalka Ninka golaha sare ee uu xisbigu u garto xilka in uu wadi karaayo. Mar aliyo markii magaciisa lagu dhawaaqey shir weynuhu sacab iyo raynrayn ayay ku soo dhawyeen Ismaaciil Cumar Geele oo ah maamulaha xafiiska madaxtooyada ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga RPP ee talada wadanka haya isagoo noqonaya musharaxa xisbiga uga qeyb galaya doorashooyinka madaxtinimo ee Dalka ka dhacaya bisha April 9 keeda 1999. Kka dib markii dhambaal hambalyo iyo bogaadin isugu jira xisbiga uu u direy madaxweynaha jamhuuriyada musharaxa xisbiga Ismaaciil Cumar Geele ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyey waxa uu u sheegey xubnaha shirweynaha ka soo qeyb qaatey in xilka la saarey uu aad u culus yahay hase yeeshee loo baahan yahay dhamaanteen inaan dhan uga soo wada jeesano. Sidaas buu yiri isagoo la hadlayey xubnahaasi wixii aan la hortagi la heyn dadweynaha doorashadaasi xisbiga si uu ugu guuleysto. Shirweynuhu waxa kale ee uu isku raacey go’aanno ay ka mid yihiin in ururka IGAD uu sii wado dadaalka uu ugu jiro nabad waartoo ka dhacda wadanka Soomaaliya. In cuna qabateynta laga qaado xoolihii soomaalidu ay u dhoofinaysay dibada gaar ahaan wadamada carbeed ee diidey. Doorashooyinkaas oo ka dhacaya bisha April 9 Dalka Jamhuuriyada Jabuuti ilaa iyo iminka waxa xisbiyada kale iyagu ma’ayan sheegin cida musharaxa u noqondoonta doorashooyinkaasi oo uga qeybgali doonta iyadoo weliba la sugayo musharaxyo kale oo madax banaan oo ka qeyb gala doorashadaas inay isku soo sharxaan. Wargayska Codka Somalida Cusub oo qayb cusub soo saaraya Wargayska Codka Somalida Cusub, waxaa loogu tala galay in uu ahaado, wargays la daabaco oo la caddeeyo lana soo saaro toddobaad kasta, qaybtan electronic-ga ah, waxaa loo yaqaan "Somali Electronic Journal". Dhallinyarada soo saarta wargayskan, in kasta oo ay guul wacan ka gaareen wargayska qaybtiisa electroniga ah, hadana waxay in muddo ahba ku riimayeen in ay qayb waraaq ahaan loo daabaco soo saaraan maalin maalmaha ka mid ah. Arrintaasi ma ahayn mid sahlan, maxaa yeelay waxay u baahantahay, maskax, maal iyo waqti intaba, waana dhowr arrimood oo aan badanaa soomaalida maanta joogta isugu toosin. Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa dhallinyarada wargayskan qora rejaynayaan in ay doddobaadyada foodda inagu soo haya soo saaraan cadadkii ugu horreeyay ee wargayskan oo waraaq ahaan loo daabacay, wuxuuna ka soo bixi doonaa magaalada Nairobi ee Kenya. |
|
Soomaali iyo qabiil maxaa kala haysta?! Laguma dhiirado in la yiraahdo qabiil hebel iyo qabiil hebel amase jilib hebel iyo jilib hebel. Taasi waxay ku tusaysaa in qabiilku uu yahay wax aan fiicnayn oo laga xishoodo. Inkasta oo ay jiraan dad xishoodka ka tagay. Waxaa caadi ah hoos u sheekaysi iyo reer “afkeenna- waa- isku-ammaan”. Waxaynu niri Soomalida qabiilka waxay u sawiratay, sida sheydaanka madaxiisa, wax kugu lammaan laakiinse aan kaa tirsanayn. Haddii aad mitaal ka soo qaadato, markii lagugu yiraahdo qabiil hebel iyo qabiil hebel ayaa baabah iska dhigeen, weliba laguu raaciyo qabiil hebel ayaa dabada laga galay. Adigana markaas, adiga oo ilka caddeynayo, ayaad tiraahdaa: “Wallee kuwaasi darbadaasi waan la rabay”. Misane inta afka laguugu soo dhaweyoo dhegta laguugu sheego in halkaasi dagaalka ka dhacay uu saaxiibkaaga hebel iyo caruurtiisa ay halkaasi ku go’doonsan yihiin oo ay qarka u saaran yihiin in la laayo. Markaas inta aad booddo oo Waawarey! Tiraahdo! Oo qoyskaasi sidee loo badbaadiyaa; iyo cidda aaggaasi haysato waa tuma uu hadalkaada noqdo. Soo tii hadda aad lahayd kuwaasi taa waan la rabay. Mise qabiilka iyo qofkaa kala laba ah. Haddii qabiilku dadka ahayn oo muxuu yahay qabiilka? Laga yaabee naftaada inaad khattar geliso, si saaxiibkaga iyo qoyskiisa aad u soo badbaadisid. Allow sahal umuuraha! Waxaa goobjoog loo soo ahaa in qabiilka, si isaga oo ah nafley goonideeda u taagan, la yiri hala aaso. Oo inta la kafanay janaasad, Dowladda si rasmi ahaaan u abaabushay, ha la aaso la yiri. Adba sheeg ma la dilay qabiilka mise tii Rabbaa u timid. [Waa socotaa...] |
BOGGA 2AAD | Somali Forum | Free Email | Free Guest Book | Free Home Page |
W.Q. Cabdikariim Xaaji Yuusuf P.O. Box 22130 Streatham SW16 6WL, London, UK. Email: Sahanpress@yahoo.com |
Weli waxaa qaybo ka mid ah dalka ka socda dagaallo sokeeye oo uu dhiig dad walaalo ah ku daadanayo, haddii la is weydiiyo ujeeddada ka dambeysana aysan ka fogeyn damac adduunyo ee ku qotoma dhulboob, dhulballaarsi, sadbursi iyo xukundoon. Maxaa nalooga baahanyahay? Arrimahaasi oo dhan maaha wax cusub horay ayaana loogu soo gubtay, natijadii ka dhalatayna waa laga wada dheregsan yahay, waxaana cidda ku hawlan cibro qaadasho ugu filan halkii ay ku dambeeyeen kuwii halyeeyada loogu magacdaray ee degaan dad deggenaa dad kale u dhacay, dhiig badanna daadiyey. Haddaba, haddii aynu nahay ummad sheegata Muslimnimo, waxa marka hore nalooga baahan yahay inaan garanno waxay ay muslimnimadu innagu waajibineyso, iyo waxa ay naga reebeyso oo dhammaantood ku saleysan masiir horseedi kara liibaanta aakhiro iyo tan adduunyo dhinaca kalena haddii laga weecdo sabab u noqon kara halaag adduunyo iyo hoog aakhiro. Diinta iyo Taariikhda bal aan dib u eegno! Markii Sufyaan Bin Cabdillaahi Ilaahay ha ka raalli noqdee uu Rasuulka(csw) weydiiyey inuu u sheego erayo gaaban ee adduunyadiisa iyo aakhiradiisaba anfaca wuxuu ugu jawaabay "Waaxaad tiraahdaa Ilaahay baan rumeeyey, kaddibna ku toosnoow". Waa labo eray oo kooban oo haddii lala yimaado aysan waxba kaa xumaaneyn, waayo midi wuxuu ku tusinayaa Islaamnimada ooah inaad Alle rumeyso, ka kalena wuxuu kuu muujinayaa inaad ku dhaqanto shareecada Alle. Taasi haddii nalaga helo wuxuu Alle noo ballanqaaday inaysan cabsi iyo murugo dusheenna ahaaneyn(Adduunyo iyo Aakhiro), iyo in barwaaqo aan ku noolaaneyno, haddii nalaga waayana Alle na dhadhansiinayo cadaab dunida dusheeda ah inta aan la gaarin kan weyn ee aakhiro. Taasi waxaan ka garan karnaa in dhibaatooyinka caalamka guud ahaan ka dhacaya ay sabab u yihiin toosnaan la'aan, iyadoo weliba Alle kor ahaaye uusan noo qaban waxyaabo badan oon gacmaheenna ku keensannay, wax badanna noo cafiyey. Dhibaatada maanta ina haysata, maxey ku salaysantahay? Sidaasi darteed, isweydiin ma leh in dhibaatada dadkeenna maanta haysataa ay ku qotonto ku toosnaan la'aanta diinta Alle, waxaana taas ka dhashay in baaska iyo balaayada qaarkeen qaarka kale la dhadhan siiyey waana sababta uu weli dhiigga walaalaha u qubanayo. Haddaba, waxaa lagamamaarmaan ah in culimada, waxgaradka, aqoonyahannada iyo inta Rabi waafajiyo ay u tafo xeytaan sidii dadkeenna loogu caqli celin lahaa, fursadna loo siin lahaa in caqligu shaqeeyo, la isuna kaashado ilaalinta iyo dhowrista waajibaadka Alle. Xisaabta maalinta qiyaanaha! Dadka ku hawlan dagaalladana loo sheego in dilka qofka muslimka ah sabab la'aan uusan bannaaneyn, garta qiyaamo la qaadayana uu ugu horreeyo dhiigga, yacni intaan dhicii kale iyo dhibaatooyinkii kale la gelin ayaa dhiiggii la daadiyey la gelayaa. Addoonkii la dilay ee la dulmay wuxuu imaanayaa isagoo nabarkii ku dhacay aad mooddo inuu saakay ku dhacay, markasuu leeyahay "Yaa Rabbi bal weydii waxa uu igu dilay ha sheegee", Maxay ku jawaabayaan kuwa maanta dadka laynaya? Gabagabo, Gunaanad iyo Waano Mu'minka, muminka kale waa walaalo, inuu dhiiggiisa daadiyo,ama dhaqan kiisa beddelo oo eed ka galo ma bannaana, waxaanan ku boorineynaa dadka ku dhex jira umuurtan ee dagaallamaya, kuwa lacagta u ururinaya, kuwa niyadda kala jira iyo kuwa ku farxa wararka dagaallada inay rabbigood ka baqaan, towbadna la yimaadaan, kuwa eedda kala galayna is cafiyaan, una soo jeestaan sidii ay aakhiradooda u wanaajin lahaayeen. |
BOGGA 3AAD |
|
(Bidix)1.Cabdalle hooyadiis (Ingriis) 2.Gabadha Cabdalle qabo (Falastiin Jordaani ah) 3.Cabdalle 4.Noor(maraykan) 5.Boqor Xuseen.(Waa masawir lagaqaaday xafladdi arooska Amiir Cabdalla) |
Boqor Xuseen oo Geeryooday Kuait 6 Feb.(al-qabas), Boqor Xuseen Bin Dalaal, boqorka dalka Jordan oo ahaa ninkii ugu facwayanaa madaxda maanta nool ayaa la sheegay in uu geeryooday kadib markii dhowr jeer laga daaweeyay cudurka kansarka. Boqor Xuseen wuxuu dhowr jeer daawo u aaday Amerika, hase yeeshee markii ugu dambeeysay waxaa laga keenay asiga oo aad u xanuunsanaya, waxaana loola orday isbitaalka ciidanka ee Jordan. Qoyska reer boqor oo uu u madax yahay curadkii boqor Xuseen amir Cabdalla ayaa shir degdeg ah isugu yimid waxayna ka hadleen sidii la yeelilahaa Boqorka, maxaa yeelay wuxuu ku neefsanayaa qalabka lagu neefsado, asiga oo run ahaantii dhintay oo aan maskaxdiisu noolayn. Marka qoysku waxay u shireen in ay go'aan ka gaaraan in laga saaro boqorka jirkiisa qalabka uu ku neefsanayo, si ay dhimashadiisa loo hubiyo. Boqor Xuseen wuxuu boqornimada u magacaabay wiilkiisa maalmihii ugu dambeeyay, markii uu ka soo laabtay Maraykanka, waxayna u egtahay in maraykanku ku dhiirri gelsheen arrintaas, maxaa yeelay dhaxalka waxaa lahaa walaalkiis amiir Xasan. Amiir Xasan waa nin u janjeera Carabta iyo Faransiiska, sidaa darteed Ingriiska iyo Maraykanka iyo Yahuuddu way ka baqayeen siyaasaddiisa, wiilka uu hadda u magacaabay ee curadkiisii ah ee la yiraahdo Cabdalla hooyadiis waa naag ingiriis ah. Waxaa kale oo boqorku ka dardaarmay in amiir loo magacaabo wiil ay dhashay naagtiisa maraykanka ah ee la yiraahdo Nuura, wiilkeeda waxaa la yiraahdaa amiir "Xamsa". Afganistan oo diiday in ay bin Ladan cayriso Kuait, 6 Feb.(al-qabas), Shir dhexmaray nin ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo dowladda ka talisa Afganistan ayaa waxaa dowladda Maraykanku uga codsatay jamaacada daliban ee ka talisa Afganistan in ay dalkooda ka eryaan wadaadka loo yaqaan Bin Ladan. Wadaadkaas, waxaa dowladda Maraykanku ku eedaysay in uu aabbe u yahay argagixisadii ka dambaysay qaraxii ka dhacay safaaradahooda ku yaalla Nairobi iyo Darussalam. Jamaacada Dalibaan waxay af buuxa dowladda Maraykanka ugu sheegeen in aaney marnaba ka eryi doonin wadaadkaas dalkooda, maxaa yeelay wuxuu marti u ahaa dalka afganistan tan iyo maalintii uu billawday jihaadkii dalka looga eryay gumaysigii Ruushka. Waxaa kale oo warku intaa ku deray in laba nin oo lagu tuhunsanyahay in ay ku lug lahaayeen qaraxii safaaradaha maraykanka ka dhacay lagu qabtay Mambasa, oo loo dhoofin doono Maraykanka si maxkamad loo soo saaro. |
BOGGA 4AAD |
|
|
|
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan] Maxay tahay doodda aqoonyahannadu? Doodda aqoonyahannada waxay dulucdeedu tahay in ay u arkaan in Somaalida sidii markii horay loo haysta in ay xoogaa ka duwan tahay amase aadba uga duwan tahay. Somaalida waxaa loo haystay in ay tahay Ummad ka dhaxeyaan wada dhalasho, xeer, af, diin iyo dhaqan. Hase yeeshee aqoonyahannadu ay u arkaan in Somaalidu ay tahay dad aad kula duwan oo aysan ka dhaxaynin xiriir adag oo ay ka midaysan yihiin, waxa afka qalaad lagu yiraahdo "homogeneity". Sababtaasine ayay u aanaynayaan burburburka dalka ka dhacay. Maxaa yeelay, sida ay qabaan aqoonyahannada, dad aan isku mid ahayn ayaa loo maamulay si dad iskumid ah markii laga eego xagga dhaqanka, afka, xeerarka iyo Diintaba. Sidaas awgeed ayay xoogga baaristooda u qallocatay si ay u caddeyaan sida ay dadka u kala duwan yihiin, waxa loo yaqaano "diversity". Runtii waxaynu aragnaa bulshada dunida ku nool giddigood waa kala nooc, haddane nidaam iyo horumar la majaraysto ayay ku nool yihiin. Markaa ma istiri, midhaa waxa inaga maqan waa kala duwanaanta. Illeen waxaad aragtaa qof kasta ama qola kastoo Soomali ahi inay isku arkaan inay yihiin keligood boqor, oo u arkana arimaha dalka inaan loogaga horreynin, lagana mudnayn, xittaa haddii uusan markaasi raali ka ahayn sida ay wax u socdaan. [Waa socotaa...] |
|
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo! Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan. Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel). |
|
Keenee gar daran? Inta aan Qabiil ku doodayn!! Caata qaatayaasha qabiil ku dirirka ah waxaa iyaguna garab socda kooxo kale oo fara badan, kuwaas oo kulligood u wada malabsanaya madaxweyne Soomaaliyeed, ha ku dooneen si qaldan ama si toosane horta qola walba waxa ay naf iyo maalba u huraysaa sidii mar uun loogu magacaabi lahaa madaxweyne, waxaanan kuwaas kale u kala saaraynaa sidatan soo socota. Kuwa ka dhashay qolooyin taag daran, iyo kuwa aan garanayn meel ay isku xisaabiyaan iyaga qudhoodu ma ahan kuwa sabirsan ee waxa ay ku adkaysanayaan sidatan: Ma intiinaasaa ummaddu maxaad hadalka isugu cel-celinaysaan keligiin? ma ogtihiin inaad intiinuba geel jirayaal reer baadiye ah tihiin? oo aadnaan waxba ka aqoon xukun iyo dawladnimaba? War niman yohow warkaas intaad u kaadisaan ood bani aadminimada dhawrtaan dadka kale fursad siiya oo weliba idinku waxna ma taraysaan mana heshiinaysaan ee fadlan na dhaafa. Sidoo kale la garay inaad gumaysi doon tihiin weligiinna aadnaan waxba wanaajinayne maruun bal noo daaya madaxweynenimada. Waa socotaa... |
|
Gariirka iyo Cune Xanuunka 1. Gariirka Waxaa caruurta qaar ku dhaca gariir marka xummaddu ama qandhadu ka badato. Haddii qandhaduna sarreyso ilmihii ama qofkii waynaana gariiraan waxaa cad in xummaddu adagtahay. Waxaa dhici karta in jeermiskii ama suntiisii jidhka soo galay uu u gudbay wareegga dhiiga. Qofkasta oo gariiraa waa in lagu dadaa buste diiran (maya mid qabow). gariirku wuxuu ku dhammaan karaa dhawr minit waxaana la arkaa dhidid badan oo qofka ka baxay. 2. Cune Xanuunka Cunaheena caadiyan waxaa ku jira jeermis badan ama virus xitaa markaynu caafimaadka qabno. Qaar badan oo ka mid jeermiskaas sida streptococcus-ka, influenzada iyo pneumonia-da, iyo kuwo kale waxay sababi karaa ama keeni karaan jiro waqti kasta. Waxaase la yaab leh marwalba ma keenaan, sababtana waxaa la yiraahdaa ilmaha yar oo iska difaaca jeermisyadaasi ma ku keeno xanuun, waxaana laga celiyaa in jeermiskaasi galo xuubka cunaha (membrane). Haddiise ilmaha awooddiisa difaac yaraato waxaa dhacda in cune xanuun ku dhaco oo uu jirado iyadoo jeermiskii galay xuubkii kuna siidaayey suntiisii (toxins) taasoo sii raacda dhiigga. Cune xanuunkii waa calaamo lagu garto cuduro badan sida hargabka, influenzada, ama jadeecada iyo mumps. Waa socotaa... |
BOGGA 5AAD |
|
|
Ujeedada xafladdaas loo qabtay waxay ahayd in la muujiyo doorka lagama maarmaanka ah ee ay haweenku uga jiraan bulshada jarmalka. |
Xijaabka iyo Haweenka Afqanistan Dalkaasi Afganistan, markii ay xukunkiisa la wareegeen kooxaha sunniga ah ee diinta aad ugu dheggan, waxay billaabeen in ay dadka dhulkaas u dhashay ee halkaas ku dhaqan ku cadaadshaan raacidda diinta axkaamta islaamka. Sida ay u fahmeen wadaaddada loo yaqaan "Daalibaanka" diintu way xaaraamaysay in la daawado telefishan iyo Vedio iwm, ama la dhegaysto idaacadaha gaalada sida BBCda iwm. Sidoo kale waxaa lagu waajibshay haweenka dhulkaas ku nool in aanay marnaba magaalada marin ayaga oo aan raggooda la socon ama aan walaalahood ama aabayaashood la socon. Sidoo kale waxaa lagu waajibshay in ay xirtaan dharka loo yaqaan xijaabka oo ay dedaan korkooda oo dhan iyo wajigooda, haddii la qabto haweeney sidata dhar aan jaadkaas ahayn waxaa ay wadaaddadaasi gooyeen in la ciqaabo, ayada oo lagu dhufanayo boqol karbaash. Waxaa sidoo kale haweenka dhulkaas ku nool laga xaaraantimeeyay in ay guursadaan nin aan aabbahood ama walaalkood ku derin, haddii aytaas falaanna waxay halis u yihiin in la xiro ayaga iiyo nimanka ay guursadeenba. Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa la xiray oo maxkamad la soo saaray gabar baakistaaniyad ah oo guursatay wiil ayada oo aan aabbaheed amar ka qaadan, gabadhaas waxaa lasoo qabtay ayada iyo kii guursaday ayaga oo doonaya in ay u dhoofaan dalkaasi maraykanka, waxaana iminka socota maxkamaddoodii. |
BOGGA 6AAD |
|
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan: 1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog) 2. Mowduuca: Tawxiidka. 3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab. |
|
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre 5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin. |
CASHARKA 30AAD WAXYAABIHII KU SOO AROORAY XAQEEQADA IIMAANKA Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: [Dadka waxaa ka mid ah cid ka yeelan Eebbe ka sokow wax lala caabudo una jecelyihiin say u jecelyihiin Eebbe] Al-Baqarah 165. Waxaa kale ee uu yiri: [Waxaad dhahdaa haddaad aabbayaalkiin, carruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna, qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan in uu baaro iyo guryo aad ka raalli tihiin ka jeceshihiin Ilaahay, Rasuulkiisa iyo jahaad jidkiisa, suga inta Eebbe ka keeni amarkiisa] At-Tawbah 24. Anas waxaa laga soo weriyay in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Midkiinna rumayn maayo inta aan anigu ka ahaanayo mid uu ka jecelyahay wiilkiisa, waalidkiis iyo dadka oo dhan"{Bukhaari, Muslim}. Waxaa Bukhaari iyo Muslim ka soo weriyeen Anas in uu yiri: Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayaa yiri:" Qofkii saddex walxaato laga helo wuxuu ku helaa iimaanka macaantiisa:Waa in Ilaah iyo Rasuulkiisu ay yihiin kuwa uu ka jecelyahay wayaabaha kale oo dhan, iyo in uu qofka u jeclaado Ilaahay dartiis, iyo in uu nacbaysto in uu kufrigii ku laabto kadib markii Eebbe ka koriyay sida uu u necebyahay in naarta lagu tuuro". Riwaayad kalena waxaa ku yimid "Midkiinna heli maayo macaanta iimaanka intii.." Ilaa iyo dhammaadka xad-diiska. Ibn Cabbaasna waxaa laga soo weriyay, Allaha ka raalli noqdee, in uu yiri:"Qofkii Ilaah awgiis wax u jeclaada, oo Ilaah awgiis wax u necbaada, oo Ilaah awgiis wax u xiriirsha, oo Ilaah awgiis wax u naca, wilaayada Eebbe sidaa uun baa lagu gaaraa. Addoonna iimaanka macaantiisa heli maayo, salaaddiisu inkasta oo ay badnaato iyo soonkiisu inta uu sidaa ka noqonayo. Waxyaabaha ay dadku ku walaaloobaanna waxay noqotay ammuuraha adduunyada, taasina dadkeeda wax uga terimayso"{Ibn Jariir}. Waxaa Ibn Cabbaas ka yiri Qawlkii Eebbe: [Kalana go'ay xiriirkoodii]Al-Baqarah 166. Wuxuu yiri: Waa "Jacaylka". MAS'ALOOYINKA CASHARKA Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda Al-Baqarah. Tan 2aad: Waa tafsiirka aayadda Bero. Tan 3aad: Waa in uu waajib yahay jacaylka Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaadeene, laga jeclaanayo nafta iyo xaaska iyo xoolaha. Tan 4aad: Waa in iimaan la'aanta la sheegay aysan tusayn ka bixidda Islaamnimada. Tan 5aad: Waa in iimaanku macaan leeyahay taas oo qofku helayo ama uusan helayn. Tan 6aad: Waa ammuuraha laabta ee afarta ah ee aan wilaayada Eebbe wax aan ayagga ahayn lagu gaarayn, oo aan iimaanka macaantiisa wax aan ayaga ahayn lagu helayn. Tan 7aad: Waa sida saxaabigu u gartay arrinta dhabteeda: taas oo ah in dadka guud ahaan walaalowgoodu yahay amuuraha adduunyada. Tan 8aad: Waa tafsiirka aayadda [Kalana go'ay xir-iirkoodii]. Tan 9aad: Waa in mushrikiinta ay ku jiraan qaar Eebbe aad u jecel. Tan 10aad: Waa gooddiska loo gooddiyay qofkii siddeed-du uga fiicanyihiin diintiisa. Tan 11aad: Waa in qofkii la yeesha Eebbe shariig jacaylkiisu jacaylka Eebbe la egyahay uu shirki wayn ku dhacay. |
|
Qaybtii 1aad Warsidaha Maalinlaha ah (The Daily News) Kanisadda Skotland way saartay dhalashadii Bikrada ee Ciise Masiix(CS) Alle Ciisuu Doortay Eebe wuxuu doortay Ciise (CS) oo qani ku ah xikmad, nuur iyo run; wuu falsafadeeyey masaakiinta dunidan, wuxuuna yidhi "Waxaa u yimid naag haysa weel alabastar ah oo cadar qaali, waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey' laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen 'khasaaradanu maxay ku noqotay? Maxaa wacay kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa. Ciise goortuu gartay ayuu yidhi, maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayey igu samaysay. Waayo masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse mar walba idinlama joogo". Maatayoos 26:7-11 Laakiinse markii dihaal iyo rafaad wajiga ka jiidhay. Markii fakhri, saboolnimo iyo baahi ay taabatay naftiisii, wuxuu ku yidhi si qarracan ah sidan: "Ciise ayaa ku yidhi, dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbiraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin wiilka aadanuhu (isagoo u jeeda isaga naftiisa) meel uu madaxiisa dhigo ma leh". Maatayoos 8:20 ama Luukos 9:50 Eebana Ciise (CS) isagaa doortay: Allow dariiqooyinkaaga waa kuwo wax la mid ahi jirin lana sahamin karin. (Waa socotaa...) |
BOGGA 7AAD |
|
|
Qaybtii: 25aad Kaliila iyo Dimna Waxaan tusaalahan kuugu soo qaaday in aad ogaato god dhagareed ninkii qoda in ay dhici karto in uu ku dhaco, adiguna Dimnow waxaad kulmisay dhagar, sabasho iyo ballan furyo, waxaanna kaaga baqayaa miraha tacabkaaga, adiga oo aan abaal marinta ka fakanayn. Maxaa wacay laba midable iyo laba carrable baad tahay, biya wabina waxay macyihiin intaysan bad gaarin, qoysna wuxuu hagaagaa haddii aan habaar qabe ku jirin, adigana wax abeeso laba carrableey kaaga egi ma jiraan taas oo mariid wadata. Carrabkaagana waxaa ka socda mariidkeeda oo kale, aniguna wali waxaan carrabkaaga uga baqayaa mariidkaas, iyo waxa la filayo ee kugu dhici doona, walaalaha iyo wadayaalka kan kala geeyana waa sidii abeeso nin korinayo oo uu dheefinayo, oo uu salaaxayo oo dhaqaalaynayo, kadibna wax aan qaniinyo ahayn uusan ka hellayn. Waxaana dhicikarta in la yiraahdo, wax garad iyo deeqsiba la deris oo la soco, oo iska jir in aad ka fogaato, ninkuna haddii uu garaad iyo garasho leeyahay la soco, ama uu garaadle garasha laawe ah yahay. Maxaa yeelay garaadlaha garashada lehi waa dhanyahay, garaadlaha aan garashada lahaynna iskala soco, inkasta oo aan abuuristiisa la mahadin, kana digtoonaaw abuuris xumadiisa garaadkiisana ku dheefso. Deeqsiga aan garaadka lahaynna la soco xiriirkiisana ha goyn, inkasta oo aadan garaadkiisa mahadinayn garashadiisa ku dheefso oo garaadkaaga ku kaali, intii aad ka dheeraan kartana ka dheeraw uurxumaalowga dabbaalka ah. Aniguna in aan kaa dheeraado ayaan mudanahay, sidee baa walaalahaa deeq iyo jacayl kaaga sugayaan, adiga oo boqorkii ku daryeelay oo ku wanaajiyay wixii aad fashay ku falay?. (Waa socotaa...) |
BOGGA 9AAD |
|
|
| idinku maanshaynne. Miidaan la soo xidhay shirkuu rag isku maan dhaafo. Isagoo muxtaad loo yahay baan muunadayn jiraye. Markaasaan muquuno u baxshaa arar leh miisaane. Midh la yeedhku goortuu bartaan Keygi meel dhigaye. Miyirsada anaa tu' aan yarayn Idinku maanshayne. Afartaa wax layskuma maro e' miim ma ka higaadshay. Maxlal hadalka waa u odhan jiree ma u masa'lo sheegay. Malyandheerta aratuu ahaa macallinkaygiiye. Mudanii afloo iyo sidii muxumad ma u yeedhshay. Micne micna kalana waa hadalladay muhatay laabtaydu. |
|
Qaybtii 12aad 141.Ruqe ninkii la haa dabada kaga taaganyahay ma kaco. 142.Rag howl la'aan meel waa u maraa, howl la'aanse meel uma fadhiyo. 143.Reerkaan doonayay roob igu eri. 144.Rag gogoshii waa godob la'aan. 145.Run iyo beeni kala raad leh. 146.Rag shir lagama daayo, arina | shidho lagama daayo, lo'na shiish barqo lagama daayo. 147.Riibi geeda ma daaqo lagamana daaqo. 148.Runta haddaan la sheegin wax ka xun baa la sheegaa waa beene. 149.Rag wax aan ruuxiisa ahayn oo raaga wuu necebyahay. 150.Rag dheriga wuu ka sugaa, dhulkase kama sugo. |
BOGGA 8AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|