Dagaalkii Majeerteen iyo Mareexaan Muxuu ku dambeeyay?
NAIROBI JAN 10, Gudoomiyaha ururka SPM General Aadan C/laahi Nuur (Gabyow) isla markaasina ah Gudoomiyaha Guutida Absame ayaa waxaa uu sheegey iney uga socdeen sidii loo dhexdhexaadin lahaa labada reerood ee dhibaatadu dhextaala Magaalada Kismaayo eyna heshiiyaan sidii eyan u dhicin wax dhibaato ah oo dambe.
Gen, Gabyow waxaa uu yiri anagu waxaan ka nahay hadaan nahay Absame dhexdhexaad oo aan u muujino meesha Kismaayo la yiraahdo wax dagaal ah ineyan ka dhicin ama Jubbaland.
Gen Gabyow waxaa uu qoraal ku soo saarey sidii nabad heshiis ey u gaari lahaayeen Mareexaan iyo Majeerteen Midnimo, Soomaalinimo iyo walaalnimo mideysan, wixii iyaga kala gaarey inaan lagu dhameynin xiqdi iyo xumaato ee lagu dhameeyo wadajir iyo walaaltinimo deegaanka Kismaayo loogu wada degenaado.
Gen. Gabyow wuxuu carabka ku dhuftey inuu Mareexaanka joojiyo Dagaalka iyo xulufada uu wato ee uu ka soo kaxeysanayo meelo fog fog oo wada hadal kana la dhowro, dhanka kale Majeerteenka wey ogolaadeen nabada.
Gen Gabyow waxaa uu sheegey in hadii Magaalada Kismaayo la soo weeraro in Absame uu difaacayo Magaalada Kismaayo si buuxda iyadoo ey ugu wacan tahay maatada iyo marasta Absame ee ku nool Kismaayo, taasi waxey ka turjumeysaa dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhaca Kismaayo ee ay ku dagaalameen labada reerood.
Waxaa qolada weerarka soo tebiyay dheegeen, in ay si toos ah u soo weerareen meelihii uu Absame degenaa iyadoo markaa ey qasab ku noqoneysa inuu Absame difaaco magaalada Kismaayo.
Sidoo kalena Cumar Xaaji Masale ayaa wuxuu ka waramey xaalada guud ee uu ururkiisa SNF ee uu hogaamiye ka yahay ka damacsan yahay dul degida uu dul degan yahay magaalada kismaayo ey tahay sinaba wada hadal iyo heshiis ey ula gelin dadka isisiinaya magaalada Kismaayo, balse dadka laga soo saareyna Guryahoodana aanu ku celino taasi oo keeni karta oo kaliya in xalka iyo nabada magaaladu ey tahay in laga saaro dadka fidno wadayaalka ah ee Kismaayo jooga.
Masale oo kol hore la hadley masuuliyiinta gobolka qaar ka mid ah iyagoo shir ku yeeshey magaalaga Nairobi intii uusan dhicin dagaalkan ugu dambeeyey ee ka dhacay Kismaayo oo ey markaa isla meel dhigeen sidii loo xalin lahaa mushaakilaadka ka dhex taagan labada reerood.
Sidoo kale waxaa isna ka hadley shirkaas, Maslax Maxamed Siyaad Barre waxaana uu sheegey in nabad lagu wada degenaado magaalada Kismaayo.
Caato oo Cambaareeyay Maamulka Muqdishu
Ismaan Caato
|
Warar kale oo ka imanaya Muqdishu ayaa waxey sheegayaan in Hogaamiye Cusmaan Xasan Cali (Caato) uu cambaareeyey Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqey iney ku soo rogayaan magaalada Muqdishu Bandow Habeenkii.
Caato waxaa uu hada ka hor sheegey inuu ka soo hor
|
jeedo sideedaba Maamulka Gobolka Banaadir, Caato isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri hadii aan ka hadlo, Gobol Banaadir wax la yiraahda waa uu jirey hadase ma jiro.
In la dhiso gobol banaadir maamul laa sameeyo loona fududeeyo umadaas
Soomaaliyeed ee Gobolka ku dhaqan dhibaatada heysa Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha aduunkana mucaawino loo weydiiyo waxa hortaagan oo ey ka suurto gali weydey waa Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid iyo nimanka kale ee la xulufada ah iyagoon cidina dooran misna isku magacaabeen iney sameeyeen oo eyna ku dhawaaqeen maamul Gobol Banaadir.
Caato waxaa kaloo uu intaa uu ku darey; waa in maamul marka la dhisayo la isku yimaadaa, la wada hadlaa oo hogaamiyayaasha magaalada sida Bood iyo Yalaxow, Aniga iyo inta kale ee magaalada Muqdisho joogta ey go’aan gaaraan oo la isku ogaado haddii ey wax ka soo baxaan, markaa la sameeyaa maamul loo dhan yahay.
Laakiin ciidan Qabiil ah oo dhar Masar laga keeney loo geliyo Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha ma furikaraan.
Sidoo kale mar Cusmaan Caato wax laga weydiiyey shirka Baledweyne ka socda wuxuu ku jawaabey in beelaha Hiiraan ku abtirsada marka hore Gogosha si wadajir u dhigaan, shidada dhexdoodana ku jirtana la xaliyo markaa ka dib beelaha U.S.C ee aan Gobolka ka tirsaneyn loo yeero oo markaa lawada hadlo iyadoo Ragga Gogosha dhigey ama shirka qaban qaabiyey aan taageersanahay.
Waxaana oran lahaa waa in loo dhamaadaa dhamaan dadka shirka loogu wacay waayo sida uu yiri Caato haddii shirka dad ka maqan yihiin hadalka qiimo ma yeelenayo oo meel cidlo ayuu ku dhacayaa.
Muqdishu: Amarkii degdegga ahaa oo dib loo dhigay!
MUQDISHU JAN 14, War ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegey in dib loo dhigey amarkii degdega ahaa ee Bandowgii lagu soo rogi lahaa Magaalada Muqdishu ee lagu dhawaaqey horaantii bishan.
Warkaasi waxaa uu intaa ku darey in go’aan kani la gaarey ka dib markii la dhageystey sida la sheegey codsiyo ka yimid Dadweynaha oo ku saabsan in go’aan kaasi dib loo dhigo iyadoo la tixgelinayo sida la sheegey Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Waxaa kaloo uu warkaasi sheegey in marka lagu dhawaaqi doono dhaqan gelinta amarkaas Bandowga ahi dib laga soo sheegi doono, hadalkani waxa uu soo baxay kadib markii uu magaalada Muqdishu toddobaadkan uu ku soo laabtey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xuseen Cali Axmed oo ka mid ahaa wafdi uu hogaaminayey Xuseen Maxamed Caydiid oo Booqashooyin ku kala tagey Dalalka Masar, Sucuudiga iyo Isu taga Imaaraadka Carabta ee Midoobey.
Waxaa uu Gudoomiyaha oo safarkiisa ka hadley yiri; inuu Dalka Sucuudiga uu u balan qaaday in tababar la siinayo Garsoorayaasha Maxkamadaha Gobolka Banaadir, iyo in xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta uu sheegey iney Soomaaliya u soo dirayaan ergey wakiil uga ah arimaha Soomaaliya.
Sidoo kale Xuseen Cali Axmed wuxuu sheegey in shirkado Dowladeed iyo kuwo gaar ahaaneedba oo ka tirsan Dalka Imaaraadka Carabta ey Gobolka Banaadir ka caawin doonaan howlaha dib u furida Dekada Muqdisha iyagoo sheegey iney keenayaan waxyaabo Maraakiibta soo jiida.
Dab Qabsaday Xeryihii Qaxootiga Muqdishu
Wararka kale ee ka imanaya Muqdisho ayaa waxey sheegayaan, in ka dib markii shaley dab uu ka dhacay Xero Qoxooti oo ku taala agagaarka Fagaaraha (Tarebuunka)ee Magaalada Muqdishu ay afar qof dhinteen.
Sida waraku sheegay, waxaa xeradaasi ku noolaa 1,500 qoys oo soomaali ah oo ka soo qaxay Gobolo kala duwan, Dadkaasi dhintey waxey isugu jireen labo caruur ah iyo labo Odey oo Da’ah, kuwaas oo dhex hurdey Guryahoodii oo ka sameysnaa Cooshado isku raran ahaa markii uu Dabku kacay.
Dabkaasi waxaa ku gubtey saddex xaafadood oo xeradaasi qoxootiga ka mid ah iyadoo ey ku Guryo beeleen 675 qoys oo ka mid ahaa.
Dadweynaha deegaanka ey ku taalo xereda qoxootiga ayaa u soo gurmadey sidey dabkaasi oo kacay sagaalkii subaxnimo ey u baqtiin lahaayeen iyadoo ey Dadkaasi isticmaalayeen Caro iyo Biyo
Dabkaasi oo la sheegey inuu ka dhacay mid ka mid ah aqalada halkaasi ku yaaley oo ey Dad Dhalinyaro ahi ey wax ku karsanayeen, waxaa sii huriyey Dabeylo xoog leh oo maalmahan dambe Magaalada Muqdishu ka dhacayey.
Dadkaasi waxey xerada degenaayeen ilaa iyo 7 sano waxeyna ka kala yimaadeen Gobolada Bay, Bakool, Shabeelada Dhexe iyo Jubada Dhexe iyo meelo kale oo Dalka ka mid ah.
Dadkaasi oo u badan Caruur, Haween iyo Waayeel, waxey u badnaayeen Dad ka kala yimin Gobolada Bay iyo Bakool iyadoo ey abaaro iyo colaado ey isugu darsameen, waxaana ka muuqda dar xumo aad u weyn iyadoo inta socota ey ka tuugsadaan wadooyinka suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho halka kuwooda xooga lihi ey ka xamaashaan suuqyada.
Madaxda Somaliland oo dalka soo kormeertay
HARGEYSA JAN 13, wafdi ey hogaaminayaan xubnaha ka tirsan golaha wasiirada ee Dalka la magacbaxay Jamhuuriyada Somaliland oo ey la socdeen Hay’adaha caalamiga ee UNHCR, UNCEF iyo WFP ayaa ka soo laabtey sahan ey ku soo mareen Gobolda Dalka, kaas oo ey ku soo eegayeen sida ey u saameeyeen abaaruhu .
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Biixi oo ka waramayey Gobolada Togdheer iyo Sool ayaa waxaa uu sheegey in dhibaatada ugu weyn ee Dadka iyo Xoolaha heysata ey tahay Biyo la’aan.
Waxaana la sheegay in ey ugu daran tahay Degmada Buuhoodle meelaha qaarkoodna biyaha ku jira eyan ku fileyn labaatan maalmood wax ka badan.
Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka Maxamed Muuse Cawaale isaguna wafdigii uu hogaaminayey waxay soo mareen Degmooyinka Salaxley, Oodweyn, Balidhiig iyo Burco, wuxuuna sheegey in Biyo la’aanta Dhulka uu soo marey ey ugu badan tahay Dhulka Howdka.
Waxaanu sheegey iney sababtu tahay Gugii oo Biyo yaraa Baraagyadii oo intoodii Badneyd Burburtey iyo Ceelel dhaadheer aanu la heyn Dhulkaasi.
Sidoo kale waxaa Dalka loo ogolaadey iney yimaadaan Dad tiradoodu ey gaareyso 200 ruux oo Qoxooti ku ahaa Dalka yemen iney dib ugu soo laabtaan halkaasi horey ayaa mas’uuliyiinta Somaliland waxey u hakiyeen howlihii dib loogu soo celinayey Dadka Qoxootiga ah ee dibadaha ku nool.
Wasiirka Dib u Dejinta ee Dalka la magac baxay Jamhuuriyada Soomaaliland C/laahi Xuseen Imaan (C/laahi Darewal) ayaa waxaa uu sheegey sababta Qoxootiga Yemen jooga oo kaliya loogu ogolaadey iney wadanka yimaadaan ey tahay iyadoo Qoxootigaa aney xero ku jirin oo eyna yihiin Dad horeyna loo sii yey sahaydii ey ku degi lahaayeen Dadkaas waxey soo kala raacayaan labo Duulimaad.
Soomaali ku shaqo beeshay Maraykanka
FARGO JAN 12,Warar ka imanaya Magaalada Fargo ee ku taala Gobolka Waqooyi Dakota ee Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in warshad Hilibka Baceysa iridaha loo xirey waxeyna keentey in shaqo la’aan qabsato Dad aad u faro badan oo Soomaali ah oo u shaqeynayey warshadaa Hilibka Baceysa.
Dadkaa Soomaalida ahi oo dhawaan wadanka yimid iyagoo ka yimid Afrika, nin u hadley Warshada ayaa wuxuu sheegey in Dadkaasi, badi eyan ku hadlin qorina Af-ingiriisiga laakiin ey la raadinayaan shaqooyin, warku waxa uu intaa ku darayaa in wadankani shaqooyinku ey buuxaan.
Shir lagu qabtay Magaalada Beledwayne
BALADWEYNE(Jan11) Wararka ka imanaya ayaa waxey sheegayaan in shirkii weli loo fadhiyo Afayenka shirka Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa waxaa uu sheegey in ujeedada shirka ey tahay in umadda soomaaliyeed guud ahaan ey ku heshiiso laakiin loo kala hordhigo dhibaatooyinka soo jiitamayey sidii xal loogu helo waxaana la hormariyey Beelaha ku abtirsada U.S.C.
Afayeenka mar wax laga weydiiyey inta uu soconayo shirku waxaa uu yiri waxaa uu socondoonaa ilaa aan ka gaarno nabada loo dhigey Gogosha , waxaana shirka ka soo qeyb galey ilaa 70 xubnood wafuud gaareysa oo ka timid dhinaca Gobolada Galgaduud iyo wafdi ilaa 150 qofood gaareysa oo dhinaca Muqdishu ka kala timid ilaa iyo hada shirka waxaa fadhiya 400 qofood oo ka qeyb galey shirka.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in Boqorada iyo Ugaasyada shirka wada ey ugu baaqeen iney ka soo qeybgalaan shirka Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid oo sida la ogyahay diiday iney shirka ka qeyb galaan iyadoo ey horey uga soo saareen Hogaamiyayaashaas Baaq ah iney shirka sinaba ugu raacsaneyn dadka matalaya iyaga ee shirka tegey ee hada shirka jooga sidaasi awgeed ayey waxey ku shireen magaalada Muqdisho oo eyna go’aankan ka soo saareen.
Sikastaba arintu ha ahaatee waxaa Dadka iyaga matalayey ee hada shirka fadhiya ee ku sugan iney u sheegeen walaalahooda isla mar ahaantaana ey qilaafka laga heshiiyo oona la isku afgarto oo dabadeeto si wanaag ah loo wada hadlo goobta shirku ka dhacayo.
Dhanka kale Muuse Suudi Yalaxow iyo wafdi uu hogaaminayo oo ahaa wafdigii kala qeyb galey shirka Balad-weyne ayaa Toddobaadkan ku soo laabtey Magaalada Muqdisho, Hadal uu saxaafada siiyey waxaa uu ku sheegey in shirka Magaalada Balad weyne uu haatan guda galey xalinta dhibaatooyinka Beelaha U.S.C ee dagaalada sokeeye ey ku dhex mareen meelo ey ka mid yihiin Gobolada Galguduud ,Hiiraan, Banaadir iyo Goobo kaleba.
Wararka ugu dambeeyey ee shirka Baladweyne ee maanta naga soo gaaraya waxey sheegayaan in la saxiixey hashiis ey gaareen labadii Beelood ee horey ugu dirirtey Deegaanada u dhexeeya Degmooyinka Ceeldheer iyo Gal-hareeri ee Gobolka Galguduud Heshiiskaas oo ey gaareen 25 xubin oo ey Hogaaminayeen Hilowle Imaan Cumar iyo C/laahi Geedi Shadoor iyo 20 kaloo xubnood oo ey Hogaaminayeen Ugaas C/qaadir Ugaas Xaashi iyo Shiikh Ibraahim Fagaareeye.
Waxaa qodobadaasi ka mid ahaa in la fuliyo heshiis labada dhinac ey kol hore ku kala saxiixdeen Tuulada Bergaan ee Degmada Gelhereeri oo ey Horseed ka ahaayeen Culimada labada dhinac ee deegaan kaasi ka kala tirsan, in labada Beelood ey ku dhaqmaan shareecada Islaamka iyo in dhameystirka Heshiiskaas loo daayo Madaxda iyo wax garadka labada dhinac ee deegaanadaasi.
Waxa kale oo heshiiskaasi wax ka saxiixey shir Gudoomiyahay shirka Balad weyne Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.
Wararka kale ee naga soo gaaraya shirka Hiiraan ayaa waxa uu sheegayaa in wafdi ka kooban seddex nin oo kala ah Dr. Cali Cabdi Camalow, Prof. Cali Maxamed Geedi
iyo Xasan Qalaad ay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi iyagoo waraaqo ka soo baxay shirkan u sida UN iyo hay’adaha kale ee Caalamiga ah.
Mustaqbalka Soomaalida Canada
TORONTO JAN 15, Soomaalida Kanada ku nool oo intooda badan ey soo galeen Dalka Kanada laga bilaabo sanadkii 1991, ayaa Waaxda Socdaalka ee Kanada waxa ay tiradooda ku qiyaastey ilaa100,000 ku dhawaad oo kala bar Dadkaasi ey ku nool yihiin Magaalada Toronto iyo agagaarkeeda.
Maadaama eyan soomaaliya wax dowlad ah ka jirin sanooyinkii la soo dhaafey ayaa Soomaalida Kanada warqadaha Soomaalinimo ey wateen waxaa laga soo qaadey waxaan jirin markaa soomaalida waxaa lagu soo rogay sharci qoraya in qofka Soomaaliga ahi maalintuu Kanada yimaado uu sugayo sharciga Kanada mudo shan sano ah.
Arinkaas waxa uu saameeyey qiyaastii 10,000 qofood oo Soomaali ah ee aan sharci la siinin 5 tii sano ee la soo dhaafey, taas oo ey keentey in tiro badan oo Dadkaasi ah sharci la’aanta ahaa ey ka tageen wadanka Kanada iyagoo intooda badan u gudbeen dhinaca Mareykanka.
Doodo dhaa-dheer iyo codsiyo kala duwan ka dib waxaa todobaadkan magaalada
Toronto lagu qabtey shir ku saabsan arimaha Soomaalida kaga xiran waaxda socdaalka ee Kanada waxaa shirkaasi ka hadley ninka la yiraahdo Roy Kolen oo ka tirsan Baarlamaanka Kanada Xubina ka ah Xisbiga Libaralka ee haya talada Dalka Kanada.
Ninkaas oo 1997-98 laga soo Doortey meelaha ey Soomaalidu ku badan yihiin ee Magaalada Toronto,Waxa uu shirka ka cadeeyey in shantii sano ee Soomaalidu sharciyada sugi jireen laga dhigi doono saddex sano iyo waraaqaha aqoonsiga Soomaalidu ey heystaan la tixgalindoono ku waa soo la xiriira cadeynta Dadka Soomaalinimadooda go’aamada qodobadaasina dhawaan la soo saari doono oo eyna hirgali doonaan.
Kadib markii la soo burburshay masaajidyadii somaliya ku yiil, ayay soomaalidii Canada masaajid ka disteen!!
TORONTO JAN 10, Dalka Kanada waxaa laga furey Masaajid ey maamulkiisu gacanta ku heyso Soomaalidu, Masaajidkaas oo hadda lagu tukado, Muslimiin ka badan 200,000 ayaa ku nool Magaalada Toronto iyo Nawaaxigeeda ee Wadanka Kanada.
Hadaba iyadoo uu mujtamac kasta ku dadaaley siduu magaalada Toronto iyo Nawaaxigeeda uga furan lahaa ama uga dhisan lahaa Masaajid ayaa Mujtamaca Soomaalida oo mudadii 12 sano ee ugu dambeeyey ku noolaa Dalka Kanada suuro gal u noqotey markii ugu horeysey in ay si wadajir ah u dhisaan Masaajid weyn oo lagu magacaabo Masaajidka Khalid Binwalid.
Masaajidkaas oo weli la sheegey in ka yar 2km in uu u jiro meeshey Soomaalidu sida aadka ah u degen tahay oo la yiraahdo Dixson oo ilaa 4,000 qoys ey ku nool yihiin.
Mar uu ka waramey Khaalid Axmed Geele oo ka mid ah xubin gudiga Masaajidka waxaa uu sheegey inuu Masaajidka ka kooban yahay labo qeybood oo Ragga iyo Dumarka ey ku tukadaan oo ey wax walba u dhan yihiin, Lix fasal oo si joogta ah loogu dhigi doono Diinta Islaamka, Maktabad Islaamiya iyo Meelo kale oo lagu iibiyo Kutubta iyo Cajaladaha Islaamka, Xafiisyada Maamulka ayaa waxey sheegeen in qeybtii hore ee dhismaha Masaajidka Khalid Binwalid ee Toronto ay ku baxdey lacag dhan $1,200,000 oo ey $ 340,000 ey Deen tahay.
Hase yeeshee lacagta xoogeeda ey Dad Soomaaliyeed iska soo ururiyeen gaar ahaan Dadka degen magaalada Toronto iyo Nawaaxigeeda, Waxaa kaloo lacagtaas bixinteeda ka qeyb qaatey Soomaali faro badan oo degen Mareykanka, Jaaliyadaha kale ee muslimiinta ee degen Magaalada Toronto, Soomaali degen Magaalada Barakeysan ee Maka iyo Dahraan ee Dalka Sucuudiga iyo Magaalada kale ee Abuudabey ee Isutaga Imaaraadka Carabta ee Midoobey.
Shirkii Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeen oo lagu qabtay Toronto
Shir ey qaban qaabiyeen jaaliyad lagu magacaabo jaaliyada Soomaalida Ogadeen ee ka furan Magaalada Toronto, shirkaasi waxa uu soo saarey ama uu ku tilmaamey xadgudub uu sheegtey iney Dowlada Itoobiya u geysato dadka Soomaalida ee ku dhaqan Gobolka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.
Mar uu ka waramey Gudoomiyaha Jaaliyadaasi Xukun Gaas Xaruur waxa uu yiri markaan ka hadleyno Gobolka ismaamulka Soomaalida waxaa jirta in waqtigan xaadirka ah ay koley Dagaalo ey jireen mudadii 7 sano ee ugu dambeyseyba ey labada quwaduudba qolyaha Itoobiyaanka iyo ururka OLNF-ta ey dagaalo iskula jireen.
Arrintaas ayaa waxey keentey in dadka shicibka la iska xiro sharci bilaa Maxkamad la’aan ah waxaa jirtey ayuu yiri saddex nin oo golaha dhexe ahaa oo waa dhaweyto Hargeysa laga keeney oo ilaa iyo hada Maxkamad aan la keenin 14kii xildhibaan ee lagu eedeeyey iney afgambiga ay sameeyeen.
Waxaa jira in dad aad u tiro badan oo rayid ah la iska qab qabto oo habayaraatee wax Maxkamad ah la keenin laguna eedeeyey iney kala qeyb galeen shirkii OLNF-ta ee dhawaan gudaha ka dhacay.
Dad ka mid ah Jaaliyada Ogadeen ee degen Toronto ayaa waxey sheegayaan in eheladoodii la jir diley, lana xirey, qaar koodna la la’yahay, Gabadh ka hadashey shirka ayaa waxey sheegtey in Aabaheed muddo 10 sano ah sidii looga kaxeystey Godey meel uu ku sugan yahay aysan garaneynin waxey intaa raacisey hadii aan raqdiisa heli lahaa waxbey ahaan laheyd.
Xukun Gaas Xaruur waxaa kaloo uu yiri waxaa jirta Dad Guryahoodii iyo Xoolahoodii lala wareegey dhibaatadu aad ayey u badan tahay sida loola dhaqmayo Dadka degen Gobolka Zonka 5aad ee Soomaalidu degto.
Xaruur waxaa ugu dambeyntii yiri waxaan Dadka u qabanaa in waraaqahooda aan u gudbino Hay’ada Xuquuqda Binu Aadamka u dooda.
|