|
|
Note:
To subscribe Somali Electronic Journal send email to:
SEJ-subscribe@topica.com
To unsubscribe Somali Electronic Journal send email to:
SEJ-unsubscribe@topica.com
To subscribe to Somali Comedy List send email to: CSC-subscribe@topica.com To unsubscribe to Somali Comedy List send email to: CSC-unsubscribe@topica.com |
Toddobaadkan waxaan akhristayaasha u soo bandhigaynaa buug uu qoray caalimkii caanka ahaa Abu Isxaaq as-Zajaaj, waqtiga oo inagu gaaban awgiis, waxaan ka xunnahay in aanay inoo suurtagelin in aan buugga soomaali u turjumno. |
BOGGA 1AAD | ARARTA WARGAYSKA |
|
Toddobaadkan iyo Salaamaha Ciidda!
Liiskii SEJ kolkii aan furnay sida la filayayba akhristayaashii waxay billaabeen in ay tahniyado iyo salaamo is waydaarsadaan, taasina waxay keentay in emaillo aad u badan liiska soo galaan, waana runtii arrin caadi ah maxaa yeelay liiska waxaa ku jira dad tiradoodu gaarayso 432 qof ilaa iyo hadda. Akhristayaasha badankooda kolkii ay arkeen emailladaas faraha badan oo tahniyadda iyo salaamaha xambaarsan aad bay ugu farxeen waxayna soo direen salaamo iyo tahniyado kale. Laakiin qaar akhristayaasha ka mid ah ayaa fahmi waayay meesha ay emailladan faraha badan ka yimideen, waxayna u maleeyeen in khalad dhacay oo emaillo aanan asiga u socon santuuqiisa soo galeen. Computerkii baa iga hallaabay! Waxaa email ii soo diray qaar ka mid ah soomaalida liiska SEJ ku jira ayaga oo leh computerkii baa inaga hallaabay, waxayna u maleeyeen in computerkoodii hallaabay oo uu emaillo khalad ah iska soo qaadanayo!! Arrinkaasi wuxuu inagu khasbay in aan liiskii xirno kadib markuu furraa in aan dhamayn 48 saac, maxaa yeelay waxaan arkay in aanan akhristayaasha qaar yar oo ka mid ah aanay wax figrad ah ka haysan habka liisaska furan u shaqeeyaan, aanayna computerka iyo internetka adeegsigiisa ku wanaagsanayn, kolka waxaan ka baqnay in ay khalkhal galaan oo cabsadaan. Dhallinyaro kale oo badan ayaa emaillo ii soo dirtay ayaga oo ka cabanaya liiska la xiray, maxaa yeelay waxay dheheen annagu wali ma'aanan soo dirin tahniyadaheennii, waxaan ayagana ku maslaxeeyay in ay aniga ii soo diraan oo aan anigu akhristayaasha gaarsiiyo toddobaadka dambe kolka aan wargayska soo saarno, sidaa darteed waxaan halkan akhristayaasha ugu soo gudbinayaa boqollaal salaamood iyo tahniyadood oo aanan dadkii soo qoray halkan ku soo koobi karin, waxaanna leeyahay walaalayaal ka guddooma tahniyadahaas walaalaheenna soomaaliyeed ee khayrka iyo barwaaqada inala jecel. Uguddambaystii Ugudambaystii waxaan akhristayaasha oo dhan marlabaad leeyahay ciid wanaagsan, aad ayaayna ugu mahadsanyihiin salaamaha iyo tahniyadaha iyo kaararka ciidda ee ay inoo soo direen, waxaa kale oo aan ogaysiinayaa in aanay wax khalad ah jirin, computerna uusan hallaabin ee ay wax walba caadi yihiin, kaliya emaillo ayaa saaxiibadaa iyo soomaalida ku jecel kuu soo direen akhriso dabadeedna iska tir! |
|
Liiska Qosolka iyo Shactirada
Waaya aragnimada waa in laga faa'iidaystaa, toddobaadkii hore kolkii aan furnay liiska SEJ waxaan ogaaday in dhallinyaro badan oo ka mid ah akhristayaasha SEJ ay xiisaynayaan liiska furan oo ay jecelyihiin in ay wararka is waydaarsadaan, siiba wararka dabacsan sida salaamaha, tahniyadaha, sheekooyinka qosolka leh, kaftanka, shactirada, iyo dhammaan waxyaabaha madadaalada ku saabsan. Taasna waxaa ugu wacan, sida ay ila tahay, in bulsha waynta soomaaliyeed oo ku nool dhulal shisheeye ay qaar badan oo ka mid ahi dareemayaan busaarad kaga timid xagga bulshada aanay u dhalan ee ay ku dhex noolyihiin. Annaga oo tixgelinayna baahida jaadkaas ah ayaan dhawaan furnay liis kale oo cusub oo aan ugu tala galnay sheekaysiga iyo madadaalada oo kaliya, liiskan waxaa la isku dhaafsanayaa oo kaliya waxyaabaha qosolka leh, sheekooyinka, kaftanka iyo madadaalada. Haddii aad xiisaynayso qosol iyo madadaalo, oo aad dareemayso busaarad bulshadu kugu hayso, aalyar email maran u dir (CSC@topica.com) kadibna ka jawaab emailka uu kuu soo diro liisku, dabadeedna soo dir wixii qosol leh oo aad hayso!! fadlan xusuusnow, liiskan looguma tala gelin doodo cilmiyaysan iyo akhbaar murugo leh iwm, kaliya inoo soo dir wax aan ku qosolno! Mahadsanid. |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD | WARARKA SOOMAALIDA |
|
|
|
|
Qaybtii 2aad: Bahda Somalitalk.com Maxay Xoogga Saaraan? Annaga oo sii wadanayna waraysigeennii inoo socday toddobaadkii hore ayaan waxaan iskudubbaridaha bogga somalitalk.com waydiinna: S: Mudane Maxamad Cali wax ma inooga sheegi kartaa waxyaabaha bahda Somalitalk.com ay xoogga saarto oo aad il gaar ah badanaa ku eegtaan? J: Waxaan hadda xooga saarnaa sidii aan isugu miisaami lahayn wararka kuqoran Afka Soomaaliga iyo kuwa kuqoran Afka Ingiriiska. Wararkaas oo aan ku dadaalo in aan usootebino sida aan kuhellay ama ay nagu soogaaraan. Sida aan lasocono waxaa hadda jira Soomaali da'yar oo ku barbaaray meelo kafog Soomaaliya, kuwaas oo uu aad ugu adagyahay akhriska Afka Soomaaligu. Waxaana muhiim ah in da'yartaas la gaarsiiyo wararka iyo arrimaha laxiriira Soomaalida iyo carrigii ay asal ahaan kayimaadeen ee Soomaaliya, taas oo ahmiyad weyn u leh aayaha Soomaalida. Waxaa lagama maarmaan ah in aan maskaxda ku hayno in ay jiraan Soomaali badan oo aan aqoon afka ingiriiska ama xiisaynaya in ay warar afkooda hooyo kuqoran akhristaan. Anaga oo taas kaduuleyna ayaan dhowaan bilawnay in aan soodaabacno warar kuqoran Afka hooyo ee Soomaaliga, taas oo aan kutalajirro in aan sii ballaarino mustaqbalka dhow, Insha Allah. Halkaas waxaa kaaga soobaxaya sida aan ugu dadaaleyno in aan akhbaarta gaarsiino labadaas qaybood ee aan kor ku soo xusnay. Taas oo muhiimad weyn u leh is fahamka iyo kala warqabka mujtamaca Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida kaga noolyihiin. Hadafka Somalitalk.com S: Muxuu yahay hadafka Somalitalk.com? J: Hadafka ugu weyn ee bahda Somalitalk.com waa in aan dhexdhexaad u ahaano dhammaan Soomaalida, anaga oo ka tarjumeyna kana hadleyna danta guud ee Mujtamaca Soomaaliyeed ee kudhaqan Soomaaliya iyo cirifyada adduunka. Waxaan Ilaah hortiis ugu dadaaleynaa in aanaan u xaglin cidna. Isla mar ahaantaana aan ka hadallo kana shaqayno wax kasta oo dhisaya ummadda Soomaalida iyo qaran taagan oo Soomaalidu leedahay. Waxaana diyaar u nahay in aan daabacno afkaaraha dhisaya mujtamaca Soomaalida anaga oo usootebineyna si xor ah oo madax bannaan. Waxyaabaha ay Bahda Somalitalk.com Higsanayaan S: Wax ma inooga sheegi kartaa waxyaabaha ay bahda Somalitalk.com higsanayaan? J: Waxaan higsaneynaa in Somalitalk.com aan gaarsiino guri kasta iyo qoys kasta oo Soomaali ah meel kasta oo ay dunida kagasugan yihiin, anaga oo ka tarjumeyna dantooda guud ahaan. Waxa kale oo aan kurajaweynahay in aan wararka toos ugasoo tebinno gudaha Soomaaliya, dhammaan magaalooyinka iyo gobolada dalka. Waxa kale oo aan higsaneyaa in aan xubno kuyeelanno dhamman dacallada addunka kuwaas oo sijoogto ah noogu sootebiya wararka laxiriira Soomaalida. Waxa kale oo aan aad ugu hanweynahay isla mar ahaantaana aan higsaneynaa in aan abuuro Internet ay leeyihiin Soomaali oo tartan lagelikara caalamka. Dadaalaa waa gaaraa; Waxaana Ilaah awooda sare leh kabaryeynaa inuu nagu hagaajiyo wanaaga iyo wixii maslaxad u ah ummadda Soomaaliyeed ee waqtigaan u baahan caddaaladda iyo daacadda. [Dhammaad..] |
Cabdullaahi Yuusuf oo Soomaaliya ku soo laabtay
Pontland, March 18, 2000, Kornayl Cabdullaahi Yuusuf ayaa dib ugu soo laabtay waddanka kadib markii uu booqasho ku tegay dalka Ingiriiska. Kornayka oo la sheegay in uu arrimo caafimaad u joogay ingiriiska wuxuu wakaaladaha wararka u sheegay in caafimaadkiisu aad u wanaagsanyahay hadda uuna doonayo in uu degdeg dalkii ugu laabto si uu u guto waajibaadka ka saaran dib u soo dhisidda qarankii soomaaliyeed ee burburay.
Kornayl Cabdullaahi oo ah ninkii ugu horreeyay ee maamulkii Siyaad Barre si hubaysan uga soo horjeestay, wuxuu weriyayaasha u sheegay in ay soomaaliya madax ka noqon doonto qofkii soomaalidu doorato, qof aanay soomaali dooranna aanay madax noqonayn.
Waxaa kale oo uu intaa raacshay, in maamulkiisu uusan marnaba u arkin in natiijo fiicani ka imaanayso shirka Jabuuti, haddii dadka goballada aanay u dhalan xoogga ku haysta ay shirka ka ka soo qayb galaan ayaga oo goballadaas matalaya.
Waxaa kale oo wararku sheegayaan in Kornaylka barnaamijkiisu ahaa in uu la shiro xubnaha dowladdiisa dhawaan kolkii uu dalka ku soo laabtay, hase ahaatee dib loo dhigay kulankaas, ayna sabab u ahayd Kornaylka oo ku cudur daartay in uu daallanyahay.
Dagaallo ka dhacay Degmada Xarardheere
March 18, 2000, Dagaallo ba'an ayaa ka dhacay degmada Xarardheere maalintii shalayto, waxaana wakaalada wararku sheegayaan, in ugu yaraan la dilay 12 qof.
Qolada Muddulloodka ee qabiilka Abgaal iyo Cayrka Habargidir ayaa la sheegayaa in ay dagaalka isga horyimideen uuna dagaalku ka kacay aanooyin hore oo dhix yiillay awgood.
Gobalka Mudug oo ah badankiisu dhul abaar ah oo aanan khayraad badan lahayn, sanadihii colaadda sokeeye socotay dagaalku wuu ku yaraa, hase ahaatee waxaad mooddaa in qolyihii Muqdishu isku haystay dagaalkoodii saxaraha u qaadeen.
Sida BBCdu sheegtay, beelaha kala raacsan qolyaha halkaa ku dagaallamaya ee Muqdishu deggan ayaa la sheegay in ay hub iyo saanad u rarayeen Xarardheere si ay uga qayb qaataan dagaalkaas!
Shirkii Aqoonyahannada Soomaaliyeed oo Jabuuti ka billowday
March 18, 2000, Shir lagu magacaabay in uu yahay shirkii aqoonyahannada soomaaliyeed ama indheergaradka soomaaliyeed ayaa ka billawday Jabuuti maalintii Sabtida. Shirkaas oo ka mid ah waxyaabaha loogu gogolxaarayo dib u heshiisiinta soomaalida waxaa ka soo qayb galay dad soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 60 qofood laguna tilmaamay in ay yihiin indheergarad. Madaxda dalka Jabuuti iyo Guddiga UN-tu u xilsaartay dib u heshiisiinta soomaalida waxay aaminsanyihiin in shirku yahay billaw fiican oo laga yaabo in uu fursad siiyo dib u midaynta dalka burburay ee aanan dowladda lahayn in 10 sano ka badan. Madaxda goballada sida Pontland iyo Somaliland ayaa la sheegayaa in ay ayagu shirkaas ka soo horjeedaan, Cabdullaahi Yuusuf oo lagu waraystay dalka Ingiriisa wuxuu talo ahaan u soo jeedshay in dalka meelaha habaysan ee nabadda ah laga billaabo howlaha midaynta, meelaha wali laysku haysto iyo meelala colaaddu ka jirtana lagu caawiyo sidii ay u degi lahaayeen. Madaxda kooxaha oo badanaa lagu eedeeyo in ay ka dambeeyeen burburkii dalka soo gaaray, ayaa la doonayaa in shirarka jaadkan ah lagu dhimo awooddooda iyo talo maroorsiga ay dalka ku hayaan, isla markaana Jabuuti UN-tu isku deyayaan in kaalin laga siiyo bulshawaynta soomaalida sidii dalka dib nabad loogu soo dabbaali lahaa. Wiil Soomaaliyeed oo xabsi laga sii daayay si uu dacwadiisa u sii wato March 17, 2000, Wiil soomaaliyeed oo maalmahanba dacwadiisu ka socotay dalkaasi Maraykanka ayaa xabsigii uu ku jiray laga sii daayay si uu dacwadiisa qaxootiga u sii wato. Wiilkaas oo soo galay dalka Maraykanka asiga oo dhuumaal ah waxaa uu sheegtay markii hore in uu da'yar yahay laakiin dhaqtar ilaka wiilkaa baaray ayaa sheegay in uu qaangaar yahay. Sida wakaaladaha wararku sheegeen, Abdul-Kare Abshir waxaa la sii daayay kadib markii la damiintay waxaana loo ogolaaday in uu u dacwoodo wixii anfac ah ee laga yaabo in uu xaq u yeelan karo. Sida muuqata wiilku wuxuu ka mid yahay dadka soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalka sokeeye, wuxuuna ku dacwiyay in la dili doono haddii uu dib u laabto. TV-gii ugu horreeyay oo Soomaaliya laga furo intii dagaalka sokeeye ka dambaysay Mogadishu, March 18 2000, Magaalada Muqdishu ayaa la sheegayaa in TV ay leeyihiin niman ganacsato ah laga furay markii ugu horreysay kadib markii uu burburay TV-gii ay dowladdii Soomaaliya ee dhacday samaysay sanadkii 1991kii dagaalkii sokeeye kadib. Nimankaa ganacsatada ah oo maalgelinta ku sameeyey mashruuca ayaa la sheegayaa in ay dadka kaga ijaari doonaan sicir aad u jaban fiirsashada barnaamijyada TV-ga oo ah qaar xiiso leh, sida ciyaaraha, wararka, iyo barnaamij afsoomaali ku soo baxa. Waxaa kale oo loo malaynayaa in TV-gaas loo adeegsan doono dano ganacsi iyo kuwo siyaasadeed intaba, in kasta oo aanay nimanka maamulka haya waxba ka sheegin arrinkan, hadana sida wararku inagu soo gaareen, ragga TV maalgelshay waxaa ka mid ah rag abaanduulayaasha kooxaha ka mid ah ama qaraabadooda ah.
| |
BOGGA 3AAD | BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA |
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD | BOGGA QUBANAHA |
Geeridii Sheekh Sayid Saabiq
W.Q. Ibraahim Saalah
Waxaa bishii la soo dhaafay ee febraayo 28-keedii geeriyooday Caalimka iyo faqiiha weyn ee Sh. Sayid Saabiq. Sheekhu wuxuu dowr weyn ka ciyaaray fidinta iyo u halgamidda diinta Islaamka. Sheekhu waxa uu ka baxay Jaamacadda Al-Azhar, muddo yar ka dibna wuxuu macalin ka noqday machadyada Azhar. |
Wuxuu Siyaadsaday waxbarashadiisii ilaa uu ka qaatay waxbarasho sare, markaa ka dibna waxaa loo magacaabay macalin Jaamacadeed oo wax ka dhiga Azhar. Wuxuu u dhashay dalka Masar, wuxuuna booqday dalal badan oo ka mid ah dunida isagoo gudanayay waajibka kaga aaddan dacwada Islaamka. Wuxuu ka soo baxay Madrasadii weynayd ee uu aasaasay Imaam Shahiid Xasan Al-Bannaa Allaha u naxariistee. Kutubta uu Sheekhu qoray waxaa ugu caansan kitaabkiisa ”Fig-hu- Sunna” oo uu ka codsaday Imaam Xasan Al-Bannaa Sheekha. Waxaa Sheekha lagu aasay magaalada Nasar ee waqooyiga dalka Masar, waxaana Janaasadiisa ka soo qayb galay dad gaarayay ilaa 10,000 oo qof (tobban kun oo qof). Illaahay ha u naxariisto Sh. Sayid Saabiq, innagana ha ina waafajiyo khaatumada suubban aamiin. |
Gudashadii Xajka Barakaysan
Toddobaadkan ayaa la soo gababageeyay gudashadii xajka barakaysan oo ah tiir ka mid ah tiirarka waawayn ee Islaamka, waxaana loo soo gabagabeeyay si nabad iyo sugnaan leh xajka sanadkan. Sida wararku sheegeen sanadkan wax dhibaaro ah ma dhicin, dad badanna kuma dhiman xajka intii la gudanayay, khaladaadkii dhici jirayna badankoodii waa laga taagsaday. |
Waxaa kaliya oo wararku sheegeen in toddobaadkii ugu horreeyay ay xaramka dhexdiisa isku buurteed dad xayraansan oo aad u badan kuwaas oo ku wareegayay kacbada, taasina ay keentay in la dardaro lix qof oo u dhashay dalka Falastiin iyo hal u dhashay Jordan kuwaas oo dhammaantood halkaa ku nafwaayay. Xasarad la'aanta xajka sanadkan waxay ka turjumaysaa siyaasadda qabow ee ka dhexaysa dowladaha Islaamka, oo la moodo in ay hadda soo yara hagaagayso. Sanadihii la soo dhaafay waxaa badanaa dhibaatooyinka dhalin jiray kooxo dano siyaasadeed wata oo ay ka dambeeyeen khilaafaad siyaasadeed oo ka dhexeeyay dalalka Islaamka qaar ka mid ah sida Iraan iyo Sacuudiga iyo Liibiya iyo Ciraaq iyo qaar kale sida Yaman. |
BOGGA 5AAD | BOGGA DOODDA IYO CILMIBAARISTA |
|
Dadkii bari iyo Galbeed bay usoo yaaceen, iyagoo wata wadaadkoodii !
Muddo yar ka dib waxaa soo ifbaxay magacyo ay wadaaddadu wateen !! waxa loo
yaqaan "xarrakooyin" qaarkoodna sheegteenba islaamkii?
In badan oo dadka soomaaliyeed ee dibedda jooga ka mid ah waxaa soo wajahay welwel iyo
walaac, waxayna noqdeen sidii iyagoo doonni weyn saaray naftooda,
carruurtoodii iyo xaasakoodiiba , oo markii ay muddo ku dul socdeen badda,
berrina ka soo fogaadeen , ayaa waxaa shukaantii isku qabsaday
masuuliyiintii doonta, duufaanno socday awgood ayay doontii la istaagtay,
qaarbaa ku daatay baddii! xaaladda soomaalida galbeedka degganna waa
sidan oo kale!!
Haddaba waa maxay xarrako? Islaamku ma xarrakaa?
In badan oo soomaalida ka mid ah uma kala cadda xarrako iyo islaam.
Islaamku waa Naska Qur'aanka ah iyo Sunnada Nebigeenna suuban (scw) ee
saxiixa ah. Haddana Naskaa Qur'aanka iyo Sunnada saxiixa ah ayaa waxaa la
falgalay oo daraaseeyay caqliga dadka, maadaama dadku caqli kala duwan yahay,
isku aragtina aysan ahayn , ayaa waxaa ka dhashay daraaseyntii Naska iyo
sunnada saxiixa ah aragtiyo kala duwan, oo muslimiintu u taqaan madaahib
(xanafiya, shaaficiya, maalikiya, xambali, tabariin, daahiriyiin , madhabtii
Awzaaci iwm). Sidaynu ognahay caqliga insaanku wuxuu mar walba ku xiran
yahay xilliga (time) iyo goobta(space) uu joogo, sidaa daraateed culummadu
waxay ina bartay in "fiqhigu ku xiran yahay xilliga iyo goobta".
Sidoo kale xarrakaadkani waa aragtiyo shaqsiyeed, ee maha diinta islaamka ,
wixii qaladaad ah oo ka dhacana looma saari karo diinta, waayo Islaamku
xilli iyo goob midna kuma xirna, halka qofku uu ku xiran yahay xilliga iyo
goobta. Sidoo kalena, kala duwanaanshaha xarrakooyinka waa mid si toos ah ugu lug
leh kala duwanaashaha shaqsiyaadka ay xarrakadu ka kooban tahay.
Inta badan ay shaqsiyaadkaasi leeyihiin maskax sarraysa, cilmi, khibrad,
aqoon fiicanna ay u leeyihiin xaaladda ay ku jiraan, waa inta badan ay faham
fiican ka qaataan diinta islaamka, waana inta badan loo baahdo camalkooda.
Ugu dambeyntii, isku mid ma aha xarrakada iyo islaamka. Qalaadaadka ka dhaca xarrakaadkana looma saari karo islaamka.
Somalia: Horta, yey Taladeedu ka go'daa ?! Waxaa Qoray: Ibrahim Macallim Mursal Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen, The Nederlands Tel/Fax +31 545-476473. E-mail: mursal@gelrevision.nl Maamulada madaxa bannaan Fashilaadda jiritaanka jabhadaha waxay u horseedeen dhul goosi, oo looga gol leeyahay ku gor gortanka awood qaybsiga iyo dhaqaale bursi, iyada oo aan loo aaba yeelin marna mas-laxada dadka deegaanka ku nool iyo suurtagelinta nabad ku wada noo-laanshaha ummadda iyo wax wada qabsigooda. Dalka waxaa loo kala jar jartay cad cad oo waxaa loola baxay magacyo aan xuseeynin magaca Soomaaliyeed, ee waxaa loogu magac daray erayga dhul (land), si loo raali geliyo quwadaha shisheeye oo taageerada lagaga doonanaayay, kalsoonina looga sameesanaayay. Waxaa dhulka loo samaystay maamulo, qaab dhismeedkooda lagu salayay habka casriyadii dhul goosiga ee mar hore laga soo guuray, waxaana degaannada kala xadeeya qabiilada, hadba sida uu isgaashan buursiga saamaxayo. Arintaasine waxay sii kordhisay xasilloni darradii jirtay iyo is-aamin la'aantii, waxayna sii ololisay xiisadihii iyo cadaawaddii la doonayay in maamuladaasi lagaga gudbo. Maantana waxaa, weli, sii socda xarig jiidkii oo waxaa lagu mashquulsan yahay dhul kala qabsi iyo geyi sheegasho. Taasine waxay dhallisay in maamulada aysan noqonin wax deggan oo lagu kalsoonaan karo, lehna sharciyad (legi-timacy) ay cid ku mattalaan. Hoggaamiyaasha maamulada Sida aan kor ku soo sheegnay, jabhadihii xukunkii jiray rideen iyo kuwii kaloo gadaal ka abuurmeen iyo hoggaamadoodii waxay noqdeen kuwa gabay kalsoonida shacbiga, sidaas awgeedna aysan magaca shacbiga Soomaaliyeed ayan ugu hadli karaynin. Sidaas oo kale hog-gaamiyaasha maamulada iyagana mowqifyadooda is rog rogga badan ayay waxay dhaliyeen shaki iyo quus in horumar iyagana laga filaa. Waxaa aad u soo kordhaya codad dhaadheer oo ku andacoonaya, si kastaba ha ku timaaddee, in madaxda maamulada aysan ehel u ahayn in ay soo xulaan cidda matalaysa ka wada xaajoodka arimaha mustaqbaliga iyo rabitaanka Soomaaliyeed ee fagaarayaasha dunida (intrnational arena). Inkastoo hoggaamiyaa-sha laftooda ay kala haystaan fikrado iswada burinaya xagga ka qaybgalka shirka!! Djibuuti. Gole maamul goboleedyo, gole kooxeedyo ama beelo ama qabiil ayaa go'aamo diidmo qayaxan ka soo saareen hindisaha shirkaasi !! Kuwa sabab ka dhigta in ay dowlad madax ba-naan yihiin, kuwa ku andacooda inta gobolladooda shisheeye (dad an u dhalanin!!) hays-taan, kuwa diiddan in Muqdisho caasimad sii ahaato, sababtoo ah inay tahay meel hal qolo deggan tahay, kuwa yiraahda Djibuuti waa saldhigyadii ay ka soo kacayeen dayaaradaha Mareekanka ee Muqdisho burburiyeen, shacbi Soomaaliyeed fara badanna oo aan hubeysnayna ku xasuuqeen. [Waa socotaa..] |
|
BOGGA 6AAD | BOGGA HAWEENKA |
| Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax International Islamic University Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia Email: qasim55@hotmail.com |
| |
SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
Waxa aan ahayn mid lagu murmi karo in ay guud ahaanba afarta mad-habood ee kala ah; shaafici, Xanafi, Xambali iyo Maaliki ay isku wada raacsan yihiin in aysan dumarku marnaba wax markhaati ah ka furi karin arimaha la xiriira todobada xuduudood. Kuwani waa todobo dambi oo qofkii gala xukunkii lagu xukumi lahaa si go'an loogu caddeeyey Quraanka iyo Axaadiista Nebiga (Nabadgelyo iyo Naxariis Korkiisa ha Ahaatee – NNKHA). Todobadaasi waxa ay kala yihiin kuwa halkaan ku taxan: Burcadnimo hubaysan,- alxiraaba, Tuuganimo –Alsariqa, Khami cabid ama guud ahaanba is daroogayn- Shurb, Dhillaysiga, Zinaysi - zina, Qadaf – qof ku eedayn zina si been ah, Mucaaradnimo ama ka gedoodid laga gedoodo dawlad Islaami ah – albagyi, iyo Diin ka gaaloobid, alriddah) Waxa ay culimadaasi qabaan in aysan todobadaas dacwadood dumarku ku margfuri karinin si gaar ahaaneed, si guud ahaaneedna waxa ay il gooni ah ku fiirshaan in ay ku furto markhaati arimaha la xiriira waxyaalaha dhaafsiisan xuduudaha. Haddaan ra'yiga Culimada si hal hal ah u soo qaadano, isla markaasna aan u ban dhigno tafsiirka Shareecada Islaamka, waxa aan ku horaynaynaa: Shaafici "Wixii aan ahayn hanti ama aan la xiriirin hanti ee ay ku marag furi karaan raggu sida; heshiiska guurka, furriinka, guur soo ceshashada –rajcada, wakiilnimada, dardaaranka, dilka iyo guud ahaanba xuduudaha, marka laga reebo zinada, waxa keli ah oo markhaati ku caddayn kara laba rag ah, taas oo lagaga amba qaadayo hadalka Ilaah iyo sida loo badan yahay-raajax. Hadalka Ilaah waa " Ha ka marag kaceen laba nin oo kuwiina aaminka ah ka mid ihi". Iyo sida uu inoo sheegay Ibn Mascuud; in aan dumarka loo ogolayn in ay ka marag kacaan dambi ku saabsan arimaha xuduudaha tan iyo waagii Nebiga iyo labadii khulafa ee ka dambaysayba. Sidaa darteed anaga oo ka amba qaadayna sida loo badan yahay iyo qiyaaskeenaba waxaan diidanahay in ay haweeni ka marag kacdo wax ku saabsan lacag iyo wax ay raggu arki karaanba. [Waa socotaa..] |
BOGGA 7AAD | DIINTA ISLAAMKA |
| ||
|
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 43aad
Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
|
BOGGA 9AAD |
|
1. War la'aan baa col hodday. 2. Wax is waydiini ma xumee wax is waydaarsi baa daran. 3. Waa laycaayay ceeb baa kaa raacda. 4. Walaashaa iskuma hubtide, soddoggaa ha iska nicin. 5. Walaalkaa haddii uu malab wadayahay mar kali ah ha muudsan. | 6. Waxaas iyo waxaas waa dameer iyo labadiisa dhegood. 7. Waano wadaad wax i sii baa u dambaysa. 8. Wax badso wax la'aan bay leedahay. 9. Waarimayside war ha kaa haro. 10. Waxaan dhuuso moodaayay baa xaar igu noqday. |
BOGGA 9AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|