|
|
BOGGA 1AAD |
|
|
Qabiilka dib ha loo baaro!! Baaritaanka lafihii awowyaalkeen ma laga salgaari karaa? Waxaan rabaa inaan waxyar ka iraahdo doodda ku saabsan baaritaanka isirka qabiilka. Lamagerre iyo Asadow waxaan idinku raacsanahay in qabiilku beriga yahay dhibaatada Soomaaliya heysato, hase ahaatee ilama aha aniga in raadinta isirka qabiilku ow xal uyahay baabi'intiisa labo sabab owgood: 1. Tanhore waxaan wada ogsoonahay in dadkeenu ow qarniyo badan ku soo dhaqmaayay qabyaaladda, xididdo aad u dheerna ku leedahay bulshadeena markii isbedel arrintaas lagu sameyhaayana waxey u baahantahay taxadir badan iyo wakhti dheer. 2. Tanlabaad sida aad adiguba sheegtay Asadow, aad ey u dhibadantahay amaba suurto gal naqameyso in lahelo haraagii odayaashii laga soo farcamay qarniyaal ka hor, waxaana ognahay in dadkeena meydka markii la duugaayo ayna isku dhayijirin daawooyin sida masaridii hore ooy suurtowdo in beriga lahelo meyd qarniyaal kahor laduugay usugoo sidiisi ah. Qabiilku waa labo Sidaas daraadeed waxaan arrintaas u arkaa in wakhti badan nooga dhumidoono ka salgaarkeeduna oo aad u yaryahay. Waxaa aniga ila fiican inaan dooda u duwno dhinac kale oo ah in qabiilku ow labo u qeybsamo sida aragtideyda ah: 1. Qabiil caafimaad qabo oo ah kii Ilaahey Subxaanahu watacaalaa noo sheegay ow nugu yiri (waxaan idinka yeelnay shucuub iyo qabiilo si aad isugu aqoonsatiin) taasoo ujeedada ka dambeyso ay tahay inaad dadka kale ka aqoonsato walaalahaa qaraabadaada riximkaaga iwm. Taasoo yiyadana fuliheyso wixii ey diinteenu jidaysay oo ah guurka xalaal iyo xaaraan iyo dhaxalkaba. 2. Qabiil cudur ah oo ah midka dadkeynu la ilxunyahay una baahanyahay in si deg deg ah looga gurmado. Wexey aniga ilatahay in qabiilku markii ow galo siyaasadda iyo dhaqaalaha ow isubedelaayo cudur halis ah oo weliba si deg deg ah u faafo keenana burbur iyo jaha wareer muddo dheer socdo. Waxaana aniga ii muuqato in uusan dagaalkaanu si deg deg ah ku dhamaaheyn walow lagayaabo in qofka akhriyo maqaalkaan ow hoog sheeg ii qaadankaro. Hase ahaatee, arrintu ma aha sidaas maxaa yeelay waxaa jiro sababo kenaayo in arrintaas sidaas loo fikiro, waxaan wada xusuusanaa in Soomaalidu dhexdeeda go'aamo badan gaartay hese ahaatee aan lagu guuleysan wax isbedel ah oo ilaa hadda lagaarayna aysanjirin. Cudurka isla garanaye, daawada maa isla garanno? Cudurka maanta dadkeyna haayo waa wada kasnay oo waa qabiil qaabdaran, waxaa isweydiinleh qaabkeen ugala dagaalanaa? Maxaase qofka Soomaaliga ah ku qasbaayo inow qabiilka si indho la'aan ah u daafaco? Su'aalahaas iyo kuwo kale oo lamid ah markii aan si taxadir leh uga jawaabno, waxaan anigu qabaa inaan xal wadajir ah u raadi karno mashaakilka qabiilka. Qabiilka iyo Carruurta qurbaha ku dhalatay! Waxaan rabaa inaan waxyar dib ugunaqdo arrintii Lamagerre oo eheed in jiilka soo koraayo ooy ilmihiisu kamid yihiin owsan qabiilku dhib ku qabandoonin sida ow usuga hadda dhibka uguhaayo. Isagoo soo qaatay weliba iney ilmaha ku dhashay ama ku koray wadamada kale sidaas oo kale yihiin. Taas waxey aniga ilatahay iney ku xirantahay waalidka ilmaha dhalay sida ay u dareensiiyaan ilmahooda jiritaanka qabiilka. Anigu maraacsani fikradda ah in ilmaha ku dhasho ama ku koro wadamada dibadda laga wada tirtiro fikradda qabiilnimada, taas oo keenikarto in ilmahaasu markii ow weynaado aqaaniwaayo meel ow xididkiisu galo. Waxaana meeshaas ku dhumidoono xiriirkii fiicnaay oo ey diinteena nafareysay oo ahaay in rixinka iyo qaraabadaba laxiriiriyo loona naxariisto iwm. Waxaa marka dambe xataa ku dhumidoono Soomaalinimada aan rabno inaan dhisno, waxey aniga ilatahay in jiilka soo koraayo qabiilka loobaro dhinaca naxariista iyo isukaalmeynta sida ey diinteena na fareyso. Qabiilka sidee loola dagaallami karaa? Gabagabada waxey ilatahay in qabiilka lagula dagaalami karo in marka hore inta waxgaradka ah ee dareemeyso in qabiilku yahay cudur xun ey meel uga soo wadajeestaan ladagaalankiisa iyadoo qof walbo ey niyad ka tahay laisna dhaafsado fikrado caafimaad qabo si loo gaaro daawo. waxaan soo jeedilahaa ineyna dooduhu naqan midi-midi kutaag iyo kuwo caadifadi kamuuqato sida aan dooda badan hadda kahor kadareemay. |
|
BOGGA 2AAD |
|
|
|
James Knoll Email: languagebank@seattleredcross.org. Washington State ranks 4th in the nation by number of newly arrived refugees. One in four Seattle-King County households speaks a language other than English in the home. We believe many people are not receiving social services available to them because of a language barrier. Since 1983, the Red Cross Language Bank has been assisting local non- and limited- English speaking communities access the services and programs. We provide no-/low-cost interpretation and translation services to individuals and non-profits alike. We also have arranged interpreters and translators for many social service organizations (food banks, school districts, homeless shelters, and women’s shelters), as well as for individual immigrants and refugees--none of whom had access to professional interpretation or translation services. Our Language Bank is comprised of 250 bi-/multi-lingual volunteers who speak over 60 languages. These dedicated volunteers donate their time to assist the American Red Cross in cases of local and international disasters as well as to the greater community. The community’s needs, however, far outstrip our resources. The Language Bank currently has a shortage of interpreters and translators in several specific languages including Somali. As of January, we have three Somali interpreters, rendering us unable to properly assist that growing community. How can you get involved? If you are bilingual, become a volunteer interpreter. Training is provided and no professional experience is necessary. Or, if you have contacts with other Somali organizations in King County, pass on the word about the Language Bank. For more information or a copy of our newsletter, contact the Language Bank at (206) 726-3554; or 1900 25th Ave. S Seattle, WA 98144; or by email at languagebank@seattleredcross.org. Or, check out the Seattle-King County Red Cross website: http://www.seattleredcross.org The Red Cross is there, because Help Can’t Wait in any language. The American Red Cross is a non-profit, humanitarian agency. All disaster relief is free, made possible by voluntary gifts of time and money from the American people. 40 qof ayaa lagu dilay dagaallo Soomaaliya ka dhacay Muqdishu, 19 March 1999(AFP), Ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay 70 kalena waa lagu dhaawacay, dagaal maalintii jimcaha dhexmaray kooxaha taageersan Muuse Suudi Yalaxow iyo deblay raacsan ninka isku sheegay in uu duq ka yahay magaalada Muqdishu Xuseen cali Axmad. Waxaa la sheegayaa in dagaalku dhex maray qolyaha Daauudka loo yaqaan ee raacsan Muuse Suudi iyo kuwa galmaaxa loo yaqaan oo raacsan Xuseen Cali Axmad, labadaas kooxood sida la ogyahay waxay ka tirsan Qabiilka Abgaal. Waxaa la sheegayaa in deblayda taagersan Muuse Suudi ay hooshtay dabadeedna dab qabadsiisay aqalkii Xuseen Cali (Duqa Muqdishu), sidaa waxaa soo sheegay ragga wararka tebiya iyo dad goobjoog ahaa. Qaxooti Soomaaliyeed oo Kenya in ay galaan loo diiday Nairobi, Kenya (PANA) March 15, 1999, In ka badan 300 oo qaxooti soomaaliyeed ah oo ka soo qaxay dalka soomaaliya ayaa waxaa loo diiday in ay soo galaan Kenya. Qaxootigaas waxaa la sheegayaa in ay ku soo dhoofeen doomo matoorro ku xiranyihiin dabadeedna ka soo degeen dekeddii hore ee Mambasa. Wararku waxay intaa ku dareen in ay qaxootigaasi ka soo carareen magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda halkaas oo ay dagaallo qabiileed ka socdaan. Waxaa in la xuso mudan in dadkaa qaxootiga ahi ay xeryaha qaxootiga ee Mambasa ku yaalla ka tageen dabayaaqadii sanadkii 1998kii, kadib markii la faray in ay xeryo kale u guuraan, hase ahaatee, waxay door bideen in ay dalkoodii u noqdaan. Doomo Sharci darro uga kalluumaysanaya Xeebaha Soomaaliya Puntland March 16, 1999 (BBC), Warar ka imaanaya koofurta bari ee dalka soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in niman hubaysan ay qabteen laba doomood oo si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha dowladda Puntland. Doomahaas oo sida la sheegay ugaarsanayey yaxaas badeedka waxaa la socday badmareenno u kala dhashay Taiwan, India, Uganda iyo Tanzania, maalin kahorna waxaa la qabtay doon laga leeyahay Taiwan oo ay la socdaan 19 badmareen oo u badnaa Ukraine. Waarar kale ayaa waxay sheegayaan in niman deblay ah oo saaran doomaha aad u dheereeya tiradooduna gaarayso ilaa 50 nin ay gacanta ku dhigeen labadaas doomood, dad tiradoodu gaaryso 50 qofood oo la socdayna ay maxaabiis ahaan u xireen, ilaa iyo haddana aaney wax madax furasho ah waydiisan. Waxaa kale oo la sheegayaa in ay dadka soomaaliyeed aad uga caraysanyihiin doomahaas ka kalluumaysanaya dhulkooda oo ka faaiidaysanaya dowlad la'aanta ka jirta dalka. Duqaydii Gobalka Gaarisa oo gardarro loo gaystay Kenya, March 16, 1999 (BBC), Lataliyayaasha dowladda ee magaalada Gaarrisa ayaa waxay booliiska ka codsadeen in ay faahfaahin ka baxshaan sababtii loo xiray in ka badan 50 qof oo ka mid ah duqaydii soomaalida dhulkaas deganayd. Duqaydaas saddex mooyee intoodii kale waa la soo daayey, wararkuna waxay sheegayaan in arrinkaasi xiisad ka kacshay magaalada Gaarisa. Booliisku waxay sheegeen in ay u kuur gelayeen oo hubinayeen waraaqaha aqoonsiga odayaashaas, hase ahaatee, hoggaamiyayaasha gobalkaas waxay arrintaas ku tilmaameen in ay tahay ku xadgudub. Waxaa kale oo weriyayaashu sheegayaan in nabadgelyada gobalkaasi soo xumaaneysay bilihii la soo dhaafay. |
Daacuun Koofurta Soomaaliya ka dillaacay Ugu yaraan 26 qof ayaa ku geeryootay degmada Salagle oo ku taalla dacalka wabiga Juba ee gobalka Jubada Hoose kadib markii uu ka dillaacay cudurka daacuunka. Waxaa kale oo la sheegayaa in la daaweeyay dad kale oo tiradoodu gaarayso ilaa 50 qof oo carruur iyo dad waawayn isugu jira. Ilaa iyo 79 qof oo kale ayaa isbitaallada ka |
baxday oo laga daaweeyay cudurkaas daacuunka ee degmadaas ku fiday. Waxaa la sheegayaa in cudurkaasi uu gaaray magaalada Marka ee ku taalla Gobalka Shabeellada Hoose. |
|
|
BOGGA 3AAD |
|
|
Waxaan dhamaan bahda wargeyka codka Soomaalida Cusub u rajeynayaa in ciidan ilaahay kadhigo tii aan samiyo bash-bash iyo barwaaqo ku ciidno iyo in illaahay dalkeenii hooyo noo dejiyo oo aynaan maanta kadib qaxootnimo kusiisugnaan Waxa loobaahanyahana tahay samirka oo aan kaashano iyo in aan illaahay u soo laabano! Ciid wanaagsan Soomaaliyeey! Waxaa Qoray: Ikraam Abdi Ali Vårväders gatan 1, 41831 Gothenburg, Sweden. |
Mandela oo ka hadlay barlamanka Sweden Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa booqosho kuyimid dalka Sweden magaaalada Stockhom ee xarunta dalkan ah, waana booqashadii ugu danbeysay ee Mr. Mandela uu ku kala bixinayey wadamada yurub gaar ahaan waqooyiga yurub, isaga oo lafilayo inuu jagada madaxtinimo ee dalaka Koofur Afrika wareejindoono bisha juun ee nagu soo foodleh. Mr. Mandela mar uu kawaramayey parlamanka dalkan Sweden waxa uu mahadnaq balaaraan u soo jeediyey dowlada Sweden oo taageero dhinacwalba ah u fidisay Koofur Afrika xiligii midabtakoorka uu dalkaasi kajiray, waxaa kaloo intii ay qudbadiisii dheereyd soctay yiri "waa markii iigu horeysay ee aan kahadlo parlamaan waxaase laga yaabaa iney tahay tii iigu danbeysay, waayo buuyiri muddo sagaal sano kahor ayaa iigu danbeysay meel sidanoo kale ah oo aan kahadlo". Waxaanan ilaawi doonin buu yiri; shacabka iyo dowladda reer Sweden taageeradii wanaagsaneyd ee bini'aadnimada kujirtay ee inoo fidsheen waana midaan abaal idinkaga heyno, sidaas ayuu hadalkiisi dheeraa ku soo gabagabeeyey dhowr saacadood kadibna, wuu kaduulay dalka isaga oo ku sii jeeda dalkiisii hooyo, hase ahaatee wuxuu ku hakan doonaa dalka Libaya halkaas oo uu kulakulmi doono Mucamar al-Qadafi hogaamiya dalaka Libiya. Ciraaq oo jebisay xayiraaddii dhinaca cirka ee lagu soo rogay Maamulaka madaxweyne Saadam Xuseen ayaa jabshay qaraaraddi golaha amaanka qaramadda midoobey ee ahaa cunaqabateyntii dhinaca cirka lagu soo rogay dalkaasi Ciraaq tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii gacanka carabta ee sanadkii 1991kii. Wadamadda Ingiriska iyo Mareykanaka ayaa ku canbaareeyey madaxweyne Saadam Xuseen inuu jabshey xayiraadii dhinaca cirka ee lagu soo rigay, waxaana ay labadaasi dal sheegeen inaaney marnaba raali ka aheyn falkii ay sameeyeen Ciraaqiyiintu. Waxaa canbaareyntaas ka sii daran guul darraddii ay kal kulmeen dowlada Saudi Arabia, kadib markii ay ka codsadeen iney is hortaagto diyaaradaha sida xujeyda ciraaqiyiinta ah, hase ahaatee gaashaanka ayey ku dhifeeteen Sacuudiyiintu oo waa ay la qumanaan weysay iney ishortaagaan xujeydaas. Muddo (8)sanno ah ayaa Ciraaq waxaa saarnaa cuno qabateyn xoog leh oo aan ku koobneyn xagga cirka oo kaliya balse uu ahaa mid dhankasta saarnaa, waxaana shacabka reer Ciraaq heystay dhibaatooyin saameyey nolomaalmeedka bulshada iyadoo xataa ay gabaabsi noqdeen dawadii iyo maciishadii, waxaa taas sii dheer in dadka qaar ay ku adkeyd iney soo aadaan gurigga ilaahay ee (Makka al-Mukarama. Liibiya oo diyaar u ah dhiibista labadii nin ee eedeysanayaasha ahaa Wararka ka imanaya magaalada Tripoli ee xarunta dalkaasi Libiya ayaa waxa ay sheegayaan in ay dowladda Liibiya iminka diyaar u tahay iney dhiibto labadii nin ee liibiyaanka ahaa ee lagu tuhunsanaa iney ka danbeeyeen qaraxii diyaaraddii mareykanka ee PANAM ee ku dulburbutay gobolka Lockerbie ee dalkaasi Scotland sanadkii 1989kii halkaasoo ay ku nafwaayen in kabadan 270 qof oo rayid ah. Hadalkan kasoo yeeray maamulaka Tripoli ayaa waxaa la sheegayaa iney ka danbeysay booqashadii ay ku yimaadeen madaxweynaha Koofur Afrika ee Nelson Mandela iyo boqor Fahadka dalka Saudi Arabia todobaadkan aynu ku jirno gudihiisa. Sadaxdaasi hogaamiye ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya sadexdaasi dal iyo sidii xal loogu heli lahaa qadiyada Lockerbie iyo arimo kale oo fara badan. Boqor Fahad iyo Mandela waxa ay sheegeen in iminka Liibiya diyaar u tahay in la dhiibo labadaasi nin waana mid lahubo bey yiraahdeen labadaasi hogaamiye. |
BOGGA 4AAD |
|
|
|
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan] Culumaa'uddiinka Waa aqoonyahanno gaar ah ee muhimmad wayn leh, haddii ay doorkooda Alle waafajin lahaa. Nasiib darrose muwaafaqo darro ayaa lagu ibtileyay. Halka qabqablayaasha "war Lords"ka ay kaga mashquulsan yihiin Gobolays iyo bood-oodasho, aqoon yahannadane qaarkoodne "Pen Lords"kane bulsho qaybsi, ayaa culamaa’ uddiinkane "Mad-hab Lords" ugu mashquulsan yihiin Diin kala jiidasho. Lords, sooma aha isboqrayaasha xoogga ku maquuni jiray geyi kooban, ummadaha ku mool geyidaasine ku addoonsan jiray. Runtii Culumaa’ uddiinka waxay taariikhda dheer ee la dagaallanka gaalaada iyo xornimo doonka, markasto, ayay u soo ahaan jirayn udub dhexaad. "Shuclada" ama (faynuusta) Shacbiga waddada u ifisa marka arinta ay isku dhafanto. Waxay mar kasto ay soo ahayeen kuwa bulshada ay ku kalsoon tahay, darajo iyo xushmada xad dhaaf ah loo hayay. Ummadda Soomaliyeedna ay noqotay Ummad boqolkiiba boqol Islaamka ku abtirsata. Inkastoo culumada waayihii dambe tayadoodu ay soo korortay, shahaadooyin jaamacadeed sar sare la soo qaatay, kuma aysan guulaysanin in qiimihii iyo xushmadii bulshadu u haysay inay kobciyaan. Iyagana sida aqoon yahannada kale ayay u jeesteen in ay diinta qaab casri oo ku dhisan is burrin iyo "Mad-habayn" ummadda ku jahawareertay la yimideen. Oo halkas ayay doorkooda hoggaamineed ku gabeen. Ummaddii Soomaaliyeed ee isku haysatay ummad boqolkiiba boqol Islaam ah ayaa waaga u baryay iyaga oo la leeyahay jaahiliin baad tihiine ee towbad keena amase dib u Islaama. Kuwa culuma ku sheegga ah ee aad daba socotaane waa jaahiliin idinka oo kale ah. Halkaas ayaa ugu dambaysay xushmad iyo tixgelin culumada loo hayo oo sheekadane ay isku beddeshay gardhherayaasha, surwaal xumayaasha, fooxlayaasha iyo axzaab tira badan oo la siyaasadeyay. Maxaa yeelay, horay ayaa loo yiri: "Insaanka waa u Cadow wixii usan Garanayn". Soofaynta iyo dib u dhalaalinta way wanaagsan tahay mar aslaku taagan yahay. Culumada cusub waxay ummadda u soo ban dhigeen aqoon isu duub ah oo loo qaatay mid gibigeedaba cusub oo waxay ka dhigeen wixii asaasiga ahaa ee iyaga ka soo horeya wax baadhil ah oo ka soo qaad lahayn. Sidaas ayay ku waayeen oo haraati ku dhufteen mimbarkii "platform" ay dadwaynaha ay kala xiriiri lahayeen. Taas oo ku iman kartay inta waxa xoorta ah iska afuufaan, inta ka soo horraysay ee wanaagsanayd dhankooda ka soo galaan. Dadka waxaa ku abuurmay shaki iyo jahawareer oo ay isweydiinayeen, haddii tii horay sidaas tahay, tan cusubine maxay tahay? Oo ilaa ay gaartay ummaddii 100% Islaan nimo lagu tirinayay in ay beelah u noqdeen diimo kale (sida tan Masiixiga ama Yahuudda) ay ugaarsadaan. Oo waxaa soo baxay kutubo diimahaasi af Soomaali in lagu tarjumay dad badanna lagu gaaleyay. Waa wixii gumaystuhu qarniyo uu ku guulaysan wayay, isaga oo xoolo iyo xoogba isticmaalayo. Soomaali keliya ayaa ka baxsatay Africa oo dhan. Laakiinse hadda arinta iyadoo saxan dahab saaran ayaa gaaladu lagu sooray. Culummauddinka, iyagana sida aqoon yahannada kale, kuma aysan guulaysan inay ka madax banaanaadaan, tolkooda.Illeen horaa loo yiri "Wadaad tolkii kama Janna tago". [Waa socotaa...] |
|
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo! Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan. Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel). |
|
Jawaabo runta lagu taabtay Intaas ka dib waxa aan waraysi kale la yeeshay oday aan u arkayey in uu ka mid yahay kuwa ugu waaya aragsan uguna aqoonta roon odayaasha Daaroodka, waxaanan weydiiyey; S. Warkaaga ma iigu faahfaahin kartaa tusaaleyaal iyo caddaymo la taaban karo. J. Haa, waxaa Soomaali u kacay Halgamayaal fara badan oo heer sare wada gaarsiiyey dalka xag dhaqaale iyo cududba, kulligoodna waxay ahaayeen Daarood, waxaana wada jebiyey Hawiye. S. wax ma iiga sheegi kartaa halgamayaashaas aad sheegayso? J. Haa, waxaa ugu horeeyey Axmed Gurey oo ka dhigay Soomaaliya cududa looga cabsado geeska Afrika, waxaana ugu dambeeyey Cali Yusuf oo ka dhigay Soomaaliya dawladdii ugu horeysay ee Afrika qori iyo rasaas ku yeelata, xagga dhaqaalahana waxaad haddaba arki kartaa in Shillinka Soomaaligu uu ahaa kan keliya ee looga adeegto guud ahaanba Afrika. Ka dib markii ay wixii la shirqoolayey qarxeen ama ha laga guul gaaro ama ha lagu fashalmee waxaa ii cadaatay in ay soo if baxday cillad ka daran tii markii hore eelka kicisay ee ahayd is yasidda iyo is xoraynta. Cilladdaas oo aan dareemayo in aanay maanta dadka intooda badani dareemin waxa ay tahay baqdin ay qola walbaa ka baqayso in laga aarsado iyada oo xusuusan intii ay dambi gashay. Sidaa awgeed ay cid waliba go'aansatay ama tali ama tiran, waayo marka ugu horaysa ee aad is dhiibto ayaa dabaadigaaga u dambaysa oo reer hebel oo fursad idiin helay hilbihiinna unbay kidfayaan, oo halkaa unbaa kadabkiin ku go'i. [Waa socotaa...] |
|
Bakeeryadu waxma ina tartaa? Haa, waayo waxaa jira nooc bakteeryada ka mid ah ku nool jidhkeena dhexdiisa sida dheef mareenka, cunaha, oogada iyo meelo kaleba, waxna ma yeesho jidhkeena, waabase ina caawisaa iyadoo inaga difaacda bakteeryada kale ee waxyeelada leh. Bakteeryada aan waxba ina yeelin waxaa loo yaqaan normal flora. Waxaase la caddeeyey in bakteeryadan normal flora, matalan haddii ay ku nooshahay dheef mareenka oo gaadho cunaha in ay jirro ku keeni karto. Sidoo kale waxaa la caddeeyey haddii qofka awooddiisa difaac yaraato in ay bakteeryadaas keeni karto xanuun. Waxaa loo yaqaanaa bakteeryada ku shaqaysata nooocaas apportunist. Wax ma ina yeeshaa bakteeryadu? Haa, waayo waxaa jira noocyo badan oo bakteeryada ka mid ah oo sababa cuduro kala duwan. Cudurada ay bakteeryadu sababtu waxaa ugu caansan qaaxada, jabtada, meningitis-ka, iyo cune xanuunka. Bakteeryada wax ina yeeshaa waxay sii daysaa sun loo yaqaan toxin, suntaas oo disha unugyadii jidhka ee noolaa, markaasna sababa in ay bakteeryadii badato maadaama ay heshay cunto ku filan. Waxaa la ogaaday raashinka ay bakteeryadu ugu jeceshay markaas ayaa la sameeyey si loogu abuuro (culture) bannaanka si loo ogaado bakteeryada waxyeelada leh iyo ta aan lahayn. Sidoo kale waxaa la sii ogaadaa daawada ku haboon ee dili karta bakteeryadaas soo weerartay qofkii caafimaadka qabay. [Waa socotaa..] |
BOGGA 5AAD |
|
Qaybtii Koowaad: Xilliyadaan dambe waxaa aad looga doodaa waxa loo yaqaan "xuquuqda dumarka", warbaahinta oo dhan waxaad ku arkaysaa dumar u heellan inay soo celiyaan xuquuqdii laga xayuubsaday xilli hore. waxaa xusid mudan in dumarkaasi isku magacaabay "feminist"ay halgan dheer u soo mareen sidii ay ugu horrayntii u muujin lahaayeen inay yihiin insaan , xaqna u leh in loo ogolaado inay u noolaadaan sidii insaankii. Dabcan haddii aad dib u akhrisid taariikhihii adduunka waxaad arkaysaa in aqoonyahannadii dunnida reer galbeed hogaaminayay ee ahaa filisoofiyiintii caanka ahaa inay muddo dheer ku doodayeen in jinsiga dumarka ah ruux leedahay iyo in kale ? Haddiise ay leedahay ma la mid baa ruuxda (nafta) ragga? Dumarka ma addoomihii loogu talo galay raggaa? iyo su'aalo noocaas oo kale ah oo badan. Waxaa ugu horrayntii lagama maarmaan ah inaynu isweydiinno in baadigoobka xuquuqda dumarka ah uu ka jiray dunnida oo dhan? maxaa sababay in xuquuqdooda la dafiro? ugu horrayntii maxay ahayd xuquuqdooda laga dafiray? yaa ka dafiray? sidee looga dafiray? Inta aynaan ka hadlin xuquuqda laga dafiray, bal aynu baaritaan ku samayno waxa ay tahay xuquuqda laga dafiray. Sidaynu ognahay diimaha ugu waaweyn ee lagu tilmaamo inay xagga Alla ka yimaadeen waa Krishtanka, Yuhuudda iyo Islaamka. Waxaynu isla barbardhigaynaa xuquuqda ay diin waliba siisay dumarka raacsan, si markaa ay inoogu caddaato inayba jirtay xuquuq laga xayuubsaday dumarka iyo in kale. Waxaan rajaynayaa in dumarka soomaaliyeed ee muslimiinta ahi ay ka faa'iideysan doonaan baaritaankan, isla markaana ay noqon karaan kuwa u raadiya xuquuqda ka maqan gabadha reer galbeed ee ay isku waddanka ku nool yihiin. Inta aynaan baaritaanka billaabin waxaan jeclahaan lahaa inaan xaqiijiyo in anigu aan ahay qofka soo turjumay, balse waxaa mahad mudan qofka soo diyaariyay ee aan magaciisa kor ku xusay (Inkastoo aan anigu shakhsi ahaan u aqoon). |
|
|
|
|
Haweenka dalkaasi Iran ayaa la sheegayaa in ay kaalin wayn ka qaateen dooorashooyinkii dalkaas ka dhacay bishii ina soo dhaaftay. Dumarka Iran waxay la mid yihiin dumarka caalamka islaamka xagga ilbaxnima xumida iyo aqoon yarida intaba, lagana filan mayn in ay wax wayn ka bedelaan qaabka siyaasadeed ee dalkaas. Laakiin doorashooyinkii ugu dambeeyay waxay tuseen in haweenku cod fiican ku lahaa doorashooyinkaas oo ay miisaan xoog leh noqdeen. Waxaa ayaduna in la xuso mudan in haweenka dalkaas u kala qaybsan yihiin laba kooxood oo siyaasadeed. Kooxda dhexdhexaadka ah ee taageerta siyaasadda madaxwayne khataami iyo kooxda taageerta Imaamka Khumayni ee ayagu diinta iyo dhaqanka aad ugu dheggan. |
BOGGA 6AAD |
|
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan: 1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog) 2. Mowduuca: Tawxiidka. 3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab. |
|
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre 5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin. |
CASHARKA 35AAD
ALLA RUMAYNTA WAXAA KA MID AH
IN LOO SABRO WIXII EEBBE KUU QORAY
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Ruuxiise Eebbe rumeeya waxaa hanuuni qalbigiisa, Eebbana wax walba wuu ogyahay] At-Tagaabun 11.
Calqama wuxuu yiri: Waa ninka, waxaa ku dhacaya hoog kolkaas buu ogaanayaa in ay Eebbe xaggiis ka ahaatay, wuuna ku raalli noqonayaa oo ogolaanayaa.
Saxiixa Muslimna waxaa ku soo arooray, oo Abuu Hurayra Allaha ka raalli noqdee, laga soo weriyay, in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Laba walxaato oo dadka ku sugani kufri bay ku tahay: Nasabka oo la duro, iyo maydka oo lagu dul booyo".
Bukhaari iyo Muslimna waxay Ibn Mascuud ka soo weriyeen:"Naga mid maaha qofkii dhabanada garaaca, oo dharka jeexa, oo catawgii jaahiliga ku cataaba".
Anas-na Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo weriyay, in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, yiri:"haddii Eebbe addoonkiisa khayr la doono wuxuu u soo dedejiyaa ciqaabta adduunka dhexdiisa, haddii uu addoonkiisa shar la doonana dambigiisa buu u hayaa si uu ugu oofiyo maalinta qiyaamaha".
Waxaa kale ee uu Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee yiri:"Abaalgudka wayninkiisu wuxuu la socdaa wayninka Ibtilaynta, Eebbana kor ahaayee, hadii uu qolo jeclaado wuu ibteleeyaa, haddaba qofkii ku raalli noqda raallinimo buu leeyahay, kii ka caroodana caro buu leeyahay"{Tarmadi}.
Mas'alooyinka Casharka
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda At-Tagaabun.
Tan 2aad: Waa in kani (u sabridda wixii Eebbe qoray) Alla rumaynta ka mid yahay
Tan 3aad: Waa duridda nasabka.
Tan 4aad: Waa sida adag ee loogu gooddiyay qofkii dhabanada garaaca oo dharka jeexa oo catawgii jaahiliga ku cataaba.
Tan 5aad: Waa astaanta lagu ogaanayo haddii Eebbe addoonkiisa khayr la doono.
Tan 6aad: Waa la doonista uu Eebbe sharta la doonayo.
Tan 7aad: Waa astaanta lagu garanayo jacaylka uu Eebbe addoonkiisa u qabo.
Tan 8aad: Waa in la xaaraantinimeeyay in Eebbe loo caroodo.
Tan 9aad: Waa xasanaadka ay leedahay belada oo loo sabro.
|
|
Qaybtii 1aad Digniintii ugu dambaysay Runtii waxay ahayd fulintii Nebi Ciise (CS) oo ahaa kii ugu dambeeyey nebiyadii reer binu Israa'iil. Odoroskiisii ahaa in jinsiga yuhuuda Eebe hanuunkiisa ka wareejin doono una wareejin dad kale, waana tuu ku lahaa baybalka dhexdiisa aayadda soo socota: "Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya" Maatayos 21:43. Boqortooyada Ilaah waa sharaf iyo mudnaan gaar ahaaneed oo la siiyo dadka Ilaah doorto eeg Exodus 19:6: "Oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaado ah, iyo quruun qoduus ah". Dalacaadaas wayni waxay ku dhammaatay Nebi Ciise (CS). |
BOGGA 7AAD |
|
|
Qaybtii: 29aad Baaristii Arrintii Dimna Kaliila wixii uu dimna ku yirina waxaaa ka mid ahaa: fuulliin dhib badan baad fuushay, waxaadna gashay marin cariiri ah, naftaadana gaf wax dila baad u gaysatay oo ciribtiisu hoogtahay. Tii kugu dhacdana waad ogaan doontaa, haddii libaax arrintaada ogaado oo arko oo uu beentaada iyo dhagartaada ogaado, waxaadna joogi garab la'aan, oo taagdarro baa kugu kulmi iyo dil si dhibaatadada looga dhowrsado. Dabinkaagana looga digtoonaado, aniguna maanta ka dib waday kaa dhigan maayo, qarsoodina kuu sheegan maayo, maxaa yeelay in dheergaratadu waxay tiraahdaa, qofkii aadan jeclayn waa laga fogaadaa. Anigana waxaa ila gudboon in aan kaa fogaado oo aan isku dayo sidii an uga fakan lahaa wixii libaax arrintan ka gaaray. Shabeel markii uu intaas hadalkoodii ka maqlay ayuu dib u noqday oo libaaxa hooyadiis u galay, markaas buu dhaarshay oo ku ballansaday in aanay wixii uu ku qarsado kasheegin. Wayna ka ballan qaadday, kolkaas buu u sheegay wixii hadal ahaa ee uu ka maqlay kaliila iyo dimna. Markii ay waa bariisatay bay libaax u gashay oo waxay aragtay asiga oo tiiraanyoonaya, murugaysan oo meehanaabaya dilkii shitriba dartiis. Kolkaas bay ku tiri murugadan way adkaatay oo ku qaadday e' waa maxaay? wuxuu yiri: waxaa i murugeeyay dilkii shitriba. Marka aan xasuusto la socodkiisii iyo wadaytinimadiisii iyo waanooyinkii aan ka maqli jiray, iyo talooyinkiisii aan ku qaboobi jiray, iyo tilmaamihiisii aan yeelli jiray. [Waa socotaa..] |
BOGGA 9AAD |
|
|
Qaybtii 19aad 191. Shiirba allaha ka dhigee intii dad leeyahay waa la yeeshaa. 192. Shimbirba shimbirkiisa ayuu la duulaa. 193. Shimbiri maalin bay dab qaadday, maalintiina minan islaameed bay ku gubtay. 194. Shan nin oo marti qayb leh shanshaa ka go'da, shan nin oo aan marti qayb laynna shan shansho baa ka go'da. | 195. Shimbiri laba tog kama wada berdaysato.195. Shimbiri laba tog kama wada berdaysato. 196. Shimbiro abaareed middii u mamman ayaa ka soo baxda. 197. Shanberi sheekh laguma noqdo. 198. Sheekaba sheekay keentaa. (waxba waxbay keenaan). 199. Dhicis inta birta loo soo sido ayuu dhintaa. 200. Dhayel caruureed waa bulac dilkiis. |
BOGGA 8AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|