Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
S o m a l i    E l e c t r o n i c    J o u r n a l
A Destination for Somali News, Business and Culture
S.E.J
Main
Page
  • Somali Studies
  • Somali Culture
  • Business
  • Communication
  • Computers
  • Education
  • Entertainment
  • Hobbies
  • Internet
  • Jobs
  • Libraries
  • Music
  • S.E.Journal
  • Newspapers
  • Organisations
  • Search Engines
  • Shopping
  • Sports
  • Travel
  • Women
  • Gundhigga Wargayska
    Aqarso B. Martida
    Taariikh: 23.1.2000
    Saxiix B. Martida
    BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA
    The Editor
    Hersi Labagarre
    Qasim's photo
    Qasim Hirsi
    Waraysigii aan la yeelanay Qasim Hersi Farah
    Toddobaadkan waxan ararta wargayska ku soo qaadanaynaa, waraysi aan la yeeshay Qaasim Xirsi Faarax oo dhawaan loo doortay Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia.
    Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Malaysia
    S.Qasim horta imisaa Somaali ku nool dalkan Malaysia?
    J.Waxa ku nool tira aan ka yarayn 250 qof marka la isku wada daro guud ahaanba dadka jinsi ahaan Somali ah ee kala sita dalku galyada kala duwan sida; kuwa sita dhalashada Kenya, Ethiopia, Djabuti, Yeman, America iyo meelo kale oo Yurub ka mid ah.

    S. Maxay dadkaasi ka qabtaan oo u joogaan meesha?
    J. Intooda badani wax bay ka bartaan, in kalena way ka shaqaystaan?
    S. Dadkan aad sheegaysee passporada Yurub iyo America kala sitaa iyagu ma wax barashay u joogaan?
    J. Daarna waxbay bartaan qaarna way ka shaqaystaan?

    Qaabka Doorashada iyo khilaafaadka Soomaalida
    S. Waxan la yaabanayn habka ay u dhacaysay doorashadiinu, marka arinta lagu sii xiro khilaaf yar oo aan maqlay in uu sanadkii hore dhexdiina soo galay, wax ma nooga faahfaahin kartaa habka uu khilaafkaasi u dhacay marka hore?
    J. Run ahaantii waxan dhihi karnaa kaasi ma ahayn khilaaf la sheego oo sidaas usii weyn. hal nin oo dhawr qofna ay si gaar ah u taageeraysay ayaa ka soo horjeestay nidaam gaaban oo markaa iyada ah la waday, isaga qudhiisuna ma ahayn nin ay ujeedadiisu ahayd in uu wax qaso, ee waxa uu ka waday arinta dadaal iyo dhaliil uu ujeedinayey hogaanka ururka.

    S. Maxay ahayd dhaliishaasi?
    J.Waxa uu quud daraynayey hawlihii ururka oo ka gaabinayey sidii loogu talagalay, taas oo dhalaisay in ay qabsoomi waayaan waxyaalo badan oo ku jiray qorshaha.

    Saamaynta Siyaasadda Malaysia
    S. Waxaan dareemayaa in aad idinku mar walba la jaanqaadaysaan dalka aad joogtaan oo hadii ay qulqulado ka dhacaan idinkuna dhexdiina ka dareemaysaan mid kuwaas la mid ah. waayo sanad hore markii uu khilaafkaasi idinku dhex jiray, waa tii mucaaradkiinu ay ku dhawaaqeen dibuhabayn - reformation qaab dhismeedka uruka iyo hawlihiisa. taasina waxay ahayd isla siyaasadii markaas ka taagnayd wadanka. maantan doorashadiinu waxay u ekayd mid aad ka fiirsanayseen tan ka socotay isla waqtigaas dalka?

    J.Waa run oo horta in badan oo hab siyaasad dhaqameedka ah waan kala soconaa dalkaan, waana la dhihi karaa in aan ka fiirsanayno waayo inagu horay uguma camal fali jirin siyaasada xisbiyada badan iyo doorashada xorta ah. sidaa darteed tooda oo aan aragno mid casriyeysan oo weli dabakahysa nidaamka Dimoqraadiga iyo Islaamka labadaba waan danaynaa oo waxanba jecelnahay in aan waxyaalo badan ka barano dalkaan.

    S. Maxaa ugu weyn oo aad ilaa hada ka faa'iidaysateen?
    J. Waxaan ka faaidaysanay sida dadku ay ugu dagaalamaaan af iyo qalin tiiyoo hadana weli la wada shaqaysanayo oo la is fahmayo, marnana aan lagu fikiraynin dagaal gacan ka hadal ah. sidoo kale sida dadka loo siiyo xoriyad ay ra'yigooda ku cabiraan ee markaasna dood wax la isku weydaarsado tiiyoo aan cidina cadhoonaynin ama isla weyni awgeed dhan isu buusaynin.     [Waa socotaa..]
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    BOGGA 2AAD WARARKA SOOMAALIDA
    Magaalada Odense ee Danmark oo si wayn looga xusay Ciidul Fitriga
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com
    Odense, Denmark

    Xaflad aad u ballaarnayd oo lagu maamuusayay munaasabadda Ciidul-fidriga ayaa lagu qabtay Lookalka weyn ee ku yaalla Dugsiga Sct.Hans School ee ku yaalla magaalada Odense ee dalka Denmark, xafladdaas oo dhacday maalmihii Sabtida iyo Axada ee taariikhdu ahayd 8-9-ka bishan Jannaayo.
    xafladdii ciidda
    Xafladdan oo ay soo qaban qaabiyeen macalimiinta wax ka dhiga Dugsiga Salaaxudiin, ayeey farax gelisay dhammaan ardaydii iyo bulshadii Soomaaliyeed ee ka soo qayb galay Xafladda. Waxaa lagu soo bandhigay xafladda barnaamijyo xiiso lahaa. Waxaa ka soo qayb galay dad isugu jiray rag iyo dumar. Xafladdan oo la qabto sannad kasta munaasabadaha ciidaha ah, ayaa waxaa ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Dugsiga Salaaxudiin loo qabtay tartamo, iyadoo qofkii ku guuleystana la guddoonsiinayay abaalmarino iyo haddiyado kala duwan.

    Waxaa xafladda hadallo iyo dardaaramo ka soo jeediyay culumaa'udiin, aqoonyahanno iyo indheergaradyo Soomaaliyeed, iyagoo dhammaantood tilmaamay wanaagga iyo dowrka weyn uu ugu fadhiyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha, gaar ahaan ubadka ku dhashay dalalka qurbaha qabsashada munaasabadahan diinniga ah. Magaalada Odense waxaa ku dhaqan Soomaali tiradooda gaareysa qiyaastii 1350 qof, kuwaasoo intooda badani ay yihiin dhalinyaro ka yar da'da 18 sanno.
    Duqayda Magaalada Caabudwaaq oo iskuulladii degmada dib u faray
    Caabudwaaq Jan 22, Magaalada Caabudwaaq oo ka mid ah degmooyibka gobalka Galguduud, ayaa dabayaaqadii sanadkii 1999ka iyo horraantii sanadkan 2000, ka socday dadaal wayn oo ay wadeen odayaasha magaalada oo kaashanaya dhallinyaro indheergarad ah oo badankoodu dibadda ka yimid.

    Dadaalkaas oo lagu doonayay in dib loogu furo iskuullada caruurtaa magaaladaa deggan ayada oo la adeegsanayo dhismihii hore ee dugsiyadii la dhisay waagii xukunkii Siyaad barre, si socodka tacliinta magaaladu ugu soo laabto majarihiisii qumanaa.

    Cabdullaahi Dhayl oo aan xalay kula hadalnay khadka taleefanka wuxuu inoo sheegay in howsha furitaanka iskuulka iyo bannaynta dhismaha iskuulku ay si fiican u socot, hase ahaatee intii howshaasi socotay uu dhacay xoogoo iska horimaad ah oo guddigii arrinkaas weday ay nin dileen.

    Ninkaa la dilay oo magaciisa la dhihi jiray Ibraahim Cigaal, wuxuu ka mid ahaa dadkii deganaa dhismihii dugsigii hore ee degmada ee iskaa-wax u qabsada lagu dhisay, dabdeedna guddigu amray in laga baxo dhismahaas, hase ahaatee uu ninkaa la dilay ka mid ahaa dadkii ku madax adaygay amarka guddga.

    Waxaa kale oo ninka aan la xiriirnay inoo sheegay in aanan wax dhibaato ah oo kale ka socon magaalada, ninkaa la dilayna la aasay.

    Ciidanka Kenya oo sheegay in ay qabteen Soomaali Tahriibaysa
    January 21, 2000 (Nairobi) Joornaalka Kenyaatiga ah ee la yiraahod The nation, ayaa sheegay war uu ka soo xigtay ciidamada badda oo sheegaya in ay qabteen qolo Soomaalida u soo tahriibisa dalka keenya ayaga oo adeegsanaya doomaha lagu kalluumaysto.

    Waxaa warku intaa ku deray in 19 qof oo soomaali ah uu xiray booliiska Lamu, kadib markii la arkay ayaga oo la socda doomo ka diiwaan gashanaa dalka Kenya. Waxaa la sheegayaa in ciidanka badda ee Kenya oo ku wareegayay xeebaha u dhexeeya Somalia iyo Kenya arkeen doonta dadkaa tahriibayay sidday oo joojiyeen, waxaana loo malaynayaa in kabtankii doontaas maxkamad la soo saari doono.

    Dadka doontaa saarraa wax waraaqo aqoonsi ah ma wadan, ninka kabtanka ahna wuxuu sheegay in ay yihiin arday ka dhigata dugsiyo sare Lamu iyo Malindi, hase ahaatee kadib markii booliisku hoos u sii baareen arrinkii, dadkii doonta la socday waxay sheegeen in ay Soomaali yihiin oo ay ninka kabtanka ah siiyeen lacag lagu qiyaasay Sh7,000 si uu u geeyo Mambasa.

    UN-ka oo sheegtay in ay Djibouti ku caawinayso nabad raadinta Soomaaliya
    January 21, 2000, War ka soo baxay ninka soomaaliya ugu xilsaaran xoghayaha guud ee Qarumada Midoobay, madaxa xafiiska siyaasaddana ah, Mr. David Stephen ayaa la sheegayaa in uu Djibouti aadi doono oo halkaa laba bilood joogi doono si uu caawiyo qabanqaabada kulanka dib u heshiiisiinta soomaalida.

    Mr. David Stephen Wuxuu kaalin wayn ka qaadan doonaa iskudubbaridka iyo ururinta shirka, kaas oo ah qayb ka mid ah mashruucii madaxwaynaha Djibouti ee nabad raadinta Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Qarumada Midoobay taageeradiisii uu u muujiyay dadaalka uu wado madaxwayne Geelle, wuxuu sheegay in dhibaatada soomaaliya lagu dhamayn karo dowlad loodhan yahay oo la dhiso kadib markii si ballaaran looga wada tashado.

    Xoghayuhu wuxuu intaa ku deray, in kasta oo Qarumaha Midoobay kaalmo kala geddisan ka gaysanayso dib u heshiisiinta soomaalida, haddana loo baahanyahay in dadwaynaha soomaaliyeed kaalin waxtar leh ka gaystaan si dalka nabad loogu soo dabbaalo.

    Wadaaddada Maxkamadaha Marka oo sheegay in ay Daroogo qabteen
    17 January, 2000, Nin ka mid ah madaxda wadaaddada maxkamadaha Marka ayaa sheegay in ay qabteen daroogo ah nooca loo yaqaanno (ubaxa qarnabiidka), taas oo ka heleen tuulo magaaladaas u dhawayd, daroogadaas oo ay qiimaheeda ku qiyaaseen ilaa 50 000 oo doollaar.

    Ninkaasi wuxuu sheegay in uu ciidan u diray si ay u soo baaraan beeralayda qaarkeed oo la sheegay in ay abuurayeen geedkaas, dabadeedna ay soo xireen nin goor daroogadaas la saarayay gaari xamuul ah. Nin kale oo la qabtay asiga oo daroogo wada ayaa asigana maxkamadaha wadaaddadu ku xukumeen afartan karbaash iyo hal sano oo xarig ah.

    Maxkamadaha wadaaddada oo sheegay in ay laba nin soo furteen
    MOGADISHU, Jan 20, Talaadadii ina soo dhaaftay ayaa wadaaddada maxkamadaha magaalada Muqdishu sheegeen in ay laba nin ka soo fakiyeen koox haween ah oo qabsaday, kadib markii ay duullaan ku qaadeen guri ku yiillay magaalada.

    Sida wadaaddadu sheegeen nimanka waxaa qabsaday koox haween ah oo ay madax u ahayd gabadh la yiraahdo Fowzia Ali Abdulleh, waxaana la sheegay in nimankaas sixun loola dhaqmay.

    Wadaaddadu waxay sheegeen in labada nin ee la kala yiraahdo Mohamed Hajri Shukri iyo Aweys Nur Xajji la haystay muddo gaaraysa siddeed maalmood, oo intaana sixun loola dhaqmayay ayaga oo dhowr jeer dab lagu gubayay lana karbaashay.

    Fowsiya Abdulleh oo xabsiga in gaaban ugu warrantay weriyayaasha, waxay sheegtay in nimankaasi ka xadeen kooxdeeda lacag gaaraysa hal milyan oo shilinka soomaaliga ah (qiyaastii $100). Wax kale oo war faahfaahina ah oo kooxdaa haweenka soomaaliyeeda ee jabhadda ah ku saabsan lama helin.

    Gabar soomaali ah oo Shaati ay xiratay awgiis loo xukumay!
    MOGADISHU Jan. 17, Gabar yar oo soomaaliyeed ayaa lagu xukumay 15 maalmood oo xarig ah iyo 25 karbaash talaadadii la soo dhaafay kadib markii lagu soo eedeeyay in ay nimanka ku dayatay, taas oo ay wadaaddadu u arkayaan in uu yahay dambi qatar ah oo Islaamka ka soo horjeeda.

    Jabhadda isku magacawda Wadaaddada Maxkamada ee Buulo Mareer, oo ah meel magaalada Marka u dhaw ayaa gabadha soo qabtay dabadeedna maxkamad ku soo saaray shaati ay xiratay awgiis iyo surwaal ay gashatay iyo timaha oo ay gaabsatay!

    Gabadhaas oo isku magacawday wiilo waxaa la sheegayaa in ay dadka u sheegtay in ay nin tahay oo ay horey gabar u guursatay afar bilood, kadibna iska furtay.

    Laakiin wadaaddada ayaa la sheegay in ay gabadhaas u geeyeen naag dhaqtarad ah, taas oo kadib caddaysay in ay naag tahay oo aysan nin ahayn!

    Lix baa lagu dilay tobanna waa lagu dhaawacay dagaal Xamar ka dhacay
    MOGADISHU, Jan 18, 6 ayaa la dilay 10 kalena waa la dhaawacay Talaadadii kadib markii xabbad ay is waydaarsadeen laba jabhadood oo ka mid ah kuwa magaalada Muqdishu haysta. Jabhadda Murusadaha ee Maxamad Qanyare Afrax iyo md Saleebaanka Habargidir ayaa dagaalku ku dhex maray isgoyska baar u bax.

    Dagaalku wuxuu billowday kadib markii jabhad fadhiday isgoyska ay isku dayeen in ay gaari tikniko ah oo ku soo lumay meesha qabtaan. Waxaa kale oo la sheegayaa in labada qolo dagaalkoodu kululaaday kadib markii koox waliba ciidan ka soo oogtay dhinaceeda.

    Warku wuxuu intaa ku daray in dadka halkaa ku dhintay ama lagu dhaawacay ay ahaayeen dad maato ah oo aan hubaysnayn. War kalena wuxuu sheegayaa in dadgaalka labada qolo uu sii kacshay khilaaf hore ga taagnaa lo' .

    Liibiya oo sheegtay in ay waanwaanta soomaaliya wax ka gelayso!
    DjIBOUTI, Jan 20, Liibiya ayaa sheegtay Talaadadii in ay la shaqayn doonto Dhjibouti si xal nabadeed loogu helo soomaaliya! Liibiya sida la ogyahay waxay ka mid tahay dowladaha sida xoogga leh u taageeray jabhadda Ina Caydiid, horay ayayna isugu dayday in ay ku caawiso Ina Caydiid maal iyo mood intaba si maamul looga soo dhiso magaalada Muqdisho laakiin way ku fashilantay.

    Lama yaqaan waxa ku kallifaya hadda Liibiya in ay ka qayb qaadato waanwaanta ay Djibouti waddo, laakiin waxaa loo malaynayaa in ay doonayso in ay kursi u riixdo Ina Caydiid oo ay dabada ku wadato, haddii aaney doonayn in ay waanwaanta oo dhanba dumiso, maxaa wacay Ina Caydiid, waanwaantan hadda socota dan gaar ah uguma jirto oo dadka la mid noqo ayaa lagu yiri, taasina uma cuntanto asiga iyo qabiilkiisa oo doonayay in loo caleema sooro madaxwaynenimada dalka.

    BOGGA 3AAD BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
    Sarrifka Lacagaha dalalka ay badanaa Soomaalidu deggantahay.
    Dalka Lacag US$1 =
    Qatar Rial 3.639
    Bahrain Dinner 0.3769
    Kuwait Diner 0.3047
    Switzerland Frank 1.501
    Malaysia Ringit 3.800
    Dalka Lacag US$1 =
    Somalia Shilling 9620
    Djibouti Frank 177.72
    Syria Lire 45
    Sudan Diner 247.10
    Yemen Riyal 148.15
    Dalka Lacag US$1 =
    Australia Dollar 1.5349
    Thailand Bahat 37.95
    Canada Dollar 1.4823
    England Pound 0.6207
    Europe EURO 0.9374
    Dalka Lacag US$1 =
    Saudi Riyal 3.750
    U.A.E Durham 3.672
    Oman Riyal 0.3849
    Egypt Pound 3.409
    Iraq Diner 0.3107
    Anglefire Free Email
    BOGGA 4AAD BOGGA QUBANAHA
    Ibrahim Salah
    Ajaanibta dalka Denmark wax ka baratay oo dalka ka qaxaya!
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com
    Odense, Denmark
    Wargaysyada iyo taleefishinnada dalka Denmark ayaa maalmahan hadal haya in ajaanibta ka qaatay dalkan Denmark shahaadada waxbarashada sare, sida dhakhtarnimada ilkaha iyo dhakhaatiirta guud iyo Injineernimada ay u qaxayaan dalka dibaddiisa. Sababtu waxay tahay hay'adaha suuqada shaqada oo aanan doonayn inay qaataan dadka ajnabiga ah, iyagoo weliba ay haysato baahi shaqaale oo ka haysata goobahaas.

    Tirakoob dhowaan la sameeyay, ayaa wuxuu sheegay inay tiro gaaraya 50-80 qof oo isugu jira dhakhtaro iyo injineero ajnabi ah ay ka qaxaan dalka Denmark sannad walba.
    Prof. Pedersen oo ah dhaqaaleyahan wax ka dhiga jaamacadda magaalada Århus, ayaa wuxuu sheegay in muddada sugitaanka loogu jiro cusbitaalada ay dheeraan doonto, qiimaha lagu daweeyo ilkahana ay cirka isugu shareeri doonto, intaasna ay sii dheer tahay iyadoo mushaharada ay qaataan Injineerada ay kor u kici doonto mustaqbalka aan fogeyn.

    Waxaa wax lala yaabo ah, iyadoo ay jirto diidmada shaqo ee loo diidayo aqoonyahannadaa ajaanidta ah, ayaa qaar ka mid ah shirkadaha iyo warshadaha dalkan Denmark ay shaqaale ka keensanayaan dibadda, gaar ahaan dalalka Bariga Yurub.

    Koox xaawalay ah oo xafiis weeraray!
    Marooko, Daar al-baydaa, Koox haween ah oo taageersan xoogagga Islaamiga ah ee dalkaasi Marooko ayaa la sheegayaa in ay weerar ku qaadeen xafiis ay dowladdu lahayd oo ka shaqaynayay wargelinta iyo faafinta xaalka haweenka dalka Marooko.
    Xafiiskaas waxaa uu ahaa mid loogu tala galay in uu ka shaqeeyo wargelinta iyo kicinta xoogagga dumarka ah, kaas oo la xiriiray barnaamijka dowladda ee ah in ay ku darto haweenka barnaamijkeeda kobcinta bulshada ee cusub.

    Sida muuqata haweenkaas oo taageersaanaa xoogagga Islaamiga ah, waxay ka soo herjeedaan barnaamijka dowladda ee loogu tala galay kobcinta xoogagga dumarka si ay uga qaybqaataan hurumarinta dalka. Waxaa kale oo la sheegayaa in arrinkaasi beenshay war uu wasiirka diinta Marooko sheegay oo ahaa in aanan masaajidda dalka ku taalla loo adeegsan arrimo siyaasadeed.

    Guddoomiyihii Degmada Aflax ee Yemen oo la dilay
    Yemen, Sana'a, Jan 21, Guddoomiyihii degmada Aflax, oo gobalka Xajjah ka tirsanayd, una jirta Sana'a 150km, ayaa niman dablay ahi dileen, kadib markii uu yimiday guddoomiyuhu meel xaflad ahayd furitaan ahayd, oo lagu furayay dugsi cusub oo la dhisay tuulo ka mid ah tuulooyinka degmadaas.

    Warku wuxuu intaa ku daray, in ninkaa guddoomiyaha ah uu la socday nin sarkaal sare ah oo aanan halkaa asiga wax ku gaarin. Waxaa kale oo la sheegayaa in nimankii dablayda ahaa laba ka mid ah isla goobtaa lagu dilay midna uu baxsaday.

    Warar kale waxay sheegayaan in dhismahaa tuuladaas ku yiillay khilaaf horey ugu dhex maray xisbiga shacbiga ah, iyo xisbiga uu gacan saarka la leeyahay ee la yiraahdo Islaaxa, oo qolada Islaaxu doonayeen in dhismaha laga dhigo mac-had diinta lagu barto,, hase ahaaatee ay dowladdu soo faragelisay oo dhismihii iskuul caadi ah laga dhigay.

    Waxaanse wali la ogayn in khilaafkaasi ku lug leeyahay weerarka guddoomiyaha lagu soo qaaday, hase ahaatee, ciidanka booliiska Yeman ayaa la sheegayaa in ay arrinkaas ku raadjoogaan oo doonayaan in ay gacanta ku dhigaan ninkii dablayda ahaa ee cararay, si loo ogaado asbaaabaha ka dambeeyay weerarkaas.

    BOGGA 5AAD BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
    Tixraaca warqaddii Mohamed Yassin Ismail !
    Waxaa Qoray: Maxamad M. Caddaawe "Geeddow"
    Bernard de Wildostraat 430, 4827 EH Breda Netherlands
    Websites www.goplay.com/Geeddow2, www.goplay.com/Cadale1, E-Mail geddow@hotmail.com

    Waxaan rabaa inaan ra'yigeyga ka dhiibto maqaal ow soo qoray Mohamed Yassin Ismail kuna soo baxay wargeska SEJ 16-1-2000, guud ahaan talooyinka ow soo jeediyay Mahamed waa kuwo dadaal isku dayid xal u helka dhibaatada dalkeeyna heysato ey ka muuqato, hase ahaatee talooyinka qaarkood aniga sikale ey iila muuqdaan.

    Imaaraadku ma istaahilaa in uu ka qaybqaato waanwaanta Soomaaliya?
    Midda ku saabsan in wadanka U.A.E oo ah wadanka Emiraadka lagu daro wadamada dib u heshiisiinta Soomaaliya ey aniga ilatahay in wadalkaasu owna astaahilin sababtuna ey tahay inow qeyb weyn ka qaatay burburka dalkeyna ku dhacay siiba kan dhaqaalaha markii ow u ogolaaday in waxmagaradkii Soomaalida ahaay ee bililiqeystay xoolahii dalku lahaay ey suuq dhiirigeliyay unaqdeen.

    Imaaraadku miyaanuu ahayn suuqii bililiqaada Soomaaliya?
    Away maartii iyo birihii warshadaheynu ku dhisnaayeen walee suuqa Dubai laguma kala gadan, waleesa ilaa hadda masocoto arrintaas oo weli Emiiraadku suuq uma ohoo xoolaha nool ee dalkeyna iyadoon loo kala aabayeelin lab iyo dhedigba, walee dhuxusha geedihii dhulkeyna xaalufisay looma iibgeeyo laguma kala gato Dubai.Dal intaas oo dhib dhaqaale ah noogeystay saan ugu aamineynaa mustaqbalka Dalkeyna iyo dadkeynaba?

    Waxaan aad u xasuustaa in markii soo dhoofinta maarta la bilaabaayay in dowladda Emiraadka lagala waramay iney joojiso badeecooyinka bililiqada ah ee Soomaaliya ka soo gelaayo, hase ahaatee eyna arrintaas weligeed wax ka qaban.

    Imaaraadku miyaanuu ahayn suuqii bililiqaada Soomaaliya?
    Waxaa kale oon rabaa inaan wax ka dhaho in qabqablayaasha lagu xukumo iney dambiileyaal yihiin kedibna cafis loo fidiyo ey dalka uga baxaan.Arinkaasu aniga sidaas ilama fududo, maxaayeelay hadey taa ku tegaayaan toban sano leeslama gaareen waxaan taas kawadaa beriga burcadaas aa wadanka u taliyowheyso war ey maqlaayaana waa bunduqa caaradiisa oo kali ah sidaas daraadee waxaan talada nimankaas u arkaa in fursad dambe lasiiyo si ey uga soo qeybgalaan shirka dib u heshiinta Soomaalida sida ow u soo jeediya Madaxwene Geelle iyadoo taxadar weyn laga qabaayo awooda wada hadaladana lala qeybsahaayo.

    Makii ey heshiiskaas kasoo qeybgeliwaayaan ama go'aamada ka soo baxo u hogaansami waayaan wixii tilaabo la awoodi karo in laqaado taasna aduunyada loo bandhigo saahee xoog isku duuban oo burcadaas ka hortegi karo oo Soomaali ah ma'ogiye.

    Warbaahinta Soomaalidu Qabqablayaal iyo Qabiil bay u shaqeeyaan!
    Midda ku saabsan raadiyada iyo wargeysyada qeyb weyn ha ka qaataano wacyigelinta dadka aad iyo aad ey u fiicantahay hase yeeshee warbaahinta dalkeenu masuuliyadaas ma guda karto maxaayeelay kuligood waxey u shaqeeyaan qab qablayaasha ama qabiil, cid intaas ka madaxbanaan oo wax qaba kartana ma'ogi.waxaan rabaa inaan kusoo xiro qoraalkeyga arrin aan marar badan maqlo oo ah in xalka dhibaatada Soomaaliya ow ku xiranyahay Soomaalida nafteeda oo eyna qofkale xallinkarin. Arrintaas oo mararka gobalkood shaki weyn igu abuurto tasoo ka imaaheyso markii aan dib u fiirsho xaladda wadakeynu ku suganyahay iyo xaaladda dadka xalka laga rabo sida ey tahay taase faah faahinteeda waxaan u deyhaa dadka meesha aan wax ka arko igala arko.

    Somalia iyo Kalaguurka Labada Kun!!
    Waxaa Qoray: Ibrahim Macallim Mursal
    Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tel/Fax +31 545-476473. E-mail: mursal@gelrevision.nl

    Mashruuc wejiya badan?
    Djibuuti waa madaxda madasha sanadeedka IGAD; marka waa la oran karaa waa mashruuc sekretaariyaatka IGAD oo Madaxweynaha Djibuuti , isaga oo adeegsanaya awooddiisa madaxnimada IGAD, uu hordhigay Golaha isku dhafka IGAD iyo dalalka deeqaha bixiya.

    Waase noqon karaa mashruuc Madaxweynaha Djibuuti hindisay, isagaoo ka danqanaya dhibaatada Umadda Soomaliyeed haysata, kana jawaabaya abaalkii Dowladda Somalia ay ka gaysatay xornimada Djibuuti.
    Waase noqon karaa mashruuc ay ka dambayso Dowladda Itoobiya, maadaama iyada ay uga wakiil tahay OAU iyo IGAD, "malafka' Soomaaliyeed, (Somali Dossier)

    Mashruucan muxuu kaga duwan yahay kuwii hore?
    Shirarkii hore waxaa jiri jiray quwado cod leh, inkastaba kartidooda ha la ekaatee. Maantase way wada falliseen (bankrupt), oo hadda way kala daateen. Waxaaba mugdi ku jira cidda ehel u ah in afka shacbiga ku hadasho. Quwado abaabulan ee shacbiga rayidka ah (Civil Society) saaxadda siyaasadda kama muuqdaan. Mashruucan wuxuu kaloo kuwii hore kaga duwan yahay qaabka (form) loo soo diyaariyay iyo nuxurka (context) uu xanbaarsan yahay.

    Waa mashruuc diyaar ah oo Soomaalida ay tahay in ay qaadato. Waa cabbirka lagu qiyaasayo wiilka IGAD baariga u ah ee mudan abaalmarin iyo kan caasiga ee mudan ciqaabta. Nuxur ahaan waa mashruuc leh saansaan lagu dhisaayo nidaam maamuleed oo daciif ah oo ay madaxda qabaa'ilka lagala tashado. Sida laga war qabo kuwaasi waa dhaxaltooyo oo looma eegayo karti iyo u bislaanshaha hogaaminta siyaasadeed. Waa sida qaabka Guurtida, maamulka Somaliland, amase Golaha Isimada, maamulka Puntland.

    Xeerka labada maamulba ma qayaxayaan awoodda Golayaashaasi xadka ay leeyihiin oo hoggaanka degaannada iyaga ayaa looga danbeya. (fiiri matalan Xeer-ka Puntland, qod. 30.2 iyo 30.3). Haddaba arrintaasi waxay sahlaysaa in loo adeegsadaa dano quwado shisheyo. Maamulada hadda jira kuna salaysan qabiilka, xubnaha Golayaasha qaarkood waxay matalaan meelo ka baxsan xuduudda Soomaaliyeed.

    Sow lagama yaabo arrimaha noocaasi ah inay gogol xaar u noqdaan Dowladaha deriska ee damaca ka leh Somalia inay ku soo luga fidsadaan. Laga yaabee dhacdo "precedenza" aan caaqibadeeda la xamdiyi doonin in ay u noqoto, marka laga eego dhinaca "Internatio-nal Law", mabda'a "self-determination rights".

    Oo weliba u horseeda Gobollada Qaarkooda in ay ka dhigto "Qaybta Lixaad ama todobaad" ee ismaamulka Qowmiyadaha Soomaaliyeed. Waxaa mudan in si dhiifoonaan ku jirto loo arkaa dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Itoobiya ka waddo Qaybta Shanaad ee Ismaamulka Somaalida Itoobiya kuna saabsan dhisme Gole Guurti.     [Waa socotaa..]

    la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
    BOGGA 6AADBOGGA HAWEENKA
    Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax
    International Islamic University
    Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia
    Email: qasim55@hotmail.com
    SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
    Anigu waan qirsanahay, weyna caddahay in aysan dumarku u bislayn ayna ku adag tahay in ay aqbalaan ku hawlanaanta shaqooyinka uu raggu la gaarka noqday sida; siyaasadda, xukun dacweedka, talooyinka maskaxda lagu dhalaaliyo iyo u kicidda hawlaha dhibka leh ee addinka laga qabto.

    Laakiin midda aan iyana qarsinka ku caddeeyey ama ku amrayba in si dhaqso ah oo aan sugid iyo gabasho toona lahayn loo sugo xaqqa rasmiga ah ee ay haweeneydu leedahay, lana joojiyo si deg deg ah dhammaanba falfal xumooyinkii kala duwanaa ee lagula dhaqmi jiray haweenka. Taasi waxa ay ahayd mid ka mid ah mushkiladihii ugu waa weynaa ee uu Islaamku xalliyey ama foolxumadaas uu Qura'anku bohosha ku xabaalay.

    Hase ahaatee waxaa nasiib darro laga naxo noqotay markii dib loo soo fagay, weli markii ay dadyowgii diinta Islaamka rumaysnaa ugu hormareen dadyowga duudsiiya xuquuqda dumarka iyaga oo si cad u khilaafaya awaamirtii ay diinta Islaamku siinaysay, kuna sii adkaysanaya amase ayba ka sii xoog badinayaan oo sii jiidanayaan dhaqamadoodii qallafsanaa ee ka soo horjeeday xuquuqda dumarka gaar ahaan, guud ahaanna xuquuqda aadanaha.

    Bal haatan aan u soo dhaadhacno mawduuceena ee waxaa ku jirta Qura'nka sagaal Aayadood oo ka hadlaysa maragfurka. Mid keliya oo ka mid ah ayaana si gaar ah isha ugu qabatay dumarka. Aayaddaas qudheedu uguma qaban isha si cadawtinimo ama yasid ee waxa ay ujeeday si markhaati ku sugid waaqici iyo duruuf caado iyo dhaqan oo ka jiray deegaanka. Si kale marka loo dhaho odhaahdan waxay aayadu u jeedaa in si caddaalad loo sugo lagu saleeyo maragfurka takhasus iyo xirfad aqooneed.     [Waa socotaa..]
    BOGGA 7AAD DIINTA ISLAAMKA
    KITAABKA TAWXIIDKA
    Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad Bin Cabdil Wahhab
    Waxaa Turjumay: Hersi M. Labagarre
    No. 21 Spg 484 Jln Jerudong, Brunei Daarussalam
    CASHARKA 66AAD
    WIXII KU SOO AROORAY DHAWRISTA NABIGA NABADGELYO IYO NAXARIISI KORKIISA HA AHAATEE, XERADA TAWXIIDKA, IYO SIDUU U XIRAY IRDAHA SHIRKIGA
    Cabdullaahi Bin Shikhiir Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay, in uu yiri:"Waxaan wafdigii Banii Caamir, u raacay Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, kolkaas baan dhahnay: Adiga ayaa sarreeyeheenna ah. Wuxuu yiri: Eebbe ayaa sarreeye ah, waynaayee, oo kor ahaayee. Kolkaas baan dhahnay: Adigaana inoogu fadli badan, Adiga ayaana inoogu sharaf badan. Wuxuu yiri: warkiina sheega, ama warkiinna qaarkiis, Shaydaanna yuusan idin jiidannin"{Abuu Daa'uud}.

    Anas Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay: in dad yiri: Kii inoogu khayrka badnaayow, Inankii kii inoogu khayr badnaayow, iyo Sarreeyaheennow, iyo Inankii sarreeyaheennow. Kolkaas buu yiri: Dadyahaw, waxaad dhihi rabteen dhaha, shaydaanna yuusan idin saban, anigu Muxamad, addoonkii Ilaah iyo Rasuulkiisii baan ahay, mana jecli in aad iga kor marisaan jagadayda taas oo uu Eebbe i dejiyay waynaayee oo kor ahaayee" {Nasaa'i}.

    Mas'alooyinka Casharka
    Tan 1aad: Waa in dadka looga digay buunbuuninta.
    Tan 2aad: Waxa ku habboon in uu yiraahdo qofkii lagu yiraahdo, adiga ayaa sarreeyaheennii ah.
    Tan 3aad: Waa weedhiisa "Yuusan shaydaan idin jiidan" in kasta oo aysan wax aan xaq ahayn dhihin.
    Tan 4aad: Waa weedhiisa "Ma jecli in aad iga kor marisaan jagadayda".

    HABNOLOLEEDKII SAXAABADA RASUULKA
    CUMEYR BINU WAHAB
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com
    Odense, Denmark


    Cumeyr wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay dagaalkii Badar, isagoo la safnaa gaalada. Nasiib wanaag kuma uusan dhiman, laakiin waxaa lagu qafaashay wiilkiisa Wahab oo gacanta u galay Muslimiinta. Cumeyr wuxuu ka cabsan jiray in ay Muslimiinta u qabtaan wiilkiisa dhibaatadii uu aabihiis u geysan jiray Nebiga (scw) iyo asxaabtiisa, waayo wuxuu Cumeyr ka mid ahaa kuwii sida aadka ah u cadaadin jiray Nebiga iyo asxaabtiisa.

    Maalin maalmaha ka mid ah ayna tahay goor subax barqin ah ayaa wuxuu Cumeyr aaday Kacbada si uu u soo dhawaafo Kacbada, isla mar ahaantaana u barakeysto sanamyadeeda. Markii uu yimi kacbadii, wuxuu arkay Safwaan Binu Umaya oo ag fadhiya dhagax (Xajarul-aswad). Cumeyr ayaa salaamay Safwaan isagoo ku yiri "Subax wanaagsan".

    Safwaan ayaa u jawaabay Cumeyr isagoo leh "Subax wanaagsan Cumeyroow". Waxaa fur-furantay sheeko, waxay isla soo qaadeen jabkii iyo dhibaatadii ka qabsaday dagaalkii Badar. Waxay tiriyeen dadkii la qafaashay oo ay qafaasheen Muslimiinta. Waxay si murugo leh ay uga sheekeesteen dadkii gaalada ahaa ee ku dhintay dagaalka, dabadeedna lagu guray ceelkii weynaa dhexdiisa

    Safwaan ayaa hadalkii qaatay oo yiri "Wallaahi kheyr kuwaa gadaashood ma ahaanin". Cumeyr ayaa u celiyay "Haa oo waa runtaa". Wax yar ayeey aamusnaayeen ka dibna Cumeyr ayaa yiri "Haddayan jirin deyn laygu leeyahay oo aan cid iga gudda aan jirin iyo caruur aan uga cabsanayo caydh iyo dayac-darro, waxaan aadi lahaa Muxammed si aan u soo dilo".

    Wuxuu haddana si hoos ahaan u yiri "heesashada ay heestaan wiilkayga ayaa sabab iiga dhigayso inaan saa yeelo". Safwaan ayaa hadalkii ka faa'iidaystay oo wuxuu Cumeyr ku yiri "Cumeyroow waa tan koowaad'e deynta lagugu leeyahay annigaa dusha saartay oo anaa kaa gudaya, tan labaad ee ah ciyaalka, aniga ayaa kuu kafaalo qaadaya noloshooda oo waxay wax la wadaagayaan caruurtayda, waayoo maalka iyo hantida aan haysto ayaa ku filan dhammaantood raashinka ay cuni lahaayeen". Haddaba, Cumeyr ayaa hadalkii u riyaaqay oo wuxuu Safwaan ka codsaday in hadalkani uu ahaado qarsoodi, Safwaana wuu ogolaaday.
    BOGGA 8AAD xayaysiin
    BOGGA DHALLINYARADA
    SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
    Qaybtii: 43aad
    Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
    Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
    Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
    J I I R K I I --IYO-- D I I N K I I
    Tukihii Wuxuu yiri: nololi majirto mar haddii kuwii aad jaclayd ay tagaan, haddii jaalluhu jaallihiis ka tagana wadnihiisi waa la siibay, faraxna waa laga caajiyay, waana la indha tiray, hadalkii intii uusan dhamayn ayaa ugaarsadihii yimid, waxayna ku soo beegantay ayada oo jiirkii xargihii wada jaray, cawshii markaa lafaheeda bay la baxsatay, tukihiina wuu duulay, jiirkiina godadkii qaarkood buu galay, diindiinkii mooyee wax kalena ma harin, ugaarsadihiina wuu soo dhawaaday, wuxuuna arkay dabinkiisii oo la googooyay, bidix iyo midig buu eegay diindiin gurguuranaya mooyee wax kalena ma arag, kolkaas buu diindiinkii qaaday oo meel ku xirtay.

    Inyar kadibna waxaa kulmay jiirkii cawshii iyo tukihii, waxayna arkeen ugaarsadihii oo xiray diindiinkii, aad bayna u tiiraanyoodeen.

    Jiirkii wuxuu yiri: waxaa ii muuqata in haddii aan dhibaato ka baxnaba aan mid ka daran gelayno, allaylehe, runbuu sheegay ninkii yiri, dadku halgan kama daalo, haddii uusan taraanturoon, haddii uu taraanturoodana taraanturada buu ku tagaa, in kasta oo uu ku socdo dhul siman, diindiinna waa wadayaalkii aan la noolaa kii aan u doorbiday, taasna in lay abaalgudo ama aan abaal gudo igama aha, ee waa xiriirkii deeqsiyaalka, gobanimada ayaana ka wacan xiriirka ka dhexeeya aabbe iyo wiilkiis, maxaa yeelay wax tirikara oo aan geerida ahayni ma jiraan, hoheey!!, jirkan hoogga loo xilsaaray, kaas oo aan ka baxayn gadgaddoon iyo laalaabad, wax u waarayana aaney jirin, waxna agtiisa kuma nagaadaan, sida aan xiddigta soo baxdaahi u joogayn, tiidhacdana aaneey u siiddhacsanaanayn, ee kan soo baxana waligiis wuu dhacaa, kan dhacana wuu soo baxaa, sidookale, xanuunka dhibbaanta iyo dillaaca nabarada, waxaa la mid ah ninkii dhibbaantiisu dillaacday walaaladiis oo uu waayay dartood, kadib markii uu la joogi jiray.     [Waa socotaa..]

    BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
    HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
    MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
    1. Nin hoostiisa deyaa hareertiisa ma dayo.
    2. Nin loo tumay looma talin.
    3. Nin aan waxa soo socda garanin waxa jooga ma garto.
    4. Nin ilka wayni haddii uu go'ayana in uu qoslayaa la moodaa.
    5. Ninna maankiisa ma saluugo.
    6. Nin af leh ayaa abaar ka baxa.
    7. Nin xoolihiisii la dhacay ayaandaranow mooyee orod daranow lama yiraahdo.
    8. Ninna korkiisa biya kama hagrado.
    9. Nin durbaan qaatay ilaaq doonay.
    10. Nin walba ceesaantii ceelka keentay.
    BOGGA 9AAD xayaysiin
    IIDHEH IYO OGAYSIIS
    Soodhawaynta Isku dubbaridaha Wargayska!

    Xurriyadda Ra'yiga
    Walaal aqriste, ma dhacday hadda ka hor in lagu cadaadshay ama aad cadaadis la kulantahy?!
    Madhacday hadda ka hor in xaqaaqa aad u leedahay in aad ra'yigaaga dhiibato lagaa inkiray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in aad intaad hadal maagtay, aamus lagu yiri, oo hendedaad iyo cabsiin laguugu deray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in kuwa jahli iyo cadaawo isku gaashaan buursaday ay kugu jujuubeen in aad ra'yigooda raacdo?!

    Haddii aad la kulantay waxyaabahaas kowo kale oo la mid ah, maanta waa laga baxay waqtigii lays jujuubi jiray, oo jaahilku caalimka afqabanjiray.

    Adiga oo ku bishaaraysanaya horumarka warbaahinta casriga ahi gaartay ha illoobin in aad cadkaaga goosato, oo aad ra'yigaaga si madaxbannaani leh u dhiibato, adiga oo aanan cidna ka baqin!!

    Wargayska Somali Electronic Journal waa wargayska kaliya ee xurnimo buuxda kuu siinaya in aad fidiso figradahaaga, asiga oo aanan kugu xirin, qabiil, mad-hab diimeed, aydoloojiyo gaar ah iyo siyaasad dowladeed toona.

    Meesha joornaallada kale ee soomaalida badankoodu ay u adeegayaan kooxo gaar ah iyo xoogag qabiil iyo kuwo diimeed, SEJ wuxuu kaa ballan qaadayaa in uu fidsho maqaal kasta oo loo soo diro, uusanna ku xirin wax aan ahayn shardiga (farsamada) qoraalka.

    Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
    Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
    WARGAYSKAN MAQAALADAHA LAGU FIDSHO, WAX AAN SHARDIGA FARSAMO AHAYN LAGUMA XIRO, KAAS OO AH IN MAQAALKU AHAADO "WAR ISKU TOOSAN OO UJEEDDO LEH"

    "DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA ASIGA AYAANA U QOOLAN, EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA, ISKUDUBBARIDAHANA WAX XIL AH KAMA SAARRA"

    DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

    Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
    Nala soo xiriir
    booqo csc H. page
    Saxiix B. Martida
    Codso wargayska sej
    Dhiibo Aragtidaada
    Aqarso B. Martida
    Xayaysiin
    Bogaadin
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page