|
Aqarso B. Martida | Saxiix B. Martida |
|
BOGGA 1AAD |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD | Somali Forum | Free Email | Free Guest Book | Free Home Page |
|
|
Maydkii Nin Soomaali ah oo la keenay Sanca SANCA JAN 22 Meydkii nin Soomaali ah ayaa todobaadkan la keeney cisbitaalka Al-culeyfi ee magaalada sanca. Meydka ninkaas waxaa laga heley meesha lagu magacaabo xarad oo u dhow xadka Sucuudiga sida uu qorey wargeyska afka dowlada ku hadla ee Al-towra, waxaa ninkaas lagu diley rasaas cidda ku dhufateyna lama sheegin. Dhibaatooyinka dhaca joogtada ah ee xeebaha Soomaaliya GAROOWE JAN 22, Markab kamid ah Maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumaysta xeebaha Soomaaliya ayaa Talaadadii dhawayd dhaawacyo halis ah gaarsiiyey labo nin oo kaluumaysato ah isla markaasina dejiyey doon ay ku kaluumaysanayeen, asaga oo sida la sheegey, ku garaacay qoryaha loo yaqaano (Zuuga iyo Tarante sataha). Shilkaasi wuxuu ka dhacay tuulo kaluumaysato deggen yihiin, oo la yiraahdo Falaxfalax oo waqooyiga ka xigta magaalada Eyl. Kaluumeysatadaas oo fooneeye ugu war bixinayey madax joogta magaalada Garoowe waxay u sheegeen, in uu dhacay iska hor imaad, ka dib markii Markabkaasi soo dhex galey meel ay joogeen laashash badan oo ay shabaqyo u daadsanyihiin, halkaas oo uu cagta marshay qalab kaluumaysi oo faro badan, kaluumaysataduna ay isku dayday inay isdifaacaan. Waxaa markab noocaas oo kale ah, bishii december 17 dii, lagu qabtey xeebaha Eyl, oo ay wateen badmareenno isugu jira 15 Kenyaati ah, 6 Senegal ah, 4 Tanzaanian ah, 3 Romanian ah, 2 Talyaani ah iyo 1 somali ah. Badmareenadaas waxaa weli lagu hayaa magaalada Eyl, waxaana la sheegey in qaarka mid ah la heystayaashaas uu ku dhacay cudur shuban-dhiig ah, caafimaadkooduna uu aad u liito. Maamulka gobolkaas ayaa hadda ka hor beeneeyey xukun lagaga dhawaaqay magaalada Eyl oo lagu xukumay lacag gaaraysa $ 500,000 iyadoo haatan shirkadii markabka iska lahayd ay gorgortan kula jirto xukuumad goboleedka Puntland markabkaas oo xayirnaa 36cisho. Ganacsade lagu dilay Gaalkacto GAALKACYO JAN 21, Waxaa shaley magaalada Gaalkacyo lagu diley nin ganacsade ah oo ka mid ahaa odeyaahsa aad magaalada looga qadariyo. Ninkaas wuxuu hadda ka hor gudoomiye ka ahaan jirey qeybta waqooyi ee gobolka Mudug. Ninkaas waxaa magaciisa la oran jirey Cabdiraxmaan Cali Biixi oo ku magacdheeraa Cabdiraxmaan (Coon), waxaa la diley isagoo jooga gurigiisa waxaana diley nin ku hubeysnaa baastoolad lamana garanayo sababta loo diley ilaa iyo haatana gacanta laguma hayo ninkaa gacan ku dhiiglaha ah. Laanqayrta Cas Soomaaliya dib ma ugu noqondoontaa? GENEVA JAN 20 Laanqeyrta cas ee caalamiga ah ayaa sheegtey todobaadkan inay dib ugu laabanayso dalka Soomaaliya, ka dib markii wadanka sagaal bilood ay ka maqneyd. Ururku wuxuu dalka ka baxay bishii Abriil ee lasoo ddhaafay, ka dib markii la afduubey, goor dambena la siidaayey, 10 ka mid ah shaqaalihii ururkaas ee Soomaaliya ka shaqeyn jirey. Hase ahaatee, gudida Laanqeyrta cas ee caalamiga ah, waxa uu sheegey in joogitaan keedu uusan markan nagaadi ku noqon doonin dalka Soomaaliya sababo ku saabsan walaaca xaga nabadgalyada darteed. Laanqeyrta cas oo magaalada Geneva ka soo jeedineysay codsiga sanad walba ay ku dalbato qarajka ay ku shaqeyso, waxey codsatey lacag dhan shan boqol iyo konton malyuun oo doolar. Kala bar lacagtaas waxay doonaysaa inay kaga howl gasho qaarada Afrika, qaaradaas oo Laanqeyrta cas ay sheegtey in inta badan uu aduunku iska dhaga tiro, ayna ku sii jeedaan Kosovo iyo bariga dhexe uun. Maxkamaddii nin Soomaali ah oo Rome dib uga billaabatay ROME JAN 21 Wararka ka imaanaya magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga, aya waxaa ka bilaabatay dacwad la saarayo nin Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu qeyb ka qaatey dil bareedh ah oo loo geystey labo joornaaliiste oo televishinka dalka Talyaaniga ka tirsanaa oolagu diley magaalada Muqdishu 94. Ninkaaas magaciisa waxaa la yiraahdaa Xaashi Cumar Xasan, eedda loo heystey waa uu beeniyey isla mar ahaantaana waxaa uu maxkamadda soo galey iyadoo ay qoorta u suran tahay sabuurad uu ku tilmaamayo dacwadaas ku socota inay tahay fadeexo iyo dheg xumo. Ninkaas waxaa la heley bishii Feberaayo ee kol hore markii uu tagey magaalada Rome si uu marqaati uga hor furo gudi dowladda Talyaaniga u qabatey inuu baaritaan ku soo sameeyo eedihii sheegeyey in Askartii Talyaaniga ee lix sano ka hor ka tirsaneyd howlgalkii Qaramada Midoobey Dalka Soomaaliya ka wadey, ay jirdil ku sameeyeen Dad Soomaali ah. Xaashi Cumar waxaa loo heystaa inuu ahaa darawalkii wadey Gaarigii Lix nin oo Maliishiya ahi ay rasaas kaga fureen labadaasi joornaaliste ee Talyaaniga ah, dhageysiga dacwadaasi ayaa waxaa dib loo dhigey mudo labo todobaad ah sababtoo ahayd turjubaan kiisii oo shaqadii iska casiley. Ciyaartooy Soomaaliyeed oo tartanno ka qaybgalay ABU DABEY Jan 21 Madaxa Tababarayaasha ciyaaraha fudud ee Dalka Boqortooyada sucuudiga Jaamac Karaaciin ayaa ciyaarihii ugu dambeeyey ay kooxdiisu ka qeyb galeen waxey ahaayeen tartan ciyaaraha fudud ah oo ka dhacay wadanka isu taga Imaaraadka Carabta oo dhawaan la qabtey. Jaamac Karaaciin oo ka hadley ciyaarahaas ayaa wuxuu yiri; ciyaaraha fudud oo kaliya marka laga hadlo, Sucuudiga isaga ayaa ugu Bilada badnaa marka loo eego 1,500m iyo 800m, Dhamaantood, marka la isku soo cel celiyo Sucuudiga ayaa qaadey kaalinta koowaad ee dhibcaha. Karaaciin oo hadalkiisa siiwata ayaa wuxuu sheegey Dowladihii ka soo qeyb galey ciyaarahaas ayaa waxa ku jirtey Soomaaliya markaa waxey igu noqotey inaan ku farxo, waxaana la socdey wafdi ay ka mid ahaayeen Ibraahin Cukaash, Maxamed Cali iyo Saleebaan Qambi. Ciyaartoyduna waxey ahaayeen 19 ka kala yimid Barri, Hargeysa iyo Muqdishu, Ciyaartoydaas waxay muujiyeen Ciyaaro wanaagsan laakiin wax bilad ah kuma ayan guuleysan. Kaalinta afaraad 2 inan ayaa galey kaalinta 5aad inan ayaa galey waxaana ka muuqatey tababar iyo daryeel la’aan waxaana imaashahooda u suurto galiyey Colaad oo iska leh Diyaarada Daallo. SNF oo beenisay in ay maxaabiis laysay MUQDISHU JAN 20, Ururka SNF ayaa si xoogleh u beeniyey eedeyn ka soo yeedhey dhinaca SPM oo ku saabsaneyd dil loo geystey maxaabiis dagaal tuulada Goobweyn afar maalmood ka hor. Afhayeen ururkaasi ka tirsan oo magaciisa la yiraahdo Ibraahim Jaamac Xawle waxaa magaalada Muqdishu wariyayaasha uu ugu sheegey inaaney jirin wax maxaabiis ah oo ay dileen ciidamadooda jooga magaalada Goobweyn ee agagaarka magaalada Kismaayo. Xawle waxa uu sheegey inay ku hayaan Jilib dhamaan 42 maxbuus ee lagu soo qabtey labadii dagaal ee dhacay 12 December iyo 6 Janaayo oo lagu kala qabtey 17 iyo 25 sida ay u kala horeeyaan, waxaana intaas uu raaciyey, in markale ay ugu yeerayaan Hay’adaha Caalamiga ah ICRC iyo Bisha Cas si ay u soo arkaan isla markaana ay kala wareegaan maxaabiistaas, si loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen. Xawle waxa uu ku eedeeyey ciidamada General Morgan inay haatan u gurguuranayaan sidii ay u dili lahaayeen wax uu ku magacaabey Dad shacab ah oo ay ciidamada General Morgan ay ka ururiyeen magaalada Kismaayo. Sidoo kale, Xawle waxa uu ka gaabsadey eedeyn sheegeysa in ciidamada General Morgan afar maalmood ka hor magaalada Kismaayo ku dileen labo nin oo ka tirsanaa ciidamada SNF oo lagu qabtey dagaalkii u dambeeyey ee labada dhinac dhex marey, isgoo intaas ku darey in SNF ay u tababaran yihiin xeerarka dagaal iyo daryeelka maxaabiista. Doomo Yamen laga leeyahay oo Berbera lagu qabtay BERBERA JAN 20 Wararka ka imanaya ayaa waxey sheegayaaan in Lix Doonyood oo laga leeyahay Dalka Yamen iyo afartan qof oo u dhashay isla Dalkaas oo maalintii sabtidii oo bishu ahayd 15 Janaayo lagu qabtey iyagoo si sharci daro ah uga kaluumaysanaya xeebata u dhaxeysa Karin iyo Xiis, lagu ganaaxay lacag dhan $21,000. Doonyahaas oo ay soo qabteen ciidanka ilaalinta xeebaha, tan iyo markii gacanta lagu dhigay waxaa lagu hayey saldhiga ay ku lee yihiin Berbera, Doonyaha oo lala wareegey dhamaan shixnadii saarneyd. Waxaana la siiyey muddo soddon maalmood ah oo ay isaga bixiyaan ganaxa hadii ay ku bixin waayaana waxaa lala wareegi doonaa Doonyaha laftooda. Doonyaha Saddexda roon midkiiba $5,000 ayaana la ganaaxay saddex da yar yar ee kalena midkiiba $2,000. Dhanka kalena Ururka Samafalka Haweenka ee Maankaal ee Degmada Gabiley ayaa 80 qoys oo xoolo dhaqato ah oo ku haraadanaa koonfurta magaalada Gabiley Biyo u qeybiyey,Gudoomiyaha Ururka Nimco Sheekh Muxumed ayaa sheegtey in Lacagta Biyaha lagu gadey ay iska aruuriyeen xubnaha ururka howsha gurmadkana ay sii wadi doonaan. Xus lagu qabtay Ingriiska EDANPARA Jan 19, Magaalada la yiraahdo Adenpera ee gobolka Scotland ee dalka Ingriiska, ayaa mudo iminka laga joogo 10 sanadood, waxaa lagu diley Ardey Soomaali ah oo wax ka baran jirey magaaladaasi, oo magaciisa la oran jirey Allaha u naxariistee, Axmed Abuukar Sheekh, dilkaasi dad badani waxey rumaysan yihiin in uu ku saleysanaa midabtakoor. Horaantii todobaadkan ayaa magaalada Edanpara waxaa ka dhacay xus ay dad badani socod dheer ku mareen magaaladaas dadkii Soomaalida ahaa ee ka qeybgaley ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Macalim Sahal, wuxuuna tilmaan ka bixiyey xuskaas siduu u dhacay, dad badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn, waxey si teen shumacyo shidan. Markii dambe meel ayaa la isugu yimid dad faro badan ayaa ka qudbeeyey uu ka mid yahay Muuse Sheeko Xariir qudbooyinkaa ayaa waxaa ka mid ahaa in cadaaladaradii meeshaas ka dhacdey, markii Axmed Abuukar Sheekh nimankii diley la iska siidaayey oo aan waxba lagu sameynin. Xuskaas waxaa loogaga kala yimid magaalooyinka oo dhan ee dalka ingiriiska, dad kalena waxey sheegayeen ineyan dhicin arintaas! Soomaalida iyo Miirowda Maxaa kala haysta? NAIROBI JAN 19, Nin ka Ganacsada Jaadka Miirowga ah ayaa lagu dhaawacay meesha la yiraahdo Yambeeni ee ah dhulka uu ka soo baxo jaadku, ka dib markii ay koox hubeysani rasaas ku fureen baabuurkii uu saaraa. Dadka la qab qabtey ayaa waxey isugu jireen Soomaali iyo Miirow waxaana lagu tuhun san yahay iney ka dambeeyen shilkaasi iyadoo xiisad balaaran ay dhextaalo Miirowda jaadka iibisa iyo Soomaalida ka iibsata. Dhibaatadaasi waxey bilaabatey markii nin Mirow siyaasi ah, waxna ku barta magaalada London, isla markaana Jaadka ka ganacsada, ku dhintey magaalada London, Ninkaasi oo la oran jirey Mukay Mukuraaru intuusan geeriyoonin waraaq ayuu u direy Qoyskiisa wuxuuna yiri nolosheydu qatar ayey ku jirtaa waxaana ka cabsanayaa Dadka Soomaalida ah ee ka Ganacsada Jaadka oo Degen Magaalada London kuwaas dhowr jeer ii caga jugleeyey. Hadaba go’aan ay gaareen Qabiilka Miirow ayaa waxey sheegeen ineyan soo goyneyn wax Jaad ah oo ay markaa joojiyeen waxeyna yiraahdeen ilaa inta aan ka ogaaneyno sababaha uu u dhintey ninkaas iyo cida ka dambeysey iyadoo tuhunsan in la sumeeyey. Waxeyna intaa raaciyen ilaa iyo inta meydkiisa laga keenayo wax Jaad ah in aan la goyn, waxaa kaloo jirta in dad badani ay ku dhaawacmeen xaafada Islii ka dib markii Dadka Mirowda ay arkeen Baabuur soo galeysa Magaalada Nayroobi, kuwaasoo ay leeyihiin Soomaalida oo sidey Jaad dabadeeto wey daba yaacayeen oo wey dhagxinayeen Soomaaliduna wey iska celineysay. Halkaas oo ay labada dhinac ka soo gaareen dhaawacyo fudud, sidaasi daraateed ayaa waxaa dhacdey Magaalooyinka ay mirodu degen yihiin, in banaan baxyo ay ka muujiyeen oo ka turjumeysa colaada ka dhax oogan iyaga iyo Soomaalida. Dhinaca kale, Afhayeen u hadashey Hay’ada cuntada aduunka ee WFP oo magaceeda la yiraahdo Misheel ayaa u sheegtey saxaafada in Dadka xoola dhaqatada ah iyo xaasaskoodaba ee ku nool Gobolada Bay iyo Bakool ay durba bilaabeen iney hayaamaan oo ay u guuraan geesaha dhulka iyagoo baadu goobaya biyo iyo cunto. |
|
Daraasadan ku lug leh, boobka ay wadamada ajnabiga ahi ku hayaan dalka soomaaliya, waxaa afka talyaaniga inooga soo turjumay Bashiir Sh. Maxamad, aad ayaanna ugu mahad celinaynaa. |
|
Waxaa Soomaaliyeeyay: Bashiir Sh. Maxamad |
URANO PROJECT (Mashruucii URANO) Sannadkii 1987kii dalka talyaaniga isagana mashruuc international ah baa laga qabanqaabiyey oo saldhigiisu ahaa magaalooyinka Roma iyo Milano. Mashruucaas oo la oran jiray URANO waxaa ujeedadiisu ahayd in saddex meelood oo lama degaanka Saxaaraha, Somalia iyo meel kale oo Asia ka mida lagu aaso caddad aad iyo aad u farabadan oo qashin suna iyo haraa chemicals ah oo noocyo badan isugu jira. 15-kii Agoosto ee isla sanadkaas ayuu dhacay ansaxinta mashruucaas oo ay saxiixeen niman KHAA’IMIIN ah oo la kala yiraahdo: Elio Sacchetto oo ka socday shirkada Minera Rio de Oro iyo Luciano Spada oo ka socday shirkadda Instrumag. Yeelkeede, ninka mashruuca calanka u siday oo promotion-ka u samaynayey waxaa la yirahdaa Guido Garelli. sida baaritaan lagu helay, ninkan dambbe wuxuu ku shaqaysanjiray saddex aqoonsi (saddex wajiile) oo kala ah: Mid Soomaali ah, mid Talyaani ah iyo mid Muwaadin Saxaaraha Galbeed (polisario). Arrinta mashruucani ma ahayn mid qarsoodi ah, sida documents-ka laga akhriyeyna dhoofinta wasakhdaasi waxay ahayd mid waafaqsan sharciga Talyaaniga iyo kan adduunkaba (International Law). Waxyaalaha lagu taxay inay meelahaa u dhoofismayaan waxaa ka mid ahaa "expired insectcides" haraa daawoowyin iyo qashinka warshadaha iyo waliba, bay yiraahdeen, qashin haraa ah oo aan noocisa la aqoon. [Waa socotaa...] |
BOGGA 3AAD |
|
Sawir qaadayaal Jabaanees ah oo Gaarisa lagu garaacay GARISA JAN 19, Wararka ka imanaya magaalada Garisa ayaa waxey sheegayaan in Muslimiinta ku nool magaalada, oo ay maalintii ciidii si xun u garaaceen sawir qaadayaal Jabaanees ah oo sawiranayey Dadka halkaa ku tukanayey, sidaasina waxaa sheegey Booliiska magaalada Garisa iyo Dad markaa goobtaa joogey. Dadka ay waxyeeladu ka soo gaartey waxaa ka mid ahaa sadex nin Asasaki, Utaki iyo Nakuruma oo hada lagu daweynayo cisbitaalka magaalada Garisa ka dib markii dhaawacyo ka soo gaarteen Ulo iyo Dhagxaan ay ku dhufteen Dadkii halkaas ku tukanayey. Saddexdaas nin waxey halkaas ka soo tageen ka dib markii ay kala dhex galeen wadaado kale si ay u damiyaan weerarkaas Booliisku waxey sheegeen inaaney jirin Dad loo xirey weerarkaas. Kol haddii dalkii hooyo laga yimid, daniba tiri; in Soomaalidu Canada iyo America u kala gooshto TORONTO JAN 19, Wararka ka imanaya ayaa waxey sheegayaan in Dowlada Kanadiyaanku ay lacag ku filan siin jirtey Soomaalida taasoo dabooli jirtey baahidooda nololeed sharciyada qaadashadooda oo ay Kanadianku fududeen jirey iyo qofka marka uu warqada degenaanshaha uu qaato dhowr sano ka dib warqada dhalashada uu qaadan jirey iyo shaqooyinka oo si sahlan loogu heli jirey. Dadka qaar labo labo shaqo ka shaqeyn jireen fursadahaasi oo kanada ka jirey dhowr sandood oo is xiga ayaa waxa sida meelo badan dunida ahba ka dhacay, Kanada ka yaraatey fursadihii shaqooyinka is la markaana Gobolka Ontario oo ay Toronto magaalo madax u tahay oo ay Soomaalidu aad u degeneyd la dhimey Boqolkiiba 22% Qoxootiga la siin jirey sanad kii 1995 iyo wixii ka dambeeyey. Waxaa taa barbar socdey in sharciyadii ay soo yaraadeen bixin toodii iyadoo shuruuc gaar ah Soomaalida lagu soo rogey oo la xiriirta qaadashada sharciyada markaa kumanaan ruux oo soomaali ah oo u badneyd Da’da aan weli guursan ee Rag iyo Dumar ah ayaa markale u tacabirey dhinaca Mareykanka iyadoo ujeedadoodu ay aheyd shaqooyin iyo sharciyaba iney raadsadaan waxaan oran karnaa tiro badan oo ka mid ahaa Dadkaasi wey ku guuleysteen. Soomaalidu waxa ay aad u degen tahay Gobolka la yiraahdo Minni-sota oo ay ka shaqeeyaan Dadku Warshadaha, Dukaamada waa weyn ,Shirkadaha Gawaarida iyo Dad iskood ganacsi iyagu ugu jira markaa qofkii mudo yar Toronto ka maqnaada oo dib ugu soo laabta waxaa la yiraahdaa ma Sucuudi dhow ayaad ku maqneyd iyadoo loola jeedo dhinaca Mareykanka. Markaad dib u eegtid Todobaatanaadkii iyo sideetamaadkii Soomaalida Sucuudiga u xoogsi tagi jirtey iyo kuwooda hada ka xoogsada Mareykanka waxaa la oran karaa waxyaabo dhowr ah ayey wadaagaan hadii waqtiyadaasi hore Guryaha Soomaalidu ee Sucuudiga ku yaaley sida Jidda iyo Riyaad lagu seexan jirey ilaa 15 ruux oo hurdada lagu kaltami jirey maanta Mareykanka meelo ka mid ah Dhalinyarada Guryaha ilaa 10 ayey ku seexdaan oo sida Sucuudiga ayey hurdada u kaltamaan. Halka kan jida ka xoogsan jirey, halku dhegiisu ahaa, walee Riyaal aan milicda iyo kuleylka ba’an ugu dhibtoodey sahal iigama baxo, ayaa kan Mareykanka maanta joogaana baaqiisu yahay, walee si sahal kuma bixiyo Doolar barafka iyo dabeylaha qabow ee ba’an aan u dhex jibaaxay, laakiin marka la isku soo xooriyo waxaa hubaanti ah iney yihiin Rag shaqeystey oo xoogsi tagey waxaana ay ku celceliyaan baaqa ah rag hadeynu nahay rafaad ma hure’e Rabiyow raaxo noo dambeysii. Somaliland oo gargaar degdeg ah dunida ka codsatay HARGEYSA Janaayo 18 Masuuliyiinta Dalka lamagac baxay Jamhuuriyada Soomaaliland ayaa waxaa la sheegey in ay baaq u jeedinayaan Beesha Caalamka oo ay ku doonayaan gargaar in lagaga caawiyo abaaraha ka jira Dalkaasi, iyado Gobolada oo dhan ay ka jirto xaalad abaareed oo aad u ba’an. Sidaas daraadeed, waxa ay Dowladaha Aduunka, Ururada Caalamiga ah iyo Laamaha Qaramada Midoobey ay sida ugu dhaqsaha badan uga codsanayaan in ay la soo gaaraan kaalmo aadminimo ah si loo baajiyo masiibo ka dhacda halkaas. Baaqani waxaa uu ka dambeeyey markii ay abaaro ba’ani ka dhaceen guud ahaanba Gobolada geeska Africa iyo meelo kaloo ka mid ah Bariga Afrika sida ay Mas’uuliyiinta Somaliland sheegeen Gobolada Dalka oo dhan waxaa ka dhacdey abaar tii ugu xumeyd ee waligeed soo marta. Roobkii Guga iyo Deyrta ayaa la waayey oo aan di’in taasina waxey horseedey gabaabsi Biyaha keydka ah ee Baraagaha iyo Ceelasha gunt-ooda ay gaaban tahay laga heli jirey, arintaasi waxaa ka sii daran ayey yiraahdeen in keydka Biyaha ee harey ay sii wadi doonaan 10 maalmood oo kaliya. Xaaladan halista ah waxaa weheliya daaq la’aan iyo beerihii oo aan bixin waxaa kale oo iyaduna jirta ayey yiraahdeen joojintii dhoofinta xoolaha oo iyaduna dhaawacdey. Amuurahaas oo dhami mar ka la isku qaado waxaa ay dadkii saboolka ahaa gaar ahaan ku wooda daaqsatada ah u keeneen raashinkii oo ciriiri galey, mana awoodaan bay yiraahdeen inay xaaladan ku sii jiraan maadaama ay awoodoodii wax iibsashadu aad u wiiqantey. Sidaasi daraadeed Dadkii reer baadiyaha ahaa waxa ay bilaabeen inay ku soo jabaan magaalooyinka waaweyn kuwaas oo sida mas’uuliyiintu sheegeen awalba la ciirayey Dad soo baro kacay oo ka yimid dibadaha iyo Qaxooti ka yimid wadamada kale oo ay deriska yihiin. War ka soo baxay Madaxwaynaha Somaliland HARGEYSA Jan18 Madaxweynaha Dalka la magac baxay Jamhuuriyada Soomaaliland Maxamed Ibraahim Cigaal oo la hadley saxaafada Dalka ayaa waxa uu sheegay inaan wax isbedel ah aanu ku talo jirin inuu ku sameeyo Golihiisa Wasiirada xiligan. sidaas ayaa Raadiyaha Hargeysa oo ka sii daayey warkan barnaamijkii duhurnimo ee ka baxay laga baahiyey in Cigaal uu sheegey in xubnaha golihiisa uu ku kalsoon yahay sabab isbedel ah oo xiligan uu u sameeyaa aanay jirin. Iyadoo isbedelna sabab leeyahay hadana ayaa tan iyo bartamihii bisha soon waxaa la hadal hayey in xubno ka tirsan Golaha xukuumada Wasiirada la bedeli doono. Dhanka kale Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in saddex meelood oo ku yaala xuduuda ay la wadaagaan Dalka la magac baxay Jamhuuriyada Soomaliland ka furayaan xafiisyo socdaal. Afhayeen u hadley laanta socdaalka ee zoonka 5aad ayaa wakaaladaha wararka u sheegey in magaalooyinka la kala yiraahdo Awbare, Togwajaale iyo Dabeyl weyn, ay ka furi doonaan immigration. |
BOGGA 4AAD |
|
|
|
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan] Qab-qablayaasha Soomaalida Sida aan horey u soo sheegnay, looma fadhiyo in qabqablayaashu ay xal keenaan ee tabartooda ayaa halkaasi dhigtay, waxayna u badan yihiin dad gaboobay oo Dowladnimada rayiga ay ka haystaana uu yahay kii horay ummadda ay ugu hungowday oo burburka maanta jirane u horseeday. Intaasi waxaa u dheer in ay iyakuba u badnaayeen kuwa u horseeday, majarahane u soo hayay qaab Dowladeedkii silloonaa. Waa dad kartidooda sidaasi ay ahayd. Kooxdaan markii aad hoos u eegtid hal gool oo cad ayaa u calaamadaysan oo waa in Dowlad Somaaliyeed oo qof waliba oo iyaga ka mid ah, si gooni ah, isagu madax uga yahay ay dhisanto oo weliba qaabkii lagu soo jabay oo kale u habaysan. Waa kuwaasoo, hadda iyo kow, mid kastoo iyaka ka mid ah uu ootay bood yarow uu ku gorgortamo. Sidaas ay tahay, haddana, kuwii shalay ay gaashaanbuurta islahaayeen, markii la is-keliyeestay, hangool dheer isaga qabtay. Sidaasaana "war Lords" cusayb oo mucaarad ah laguugu abuuray. Allow sahal Umuuraha. Waxaase ka maqan qaabkaasi inuu yahay casri laga soo guuray oo aan dib loogu laabanaynin. [Waa socotaa...] |
|
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo! Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan. Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel). |
|
F.G: Waxaa farxad wayn inoo ah, in aan halkan ugu soo gudbinno aqristayaasha, Kitaab Cusub oo aan hooray uga ballan qaadnay, kaas oo ah, Madaxwayne ha layga dhigo, uuna qoray abwaankii qalinka dheeraa ee aad horay u aqrisateen kitaabkiisii "Horta Yaa Dunida Fasahaadiya", Qaasim Xersi Faarax -Duullaan Jece. Waxaa loo baahnaa in aan arrintan idinku baraarujiyo toddobaadkii hore, hase yeeshee, horaa loo yiri: "hafyo hadal kuma jirto" marka maqaalkii aan fidinnay toddobaadkii la soo dhaafay ayaa kitaabka billawgiisa ahaa. Arrinta labaad ee aan doonayo in aan aqristayaasha ku baraarujiyo waa, in kitaabkani ka hadlayo arrimo aad u xasaasi ah, kuwaas oo si toos ah u taabanaya Qabiilooyinka soomaalidda, hadaba, waxaan aqristayaasha ka codsanaynaa, in ay isqaboojiyaan haddii ay arkaan wax ka caraysiiya, figraddoodana ay si hufan u soo dhiibtaan, haddii ay doonayaan ayaga oo aan caytamin. Caytanka iyo aflagaadadu cilmiga iyo aqoonta iyo xigmadda meelna kama soo galaan, sidaa darteed fadlan qofkii aanuu cajebin warka kitaabkan ku qoran, aragtidiisa ha soo qoro, dabadeedna ha iisoo diro, aniga ayaa ku fidinaya isla meeshan lafteedae. (Hersi Labagarre). |
Keenee gar daran? Raxan-weyn: Waxa dhan oo wadanku la degi la'yahay oo meel walba cadaabku noogaga shidmayaa waa inkaarta ka timid xaq darrada nala ka galayo, Soomaaliyoo dhami anagay dulsaar nagu yihiin oo ma lahan wax ila dhaqaale ah oon ka ahayn badarkeena iyo biyeheena. Waxaana awal naloo kaga qaadan jiray si gumaysi dadban ah oo caqligaa nala ka haystay haddoon soo toosnayna waxaa nala ku marinayaa qori caaradiis, oo waxay isku haysataan Hawiye iyo Daaroodba waa kala bililiqaysiga dhulkeenna, sidaasayna nooga dhigteen waddo halaqya mareen oo ay marba dhan isugu cayrsadaan. Dalkeena iyo dadkeenuba waa kuwa ugu weyn ee waddanka isla markaasna ugu faaiidada badan, xagga barwaaqada keliya maahee waxaan kaloo nahay xudunta Diinta iyo cilmi raacashada. Si kastaba ha ahaatee, Soomaali anaga la'aanteen ma jiri karto waxaanan nahay kuwa aan la aaminsanayn inay jiraanba. Hadaba Ilaahay haddii laga cabsado sow Ilaah dadkiisa isku si uma abuurin? oo sow inay xisaab iyo aakhiro dambayso lama oga maa nala ku sharfo madaxweynenimada. Waa socotaa... |
BOGGA 5AAD |
|
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan: 1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog) 2. Mowduuca: Tawxiidka. 3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab. |
|
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre 5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin. |
CASHARKA 29AAD WAXYAABIHII KU SOO AROORAY XIDDIGINTA Waxaa bukhaari saxiixiisa ku yiri: qataada ayaa wuxuu yiri: Eebbe ayaa abuuray xiddigahaas saddex walxaato awgood, quruxda samada iyo shayaadiinta in lagu tuuro, iyo in ay noqdaan astaamo wax lagu aqoonsado. Qofkiise intaas wax ka geddisan kaga faalleeya wuu gafay, nasiibkiisana wuu lumiyay, wax aanuu cilmi u lahaynna wuu isku dhibay. Qataada wuxuu necbaa barashada goobaha (mansilooyinka) dayaxa, Ibn Cuyaynana ma bannayn, Xarb ayaa labadooda sidaa ka soo sheegay. Waxaana banneeyay barashada goobaha dayaxa Axmad iyo Isxaaq. Abii Muusana waxaa laga soo weriyay, in uu yiri: Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaa yiri:"Saddax jannada ma galaan, Qamriya cab, iyo sixir rumayste, iyo qaraaba goys"{Axmad, Ibn Xibbaan}. MAS'ALOOYINKA CASHARKA Tan 1aad: Waa xigmadda ku jirta Abuurista xiddigaha. Tan 2aad: Waa in lagu diiday qofkii intaa la soo sheegay wax aan ahayn ka sheega. Tan 3aad: Waa in la sheegay qilaafka culumada ku dhexmaray arrinta barashada goobaha dayaxa. Tan 4aad: Waa gooddinta loo gooddiyay qofkii rumaysta sixir, haddii uu doono ha ogaado in uu beenyahay e'. |
|
Qaybtii 1aad [Kuna bishaaraynaya Rasuul gadaashayda imaan oo magaciisu yahay Axmed] Waayo "Sida la moodayey?" Ka dib waxaa yimid Ciise (css) kaa soo Ilaahay doortay. Marka aan eegno sida ay qorayso baridda masiixiyaddu, Ciise(css) wuxuu ahaa nijaar ama loox-qore iyo wiilkii loox-qore, iyadoo ay u sameeyeen abtirsiin laga shakisan yahay sida ay ugu qoran tahay Injiilka eeg (Luke 3:23) "Oo Ciise markuu bilaabay in uu wax baro, wuxuu ahaa qiyaas soddon jir, isagoo ahaa sida la moodayey wiilkii ina Yuusuf..". Malaayiin Muslimiin ahi maanta waxay qirsanyihiin in Nebi Ciise (cs) uu u dhashay si mucjiso ah, iyadoo hooyadii aan nin u tagin. Dadka raacsan masiixina waxay u abuureen abtirsiinyo nin aan lahayn wax abtirsiin ah. Injiilka ay qoreen Matayos iyo Luukos waxay siiyeen Nebigan wayn ee Eebe soo diray 66 aabe iyo awoow. Labada abtirsiinood ee taxan hal magac bay iskaga mid yihiin, kaa soo ah Yuusuf loox-qorihii, kaa soo aan meelna ku haboonayn sida Luukos qoray oo uu leeyahay wuxuu ahaa oo kaliya aabe la moodihii Ciise (css). Xitaa wadaadada Kiristaanku waa shakisan yihiin Baadhistii argagaxa lahayd ee Anglican Bishops-ka (Xubbnaha wadaadada ee kiniisadda Ingiriiska) ee Juun 1984tii waxay shaaca ka qaadeen ama muujiyeen in mucjisooyinkii Ciise sida bikrad ku dhalashadiisii iyo sare u kacidiisiiba in aysan u dhicin dhab ahaan sida uu sheegayo kitaabka kiristaanku ee loo yaqaan Baybalka. Tixgelin la qadarinayo wadaadada kanisadda Ingiriiska (the anglicans), kanisadda Skotland si xushmad ku jirto bay uga saartay tixraacii ahaa bikrad dhalashadii (The virgin birth) daabacaadoodii ugu dembeysay ee ahayd 'bayaankii caqiidadada'. Sidaad hoos ku arki doontaba fikrada ah mucjisooyinkii Ciise Masiix way ku sii kululaanaysaa kiritaanimada reer galbeedka. (Waa socotaa...) |
BOGGA 6AAD |
|
|
Qaybtii: 23aad Dabbaalkii iyo Dhagarrowgii Kaliila: waxaa la sheegay in dhagarrow iyo dabbaal ganac wadaageen, intii ay waddada ku jireen ayaa dabbaalkii dan gaar ah u haray, markaas buu gunud kunshilin ku jirto helay, wuuna qaatay dhagarrowgiina taa wuu ogaaday, dabadeedna magaaldoodii bay ku noqdeen, kolkii ay magaaladii ku dhawaadeen bay fariisteen si xoolihii loo qaybsado. Dabbaalkii ayaa yiri; bar qaaado barna isii, dhagarrowguna wuxuu go'aansaday in uu kunka qaato dhammaantood, markaas buu ku yiri; qaybsan mayno, maxaa yeelay wadaagga iyo ergashada ayaa wanaag iyo wax isku darasho u dhaw, hase ahaatee jiscin ayaan ka qaadanayaa adiguna sidoo kale, inta hartana geed salkii baannu ku duuganaynaa, waana meel dhawrsan, haddii aan u baahanana aniga iyo adiguba wixii aan u baahano ayaannu ka qaa-dandoonnaa. Intiihartayna geed higle ah hoostiis bay ku duugteen, oo magaaladii bay galeen, dhagarrowgii baa kadib dabbaalkii u soo dib dhaafay lacagtii oo qaatay dhulkiina sidiisii u simay, dabbaalkiina markaa bilo ka dib ayuu yimid, oo dhagarowgii ku yiri; dheef baan u baahday ee ina keen aannu wax sooqaadano e'. Dhagarrowgii ayaa markaa la soo baxay oo meeshii bay aadeen kadibna way qodeen oo waxba kama helin, markaas baa dhagarrowgii ku soo jeestay oo foolka ka dharbaaxay, kuna yiri; wadaytinimadu yaaney ku kedinin, lacagtii waad iisoo dib dhaaftay oo waad qaadatay. Dabbaalkii dhaar buu billaabay, oo kii qaatay buu habaaray, dhagarrowgiina dharbaaxyo buu ku asqeeyay, oo ku yiri; qof aan adiga ahayni maqaadan, oo ma qofkale baa ogayd?. (Waa socotaa...) |
BOGGA 7AAD |
|
|
|
wadaaynimo kaama rabo. waddanaka anaa iska leh. aan kala waydaarannee. waraabow maalin wacan. wowgii kale waxan lahaa. wuxuu yiri waatahaye. adduunyadu waaya male. wanaag loogama irkado. ninna kama buuxsho weel. tan maantana waa wareer. wadaaygeey baad tahaye. aan waaya is wehelinnee. wanyahaw hay goyn wadnaha. wowgii kale waxan lahaa. wuxuu yiri waatahaye. wuxuushnimadii ka baxay. wasiirraan leeyahayo. wistaa ii mara carrada. wareerkaad sheegatana. war iyo waaya uma lihi. wanaag baan kuu waddacay. warkuna waa koobanyahay. wadaaynima kaama rabo. waddanka anaa iska leh. aan kala waydaarannee. waraabow maalin wacan. wowgii kale waxan lahaa. wuxuu yiri waatahaye. ma wiil iyo waalidkiba. ayaan kala weecan kara. axdigu waa wayn yahay. ma labadii wacad dhitoo. wallaahi isugu maraa. iswaydaarsada xumaan. --aaheey..runtaa---- |
|
Qaybtii 12aad 121. Raad arooryo dib looma raaco. 122. Rag iddeey kuguma daayo, ee aan isdayno buu kugu daayaa. 123. Rag inta uu tillaabo ka boodo ayuu talana ka boodaa. 124. Rugtaada iyo runtaadaba (cidna) dadka looma sheego. 125. Rag lama maleeyo ee waa laga malaystaa. | 126. Rag la'aani wax kaama dhibto, ragxumaase wax kaa dhibta. 127. Rag is faanshay waa ri' is nuugtay. 128. Ragi waa shaah naagana waa sheeko. 129. Riyo hadii ay dib leeyihiin dabadooday ku qarin lahaayeen. 130. Rag aamusay iyo riyo aamusay labaduba reerkoodii gabe. |
|
dhuguc-a: a.miraha aad u bislaada ee gaaray goortii la cuni lahaa, waxaa la yiraahdaa, mirahani waa dhuguc; aad bay u bislaadeen. b.miraha hohobta ama hoobaanta ee had iyo jeer la moodo in ay aad u bisilyihiin; waa miro midab cas leh oo ka baxa geed qodax iyo caleemo aad u yaryar leh oo badanaa ka baxa gobolka hiiraan iyo meelo kale oo dalka soomaaliya ka mid ah. c.gabar dhuguc ah iwm; gaartay da'dii ay guursan lahayd ama aad u qurux badan. Dhuguc-da: a.macaanka iyo bisaylka. b.quruxda iyo filsamida. dhukaamid-da: wax dhukaan ku dhacay ahaasho, waxaa la yiraahdaa, neefkani wuu dhukaamay; dhukaan baa ku dhacay. dhukaan-ka: a.neef dhukaan ah; qaba cudurka dhugta oo jirran, ama ay hadda ka hor ku dhacday. b.neef dhego yaryar ama hadda ka hor dhugi ku dhacday, siiba idaha, waxaa la yiraahdaa, wankan ama laxdan waa dhukaan ama dhukantahay; dhego yaryar bay leedahay ama dhug bay ka kacday, soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa "lax dhukani abaar moog" waxaana looga jeedaa lax dhega yaryar ama lax dhug qabta abaar kama warhayso. Dhukanaasho-da: wax dhukan oo qaba cudurka dhugta ahaasho, ama wax dhukaan ah oo haddda ka hor dhugi ku dhacday ahaasho, sidoo kale, dhukanaashadau waa dhukaan ahaasho, ama wax dhegaha dhukay gaga jiro ahaasho. dhukan: a.aad u dhega yaryar ama u dhega gaaban, waxaa la yiraahdaa, lax dhukan, sidoo kale geela dhuganaasho waa lagu tilmaamaa, maxaa yeelay idaha iyo geelu aad bay u dhega yaryar yihiin kolka loo eego xoolaha intooda kale. b.neef dhukan; ay hayso cudurka dukta loo yaqaan, waxaa la yiraahdaa, geel dhukan; ay dhugi hayso. c.qof dhukan iwm; uu dhukay dhegaha uga go'anyahay. dhukanaan-ta: dhug qabidda ama dhukay qabidda ama dhega yarida iwm. dhukanaasho-da: wax dhukan, oo cudurka dhugtu hayo ama ku dhacay ahaasho, ama wax dhukan oo dhegayar ahaasho, sidoo kale wax dhukan oo dhukay dhegaha uga jiro ahaasho. dhukay-ga: dhegdheg midabka bunka oo kale leh, oo dhegaha daloolkooda isku gaafa, wixii haaw ah ee soo gelaya dhegta daloolkeedana qabta, marka uu aad u qallalo oo qashinku ka bato wuu adkaadaa dabadeedna wuxuu keenaa dhegaha oo ama xanuuna qofka ama diga oo markaa uu qofku si fiican wax u maqli waayo. dhukayasho-da: dhugayga dhegaha kala bixid, siiba marka uu adkaado oo qallalo ayaa dhegaha laga baxshaa, dhukayashaduna waa falka jaadkaas ah. [Waa socotaa...] |
BOGGA 8AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|