Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
S o m a l i    E l e c t r o n i c    J o u r n a l
A Destination for Somali News, Business and Culture
SEJ Logo
  • Somali Studies
  • Somali Culture
  • Business
  • Communication
  • Computers
  • Education
  • Entertainment
  • Hobbies
  • Internet
  • Jobs
  • Libraries
  • Music
  • S.E.Journal
  • Newspapers
  • Organisations
  • Search Engines
  • Shopping
  • Sports
  • Travel
  • Women
  • Gundhigga Wargayska
    Akhriso B. Martida
    Taariikh: 26.3.2000
    Saxiix B. Martida
    Note: To subscribe Somali Electronic Journal send email to: SEJ-subscribe@topica.com
    To unsubscribe Somali Electronic Journal send email to: SEJ-unsubscribe@topica.com

    To subscribe to Somali Comedy List send email to: CSC-subscribe@topica.com
    To unsubscribe to Somali Comedy List send email to: CSC-unsubscribe@topica.com
    BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA
    Odayaal iyo Aqoonyahanno!
    Cajaa'ibka Shirka Jabuuti!
    Ninka UN-ka u fadhiya Jabuuti ee u qaabilsan habaynta shirka dib u heshiisiinta waraysi lala yeeshay aayuu ku carrabaabay in shirkan aanan cidna lagu casuumin, cidna looga yeerin, dhammaan dadka ka soo qaybgelayana ay iskood u yimideen.

    Laakiin waxaa la yaab leh in uu isla markaa leeyahay dowladda Jabuuti waxay doonaysaa in ay la tashato dad ka socda qaybaha bulshada soomaaliyeed ee khibrado kala duwan u leh soomaaliya!

    Waxaa kale oo uu sheegay in dowladdu doonayso in laga gudbo kaalintii abaanduulayaashu uga jireen dibuheshiisiinta oo la soo dhiso dowlad ay hormuud u yihiin ururro bulsho!

    Waa cajiib, waxaa intaas ka sii daran in uu inkirayo, in ay jiraan kooxo yiri shirka ka qayb qaadan mayno, annaga oo wada og in Somaliland iyo Puntland iyo Kooxda Ina Caydiid ay sicad u mucaaradayaan shirkaas.

    Shir Qarsoodi ah!
    Inkasta oo shirka Jabuuti ee lagu magacaabay "shirkii aqoonyahannada Soomaaliyeed" uu billawday toddobaad ka hor, waxaa muuqata in aanay dad badan ka war hayn arrimaha shirkaas lagu falaanqayn doono taasna waxaa sabab u ah shirka oo qarsoodi ah.

    Haddaba su'aasha meesha taal waxay tahay, maxaa shirka qarsoodi looga dhigay? yaase ka dambeeyay go'aanka noocaas ah? Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "wax la qarshaa, ama waa qubtaan ama waa qurmaan" waxaana ii muuqata in shirka Jabuuti sidaa ku socdo, oo uu ama quban doono ama qurmi doono!!

    Aqoonyahanno la soo xulay!
    Su'aasha labaad ee iswaydiinta leh waxay tahay, yay yihiin dadka aqoonyahannada lagu tilmaamay ee shirka qarsoodiga ah loo soo xulay? maxayse ahaayeen shuruudaha lagu soo xulay, ma qabiil baa? ma aqoon baa? haddii dadkaas loo soo xulay qabiilkooda awgiis, waana sida muuqata e, ma aysan ahayn in shirka lagu magacaabo shirka "aqoonyahannada soomaaliyeed", haddii aqoon lagu soo xulayna waxay ahayd in aanan qarsoodi laga dhigin ee magacyadooda iyo derejadooda cilmiga ah la soo bandhigo.

    Laakiin waxaa inoo muuqata in dowladda Jabuuti iyo ninka UN-ka metelaya ay dooneen in ay howl ayaga u gaar ah fushadaan, haddii ay sida ay hadda ku socdaan kuwadaan howshana, dantooda way gaari doonaan, laakiin su'aashu waa dantii soomaalida ma la gaari doonaa?

    Odayaashuna maxay yihiin!
    Odayaasha shirka ka qaybgelaya waa odayaal soomaaliyeed oo badankoodu yahay dadkii dowladdii hore ee soomaaliya ku jiray haddana howlgab ah, odayaashaasi maanta soomaaliya cid ay metelaan ma jirto, cid wax ka maqlaysana ma jirto laakiin waxaa la yaab lah in shirka qarsoodiga ah looga yeeray.

    Sidoo kale, shuruudaha odayaashan lagu soo xulay lama yaqaan, ma qabiilkoodaa, ma da'doodaa, ma indheergarad nimadoodaa? waxaas oo dhan lama sheegin, lana garan maayo.
    Shirkan Jabuuti wuxuu iila egyahay sidi kii meeshaa lafteeda lagu qabtay hadda ka hor ee lagu doortay Cali Mahdi, mirihiisiina aan ilaa iyo maanta guranayno!
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    BOGGA 2AAD WARARKA SOOMAALIDA
    Warqad ku socota indheergaradka Soomaaliyeed
    Dr A. H. Koofiyadcadde
    K.T.C Koofi Trading Co. 57 Montagu Road ~ Edmonton ~ London N18 2LX ~ United Kingdom Phone 44 7957 683 601 ~ Fax 44 208 803 3126 ~ Home Phone 44 208 345 6365 - E-mail: abdul.koofi@tesco.net
    KU: Indheer-garatada Soomaaliyeed London.
    March 5, 2000, London - England.
    Walaalayaal,
    Dhammaantiinba waan idin salaamay waadna ku mahadsantihiin Agenda-dii Djibouti Conference ee aad iisoo dirteen iyo martiqaadka aad ii fidiseenba.
    Kadib markii aan si Swift ah isha u mariyay Agenda-da shirka, waxaa iiga dhadhamaya inuu yahay mashruuc weyn, quruxsan, niyad-wanaagna (OPTIMISM) lagu diyaariyay hasa yeeshee xaqaa’iq badan iska indha-saabay amaba aan tix-gelin.

    Bogga ugu horreeya ee ka hadlaya “Main Objectives Of The Initiative” waxaa ku xusan in go’aamada shirku noqdaan kuwa “REALISTIC & IMPLEMENTABLE” ah, haddii aanay taasi sal u ahayn hawlaha la wadana, dadaalka socdaa waa “HAL BACAAD LAGU LISAY”.

    Sida ku xusan Agenda-da, shirkani wuxuu uga duwan yahay kuwii sanadihii lasoo dhaafay la qabtay, waa isaga oon ku koobneyn, amaba aan u ahayn “Exclusive” The Warlords balse uu yahay mid laga qayb galinayo dhammaanba bulsha-weynta Soomaaliyeed, dibedda dalka iyo gudahaba, grass-root-ka waxa ay ku magacaabeen ee ku baahsan gobolada & degmooyinka dalka iyo akhiiran, siyaasiyiintii, cuqaashii iyo odayaashii Soomaaliyeed ee la yiqiin “ Their integrity, high moral character and devotion to community & public service” !!! What about the Warlords??!! Maxaase laga yeelayaa??!!

    Qodobka ah “The proccess shall be led and driven by the Somali Civil Socity” wuxuu, waa aragtideyda’e, si xoog leh ugu xiran yahay maw’qifka laga qaato “THE WARLORDS” oo af’duub “HOSTAGES” ku haysta “THE SOMALI CIVIL SOCIETY” . Taasi waa arrin si aad ah layskaga indha-saabay ee ma filayo in la illaabay.

    Hoggaamiyayaasha kooxaha hubeysan oo aan wax laga qaban, hubka faraha badan oon laga uruurin dadka (DECOMMISSIONING), iyadoon EMBARGO lagu soo rogin hubka cusub ee dalka dhinacyo badan kaga soo qulqulaya etc. etc. aniga ii ma muuqato wax loogu degdego dhismaha Somali Authority, wejiga ay doontaba ha lahaato’e (Central or Regional - Transitional or any other Huu-Haa kind of Administration).

    Si loo helo “LASTING PEACE & RECONCILIATION AMONG THE SOMALI SOCIETY” waa in daawo loo helaa asbaabaha dagaalka sokeeye uu u daba-dheeraaday, meeshana laga saaraa “The individuals, group of individuals, country or countries” iyagu danaha gaarka ahi ka leh in dagaalku uu socdo, Soomaaliya-na ku sugnaato xaaladda ay maanta ku jirto.

    GABAGABO:
    Walaalayaal, arrimaha aan jeclahay inaan idinku soo qaado, si aad ahna aan idiinkala ballamo inaad ku FOCUS-gareysaan, iyaga oo kooban aan idiin dul-maro:-
    1) In la ilaaliyo “ Sovereignty, territorial integrity, political independence and above-all THE UNITY OF SOMALIA , lagana taxadaro qabaa’ilka iyo gobolada qarkood inaysan u qaadan arrinta ah “DECENTRALISATION AND REGIONAL ADMINISTRATION” in loogu ansixiyay inay ka go’aan Somalia. Waxaan u jeedaa kuwan la magac-baxay Somaliland Democratic Republic, Puntland iyo qaar kale oon anigu hubo inay soo bixi doonaan sida FATUUT-LAND.

    2) In si aad ah looga foojig-naado dalalka masaalixdooda gaarka ahi ku dabaqaya mashruuca shirka laysugu yimid ee Somalia National Peace.
    3) In xal-u-raadinta dagaalka sokeeye laga billaabo salka ee aan loo eegin si sadxi ah “SUPERFICIAL” ee “ROOTS OF THE CRISIS” la abbaaro, tallaabooyin laga qaado, waxna laga qabto kuwa loo yaqaan “WARLORDS” ahna af-duubayaasha bulsha-weynta Soomaaliyeed.

    4) In laysku soo qaado, loona qoondeeyo waqti, barnaamij iyo maaliyad (Finance) sidii wax looga qaban lahaa hub uruurinta iyo joojinta hub cusub oo lagu soo daldalo Somalia (Decommissioning & embargo on new arm supplies).

    5) Ugu dambeyntii, waa in laga hadlaa dhawrista cimilada (Environment) Somalia lana codsadaa in si degdeg ah loo joojiyo “The dumping of nuclear & chemical waste” in Somali Seas and Inland, baaritaanna lagu sameeyaa dalalka iyo sharikadaha falkaasi ka mas’uulka ah.

    Ladies and Gentlemen:
    Arrinka Soomaaliya ma aha wax sahlan, tacqiidaat badanna way jiraan, qaar innagu (Soomaalida) aannu abuurnay iyo kuwo shax wacan naloogu degeyba, haddii aan runta ka hadlana, anigu shakhsiyan MUTAFAA’IL kuma ahi “This so called Somali National Peace Conference” - ILAAHAY baanse ka baryayaa inuu noqdo mid lagu guuleysto.[Fii-amaanillaah].

    Bannaanbaxyo iyo Go'aanno ku saabsan Shirka Jabuuti
    Puntland, March 24, 2000, Dowlad Gobaleedka Puntland ee uu madaxwaynaha ka yahay Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa toddobaadkan soo saartay go'aan ay ku diiddantahay waanwaanta ay waddo dowladda Jabuuti ee xalka nabadeed loogu raadinayo Soomaaliya.

    Col. Cabdullaahi wuxuu dowladda Jabuuti ku eedeeyay in ay shirka afduubayso oo ay doonayso in ay dad gaar ah oo ay ayadu wadato magacaabato, maamulka dowladda jabuuti iyo ninka NU-ka matalaya labaduba way beensheen eedaynta uu kornaylku u soo jeedshay.

    Warar kale ayaa ayaguna sheegaya in bannaan baxyo looga soo horjeedo go'aanka Ina Yuusuf lagu qabtay degmada Boosaaso, halkaas oo la sheegay in hal nin booliisku dileen kadib markii ay rasaas fureen, dhowr kalena la dhaawacay.

    Waxaa ayadana la sheegayaa in ay bannaan baxyo lagu diidanyahay shirka Jabuuti ka dheceen maqaagala Muqdishu, bannaanbaxyadaas oo ay qabteen beelaaha taageersan Xuseen Maxamad Faarax Caydiid oo la sheegay in uu dadkii bannaan baxyada hoggaaminayay ku jiray.

    Saraakiil USAID ka socda oo Soomaaliya booqday
    March 24, 2000, Madax hay'adda gargaarka ka socotay ayaa la sheegayaa in ay booqasho ku tageen dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobalka Bay, halkaas oo ay ku soo indha indheeyeen sida abaaruhu dadka dhulkaas ku dhaqan u waxyeelleeyeen.

    Madaxdaasi waxay sheegeen in dowladda Ameerica ugu deeqi doonto Soomaaliya gargaar cunto oo dhan 18 kun oo tan, si looga caawiyo dadka ay abaaruhu wax yeelleeyeen ee ku nool goballada Bay, Bakool iyo Gedo.

    Waxaa la sheegayaa in ay booqashadani tahay, tii ugu horreysay ee dadlka soomaaliya ay ku tagaan madax sare oo Maraykan ah tan iyo intii ciidankii maraykanka laga qaaday soomaaliya shan sano ka hor.

    Col. Cabdullaahi Yuusuf oo lagu eedeeyay Xatooyo Xoolo Dadwayne
    March 24, 2000, War uu qoray joornaal lagu magacaabo Sahan oo ka soo baxa magaalada Boosaaso ayaa ku eedeeyay Col. Cabdullaahi Yuusuf in uu heshiisyo la galay sharikad Ingiriis ah oo uu lacag ka qaatay dabadeedna uu lacagtii akowntigiisa ku yaalla bangiyada Swiska ku shubtay.

    Warkaas waxaa kale oo lagu caddeeyay warqad ashtako ah oo ay qoreen kooxo Majeerteen ah oo Maraykanka jooga oo Ina Yuusuf ka codsaday in uu dib uga laabto heshiiskaas uu la galay sharikadda.

    Col. Cabdullaahi Yuusuf, waxaa warku sheegay in uu heshiis la saxiixday sharikad la yiraahdo Hart Group oo laga leeyahay dalka Ingiriiska intii uu halkaa joogay, ayna ku heshiiyeen in sharikaddu ka kalluumaysato xeebaha bari ee Soomaaliya iyo in ay qashinka wershedaha ku daadiso halkaas.

    Col. Abdullaahi wuu qirtay in heshiis dhex maray asiga iyo sharikaddaas, laakiin wuxuu inkiray in uu sharikadda u ogolaaday in ay dhulka soomaaliya qashin ku daadshaan.
    Kornaylka waxaa degaanka Boosaaso uga kacsan koox mucaarid ku ah maamulkiisa oo ay hormuud u yihiin Ina Abshir Haamaan iyo Suldaannada qaarkood, waxaana loo malaynayaa in ay ololahaas ayagu ka dambeeyaan.

    Waraysi lala yeeshay David Stephen
    March 24, 2000, Ninka u jooga UN-ka Jabuuti ee loo xilsaaray ka qaybqaadashada shhirka waanwaanta Soomaaliya David Stephen ayaa sheegay in aanay jirin kooxo diiday in ay shirka ka qayb qaataan.

    Waxaa kale oo uu David sheegay in aaney dowladda Jabuuti cidna ku casuumin shirka hadda ka socda Jabuuti, dadka shirkaas ka qayb galayna aanay cidna metelaynin!

    David oo isku deeyay in uu ka jawaabo su'aalo laga waydiiyay cawaaqib xumada ay keeni karto diidmada ay diideen kooxo muhiim ah sida Somaliland, Puntland iyo Kooxda Ina Caydiid in ay shirka ka qayb qaataan, wuxuu ku celcelshay in aanay ilaa iyo hadda jirin cid tiri shirka kama qayb qadan doonno.

    Waxaa kale oo uu caarabbaabay in kooxahaasi ay ka cabsi qabaan in ay booskooda waayaan, ayna doonayaan in ay arrinkaas farta ku sii fiiqaan, madaxwaynaha Jabuutina uu door bidayo in raggaas kooxaha madaxda u ah ay si dimuquraadiyadi ku jirto shirka uga qayb qaataan.

    Wuxuu hadalkiisii kusoo afjaray in aanay dowladda Jabbuuti iyo dadka maamulka shirkaa wada wali wax go'aan ah ka gaarin abaanduulayaasha kooxaha wixii laga yeeli lahaa, shirka hadda socda uu yahay mid ay dadka ka soo qayb galay iskood u socdaan oo ay doonayaan in ay talo iyo tusaale siiyaan dowladda Jabuuti, dowladduna ay doonayso in ay dhagaysato talooyinkaas.

    David wuxuu hadda ka hor beenshay in ay jiraan xoogag shisheeye oo faragelin ku haya shirka socodkiisa, wuxuuna ka codsaday kooxaha wax tabanaya in aay si qalbi furan u soo bandhigaan waxyaabaha ay doonayaan si loogala xaalo.

    BOGGA 3AAD BOGGA GANAcsIGA IYO DHAQAALAHA
    Sarrifka Lacagaha dalalka ay badanaa Soomaalidu deggantahay.
    Dalka Lacag US$1 =
    Qatar Rial 3.639
    Bahrain Dinner 0.3769
    Kuwait Diner 0.3047
    Switzerland Frank 1.501
    Malaysia Ringit 3.800
    Dalka Lacag US$1 =
    Somalia Shilling 9620
    Djibouti Frank 177.72
    Syria Lire 45
    Sudan Diner 247.10
    Yemen Riyal 148.15
    Dalka Lacag US$1 =
    Australia Dollar 1.5349
    Thailand Bahat 37.95
    Canada Dollar 1.4823
    England Pound 0.6207
    Europe EURO 0.9374
    Dalka Lacag US$1 =
    Saudi Riyal 3.750
    U.A.E Durham 3.672
    Oman Riyal 0.3849
    Egypt Pound 3.409
    Iraq Diner 0.3107
    Anglefire Free Email
    BOGGA 4AAD BOGGA QUBANAHA
    Diinta Islaamka Waa in Laga aqoonsadaa Dalka Danmark
    W.Q. Ibraahim Saalah
    Dalka Denmark waxaa ku nool Muslimiin tiradooda gaareysa qiyaastii ilaa 160 000 oo qof, kuwaasoo isugu jira jinsiyado kala duwan. Haddaba, muslimiintaas waxay marar kala duwan isku dayeyn in ay dowladda Denmark ka helaan aqoonsi la xiriirta diintooda muqaddaska ee Islaamka oo aan wakhtigan xaadirka laga aqoonsanayn dalka, sida loo aqoonsan yahayba diinta kirishtaanka, Yahuudda oo aan dadkeeda saa ugu badnayn dalka DK, waa marka la garab dhigo tirada muslimiinta ku dhaqan dalka DK.

    -Diinta Islaamka waa in la aqoonsadaa sida loo aqoonsan yahay kuwa haysta diinta Yahuudda oo magacooda la yiraahdo ”Det Mosaiske Samfund”-, hadaladaa waxaa yiri Naser Khadar oo xubin ka ah Xisbiga Radikale Venstre isla markaana ka tirsan guddiga degmada ee Kobenhagen.

    Naser oo asalkiisa u dhashay dalka Syria wuxuu sheegay in ay habboon tahay in ay dowladdu la shaqeyso imaamyada iyo culumada diinta Islaamka ee ku dhaqan dalka DK, iyadoo uu intaa raaciyay inay arrintaa caawin lahayd xal u helidda mashaakilka iyo dhibaatada ay ku kacaan da’yarta muslimiinta oo badatay qaskoodii wakhtiyadii ugu danbeeyay.

    Muslimiinta ugu badan ee degan dalka Denmark waxay ka yimaadeen dalka Turkiya, kuwaasoo deganaa dalka sannado fara badan. Waxaa ku daba feela Carabta, Soomaalida iyo Bakistaaniyiinta.

    Aafada Khamro Cabista
    Gabdhaha iyo wiilasha u dhashay dalka Denmark ayaa lagu ogaaday baaritaan dhowaan la sameeyay in ay yihiin kuwa caalamka intiisa kale ugu badan cabista khamriga, sidaa waxaa dhowaan soo tebiyay wakaaladda caalamiga ee qaabilsan caafimaadka.

    Baaritaanka wuxuu sheegay in dhalinta wiilasha yar yar ee u dhalatay dalka Denmark ay cabaan khamriga 70% (boqolkii toddobaatan), halka gabdhaha 63%-kii ay ka cabaan khamriga.

    Waxaa arrinkaa ka sii naxdin badan, iyadoo gabdhahaas ay da’doodu tahay da’da ka yar 15 sanno. Waana arrin ay wakaaladdu ku tilmaamtay arrin argagaxiso leh.

    Fadeexada Carruurta Jogoraa-ga Kenya!
    Cabdalla Rashiid
    Bariga Africa
    Nairobi 24 March 2000, fadeexad cusubi ayaa kabilaabantay wadanka keenya taas oo ka dhalatay iibgaynta carruurta kunool magaalada nairobi oo gaaraysa in kabadan 60,000 oo canug oo ah caruurta loo yaqaan iskoris amam afka sawaaxiliga llagu yiraahdo...JOGORAA.

    Arrintaasi oo ay dawladu waxba ka qaban wayday ayaa dhawr jeer waxaa loogu baaqay hay'adaha samfalka bixiya inay caruurtaas daryeelaan.

    Inkasta oo ay jiraan hay'ado arimahaas gacan kagaystay hadana wax saas u wayn may tarin..waxa hadaba maalmahan danbe soo kordhay in caruurtaas looqaado meelaha dagaaladu kasocdaan ee jamhuuriyada Congo.

    Waxaa lagu eedeeyay laba nin oo dhalashadoodu tahay ruwandes kuna xiran kaniisad kamid ah kaniisadaha magaalada Nairobi kuna leh iskuul lagu xanaaneeyo caruurta in ay u dhoofiyaan wadankaasi carruurta iyaga oo usheegaya inay siinayaan shaqo iyo nolol kawanaagsan tan ay kunoolyihiin.

    Marka ay geeyaan Kongo waxay siistaan canugiiba US$500 kadibna furinta hore ayaa lageeyaa, ilaa 700 canug ayaa lasheegayaa in ilaa hada laqaaday.
    BOGGA 5AAD BOGGA DOODDA IYO CILMIBAARISTA
    Wadaad iyo Aqoonyahan !
    Maxamed Cismaan Nuux (Asad)
    Huddingenpolku 2c 32 01600 Vantaa, Finland.
    Tel: +358-0-5891 453 (home) E-Mail: cawdgale@hotmail.com
    asad's photo
    Waa maxay wadaad? Aqoonyahanse waa maxay?
    Maskaxda shacbiga soomaaliyeed marna iskuma qaladdo faraqa u dhaxeeya wadaadka iyo aqoonyahanka !! si kooban haddaan u qeexo faraqa u dhaxeeya labadooduba waa sida:
    wadaad: waa shaqsiga in badan dadka xusuusiya nolosha dambe (ama aakhiro) aqoonyahan: shaqsiga inta badan ay dadku u arkaan ineyba noloshu ku xiran tahay.

    Kala duwanaanshahaasi ma aha oo keliya mid wax qabad, balse waa mid muuqaal iyo mid aragti,bulshaduna mid weliba mustawe qaas ah ayuu ka joogaa !!
    bal marka hore aynu isweydiinee maxay tahay aqoontu? goormaa la oran karaa waxani waa aqoon, waxanina waa khuraafaad? sideebaynu ku ogaan karnaa qofka bartay aqoonta? iyo qofka ku naaxay khuraafaadka?

    Goormay Diintu noqotay wax aan aqoon ahayn?
    Goormay diintu noqotay waxaan aqoon ahayn, qofkii bartaana loo oran aqoonyahan, ee loo yiri wadaad? Runtii waxaan jeclaan lahaa in si wanaagsan loo daraaseeyo qatarta ka iman karta aragtida noocaan oo kale ah !! runtii waa aragti aad u hooseysa, waana fikri qabiix ah, in qofkii diinta islaamka aqoon u leh loo quuri waayay in loogu yeero aqoonyahan!!halka kan kale ee sita shahaado jaamacadeed ,laakiin aad uga fog islaamka uu ku raaxaysto ka sarraynta kan wadaadka!! waxayna ka tarjumaysaa heerka ay dadku diinta ka taagan yihiin !!

    Waxaynu dib ugu soo laabanaynaa su'aashayadii ahayd :
    Waa maxay aqoon ? Dadku badankiis waxay ku jawaabaan in aqoontu tahay cilmiga sayniska, ee waxtarkiisa iyo waxyeeladiisuba cidna ka qarsooneyn.Waa jawaab sax ah, haddaba maxaa saynis ah ? maxaanse saynis ahayn?? Aniga aragtidayda waxay i tustay in su'aashaas oo si wanaagsan looga jawaabaa, loona daraaseeyaa ay xal weyn u keeni lahayd ummadda muslimiinta guud ahaan, gaar ahaanna ummadda soomaaliyeed!!

    Maxaa Saynis ah?
    Saynisku waa cilmi kasta oo la xaqiijin karo, iyadoo la isticmaalayo tijaabo sayniseed. Xaqiijintiisuna kuma xirna goob (space), xilli(time),sidoo kalena sayniska iyo saynisyahanku wax xiriir ah malaha!
    Tusaale: Haddii la doonayo in la xaqiijiyo in biyuhu samaysmeen ka dib markii labo curriye(labo atam oo Haydrojiin ah iyo Hal atam oo Ogsijiin)ay falgaleen, sida ugu fudud ee loo xaqiijin karo waa in la soo qaataa labadii curriye, ka dibna la falgeliyaa !! maxsuulka mar walba ka soo baxaya tijaabadaas waa "biyo".

    Maxsuulkaasi kuma xirna xilliga la joogo, goobta la joogo, saynisyahanka samaynaya tijaabada inuu yahay (ama ay tahay) mid cad ama madoow, budhiiste, yuhuudi,masaay, mid jiir caabuda ama muslim , waxaynu si kooban u oran karnaa saynisku waa cilmiga ka madax bannaan dhaqanka ay bulsho leedahay iyo waxa ay aaminsan tahay, si kooban haddaan u iraahdo, saynisku waa aayaadka qur'aanku innagu baraarujo ee loo yaqaan "aayaatul kowniya", waana waajib barashadooda iyo ku camalfalkoodaba, bal dib u aqri kutaabka Qur'aanka kariimka ah, akhri qisadii Nebi daa'uud(cs) iyo sida uu birta u isticmaali jiray, qisadii thul-qarneyn iyo siduu birta u adeegsaday.

    Yuusuf (cs) iyo cilmigiisa dhaqaaleed, suuratul xadiid (iyo siday uga hadashay faa'iidada iyo qasaaraha birta), suuratul Ambiyaa iyo siday uga hadashay "Samaysanka koonka(universe-ka), iyo sida looga soo qaatay aragtida "Big-Band", sida ay weliba u tilmaameyso in universe-ku ku dhammaan doono waxaa loo yaqaan "big crunch", oo ah in dib loo soo duub-duubi doono, laguna soo celin doono heerkii hore), bal eeg aayadaha ka hadlayaa sida uu koonku-ufido (expanding universe), eeg.     [Waa socotaa..]
    Somalia: Horta, yey Taladeedu ka go'daa ?!
    Waxaa Qoray: Ibrahim Macallim Mursal
    Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tel/Fax +31 545-476473. E-mail: mursal@gelrevision.nl
    Hoggaamiyaasha Kooxaha
    Hogaamiyaasha kooxaha waa iska magac beddelasho, mar haddii jabhadihii ay magac beeleen. Inkastoo magac hoggaamiyaal kooxeed loogu magac daray, haddana falalkooda iyo hawlgalkooda kii laga maagay ayuu yahay. Dhul goosi, goob kala riixasho, qabiil shirin, abaabul colaad iyo is gaashaan buursi rog rogaal badan ayay ka bixi la’yihiin.

    Abaabul shirar dhaadheer oo dhammaadkood yahay fashillaad la sii ogyahay. Waa dad aan looga fadhinin, lagana sugeynin halabuur loo aayo inay la yimaadaan. Toban sanadood qas iyo kharribaad waxaan ahayn kuma aysan tallaabsanin. Kufka iyo kiciddana wax waayo aragnimo ah uma aysan kordhinin. Qab qab iyo boor kicin ma ahee hal tallaabo aan horey u qaadin. Halkii ay joogeen sagaashaneydii bilawgeed ayay weli taagan yihiin. Damdamtooda, sidii hadda ka hore aan u soo sheegnay, waa “Jug jug meeshaada joog”.

    Inkastoo hindisaha Djibuuti, sida ay mudan yihiin hoggaamiyaasha kooxeed (dagaal oogayaasha), qiimahooda aad u yarenayo, haddana wuxuu u aqoonsan yahay, iska daaye in ay ku yi maadaan qaab xisbinimo amase kooxeed, in ay magacooda shakhsi ahaan ay qayb ku qaataan.Taas oo ay jirto, haddana, cid ku kalsoon oo ay mattali karaan lama arko.

    Bartilmaameedka hindisaha Djibuuti
    Hindisaha Djibuuti, run ahaantii, ma aha mid ajendahiisu dhamaystiran yahay. Oo hadba wuxuu la saan qaadaa dhacdooyinka maalmeed, karka caadifadeed iyo shucuurta xilliga. Waxaa laga yaabaa in ay arintaasi sabab u tahay, in qolyaha hindisaha dabada ka wadaan ay fara badan yihiin.

    Horay ayaa loo yiri: cuntokariyayaasha haddii ay battaan, maraqa wuu xumaadaa). Danaha hindisaha ay ka leeyihiinna aad ayay u kala duwan yihiin; weliba badankooda ajendayaashooda ay is wada herdinayaan. (Arag IFTIIN, jannayo, 2000: Somalia: Kalaguurka labada Qarni).

    Hindisaha wuxuu ku soo bilowday mashruuc Shirweyne nabadeyn guud ah iyo shirar dibuhishiisiin in la qabto, wuxuuna isu beddelay hindise soo jeedin dhisme maamuleed, dabadeedna dhismo dowladeed oo waqti leh, ilaa uu hadda sii maraayo marxaladda kala xulashada cidda mmulka loo dhiiban karo, oo aan ka horimaaneynin ajendayaasha qabanqaabiyayaasha hindisaha.

    Haddii aynu isku soo koobno cidda hindisahan bartilmaameedka uu ka dhigtay, waqtigan xaadirka ah, walow laga yaabo in wax lagu soo kordhiyo amase wax laga dhimo, waa hoggamiyaasha dhaqanka, odayaashii (waayeello aan weli xukunka qabsashadiisa aan ka quusanin) ee dowladdii hore ee rayidka ahayd soo hoggaamin jireen iyo bulshada rayidka ah (indheergaradka, fannaaniinta, haweenka, ganacsatada iyo wixii soo raaca).     [Waa socotaa..]


    Goorma ayey Soomaaliya xornimo heleysaa?
    Waxaa qoray: Mahamed Abdisalam Egal
    Leidschendam, Holland
    Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkii yiraahdaan saw annagii xornimada qaadannay 1960kii. Aniguse waxaan aamin sanahay in aysan wali Soomaaliya xornimo gaarin, waayo wali dadkeeda waa la gumaystaa. Gumaysiga ma aha oo kaliya in dowlad kaa jinsi duwan in ay kugu soo duusho oo ku qabsato kaana qaado xorriyadda shakhsi ee doorashada in aad ka hadasho dantaada iyo aayahaaga. Gumaysiga waxaa ugu daran midka fikirka ah oo qofka caqliga laga gumaysanayo loona diidayo in uu doorasho yeesho, waxaa ku xiga midka dhaqaalaha iyo xoog lagu gumaysto qofka oo lagu khasbo in uu yeelo wax quursi ku ah naftiisa si uu u noolaado. Waxaan isku dayayaa in aan sharax ka bixiyo noocyada gumaysi ee soo maray Soomaaliya.

    a) Gumaysigii waxii ka horreeyey 1960kii
    Gumaysigii ka jiray xilliyadaas waxaa uu ahaa mid qayaxan oo dowlad shisheeye ah ayaa ku soo duushay Guud ahaan Afrika, si ay dhaqaalahooda ay u kobciyaan islamarahaantaana ay u helaan Alaabta Cayriin ay warshadahooda u baahan yihiin. Waxaa kaloo u suurto galayey in ay helaan xoog bani'aadin oo qiimo jaban ah si ay ugu adeegsadaan waxsoosaarka iyo dagaalada ay ku jireen oo ka dhashay tartanka Ganacsiga.

    Haddaba Soomaalida oo wakhtigaas u badnayd xoolo dhaqato dhibaato wayn kuma uusan abuurin Gumaysigaas marka loo eego bulshooyinkii ahaa Beeraleyda. Dhaqdhaqaaq gobanimo raadis ah kadib waxaa suurto gashay in ay dhammaan dowladihii Africa iska xoreeyaan Gumaysigii shisheeye.

    b) Gumaysiga Cusub
    Guamysiga cusub oo ay reer Galbeed ku bedeleen gumaysigii hore oo qiimo badan kaga bixi jiray waxaa uu noqday in ay Africa ka Gumaystaan dhinaca fikirka iyo dhaqaalaha kuna kalifaan madaxda Afirikaanka in ay khaadum (Adoon) u noqdaan dowladdii guamaysan jirtay.

    Haddaba Soomaaliya waxaa ay ka mid ahayd dowladihii Afrikaanka ahaa oo xorriyad ku sheegga heley 1960kii. Waa run Soomaaliya waxaa ay heshey calan iyo magac laga aqoonsaday Dunida hase yeeshee awood uma aysan yeelan in ay rabitaanka ummadda Soomaaliyeed ay ku shaqayso dowladdii dhisantay.

    Waxaa lagu khasbay mabaadii iyo nidaam ay reer galbeedku hindisaheeda lahaayeen. Sharciyada wadanka waxaa uu noqday shrciyo lagu sameeyey wadamada reer galbeedka ah oo aan xiriir dhaqan iyo diin aan la lahayn Umadda Soomaaliyeed. Waxaa kale oo la adeegsaday in qabyaaladda noqoto dariiqa lagu kala qaybinayo Soomaliya si loo gumaysto ama la isugu diro dhexdeeda.     [Waa socotaa..]
    la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
    BOGGA 6AAD BOGGA HAWEENKA
    Qasim's photo
    Qasim Hirsi
    Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax
    International Islamic University
    Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia
    Email: qasim55@hotmail.com
    Soo booqo bogga
    ururka Almanhal
    almanhal
    SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
  • AFARTA MAD-HABOOD IYO WAXA AY KA QABAAN MARAGFURKA HAWEENKA
    Maaliki
    Maaliki waxa uu hadalkiisa ku caddeeyey kitaabkiisii ugu caansanaa ee "Al-mudaawana al-kubra", ka dib markii waraysi lala yeeshay lagu weydiiyey waxa uu ka qabo markhaatiga ku saabsan dilka - gacan ku dhiiglenimo ee ay ku marag kacayaan laba naagood iyo hal nin. Waxa uu uga jawaabay su'aashaas sidatan soo socota.

    Markhaati ay naagi furtay laguma aqbali karo dacwo ku saabsan xuduud, qisaas, furriin, iyo guur toona. Sidoo kale kama sii marag kici karaan marag ay niman rag ihi fureen. Intaa waxaanu ku caddaynay sida ay qabaan labada mad-hab ee kala ah; Shaaficiya iyo Maalikiya. Sidaa si la mid ah ayey labada kale ee kala ah; Xanafi iyo Xambalina qabaan iyaga oo ka amba qadaya Warkii uu soo tabiyey Zuhri iyo qiyaaskooda.

    Waxay arinta maragfurka dumarku xaaladahaas ku jirtaba, waxaa waayo dambe si tartiib tartiib ah ugu soo cadaatay culimadii shareecada Islaamka in uu go'aankani ku qallafsan yahay xagga fahamka shareecada, oo ay adag tahay si la isaga dhaga tiro waxyaalihii ay markhaati ahaan ku caddeeyaan dumarku. Hadaba, Ibnul-qayim oo ka mid ahaa culimadii dambe, run ahaantiina la oran karo Sheekhii ugu horeeyey ee liqi waaya go'aanka ayaa yiri: " Kol haday sideed haween ihi cadeeyaan in ay haweeney ku dhacday danbiga zinada, waan u ciqaabi lahaa".     [Waa socotaa..]
  • BOGGA 7AAD DIINTA ISLAAMKA
    Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com - Odense, Denmark
  • CABDULLAAHI BINU CABBAAS
    Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu caado ka dhigan jiray doonista iyo dalabka cilmiga ilaa uu meel sare ka gaaray. Masruuq Binu Ajdac oo ka mid ah madaxda Taabiciyiinta (ardaydii saxaabada) ayaa mar uu ka faaloonayay Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu yiri: " Haddaad aragto Cabdullaahi waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu quruxda badan, hadduu dhawaaqaana waa ninka ugu fasaaxad badan xagga hadalka, marka uu sheekeenayana waxaad ogaanaysaa inuu yahay ninka ugu cilmi badan".

    Cabdullaahi markii uu dhammeystirtay waxbarashdiisa diinta, ayaa waxa uu bilaabay inuu dadka baro diinta. Guriga Cabdullaahi wuxuu isu baddelay Jaamacad ay ka soo baxaan Muslimiinta. Haa, waa Jaamacad marka dhinac kasta laga eego. Waxaynu ognahay in jaamacadaha maanta ay dhigaan macalimiin fara badan oo kala duwan, kuwaasoo dhiga maadooyin kala duwan.

    Hase ahaatee Jaamacadda Cabdullaahi waxaa dhigayay Cabdullaahi oo keliya, iyadoo maadooyinka cilmiga ay kala duwanaayeen. Mid ka mid ah ardayda dhigtay jaamacaddaas ayaa yiri: " waxaan arkay fadhiga ama xalqada Cabdullaahi oo haddii aad Qureysh oo dhan ay ku faani lahayd ay u noqon lahayd faan, wuxuu yiri waxaan arkay dadkii oo buuxiyay gurigiisa ilaa ay meeshu ka ciriirsanto, waxaan u talaabay ilinka guriga Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu igu yiri waxaad ii soo dhigtaa biyo aan ku weyso qaato, wuu weyso qaatay ka dibna wuxuu isu diyaariyay inuu ka jawaabo su'aalaha kala duwan ee ay dadka weydiinayeen.

    Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu dunida kaga tagey cilmi, faham, dhowrsanaan iyo xikmad xeel dheer. Markii uu dhintay Cabdullaahi Binu Cabbaas da'diisu waxay ahayd 71 sanno. Waxaa janaasada Cabdullaahi ku tukaday Muxammed Binu Al-Xanafiya oo uu dhalay Cali Binu Dhaalib (rc), saxaabo iyo taabiciyiin fara badan. Illaah ha weyneeyo abaal marinta Cabdullaahi Binu Cabbaas aamiin. DHAMMAAD     [Dhammaad]
  • BOGGA 8AAD xayaysiin
    BOGGA DHALLINYARADA
    SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
    Qaybtii: 49aad
    Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
    Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
    Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
    T U K I H I I -- I Y O -- G U U M A Y S K I I
    Bakayle: oo garsoorahaasi yuu yahy?. Shimbirkii: xeebta badda waxaa jooga shabbay wadaad ah , oo maalintii sooma habeenkii oo dhanna tukasho u taagan, dugaagna ma dhibo , dhiigna ma daadsho, cawska ayuu ku noolyhay, iyo waaxyaalaha baddu u soo tufto, haddii aad ogolaato waannu u gardhiganynaa, waanna ku go'naa.

    Bakayle: waan ku go'aa haddii uu yahay sida aad ku sheegtay.
    Kadibna way aadeen, aniguna waan daba galay si aan u ogaado garta ninka sooma ee salaada, kadibna way u tageen, kolkii uu arkay shabbaygii, bakaylihii iyo shimbirtii oo xaggiisa u soo socda, buu haf yiri oo tukasho u istaagay, laabjileec iyo alla ka cabsi ayuuna muujiyay, kolkaas bay la yaabeen wixii ay ku arkeen oo way u soo dhawaadeen, ayaga oo qaayaynaya, kadibna way nabdeeyeen oo waxay waydiisteen in uu u kala garqaado, wuxuuna ka codsaday in ay uga sheekeeyaan sidii wax u dheceen, wayna u sheegeen, wuxuuna yiri: anigu waan gaboobay, waanna dhega digay ee iisoo dhawaada oo i maqashiiya waxa aad leedihiin, dabadeed bay u soo dhawaadeen oo sheekadii ugu soo celsheen, go,aankiina waydiisteen.

    Shabbaygii: waan gartay wixii aad dhahdeen, waxaanse idiin hormarinayaa waano, inta aanan idiin kala garna-qin, waxaanna idinfarayaa eebbe ka cabsi, iyo in aadan xaqa mooyee wax kale doonina, maxaa yeelay qofka xaqa doona ayaa had iyo jeer guulaysta, in kasta oo garta asiga la saaro, qofka gardarrada doona waa guul darraystaa inkasta oo garta la siiyo, qofkuna dunida waxba kuma leh, xoolo iyo waday intaba, inta aan ka ahayn fal wanaagsan oo uu hormarsaday.

    Haddaba qofkii garaadlihi wuxuu mudanyahay in uu ku dhaqaaqo wixii wanaagsan ee berri wax ku teraya, uuna ka fogaado wixii intaa ka geddisan, ee howl adduunyo ah, maxaa yeelay xooluhu ninka wax garadka ahi dhoobada bay u la midyihiin, sidoo kale wixii wanaag ah ee uu naftiisa la jecelyahay ayuu dadka kale la jecelyahay, wixii xumaan ah ee uu naftiisa la necebyahayna dadka kale wuu la necebyahay, shabbaygii sidaa ayuu ugu sheekeeyay, dabadeedna way is illoobeen, oo usoo jeesteen una soo dhawaadeen, kolkaas ayuu ku booday oo laba doodiiba cunay.     [Waa socotaa..]

    BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
    HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
    MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
    1. Waxaas iyo waxaas waa dameer iyo labadiisa dhegood. 2. Waano wadaad wax i sii baa u dambaysa.
    3. Wax badso wax la'aan bay leedahay.
    4. Waarimayside war ha kaa haro.
    5. Waxaan dhuuso moodaayay baa xaar igu noqday.
    6. Wow quraan iyo waa soo beryaahi kala badan!
    7. Wax jid laga helay jiijiid ma leh.
    8. Haddii aad dhimanayso dhareerka waa la iska rogaa.
    9. Hashu maankayga gaddaye ma masaar bay leqday.
    10. Hubsiino hal baa la siistaa.
    BOGGA 9AAD xayaysiin
    IIDHEH IYO OGAYSIIS
    Soodhawaynta Isku dubbaridaha Wargayska!

    Xurriyadda Ra'yiga
    Walaal aqriste, ma dhacday hadda ka hor in lagu cadaadshay ama aad cadaadis la kulantahy?!
    Madhacday hadda ka hor in xaqaaqa aad u leedahay in aad ra'yigaaga dhiibato lagaa inkiray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in aad intaad hadal maagtay, aamus lagu yiri, oo hendedaad iyo cabsiin laguugu deray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in kuwa jahli iyo cadaawo isku gaashaan buursaday ay kugu jujuubeen in aad ra'yigooda raacdo?!

    Haddii aad la kulantay waxyaabahaas kowo kale oo la mid ah, maanta waa laga baxay waqtigii lays jujuubi jiray, oo jaahilku caalimka afqabanjiray.

    Adiga oo ku bishaaraysanaya horumarka warbaahinta casriga ahi gaartay ha illoobin in aad cadkaaga goosato, oo aad ra'yigaaga si madaxbannaani leh u dhiibato, adiga oo aanan cidna ka baqin!!

    Wargayska Somali Electronic Journal waa wargayska kaliya ee xurnimo buuxda kuu siinaya in aad fidiso figradahaaga, asiga oo aanan kugu xirin, qabiil, mad-hab diimeed, aydoloojiyo gaar ah iyo siyaasad dowladeed toona.

    Meesha joornaallada kale ee soomaalida badankoodu ay u adeegayaan kooxo gaar ah iyo xoogag qabiil iyo kuwo diimeed, SEJ wuxuu kaa ballan qaadayaa in uu fidsho maqaal kasta oo loo soo diro, uusanna ku xirin wax aan ahayn shardiga (farsamada) qoraalka.

    Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
    Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
    WARGAYSKAN MAQAALADAHA LAGU FIDSHO, WAX AAN SHARDIGA FARSAMO AHAYN LAGUMA XIRO, KAAS OO AH IN MAQAALKU AHAADO "WAR ISKU TOOSAN OO UJEEDDO LEH"

    "DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA ASIGA AYAANA U QOOLAN, EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA, ISKUDUBBARIDAHANA WAX XIL AH KAMA SAARRA"

    DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

    Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
    Nala soo xiriir
    booqo csc H. page
    Saxiix B. Martida
    Codso wargayska sej
    Dhiibo Aragtidaada
    Akhriso B. Martida
    Xayaysiin
    Bogaadin
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page