|
|
BOGGA 1AAD | ARARTA WARGAYSKA |
Laga soo billaabo dabayaaqadii sanadkii tegay 1999kii ilaa maanta bulshawaynta Soomaaliyeed waxay u hanqal taagayeen in dhawaan xal waara u dhalan doono dhibaatada ka taagan dhulkooda, waxaana qalbigu ku xirraa waanwaanta ay waddo dowladda Djibouti. Hase ahaatee, maalmahan dambe waxaad mooddaa in dad badan oo soomaali ah billaabeen saluugid ay saluugayaan wax ku oolka shirkaas iyo go'aamada laga sugayo, arrinkan ayaan toddobaadkan ku soo qaadanaynaa ararta wargayska waxaana eegaya Hersi Labagarre. |
|
ku tilmaamaan "dagaal huriyayaasha"!
Qof kasta oo dhaqanka iyo hiddaha soomaalida u kuurgala wuxuu garankaraa in nolosha bulshadani ku salaysantahay qabiil iyo is qolaqolaysi, taas macnaheeduna waa in aanuu marnaba ka dhaqan gelikarin soomaaliya maamul aan qabiil ku salaysnayn, marka qodobka uu cuskaday mudane Geelle sidee arrinkan ula socon karaa?
Marka uu madaxwayne mudane Geelle lahaa bulshada ha laga siiyo kaalin wayn nabadraadinta, hadalkaas waxaa loo qaadan karay laba u jeeddo, "bulsho" ama "ururrada bulshada" (haddii aan raacno eraybixintii Siyad Barre), waxay ahaan kartaa bulshada qabiilka, waxaa kale oo ay noqon kartaa bulshada qaranka, sida hadda dhaqanka soomaalidu yahay, bulshadu waa in ay ahaato bulsho qabiil, maxaa yeelay bulsho qaran hadda ma dhismi karto, sidaa darteed, waa in loo fasiraa hadalka madaxwaynaha "xoogagga bulshada qabiilooyinka soomaalida", marka bulshadu waa bulsho qabiil sida halkaa ka cad. Arrinkaasi, run ahaantii waa xaqeeqo waaqici ah oo uu madaxwaynuhu si dhab ah ugu kuurgalay, dabadeedna uu ogaaday in aanay soomaaliya yeelan karin xal aan ahayn "xal qabiil", ayna lagama maarmaan tahay in xoogagga qabiil hoos loogu daadego oo kaalinta nabad raadinta saami xoog leh laga siiyo, si waxtarkoodana loo helo, middina abaanduulayaashana saawir looga dhigo . Abaanduule: sida soomaalidii hore u adeegsatay magaca, waa ninka qabiilka dagaalgelinaya, waa sida "wasiirka gaashaandhigga" oo kale, qabiilku waxaa kale ee uu leeyahay "duqay" iyo "ugas" ama "suldaan" iwm. Duqaydu waa sidi xubnaha baarlabaanka ee sharciga samaynaya, waana madaxda beelaha qabiilka, ugaaskuna waa sidi boqorka, qabiilooyinka soomaalida qaar ka mid ahna "boqor" ayayba ugu yeeraan. Marka annaga oo tixgelinayna dhaqan-qabiileedkaas soomaaliyeed ee faca wayn, waxaan dhihi karnaa, abaandhuule iyo duq iyo ugaas dhammaan waa xoogag ay "bulshada-qabiil" sharciyaysatay oo ay ugu tala gashay in mid waliba howl gaar ah u qabto. Tusaale ahaan, qabiilku haddii uu dagaal in uu galo damco, boqorka iyo duqayda lalama tashado badanaa ee waxaa la aadaa abaanduulaha. Haddii ay doonaan in ay waanwaan iyo heshiis galaanna ugaaska iyo duqayda ayay soo shiriyaan, taas ayaa kuu caddaynaysa in "bulshada-qabiil" sharciyaysay jagada abaanduuluh, ayana taageersantahay, qiimihiisuna sii kordhayo kolka nabaddu xumaato, kolka colaaddu yaraatana uu qiimadhacayo. Waa arrin uu mudane madaxwayne Geelle iyo qaar kale oo ku howllan arrimaha soomaalida ay u qaateen dhinaca san, ee ah in ay hadda colaaddii ka yaraatay soomaaliya, taasna laga yaabo in ay yarayso baahidii qabiiladu u qabtay kaalinta abaanduulaha, hase ahaatee, waxaan qabaa in arrinkaasi wali ka fiirsasho u baahanyahay, maxaa yeelay soomaaliya hadda nabad laguma sheegi karo, taa daaye, waxaanba maalin kasta maqalnaa dagaallo hor leh iyo qabanqaabooyin ay kooxaha qaar ugu tabaabushaysanayaan sidii ay u soo dhacsan lahaayeen dhul ama xoolo ay sheegeen in laga dhacay. Taas macnaheedu waa in wali xooggii abaandullku jiro jirina doono inta dhulku xasillooni fiican ka helayo, aanayna suurta gal ahayn in waanwaan ay abaanduulayaashaas ka maqanyihiin la dhaqangelsho waqtiga xaadirka ah. Anigu qof ahaan waxaan qabaa in anaan soomaalida loo shirin "bulsho-qaran" ahaan, isla markaana aanan la iska indha tirin xoogga iyo ahamiyadda ay abaanduulayaashu u leeyihiin siyaasadda soomaaliya ee maanta taagan. Waxaa ila habboon in aanan abaanduulayaasha laga tillaabsan, lana siiyo kaalinta dhabta ah ee ay talada ku leehiin, taas oo ah in ay madax ka ahaadaan qabiilooyinkooda iyo kooxahooda. Isla markaana loo shiriyo soomaalida "bulsho-qabiil" ahaan, ayada oo qolo walba mar la shirinayao laguna caawinayo sidii ay maamul hoosaad u soo dhisan lahaayeen, haddii ay dhisteenna loogu taageeri lahaa sidii ay u horumarin lahaayeen maamulkoodaas. Macnaha, in Soomaaliya laga soo dhiso dhowr maamul hoosaad, sida kuwa hadda jira oo la sii xoojiyo, tusaale ahaan, Somaliland, Puntland, Hiranland, Muqdisholand ada Banadirland, Bay-Bakool, Gedo, Jubba iwm. Marka maamul hoosaadyadaas la dhiso kadib ayaa shir "qaran" loogu yeeri karaa kooxaha soomaalida, kadibna waxaa loo samayn karaa dowlad ay u simanyihiin oo uu xukumayo madaxwayne aan joogto ahayn, oo sanad kasta qolo qabanayso madaxnimada, caasimadduna ay ahaanayso magaalada uu madaxwaynuhu joogo sanadkaas. Kolka in muudoo ah lagu socdo sidaa ayaa markaa la soo dhisayaa caasimad fidaraali ah iyo madaxwayne ama suldaan ama boqor hadba wixii ay isku raacaan madaxda dowlad-hooseedyadaas, sidaa ayaana soomaalidu ku gaari kartaa dowlad ay ka raalli yihiin dhammaantood. |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD | WARARKA SOOMAALIDA |
|
Dagaal dhexmaray beelaha Muddulloodka ee dega Mahadday
Muqdisho, 26 Feb. 2000, War inaga soo gaaray Wakiilka SEJ ee Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal xoog leh ka dhex qarxay beelo ka tirsan qolada loo yaqaan Muddulloodka kaas oo loo malaynayo in ay ku dhinteen dad gaaraya 14 qofood, qaar aanan tiradooda la aqoonna ku dhaawacmeen.
Warku wuxuu intaa ku deray in dagaalkaasi ka dhashay dhulbeereed iyo mashaariic beeraha la xiriirta oo ay isku khilaafsanaayeen maamulkeeda beelahaasi.
Waxaa kale oo la sheegayaa in aanan hadda la filayn dhawaann wax waanwaan ah oo dagaalkaas looga hortegayo in la qabto, taasna ay sabab u tahay kuftintii is daba joogga ahayd ee ku timid waanwaanihii horey ay u wadeen duqayda qolyahaas hormuudka u ah.
Beelaha Muddulloodka oo wada dega Mahadday waxay in muddo ahba isku haysteen mashaariic horumarinta waraabinta beeraha la xiriirta oo ay halkaa ka wadday dowladda Jarmalka, waxayna isku khilaafsanyihiin qoladii talada arrinkaasi u tuudi lahayd.
Dagaalkii beelaha Ogaadeen oo laga baqayo in uu dib u qarxo
Kenya Feb.25 2000, [Wakiilka SEJ] Kooxo ka tirsan beelaha Ogaadeenka oo uu dagaal ku dhexmaray toddobaadyadii la soo dhaafay dhoobley ayaa hadda laga baqayaa in dagaalkoodii dib u soo cusboonaado. Toddobaadkan ayaa war laga soo xigtay dowladda Kenya sheegay in ay jabhad ka mid ah jabhadaha beelaha Ogaadeen ku hendedday dowladda Kenya in ay u soo tillaabi doonto dhulka Kenya si ay u baadi goobto bal in ay jiraan cadaw keedaa oo u soo tillaabay dhulkaas iyo in kale. Dowladda Kenya, ciidankeedu wuu beenshay in ay jiraan kooxo hubaysan oo ku soo dhuuntay dhulkeeda, waxayna uga digeen jabhadaha soomaalida in ay ku soo xadgudbaan xuduudka dowladda Kenya, haddii ay taasi dhacdana ay jawaabtooda heli doonaan. Wararku waxay intaa ku dareen in kooxda taageersan Ina Cumar Jees ay tuhunsantahay in kooxaha taageersan Gen. Adan Gabyow ay ku dhuumanayaan xuduudka Kenya taageerana ka helayaan qaraabadooda Kenya deggan.
|
Sida aan wada ognahay Soomalidu waa Reer Guuraa sideedaba, waxaa misena intaa sii raaca, in ay Poland tahay wadan ka mid ah wadamada shuucinimada mar dhaweyd ka baxay, oo waqtigan xaadirka ah ku tala-jira sida ay u gaari lahaayeen Yurubta Galbeed. "Poland waxay ku biirtay bahda E.U. 1993kii"
| |
BOGGA 3AAD | BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA |
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD | BOGGA QUBANAHA |
|
[Warar Qubane ah] Waxaa soo habeeyay: Ibraahim Saalah
SHISHEEYAHA KU NOOL DALKA DK OO MAGACYADOODA DHIBAATO KALA KULMA
Dadka shisheeyaha ah ee ku nool dalka Denmark ayaa beddesha magacyadooda, sababtuna waa iyagoo magacyada ay wataan oo ayan shaqo ku heli karin. Qaar ka mid ah muslimiinta ku dhaqan dalka DK ayaa beddeshay magacyadoodii ahaa sida Maxammed, Abdullahi iwm, iyagoo ay la baxeen magacyada qalaad sida Hansen, Peter iwm.
Wasiirka Cadaaladda ee dalkan DK Frank Jensen ayaa markii
ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu wax ka baddelo sharciga la xiriirra magac baddeleshada, isagoo ajaanibta u suurto geliyay inay la bixi karaan magacyada dheenishka. Warbixintan oo uu qoray Wargayska maalinlaha ah ee Kristeligt Dagpladet. Way adagtahay inaad shaqo ka hesho qaar ka mid sharikadaha ku yaalla dalkan, hadduu magacaagu yahay Maxammed, Ali iwm.
| |
DAADAD AY KU LE'DEEN 84 QOF
|
Maamulka dalka Mozambique ayaa sheegay inay dhimashadu intaa ka badnaan doonto. Daadadkan oo ku yimi roobab aad u ba’an oo maalmo kale duwan ka da’ay qaybta koonfureed ee dalka ayaa la sheegay inuu ahaa daadkii ugu darnaa ilaa iyo muddo hadda laga joogo qiyaastii 50 sanno. Khasaaraha daadadka oo aad u weyn ayaa waxaa ka mid ah inay burbureen wixii buundooyin iyo waddooyin dalka ku yiillay, sidoo kalena in khadadka taleefoonada oo go’ay. |
Waxaa Qoray: Maxamed Aadan Cismaan (Xubin Guddiga Fulinta ee Ururka Samafalka HIRDA) W. J. Koopmaansstraat 38, 8194 DP Akkrum, Holland
Aan Qeexno Qakhlaaqda
| Balse aan qeexno Akhlaaq, sida badan dadka Soomaalida ahi ereyga akhlaaq dareenka uu siiyo waa ka hooseeyaa macnaha dhabta ah ee ay xumbaarsantahay kalimadu.Wuxuu ku qeexay sheekh Abuubakar al-Jazaa'iri Akhlaaq waa shay ku sugan gudaha nafta kaas oo ay ka yimaadaan falal kas iyo doorashaba loo sameeyo samo iyo xumaanbana leh qurux ama foolxumana leh, waana shay sidiisaba qaadan karo saamaynta tarbiyada fiican ama tan xun, hadii lagu rabaayadeeyo shaygaa (akhlaaqda) u xilashada gobanimada iyo xaqa , jacaylka samaha, iyo doondoonista khayrka, loona layliyo jacaylka waxa qurxan iyo nacaybka waxa xun, ayna noqoto arintaa dabeecad ay kasoo fulaan falalka suusuuban , ayaa waxaa layiraahdaa akhlaaq suuban. Falalkaas oo ah sida dabeecada xishoodka, dagenaanta, kaadsoonida, dulqaadka, adkaysiga, deeqsinimada, geesinimada, cadaalada, iyo samo falka. Waxaa kaloo isla macnahaa macna udhaw ku qeexay akhlaaqda Imaam ibnu-Qudaamata al-Maqdisiyi oona yiri: Akhlaaqi waa shay nafta gunaysan falalkuna uga yimaadaan si sahlan ayadoon waxba loo fikirin, hadii markaa ay falalkaasi qurxanaadaan waxaa la yiraahdaa Akhlaaq fiican hadayse foolxumaadaan waxaa loogu yeerayaa Akhlaaq xun. Wuxuu intaa raaciyay Imaamku in kuwo ay ka xoogbadisay xoogjaluulnimadu culaystayna laylinta ruuxda (nafta) ku doodeen inaan akhlaaqda la sawirankarin isbedelkeeda sidaba muuqaalka qofka qurxan ama foosha xun aan loo badali karin. Waxaanse kuwaa ugu jawaabaynaa hadysan akhlaaqdu isbedel qaadan karin wax macno ah masameeyeenn wacdigu , waanadu dardaaranku,oo sidee loo inkiri karaa isbedelka akhlaaqeed anagooba tusaalayaal dhaqangashan aragno, bal eeg sida aygii duurjooga ahaa dabjoog looga dhigay loona baray inuu u hogaansamo awaamirta rabeeyihiisa, oo bal eeg hadana Faraska iyo sida loogu layliliyay hanaan usocodka iyo hogaan wanaaga , laakiin waxaan shaki ku jirin in dabeecadaha qaarkood ku dhaqso badan yihii qaadasha layliga qaarna ku gaabiyaan. Waxaan halklan ka aragnay akhlaaqdu inay ka qoto dheer tahay macnihii aan uhaysanay eeba lagaba yaabo in macnihiisuba ku koobnaa isu tilmaanka dhaqan caruureedka. Waxaan kaloo halkaan idiinkugu soo gudbinayaa hadalo uu akhlaaqda ka yiri sheekh Taqiyi Umayni: (markuu Quraanku tiriyay waxqabadkii umadihii waxtarka aadanaha ulahaa ayuu wuxuu na tusaaleeyay akhlaaq nololeedkeena, taana waxay ina tusaysaa in salka hoose ee horumarku ama dib udhacu yahay akhlaaqda, umadi akhlaaqda suuban qabsatana waa umada mudanaysa inay dhulka ka khaliifto eebe waana tan anfacaysa aadanaha. Kadibna wuxuu sheequ xusay sifooyinka akhlaaqda waxtarka leh ee quraanka meela kala duwan kaga yimid, kuwaasoo kala ah ogolaanshaha xaqa,damiirka xorta ah, geesinimada, runta, cadaalada, naxariista, balan oofinta, amaanada, isasaamaxa, samafalka xataa loo samo falo cadawgaaga, sinaanta,naf uhurka samaha,talo saarashada Eebe, isku kalsoonaanta, hadal macaanka, dareen masuuliyadeedka, iska warqabka(isxisaabinta), amaanada hawl kasta ood qabatid, dhawrsoonaanta, dulqaadka, baraxtirnaanta, samo jacaylka, shar nacaybka, u adeega umada. Waxaan kaloo halkaan ku xusaynaa aragtiyadii labadii khabiir ee caanka ku ahaa cilmiga loo yaqaan falsafada taariikhda iyo bulshada taas oo ay ka yiraahdeen Horumarka bulsho iyo dib udhaceeda.caalimka Ibnu Khalduun wuxuu isagu ku tagay in mulki kastaa oo bulsho leedahay sii jiritankiisu ku xiran yahay siduu u helo hiilo khayrka ugu hiiliso kuna ilaaliso xaqa iyo waliba sida taa loogu dhabgaliyo ku loolanka khayrka sida:deeqsinimada, isasaamaxa, dulqaadka, marti soorka, balan oofinta, in xoolo badan lagu baxsho ilaalinta xuquuqda,sidoo kale wuxuu dr Libal yiri: Umad kasta marka ay doorsoomayso waxa uu afganbi kaga yimaadaa marka horeba akhlaaqda oo kaliya waana tan u aasaasto aadanaha mustaqbilkiisa. Udub dhexaadka ay ku taagan tahay nolosha umadeedna waa akhlaaqda udub dhexaadkaas isaga ahina doorka uu caqligu ku leeyahay aad buu u yaryahay. Markastaa ooy akhlaqda umadeed kala daadato waxaa meeshaa ka yimaada in umadaasi dhimato, wuxuu intaa raaciyay drku in akhlaaqda kaliya ay tahay shayga nidaamka bulshadu ku taagan yahay , in akhlaaqdu tahay aasaaska diinta, in akhlaaqdu tahay halbeega lagu cabiro dawladaha sidoo wuxuu ku soo celiyay in caqligu doorkiisu koobanyahay, wuxunaba tusaale u soo qaatay umdo kala duwan oo ay ka midyihiin tusaale ahaan hindida guduudan ee daga labada ameeriko wuxaa in tiro 300,000,000 oo iyaga ahi gumaysanayay Ingiriiska oo ku gumaysanayay tiro 60,000 ah inkasta oo hindida guduudani qaarkood ka caqli horumarsanaayeen dadka Ingiriiska ah taas oo ku tusaysa in caqliga qayaxan ee aan wax akhlaaq ah hiigsanay uusan wax tayo badana lahayn. Bal aan wax kasoo qaadano aragtidii dhaqtarkii ku caan baxay falsafada Bulshada Le Bon Gustave wuxuu yiri: Hadaan aad u sii fiirino sababihii riday umadaha ay taariikhdu xusayso oo dhan waxaan arki karraa in sababta ugu wayni ahayd isbedel ku yimid habfikirkoodii kaas oon u cilaynayno inuu ka yimid burbur kaga dhacay akhlaaqda awgeed, mana garanayo dawlad kaliya oo la burburtay yaraanta heerka garasho ( caqliga) ee umadeeda, burburka ilbaxnimooyinkuna hal wado ayuu ku yimaadaa waana burburka akhlaaqda wuxuunaba qofku is waydiinayaa inba taariikhda buugaagta buuxisay tahay hal bog oo soo noqnoqonayo.Dhabtii dr Le Bon hadalo aad uwacan buu kasii leeyahay mawduucan ood waliba moodo inuu markuu buugiisa qorayayba Soomaalidu inay tahay umada uu ka sheekaynayo laakiin haatan intaasbaan isaga gaabsanaynaa, maxaa yeelay boogtayadu maanta ma'aha caqliga inaan ku garan la'nahay maxaa noo dana misi maxaan noo dan ahayn ee waa wax lagu tilmaami karo rabaayad xumo mudaysatay oo uusan qofkuba aaminsanayn wax dan guud la yiraahdo, taasna marqaati ayaan uwada nahay. Waxaan hadalkayga kusoo gabagabynayaa waxan nahay umad aad baahi ugu qabto in ay akhlaaqdeeda wax katoosiso si ay uga baxdo dhibaatooyinka haysta ee bulsheed ee siyaasadeed ee dhaqaaleed ee milatari si aan loolanka aadanahu ugu jiro in lagaaro barri ka wanaagsan maalinta la joogo aan uga qayb galno.Waxaan kaloo halkaan inaan ugu bogaadino inaga mudan Ururka Hirdo oo ku hawlanayaalshiisu ku dhaqaaqeen talaabo waafaqsan Akhlaaqda suuban ee umad horumar u horseedi karta taas ooy uguba horayso dareenmas'uuleedka ku qasbay inay gartaan inay u kacaan danta guud ee bulshadu wadaagto iyadoon waliba shaki nooga jirin in ukacaa ay ukeceen danta guud ay ku hureen dano badan oo ugaar ahaa . |
|
BOGGA 6AAD | BOGGA HAWEENKA |
Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax International Islamic University Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia Email: qasim55@hotmail.com |
| |
SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
|
BOGGA 7AAD | DIINTA ISLAAMKA |
|
| OGAYSIIS: Waxaa halkan ku dhamaaday fidintii kitaabkii Tawxiidka ee uu qoray Sheekh Maxamad Cabdil Wahhaab allaha ka raalli noqdee, dhammaan aqristayaasha waxaan ka codsanaynaa in ay ra'yigooda ina soo siiyaan sidii aan u dooran lahayn kitaab kale oo aan halkan ku soo turjumno. Fiiro gaar ah: Hadda waxaa sharaxan kitaabkii Imaam Ashcari uu qoray ee cinwaankiisu ahaa (al-Ibaanah fi Usuul ad-Dayaanah). IYO Kitaabkii (al-Caqiidah al-Daxaawiyah) ee uu qoray Imaam al-Daxaawi. Labagarre |
| ||
|
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 43aad
Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
|
BOGGA 9AAD |
|
1. Wax isa siin kal jacayl kama horrayn. 2. Waxaan ku hurayn habaar laguma doorsado. 3. Waxaa la yiri tala xumo, tala naag baa lagu bartaa. 4. Wixii caloosha ku jira, carrabkaa kaa xada. 5. Waayeel qaybtiisi kaftan ku laasay. 6. Wax laysku ogyahay eed ma keenaan. | 7. Waayeel waa mus dambeed. 8. Wax aad u gaboobay guul ba leh. 9. Waad baahantahay looma bahala cuno. 10. Wadaadki maka iyo madiina ku degay dameerkiisa waxaa la yiraahdaa xaaji dameer. |
BOGGA 9AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|