Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal
Aqarso B. Martida
Taariikh: 28.2.1999
Saxiix B. Martida
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
Labagarre adiga kugu bannaan baxi mayno!
Abdullahi Hersi Artan
Dalslansgade 8G, 708, 2300 Copenhagen S, Denmark.
Email: abdullahiartan@hotmail.com
labagare waad salaamantahey, bacda salaan waxaan jeclahey inaan ka hadlo laba arimood oo aan kala kulmay wargeskeena todobaadkan aad qorteen.

Mida hore, adiga ayaa qorey, waa maqaalka aad uga hadleysay geeska afrika ee somalia, ethobia & eriteria. Waxaad si, aan naxariis laheyn oo aad u foolxun wax uga qortay umada soomaliyeed,waxaad tiri soomalida ma laha gob iyo hodan,soomalida waxba isma dhamaan dibad iyo gudo, badnkood wax ma qoraan,mana aqriyaan.intaan waxkale qorin bal aan waxyar aan ka qoro eedahaas aad soomalida usoo jeedisay inay run yihiin iyo inkale.

Somalidu gob iyo hodon ma leedahay?
Soomalida ma laha gob iyo hodan baa tiri. Aniga ma,aanan fahmin waxa aad gob ula jeeday, lakiin hadii aad ka wadey intelactual ama waxgarad runtii gefweyn baykugu tahey inaad tiraahdid qaranka soomaliyeed oo idil ma laha waxgarad.

Waxgarad badan ayaa jira oo dunida kukala firirsan lakiin nasiibdaro waxey qaxooti ku yihiin wadamo shisheeye ama wadankoodii ayey ku ildaranyihiin. tan kale waxaad tiri hodan ma laha, Runtii Aduunkan aan joogno meelkasto oo ay umadi ku nooshahey waxey leeyihiin dabaqado kala sareeya marka ma waxaad laadahay Soomali oo dhan waxey ahaayeen wada ceyr?

Waa wax aan dhici karin aawey taajiriintii waaweyneyd ee caanka aheyd sida Jirde Hussein, Ibraahim Unlaaye, Shariif Zeno iyo ragii ka lacageystey Dowladii Siyaad bare sida Maxamed sheik Osman, Xoosh, Abdirahman Jamac Bare iyo dhamaan dadkii maamulka haayey.

Marka taa ayaa kuu cadeynaysa in aaney Soomalida wada ceyr aheyn oo laga helaayey Shaqsiyaad aad u ladnaa. Marka markaad waligaa umad dhan wax ka qoraysid isku day inaad si hufan oo daacad iyo xog,ogaal ku dhisan inaad wax uga qortid.

Somalidu Aqoonyahan ma leedahay?
Teeda kale Dad badan oo Soomali ah oo waxbartey ayaa jira,runtiina sanadahaan danbe,sidii loo soo qaxeyba aadbey ukoradhey dadka soomalida ah ee waxbartey,marka waxaa laga yaabaa inaad tirikoobkii todobaataneeyadii iyo biloowgii sideetanaadkii ee heerkey Soomalida waxbarsho ka taagnayeen aad ku lifaaqaysid Qoraalkaaga maanta.

Waxaad kala isku mid ka dhigtay Mooryanka Qoriga wata ee inuu waxdhaco usoo jeestey iyo ninka naftiisa la soo cararey oo nabadgelyo soo doonytey wadamo shisheeye markaad tiri kuwa dibad jooga iyo kuwa gudaha jooga isma dhaamaan.

Soomaalida wax aysan ahayn lagama qori karo
Runtii qofkasta oo Soomali wax aysan aheyn ka qora waa in runta loo sheegaa oo la yiraahdaa adeer sidaa ma,aha. Todabaadkan waxaan ka aqriyay joornalka codka Soomalida Cusub in magaalada London naag suxufi ah oo ingiriis ah ay Soomalida waxyaabo been ah ka qortay kadibna lagu banaanaanbaxey oo ila hadana raadkeeda lagu taaganyahey.

Marka Labagare adiga kuguma banaan baxeyno laakiin qaladkaaga ayaan kuu tilmaameynaa waxaan rajeynayaa inaad qaladkaaga garoowsan doonto, isna sixi doonto insha allah.

Qori iyo qalin miyaa lays garab dhigi karaa?
Arinta kale waxa weeye Xayeysiintiina aad sameeyseen ee,ah Qori hadii uu ku ciiley yaaney Qalinkaaga ku ciilin.Waxkasta noo soo qor. Taa aad baan ula yaabey sabatoo ah Aniga ahaan Qori iyo Qalin isku meel ma wada imaan karaan.

Tusaale ahaan Qoriga ninka wata ee Soomaliya jooga wuxuu u wataa inuu qabiilkiisa ugu dagaalamo marka ma waxaad leedihiin kaaley Qalinka qabiilkaaga ugu dagaalan(Writing War).

Habkale ayaad wax u xayeesiinkarteen, laakiin habkaan aniga shaqsi ahaan ilama qurxoona. Teeda kale markaad tiraahdid waxaad rabtid noo soo Qora waan daabaceynayaa,ka waran qof hadii uu soo qoro waxyaabo af lagaadaynaya bulshada qeyb ka mid ah ama shaqsiyaad?

Miyaad ku sooqoraysaan Joornalka? hadii ay haa tahey jawaabtaadu waa arin mas,uulyo daro tii ugu way need. Laakiin hadii ay maya tahey jawaabtaadu soo kama baxeysid balantii aad qaadey ee aheyd waxaad rabtid noo soo qora waan qoraeynaayee?

Aniga waxaa ila qumanaan lahaa inaad dadka wax idiin soo qoraya aad mas,uuliyada saartaan ama xasuusisaan inaadan qoreyn waxyaabo raqiis ah oo been ah oo ujeedada ka danbeysa ay tahey xumaan loo gaysanayo shaqsiyaad ama Beel.

BOGGA 2AAD
WARARKA SOOMAALIDA
F.G: [Maqaalkan iyo midka ku xiga waxaa inoo soo qoray:
Cabdullaahi Cartan oo jooga dalkaasi Ingriiska].

Xasuuq ka dhacay Beydhabo
Muqdishu (Qaran Press) Xasuuq dad oo baaxad weyn iyo guryo dab la qabadsiiyay ayaa laga soo sheegay inuu ka dhacey magaalooyin ka tirsan gobalka Bay ee xaruntu utahey magaalada Beydhabo.

40 qofood oo uu ka mid ahaa macalin Quraan iyo ardey xaafidul qoraan ah ayaa lagu laayey Isniintii tuulada la yiraahdo Bursheed, sidaana waxaa sheegay afhayeenka jabhada wax iska caabinta RRA Mohamed Ali Aadan (Qalinle).

Magaalda baydhabo gudaheeda ayaa lagu dilay isla maalintaas 18 qof, waxaana dab la qabadsiiyay tuulada Daynuunaay oo udhaxeysa magaalada baydhabo iyo buurhakaba.

Sida uu sheegay afhayeenku waxaa dadkaas xasuuqay maleeshiyo taagersan Ina Caydiid oo weeraro gooni gooni ah ku qaadey degaamadaas, kadib markii ay arbush joogto ah ka soo wajaheen dhinaca RRA-da.

Ma jiraan warar madax banaan oo ka imanaya dhinacyo kale ama warar kale oo dheeraad ah oo lagu miisami karo xaalada dhabta ah ee meeshaa ka jirta.

Afhayeenka ayaa ka codsadey maxkamada islaamiga ee ka jirta magaalada Muqdisho iney ka dhiidhiyaan xasuuqa loo geysanayo dadkaas rayidka ah ee aan waxba galabsan sidaa si la mid ahna wuxuu ugu baaqey urarada caalimagi ah ee u dooda xaquuqda aadanaha iney la socdaan gefka iyo xasuuqa loo gaysanayo dad rayid ah ee mashaqadu ku haleeshay gobalka baay.

Muran ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland
Muqdishu (Ayaamaha), Muran xoog leh ayaa udhaxeeya Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Somaliland. Murankaas wuxuu ka dhashey kadib markii ay Puntland sheegatay qaybo ka mid ah Gobalka sanaag taasoo ka caraysiisay maamulka Cigaal.

Warqad qoraal ah oo soo sareyna Mr Cigaal wuxuu ku sheegay in Somaliland aysan marnaba aqbali doonin in lala sheegto Gobalka Sanaag.

Abdullahi Yuusuf hadii uu is leeyahay Gobalka Sanaag qayb ka mid ah waxaa dega Daarood, ha ogaado in Daaroodkaas fac ka fac uu ka mid ahaa Somaliland ayuu yiri Cigaal.

Wuxuu intaa raaciyay Mr Cigaal waxaan u sheegaynaa Cabdullaahi Yuusuf hadii uu doonayo inuu cid la heshiiyo hala heshiiyo kuwa Gaalkacyo kula nool oo imanka udhaxeeyo qadka cagaaran walaalo isdhaleyna ay yihiin.

Mr Cigaal wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay ma aha in Qabiil Qaran lagu dhiso, sidaa owgeed waa in Cabdullahi Yuusuf ka waantoobaa sheegashada dhulka Soomaliland iyo ciidamada uu doonayo inuu usoo diro Deegaankeena.

Booliiska Magaalada Muqdishu, maxay howshoodu ahaan doontaa?
MOGADISHU, Feb 24 (BBC), Ciidan tiradoodu gaarayso 3,000 oo booliis ah ayaa lagu fidshay magaalada Muqdishu, ciidankaas waxaa la sheegayaa in ay shaqadooda ka qabanayaan magaaladda gudaheeda oo dhan, oo ay ku jirto meeshii loo baxshay "bermuudda" oo ahayd meelihii dagaalada ba'ani ka dhaceen.

Taliyaha booliiska cusub Colonel Abdi Hassan Awaale Qaaybdiid, ayaa wuxuu sheegay, in ciidankaas danta ugu wayn ee laga leeyahay ay tahay, in ay la dagaallamaan shuftada ama tuugada.

Wuxuu Cawaale ka codsaday dadwaynaha in ay taageeraan ciidankaas, mana uusan sheegin in ay hubka ka dhigi doonaan jabhaddaha iyo in kale.

Ciidankan waxaa la abuuray dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay, ujeeddada laga lahaana waxay ahayd in lagu taageero maamulka magaalada Muqdishu ee ay waddaan Ina caydiid iyo Cali Mahdi.

Mucaaridka maamulka Muqdishu waxay ciidankan ku tilmaameen, in uu yahay "ciidan qabiil oo loo gelshay dhar Masar laga keenay", sida uu hadda ka hor u sheegay Cismaan caato.

Markabkii Bahari I, oo la sii daayay markii labaad
MOGADISHU, Feb 21 (Reuters), Markab Talyaani leeyahay oo ka diiwaan gashanaa dalkaasi Kenya, ayaa la sii deeyay ka dib markii ay qolyihii iska lahaa baxsheen $230,000 oo ganaax ah. Markabkan waxaa lagu qabtay xeebaha Eyl asiga oo si sharci ddarro ah uga kalluumaysanaya, waxaana la sheegayaa in ay markani tahay, markii labaad ee markabkan lasii daayay.

Badmareennadii markabkaa la socday oo tiradoodu gaaraysay 33 nin oo kala ahaa, Talyani, Romani iyo 23 Kenyati ah, iyo mid Sinigaali ah, ayaa ayaguna la sii daayey.

Markabkaas waxaa lagu soo eedeeyey in uu si sharcidarro ah xeebaha soomaaliya uga kalluumaysanayay, uuna dhibaato u gestay qalab kalluumaysi oo ay lahaayeen dadka dhulkaa deggan, xabbadna uu ku furay doomahoodii.

Madax Sheydaan
Waxaa Qoray:
Ibrahim Moallim Mursal
Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
Tele/Fax +31 -545 -476 -473
Soomaali iyo qabiil maxaa kala haysta?!

Qabiil bulshadeedka iyo kan la siyaasadeeyay
Waa maxay Qabiilka Bulshada:
Qabiilka bulshada, matalan, cunsurkiisa (element) asaasiga ah waa dhalasho-wadaag, inkasta uusan ka maqnayn cunsurka beeleed ee dhaqan wadaagga ah, oo ah cunsurka (element) loo yaqaano “Ehlu Raxim”.

Waxaase loo fasirtay fasiraadda loo yaqaanno midda kooban (restrictive sense), oo waxaa lagu soo koobay tan dhalashada xagga aabaha. Oo “raxim”ka saldhiggiisii ayay laga tagtay. Waa dhalashada xagga hooyada.

Halkaasi ayuu qabiilka soomaaliyeed ku dhaqan wareeray. Maxaa yeelay labadii rukun uu ku taagnaa ayaa mid la jebiyay. Haddaba qabiilka, marka laga eego dhanka bulshada, wuxuu soo koobayaa inta isku rixinka ee wadaagta dhalasho dhiig ah ee aan ahayn mid sheegasho ah.

Marka arintu haddii ay sidaasi tahay, micnaha wuxuu koobayaa giddi inta dhiig wadaag ah. Halkaas waxa soo gelaya ma aha keliya inta is-dhashay iyo ilma adeeradooda ee leh xiriir dhalasho dhanka aabaha ee waxaa si toos ah u soo gelaya dhalashada xagga abtiyaasha iyo wixii xiriir dhalasho xagga hooyada ka yimaada.

Weliba dhankaasi ayuu miisaanka culayskiisa u janjeeraa, illeen rixinka waa ilma galeenka, wuxuuna ku yaalaa hooyada. Taasi micnaheedu waa in bulsho Soomaaliyeed oo kastaa ee meel wada deggan waa wada Ilmo Abti iyo Ilmo Eeddo.

Haddii aad ka eegtidna dhanka Diinteenna, arinta qabiilka ama wada-dhalashada waa mid aad xassaasi u ah. Rabbi mucaamalada qabiilka wuxuu ku lammaaniyay “Taqwada” oo ah baqdinta Rabbi iyo cibaadadiisa oo isaga loo khaalis yeelo.

“Dadow Rabbigiina ka baqa” ayaa Allah ku bilaabay aayadda Quraanka wadadhalashada dhabta ah “tan rixinka ah” lagu soo xusay, wuxuuna isla aayadda dhexdeeda nagu booriyay mar kale: “kana baqa Rabbiga aad isku dhaarsanaysaan iyo Raximada”.

Arinta culayska ay leedahay mar wayee waxaad ka arkaysa waxaa la geliyay laba “Taqwo” dhexdooda, marka kalena Rabbiga “Taqwadiisa”, cabsidiisa, ayuu ku lammaniyay tan “Raximada”.

Xaajada ma sahlana oo dhayalsi ma gasho. Rabbi arintu halkaasi ugama harin oo Alle wuxuu daba dhigay: “Alle ayaa (arintaas) idinku dul illalinaaya”.

Ilaahay arintu cid kale uma addeejinin, Malaa’ik kalene uma uu xilsaaran, sida Ehelu Rixinka (qabiilka) aynu u maaraynayno si toos ah ayuu nagu dul ilaalinaya. Rabbi ma gamo’ oo wuxuu daalacanayaa waxa laabtaada ku aasan.

Jaha wareerka ina haya waa markii Ehlu rixinkii, Ilaahey ina faray inaynu xiriirino, aan kala takoornay oo reer Aabbe gar iyo gardarraba ugu hiilinay; reer hooyana uur dooxnay. Cadaabta Rabbi waxay ku timaadaa nooca dambiga inta dunida aad joogto, Aakhiranna aad Jaxiima ku aroortaa.

Waxa qabiilka loo maareyn la’yahay waa sidaasi, maxaa yeelay waynu kala faquuqnay. Marka soo ma aha wixii naga xumaadayna inaan dib u hagaajino, qoyskii aan kala dhantaalnayna aan dib isuguu soo ururino, Ehlu-Rixinkana xiriirino ,sida Alle ina faray.

Giddigeenana wada Towbad keennaa. Lga yaabee markaasi in Alle nnaxriistiisa badan nagu cafiya. Ummadda Soomaliyeedne sidaasi Sharafteedii iyo qiimihii dunida ay ku lahayd dib u soo ceshataa.    [Waa socotaa...]  

Xalku waa mid qura!
Qaybtii 2aad:
W.Q. Cabdikariim Xaaji Yuusuf
P.O. Box 22130 Streatham SW16 6WL, London, UK.
Email: Sahanpress@yahoo.com
Waa maxay Khilaafka aragtiyeed ee kooxaha Somalida?
Khilaafka aragtiyeed ee kooxahaas maaha mid mabda'i ah, waxaana markasta dhacda in nin ka tirsanaa koox oo u taagnaa taageerada kooxdaa uu maalinta xigta koox kale ka mid noqdo uu misna u taagnaado eedeynta kooxdii uu hore uga tirsanaa, lugtana ku dhufto wax kasta ee kooxdii hore wadato ha wanaagsanaadeen ama ha xumaadeene.

Arrintan oo ah mid fool xumo keeni karta ayaa waxay xitaa soo dhex gashay culumada qaarkood, oo waxaa dhacda in Sheekh horay uga tirsanaa koox diineed uu kooxdii ka tago oo uu abuuro koox kale, har iyo hebeenna u heellanaado eedeynta iyo ceebeynta kooxdii uu horay uga tirsanaa, taasoo tashwiish ku abuuri karta dadka diinta baranaya.

Haddaba, dadka u ololeyanaya hoggaanka, waxaan xusuusineynaa inay dib u dhugtaa halkii ay ku dambeeyeen kuwii ka horreeyey Dhinaca kale diinta Islaamku ma oggola in lagu dagaallamo madaxtinimo iyo xil raadis waayoo waxaa ka imaanaya natiijooyin aad u qaab daran, waxaana hubanti ah in marka uu qofku dalbo madaxtinimo ay sii baaba'ayso diintiisa iyo sharaftiisa inataba.

Culumadana waxaan xusuusineynaa inay hawl badan sugeyso, loogana baahan yahay in shacbi tartan loogu jiro baadiyeyntooda ay badbaadiyaan, diintan baraan, jidka Alle dadka ugu yeeraan si xigmad iyo waano wanaagsan leh , kheyrka u tilmaamaan, una naseexeeyaan; balse aan loo baahneyn in midba koox sameysto kooxda kalena ku jeediyo oo har iyo habeen la iska af-lagaadeeyo masaajidyada, goobaha cilmiga iyo muxaadarooyinka.

Taas oo mujtamaca Soomaaliyeed hog ka tuuri karta, khilaafaadka ka dhexeeyana aysan ula noqon Sacuudiga, Masar, Suudaan, Siiriya, Urdun, Yaman iyo Khadar, balse ay ula noqdaan Kitaabka Qur'aanka iyo Sunnabad Nabiga(csw) ee Ilaahay baray, xalkuna wuxuu ka imaankaraa halkaas meel.    [Waa socotaa...]

BOGGA 3AAD xayaysiin Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Jaamicadda Qaahira oo sheegtay in ay eryayso ardayda Sigaarka cabta
Qahira 27. 2. 1999(al-Itihad), Jaamicadda Qaahira ayaa waxay go'aan ku gaaratay in laga eryo ardayda sigaarka cabba degaanka jaamicadda, taas oo macnaheedu yahay in aanay seexan karin oo degi karin guryaha jaamicaddu leedahay.

Waxaa kale oo jaamicaddu goysay in aan marnaba sigaar lagu gedi karin xaydaanka jaamicadda.

Qaraarkaas, wuxuu caddeeyay in ardaygii ay ku caddaato in uu sigaar ku dhex cabbay xaranka jaamicadda laga saari doono degaanka jaamicadda, sidoo kale tukaankii ay ku caddaato in uu iibinayo sigaar, asigana waxaa laga qaadi doonaa shatiga ganacsiga, waana la xiri doonaa.

Dowladda Suudan oo sheegtay in ay jeceshahay soo celinta xiriirkii Ingriiska
Al-khurtuum 27.2.1999(al-Itihad), Wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan Mustafa Ismaaciil, ayaa sheegay in daalkiisu u heellanyahay soo celinta xiriirka dibulumaasi ee ka dhexeeyay iyaga iyo Ingiriiska.

Wuxuu wasiirku intaa ku deray, waxaan rumaysannahay in dawladda Ingriisku wali tahay dowlad wayn oo saamayn karta waxna ka bedeli karta siyaasadda suudaan, gaar ahaan xagga nabad raadinta dhibaatada ka taagan koofurta Sudan.

Waxaa kale oo wasiirku beenshay in dowladdiisu ciidan u dirtay dalka kongo, wuxuuna sheegay in ciidanka halkaa jooga uu yahay ciidan ay leeyihiin jabhadaha ka dagaallama koofurta dalka Sudan.

Wiil lix bilood jira oo lagu xukumay lix bilood oo xarig ah!
Masar, Iskandariyah, Wiil lix bilood jira ayaa qaalli masri ah ku xukumay lix bilood oo xarig ah.
Qisaduna waxay u dhacday sidan. Laba qoys oo deris ah ayaa carruurtoodu lagu hayay jaranjarada guryaha ay qoysasku degganaayeen, carruurtaasi waxay ahaayeen wiil iyo gabar, gabadha qoska dhalay waxay ahaayeen qos ladan, wiilkana aabbishis wuxuu ahaa nin dhexdhexaad ah oo aan hodon ahayn.

Intii carruurta halkaa lagu hayay ayaa gabadhii jaranjarada ka dhacday oo wax yar oo dhaawac ahi gaareen.

Gabadha reerkeedii waxay soo samaysteen warqad caafimaad oo been abuur ah, oo sheegaysa in gabadha madaxa wax ka gaareen, dabadeedna qaalli bay ula tageen.

Qaalligii asiga oo aan waraysan ninka gabadha wax gaarsiiyay sida uu u egyahay iyo inta sano ee uu jiro iyo meesha uu ku noolyahay toona ayuu wuxuu go'aan ku gaaray in ninkaas lix bilood oo xarig ah lagu xukumo.

Reerkii wiilka lahaa waxaa oo dhan way ka dhega la'yihiin, maalintii dambe ayaa booliisku warqad qaalli soo qoray u keenay, oo leh in wiilkoodu uu gabar jaranjarada ka tuuray dabadeedna dhaawac halis ah madaxa ka gaaray, taas darteedna qaalliga magaaladu wiilkiinna ku xukumay lix bilood oo xarig ah.

Wiilka aabbihiis, lama yaabin xukunka maxaa yeelay dalka Masar dulmigu waa wax caadi ah, wuxuuse la yaabay dhaqtarka beentiisa, iyo qaalliga dabbaalnimadiisa!
BOGGA 4AAD xayaysiin
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah?
    Waxaa Qoray:   Ibrahim Moallim Mursal
    Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tele/Fax +31 -545 -476 -473
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]

Xaggee baan ku kala duwannahay?
Sida aan horay u soo sheegnay Dowladda Somaliyeed waxay ka soo askuntay isku darka labada Geyi Soomaliyeed ee Waqooyi (British Somaliland) iyo Koonfur (Italian Somaliland).

Halganka gobanimo doonkane meel ayay iskaga soo wada jeedeen, in kasto ay ku kala dhex jireen laba quwadood Isticmaari ah. Afkaarta iyo istratijiyada halganka min Koonfur ilaa Waqooyi iyo min waqooyi ilaa Koonfur way xiriirsanayeen.

Ilaa labadii Geyiba ay Xornimadii soo hoyeen, dhaliyeena Midnimada Ummadda Soomaliyeed. Labada Geyi waxay gumaysi ku hoos jireen muddo qarni ku dhow inta aysan xornimadu aysan qaadanin.

Hase yeeshee sida magacyadooda ka muuqda waxaa kala haysteen laba Dowladood oo qaab maamulkooda iyo xukunkoodaba aad u kala duwanayeen.
Waa hubaal in la heli kari quwadda isticmaarig in ay mid ahaato, markii laga eegane dhacdooyinkii dagaalkii labaad , in qolo keliya gacanta loo geliyo suurtagal bay ahayd.

Dagaalka waxaaa ku guulaystay qoladii loo yiqiin Isbahaysiga, Ingiriiskane oo uu ka mid ahaa. Hase yeeshee yoolka gumaystuhu uu ka lahaa ayaa ahaa in uu Ummadda ku abaabiyo laba dhaqan maamuleed oo kala duwan, si xornimada dabadeed iskhilaafkaas mamuleed awgood, Dalka Somaliya marna uusan hal meel ugu wada jeysan.

In is khilaafkaasi uu ahaado xarigga Somaaliya gumaystuhu ku hagi doono xornimada dabadeed. Haddaba ma ahayn arntaasi mid kama’ ku timid ee waxay ahayd khidhad (plan) isticmaari oo si tifaftiran loo qorsheyay.

Ujeedada qorshahaasi wuxuu ahaa ummadda Soomaliyeed ee isku midka ah in loo dhiso laba maamul oo abuuraya dhaqan dhaqaale iyo nidaam weligood is barbar socanaya (parallel) oo aan lahayn meel ay is kaga soo xirmaan.

Maamulayaasaha loo soo diyaariyay labadaasi nidaam inay ku shaqayaan, qolo walba si gaar ah ayaa fikradahaasi maamul ee kala duwan loogu soo tababaray.

Xornimadii ka dib ayaa Ummaddii Soomaliyeed isu aragtay inay tahay laba ummadood oo ku kala qaybsan maamulkii gumeystaha laga dhaxlay. Arintaasi gumeystuhu aad ayuu ugu guuleystay oo sidii loogu tala galay ayay u fushay.

Xornimadii wixii ka dambeyay, waxaa lagu mashquulay sidii labadaasi dad (oo iskumidka ah) ay isku dhexgeli lahaayeen. Barnaamijyo waweyn ee isdhexgel abuuris ah "integration plan" ayaa lagu mashquulay, si dad ku soo qaxay dalka Europe oo loo diyaarinayo dhexgalka bulshada cusub.

Arintaas muddo dheer soo jiitantay ayaa soo gaartay yoolkii loogu tala galay oo ahayd jeex jeexitaanka khariidada Soomaliyeed iyo cad cad u kala qaadashadeeda.    [Waa socotaa...]  

MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
Qasim's photo
Qasim Hersi
Keenee gar daran?
Mowqifka Aqoonyahnka fayow!!
Jawaabo runta lagu taabtay
Haddaan isku soo duuduubno aragtiyada habawsan ee ay qola walbaa isku qanciso iskuna gar siinayso, waxaan waraysiyo aan arinta ugu kuur galayo la kala yeeshay kuwii aan uun arkay in ay yihiin wax garadyadii ka kala socday labadii kooxood ee fidnadu ka kacday bilowgii Muqdisho, waxaana ka mid ahaa su'aalihii aan labadooda kala weydiiyey:

S: Aqoonyahankii Hawiyow maxaa idinku kallifaya dagaalkaan aad abaabulaysaan ee aan ka fiirsiga lahayn?

J: Xaqeenii baa nalaka duudsiiyey, waana lana laayey oo dhulkeenii iyo hantideeniiba nala ka dhacay.

S: Laakiin maxaa deegaanada wax ka dhacayaan qudhooda ku keenay in ay isku hawlaan jidgooyada iyo jabhadaynta dad laynta ku dhisan ka hor intaysan imaanin arintu dawlad iyo dadweyne, sow taasi nama tusinayso in ay iyagu damceen xukun uun?

J: Oo xukunka cidda haysa ma qori baa ugu dhacay tan iyo waagii Wiil waal?

S: Horta wixii horeeyey oo dhan naga daa ee aan ka hadalno waaqica maanta yaalla, waxaanan anigu arkayaa in maanta iyada oo balaayo aad intaa isla buustaani aysan meesha oollin aad idinku fidnooyin hor leh kicinaysaan, kuwaas oo laga yaabo in ay dadka dib ugu celiyaan dhaqan baadiyoodkii iyo jaahiliyaddii laga soo galab carraabay.

J: War sow adiga arka ma ahan sida aan Muqdisho keliya ugu dullaysan nahay oo aan ugu jirno faqriga iyo tabar darraysiga?     [Waa socotaa...]

CAAFIMAADKA BULSHADDA
Astaamaha Cudurada, Gaar ahaan cudurada caruurta
Waxaa Qoray:
Jama Mohamed Farah (Jawali)
[Espoo, Finland]
Madax Xanuunka
Madax Faradka:
Madax-faradku waa nooc ka mid ah madax xanuunka oo ku dhaca dhinac keliya oo markaasna ay weheliyaan lalabo (yaqyaqsi) ama marmar matag. Waxayse u gaartahay qaar ka mid ah qoysaska taas oo ah dhaxaltooyo reerkaasi kala dhaxlay ah.

Dhakhtaro badani waxay la tahay in madax-faradka uu keeno allergic. Madax-faradku aad buu u daran yahay sidaas awgeed waa in daawo la qaataa.

Xanuun ama kaar
Runtii haddii xanuunku ku dhamaado dhawr saacadood gudahood waa calaamad in wax si yihiin. Waxaan horey uga soo hadalnay waxa uu yahay cune xanuun, ama calool xanuun ee socda dhawr saacadood kaas oo ku saabsan jirro calooleed, ama xiidmo ama qabsin.

Haddii dhabar xanuun jiro wuxuu noqon karaa in kelyaha laga hayo ilmahaas. waxaan kaloo ognahay in haddii qofka uu ku dhaco muruq go' ama laf jabid xanuun saa'id ah.

Waalidku had iyo jeer haddii ilmahoodu xanuunsado ma joogi karaan ilaa ay geeyaan dhakhtar ama ugu yeedhaan. Haddiise ay dhacdo in ilmihii oo aan jiranayn uu yiraahdo waan jiranahay arrintaas oo dhawr jeer sameeyo waxaa dhacda in marka dembe iyadoo xanuun dhab ahi hayo waalidku rumaysan waayo, taasina ay keento dhibaato.     [Waa socotaa...]

BOGGA 5AAD xayaysiin
BOGGA HAWEENKA
Haweenka Soomaalidu nabad ma soo hoyn doonaan?
NAIROBI February 22, 1999 (AANA), Urur isku magacaabay, Ururka Haweenka Soomaaliyeed, ayaa dhawaan shir ay ku qabteen magaalada Nairobi ugu baaqay hoggaamiyayaasha jabhadaha soomaalida in ay xabbadda joojiyaan oo xal la aqbali karo keenaan.

Haweenkaas oo xusayay dad hadda ka hor lagu xasuuqay dagaalkii Kismaayo dhawaan ka dhacay oo u badnaa waayeel, haween iyo carruur, waxay u sheegeen hoggaamiyayaasha jabhadaha in ummadda Soomaaliyeed ka sugayso dowlad midaysan.

Waxay haweenku intaas ku dareen, in ay rejaynayaa in ay kaalin fiican ka qaataan nabad raadinta soomaaliya sida haweenka kaleba ay kaalinta uga qaataan nabadda dalalkooda.

Hooyo dhashay shan carruur ah oo mataano ah!
Hooyo u dhalatay dalkaasi Siriya ayaa waxay dhashay shan carruur ah oo mataano ah, sidaa waxaa sheegay wargayska al-tawra ee dowladdu leedahay.

Hooyadaas oo la sheegay in ay qaadan jirtay daawooyinka looga hor tago dhalma la'aanta, waxay markii la daaweeyay ka dib dhashay hal canug, kadibna mid kale ayay ku xejisay, dabadeedna shan mataano ah.

Dhaqaatiirta ku howllan daryeelka hooyadaas iyo carruurteedu waxay sheegeen in carruurta afar ka mid ahi aad u wanaagsanyihiin oo ay dhalo caanaha ka cabbi karaan, mid ayaa u baahan in daryeel gaar ah la siiyo oo miisaankiisu laba kiilo ka yaryahay.

Gabar la afduubay, ee soo noqotay 7 sano kadib!
Gabar yar oo 7 jir ah ayaa 7 sano ka hor waxaa laga afduubay iskuulkii ay dhiganaysay hortiisa, kaas oo ku yiil tuulo ka mid ah degmada Mansuura ee dalkaasi Masar.
Naagtii gabadhaas afduubtay waxay u gaysay ninkeeda oo loo yaqaan Maxamad assunni, waxayna u kexeeyeen Qahira.
Gabadhaas waxaa loo diiday in ay telefishanka daawato ama telefoon dirto ama bannaankaba u soo baxdo.

Markii ay 14 sano jirsatay ayaa Maxamad assunni wuxuu damcay in uu oday 59 sano jira u guursho oo xoolo kaga qaato.

Laakiin arrintaasi waxay ka caraysiisay naagtiisii oo ahayd qofkii gabadha soo xaday, taas oo intay gabadhii suuxisay ula carartay tareenka Mansuura meesha laga raaco dabadeedna tareenkii saartay.

Kolkii Tareenkii gabadhii Mansuura geeyay, ee booliisku arkay gabadha suuxsan, ayaa qisadii la ogaaday.

Gabadha hooyadeed waxay tiri, annagu waan ka quusannahay gabadha raadinteeda, aabbaheedna sacuudiga ayuu u shaqa doontay markii ay gabadhiisii luntay ka dib.

Hadda gabadaydii baa ii soo laabatay ayada oo 14 jir ah oo aad u qurux badan, bay tiri hooyadeed.
BOGGA 6AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
2. Mowduuca: Tawxiidka.
3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.

Hersi's photo
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
CASHARKA 32AAD
WAXYAABIHII KU SOO AROORAY XAQEEQADA IIMAANKA

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[kaasi waa shaydaan wuxuuna idinku cabsi gelin awliyadiisa ee ha cabsanina, ee iga cabsada haddaad mu'miniin tihiin]Aali-Cimraan 175.

Waxaa kale ee uu Eebbe yiri:
[Waxaa uun camira masaajidda Eebbe cid rumaysay Eebbe iyo maalinta dambe oo salaadda ooga oo bixiya sekada kana cabsanayn waxaan Eebbe ahayn, waxay u dhawyihiin kuwaas inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan]At-Tawbah 18.

Waxaa kale ee uu yiri Eebbe:
[Dadka waxaa ka mid ah ruux dhihi waxaan rumeeyay Eebbe, markii lagu dhibo Eebbe dartiisna ka yeela imtixaanka dadka (dhibkooda) cadaabka Eebbe oo kale, hadday timaado guul xagga Eebbe ka ahaatay waxay dhahaan annagu waan idinla jirraa, Eebbe miyuusan ahayn kan og waxa laabta dadka ku jira] Al-Cankabuut 10.

Abii Saciid Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo weriyay in uu yiri:"Waxaa iimaan xumada ka mid ah in aad dadka ku raalli geliso carada Eebbe, iyo in aad uga mahadnaqdo iyaga risqiga Eebbe, iyo in aad ku ceebayso wax aan Eebbe ku siin adiga, risiqana dadaal mid dadaal badani sooma jiido, nacayb mid wax necbaadana ma celsho".

Caa'ishana Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo weriyay "In Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yiri:Qofkii raallinimada Eebbe ku doona carada dadka, Eebbe wuu ka raalli noqdaa dadkana wuu ka raalli gelshaa, qofkiise raallinimada dadka ku doona carada Eebbe, Eebbe wuu u caroodaa dadkana wuu u caraysiiyaa"{Ibn Xibbaan}.

Mas'alooyinka Casharka
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda Aali-Cimraan.
Tan 2aad: Waa tafsiirka aayadda Bero.
Tan 3aad: Waa tafsiirka aayadda Al-Cankabuut.
Tan 4aad: Waa in Iimaanku xoogaabayo oo uu naxuusayo.

Tan 5aad: Waa astaamaha naxuusnimadiisa ee ay ka midka yihiin saddexda walxaato ee la soo sheegay.
Tan 6aad: Waa in Eebbe oo si daacad ah looga cabsado ay waajibaadka ka mid tahay.
Tan 7aad: Waa in la sheegay ajirka uu leeyahay qofkii sidaa yeela.
Tan 8aad: Waa in la sheegay ciqaabta uu leehayay qofkii taa ka taga.

Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka
    W.Q: Ibrahim Salah Aden
    Påskeløkkevej 8 st. tv 5000 Odense C. DK.
    e-mail: wadajir98 hotmail.com
Abul-Caas Binu Rabiic
Abul-Caas wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo wakhtigaa ka dhex muuqday dhalinyarada la midka ah. Abul-Caas wuxuu ku faani jiray dhaqamada iyo caadooyinka ay lahaayeen awooyayaashiis.

Wuxuu ahaa nin ganacsade ah, isla markaasna ganacsiga ka dhaxlay Qureysh oo aqoon badan u lahayd ganacsiga. Gaadiidka Abul-Caas wuxuu ahaa mid aan kala go'in, una dhaxeeya magaalooyinka Makka iyo Shaam oo uu u kala safri jiray xilliga qaboobaha iyo xilliga Jiilaalka.

Abul-Caas wuxuu lahaa hanti aad u fara badan. Dadka yaqaana Abul-Caas waxay u dhiiban jirayn maalkooda iyo hantidooda si uu ugu rogrogo maalkaas, sababtoo ah waxay garanayeen Amaanada iyo Runta Abul-Caas.

Abul-Caas habaryartii waxaa la oran jiray Khadiija Bintu Khuweylid oo ahayd Afadii Rasuulka (scw) uu qabay.
Khadiija waxay Abul-Caas dejin jirtay booska wiilka hooyadii, iyadoo jeclaan jirtay inay soo dhoweyso mar walba.

In kastoo ay saas Khadiija ahayd, haddana Rasuulka (scw) kama uusan yareysan Khadiija soo dhoweynta iyo wanaajinta Abul-Caas.

Sannado badan kama aysan soo wareegan aqalka Rasuulka (scw) ilaa ay ka weynaatay Zeynaba Bintu Rasuulilaah oo ahayd curaddii gabdhaha Rasuulka (scw) ugu weynayd, wakhti yar kaddibna waxaa soo doonay oo damcay (in ay guursadaan) qaar ka mida madaxda Makka caruurtooda.

Waayo, sideenan u jeclaysanayn guurkeeda, iyadoo ka mid ahayd gabdhaha Qureysh ugu sharafta badan xagga Nasabka, Akhlaaqda iyo wanaagga.

In kastoo ay soo dooneyn, haddana nasiib uma ay yeelan, oo waxaa guursaday Abul-Caas oo ay ahaayeen hablo wadaag ama ilmo habreed.

Guurkooda kama soo wareegan sannado badan, ilaa uu waddooyinkii Makka iftiimiyay Nuurkii Alle ee iftiinka badnaa, deedna la soo saaro Nebi Muxammad (scw).

Aayadihii ugu horeeyey ee ku soo degay Rasuulka (scw) waxaa lagu amray in uu u digo qaraabadiisa soke, ka dibna wuxuu u digay oo uu u bandhigay Diinta Islaamka xaaskiisa Khadiija iyo gabdhihiisa afarta ahaa.

Isla markiiba Khadiija iyadoo aan hakad gelin ayeey islaamtay, waxayna ahayd qoftii ugu hor qaadatay islaamka marka loo eego dumarka.

Sidoo kale gabdhihiisana way islaameen, waxayna kala ahaayeen:
Zeynaba, Ruqaya, Ummu Kalthuum iyo Faadumo oo wakhtigaasi yareyd.

Hase yeeshee Abul-Caas oo Rasuulka (scw) soddogiisa ahaa wuu diiday wakhtigaas inuu ka tago diintii ay heesteen Aabayaashii iyo Awoowayaashiis, isagoo ka haray rumeynta xaaskiisa ay rumeysay Rasuulka.

In kastoo ay rumeysay xaaskiisa, haddana wuxuu ahaa kii aad u jeclaada oo wanaajiya Zeynaba, una saafi yeela iyada galgaceyl iyo qalbi furnaan.

Markii uu kululaaday loolankii ka dhaxeeyay Rasuulka (scw) iyo gaaladii Qureysh, ayaa gaaladii Qureysh tashatay, iyagoo qaarka qaarka kale ku oronaayo:

Waxaad Muxammad ka xanbaarteen murugo iyo walwal markii aad dhalinyaradiina ku darteen (u guuriseen) gabdhihiisa, ee ka warama haddii aan u celinno gabdhihiisa oo la furo, si uu ugu mashquulo iyaga.

Waxay is-yiraahdeen ra'yigan waa ra'yi wanaagsan, waana inaan ku dhaqaaqnaa. Markii ugu horeysay waxay u tageen Abul-Caas, iyagoo ka codsaday inuu furo xaaskiisa Zeynaba, deedna u diro guriga aabaheed, iyagoo ka ballan qaadeen inay ku dari doonaan gabadha ugu wanaagga badan ee Qureysh.

Abul-Caas wuxuu yiri: Maya wallaahi furi maayo xaaskeyga, mana jecli inaan ka doorsado gabadha adduunka ugu quruxda badan.
Halkaasna ayuu ku diiday dalabkii ay u soo bandhigeen Qureysh.

Laakiin labadii gabdhood kale Ruqaya iyo Ummu Kalthuum ee ay kala qabeen ilmihii uu dhalay Abii-Lahab (Cutba & Cuteyba) ayaa dalabkaas fuliyay oo way fureyn, iyagoo u soo direen Gurigii Rasuulka (scw).

Rasuulka (scw) aad ayuu ugu farxay arrinkaa isaga ah, wuxuuna jeclaystay inuu sidan oo kale uu sameeyo Abul-Caas.
Dhinaca kale ma awoodi karin Rasuulka in uu Abul-Caas ku sandulleeyo oo uu ku qasbo inuu furo gabadhiisa.

Wakhtigaasna lama sharciyayn Nahyiga (diidmada) guurka gabadha Muslimadda uu guursanayo nin gaal ah.

Mohamed (PBUH) the Natural Successor to Christ

    Waxaa Qoray: Axmed Deedaat
    Waxaa turjumay: Jama Mohamed Farah (Jawali)
    Kirstinharju 8 G 149, 02760 Espoo - Finland
    Tel.358-400-774345
Qaybtii 1aad

Mustafa (Kii La Doortay)
Dadkii la doortay:
Eebe wuxuu doortay rasushiisii iyo dadkiisii. Ma jiri jirin dad loo axsaan falay sida Yuhuudda isla markaana Nebi Muuse (CS) ayaa ka xumaan jiray dadkiisa mucaaradnimadooda ay Eebe mucaarad ku yihiin.

'Eebe ayaad caasi ku ahaydeen ilaa maalintaan idin bartay' Deutronomy 9:24.
Rajadii iyo axdigii ugu dembeeyey ee Nebi Muuse (CS) ee reer binu israa'iil oo kaga caalwaayey nebigoodii adeecsanaanta iyo naxariista lahaa ee lagu qasbay in uu ka cawdo macangagnimadoodii iyo cawaandinimadoodii ay kaga soo horjeedeen hanuunkii Eebe.

'Waayo, caasinimadiina iyo madax adkaantiina waan aqaan. Bal eeg, intaan weli noolahay oo aan maantadan idinla joogo caasiyiin baad ku ahaydeen Rabbiga, haddaba intee baad ka sii darnaan doontaan markaan dhinto dabadeed', Deutr. 31:27.

Allah siday run u tahay, aniga (waa Axmed Deedat e) ma falsafadaynayo doorashada Eebe, laakiin cutubka soo socda ayey ku caddahay cadhadii Eebe iyo cilladihii Yahuud-da, eeg baybalkooda deutr.32:21 ee hoos ku qoran:

'Waxay igu jiideen xaasidnimo oo aan ahayn Eebe, waxay (Yuhuudi) igaga caraysiiyeen isla waynidoodii, Anna (Eebe) waxaan ku jiidayaa xaasidnimo si aysan dad u ahaan, waxaan ku caraysiin cadho oo dawlad nacas ah' Deutr.32:21.     [Waa socotaa..]

BOGGA 7AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 27aad
Kaliila iyo Dimna
Tusaalahanna waxaan kuugu soo sheegay in aad ogaato, in haddii aad wadaygaa dhagarto, aad inta kalena ka dhagri ogtahay, ninna haddii uu nin la jaalo, inta kalena dhagro wadaygiis wuxuu hubaa in aan agtiisa jacayl u aallin.

Wax ka lumi ogna ma jiraan jacayl loo qabo qof aan ballan lahayn, iyo deeq loo sameeyo qof aan abaal lahayn, iyo aqoon loo qaado qof aan aqoon lahayn, maqalkeedana aan doonayn, iyo qarsoodi lagu ergado qof aan qari doonin.

Gobta la socodkeedana barwaaqo ayaa laga dhaxlaa, reera dhib la socodkoodana hoog baa laga dhaxlaa, sida dabayshii oo kale, haddii ay udug soo marto udgoon bay ka soo qaaddaa, haddii ay qurun soo martana qurmoon bay ka soo qaaddaa, hadalkaygiina wuu kugu dheeraaday oo kugu adkaaday.

Kaliila halkaas buu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay, libaaxiina dibigii wuu ka faraxashay, markii uu dilay oo caradii ka degtay buu dilkiisii u fiirsaday, oo yiri; Shitriba naftiisa waa iiga nixiyay, dhug iyo garaad iyo abuuris wanaagsan buuna lahaa.

Garanna maayo, oo waxaa dhici karta in uusan gaf lahayn oo laga been sheegay, kolkaas buu murugooday oo falkii ka dhacay ka tiiraanyoo-day, taasina foolkiisa ayay ka muuqatay, dimnana wuu arkay.

Markaas buu yiri; guul ayaan kuugu hambalyaynaa, haddii eebbehay dilay nacabkaagii ee boqorow maxaa ku muru-geeyay?.
Boqorkii: anigu waxaan u murgaysanahay dhug-tii shitriba, garaadkiisii iyo aqoontiisii.     [Waa socotaa..]

BOGGA 9AAD xayaysiin
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.

Qaybtii 16aad
161.Suldaankaba waxbaa la sii baraa. 162.Saddex lagama kaco. gaajo guri og, gardarro garab og, iyo jirro geeri og. 163.Saddex waa wedkaakoris. dabaal aqoon, orod dheeri, iyo gabbasha aqoon. 164.Safar wuxuu iska xaaro ayuu soo xaartaa. 165.Sagaaroy waxaad igala ordayso ma la bada addin oo dambaa.
166.Saddex waa cawro: Naagtu haday kaa hunguri waynaato waa cawro, Inantu haday kaa fool xumaato waa cawro, Curadku hadduu kaa doqonoobana waa cawro. 167.Sab la lama dego. 168.Soor aanad lahayn lama cuno. 169.Saantii dooraa sari ka haraa. 170.Salal laguma fadhiyo ee sed baa lagu fadhiyaa.

BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS

Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
[Encyclopedia Somalica]

J  O  O  G  S  O

Ma aqrisay Wargayska Somali Sydney Weekly News, waa wargays toddobaadle ah oo soomaali ah kana soo baxa magaalada Sydney, Australia.
Waxaad ka heli kartaa wararka somalida, aqoonta jaadadkeeda kala duwan, diinta, iyo ciyaaraha.
Faahfaahin intaa dheer kala xiriir:
Sadiq A. H. Hashi
8/46 Dartbroot Rd, Aubuen 2144, NSW, Australia
email: sadiq@anccom.com

MA OGTAHAY IN UU JIRO
WARGAYSKA WADAJIR
Waa wargays ka soo baxa magaalada Odense ee dalka Denmark bil kasta, mawaadiicda uu xanbaarsan yahay waa:
Diinta Islaamka, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, Saxaafadda iyo Caalamka, Habnoloeedkii Saxaabada iyo Xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha iyo mawaadiic kaleba.
Wadajir wuxuu soo dhoweynayaa wixii fikrad, tallo, sixid iyo xayeeysiin ah, innagoo gacmo furan kugu soo dhoweyneyna, nagala soo xiriira cinwaanka:
Ibrahim Salah Aden
Paskelokkevej 8 st. tv 5000 Odense C. DK.
e-mail: wadajir98 hotmail.com

JOOGSO - FIIRI - AQRI - SOCO
WARGAYSKA SAHANPRESS
Waa wargays bishiiba mar ka soo baxa magaalada London, wuxuu soo dhawaynayaa afkaarta suubban ee dadwaynaha, wuxuuna lafa guraa arrimaha diinta, siyaasadda, dhaqanka, dhaqaalaha, bulshada iyo guud ahaan xaaladaha qaxootiga soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan.
Wuxuu soo dhawaynayaa guur-doonka, ra'yiga dadweynaha iyo xayaysiintaba. Kala soo xiriir:
E-mail address: Sahanpress@yahoo.com
P.O. Box 22130 Streatham SW16 6WL London, UK.

B  A  A  F  I  N

Waxaa la Baafinayaa Maxamad Muuse Cartan oo loo yaqaan "Qaaje" kana shaqayn jiray Wasaaradda Dalxiiska ee Soomaaliya sanooyinkii 1977 ilaa 1984kii, isagoo xisaabiye ka noqday Hotelka Taleex.
Markii ugu war dambaysay wuxuu joogay dalka Canada magaalada Toronto sanadkii 1985kii.
Fadlan ciddii garanaysa ninkaas la baafinayo warkiisa ha ku soo hagaajiso Jaamac Maxamad Faarax.
Email: farahjama@hotmail.com, ama
Tel.358-400-774345, Finland

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page