|
|
BOGGA 1AAD | ARARTA WARGAYSKA |
|
|
|
QAYBTII 2AAD: Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Malaysia S. waxa jirat in wadankaan madaxdoodu ay u badan yihiin dad aqoon leh, oo halkani waa meel aqoonta iyo garaadka laga tixgeliyo idinka wadankiinana waxaa mudnaanta koowaad la siiyaa qofka wixii uu Aabihii ahaan jiray ama inta uu markaa lacag haysto. hadaba sidee baad isugu keenaysaan labadaas siyaasadood ee kala durugsan? J. taasi waxay ka mid tahay casharada aan ka baranay halkaan. oo waxan baranay sida qof walba looga fisho in uu keeni karo garaad iyo maskax wax anfacda, sidaa darteed aan qofna laga hortagin inta uusan xujadiisa soo bandhigin. S. maadaama ay tiradiinu iskaba yartahay aadnaan rasmina kuwada ahayn dalka maxay taraysaa jaaliyadiina iyo is aruursigiinu? J. waxa badan bay tartaa oo haatan jaaliyadaan dadkii soo aasaasay way ka wada baxeen wadankan laakiin dad kale ayaa ku intifaacay. S. maxaa ka mdi ah rasmi ahaan waxyaalaha aad qabataan? J. waxanu wax ku leenahay golayaasha kulamo ee laga aqoonsan yahay dalka. waxan xiriir la leenahay guud ahaanba daljirayaalka ka jooga waddankaan dalalka aan wax wada wadaaga leenahay sida kuwa Carabta iyo Afrikaanka. Waxan ka qayb galnaa golayaal ama kulamo dhaqan ban dhigeed oo lagu kala qabto meelo kala duwan. waxan wax barasho la doonaa ama usahalnaa Somalida danaynaysaa in ay halkaan wax ka bartaan. waxan ka war qabnaa qof kaste oo halkaan jooga iyo xaaladiisa nololeed oo kuligeenba waxanu nahay qoys qudh ah. Waxaaanu Somalida u qabaanaa kulamo, siiba maalmaha ciidaha, halkaasna waxan ku soo banhignaa barnaamijyo kala duwan oo xiiso leh una faa'iideeya bulshada; waxa ka mid ah; dood cilmiyeedyo, aqoon is weydaarsiyo, kedisyo, warbixino, muxaadaraad diini ah, riwaayado cilmi iyo caqli celin ku dhisan. iwm. Waxan soo dhaweynaa oo kulamo jamaaci ah u samaynaa dadka Somaliyeed ee naga soo booqda dhulalka kale. waxan ku guubaabinaa oo kala shaqaynaa ardayda Somaliyeed ee dalka wax ku barata sidii ay dalkii ugu noqon lahaayeen oo uga qayb geli lahaayeen dhismaha dalka. [Dhamaad] |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD | WARARKA SOOMAALIDA |
|
Laba iyo toban qof oo dablay ku dishay Somalia Muqdisho January 29, 2000, Laba iyo toban qof ayaa la dilay toban kalena waa lagu dhaawacay kadib markii niman dablay ah soo weerareen kolonyo baabuur ah oo gargaar ay wadday hay'adda CARE u sidday bakool. Warku wuxuu intaa ku deray in ay dadka dhintay ka mid ahaayeen 9 qof oo la socotay baabuutaas gargaarka siday, kadib markii gantaal ay ku rideen burcaddu baabuurkii ay la socdeen. Weerarkaasi wuxuu dhacay Jimcihii ina soo dhaaftay, wuxuuna ka dhacay tuulo Buqda Aqable la yiraahdo oo qiyaastii 80km ka jirta galbeedka Magaalada Buulo Burte. Waxaa kale oo la sheegayaa in nimankii dablayda ahaa 3 ka mid ah la dilay, kadib markii ay xabbad isku asqeeyeen muddo nusaac ah, iyaga iyo intii ka hartay colkii kolonyada la socday, halkaas oo la sheegay in burcaddii baqdin jaanta wareen ayaga oo aan wax mood ah dhicin. Weerarkaas in uu dhacay waxaa xaqeejiyay hay'adda CARE, waxaana loo malaynayaa in ay ka dambeeyeen dad ka tirsan qabiilka Gaal Jecelka ee degaanka Buqda Aqable deggan. Waxaa kale oo wararku sheegayaan in degmooyinka Xudur iyo Tayeeglow ay gaajo si xun u waxyeellaysay. Warku wuxuu intaa ku daray in 21 qof macluul ugu dhinteen gobalkaas Bakool toddobaadkii la soo dhaafay, haddana laga cabsi qabo in qaar kale dhintaan haddii aaney helin kaalmo xagga cuntada ah. Somaliland vs Puntland iyo waanwaanta Djibouti January 29, 2000, Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in uu soo saaray go'aamo uu ku caddaynayo in uusan ka qayb qaadan doonin shirar kala duwan oo lagu qaban doono Hargaysa, magaala madaxda Somaliland. Wararku waxay sheegayaan in arrinkaasi ka dambeeyay kadib markii maamulka Somaliland uu soo tarxiilay koox macalimiin ahaa oo loogu tala galay in ay ka qayb qaataan tababar ka ay ka wadeen Hargaysa qolyaha loo yaqaan Centre For British Teachers (CFBT). Arrinkaas ay ku tallaabsatay Somaliland awgiis ayaa Puntland u geeyay in ay go'aan ku gaaraan in aney marnaba ka qayb qaadan kulamada kale ee soo socda ee qorshuhu ahaa in lagu qabto Somaliland oo ay ka mid yihiin mashruuc ay taageereen EC_du oo loogu tala galay kobcinta waxsoosaarka xoolaha. Wararku waxay intaa ku dareen in khilaafkaasi salka ku hayo khilaafka labada qolo horey ugu dhexmaray sheegashada maamulka gobalada Sool iyo Sanaag. Waxaa kale oo laga cabsi qabaa in khilaafka Somaliland iyo Puntland kuftin horleh ku noqdo waanwaanta Djibouti ka socota haddii aanan xiisaddaas si dhaqso leh loo dejin. RRA-da oo ka noqotay go'aan ay horey u soo saartay January 29, 2000, Jabhadda Raxanwaynta ee loo yaqaan RRA-da, ayaa ka noqotay go'aan ay horey uga soo saartay shaqaalaha ay qoranayso hay'adda UN-ka iyo hay'adaha NGO_ga ee ka howlgalaya goballada Bay iyo Bakool. Jabhaddaasi go'aankaas hore waxay hay'adahaas ku amartay in aanay shaqaalayn qof aan u dhalan beelaha Digil iyo Mirifle, oo aanay shaqaalayn dad ka u dhashay qabiilooyinka kale ee soomaalida, hase ahaatee, kadib markii ay arrinkii dib uga fiirsadeen ayaay go'aan kale ku gaareen in ay arrinkaas dib uga noqdaan. Cudurka Daacuunka oo la sheegay in uu Muqdisho ka dillaacay January 29, 2000, Muqdisho, warar aan sugnayn oo laga soo xigtay maamul beeleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in cudurka daacuunku magaalada aad ugu fiday oo ku laayay dad tiradoodu gaarayso 27 qof, 300 oo kalena wax yeeleyay. Arrinkaasi wuxuu keenay in hay'adaha gargaarka dhinaca caafimaadka qaar ka mid ah ay ka furaan magaalada bukaan socod ay ugu tala galeen in ay ku daaweeyaan dadka cudurkaasi wax yeeleeyay, waxaana laga furay bukaan socodkaas Isbitaalka Forlanini, halkaas oo ilaa iyo hadda la sheegayo in lagu daaweeyay 13 qof. Dhaqaaatiirta gargaarku waxay sheegeen in cudurka daacuunku sanad walba ka dillaaco magaalada Muqdisho, laakiin uu sanad kasta ka duwanyahay kii ka horreeyay, marka laga eego fididda iyo qatarta cudurkaas. Waxaa kale oo ay intaa ku dareen in aanay jirin wax caddaynaya warka ay sheegeen maamullada beeleed ee ah in dad gaaraya 300 cudurkaasi wax yeeleeyay 21 kalena u dhinteen. Shir lagu qabtay Boosaaso Boosaaso, Wed, 26 Jan 2000, Siad Abshir, Qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha, Qoraayaasha, shaqaalaha gargaarka iyo wufuud kale oo ka kala socota dhammaan goballada Soomaaliya ayaa ku shiraya magaalada Boosaaso, si ay uga wada xaajoodaan, kaalinta ay ka qaadan karto bulshadu dib u dhisidda aayaha dalka. Kulankan, oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah, wuxuu warcelin u ahaa waanwaantii u dambaysay ee uu madaxwaynaha Djibouti ka soo jeedshay UN-ka September tii la soo dhaafay. Asiga oo aan la mid ahayn, laba iyo tobankii kulan nabadeed ee laysku deyay in lagu dhexdhexaadiyo abaanduulayaasha soomaalida, waanwaanta madaxwayne Geelle waxay ku salaysantahay kaalinta bulshawaynta soomaaliyeed. |
|
BOGGA 3AAD | BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA |
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD | BOGGA QUBANAHA |
|
Toban Guuradii Saxariirta Soomaaliya
Waxaa Qoray: Axmed Xirsi Faarax
P. O. Box 3378, Ras Al Khaimah, U.A.E.
|
Horta, Qof Dagaal ku taliyay Nabad ma dhalin karaa?!
Maxamad M. Caddaawe "Geeddow"
Bernard de Wildostraat 430, 4827 EH Breda Netherlands
E-Mail geddow@hotmail.com. Websites www.goplay.com/Geeddow2 , www.goplay.com/Cadale1
|
| |
BOGGA 5AAD | BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA |
Somalia iyo Kalaguurka Labada Kun!!
Waxaa Qoray: Ibrahim Macallim Mursal
Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen, The Nederlands
Tel/Fax +31 545-476473. E-mail: mursal@gelrevision.nl
Qaniimadda Qarniga!
Booqashadiisii ugu danbaysay Madaxweynaha Djibuuti wuxuu sheegay in
Dowladda Itoobiya ay si ballaaran uga wada hadleen mashruuca nabadaynta
soomaaliyeed iyo arima khuseya dhaqaalaha labada Dal. Ma habboon tahay
inaan isweydiino in lagu gor-gortamayay Somalaliya ka "Qaniimad" ahaan
iyo in kale.
Matalan hagaajinta "ma-raafiqda" dhaqaale ee Djibuuti sida
isticmaalka dekedaha, garoomada iyo gaadiidka amase doorbidka suuqa
"Preferential market", marka loo eego kuwa Soomaaliyeed ee la tartami
kara Djibuuti, sida dekedaha iyo garoomada Barbara iyo Bosaaso.
Waa sababaha loo aaneyo xurgufta Itoobiya iyo Eritrea. Djibuutina in
abaalmarin ku hesho soo xera gelinta geyiga Somalia, iyadoo Soomaalida
Djibuuti u aragto cad iyada ka mid ah oo aysan xasaasiyad ka qabin.
Hoggaanka Djibuutine sidee buu arrinta u arkaa? Sow lagama yaabo in
Djibuuti weli u aragto Somalia khatar inay ku tahay
madaxbanaanidee-da: himiladii Shanta Soomaali, ambase sidaasi looba
tusiyaa.
Maslaxadda Dalka (The National Interest) ayaa wax waliba
mudnaanta ka leh. Waa iska Dhanni "hypothesis". (Waa Shar u toog hay,
khayr waxba kaama dhibee). Waxaase rajaynayaa in aysan arintaasi
rumoobin, maadaama Mashruucan aad loogu han weyn yahay.
Hardanka awood ku dirirka Goboleed doorkee ku leeyahay mashruuca?
Xasil darradii bilowga 90aad ee Geeska Afrika, waxay gobolka ka dhalisay
hardan awood ku dirir ah. Inkastoo Dowladda Itoobiya ay u sharraxnayd
hoggaaminta Gobolka, laakiinse sababo badan awgood aysan ugu
guulaysanin, in xitaa gudaheeda ay dejiso. Taasine waxay dhallisay in
xasil darrada ay sii jiitanto, ciddii fikradahaasi taageeraysina qalbi
jab gelisay. Hub urursi iyo gaashaanbuursi Gobolka ay u horseeday.
[Waa socotaa..]
| |
|
|
|
BOGGA 6AAD | BOGGA HAWEENKA |
Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax International Islamic University Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia Email: qasim55@hotmail.com |
SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
|
BOGGA 7AAD | DIINTA ISLAAMKA |
|
CASHARKA 67AAD WIXII KU SOO AROORAY QOWLKII EEBBE KOR AHAAYEE: [MAYNA WAYNAYN GAALADII EEBBE WAYNAANTIISA DHABTA AH, ISAGOO DHULKU DHAMMAANTIIS KU JIRO XUKUNKIISA MAALINTA QIYAAME SAMOOYINKUNA KU DUUBANYIHIIN MIDIGTIISA EEBBAA KA NASAHAN KANA SARREEYA WAXAY LA WADAAJIYEEN] As-Sumar 67. Ibn Mascuud Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo weriyay in uu yiri:"Caalim Yahuudi ah ayaa Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee u yimid, kolkaas buu yiri: Muxamadow, waxaan aragnay (kutubteenna ku aragnay) in Eebbe uu yeelayo Samooyinka far dusheed, dhulalkana far dusheed, geedahana far dusheed, biyahana far dusheed, ciiddana far dusheed, uunka intiisa kalena far dusheed, oo uu leeyahay: aniga ayaa Boqor ah. Kolkaas buu Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, qoslay intii jariidkiisu ka muuqday, rumayn uu rumaynaayo hadalkii caalimka Yahuudiga ah. Kolkaas buu aqriyay [Mayna waynayn gaaladii Eebbe waynayntiisa dhabta ah, isagoo dhulku dhammaantiis ku jiro xukunkiisa maalinta qiyaame]". Riwaayad uu Muslim leeyahayna (waxaa lagu sheegay)"Buuraha iyo geedahana far dusheed, dabadeedna uu luxayo, oo uu leeyahay: aniga ayaa boqor ah, aniga ayaa Eebbe ah". Riwaayad Bukhaari leeyahayna"Samooyinka uu yeelayo far dusheed, biyaha iyo ciiddana far dusheed, uunka intiisa kalena far dusheed"{Bukhaari iyo Muslim}. Muslimna wuxuu Ibn Cumar ka soo weriyay"Eebbe wuu duubayaa samooyinka maalinta qiyaame, dabadeedna wuxuu ku qabanayaa gacantiisa Midig, dabadeedna wuxuu leeyahay: Anigaa boqor ah, aaway kuwii wax dirqiyi jiray, aaway kuwii isla waynaa?, dabadeedna wuxuu duubayaa toddobada dhul, dabadeedna wuxuu ku qabanayaa Bidixdiisa, dabadeena wuxuu leeyahay: aniga ayaa boqor ah, aaway kuwii wax dirqiyi jiray?, aaway kuwii isla waynaa?". Ibn Cabbaasna waxaa laga soo weriyay:"Toddobada Samo maxay yihiin iyo doddobada dhul kolka sacabka Naxariistaha (Eebbe) ay ku jiraan, wax kale ma ahee waa sidi laftimireed ku jirta gacanta mid idinka mid ah". [Waa socotaa..] |
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 43aad
Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
|
BOGGA 9AAD |
|
1. Nin iyo naagtii colna maaha nabadna maaha. 2. Nin gunti xumi in uu wax qarsanayaa la moodaa. 3. Nin aan baqtinini ma baxnaanin. 4. Ninka aad wax ku qarsanlahayd wax lagama qarsado. 5. Nin aan weedh sugini waran ma sugo. | 6. Nin aan hadlin hooyadiina wax ma siiso. 7. Nin bukow boqoli kuu talisay. 8. Ninkii bar ku roon ayaa beerna ku roon. 9. Nin adduunya joogow maxaa aragti kuu laaban, aakhira nin tegayow maxaa lagu ogaysiiyay. 10. Naagaha tan ugu wadda dheer iyo waagaa isku kaw ah. |
BOGGA 9AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|