Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal
Aqarso B. Martida
Taariikh: 7.3.1999
Saxiix B. Martida
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
[Hadal nin si u dheh, ninna si u qaaday!]
Labagarre: Gob, Hodon, Qoray iyo Qalin muxuu ula jeedaa?
Maxamad Maxamuud Caddaawe
Bernard de Wildestraat 430, 4827 EH Breda, Nederland
E-Mail geeddow@casema.net
Waxaan rabaa inaan wax ka dhaho warbixintii geeska Afrika oo Xirsiyow aad adigu qortay jawaab celintii ka timid Cabdullaahi Xirsi Cartan.

Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa ninba tabartiisaa qodaxdu ku taktaa, waxaan rabaa inaan anigana bal iskudayo in akhristayaasha wargeyska u soo bandhigo sida ey iila muuqato warbixintaas.

Gobta Soomaalidu waa maxay?
Markii ow Xirsi ka waramaayay gob waxaan anigu u qaatay inow ulajeeday qoys reer boqor ah sidii kuwii reer Itoobia, kaas oo aan Soomaalia weligeed soo marin sida igu maqalka ah.

Waxaanse la inkiri karin iney, Soomaalia jireen dad ama qoysas ey qabiiladu caleema saaran jireen si ey dhaqan ahaan isu xukumaan xiriirna ula yeeshaan qabiilada kale hadii ey wax iskagalaan.

Dadkaas lacaleema saarto, waxey bulshada dhexdeeda ku lahaajireen xushma gaar ah, degaan walbana magaca ow doono ow siin jiray.

Hodonnimada Soomaalida
Hodannimada ow Xirsi sheegay waxey ila tahay in loolajeeday dad maal farabadan leh oo maalkooda lagu dhiririkaro waxsoosaarka heer qaran iyo heer caalamiba, hase ahaatee garashadeyda kuwaasu kama jirin wadankeena.

Maxaa u dhexeeya ladnaanta iyo hodonnimada?
Qoysaska aad Cabdullaahiyow warcelintaadi ku magacaawday aragtideyda laguma tilmaami karo hodan, waxeysa ahaayeen iyaga iyo kuwo kaleba qoysas ladan, markii loofiirsho bulshada inteeda kale.

Waxaan wada ogsoonahay in saldhigga dhaqaalaha Soomaalia ow yahay xoolaha nool bulshada Soomaaliduna ey u badantahay xoolodhaqato, qoysaska ugu xoolaha badan oo lagayaabo iney leeyihiin xoogaa tiro ah oo geela ama lo' ah amaba iri ah, ayey Soomaalidu u taqaan hodan, hase ahaate aan aragtideyda lagutilmaami karin hodan.

Arrinta Qalinka iyo Qorayga
Arrinta ku saabsan haddii qoreyga lagaaga badshay yaan qalinka lagaaga badin, waxaan anigu u qaatay sida soosocoto:
Midda qoraga waa nalooga wada badiyay oo waan ognahay, hase ahaatee tan qalinka yaan lagaaga badin.

Wexey ujeedadeedu tahay inowna qaliku u shaqyn qabiil ee ow u shaqeeyo qarannimo, taas oo ujeedadeedu tahay in qalinka dadka aqoonta leh gacantooda ku jira, ey u isticmaalaan ku hanuuninta bulshaweyta Soomaaliyeed sidii ey u midoobilahaayeen qarannimadoodii dhimatayna ku soo ceshalahaayeen loona diyaariyo habkii ay isaga kor qaadilahaayeen masiibada ku habsatay oo uu u horeeyaan qabiilka iyo kuwa ku hogaamiyo.

Waxaan ugu dambeystii ka codsahaa qof kasta oo qoraalkeyga akhriya, in uusan u qaadan inaan qof daafacaayo, intakalana aan lid ku ahay, hase ahaatee, ow u qaato, inaan kasmadeyda ka waramay oo kali ah. Mahadsanidiin
BOGGA 2AAD
WARARKA SOOMAALIDA
Faallada Warka
Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre
Mai
Xuquuqda Soomaalida iyo Mataataca Madaxwayne Moi!
Nairobi, Kenya March 2, 1999 (PANA) Nin Soomaali ah oo la sheegay in uu ka tirsanyahay jamaacada al-Itixaad al-Islaami ayaa la sheegayaa in ay xireen booliiska Kenya.
Ninkaas waxaa lagu soo eedeeyay in uu askar u qorayay
dhallinyarada keenyaatiga ah si ay uga qayb qaataan howlaha jamaacadaas.
Waxaa ciidanka nabadsugiddu sheegay in ninkaasi indooraba ku howlanaa sidii uu u qori lahaa askar u daacad ah jamaacadaas al-Itixaad al-Islaami ee xooggeedu degganyahay gobalka Gedo.

Waxaa kale oo ay intaa ku dareen in ay ninkaas xaqeejin la yeelan doonaan oo ay baarayaan arrintiisa, ayna ku howl geli doonaan wixii ogaal ah ee ninkaas warkiisa ay ka dhugsadaan.

Waxaase wararku sheegayaan in xiritaanka ninkaas uu dhacay kadib markii madax waynaha Kenya Moi uu ku dhawaaqay in la adkeeyo nabadgelyada gegida diyaaradaha waddanka.

Waxaase la yaableh in ciidanka Kenya iyo madaxdiisa intuba ay si indha la'aan ah ugu dhaqaaqaan falal la yaab leh mar alla iyo markii madaxwayne Moi hadal yiraahdo.

Dhowr bilood waqti aan laga joogin ayaa Moi wuxuu sheegay in qaxootiga soomaalida loo rarayo xudduudka soomaaliya dhexdiisa oo laga rarayo dhulka Kenya, wuxuuna sabab uga dhigay arrintaas in qaxootigaasi uu qatar ku yahay nabadgelyada dalka Kenya.

Taasina waxay keentay in qaxootigii soomaaliyeed ee Kenya degganaa siiba magaalada Mambasa loo celiyo soomaaliya wax yar mooyee.
Taas waxaa soo xigtay arrinta xabbisidda ninkaa Itixaadka ah oo lagu eedeynayo in uu nabadgelyada qatar ku yahay.

Marka ma lagayaabaa in madaxwayne Moi iyo Kenyatiga intooda kaleba ay madax falluuq ka qaadeen qaraxii ka dhacay Caasimadda Kenya dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay ee loola dan lahaa safaaradda maraykanka?

Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in dowladda Kenya ku xedgudbayso xuquuqda soomaalida maatada ah ee aan dowlad difaacda lahayn, waxaana soomaalida la gudboon in ay iska qabtaan falalka xunxun ee Kenya kula kecayso soomaalida.

Somaliya maanta way dhibaataysantahay lakiin taas ujeeddadeedu ma aha in ay Kenya wax wayn u gaysan karto dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulkeeda, haddii ay dadkaasi runtii yihiin dad doonaya in ay xuquuqdooda daafacdaan.

Ina Caydiid oo hub cusub la soo degay
Addis Ababa March 5, 1999 (PANA) Waxaa la sheegayaa in toddobaadkii la soo dhaafay ay hub ku dejisay doon aan magaceeda la sheegin xeebaha magaalada Marka, hubkaas oo uu lahaa Xuseen Caydiid.
xuseen caydiid
Rag dibulumaasi ah iyo kuwo siyaasiyiin ah ayaa sidaa u sheegay IRIN, in qalabkaas ay ka mid ahaayeen baabuurta ciidamada qaadda "jaadadka BRDM iyo baabuurta Ferret".

Waxaa kale oo wargayska xogogaal BBCdu ka soo xigatay in 200 oo askarta Caydiid ka mid ah lagu tababari doono Eritrea, taas oo ah astaantii ugu horreysay ee tusaysa in dagaalka Ethiopia iyo Eritrea uu dersaanka Geeska Africa ku fiday.

Somalida Kenya joogta oo gadoodday
Nairobi March 5, 1999 (PANA) Boqollaal soomaali ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Nairobi ayaga oo ku bannaan baxaya dilkii uu booliisku dilay habeenkii sabtida nin soomaali ah.

Dadkaa bannaan baxayey oo siday maydkii wiil 23 jir ah oo la yiraahdo Ibraahim Kuulow Xuseen, waxay ku sharatameen in saraakiishii wiilkaa toogatay 48 saacadood gudahood lagu soo xiro. Waxaa kale oo toogashadaas lagu dhaawacay Yarow Hilow Cabdi oo isbitaalka Kenyatta la dhigay.

Dilkaasi wuxuu ka dhacay habeenkii sabtida 9.30 xaafadda Korogocho, waxaana la sheegay in wiilka la dilay uu ahaa nin booqasho uga yimid mandera. Waxaa falkaas cabmaareeyay madax uu ka mid yahay Xildhibaanka Mandera Mr. Ahmed Mohamed Noor iyo qaar kale, Axmad oo ah wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta wuxuu sheegay in uu la yaabay in aan cidna dilkaas loo xirin, ayada oo la garanayo saraakiishii wiilashaa toogatay.

Wararku waxay intaa ku dareen in wiilashaa la toogtay kadib markii ay is qabsadeen niman dharcadda reer Keenya ah, dabadeedna ay midna gacan ka toogteen midna lug ka toogteen kadibna baabuur ku xireen.

Bannaan baxyada waxaa ka qayb galay dad badan oo ay horjoogeen madaxa xaafadda Korogocho Kanu Xuseen Adan iyo madaxa Ford-Kenya qaybta Mandera Xaaji Baricha.

Warqad ashtako ah oo loo gudbiyay Madaxwaynaha dalka kenya oo loogu dhiibay Agaasime Samuel Chang'ole, wuxuu warqaddaas ku yiri ninka u hadlay muslimiinta xaafadda Korogocho: Waxaan tafaha u xaydannay in aan xaqeenna u dirirno.

Dadkaa bannaan baxayey waxay istaageen Xafiiska Madaxwaynaha hortiisa iyo Xafiiska Taliska Ciidanka Booliiska.

Madax Sheydaan
Waxaa Qoray:
Ibrahim Moallim Mursal
Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
Tele/Fax +31 -545 -476 -473
Soomaali iyo qabiil maxaa kala haysta?!
Aaway Kursigii?
Somaali waxay u dhammayd in taliskii dalka ka jiray ay iska riddo. Talis ma aha qofka xukunka hoggaanka u hayo, ee waa intii taliskaasi majaraha u haysay, tala ahaan iyo ka manfacaysi intaba.

Shakhsiyaadkaasine qabiil keliye ma ahayne cid kastaa ku jirtay. Dagaalkaasi lagu qaadayne Soomaali way u dhammayd, ujeeddadiisane waxay ahayd in inta taliska ku jirtay xukunka lagala wareego.

Nidaamka la dhibsaday oo la beddelo, shakhsigii dambiile ah ee Ummadda dhibaato gaar ah u gaystayne laga abbalmariyo.

Waxaa la yiri marka uu markabku shiidi rabo, dooliigaa ka hor booda. Dooligane waa kan bakhaarada raashinka ka laaya oo inta markabka saaran ka nafaqa badsada, dhibaatadana kaga feejigan.

Sidaas awgeed intii la doonayay in taliska lagala wareego, illeen waa dakana qabayaale, ayaa qabiilka ammaan bidday oo jabhadihii qabiil u kala jebiyay, si ay uga gaashaantaan in berrito maxkamad la soo taago.

Halkaas ayaa xeero iyo fandhaal ku kala dhaceey. Dad hubaysan iyo cadaw aan jirin layskula soo baxay. Isweydiintuna noqotay; Aaway kursigii? Lana waayay meel loo doono.

Arintaasine waxay i soo xusuusiyay heestii abwaan Axmad Shariif oo ahayd: ...Kan miyaa? ..Kaas miyaa? ...Kee waayee ...Kursigaa?

Laysma oran tani ma aha bartilmaameedkii aynu higsanayniy ee maxaa inala gudboon? Sidaasi ayuu taliskii ku burburay uu ku garba (institutions) beelay.

Ha ahaado “institution” nabadgeliyo, difaac, dhaqaale, dastuuri, xukuumi, bulsho; sidaas oo kale kaabayaasha dhaqaale iyo wixii la mid ahaa Arinta fowdo (anarchic) ayay isku baddeshay.

Institution la tilmaami karo waxaa ka soo haray kii dabiiciga ahaa (qabiilka) oo ay noqotay meesha keliya oo ay talada ka go’do (Decision-making instrument).

Sida la ogyahay qabiilka marna uma habaysnayn go’aanno iyo qorshooyin mustaqbali ah inuu gaaro, maxaa yeelay ma lahayn xafiisyada iyo xeeldheerayaal hawlahaasi xirfad ahaan u habaysan.

Qabiil wuxuu qaban jiray dhexdhexaadinta dhibaatooyinka noolol maalmeedka bulshada ee uma habaysnayn qabiilka talo qaran inuu maareeyo.    [Waa socotaa...]  
BOGGA 3AAD la xiriir Xaji Yusuf Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Swedeen oo gacanta ku dhigtay nin ka
ganacsanjiray jirka carruurta

Ikraam Naasir
Gothenburg Sweden
Waana arrintii ugu yaabka badneyd ee soomartay taariiqda Sweden.
Gothenburg 7.3.99, Nin 22 jir ah oo degen goboladda dhexe ee dalkan gaar ahaan, magaaladda "Örebro" ayaa waxaa ku cadaatay inuu qabsaday carruur yaryar qaarkoodnah uu garaacay kuwa kalena sasabtay isagoo doonayey inuu sawiro ka qaado si uu ugu gudbiyo Interntka.

Waxaa kale oo la ogaaday in ay jiraan rag uu gacan saar la leeyahay oo badan oo ka ganacsada jirka carruurta iyaga oo kala jooga meelo kaladuwan oo caalamka ka mid ah, siiba qaradan yurub.

Carruurta la qabsaday ayaa waxa ay joogeen meel lagu hayo ee xanaaneeyda carruurta yar ee afka Iswidhishka lagu yiraagdo "Daghem" xanaanadda carruurta, ilmaha ninkaasi waxyeeleeyey ayaa lagu so waramayaa iney da'doodu tahay 11 canug oo 3 jir uu ugu yaryahay.

Poliska Sweden intii ay baaritaanka hayeen waxa ay gacanta ku dhigeen wax ay layaabeen oo ah wax qof biniaadam ah oo damiir leh sameynkarin, taas oo ah markii ay arkeen in kabadan 10,000 oo sawira ha, 10 kale oo aladaha yaryar ee waxlugu keydiyo siiba kuwa kumbiyuuterka, dhowr cajal oo ah kuwa loo yaqaano CD-ga ah iyo 3335 cajal oo video ha.

Ninkan ayaa wuxuu ahaa baa laleeyahay nin kuxeel dheer labo arimood, waa tan horee inuu ku wanaagsanaa isticmaalka kumbiyuuterka prograamyaddisa kale duwadan, tan xiggta waa in uu xariif ku ahaa habka loo soo jiito dadaka, siiba ilmaha iyo dhalinyarada soo hanaqaadaya amaba soo korayo.

Waxaa kale oo Polisku sheegay in intii ay baaristu socotay ey heleen 3 homepage oo ninkaasi lahaa, kuwaasoo ahaa kuwii uu caalamka kula xirri jiray siiba kuwa ay wada shaqeyntu ka dhaxeyso.

Warku wuxuu intaa ku darayaa, in uu inkaasi lahaa program qaas ah oo awood badan, kaas oo loo yaqaano "Databas & BBS, databaskan ayaa waxey tahay mid gebi ahaan kaduwan Internetka taas oo dadka isticmaala kumbiyuuterka uu si toos ah u wici karo kumbiyuuterka kale ee ku rakiban programka databaska.

Nin u hadlay poliska waxa uu sheegay in aaney aaladan casriga ah uu ninkaasi isticmaalayey marnaba ogadarin, maxaa wacay buu yiri waxa uu noo fududeeyey inaan helno intii qof ee ninkaasi lasoo xirritey.

Sharci baa loo siiyay in uu kaamirad duubo
Dhinaca kale warar ka imaanaya xafiiska danbi baarista ayaa waxa uu sheegayaa inuu ninkan sharci loo siiyey inuu kamirad la soo galo gudaha xanaanada carrurta, taasi waxay dhacday kadib markii la doonay in lasameeyo film caadi ah oo carrurtaasí wax kajisho.

Filimkaas oo la magac baxay "En vanlig dag på dagis" taas oo macnaheedu tahay "Maalin caadi ah ee xanaanadda", sidaas awgeedna wax dhibaato ah uma'aysan arag shaqaalaha xanaanadaasi in ninkaasi kamirad lasoogalo gudaha, sidaasna waxaa qoray wargeyska maalin laha ah ee "Dagens Nyheter".

Sharciga ay ninkaasi siiyeen shaqalaha xanaanda ayaa waxey suura gal weyn u siisay inuu danahiisa kale uu meesha ka lahaa raacdo isaga oo markaas adegsanayey ama isticmaalayey kaamiradii uu watay.

Waxaaba kasiidaran markii uu iskurakibtay kaamiradiisii iyo kumbiyuuterkii yiilay xanaanada sidaas waxaa carabka ku dhiftay Lena Johansson oo ah madaxa shaqaalaha xanaanadaas waxyeeladu soo gaartay.

Ilaa iyo hada polisku waxey wadaan baaritaan aad u balaaran ee ku saabsan fadeexadan foosha xun ee dhacday iyo sidii lugu soo afjari lahaa ninkan arintiisa, walow aanu ninkan kaligiis aheyn ee kuwa kale oo caawiyayaashisa ah jiraan.

Qaarkood waa laqabtay oo waxay jiifaan xabsiga, inkastoo xabsiga Sweden aanu aheyn mid sidaa loogu siiraago, walwal iyo walaac xoog leh bey polisku ka qabaan natiijada ka soo bixi doonto sheekadan yaabka leh.

Maxay tahay ciqaabta u taalla dadka dambigan ku kaca?
Waxaa isweydiin mudan su'aashaa ah talow maxey dowlada Sweden ku sameyn doontaa ninkan iyo kuwa kale ee ku kaca falkaas foosha xun?

Haddii aan kajawaabo su'aahsan, waxa aanleeyahay Sweden malaha sharci ay ku ciqaabto dadka noocaas ah, maxaa yeelay ninkii nin dilaa waxaa maraka qaar lugu xukumaa 5 sanno ama ugu badnaan 9 iwm.

Marka waxaan oronkarnaa, meesha majiro ciqaab culus oo uu qofku ku waano qaato si aan mar danbe ugu laaban dambikale, inkastoo Sweden oo kaliyah aysan qabin cudurkan balse ay jiraan wadamo badan oo saas ciqaabtoodu tahay reer galbeedba ha ubadnaadeene.

BOGGA 4AAD la xiriir Sadiq Hashi
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah?
    Waxaa Qoray:   Ibrahim Moallim Mursal
    Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tele/Fax +31 -545 -476 -473
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]

Khadka Cagaaran ee Muqdishu!
Runtii gumaystuhuu wuxuu u arkay tabta iyo xeeladda uu u adeegsaday, kala furfuritaanka Jamhuuriyadda Soomaliyeed in ay tahay mid meelmar ah "effective" oo Soomaliya laba qaybood u kala jebisay.

Tabtaas oo ah in laba nidaam Gharbi (Western). "Illeen nidaam aan kan Gharbiga ahayn iskuma aminayaane!" ee kala duwan in lagu dhaqo.

Isticmaalka tajribadaasi oo lagu guulaystay waxa loo adeegsaday kala sii jar jaridda Somalia. Tusaale ahaan aan u soo qaadanno Muqdisho iyo "Khadka Cagaaran" .

Ciidamadii kumaankunka dhaafay (guud ahaan ilaa 28kun) iyo hubkii casriga ahaa ee ay xambaarsanayeen, kuma aysan guulaysan "Khadka Cagaaran" ee Xamar labada u kala qaybiyay, awoodna uma helin inay tirtiraan oo Muqdisho ay mideeyaan.

Inkasta oo taasi aysan ahayn ujeedada loo keenay, balse waxay ahayd in ay adkeyaan. "Khadka Cagaaran" iyaga ayaa aliftay, labada dhinac Xamar isku haysatay kala xaajooday "Deal".

Shuruudaha xabbad joojinta ayaa asaas looga dhigay. Isla stratijiyadii hore ayaa la isticmaalay oo waxaa la yiri Dhinaca Koonfureed ee Muqdisho ha lagu maamulo nidaamka Ameerikaanka kan waqooyina nidaamka Talyaaniga, si bulshada dhexdeeda loogu abuuro qaab nololeed kala duwan oo marna isku iman karaynin.

Qaab dhaqan bulsho-dhaqaale (Socio-economic) oo kala duwan, fikrad ahaan, ganacsi ahaan, maaliyad ahaan iyo biroqradhiyd ahaan "bureaucracy". Sidaas oo kale gobollada intooda kale lagu dabbaqo.

Gobollada Jubbada hoose in lagu maamulo nidaamka Beljumka, kuwa Hiiraan, Jubbada Sare nidaamka Jarmalka iwm. Tajribadii jaangooyadaasi laga dhaxlay maanta ayaan gacanta ku haynaa. Jubbaland, Shabelleland, iwm. Yaa dhalay?    [Waa socotaa...]  
Qabiilku ma kitaab muqadas ah baa?
Kaabba qabiilkuse ma kacbo loo tukadaa?!
Hersi M. Labagarre
Qabiilku ma muqadas baa?!
Mustaqbalka qabiilka soomaalidu waa mustaqbalka soomaalida lafteeda, sida uu isu bedelo mustaqbalkeedu ayaa qabiilku isu bedelayaa.

Hase yeeshee, waxaad mooddaa in soomaalida qaar ka mid ah ay qabiilka u haystaan sidi wax muqadas ah oo lama taabtaan ah sida kitaabka "quraanka".

Taas waxaa kuu caddaynaya, in haddii nin qoraa ah uu wax ka qoro qabiilka, isla markiiba sida uu jariima falay nacalad iyo aflagaaddo loo soo jeedinayo.

Aqristayaasha wargayskan badankooda waxaad mooddaa in ay isku raacsanyihiin, in aan marnaba qabiil la soo hadal qaadin, sida ay hadda ka hor qaarkood igula talsheen.

Qaar waxay dheheen, nacayb ayuu dhalinayaa, qaarna wax sabab ah ma sheegin, waxayse ku adkeysteen in qabiilka aan wax laga qorin.

Mustaqbalka Qabiilka
Soomaali dhowr boqol oo sano ayay qabiil daba socotay, waxaanse u malaynayaa markan in qabiilkii gabaabsi joogo, taas waxaan u daliishanayaa carruurtayda, oo aan arkay in aaney marnaba wax qiima ah siinayn qabiilka.

Bal aqristow, haddii aad tahay nin sidayda oo kale carruuri qurbaha ugu dhalatay, waydii carruurtaada qabiilka ay yihiin, waxaa kale ee aad u kuur gashaa, dareenka carruurtaada marka ay soomaaliya kaala soo hadasho qof qaraabadaada ah ama waalid kuu ah.

Anigu waxaan arkay in aaney carruurta qurbaha ku dhalatay ama ku koray aaney uga damqaneyn dadka qaraabada ah ee soomaaliya jira sida aan anigu uga damqanayo.

Taas waxaan u fahmay in haddii aan dhinto, uu go'ayo ama uu aad u yaraanayo xiriirka carruurtayda qurbaha ku dhashay iyo qaraabada kale ee soomaaliya joogta, taasina waa astaan ka mid ah astaamaha dabargo'idda qabyaaladda.

Naziga Jarmalka iyo Qabyaaladda Soomaalida
Culumada ka baaraan dega Naasiga Jarmalka ayaa waxay dhahaan dareenka Naasiga wuxuu ku dambeeyaa dadka da'doodu wayntahay, ee lagu qiyaasay 60 sano iyo wixii ka wayn.

Dadka da'doodu yartahay ee maanta jooga, waxaa culumadaasi sheegeen in aaney dareemeyn Naasiga laakiin ay garanayaan taariikhdiisa.

Sidoo kale, dhallinyarada soomaaliyeed ee maanta joogta ee dibadda ku koray, ee da'doodu ku simantahay 30 sano, way garanayaan qabyaaladda laakiin u dareemi maayaan sida uu u dareemayo ninka 60 jirka ah.

Sidoo kale dadka yaryar ee ku dhashay qurbaha u dareemi mayaan qabyaaladda sida uu u dareemayo midka 30 jirka ah ee soomaaliya ku dhashay.

Taas waxaan ka fahmayaa in jiilka soo socda ee soomaalida ah ee dhammaantood ku dhashay qurbaha ay noqon doonaan dad aan halna qiimayn qabyaaladda.

Waxtarka Jiilka Cusub ee Soomaalida
Su'aal ayaa laga yaabaa in qofi la soo boodo, oo yiraahdo, Labagarrow, maxaa ka micne ah, haddii jiilka qurbaha ku dhashay uu qabyaaladda illoobo, taas maxay soomaaliya ka beddelaysaa?

Waxaan leeyahay, jiilka qurbaha ku dhashay waa jiilka berrito soomaaliya gacanta ku qaban doona, taasna waxaa u daliil ah, dhacdooyinka Africa soo maray ee ay ka mid yihiin doorka uu ka ciyaaray Maraykanka madow dib u gumaysiga qaaradda Africa, iyo doorka ay ka cayaarayaan siyaasadda Israa'iil yahuuddii yurub iyo ameerika ku dhalatay.

Waxaa kale oo taas ku tusaya, in carruurta maanta ku dhalanaysa dibadda ay xambaari doonaan figradaha dowladihii ay ku dhex dhasheen, oo qolo kasta u adeegi doonto maslaxadda dalkii ay ku dhalatay.

Taasi waxay keeneysaa in loollan ka dhexdhasho, carruurta maanta qurbaha ku dhalatay iyo kuwa dalkii ku dhashay, laakiin loollankaasi mid caddaalad ah ma aha, maxaa wacay, carruurta soomaaliya ku dhalatay ma aha dad u xaydan kara fadallootanka siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamiga ah ee laga yaabo in ay ku salaysnaadaan teknolojiyadda casriga ah.

Dharaandhirinta Lafaha Qabiilka Soomaalida!
Sanadkii 1980kii ayaa guddi macallimiin ah oo aan ku jiray loo xil saaray in ay imtixaankii fasalka siddeedaad ka soo qaadaan dugsi dhexe oo ku yaalla degmada Badhan oo ka tirsan gobalkaasi Sanaag.

Markii aan imtixaankii soo dhamaynay ayaan soo raacay baabuur "Land Rover" ah oo u socday Ceerigaabo oo ay wateen niman xildhibaanno ah.

Meel dhexe mar aan maraynay ayaan soo marnay qabri meel ku yaalla oo la caabudayo, ninkii qabriga qaadunka ka ahaa ayaa kolkii uu arkay baabuurtii aan la soconnay gacanta inoo haatiyay, si aan qabriga ugu dawaafno toddoba jeer, kolkii aan dawaafkii dhammaynay ayaan soo degnay, markaas baan masaajid uu qabrigu ku dhex yiil galnay, misana mar labaad ayaa wadaadkii ina dawaafshay toddoba jeer oo qabrigii baan ku wereegnay.

Kaabaqabiilku ma kacbo loo tukadaa?
Ragga baabuurta watay waxay ahaayeen xildhibaanno, aniguna ku derejo ma ahayn oo ma waraysan karin, hadalna meesha iigama bannaaneyn, laakiin arrinta la falayey aad bay iila foolxumayd.

Nin weriye ahaa oo la socday xildhibaannada oo "Xagar" la oranjiray ayaan afka u dhaweeyey, markaas baan ku iri; walaalow meeshan cajaaibka lehi maxay tahay?

Wuxuu ku jawaabay: Waa qabrigii odaygii "daarood" iyo masaajidkiisii. Waxaa kale ee uu intaa ii raacshay; daaroodka oo dhan baa halkan u soo xajiya! sanad kasta!

Markaas baan intaan qoslay iri: Haddii lay ogolaado, intaan qodo qabrigiisa ayaan lafihiisa soo bixin lahaa oo dharaandhirin lahaa, si aan u hubiyo in uu wax dhalay iyo in kale!
Nin kale oo baabuurka saarraa ayaa warkaygii maqlay, markaas buu yiri; naga aamusa yanan odayaasha inala socdaa idin maqline!

Wali anigu sidii baan u aamusanahay, laakiin maalin maalmaha ka mid ah ayaan rejaynayaa in ay dhacdo, in la qodo qabuuradii odayaashii daarood iyo hawiye iyo kuwa kaleba, oo lafahooda inta la soo saaro la dharaandhirsho "waaba haddii ay jiraan", si loo hubiyo in ay wax dhaleen iyo in kale.

Yaa howshaas qaban doona
Jiilka qurbaha ku dhashay ayaa howshaas qabanaya, shakina iigama jiro aniga in jiilkaas oo ay carruurtaydu ka mid yihiin ay sidaas yeelayaan. Maxaa yeelay adduunka wax kasta ama ha xumaadeen ama ha samaadeene waa laga baaraan degaa, siiba haddii ay dhibaato geystaan, si salkooda loo gaaro, oo runtooda loo ogaado, soomaaliduna horey bay u tiri: haddii aan runta la sheegin wax ka xun baa la sheegaa, waa beene.

Qabiilka soomaaliduna dhibaato ayuu gestay, kolka mar haddii aanan qabiil la soo qaban karin si wax loo su'aalo, waa in la raadraaco kaaba qabiillada iyo odayaasha lagu abtirsado, oo qaarkii dhintay lafahoodii la soo baxshaa oo la dharaandhirsho, lana hubiyo in ay jireen iyo in kale, iyo in ay wax dhaleen iyo in kale iyo wixii ay dhaleen intii ay la ekaayeen! iyo cidda ay yihiin iyo meesha ay ku dambeeyeen iwm.

Aqoondarrada belo kama horreyso
Carabta ayaa qabyaaladda horteen faraha uga soo gubatay, laakiin waxay ka guulaysteen, kadib markii la qoray oo la xisaabay inta qabiil ee carabi ka tirsanto iyo dadka qabiilladaas sheegta.

Taasina waxay illimada u xirtay benlow iyo dhagarrow hadalkiis, kolka annaguna aan sidaa yeelno oo bal ogaanno xaqeeqada qabiilooyinka soomaalida, taariikhdooda iyo meeshii ay ka soo billowdeen.
MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
Qasim's photo
Qasim Hersi
Jawaabo runta lagu taabtay
Intaas ka dib saaxiibkeygii aan qaraaba hoosaadkana ahayn waxaan isla galnay in aanu isla xisaabino waxa aan ka ognahay miisaaniyadda dawladda, taas oo uu isagu iigaga xog ogaalsanaa, maadaama uu ahaa mas'uul sare oo haya sirta dawladda.

Waxaanan falanqayn ka dib is tusinay nolosha Tujaarta sare ee Hawiye, tan madaxda sre ee Hawiye, Daaraha Muqdisho ee ay dhawaan ragga Hawiyaha ihi ku dhisteen sida aan la caddayn karin iwm, waxaanan la barbar dhignay nolosha dhawr qabiil oo kale. Sidaa darteed waxa uu saaxiibkey hadalkiisii ku soo afjaray:

J. Dhab ahaantii wax naga maqan oo nolol iyo xornimo ihi ma jiraan, waxaase nala kala daba hari waayey Hawiye wax ma xukumi karo, iyo kelmado kale oo wada yasitaan ah ayna caadaysteen reeraha xukunka hayaa. Sidaa darteed waa in aan kelmaddaas reebnaa oo is xoraynaa annaga oo Daarood tabartooda tusinayna.

Intaas ka dib waxa aan waraysi kale la yeeshay oday aan u arkayey in uu ka mid yahay kuwa ugu waaya aragsan uguna aqoonta roon odayaasha Daaroodka, waxaanan weydiiyey:     [Waa socotaa...]

CAAFIMAADKA BULSHADDA
Astaamaha Cudurada, Gaar ahaan cudurada caruurta
Waxaa Qoray:
Jama Mohamed Farah (Jawali)
[Espoo, Finland]
Madax Xanuunka
Cunto xumada
Caruurtu had iyo jeer waxay jecelyihiin in ay wax cunaan, laakiinse haddii la arko ilmihii oo cuntada diidaya waxaa suurtagal ah in uu jirran yahay. Cunto xumada ku dhacda ilmaha waa calaamadaha ugu horeeya ee caddeynaya in jirro jirto. Hase yeeshee dhakhtarka ayaa baadhis ku samaynaya oo garan kara.

Lalabada iyo matagga
Wiilasha iyo gabdhaha in yar bay jirro dareemaan xagga calooshooda oo ay matagaan. Lalabada iyo mataggu waa xanuuno badan ama jirrooyin badan calaamaddood. Waxaase xaqiiq ah haddii ilmuhu cuno cunto saa'id ah ama cunto uusan cuni jirin waxaa ku dhaca xanuun.

San xidhanka iyo indho hurgunka
Xanuuno dhawr ah ayaa ku bilowda san xidhan iyo indho hurgun. Xanuunada kala ah jadeecada, busbuska iwm. waxay ku bilawdaan san shuban iyo indho ilmayn, waxaase kale oo sidaas ku bilowda hargabka ama durayga.

Hase yeeshee saddex cudur oo kala ah measles (jadeeco), scarlet fever iyo mumps oo waxa sababaa kala duwan yihiin ayaa isku astaamo ah taas oo ah san shuban iyo indho ilmayn.
BOGGA 5AAD la xiriir Ibraahim Salah
BOGGA HAWEENKA
Haweenka Soomaaliya oo xusay dadkii dagaallada lagu laayay
Mogadishu March 8, 1999 (PANA) Haweenka ku nool koofurta soomaaliya waxaad moodda in kulaylkii dagaalku soo karay, oo ay hadda doonayaan in ay nabad raadinta dhinacooda ka qaataan.

Maqaal arrintan ku saabsan ayaa waxaa ka soo qoray somalia ninka uga soo hadla soomaliya Wakaaladda wararka (AANA) Frederick Nzwili , hase ahaatee waxaad moodda in uu isku deyayo muujinta dhibaatooyinka iyo dulmiga haweenka ka soo gaaray dagaalladaas.

Markii aan maqaalkiisii oo runtii aad u dheeraa aqriyay ayaan doonay in aan faahfaahintan gaaban ka qoro, taas oo aan doonayo in aan carrabka ku dhufto dhowr arrimood oo lagama maarmaan ah loona baahanyahay in laga hadlo marka wax laga qorayo xuquuqda haweenka soomaalida.

Haweenka Soomaalidu Ma sidi haweenka reer galbeedkaa?
Marka ay weriyayaashu wax ka qorayaan haweenka soomaaliya, waxaad moodda in ay ka sheekaynayaan haweenka reer galbeedka, waxayna iska dhegatiraan ama ayba ka jaahil yihiin in haweenka soomaaliyeed ay ka mid yihiin ummadda soomaaliyeed ee dhammaanteed u istaagtay in ay dagaal joogto ah u jilba jabsato.

Waxaan xaasuustaa maqaal aan aqriyey maalmihii dagaalka ba'ani dhexmarayey Cali Mahdi iyo Caydiid sanadkii 1992kii, masawirka maqaalkaas la socday wuxuu ahaa gabar qoray sidata oo madaxa weer cas ugu xiranyahay.

Waxaa kale oo aan rag aan ku kalsoonahay ka maqlay in ay gabdhaha itixaadka ah oo jooga magaalada gedo ay dhahaan dadka aan raacsanayn madhabtooda, annaga ha naloo daayo waan ku janna tegaynaaye.

Waxaa kale oo marqaati madoonto ah in ay hablaha soomaalidu si buuxda dagaalka uga qayb qaateen, ma aha dagaalkii Muqdishu iyo koofurta soomaaliya oo kaliya ee waxay kaalin libaax ka qaateen dagaalkii hargaysa ee dhexmaray Jabhaddii SNM iyo Ciidamadii Siyaad Barre.

Dagaalkii Ka qayb qaadateene Nabaddana ka qaybqaata
Waxaa ninka qoraaga ah ee aan soo sheegay xusay in nabadda ka dhacday magaalada Boosaaso ay ka dambeeyeen kooxo haween ah oo urur ah, sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka dowladda Puntland ay ku jiraan dhowr haween ah.

Taasi runtii wax la yaab leh ma aha, maxaa yeelay Xisbigii Hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed ee jiray waagii Siyaad barre, boqolkiiba lixdan xubnihiisu waxay ahaayeen haween.
Taasina waxay caddaynaysaa in aan soomaaliya taliskeeda cidi ka midabtakoorin haweenka gaar ahaan wixii ka dambeeyay taliskii siyaad barre.

Waa jirtaa in aanan dhaqanka soomaalidu haweenka wax xaquuq ah siinin, laakiin taasi uma diidin haweenka soomaaliyeed in ay kaalin libaax ka qaataan abaabulidda dagaalka iyo dejintiisa intaba. Horay ayaa soomaalidu ugu maahmaahday "Nin naagi waddo iyo awr awr wado midna kaama leexdaan.

Ninkaa qoraaga ah arrintaas wuu tilmaamay oo wuxuu yiri, boqolkiiba siddeetan qoysaska soomaaliya maanta haweenka ayey ku tiirsanyihiin, taasina waxay tusaysaa goolka ay bulshada dhexdeeda ka dheeli karaan.

Wiilasha dagaalka wada iyo ragga dagaalka hoggaaminaya waa wiilashoodii iyo raggoodii ayaga, waxaana hubaal ah in ay haweenka soomaaliyeed wax wayn ka bedeli karaan xaaladda nabadeed ee soomaaliya ka jirta.

Marka waxaan maqaalkayga ku soo gabagabaynayaa, liididda haweenka ee soomaaliya ka taagan dagaalku sabab uma aha ee waxay ka timid daqanka iyo hiddaha waligii dalka ka taagnaa, haweenkuna runtii dagaalka kaalin fiican bay uga jireen, nabaddana kaalin fiican bay ka geli doonaan sida aan rejaynayo, marka wax lala cawdaahi ma jiraan.

Haweenka soomaaliduna ma aha sidi haweenak reer galbeedka ee had iyo jeer ragga dacwo iyo eedeyn ku haya, ee xumaantii ay falaanba ragga u saarsha, ee waa haween ragga in ay ku maran yihiin og, waxay ogyihiin in aanan nolosha loo kala saari karin rag iyo haween.

BOGGA 6AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
2. Mowduuca: Tawxiidka.
3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.

Hersi's photo
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
CASHARKA 33AAD
WAXYAABIHII KU SOO AROORAY XAQEEQADA IIMAANKA

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Eebbana talasaarta haddaad mu'miniin tihiin] Al-Maa'idah 23.

Waxaa kale ee uu Eebbe yiri:
[Mu'miniinta dhabta ah waa uun kuwa marka Eebbe la xuso ay cabsato quluubtoodu, marka lagu aqriyo korkooda aayadaha Eebbana ay iimaan u kordhiso, Eebbahoodna tala saarta] Al-Anfaal 2.

Waxaa kale ee Eebbe yiri:
[Nabiyoow waxaa kugu filan Eebbe adi iyo inta ku raacday ee mu'miniinta ah] Al-Anfaal 64.

Waxaa kale oo Eebbe yiri:
[Ruuxii Eebbe tala saartana wuu ku filanyahay] Adh-Dhalaaq 3.

Ibn Cabbaasna asiga iyo aabbihiis allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo weriyay in uu yiri:
"Eebbaa inagu filan, wax la wakiishana asigaa u wanaagsan, waxaa sidaa yiri Nabi Ibraahim naxariisi korkiisa ha ahaatee, kolkii dabka lagu riday.

Muxamad naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu asiguna yiri kolkii ay ku dheheen:
[Dadkii baa idiin kulmay ee ka cabsada oo u siyaadiyay rumayn, oy dheheen kaafiyahanagu waa Ilaahay isagaana u fiican wakiil]Aali-Cimraan 173."{Bukhaari, An-Nasaa'i}.

Masalooyinka Casharka:
Tan 1aad: Waa in Talasaarashada Eebbe ay waajibaadka ka mid tahay.
Tan 2aad: Waa in uu shuruudaha iimaanka ka mid yahay.
Tan 3aad: Waa tafsiirka aayadda suuradda Al-Anfaal.
Tan 4aad: Waa tafsiirka aayadda Al-Anfaal dhammaadkeeda ku jirta.

Tan 5aad: Waa tafsiirka aayadda Adh-Dhalaaq.
Tan 6aad: Waa mudnaan waynida weedhan: waa tay dheheen Ibraahiim iyo Muxamad nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, kolkii dhibaatadu ku dhacday.

Mohamed (PBUH) the Natural Successor to Christ

    Waxaa Qoray: Axmed Deedaat
    Waxaa turjumay: Jama Mohamed Farah (Jawali)
    Kirstinharju 8 G 149, 02760 Espoo - Finland
    Tel.358-400-774345
Qaybtii 1aad

Yahuud waa la badalay
Qof kasta oo diin uun wax ka yaqaan waa qiyaasi karaa macangagnimada yuhuudda cunsiriga ah 'aysan dad u ahaan' oo aan jirin oo ah 'dawlad nacas ah'.

Haddii aysan ahayn ilma adeeradood reer binu ismaaciil, carabta oo ah sidii Thomas Carlyle uu sheegay oo ahayd 'iyadoo aan la ogeyn bay ku warwareegayeen saxaraha ilaa maalintii la abuuray dunidan'.

Carabta: Aleksendarkii waynaa wuu dhaafay, Iiraaniyiintii (Persia) way dhaafeen, masaaridii way dhaaftay, Roomaankii way dhaafeen. Waxay ahaayeen qoom qolo waliba iska qabsato oo ay xoog kula wareegaan.

Laakiin Eebe oo ah abuuraha wax kasta ma uusan dhaafin, wuxuu ka soo saaray mool mugdi ah wuxuuna u badalay dad toosh ifaya wata oo baranaya dunidan oo dhan 'Waxaan ku jiidayaa xaasidnimo'.

Xaasidnimadaasi waxay noqotay cudur ay kasbadeen, xasuuso labadii xaas ee Nebi Ibraahim (CS) ee kala ahaa Saarah iyo Haagar.

Masayrkii Saarah waxaa dhaxlay caruurteedii iyo quruumihii ka farcamay oo dhan iyo quruumo aan weli dhalan.

Ma fogayn markii aan akhriyey buug ku saabsanaa daawo soo saaridda oo uu qoray nin yuhuudi dhakhtar ah. Nasiib darro ma xasuusto qoraha magaciisii kumana guuleysan in aan dib u akhriyo.

Calaa kulli xaal ninkaasi kalmadihii uu ka qoray ilma adeeradii ee reer Saam (semitic) waxbay qalbigayga xasuusisay.

Waxaan xasuus ahaan ka soo xigtay qoraalkiisii sidan 'Ari jirradii iyo geel jirayaashii waxay ku fadhiisteen carshiyadii boqortooyada'.     [Waa socotaa..]

BOGGA 7AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 27aad
Kaliila iyo Dimna
Dimna: waxba ha u nixin boqoryahow, maxaa yeelay garaadlow wax uu ka baqayo uma naxo, ninka go'aanka lehina waxaa dhacda in uu nin ka caraysiiyo oo necbaysto kadibna soo dhaweeyo oo xigsado.

Waana wax dheef iyo karti uu ku ogyahay dartood, sidii ninkii isku dirqiyay daawo qaraar ah si uu wax dheef uga helo.

Waxaana dhacda in uu ninka jeclaado oo uu u bego, ee uu fogeeyo oo dilo asiga oo dhibaatadiisa ka baqaya, sidi kii farta abeesadu ka qaniintay ee iska gooyay ee ka fogaaday, cabsi uu ka qabo in mariidkeedu jirka wada gaaro awgeed.

Libaaxii wuu ku laab qaboobay hadalkii dimna, markaas ka dib ayuuse beentiisii ogaaday iyo dhagartiisii iyo ballan ka baxiisii markaas buu si xun u dilay.     [Waa socotaa..]

BOGGA 9AAD xayaysiin
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 17aad
171. Sir ma qabe allaa u sahan ah.
172. Sirrow ma hodmo.
173. Sakhaawe ma deego.
174. Saddaqo reer ma bi'iso.
175. Siday u geesa wayntahay uma badiso(lo'da buu uga jeedaa).
176. Sagaaro tun la kala qalo maleh.
177. Soddoggaa hal geel waa looga tagaa, hal geedse loogama tago.
178. Sodohdaa waa lala hadlaa, wax xunse lama yiraahdo.
179. Sagaaro iyo tuuryo in yar baa laysla helaa.
180.Sibraar sahay ma aha.
BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
[Encyclopedia Somalica]

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page