Maamulka Puntland oo khilaaf siyaasadeed ka dhexdhashay
April 8, 2000, (Boosaaso) Khilaaf siyaasadeed ayaa beryahan dambe ka dhex taagnaa madaxda iyo duqayda bah Majeerteen, khilaafkaas oo gaarsiiyay madaxda dowladda Puntland heer ay is casilaan sida Xasan Abshir oo ka mid ahaa wasiiradii dowladdaas oo dhawaan is casilay.
Hase ahaatee, waxaa dadku isla dhexmarayaa sababihii keenay khilaafkaas, waxayna sheegayaan warar kala geddisan oo aad u kala duwan, laakiin waxaad mooddaa in ay wararku isku raacsanyihiin hal shay oo qur ah, kaas oo ah, in khilaafka uu sabab u yahay madax adaygga madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf.
Maxaa dhaliyay khilaafka siyaasadeed ee Puntland
Wargayska qaran ee maalinlaha ah war uu soo qoray maalintii shalay (8.4.00) wuxuu xusay in
khilaafkaasi dhashay kadib markii uu madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf la kulmay Ina Caydiid intii ay Liibiya booqashada ku joogeen, ayada oo horey ay isugu ogaayeen madaxda kale ee reer Puntland in aanan madaxwaynuhu la kulmin abaanduulayaasha ay ayaga iyo Puntland uurgooyadu ka dhaxayso.
Warar kale ayaa ayaguna sheegaya in khilaafku ka dhashay heshiisyo uu la galay Cabdullaahi Yuusuf Sharikad Ingiriis ah oo qaar beesha Majeerteen ka mid ah oo qurbaha ku nool ay ku eedeeyeen in xoolo ka qaatay dabadeedna uu xisaabkiisa u gaarka ah ku shubtay.
Khilaafka Puntland ma hardan siyaasadeed baa?
Waxaa kale oo dadka qaar aaminsanyihiin in khilaafku yahay khilaaf siyaasi ah oo dabiici ah horeyna u jiray, kaas oo billowday kolkii la aas'aasayay dowladda Puntland ayada oo qaar madaxda iyo isimada Majeerteen ka mid ah ayan raali ka ahayn markii horeba qaabkii iyo meeshii lagu billaabay dowlad gobaleedka Puntland, ayana mucaarad ku ahaayeen maamulka madaxwane Cabdullaahi Yuusuf, haddana ay soo xoogaysteen oo ay doonayaan in ay ka faa'iidaystaan siyaasadda mutuxan ee Cabdullaahi Yuusuf gaar ahaan mowqifkiisa shirka Jabuuti.
Cabdullaahi Yuusuf iyo Shirka Jabuuti
Dad badan oo ka mid ah kuwa indhaindheeya xaaladda Soomaaliya ayaa ayaguna rumaysan in khilaafka siyaasadeed ee ka oogan Puntland uusan lahayn sabab aanan ahayn mowqifka madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf iska taagay shirka Jabuuti.
Qolada sidan aaminsan waxay u arkaan bannaanbaxyadii dhawaan ka dhacay Puntland in ay ahaayeen kacdoon ay bulshawaynta reer Puntland ku caddaynayeen sida ay u taageersanyihiin shirka nabadaynta ee laga wado Jabuuti, isla markaana ay tusayeen adduun waynaha in aysan ku raacsanayn go'aanka uu gaaray madaxwayne cabdullaahi Yuusuf.
Dadka ra'yigan aaminsan waxay sheegayaan in dhammaan madaxda Puntland ka soo horjeesteen go'aanka madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf oo ay ka codsadeen in uu ka noqdo go'aankaas, uuna taageero shirka Jabuuti, asiguna uu diiday in uu ka noqdo go'aankiisii, taasina ay keentay in ay is casilaan madaxda qaarkood sida Xasan Abshir.
Xogogaal Inoo warramay
Si aan u kala hubsanno wararkaas isburrinaya ayaan waxaan khadka taleefanka kula xiriirnay shalay oo bishu ahayd 8dii April mudane Daahir Cabdulqaadir Axmad oo ka mid ah qoraayaasha wargayska Sahanpress oo jooga magaalada Boosaaso, wuxuuna inoo sheegay in khilaafku jiro uuna ka dhashay mowqifka madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf iska taagay shirka Jabuuti.
Wuxuu Daahir intaa ku deray, in ay shireen dhammaan Isimada beesha Majeerteen oo ay soo jeedsheen ra'yi ah in la dhexdhexaadsho madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf iyo Dowladda Jabuuti, Cabdullaahi Yuusufna wuu aqbalay xalkaas dhexdhexaadinta ah.
Hase ahaatee, rag uu horjoog u yahay Xasan Abshir ayaa ra'yigaas diiday, oo ku adkaystay in madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf ka noqdo go'aankii uu gaaray shirkana taageero ayada oo aan waxba loo baahan waanwaan iyo dhexdhexaadin la dhexdhexaadsho Cabdullaahi Yuusuf iyo dowladda Jabuuti, Cabdullaahi yuusufna ra'yiga qolada dambe wuu diiday, Xasan Abshirna markaas buu is casilay.
Waxaa kale oo qoraaga Sahanpress inoo sheegay, in cabdullaahi Yuusuf ka codsaday Xasan Abshir in uu ka noqdo go'aankiisa iscasilidda ah, hase yeeshee uu Xasan diiday. Wararku wax intaa dhaafsiisan ma sheegin, laakiin waxaa la filayaa in khilaafkaasi maalmaha foodda inagu soo haya dhan u dhaco, maadaama ay shirarkii Jabuuti foodda inagu soo hayaan.
Warjiraaba Cakaaruu iman!
Sida muuqata madaxda dowladda Puntland laba kooxood ayay ugu qaybsameen arrinka shirka Jabuuti, koox aad uga soo horjeedda oo uu horjoogo madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf iyo Koox aad u taageersan oo ay horjoogaan Xasan Abshir iyo Ina Abshir Haamaan iyo Qaar kale.
Waxaana wararku sheegayaan in qolada dambe ku eedaynayso qolada hore in ay doonayaan in ay ku gorgortamaan Puntland si ay u helaan madaxtinimada la filayo ee soomaaliya.
Maamulka madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ku adkaystay in uu san taageeri doonin shirka haddii ay ka qaybgalaan dad reer Puntland ah oo dowladdiisa nucaarad ku ah, lana qaderin waayo talooyinka iyo tilmaamaha ay dowladdiisu soo jeediso, madaxwaynaha Jabuutina wuu diiday in uu dalabkaas fulsho.
Hase ahaatee, maadaama uu shirkii Jabuuti foodda inagu soo hayo, kaas oo la filayo in la qabto bishan gudaheeda iyo bisha juun dhexdeeda, waxaa lagama maarmaan ah in uu khilaafka ka dhexeeya madaxda Puntland dhan u dhaco, oo aay ama guulaystaan kooxda taageersan shirka ama ay guulaystaan kooxda diiddan, arrinkuna waa madal!
Nin Qareen u ah wiil Soomaaliyeed oo war doon ah
April 4, 2000, New York, Nin qareen u ah wiil soomaaliyeed oo magaalada New York ku leh xafiis uu ku magacaabay "Debevoise and Plimpton" ayaa wuxuu inoo sheegay in wiilkaas uu qareenka u yahay uu ka mid ahaa soomaalidii deganayd Yaman intii uusan imaanin Maraykanka uuna taageero ka heli jiray urur samafal oo la yiraahdo "Somali Community".
Haddaba si wiilkaa loo caawiyo waxaa ninkaa qareenka ah u baahanyahay in uu faahfaahin dheeraad ah ka helo ururkaas lagu magacaabo "Somali Community" ee Sanca ka jiray sida la sheegay, waxaa kale ee uu qareenku doonayaa in uu wax ka ogaado in uu ururkaasi yahay urur dowladda Yaman ictiraafsantahay iyo in kale, iyo sida bulshada soomaaliyeed ee Yaman ku dhaqan ururkaas u aragto.
Ninkaa qareenka ah wuxuu inoo soo diray taleefan lambarkiisu yaahay "211304" nasiib darro taleefankii markii aan wacnay waxaan ogaanay in uu qaldanyahay lambarkaasi. Qareenku waxaa kale oo uu sheegay in uu cinwaanka ururkaasi yahay sidan "PO Box 15036, Sana'a".
Haddaba si aan u caawinno wiilkaa soomaaliga ah waxaa dadwaynaha soomaaliyeed laga codsanaayaa in ay wixii faahfaahin ah ee ay ka ogyihiin ururkaas ina soo ogaysiiyaan oo la soo xiriiraan tifaftiraha wargayska "hersi@brunet.bn" ama taleefanka (673-8-671886). Sidoo kale qofkii qaraabo ama saaxiibo ku leh Sanca, ha inoo soo diro taleefankooda si aan arrinkaas uga waraysanno.
Abaaro la sheegay in ay goballada dhexe ku soo fool leeyihiin
Muqdisho April 8 2000, Dad socoto ah oo aan shalay khadka taleefanka ku waraysannay soona gaaray magaalada Muqdisho dhawaan ayaga oo ka yimid dhulka la xirrira gobalada dhexe iyo xuduudka Ethiopa ay la leedahay soomaaliya ayaa inoo sheegay in abaaraha ku dhuftay bariga dalka Ethiopia ay hadda caasha saareen goballada dhexe ee soomaaliya.
Nimankaas inoo warramay waxay ka soo safreen Walwaal iyo Wardheer oo ka mid ah dhulka soomaalidu degto ee ku yaalla Ethiopia dhexdeeda, waxyana soo mareen dhulka howd loo yaqaan iyo gobalka Togdheer iyo degmooyin kale sida Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb, waxayna sheegeen in saansaanta abaarahaas laga dareemayo degmooyinkaas oo dhan ilaa magaalada Dhuusamareeb.
Waxay socotadaasi intaa ku dareen, in dhulka la jeeda xuduudka Soomaaliya iyo Xabashida dadkii iyo xoolihii ku noolaa ay wax dhintay iyo wax dhimasho ku dhaw yihiin, aysanna jirin wax gargaar ah ama taakulayn ah oo dadkaas la gaarsiiyay ama dhinaca Xabashida ha ka yimaadeen ama dhinaca Soomaalida e. Warar kale oo UN-tu sheegtay ayaa ayaguna waxay sheegayaan in abaarahaasi aad wax u yeelleeyeen gobalada Gedo, Bakool, Bay iyo Hiiraan oo ay ku noolyihiin dad lagu qiyaasa 450,000 oo qof.
Dad beesha Eylada ka tirsan oo la sheegay in Australia u dhoofayaan
Mogadishu April 3 2000 (AFP), Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, dad badan oo ka tirsan bahda Eylada loo yaqaan oo ka kala yimid Bay, Baakool iyo Shabeelada Hoose ayaa magaalada Muqdisho dhinaceeda koofureed gabraday ayaga oo sugaya diyaarad qaadda oo Australia gaysa sida ay sheegeen.
Dadkaasi Eylada ah qaar ka mid ah waxay sheegeen in aaney lacag bixin cunto ku filanna la siiyay, haddana ay meesha ku sugayaan diyaaraddii qaadi lahayd. Waxaa waliba hadalku intaas ku daray in Ugaaskii qoladaas uu asiguna meeshaa yimid si uu u eego xaalka dadka halkaa gabran ee carruurta iyo haweenka u badan ee la filayo in ay dhawaan dhoofaan.
Dadkaas oo Muqdisho ka degay xaafaddii loo aqoon jiray AbaGedo, waxay rejaynayaan in ay Nairobi dhawaan u duulaan kadibna Australia, hase ahaatee, ninka Australia u fadhiya Kenya wuxuu sheegay in uusan arrinka dadkaas waxba ka ogayn oo laga yaabo in ay jiraan dad dhagraya dadkaa masaakiinta ah.
Magaalada Muqdisho oo la sheegay in nabadeedu soo fiicnaanayso
April 8 2000, Warar aan la kala yeelanay dad ka mid ah bulshada ku nool magaalada Muqdisho
ayaa waxay sheegayaan in nabadda magaalada Muqdisho la moodo in ay soo fiicnaanayso. Dadkaa inoo warramay ma aysan sheegin sabab gaar ah oo keentay nabaddaas magaalada ku soo korortay.
Waxaa yaraaday, bay dheheen dadka inoo warramay, xermooyinkii ay maleeshiyadu dhigi jirtay waddooyinka dhexdooda iyo jabhadihii iska soo horjeeday ee xaafadaha ku kala jiray, laakiin dhicii iyo dilkii iyo boobkii wali waa joogto.
Waxay intaa ku dareen in wadaaddada maxkamaduhu kaalin wayn ka qaateen kobcinta nabadda magaalada inkasta oo jabhadahoodu wali ku salaysan yihiin qabiil kilaaf wayna uu ka dhexeeyo ayaga iyo madaxda jabhadaha qaarkood.
Wuxuu yiri mid ka mid ah dadka aan khadka taleefanka kula sheekaystay, waxaa laga yaabaa in reer xamar rejo fiican ka leeyahay shirka Jabuuti oo taasi keentay dareen guud oo dadka ku dhalshay in nabadi soo socoto, taasina aay yaraysay dareenkii jabhadnimada ee magaalada ka jiray. Waxaa dadka inoo warramay intaa ku dareen, in magaaladu ay awalba sidan ahaan jiratay oo marna degi jirtay marna kici jirtay, haddase la moodo in ay xoogaa deggantahay.
Qoraal waraysi ah oo inaga soo gaaray wargayska Sahan Press - Boosaaso
Qoraalkan waxaa inoo soo gudbiyay Bashiir Sh. Maxamad iyo Ali Muse Ali, waana waraysi lala yeeshay nin xabsiyada Xabashida laga soo daayay oo uu fidshay wargayska sahan bishii lasoo dhaafay. [Hersi 2Garre].
DIXIRIGII KA SOO BAXAY MAYDKII XABSIGA KU DHINTAY INTII AAN XIRNAYN AYAA ANAGAOO NOOL NA CUNAY…"KUTUBO QURAAN AYAA WAXAA NALAGU YIRI KUNA ISTAAGA, HANA LAGU KAADSHO"
Wareysi lala yeeshay nin 17 bilood ku xiraa Itoobiya.
Todobaad ka hor waxaa xarunta wargeyska Sahan ee Boosaaso soo gaarey nin diif iyo dhibaato xoog lihi ka muuqato korkiisa, maalmihii la soo dhaafay ayaa ninkaas la dhigay Itbitaalka guud ee magaalada, waxaa horay u dhamaatay mid ka mid ah labadiisa xaniinyood dhibaato ka soo gaartey garaacis iyo ciqaabo lagu sameeyey awgeed sida uu sheegay, tii kalana waxaa laga saarey intii uu joogay Boosaaso ka dib markii ay ay bukootey.
Maxaa loogu xiray ninkan Xabsiyada Qabridaharre iyo Dhagaxbuur?
Ninkan oo la yiraahdo Axmed Xasan Maxamud, waxa uu sheegay in laga qabtay magaalada Dhagaxbuur, bartamihii 1998kii, wuxuuna xirnaa sanad iyo shan bilood "intaas aan xiraana war iyo wacaalo laygama hayn, waxaana la soo daayey muddo ay ka soo wareegtay bil iyo xoogaa' ayuu yiri Axmed Xasan oo u waramayay Wargeyska Sahan. Mar aan wax ka waydiinay sababtii lo qabtay waxaa uu noo sheegay, in uu ahaa nin safar ah oo wata Timir iyo Sonkor, kana safray Boosaaso, "markii aan halkaa tagay ayaa Ciidanka Itoobiya I qabteen, waxaana laygu yiri waxaa tahay Itixaad sidaas baa laygu xiray, aniguna Itixaad ma ahayn ee waxaan ahaa wadaad Saalixiya ah, alaabtii aan watay labadiiba waa lala wareegay, waxayna igu yiraahdeen alaabtaan waxaad u wadaa Taakulayn. Ilaa iyo hadana wax iiga soo noqday ma ay jiraan, oo waxa la wareegay Dowlada Itoobiya, markii lay yiri iska soco wax aan kuu hayno malehe" ayuu yiri Axmed.
Axmed waxaa kale oo uu sheegay in lagu xiray xabsiga Qabri bayax kadibna loo gudbiyey Xabsiga ku yaal meel duur ah oo shub ka samaysan, wuxuuna intaas raaciyey in indhaha laga xiray markii ay marayeen Tuulada Haramaayo oo u dhaxaysa Harar iyo Diridhabe, waxaa nagu bilaabay durbadiiba ayuu yiri garaac iyo jirdil, iyadoo nala waydiinayo in aan Itixaad nahay iyo in kale.
Xabsiga iyo Maxkamadaha Xabashida
Axmed isga oo ka waramaya noloshii xabsiga waxa uu yiri "ragii ila socday waa nala kala reebay, god ayaana nala geliyey, 7 qofba waxaa la galiyaa hal god oo lagu ridaa gododkaas oo ah kuwo badan daboolkooduna iyo albaabkooduna waa shub, kaadidii iyo saxaradiina waa ku jirtaa, oo sidii xeero Alla bari taal ayay todobaadyada waligeedba na dhex ooli jirtay, bahaladii halkaa ka dhashayna sida baranbaradii iyo cayayaankii kale baa ku soo galaya oo ku cunaya, marka raashinka nala siiyo ee ay cuntadu gacantaada soo gasho waxaadan iska celin Karin Baranbaro oo kuligaa ku tafaysa".
Mar aan waydiinay dhibka ugu weyn ee xabsiga yaal waxaana ku jawaabay; "Jirdil si Bai'aadamnimada ka baxsan, ayadoo koronto lagugu qabanayo, dhabarka oo bir lagaa saarayo, bahal feerada dharka oo kale ah oo dabaysan hadii lagugu qatona hadii lagugu jirkaagu kalla daadanayo, markii lagu mariyo baa waxaa jirkaaga ka boodaya qiiq madoow, marka dadka la ciqaabayo Godkii intaan lagaa soo bixin ayaa indhaha lagaa xirayaa, Garaa lagugu soo qaadayaa" wuxuuna intaas raaciyay in la geyn jiray maxkamad khaas ah oo aan cidi kale joogin dhexdeedana lagu garaaci jiray taasi oo ku taal Diridhabe.
Godadka Soomaalida Lagu xiro
Waxaa naloo keeni jiray ayuu yiri nin Soomaali ku hadlaya oo calaamadda kirishtaanku ay qoorta ugu jirto, si uu uga turjubaano. Maxkamadaas gudaheeda ayaa katiinad xaniinyaha nalooga qabtaa, bir ayaa dhabarka lagaa saarayaa saacadana waa laguu qabanayaa 10 daqiiqo markey ku saarnaatona waad miyir beelaysaa, ayuu yiri Axmed oo wali sheekadi wada, wuxuu intaas raaciyey, in gododkaas ay ku xiranyihiin Soomaali ka abadan 170 nin kuwaasoo uu ku qiyaasay in kabadan afar meelood marka loo qaybiyo saddex ka mid ahi ay yihiin dad aan wax lug ah ku lahayn ururka Itixaad, wuxuuna intaas ku daray in maxaabiista qaarkeed sheegeen in ay ari la joogeen markii la soo qabtay, kuwaasoo aan waligood alifka quraanba dhigan, Axmed Xasan waxaa kale oo uu sheegay in qaar ka mid ah dadku ay sheegteen in ay Itixaad kuwa ugu daran yihiin si loo dilo iyaga oo aan ahayn markii ay xamili waayeen noloshii jeelka.
Wixii ugu Naxdinta Badnaa maxay ahaayeen?
Mar aaan Axmed su'aalnay wixii ugu naxdinta badnaa intii jeelka ku jiray waxa uu ku jawaabay: "waxaa iigu naxdinta badnaa markii ay ku dhinten 3 nin oo maxaabiistayadii ka mid ahaa maydkoodiina nalagula jirey godka 1 casho, oo ay meeshaas ku googo'een oo markii Dixirigii ka soo baaxay anagii na cunay ka dibna maydkaas lafahiisii ayaa nalaga saaray oo waxaa ay yiraahdeen waa ay isku dilayaan ee lafaha uun ha laga qaado, sababtoo ah in nala dilo raali baan ka ahayn anana hadaanu haysano wax aan isku dilno waanu is dili lahayn, waxaa kale oo ka mid ahaa maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa naloosoo saaray banaanka oo waxaa la soo bixiyey kutobo Quraan ah waxaa nalagu yiri kuna istaaga kitaabada, hana lagu kaadsho, kadib waxaa dhacday in inkii noogu horeeyey intuu qaaday uu dhunkadey, intayadii kalana aan sidaas oo kale yeelnay, ayaa askartii waxay maalintaas nagu ciqaabtay in ay na figeeyaan kuligayoba.
Dhalooyin Khamro ka buuxdo!
Maalintii danbe ayaa waxaa naloo qaybiyey dhalooyin khamri ah oo waxaa la yiri ninkii caba waa la sii daynayaa, markaasaa niman aan waligood khamri cabini ay isku xaareen oo afkii googo'ay, in la sii daayo iskaba daaye waa looga sii daray" ayuu si quus leh u yiri Axmed. Axmed waa uu ii waday xogwarankii uu siinayay wargeysa Sahan oo wuxuu yiri "dadka halkaas ku jira wax ka warqaba ma ay jiraan, tusaale ahaan aniga xaaskaygii waa la dumaalany waxayna ii haysay 4 caruur ah, wax meesha lagu soo xiro waxaa ugu danbeeyey rag 41 nin ah oo laga soo xiray dhinaca iyo Doolow, magacyadoodana aanan wax ka aqoon, dadka halkaas ku xiran qaarkood waxaa ay ka gudbeen noloshii aadaanaha waxayna u gudbeen midi dugaaga, mana dhiman mana noola, marka aan suureeyana dhibaatada halkaas ka jirta oo aan soo aragnay waxaan oran karaa TACDIIBUL ISLAM.
Dhibaatooyin aan dhammaad lahayn!
Dhibaatooyinka aniga halkaas iga soo gaarey waxaa ka mid ah, waan ku xiniiyo belay, midi way way dhamaatay, intay dilaacday sidii ay u dheecaameysay, tii kalena waa la iga saaray korkaygana waadba aragtaan, Mudadaa aan xiraa 11 17ka bilood ah hal maalin ma qubaysan oo nalooma ogolayn".
Ugu danbayntiina waxaa Axmed wax ka waydiinay waxa uu ka xasuusto magacyadii dadkii halkaas uu kaga yimid, kuwii dhintay iyo kuwa kale ee la sii daayay, isagoo su'aashaas ka jawaabayana waxa uu yiri, waxaa ka mid ahaa kuwa xabsiga aan kaga imid:
Dadka Xabsiyadaas wali ku jira kaa ka mid ah?
1- Saciid Cabdulle oo Ciidagale ah. 2- Axmed Shiikh Mumin oo Ogadeen ah. 3-Ina Catoosh oo Leelkase ah.
4- Cali Caydan oo Dhulbahante ah. 5-Axmed Faarax oo Cali Saleebaan ah. 6- Nuur Qurde oo Mareexaanka reer Doolow ah. 7-Maxamed Xaaji Cumar oo Gaadsan ah. 8- Caraale Ducale oo Habaryoonis ah. 9-Shiikh Bashiir oo Ogadeen reer Isaaq ah. 10- Sh. Maxamed Saalax Macalin Yusuf oo Ogadeen reer Cabdulle. 11- iyo Axmed Xaaji Muumin oo aanan garanaynin Qabiilkiisa.
Waxaa kaloo ka mid ah nin Carab ah aanuna ku qiyaasaynay in uu u dhashay dalka Masar kuna hadlayey luqada carabiga, ahaana TABLIIQ oo in mudo ah ku jiray halkaasi magacisana aanan aqoonin nagalana joogay waxaan Soomaali ahayn kaligiis, sheegtayna in laga qabtay Jigjiga nawaaxigeeda. Waxaa haray sadex nin oo ku dhintay xabsiga oo la kala oran jiray.
1-Bashiir Muuse Aadan oo Ogadeen/Cawlyahan. 2- Ina Jacfar oo Habar-Gidir ahaa. 3- Cabdi nuur Faarax Ogadeen/Bahgarri ahaa.
Saddexdaa nin madaxaa qarxay labana waa xiniinyo beeleen sidii katinad loogu qabanayey ayaa kaadidi ku dhegtay, waxaa nala soo wada daayey Cumar Dharaar oo Ciise Muuse ah".
|