Waa maqaal kusoo baxay Wargayska KASMO Tirsiga 72aad, 3 Septembar 2001

GuuleedPressOnline LINKS

Bogga Wararka
Bogga Hore
Bogga Taariikhda

WAA KUMA Korneyl: CABDULLAHI YUUSUF

Waa xaqiiqo taariikheed oo sideeda u taagan, hubaalna qofku iisaga ayaa qayb weyn ka ah oo sameeya doorashada taariikhdiisa.

Korneyl Cabdullaahi Yuusuf Axmed (Yeey) Wuxuu kamid ahaa saraakiishii Xooggii Dalka Soomaaliya ee la abuuray markii dalku gobanimada qaatay 1960kii. Wuxuuna qaybo kala duwan oo ciidanka ah kasoo shaqeeyay ilaa 1969kii. Isla waqtigaas 21kii Oktoobar 1969, Kacaan ayaa talada dalka qabsaday. Waxaa hogaaminayay Generaal Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyihii Xoogga Dalka. Waxaa ku weheliyay 24kale oo saraakiil ah. Waxay la bexeen magaca Golaha Saree Kacaanka (Somali Revolutionary Council: SRC)

Waqti yar kadib, Golaha Sare markay talada qabsadeen, waxay u yeereen Korneyl C/laahi Yuusuf, waxaana lagu wargaliyay in Arimaha ciidanka (Milatery Atteche') dal dibadeed lagu magacaabayo. Laakiin Korneyl Cabdullahi Yuusuf waa diiday taas, isna wixii markaas ka danbeeyay tan iyo 1976, wuxuu ku jiray xabsiga.

Markii lasoo daayay 1976, Cabdullahi wuxuu in mudo ah noqday Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Gaadiidka (Fiat), wuxuuna hawlaha ciidanka dib ugu soo noqday, markii uu qarxay dagaalkii 1977, dhulka Soomaali Galbeed lagu xoreenayay. Xiligaas Korneyl Cabdullahi Yuusuf wuxuu ahaa Madaxii Kulmiskii Ciidamada ee ka dagaal-geliyay aaga Baali iyo Sidaamo.

Bishii Maarso 1978, Dawladu waxay ku dhawaaqday inay dib ula soo laabanayso ciidamada. Korneyl Cabdullahi Yuusuf iyo saraakiil kale oo katirsan Xoogga Dalka waxay magaalada Muqdisho ka abaabuleen Afganbi, fashilmay 9kii Abril 1978dii. Saraakiishaas qaar kamid ah oo la qabtay ayaa toogtay, laakiin Korneyl Cabdulaahi Yuusuf wuxuu kamid ahaa kuwii ka fakaday.

Cabdulaahi wuxuu hadiiba u galay cadawga Soomaaliyeed ee Itoobiya, wuxuuna waydiistay gacan Mingiste sidii uu ula dagaalami lahaa dalkiisa.

Wuxuu abuuray jabhada la magac baxay SSDF oo ay badi xubno ka ahaayeen dhalinyaro lagu kiciyay habar-wacad toleed, wuxuuna iyagoo wata hub Itoobiya bixisay kusoo weerar geliyay dalkoodii.

Halkaas ayay ukuntii ugu horaysay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ka beerantay, wixii ka danbeeyayna samaynta jabhad qabiil iyo Itoobiya oo hub laga soo qaato waxay ahayd jid ay qaadaan kuwa ay madaxmarto bugtada xukun jacaylka ilaa dalkii oo dhan lagu dumiyay, walina ay socoto in Addis Ababa Laga keensado.

Iminka Xukunka maamul goboleedka Puntland iyo kacdoonka dadku ku diideen joogistiisa, su'aashu waxay tahay Korneyl Cabdulaahi Yuusuf sidaa maku amba baxay?

Copyright (c)2001-2003 GuuleedPressOnline, Inc, Allrights Reserved.