Image by GuuleedPressOnline

CADAAWADA ITOOBIYA

GuuleedPressOnline wuxuu idiin soo bandhigayaa SIRTA Culus ee Itoobiya kukala qabinayso dalka jaarka la'ah ee Soomaaliya

SIR CULUS SIDII ITOOBIYA AY U ABUURI LAHAYD GOBOL LOO YAQAAN KOOFUR GALBEED.

Horaantii sanadka 2001, in yar ka hor shirkii Awaasa, waxaa ka dhacay magaalada ku taalo xuduudka Soomaaliya – Itoobiya shir ay isugu yimaadeen ururo kala masilayay beelo Soomaaliyeed oo dhab ahaantii aan wax weyn oo ka sokeeya Soomaalinimada wadaagin wax loo ekeysiiyay maahane. Shar iyo kheyr wuxuu lahaaba, shirku wuxuu ahaa siyaasi/dagaal wuxuuna kaga duwanaa shirarkii hore asagoo:

Marka hore, daba joogay siyaasad 29 sano ka hor guul dareysatay, taasoo biya dhaceedu ahaa geedigii ugu weynaa taariikhda Soomaaliya ee ahaa “ qalleyl ka guur ee qoyaan u guur”ama “abaar ka gee ee aaran gee”. Hase yeesheeaan noqon ujeeddadii laga lahaa. Illeyn waa tii la yiri “ dhul ninkiisay baa iska leh”

Marka labaad, ujeeddada shirka waxaa ka mid ahaa markay ugu roontahay in la sameeyo maamul la mataan ah midka ka jira gobolada Bari, markay kasii xuntahayna in la sameeya maamul laga gooyo dal weynaha Soomaaliya gobolo lix (6) ah oo loo yaqaana Koonfurta Dalka.

Marka saddexaad, shirka waxaa lagu go’aamiyay in dagaal lagu qaado dhulka u dhaxeeya irdaha Koonfur iyo Galbeed ee Xamar ilaa xuddudaha Koonfureed ee dalka si gacanta loogu dhigo goboladaas, iyadoo dagaalkaas loo adeegsanayo xoogag isugu jira walaalo loo yaqaan nabad iyo deris iyo kuwo kale oo u dhashay deegaanada dabka lagu qabanaayo.

Marka afaraad, ujeedada ka dambeysa sameynta maamulka lagu magacaabay Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxay aheyd istaraatiijiyad looga soo sifeyn doona samaalaha Jubbooyinka Hoose/Dhexe iyo Digilka iyo Daamaha dago Sh/Hoose.

Marka shanaad, shirku wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay noociisa oo ay rag ka kala socda beelaha aan isaga sokeynin soomaalinimada ku heshiiyaan maamul ka yar Qaran iyo qabsasho dhul, iyadoo aan loo eegin cidda dagan ( cidda leh)

Talaabadii ugu horeysay ee fulinta shirkii Ceel – Barde waxay aheyd dagaalka lagu qaaday dhawaan gobolada Koonfureed kaasoo loo huwiyay magaca SRRC, iyadoo aan loo turin mabaadii’dii SRRC ee Nabad ku raadinta Qarankii Soomaaliyeed. Dagaalkaas oo ay ku halaagmeen naf iyo maalba deegaanada u dhexeeyay Kismaayo, Bo’aale iyo Xaramka.

Inkastoo dhinacyadii ku dagaalamay ay soo gaartay khasaaro badan , haddana dagaalku wuxuu ahaa guuldaraddii ugu horeysay ee soo gaartay shirkii Ceel – Barde. Su’aashu waxay tahay SRRC oo aan u dhameen go’aanka iyo falkaba, maxay isugu TIRTAY eedda dagaalka oo ay u hubin weyday ifafaalaha guusha dagaalka? Illeyn waa tii la yiriye “ guul-dagaal waa gacanta dambe”mid ka mid ah dukumeentiyadii rasmiga ahaa ee shirkii Ceel-Barde wuxuu ahaa dastuurkii loo dajiyay waxa shirku ku sheegay dowladda K/Galbeed.

Dastuurku wuxuu ka kooban yahay 21 bog oo nuxurka ah, 2 bog oo hordhac ah iyo labo lifaaq oo kala ah calan loogu talo galay dowladda K/Galbeed iyo khariiradii lixda (6) gobol ee Koonfureed ee laga hadlay marka horaba ishu waxay ku dhaceysaa calanka ku sawiran bogga koowaad, wuxuuna ka koobmaa labo midab oo midka kore cagaar yahay, xiddiga lix (6) ahna ku yaalaan, midka hoosane yahay buluug xiddig dhexda kaga taalo oo loo garanayo in loola jeedo calanka Qaranka Soomaaliyeed.

Marka horaba qofka waxaa ku dhalanaya su’aal ah horta calanka Qaranka maxuu ka joogaa, maxayse tahay mudnaantiisa? calanka waa astaanta aqoonsi ee madaxbanaanida Qaranka Soomaaliyeed iyo sharafta uu huwan yahay ee lagu dhowro qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu ka joogo dunida barrigeeda, cirkeeda iyo badeedaba. Wuxuu ka mudan yahay qof kasta oo Soomaali ah u istaagid,dhowris, qadarin iyo u dhimasho marka ay joogto ka daafacaadiisa cadow ku tacdinayo mudnaantiisa. Iyadoo ajnabigana midab kasta ha lahaadee, meel kastase ha joogee uu ku leeyahay inuu ku qadariyo ahaanshahiisa Soomaaliyeed.

Shirku ma siinin Calanka Qaranka mudnaantiisa waayoo waxay ka kor mariyeen mid iyagu sameeyeen oo ay ku xaqiijinayeen dantooda gobolo goosiga ah. Arrintan oo ah ihaano bareer ah oo loola jeeda Qaranimada iyo Soomaalinimada, waxaa ku kacay mas’uuliyiintii ku shiray Ceel-Barde iyagoo wax walba ka hormariyay rabitaankooda waxa u muuqda gobolo goosiga. Iyadoo maamul u sameysiga dhul dad kale leeyahay ay tahay wax dhib badan keenayo, ayaa haddiiba ay kala fursan weyday waxay heli kareen inay kor mariyaan qeybta u muuqata in loola jeedo Calanka Soomaaliyeed amaba ay sameystaan mid leh midabo kale, ma yeeline qancinta naftooda ayaa la tagtay raga. Dhaqaaqaas (falkaas) wuxuu cay iyo quursiba ku yahay Soomaalinimada.

Arrintan oo kalana Soomaali baa hore uga maah-maahday: “ Nin ay bar u caddahay bar ka madow” ama “waraabuhu bidhaanta ariga maahane, bowdka ka sokeeya ma arko”

Faqradda saddexaad ee hordhaca dastuurka waxaa lagu xusay inay jireen ururo hubeysnaa oo awood isbiday oo ku duulay gobollo aanay laheyn. Waxaana la magacaabay lixda gobol ee shirku u go’aamiyay in looga gooyo dalka intiisa kale .

Maamulka lagu qorsheeyay Ceel-Barde waxaa la raaciyay ereyada ah “ iyo weliba kuwo kale, si ay u bililiqeystaan” hadaba, haddii hadalkan loola jeedo ururkii USC oo asagu riday taliska bahalka ahaa oo cid ku dhacda la waa, barigaana bareerka USC loo arkayay mucjiso la yaab leh, waxaan ka leenahay hadaladaas USC waxay dagaal la gashay ( ridistiisii iyo soo rogaal-celintiisaba) taliskii dadku sida xaqa ah u nacay iyo kuwii uu adeegsanayayba marka laga reebo gobolada Ex – Jubadda Sare oo laba laga xureynayay soo rogaal celintiisii midna raacdadiisii lagula dulmaray, gobolada kale ee Dhexe Banaadir iyo Koonfureed waxay ahaayeen kuwo u gaar ah USC iyo kuwo lala dago.Hase yeeshee ay USC garbaha u ridatay xilka xureyntooda marka laga reebo howlgalkii xureynta ee gobolda Dhexe iyo Banaadir.Dagaalkii iska rogidda soo rogaal-celinta taliskii Afweyne, wuxuu USC ku qaatay labo sano oo kala ahaa 1991-1992-dii. Intee la’eg baa wiil iyo xoolaba ku baxay, waxaa un isweydiin kara qofkii damiir leh.

Raga ku shiray Ceel-Barde ee xaganaya cid kale, horta iyagu ma wadaagaan isir ka sokeeya Soomaalinimo? Urur siyaasi ah ama hubeysan oo wax tar leh ma wada ahaayeen mase waxay ahaayeen qaar ku dhashay xamaasadii xureynta ee USC? Haddayse qaarkoodii iska un sacbiyay sida umushii iloobi og yihiin waxtarkii USC u laheyd, ma waxay sidoo kale ilaaween waxyeeladii ay u geysteen kuwa ay hadda u sacbinayaan? Illeyn maah-maah baa aheyd “Yeela waa iloowaa, la yeelase ma iloowo” waxaase ka daran inay goobjoogayaal shirka ka ahaayeen kuwo u dhashay dadweynaha taageera USC. Si kastaba, waxaa la yiri “ Ciirtaada dhame ayaa caydaada yaqaan”.

Marka ay joogto halkaasi, ma inkarsanin in ay jireen khaldaad oo meel howli ka jirto buu khalad ka dhacaaye. Mase aha wax lagu iloobi karo wanaagii badnaa ee USC.

Faqradda afaraad ee isla hordhaca waxaa lagu sheegay in UNOSOM ay dhisi laheyd dowlad Qaran. Tanina waxaan ka niri ---- waxaa idiinku yar isku kalsoonaanta, waxaana idiinku badan shisheeye jaceylka iyo sokeeye naceybka. Shisheeyaha ma ahayn inay dowlad u dhisaan haddaadse ka sugeyseen soo celintii rejiinkii hore --- iska raali ahaada “ Canbuula gubatayba ragbaa ka samraye”!!!. Haddaadse ula jeedaan maxaa loola dagaalamay UNOSOM? --- waxaan leenahay dagaalku wuxuu ka dhacay guriga USC oo Xamar ah ee USC kuma duulin Gaalo joogtay gobol uu deganyahay mid ka mid ah ururadiina.

Bogga labaad, qodobka labaad, lambarka labaad, xarafkiisa ‘J’ waxaa lagu muujiyay hees lagu sheegay inay tahay --- waa sida loo qoraye --- heesta Dowlad goboleedka K/galbeed. Heestu waa mid quruxsan oo qiiro badan waxayna ku qoran tahay af Soomaaliga Mayga ah, waxayna u dhawaaqeysaa sida tan:-

“ Ay tirinee magaageen isli tirinooy” xaasha! Waa fiican tahay, maxaase keenay in cid gurigeeda joogta ka baqdo magac-tiran ? mase dhab baa in intiina ku shirayo Ceel-Barde aad isla tiirin doontaan wax un , magac waaba weyn yahaye !?. markase laga reebo ururka RRA, ururada kale ee heestan ku qaaday af Soomaaliga “Mayga” ma ka daacad baa mase waa ka sasabasho iyo munaafaqeyn?. Si kastaba, waa qadarinta aan u heyno walaalaha Mirifle darted ayaan si niyad samaan ah kusoo dhaweyneynaa heesta maadaama ay ku luuqeyneyso lahjada “ Mayga”

21ka bog ee soo koobaya dastuurka Ceel-Barde waaxa kusoo noq-noqonaya ( aan nadir ku aheyn) ereyga “DALKA” oo ka horeeya ereyada dowladda Koonfur Galbeed. Marka la eegana u akhrismaya DALKA DOWLADDA K/GALBEED. hadaba raga qortay “DALKA” ma waxay isku khaldayaan ereyada DAL iyo GOBOL, mase dhimbisha ku duugan dambasta baa ah goyn lala damacsan yahay gobolada koonfureed ?.

si kastoo ay tahayba, DAL waxaa la yiraahdaa dhul in kastaba halla ekaadee leeyahay daganyahayne dad heysta madaxbaani qarannimo waxaana lagu yaqaanaa inuu ka kooban yahay gobolo soohdimo la leh qaranno kale. Haddiise xittaa shirkii Ceel-Barde uusan kala qeexi Karin DAL iyo GOBOL, amaba loola jeeda goyn sida aan tuhmeyno, ma gobolada Sh/hoose ee Digil / Daame, Jubbada Dhexe/Hoose waxaa goynayo dad aan deegaan u laheyn ?. maxayse ku sacbiyeen kuwo daga ee shirka ka qeyb galay? Haddiise ay dhacdo miyaanay ogeyn inay maanta sacbinayaan,berrina marti ka noqonayaan waxii la sheegto!

Bogga afaraad, qodobka 5-aad, lambarkiisa koowaad – waxaa looga hadlay xuquuqda qofka sida “ inaan qof kasta lagu takoori Karin isirkiisa, siyaasadiisa iyo fekerkiisa” iyadoon aan shardi looha dhigin in marka hore qofku soomaali yahay --- hadaba sidee bay ka noqotay raga qoray dastuurkan, mase waa ay ula kaceen in shisheeye iyo sokeeyaba u sinmaan xuquuqda ay ku lahaanayaan dhulka Soomaaliyeed? Maxaa kallifayo in dhulka Soomaalidu noqdo jinni-ku-leh aadanaha oo dhami u dhaxeeya? Sow ma aha meel ka dhac iyo dhaawac loo geystay dhul Soomaaliyeed oo mudan in la dhowra lana dhunkooda ciidiisa iyo geedkiisaba.

Bogga 8-aad, lambarkii 5-aad, xarafkiisa “B”. shuruudaha xubinimada baarlamaanka waxaa ugu horeeya in qofku yahay (sida loo dhigay) MUWAADIN dalka K/Galbeed. --- sida eraygii DALKA oo kale, raga qoray dastuurkan waxaanay isweydiin muwaadin waa kuma iyo waxa ay kala yihiin qof muwaadin ah iyo mid gobol ka mid ah dalka u dhashay. qof si loogu yeero muwaadin waxaa ugu filan inuu Soomaali u dhashay, markiise lasii xijinayo meel gaar ah oo ka mid ah dalweynaha Soomaaliya, iyadoonay shaki ku jirin waddaninimadiisa ayaa loogu yeeraa qof ku dhashay ama ku dhaqmay gobolka laga hadlayo.----hadaba, oraahaha “ DALKA KOONFUR GALBEED” iyo “ MUWAADIN DALKA K/GALBEED” waa ujeedada xun ee shirkii Ceel-Barde ee gobolo goosiga ahaa.

Bogga 12-d ee dastuurka waxaa ku qoran in madaxweynaha gobolada Koonfureed yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida . marka hore waxaa naga su’aal ah maxaa loo yaqaan ciidamada qalabka sida? Yaase iska leh Naaneysta Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ?. ciidamada qalabka sida waxaa loo yaqaan amaba uga badan Militariga Qaran yeesha, mas’uuliyadiisana tahay A)- ka daafacidda cadowga kusoo gardarooda Dhulka,Cirka iyo Badda iyo B)- xasilinta xaaladda nabadgelyo xumi ee gudaha dalka haddii dowladda Qaran ugu yeerato sidaas.

Qeyb ka mid ah dalweynaha Qaran ee haysto ismaamul hoosaad ( waa haddiiba ujeedada shirka Ceel-Barde sidaasi tahaye). Wuxuu yeelan karaa Boolis goboleed oo xiriir wada shaqeyn la leh Boolis Qaran. Taliyaha gudd (sare) ee ciidamada qalabka sida waa madaxweynaha Qaranka ee Nin (Naag) ka madax ah is maamul goboleed ma aha.

Bogga 16-d, qodobka 24-d, faqradda 2-d, waxaa lagu cadeeyay in “dowladda K/Galbeed ay u xilsaaran tahay dib-u-habeynta iyo xadeynta tirada gobolada iyo degmooyinka Dalka”. ---- hadaba tirada gobolada iyo sida dhulka loo kala racinayo gobolada Dalka waa istaraatiijiyad Qaran waxaana lagu saleeyaa danaha Siyaadda/Dhaqaale ee Qaranku ka leeyahay deegaanada hadba arrintu khuseysa. Maxaase loola jeedaa ereyga dib-u habeyn ?. ma Qaran hadda la abuuray baa saxaya khaldaad uu horay u galay Qaranka Soomaaliyeed ? mase, raga ku shiray Ceel-Barde ayaa rabitaankooda gaar ahaaneed dartii kala garan waayay awoodaha ay kala leeyihin Qaran iyo is maamul goboleed hoose?Ugu dambeyntii sida la wada ogyahay Koonfurta dalka waxaa ka jira rururo ay taageeraan dadka deegaanka.Bogga 20-d ee dastuurka, qodobka 33-d faqradiisa 3-d waxaa lagu qoray “in la laali doono ururada ka jira Dalka K/Galbeed” hadaba laalidda ururada deegaanadaas ee aan ka mid aheyn shirka Ceel-Barde, sow ma aha shirka waxaa loogu unkay siyaasadcolaadeed isla markaane lagu abaabulay dagaal lagu hoobto laguna milki guuriyo deegaanada Jubbooyinka iyo Sh/Hoose. Kii ugu horeeyay dagaaladaane waa kii lagu halaagmay ee dhawaan dhacay oo loo huwiyay afarta xarfood ee SRRC.

WAXAA WARKAN NA SOO GAARSIIYEY URUR KA MID AH S.R.R.C.

GuuleedPress LINKS

Image by GuuleedPressOnline

Somali Links

Xiriiryo Muhiim ah

SOOMAALI GALBEED.COM

QORAXAY.COM

SOMALIWEYN.COM

COPYRIGHT(c)2001-2003 GUULEED PRESS ONLINE, INC, ALLRIGHTS RESERVED.