Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Dharbaaxyeyn



Ma garan la' dahay waxaad sameyso oo waxaad u diyaar garowday dharbaaxyeyn in aad ku jawaabto? Haddii xaalkaagu halkaas marayo, bal is weydii in aad si daacadnimo leh ugu kuurgashay, habab kale oo lagu edbiyo caruurta/ ama weydii qof ka mid ah saaxiibadaada ama qoyskaaga amaba talo u doono shaqaale xirafadiisu tahay edaabta caruurta. Ogoow dariiqa keliya ee lagu bedalo dhaqanka caruurta waa adigoo raaca habka dabci wanaajinta. Waa hab ahmiyad saaraya dhaqanka saxa ah: Tusaale ahaan, marka ilmahaagu sameeyo ficil sax ah, farta ugu fiiq, adiga oo ku amaanaya. Waa iska sahal in aan lagu baraarugin marka ilmuhu sameeyo ficil wanaagsan. Dad badan baana ficilkaas u cintiraafsan mid awalba laga filaayey. Hase ku khatalmin in aad rumeysato in caruurtu ku dhalato oo iskaba taqaanno dhaqanka toosan.

Bal u fiirso sida dadka waaweyn u macaamilaan: Ka soo qaad qof Madax u ah shaqaale, marka uu doonayo in shaqaalaha mid ka mid ah uu shaqadiisa sida ugu wanaagsan, uguna wax soosaarka badan u qabto oo uu yeelo sida uu doonayey wuu amaanaa shaqaalahaas, wuxuuna u fidiyaa abaal marin lacageed ama maalin fasax ah. Ma u maleyneysaa in shaqaalahaasi uu hawsha u wadi doono sidaas wanaagsan? Haah, waa sidaas caruurtuna, waxey doonayaan in la abaalmariyo. Hadaba, soow ma wanaagsana in aad cintiraafto in aad tahay madaxii shaqaalaha, oo abaalmarin badan siiso caruurta si ay u hiigsadaan uguna barbaaraan dhaqanka wanaagsan ee aad la jeceshahay.

Waxaa diyaariyey- Cheryl G., MS, Licensed Professional Counselor
Waxaa Turjumay: Awale Ahmed