Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Dhamaan qaxootiga yimid dalkan Australia waxey qoyskooda la doonayaan in ay bilaabaan nolol cusub oo nabad iyo caafimaad leh. Dabcan waxay maskaxdaadu is weydiineysay su'aalo fara badan markii ay diyaaraddu kula soo caga dhigatay dhulka Australia?

Gabar: Ma ku faraxsanan doonaa halkan?

Nin: maku noolaan karaa oo isku bixin karaa halkan?

Gabar: Sidee baan ku iloobaa xaaladiihii adkaa ee i soo maray?

Nin: Shaqo ma heli doonaa?

Gabar: Jawaabtu waa Haa walaal halkan nabad iyo caafimaad waad ugu nolaan kartaa, Haa waana aad ku faraxsanaan kartaa halkan.

Nin: Haa adiga iyo qoyskaaguba nolol caafimaad leh ayaad ku noolaan kartaan halkan (insha'allah). Waana aad maareyn kartaa xaaladaha adag ee kula gudboonaada.

Waxaa jira dariiqyo badan oo la raaco si aad u gaarto himiladaada sida helista shaqo iyo guri. maanta waxaan jecelnahay in aan kugu caawinno helitaanka dariiqa aad u mareyso caafimaadka wanaagsan. Dariiqa Caafimaadka wanaagsan, waa magaca barnaamijyo taxane ah oo ka kooban 8 qeybood waxaana wada jir kuugu soo diyaariyey NSW Health Refugee Service, NSW Multicultural Communication Service iyo Raadiyaha codka Soomaalida ee Sydney.

Kaalay aynu qaadno dariiqa ilaalinta Caafimaadka wanaagsan(The road to care for your Health).

Music....

barnaamijyadatan waxaa loogu talagay NSW. Qeybtan 1aadna waxaan ku soo qaadeynaa Aambulaanis iyo Turjumaanada.