Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Xaaladda Qaxootiga ayaa tan iyo sanadkii hore sii xumaaneysay dalkan Australia, Dadka magangelyada dalbanaya ayaa si aan kala go'laheyn ku soo galaayey xeebaha dalkan Australia iyagoo doomo kaluumeysi ku soo galaya kagana soo safraya wadamada Aasiya, gaar ahaan dalka deriska ah ee Indoniisiya. Safarkan isbiimeynta ah ayaa noqday mid khatar badan maadaama lagu safrayo doomo kaluumeysi oo aan ka bixi karin shuruudaha safarka badaha. Doomaha nuucakan ah waxey sabab u noqdeen dhimashada dad fara badan oo ay ku jiraan caruur iyo dumar. Dhowr doomood oo tahriibayaal la ciir-ciireysa ayaa badda ku rogmaday oo ay ka badbaadeen tiro aad u yar oo keliya. Markii intii badbaaday ay soo gaareen xuduudada dalkan, Natiijada waxay noqotay in ay buuxiyaan xerooyinka Immigration-ka ee dadka dhaqdhaqaaqooda lagu xanibo. Dadkani waxey u badan yihiin dad asal ahaan u dhashay wadamada carabta iyo Afganistaan.

Magangalyo-doonkaas culeyska iyo ciriiriga ay kala kulmeen xerooyinka ay ku jiraan ayaa sababtay in dhowr jeer ay rabshado ka qarxaan. Rabshadahaas oo warbaahinta lagu baafiyey ayaa sababay in dad badan oo Australian ah ay ku baraarugaan nolosha taalla xeryaha lagu hayo dadka. Iska hor-imaad dhaawac sababay oo u dhexeeya shaqaalaha xerooyinkan iyo qaxootiga ayaa dhowr jeer ka qarxay xerooyinka ugu waaweyn sida Woomara oo ku taal Koofurta Australia iyo Port-Hedland oo ku taalla Galbeedka Australia. Todobaadkan 22 qof oo mid tahay dumar kana qeyb-qaatay iska hor-imaadyada nuucakan ahaa ayaa loo taxaabay xabsiyo ku kala yaalla Galbeedka Australia. Waxaana dacwada ku soo oogay Immigration-ka. Dowladda oo muujineysa sida ay uga xuntahay dadkan muruqsiga ku soo galaya dalka ayaa isku mashquulisay sidii ay ugu soo rogi laheyd sharciyo cusub. Sharciyadaas oo la xiriira deganaanshaha iyo xuquuqda ay yeelanayaan dadkan magangalyo doonka ah. Dabayaaqadii sanadkii dhowaa ayaa la meelmariyey nuuc fiiso cusub oo la yiraahdo TPV(fiisada magangelyada ee ku meel-gaarka ah). Fiisadan ayaa waxey ka xayuubisey qaxootiga cusub xuquuq badan oo aasaasi u ah noloshooda cusub ee Australia oo ay hore u heli jireen kuwii iyaga ka soo horeeyey ee magangelyada helay. Xuquuqda ay luminayaan oo aanay noo saamexeyn in aan maqaalkan ku faaqidnno ayay ka mid tahay in qofka la siiyo aanu dalban karin xubnaha kale ee qoyska ama xaasaskooda inta ay fiisadan heystaan iyo weliba fiisadan oo muddo go'an soconeysa, dabeedna in aan la cusbooneysiinin ay suurto gal tahay.

Xaaladaha dhibka badan ee la xiriira qaxootinimada oo aad iskugu miliqsan ma ahan mid halkan lagu soo koobi karo. Hase yeeshee Mowduucan ayaa ah mid waayahan si isdaba joog ah ugu soo noqnoqday warbaahinta dalkan, waxayse cirka isku shareertay markii nin u dhashay dalka Bakistan oo dalabkii qoyskiisa ay wasaaradda socdaalku diiday uu jirkiisa dab ku qabadsiiyey bishii March baarlamaanka wadankan hortiisa.

Ninkaas wuxuu doorbiday in uu muujiyo heerka qalafsanaanta uu gaaray xaalkiisu oo uu arkay mid aan la qaadan karin. Natiijadii waxey noqotay in uu haligo naftiisa, dhaawacyadii dabka oo saameeyey jirkiisa boqolkiiba sideetan ayuu todobaadkan u naf-baxay, waxeyna noqotay ficilkiisu mid uu ku bixiyey wixii ugu qaalisanaa taas oo aheyd naftiisa. Waxaa la sheegayaa in ay aheyd sababta Immigration-ku ku diiday dalabka qoyskiisa mid ka mid ah caruurtiisa oo aan ku dhalan caafimaad qab, oo dowladdu ka cabsi qabto lacag badan in ay ku bixiyaan daaweynteeda.

Arimaha kale ee la xiriira marxaladaha qaxootiga oo warbaahinta dalkani ka hadashay ayey ka mid tahay gabar Soomaali ah horena ugu jiri jirtay xerada Immigration-ka ee Villawood oo maxkamad la koreysa Dowladda wadaagga ah iyo maamulka rugtii ay ku xereysnaan jirtay, waxaa arinkan laga soo xigtay qareenka gabadha Soomaalida ah.

Ruqiya Mohamed ayaa sheeganeysa in madaxa dhaawac ka gaaray ka dib markii sarkaal ka mid ah shaqaalaha xerada Villawood uu weerar kedis ku qaaday April sanadkii 1998. Ruqiya oo xag bini'aadnimo degenaansho lagu siiyey kal danbe Waxa laga weriyey in weerarkii lagu qaaday uu ku reebay jahawareer wata dhibaatoooyin xagga maanka ah.

Dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka Australia ay ka dab-qaadato ayaa todobaadkan ceshan kari waayey colaadda buux-dhaaftay ee loo qabo laajiyiinta ku xidideystay wadanka asalkooduna ka soo jeedo Aasiya iyo wadamada Kareebiyaanka. Waxey dhalisay colaaddii kartay in hub, dab iyo dhagaxba leysku adeegsado gudaha xaafado ka mid magaalada London, iyadoo weero laba safle ah leyskugu soo baxay. Hurgumadaas cunsiriyadda iyo kala sooca ku saleysan ayaa la qiyaasayaa in ay sii huriyeen doorashooyinka ka dhacaya dalka Ingiriiska horaanta bisha soo socota ee Juun. Halkan Australia-na bal waa loo joogaa waxa ay dhasho doorashashada soo dhaw.