Shirkada Isgaarsiinta ee magaalada Gaalkacayo iyo nawaaxigeeda "GALKOM" waxay kuu balanqaadeysaa howlaha isgaarsiinta soo socda;
Shirkadu waxay shaqada ka bilowday magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug, Somalia, sanadkan dhexdiisa(September 1997).
Magaalada Gaakacayo waa magaalo taariikh weyn ku leh wadanka soomaaliya, iyadoo ah magaalo ganacsi oo isku xirta Waqooyi iyo Koonfurta wadanka,
iyo weliba wadanka Ethiopia. Waxaa intaa u sii dheer iyadoo magaaladu leh gegi diyaaradeed oo caalimi ah, sidaad daraadeed ganacsatada
magaaladu waxay xiriir ganacsi la leeyihiin wadamada UAE (Abu-dubai, Dubai etc.), Saudi Arabia, Djibuti, and others.
Hadaba arimahaas awgood ayaa waxaa badatay baahida ay daweynaha magaaladu u qabaan isgaarsiin gudaha iyo dibadaba. Hadaba shirkada iyadoo ka
jawaabeysa baahidaas ayay howsha telefoon gelinta ka bilowday magaalada Galkacayo, waxayna ku tala jirtaa in ay daboosho baahida isgaarsiineed.
Shirkada GALKOM waxay dadweynaha magaalada Gaalkacayo iyo nawaaxigeeda ugu bishaaraynaysaa in qof walba oo
magaalada degan uu ka heli karo shirkada khad telefoon ama taleefonka gacanta.
Sidoo kale,, Waxay shirkada GALKOM ugu bishaareynaysaa dadweynaha degan magaalooyinka iyo tuulooyinka ku dhow magaalada
Galkacayo sida Goldogob, Bardacad, Buuryo Qab, Burtinle, iyo kuwa kaleba in ay ka bilaabi doonto shaqada teloofoonad gelinta guryaha iyo rugaha ganacsiga.
Shirkadu waxay filaysaa in ay howsha telefoonada bilaabidoonto dhawaan.