Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Government
Internet
Travel
Shopping
Health
Business
Education
Organisations
Women
NewsLinks
SOMALI e-JOURNAL

News Headline
  • Somali grocers get support from lawmakers on food-stamp sanctions
  • Intl. Commission Hands Down Ruling on New Border Between Ethiopia, Eritrea
  • Death Sentence for Al-Ittihad "Terrorists"
  • Swiss order asset freeze on Islamic charity
  • Clans And Guns - A Deadly Combination in Somali Chaos
  • Amnesty: U.S. Is a Haven for Torturers
  • Commission on human rights continues debate on the violation of human rights around the world
  • Cholera Kills at Least 50 in Somalia
  • First teacher training college opens in Somalia in more than a decade
  • Closure of Remittance Company Averted
  • Terms for Reconciliation Talks Established
  • 12 Dead in Cholera Outbreak
  • Integrated Regional Information Networks
  • Ethiopian court convicts Somalis for bombings
  • Somalis give back flag, seal
  • Taking War On Terrorism a Step Too Far
    More Somali News ..

    Daraasaad


    Casharka Diinta Islaamka
  • Su'aalo iyo Jawaabo
  • Waydii Su'aal
    Baro Caqiidada Islaamka
  • Iskajir Kooxaha Lunsan
    Baro Fikirka Muslimiinta
  • Fikirka Muslimiinta(1)
  • Fikirka Muslimiinta(2)
  • Fikirka Muslimiinta(3)
  • Fikirka Muslimiinta(4)
  • Fikirka Muslimiinta(5)
  • Fikirka Muslimiinta(6)
  • Siyaasadda Muslimiinta
  • Muslimow Magacaa Ba'
  • Dibudhaca dunida Islaamka
    Kooxaha Muslimiinta
  • Taariikhda Wahhabiyada(1)
  • Taariikhda Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(1)
  • Caqiidada Wahhabiyada(2)
  • Caqiidada Wahhabiyada(3)
  • Caqiidada Wahhabiyada(4)
  • Al-Ittixad Al-Islami(1)
  • Al-Ittixad Al-Islami(2)
    Dhaqanka iyo Hiddaha
  • Tacliinta Soomalida(1)
  • Tacliinta Soomalida(2)
  • Tacliinta Soomalida(3)
  • Dhaqanka Soomaalida
    Qoraallo Free ah
  • Assalafiyah al-Wahhabiyah
  • Kalila iyo Dimna
  • Kitab at-Tawxiid(so)
  • Al-Caqiida Al-Daxawiyah
  • Tafsiir Asma-ullah
  • Muatabat An-Nafs
  • Hujaj Al-Qur'an
  • Mowduucan hadda kala munaaqashoo Dr. Hersi!

    [SEJ Cadadka Toddobaadkan 31.03.2002]

    XALKA SIYAASADDA GURRACAN EE SOOMAALIA!
    Dadaalkii Kooxda Carta oo noqday (Hal Bacad lagu lisay)!
    Soomaaliya Siyaasaddeedu maalinba maalinta ka dambaysa way ka sii deraysaa oo waxay la soo baxaysaa waji cusub oo kii hore ka sii foolxun. Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan: 1. In shirkii Kenya maalmahan laga qabanqaabinayay uu fashilmay ama fashilmid ku dhawyahay! 2. In kooxdii Carta lagu soo doortay ee laga filayay in ay wax hagaajiyaan ceebohoodii soo baxeen oo ay la mid noqdeen dagaaloogayaasha Muqdishu. 3. In Goballada Soomaaliya qaar ka mid ah ay sii goosanayaan sida aan ka maqalnay go'aanka Shaatiguduud ee ku saabsan goballada Bay iyo wixii la xiriira.

    DHALANTEEDKA KADAMBEEYA DHIBKA SOOMAALIA
    Dhibaatada Soomaaliya waxay salka ku haysaa dhalanteed ay aaminsanyihiin soomaalida qaar ka mid ah waxaana ka mid ah:

    1. Qabqablayaasha Habargidir iyo Abgaal oo aaminsan in ay ayagu dalka kaligood leeyihiin soomaalida Inteeda kale kooyto tahay. Tusaale haddaan soo qaadanno 1991kii kolkii xukunkii Siyaad barre dhacay, USC waxay raadiyayaasha ka sheegeen in dalka uu xukumi doono (Hawiye-wayne) qabiil ay u baxsheen, Cali Mahdi ayayna Jabuuti ku doorteen ayaga oo aanan la tashan kooxaha kale ee ama reer bariga ah ama reer waqooyiga ah.

    2. Soomaalida Inteeda kale oo aaminsan in dalku yahay mid loo dhanyahay ayna habboontahay in lagu wada noolaado. Waxaa iska cadayd in aanay arrintaasi u cuntamayn soomaalida inteeda kale, sidaa darteed isla markiiba waxaan maqalnay go'aanka reer waqooyiga ee ahaa in ay dowlad madax bannaan noqdeen lana baxeen Somaliland, waxyar kabacdina waxaa gobal madax bannaan ku dhawaaqay Puntland.

    3. Siyaasad xumada iyo waayaaragnima xumada qabqablayaasha reer koofureed siiba kuwa Habargidir. Masiibada saddexaad ee aasaaska u ah dhibaatada soomaaliya, waa in ay kooxihii USC boobeen hantidii dowladda iyo tii dadwaynaha intaba kolkii ay dalka qabsadeen, taas waxaa ka sii daran intaas kuma aysan simane, in ay isku deyayaan maalin kasta in ay dambiga burburka soomaaliya u saarshaan Cigaal, Cabdirashiid iyo Siyaad barre ayaguna ay iska dhigayaan dad aanan waxba hallayn.

    MAQAAL LAYAAB LEH!
    Waxaan akhriyay, maalin dhawayd maqaal uu qoray nin isku sheegaya in uu yahay aqoonyahan, ninkaasi wuxuu soomaaliya ka sheegay waxyaabo badan oo dhammaantood khalad ahaa, isla markii aan akhriyay ayaan doonay in aan u jawaabo, hadana waxaa ii caddaatay in uu ninku yahay maangaab aanan mudnayn in loo jawaabo, kolkaas baan iska daayay, laakiin hadda maadaama aan waqti haysto waxaa quman in aan wax ka taabto dhalanteedkii uu ninkaasi ku qoray maqaalkiisa lagu fidshay joornaalka AYAAMAHA bishii la soo dhaafay.

    Tusaale ahaan, wuxuu yiri:
    Soomaaliya dhibkeeda waxaa ka dambeeya talisyadii Ibraahim Cigaal, Cabdirisaaq iyo Siyaad barre!! Wuxuu xujo ka dhiganayay in ay talisyadaasi dulmi ahaayeen oo xoolaha iyo shaqada wanaagsan la siin jiray dadka madaxdaas xigtadooda ah.

    Waxaa ii caddaatay kolkii aan hadalkaas u fiirsaday, in uusan ninku siyaasad waxba ka aqoonin, maxaa yeelay, sida la wada ogyahay, dowlad caadil ah ma jirto, tan kale dowladaha uu sheegayo kolka Ina Siyaad Barre laga reebo, waxay ahaayeen dowlado la soo doortay, waxayna kolleyba u adeegayaan kooxdii maajooritiga ahayd ee soo dooratay, adduunka dhan ayaana taas laga yaqaan ee Soomaaliya oo kaliya kama dhicin.

    Dowladdii Siyaad Barrena waxay ahayd dowlad Milatery, waagaas wixii ka taliyay adduunka siiba Afrika ayaa sidaas ahaa, sidaas ay tahay, dowladdaas millateriga ah xumaan iyo samaan intaba way lahayd.

    Intaas kolkii uu ka gudbay ayaa qoraagu u soo laabtay dantii uu maqaalka ka lahaa.
    Illeen Shaydaanka Iskama naarine, wuxuu billaabay in uu ammaan u jeedsho qabqablayaasha iyo dagaal oogayaasha Muqdisho, oo uu xataa qaarkood ku magacaabay in ay yihiin (Halyeeyo baal dahab ah ka galay) taariikhda Soomaaliya!!

    Alle iyo nabi toona ma xusine! halkaas kolkii uu marayay ayuu ceebtiisa ogaaday kolkaas buu doonay in uu is qarsho, kolkaas buu duco iyo allbari aanan loo joogin galay asiga oo u ducaynaya kooxaha boobka dalka ku haya ee ay madaxda u yihiin dagaal oogayaashu.

    Warkana markii horeba uma fiirsane, meeshaas buu intuu ka booday, ayuu u gudbay in uu waaniyo dadkii boobay xoolihii dowladda iyo dadwaynaha oo ku wacdiyo in ay xoolihii ay boobeen soo celshaan oo dadkii ay dhulka iyo guryaha ka dhaceen u soo celshaan hantidoodii.

    GARAADYARIDA QORAAGA IYO WAAYA ARAGNIMA XUMIDIISA
    Kolkii aan u fiirsaday warkiisa waxaa ii caddaatay in uusan qoraagu wax waaya aragnimo ah u lahayn siyaasadda Soomaaliya iyo dhaqanka iyo hiddaha dalkaas. Tusaale ahaan waxaan arkay in uu ku riyaanayo in soomaaliya dib u midowdo oo waliba xamar laga maamulo ayada oo dowladda hal qabiil madax ka yahay.

    Waxaa ka mid ahaa waxyaabihii uu ku riyoonayay, in dadkii soomaaliya ka qaxay dib loogu celsho meelihii laga qaxshay xoolihii laga boobayna dib loogu soo celsho! Ayaguna ay Muqdishu ku soo laabtaan oo halkaas dib u degaan.

    Caqlixumadiisa, wuxuu u malaynayaa in nin Reer Waqooyi ah oo shalay dukaankiisii iyo gurigiisii la bililiqaystay Xamar dib ugu soo laabanayo maanta, ama nin reer Bari ah ama nin kale oo Reer Hiiraan ah ama reer baydhabo ah iwm.

    Waxbuusan garane, dadkaasi ama way dhinteen ama waxay u qaxeen dalka dibaddiisa, haddii xataa ay wali joogaan goballada dalka meelo ka mid ahna imaan maayaan oo Muqdishu u soo laaban maayaan. Karog oo laba saar, kaba soo qaad in ay dadkaasi waasheen oo Muqdishu ku soo laabteen, ma kula tahay abwaanow in tuugadii shalay xoolahaa boobtay maanta soo celinayaan?

    GARAAD LA'AANTA REER KOOFURKA KA HAYSATA QIIMAHA MIDNIMADA UMMADDA SOOMAALIYEED
    Reer koofur oo dhan runtii uma jeedo, ee waxaan u jeedaa kooxaha hubaysan iyo madaxdooda Muqdisho iyo agagaarkeeda ka talsha, siiba dagaaloogayaasha, oo aanan garanayn qiimaha ay leedahay midnimadu una malaynaya in Cali Mahdi ama Xuseen Caydiid ama Boot iwm ay kaligood qaran dhisi karaan.

    Tan labaad, xataa haddii ay dhacdo in ay reer Muqdishu dowlad noqdaan, ka dhammaan maayaan dalka intiisa kale, maanta waxaan arkaynaa in Shaatiguduud goostay gobalkii qabiilkiisa, Reer Bari iyo Reerwaqooyina shalay bay goosteen, berrina kuwo kale ayaan maqli doonnaa.

    Marka bal aan iswaydiinnee yaa dambiga burburka Soomaaliya ka mas'uul noqonaya, ma Cabdirashiid cali sharmaake iyo Cabdirisaaq iyo Ibraahim Cigaal iyo Siyaad bare mise Abaanduulayaasha maanta dalka bililiqada ku haya, mise idinla tahay in eedayn aad u soo jeedisaan madaxdii hore ee dalka ay maanta dowlad reer Muqdishu u soo dhisayso?

    TAGTO DAAYE TIMAADO OGOW
    Haddii aan dib ugu laabto, maqaalkii cajiibka lahaa, ee eedaynayay Ibraahim Cigaal iyo Cabdirisaaq iyo Siyaad Barre, una ducaynayay Xuseen Bood iyo Qanyare iwm, waxaan dhihi lahaa ninka waxaas qoray:

    1. Marka hore, bal u fiirso, nimanka aad eedaynayso waa niman aanan maanta cidi ka noolayn kolka Ina Cigaal laga reebo, marka niman dhintay ayaad eedaynaysaa si aad cudurdaar ugu hesho niman nool.

    2. Nimankaasi rag dowlad ah bay ahaayeen ee la mid ma ahayn Ina Caydiid iyo Ina Bood iyo Qanyare iyo boqollaalka macna la'aanta ah ee dalkeenna 12kii sano ee la soo dhaafay ku tumanayay.

    3. Ina Cigaal wuu noolyahay, maanta waad aragtay sida uu u habeeyay gobalkii waqooyi galbeed, waxaan hubaa haddii aad fursad siin lahaydeen in uu Muqdisho iyo dalka intiisa kaleba habayn lahaa.

    4. Nin dhintay eedayntiis waxba kugu teri mayso ee waxaa kula gudboon in aad xaqeeqada wajiga saartid, taas oo ah in dambiga maanta yaalla ay leeyihiin soomaalida maanta nool ee aanay lahayn dad dhintay.

    RUNTA HADDAAN LA SHEEGIN WAX KA XUN BAA LA SHEEGAA WAA BEENE!
    Runta aan isu sheegno, nin walibana dambigiisa ha qirto, haddii aanan sidaa la yeelin Soomaali oo dhan ha ogaato waligeed sida hadda la yahay ayaa lagu jirayaa dowladna dhalan mayso, hadday dhalatana waxba tari mayso.

    KOOXDA CARTA
    Kooxda Carta markii horeba waxaa sameeyay Sacuudiga iyo Wadaadka Geelle la yiraahdo ee Jabuuti u talsha oo soomaalida ku indha sarcaadshay dowlad baan idiin dhisaynaa. Intaa kadib waxaa maamulkii loo dhiibay koox wadaaddo Itixaada ah oo aanan Siyaasad waxba ka aqoon, una badan madaxdii taliskii Siyaad barre.

    Ilaa iyo hadda wax horukac ah oo ay sameeyeen lama arko haba yaraatee kooxdaasi, sababtuna way iska caddahay, maxaa yeelay, maamulkoodu maaha mid ay wadaan dad profitionals ah ee waxaa wada dad xigto ahaan ama cabsi awgeed loogu dhiibay jagooyinka ay hayaan.

    MIDNIMADA SOOMAALIYA
    Gabagabadii waxaa halkaa inooga cad in aanay soomaaliya marnaba midoobi doonin mustaqbalka dhaw, oo ay maalin walba sii kala go'i doonto, hadaba aqoonyahanka iyo indheergaradka soomaaliya waxaa la gudboon in ay taageeraan figradda gobalaysiga ah ama dowlad hoosaadka ah ee ay ku dhaqaaqeen qaar badan oo kamid ah hoggaamiyayaasha kooxuhu, sida Cigaal, Cabdullaahi Yuusuf, Shaatiguduud iyo qaar kale.

    Haddii midnimo la waayo waxaa naloo qaatay in qolo walba dowlad gaar ah samaysato, sida hadda jabuuti tahay, Waqooyi galbeed iyo Bari iyo Bay way noqon karaan, Hiiraan iyo Banaadir iyo Jubbana sidoo kale, kolka waxaan qabaa in sidaasi 100% dhaanto sida maanta lagu jiro.

    Dhammaad
    Dr. Hersi Labagarre
    University Brunei Darussalam
    www.2garre.com
    View this site with frames

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes

    Links
  • Somali Culture
  • Somali Forum
  • Search the web
  • Somali Banners
  • Somali Links
  • Invest in Somalia
  • Somali sites
  • Technology
  • Add to all-Somalia

    1. Your City:

    2. Your Email:

    3. Your Comments
    Add to all-Somalia
  • West Somalia
  • Lower Shabelle
  • Somaliland
  • Djibouti
  • Hiiraan
  • Awdal
  • Lower Juba
  • Banaadir
  • Bay
  • Bakool
  • Mudug
  • Sool
  • Middle Shabelle
  • Gedo
  • Galguduud
  • Bari
  • Middle Jubba
  • Sanaag
  • Togdheer
  • N.F.D

  • Somali Forums
  • Somali Forum
  • Discussion Board
  • Students Forum
  • Free downloads
    Download free books - articles on Somalia! Click here

    Add to Somali Pages
    Add your Web Page to Somali Home Pages, it is Free and automatic! Click Here
    View Somali Home Pages
     1  2  3  4  5

    Ask Dr. Hersi
    SEJ editor
    Need experts in Somali affairs? Click here to contact them.

    Auto responders
  • Government:
    som-gov@2garre.com
  • Education:
    som-edu@2garre.com
  • Business:
    som-bus@2garre.com
  • Travel:
    som-tra@2garre.com
  • Info:
    info@2garre.com

    Find out now!
    Somali news .. Somali views .. Somali links .. Somali culture .. Somali business .. Somali forums .. Somali web pages .. Somali warlords .. Somali experts .. and more!!

    Peace for Somalia
    Peace for Somalia Click To SignOr View the signed Pages: 1  2  3  4  5  6  7  8  9  10  11  12  13  14  15  16  17  18


  • Top Somali News Headlines

    News in Somali

    Government
    Internet
    Travel
    Shopping
    Health
    Business
    Education
    Organisations
    Women
    NewsLinks
    Copyright 1999 - Labagarre - All rights reserved.
    Subscribe SEJ
    Contact Us
    Subscribe to SEJ List
    SEJ Old Website
    SEJGuest Book(Sign)
    SEJGuest Book(View)
    Somali Forum
    Editor's Page
    SEJ Terms
    SomaliPages
    [Listen to the National anthem!
    Add URL to Somali Pages
    [Yahoo! News Search
    Yahoo! Yellow Pages
    [Yahoo! Quotes]
    [Feedback]
    [SEJ NetGuide]
    Subscribe SEJ]
    Contact Us
    Labagarre - All rights reserved]