|
Wargayska SEJ wuxuu laba jirsanayaa dhammaadka sanadkan 1999ka, sidaa darteed, waxaan dhallinyarada wargayska ku tixan iyo kuwa boggan soo booqda intaba ka codsanaynaa,
in ay inoo soo diraan aragtida ay wargayska iyo bogga SEJ ka qabaan, si aan boggan ugu soo qorno.
Salaan iyo Bogaadin
Salaan diiran kadib, waxaa halkan salaaniyo bogaadin kaaga soodiraya dhalinyaro soomaaliyeed oo aad u tiro badan waxay ku leeyihiin meeshaada kasiiwad dadaal kaaga aad u gashay saxaafada cusub iyo isu keenida umada soomaaliyeed.
Waxaa state aan daganahay lagu qabtay bandhig loogu magacdaray
UNDERSTANDING SOMALI CULTURE AND ISLAMIC VALUES. waxaa isku soo dubariday
barnaamijka Dr AXMED SAMATER - DEAN OF INTERNATIONAL STUDIES, MACALESTER
COLLEGE. waxaa ka soo qaybgalay soomaali aad u tiro badan.
Mahad yaasiin (USA)
Date: Thu, 21 Oct 1999 12:45:59 -0500
Salaan iyo Bogaadin
Salaan kadib, Labagarre waxaan kaaga mahad naqayaa dadaalka weyn iyo
dib u habeynta aad ku sameyseen (SEJ) iyo sida walaalnimada leh ee aad ugu
tebisaan wararka ummada Somaaliyeed. Waxaan idiin rajeynayaa hor-u-mar, caafimaad iyo nolol farxad leh oo Raali Nimada Ilaah ku dheehantahay.
Wed, 27 Oct 1999 10:55:52 +0400
ALI SAEED OMAR (U.A.E)
Salaan iyo Bogaadin
Dear Mr Hersi,Thank you for the interesting and valuable
information. Well Done, and please do keep the good effort
and the wonderful job. Many thanks again, I will keep in touch.
Good Bye for now.
Dr A.H. Koofiyadcadde
Sat, 30 Oct 1999 18:47:00 +0100
Salaan iyo Bogaadin
I would thank u, for sending your electronic journal frequently
every week, and that is great enough to be a hadrworking journalist.
I also wana let u know that you look very good for your recent
photography because I remember first time I saw you, it was
different from now, so tell me what u been having in recent time
"joking".
Siad Abshir
Date: Tue, 02 Nov 1999 13:26:04 PST
DHISMO KHAYR LEH GOORTAAN ARKAAN DHAGAXA SAARTAAYE
Assalaamu calykum, dhammaan. Tani waa hawl hiyigeyga soo jiidatay, hab iyo hannaan wacanna loo
agaasimay.... Hormoodyadii hirgeliyay ee u hurda-beelayna waan u hambalyaynayaa.
Waan hubaa inuu yahay hoy ay Soomaalidu harsan karaan kuna soo hiran karaan... waa hogol daruureed oo noo hoortay, haamahana aan kadhaansan karno.... waa dhismo khayr leh oo loo baahanyahay inuu qof walbaa dhagax saarto.. ninkii hagradaana hanoo soo bandhigo hawl tanoo kale ah ama udhiganta, haddii kale AF- JAAHIL WAA FUTO DAMEER, iyadana wax khayr lihi kama soo baxaane ha iska aamuso!. Marlabaad waad mahadsantihiin.
Mohamed Ahmed - Canada
Date: 1999-11-04 19:56:45
|