|
BOGGA 1AAD |
|
|
|
|
|
|
BOGGA 2AAD |
|
Warbixintii Xoghayaha-Guud ee Qarumada Midoobay uu ka qoray Somalia Waxaa soo turjumay: Ibraahim Moalim Mursal 16 August 1999 Qaybtii 2aad B. XAALADDA GUDAHA Puntland 18. 20kii Febraayo 1998, G/le sare Cabdullaahi Yuusuf wuxuu wakiilkayga u sheegay in muhimmadiisa hore ay tahay inuu gaaro Dhisme Maamuleed ee gobollada Waqooyi-Bari ee heer degaan, una noqoto Bar-Doorasho Dowlad Soomaaliyeed ee mustaqbalka iyo saldhig ka qaybgal Shirwayne kasta ee Dib-u-hishiisiin. Kaddib. Majeerteen, oo ah qabiilka ugu tirada badan gobollada Waqooyi-Bari, iyo qabiilada yar yar , waxay Garowe ku qabteen shir muddada u dhaxaysa 25ka febraayo ilaa 4ta Maarso 1998. Shirkaasi waxaa lagu guddoomiyay hal maamul goboleed, Garoowena waxaa loo doortay inay noqoto rugta shirarka dastuuriga, (rasmiga ah). Shir kaasi dabajoogo ee la qabtay 10ka ilaa 12ka Maarso 1998, oo ay ka soo qaybgaleen wufuud ka kala socdo gobollada Sool iyo Sanaag, waxaa lagu go'aamiyay in loo bixiyo magaca "Dowladda Puntland" maamul goboleedka cusub. Shirweynaha Dastuuriga Garoowe wuxuu u doortay G/le Sare Cabdullaahi Yuusuf, "Madaxweynaha Dawladda Puntland", Maxammed Cabdi Xaashi, guddoomiyaha USP/SSA, "Madaxwaytne ku-xigeen", taariikhda markii ay ahayd 23ka Luulyo 1998. Shirkaa wuxuu meelmariyay "dastuur ku-meelgaar ah", wuxuuna dhisay Gole Baarlamaan oo ka kooban 69 xubnood. Go'aamada shirkaasi waxaa diideen Jeneraal Maxammed Abshir Musse, guddoomiyaha SSDF iyo Boqor Cabduullaahi Boqor Musse, hoggaamiye dhaqameedka Majeerteen, oo labadooba G/le Sare Cabdullaahi Yuusuf kula tartameen Madaxweynenimada. [Waa socotaa..] Bambo lagu weeraray masaajid Burtinle kuyaalla Puntland October 8, 1999, Booliiska dowladda Puntland ayaa waxay baadi goobayaan nin bambo ku tuuray masaajid ku yaalla tuulada burtinle. Ninkaas waxaa la sheegay in uu xirnaa duub oo uu wajigiisa qarshay si aan loo garan, dabadeedna uu bambo ku tuuray masaajidka ayada oo salaaddii maqribka lagu jiro. Halkaa waxaa ku dhintay 3 qof 18 kalena way ku dhaawacmeen, ninkaasi wuu cararay kadib markii uu falkaa sameeyay, dabadeedna booliiska Puntland oo baadigoobkii ninkaa ku howlanaa ayaa degaanka beelahaas ku wargelshay in ay wixii war ah ee ninkaa la xiriira u xog hayaan. Weriyaha BBCda oo warka soo tebiyay wuxuu sheegay in aaney jirin wax astaan ah oo tusaya sababta falkaas uu ninku ugu kacay, kaas oo aan badanaa ka dhicin soomaalia inkasta oo dalka dagaal sokeeye sanado badan ka socday. Wadaad hogaamiyayaasha diimeed ka mid ah ayaa masaajid Muqdishu ku yaalla lagu dilay sanadkii la soo dhaafay, sanadkii ka sii horreeyayna dhowr qof ayaa ku dhintay masaajid kismaayo ku yaalla kadib markii nin jabhad ahaa rukuucay asiga oo salaad ku jira daabadeedna bambo jeebkiisa ka soo dhacday oo qaraxday! Booliiska South Africa oo shaaca ka qaaday dilkii nin Soomaali ah The Cape Argus (Cape Town) October 7, 1999, Booliiska dalkaasi South Africa ayaa shaaca ka qaaday arrin ku lug lahaa kooxo argagixiso ah oo daroogada ka ganacsada oo inmuddo ahba gacanta ku hayay kalaabyada magaalada Cape Town. Warbixinta uu booliisku soo saaray waxaa ku jiray sidii loo dilay nin soomaali ahaa oo lagu tuhunsanaa in uu kooxahaa ka mid ahaa. Booliisku waxay sheegeen in ay kooxaha daroogada ka ganacsada oo ay ka mid yihiin dad asalkoodu marookaan yihiin iyo qaar kale oo meelo kale ka kala yimid. Dadkii booliisku dilay intii ay kooxdaas daba joogeen waxaa ka mid ahaa nin soomaali ah oo aan magaciisa la sheegin. Ninkaas wuxuu xabad kaga soo riday booliiska meel kalaab ahayd oo lagu cawaynayay, dabadeedna wuxuu garabka ka dhaawacay mid ka mid ah, kadibna waa la toogtay oo halkaas buu ku dhintay, waxaana laga helay, bustoolad aan sharciyaysnayn iyo rasaas iyo daroogo. Waxaa kale oo booliisku sheegay in ninkaas u shaqynayay kooxda daroogada ka ganacsata ee (PRO) ee uu madaxda u yahay Mr. Beeka, maxaa yeelay taleefan uu sitay ayaa xusuustiisa laga helay taleefan nambarka Mr. Beeka. Kooxda uu Mr. Beeka hoggaansho ee loo yaqaan PRO waa koox qarsoodi ah oo daroogada ka ganacsata, waxayna gacanta ku hayaan kalabyada magaalada, marka kalaab cusub la furo, waxay u diraan rag soo muquunsha, oo ku khasba qolyaha kalaabka iska leh in ay ogolaadaan in kalaabkooda daroogo lagu gado. Dagaallo ka dhacay Qoryooley Dagaal ay isga horyimaadeen jabhadda Xuseen Caydiid iyo jabhadda Digil ee loo yaqaan Digil Salvation Army (DSA) ayaa lagu tilay ilaa 7 qof dhowr kalena lagu dhaawacay isniintii la soo dhaafay. Wargayska Qaran ayaa kasoo xigtay nin u hadlay DSA-da oo la yiraahdo Asad Abdi Maxamad, kaas oo sheegay in ciidankiisu weerar ku soo qaadeen ciidanka Ina Caydiid dabadeedna ka cayrsheen magaalada. Wuxuu intaa ku deray Cabdi in ay ciidankiisu magaalada dib uga gurteen, markii dagaalkaasi dhacay kadib oo ay ku noqdeen goobohoodii hore oo kuyaalla Sinkadheer, oo ah meel qoryooley u dhaw. Jabhadda DSA iyo qaar kale oo ka mid ah jabhadaha Raxanwaynta ayaa waayahanba waxay isku deyayeen in ay dhulkaa ka saaraan ciidanka Ina Caydiid, Ina Caydiidna wuxuu inmuddo ahba ku eedeynayay Ethiopia in ay kooxahaas taageerayso. FAO-WFP: Soomaaliya waxay u baahantahay 70,000 mt, oo cunto ah! Koox ka socota FAO-WFP, oo soo qiimaynaysay baahida soomaaliya ee xagga cuntada ayaa soo sheegtay in dalkaasi u baahanyahay ilaa 70,000 mt, muddada u dhaxaysa August 1999 iyo July 2000, sidaa waxaa sheegay warbixin ay soo saartay USAID-FEWS. Sida FAO-WFP sheegtay waxaa ilaa iyo hadda la helay gargaar dhan 63,000 mt, laakiin waxaa dhiman 7,000 mt cunto dhan oo loo baahan doono hadda iyo bartamaha sanadka 2000 inta u dhaxaysa. Ilaa iyo hadda yaboohii uu guddiga gargaarka cuntada soomaaliya, Somalia Aid Coordination Body (SACB), soo saaray bishii July wuxuu gaarayaa 20,000 mt, waxaa kale oo la ballan qaaday miraha xilliga soo socda la beeri doono. |
BOGGA 3AAD |
|
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD |
|
Madaxwayne Saddam Xuseyn oo warqad u diray Clinton Warar ay soo tebisay wakaaladda wararka (AP) ayaa sheegaya in boqorka dalka jordan boqor Cabdallaha 2aad uu maraykanka u qaaday warqad uu ka sido madaxwaynaha dalkaasi Ciraaq, Saddam Xuseen. Warqaddaas waxaa sheegay markii hore joornaalka al-hayat ee ingiriiska ka soo baxa kuna soo baxa afcarabiga, hase ahaatee, cid kale ma xaqeejin. Boqorka dalka Jordan kolkii arrinkaa laga warsaday, wuu qirtay in uu warqad sido laakiin wuu diiday in uu sheego faahfaahin kale. Wargayska al-hayat wuxuu sheegay in Saddaam warqaddaas uu u diray Clinton ku ballan qaaday in uu samayn doono cusboonaysiin siyaasadeed oo uu wax wayn ka bedeli doono siyaasadda dalka, haddii uu maraykanku ka daayo ciraaq cadaadinta uu ku hayo. Saddaam wuxuu ballan qaaday buu dhahay wargaysku, in uu joojin doono hendedaadda uu ku hayo dalalka la deriska ah oo ay ka mid tahay Yahuuddu. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in uu wadahadallo aan shuruud lahayn la geli doono dowladda Maraykanka. Waxaa kale oo wararku sheegayaan in uu waydiistay Saddaam maraykanka in laga daayo asiga iyo asaxaabtiisa ka talsha dalka Ciraaq, eedda uu maraykanku u haysto ee ah in ay yihiin mujrimiin dagaal oo loo raadinayo caddaaladda lana doonayo in maxkamad la soo saaro. Muusikada Madow ma la aqoonsaday? Naagta fannaanadda ah ee caanka ah ee u dhalatay dalkaasi maraykanka ee la yiraahdo Tina Turner ayaa dalkaasi Ingiriiska lagu siiyay abaalgud arbacadii la soo dhaafay, taas oo la xiriirtay abaalgudkii Ingiriisku ugu tala galay waxa loo yaqaan "Black Music" sanadka 1999ka. Gabadhaas waxaa abaalgudka loo siiyay tixgelin la tixgelinayo howshii dheerayd ee ay fanka jaadkaas ah ku soo jirtay afartankii sano ee la soo dhaafay. Tina oo hadda 60 jir ah waxay tiri markii abaalgudaa la siiyay "ugu dambaystii Muusiggii madoobaa waa la aqoonsaday". Waxaa kale oo ay tiri; tan iyo 1960kii ayaan shaqadan ku dhex jiray, walina ma arag qaderin tan la mid ah. Waxay aad ugu mahad celisay taageerayaasheeda ingiriiska ah sida ay u caawiyeen. |
BOGGA 5AAD |
|
Xiriirka Dunidu ma Xiriirka Qoyska buu ku salaysanyahay? Waa daraaso cusub oo uu si fiican u lafaguray qoraa ka mid ah qoraayaasha soomaaliyeed ee internetka wax ku qora kuwa ugu qalinka iyo magaca dheer. Waa qoraageenii Mr. Ibraahim Moalim Mursal. |
Xiriir waalid geeri ma gooyso Murtida qoraalka Haddaba arinta marka ay halkaasi marayso dhayalsi ma gasho. Ubadka aaduudkiisa, barbaarintiisa, tarbiyaddiisa iyo hagiddiisa waxay ka mid tahay cibaado Rabbi. Arinta way ka wayn tahay nin iyo naag isla joogo caruurna iska dhallay. Caruur lagu koriyay jawi beenta la xalaalaystay. Caruurta la leeyahay, gaalada ku dhaha aabbaheyna nalama deggana. Hooyo caruurta hortooda aabbahooda iridka ka saaraysa. Aabbe qaad mihnad ka yeeshay amase khamriga tallaajadda ku haysta, masaruufkii ciyaalka dhabarka jebiyay. Caruurta marka ay dugsiga u labbisanayaanne isaga sariirta saaran oo aan mehrad lahayn. Ubadka jawigaasi ku barbaaray, ubad saalax ah malaga filayaa oo geeridaada ka dib inta uu kuu soo duceyo aad ku Janna tagtid amase mid maxaa uurkiisa loo qaaday loo silciyay amase dayac ku saqiiri, shafeeco Aakhiro kuu noqdo. Arrinta aad bay uga ballaaran tahay dhowr gilders hey'adda daryeelka bulshada (Social-welfare) laga basareysto. Dhawr gilders oo aan lagu baahi baxaynin, kiro guri amase kharajyo kale ay daba socdaan. Intaas oo ay kuu dheer tahay dulli iyo dandaro, reerkaaga xalaasha ah tuugo ku joog, sakankii iyo kalgaceelkii reerka udub dhexaadka u ahaa, wel-wel iyo walbahaar ku beddelo, kala fogaansho iyo kala danaysasho u horseed, ubadkiina been iyo akhlaaq xumo ku abaabi. [Dhamaad..] |
BOGGA 6AAD |
|
IMAAM NOQOSHADA SALAADDA IYO DUMARKA Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax |
Waxaa kale oo iyana arin laga yaabo ah in ay wadaadadaasi ku doodaan; maxay haweenku salaada Imaam uga noqn waayeen? Waxaa iska caadi noqotay in la isku waafaqo naagi ma noqon karto Imaam salaad ee mar kaste waa Ma'muum. Taasna waxa aan ka leeyahay: Nebiga Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayaa waxaa laga soo weriyey xadiiskan hoos ku cad: Abuud Da'ud ayaa sida uu Cabdiraxmaan bin Khalaad ba sheegay ka soo weriyey Umu Waraqah binti Cabdillahi bin al-Xaarith xadiis ah sidatan: "Rasuulka (salla lahu calayhi wasalam) ayaa (Umu Waraq) ku soo booqan jiray gurigeeda, markaasuu usameeyey Mu'adin u adima (waqtiga salaadda). Wuxuuna iyadii ku amray in ay tujiso dadkii gurigeeda ku noolaa" . Haddii aan wax ka iftiimino fahamka xadiiskaan waxa aan ka qaadan karnaa laba arimood oo muuqata, kalana ah: 1. In uu Nebigu haweeneydaas adimisteeda ka doorbiday in uu nin u adimo, ka dib markii ay dabacn u muuqatay in ay reerkaasi jamaaco oogi karaan dadkooda oo tiro ku filan ah awgeed. Haddaba sababteeda Nabigu ma caddaynin anaguna kuma dhiiranayno xikmada ka dambaysa. Ma codkeeda oo gaaban ama khafiif ah awgii baa mise waanba dumar loo ogolayn in ay adimaan? Taasi waa mid aan dood laga doodo wax ku faa'iidaynaynin kuna haboon in sidaa looga haro. 2. In uu iyada ku amray in ay dadka gurigeeda ku nool salaada ka bixiso. Halkana nooguma cadda noocyada iyo sida ay ahaayeen dadka reerkaasi. sIdaa darteed qofkeena ma go'aamin karo in ay kulli dadkaasi wada ahaayeen caruur, haween, rag ama isku jir intaba. Hadaba nama tusinayso tani in aysan dumarku imaam noqon karin ee waxa ay inoo bidhaaminaysaa in ay noqon karaan. [Waa socotaa..] |
BOGGA 7AAD |
|
|
CASHARKA 56-57AAD EEBBE WAJIGIISA LAGUMA WAYDIISTO WAX AAN JANNO AHAYN Jaabir waxaa laga soo weriyay in uu yiri: Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayaa yiri:"Eebbe wajigiisa wax aan janno ahayn laguma waydiisto"{Abuu Baa'uud}. Masalooyinka Casharka Tan 1aad: Waa in la iska reebay in Eebbe wajigiisa lagu waydiisto wax aan ahayn waxyaabaha waxa ugu wayn (jannada). Tan 2aad: Waa in la sugay sifada Wajiga. WIXII KU SOO AROORAY "HADDII"(LOW) Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri: [Waxay dhihi haddaan amarka wax ku leenahay nalaguma dileen halkan] Aali-Cimraan 154. Waxaa kale ee uu yiri: [Kuwa ku dhihi walaalahood (Munaafiqiinta) iyagoo iska fadhiistay, hadday na addeecaan lama dileen] Aali-Cimraan 168. Waxaa saxiixa Abuu Hurayra Allaha ka raalli noqdee looga soo weriyay, in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Wixii ku anfacaya ku dadaal, Eebbana kaasho, hana caajisin. Haddii wax (xun) kugu dhacaanna ha dhihin: Haddaan sidaa yeeli lahaa, sidaa iyo sidaa bay noqon lahayd, waxaadse dhahdaa: Eebbe baa qaderay, wuxuu doono buuna falaa, maxaa wacay "Haddii" waxay furaysaa camalka shaydaan". Masalooyinka Casharka Tan 1aad: Waa tafsiirka labada aayadood ee Aali-Cimraan. Tan 2aad: Waa in si cad la iskaga reebay in la yiraahdo "Haddii" kolka wax (xun) kugu dhacaan. Tan 3aad: Waa in arrintaa sababteeda laga dhigay in ay furayso camalka shaydaan. Tan 4aad: Waa in la isku hanuunshay hadalka wanaagsan. Tan 5aad: Waa in la is faray in lagu dadaalo waxa wax anfacaya ayadoo Eebbe la kaashanayo. Tan 6aad: Waa in la iska reebay ka soo horjeedka arrintaa oo ah Caajiska. [Waa socotaa..] |
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 43aad Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre Q O O L L A Y D I I --IYO-- J I I R K I I Jiirkii: nacayb kan ugu daran waa nacayb sokeeye, asiguna waa laba jaad, mid isu dhigma, sida nacaybka dhexyaal maroodiga iyo libaaxa, maxaa yeelay waxaa dhici karta in libaaxu maroodiga dilo, ama maroodigu libaaxa dilo, iyo mid labada dhinac aaney isu dheellitirnayn, sidi kan aniga iyo bisadda inoo dhexeeya, ama aniga iyo adiga, maxaa wacay nacaybka noo dhexeeyaahi ku dhibi maayo, dhibkiisuna aniga ayuu igu soo noqonayaa, maxaa yeelay haddii biya aad loo kululeeyo taasi u diidi mayso in ay dab damiyaan haddii lagu dul shubo, nacab ninkii la jaalana ama la heshiiyana waa sidii nin abeeso la jaalay oo dusha ku qaaday, garaad nin lehna nacab dhagar leh sooma dhawaysto. Tukihii: waxa aad tiri waan gartay, adiguna waad mudantahy in aad qaadato abuur wanaaggaaga, oo aad oraahdayda runteeda ogaato, hadalkaagana ha ku adkayn in aan xiriir ina dhex mari karin, maxaa yeelay garasha iyo garaadlayaashu wanaaggooda in loo gudo ma doonaan, jacaylkuna dadka wanaagsan degdeg buu u dhex maraa, si fududna uma go'o, taasna waxaa la mid ah, koob dahab ah, degdegna kuma jabo si fududna waa loo samaynkaraa, loona hagaajinkaraa haddii uu dalooshado ama jabo. Jacaylka reer habaarkuna degdeg buu u go'aa, si fududna kuma yimaado, kaasna waxaa la mid ah koob dhoob ah, degdeg buu ku jabaa, waligiisna ma kabmo, deeqsiguna deeqsi buu jecelyahay, uurxumaalowguna cidna ma jecla in uu dan ka leeyahay mooyee, ama uu ka baqayo, aniguna jacaylkaaga iyo kaalmahaaga ayaan u baahanahay, maxaa yeelay deeqsi baad tahay, iriddaadana ka tegi mayo cuntana dhedhemin maayo haddii aadan ila walaaltoobin. [Waa socotaa..] |
BOGGA 9AAD |
|
|
Qaybtii 35aad 1. Lix nin ma heshiiso, nin qab wayn iyo nin aan u qabin, nin adduun jecel iyo nin aan u dhiibin, nin qosol badan iyo nin qoonsi badan. 2. Labo labo laguma reebo, gar hagaag diidmo laguma reebo, faqrina faqri laguma reebo. 3. Lax dukani abaar moog. 4. Mukulaal minankeedi joogtay miciya libaaxleey. 5. Mukulaali meeshii lagu meeleeyo ma moogaato. | 6. Maan rag waa mudacyo caaraddood. 7. Meel hoo u baahan hadal wax kama taro. 8. Maroodi takarta saaran ma arkee tankale buu arkaa. 9. Mascadde waxa uu la meermeerayo waa yaan meelna wax kaaga fakanin. 10. Maqaar sagaaro iiga kac mooyee iiga durug ma galo. |
Casharka Afsoomaaliga
Tusmo: calaamadda (>) = [eeg], (;)=[lamid], (t)=[tusaale], (w)=[wadar], (f)=[fal].
Waxaa qoray: Hersi Labagarre.
Daraasadani waxay ku salaysantahay, shan walxaato: 1. maahmaahda soomaalida. 2.maantoolaha iyo dhaqanka soomaalida. 3.gabayga soomaalida. 4. abwaankii uu qoray Yasiin Cismaan Keenidiid. 5.diiwaankii gabayadii sayidka. Maraajicda kale wax halkan lagu koobi karo ma aha, laakiin shantaas ayaa daraasadan aasaas u ah.
Qaybtii 5aad
aalkoliiste: a.qofka aalkolada caba ee isku miirqaada. b.ninka cabitaanka lagu doorsoomo caba, sida khamrada, iwm. ee iska badsha dabadeedna dhacdhaca. W. aalkoliistayaal.
aalkolo-da:>aalkol.
aalliin:1.a.Meel aallis, b.dhigaal; sida ay ku suganyihiin wax meel la dhigay oo aan dhaqdhaqaaqin in door ah, badanaa waxaa loo adeegsadaa wax yaalaha awoodda ama madaxbannaanida aan lahayn, gaar ahaan, ma noolaha iyo wixii nool hase ahaatee aan awood ay ku dhaqdhaqaan lahayn, t.dadka jirran, iwm. 2.-ta: dhigaalka laftiisa; kayd, t.haddaanay wax aallin meesha naga kexeeya.
aalo-da: a.qaalmaha yaryar ee lo'da, b. ariga, c.codka ariga loogu yeero.
aalyar: si fudud; si dabacsan; si miyir ah, t.aalyar u cun, iwm.
aamay:> cunay.
aameel-ka: a.Haruub; ganuun; daboolka dhiisha, w.aameelyo. b.wixii waxay arkaan iska raaca; dhaandhaan; doqon.
aamiin-ta: eray ducada dabadeeda la yiraahdo oo u jeeddadiisu tahay eebbow naga ogo laaw.
aammiin-ta:> aamiin.
aammus-ta:> aamus.
aamus: a.ha hadlin; shib dheh. b.-ka: hadal la'aan; shib ahaasho.
aamusan: aan hadlayn; shib ah.
aamusid-da: hadal joojin; hadal iska dhaafid; shib dhihid.
aamusin-ta: hadal ka joojin; hadal u diidid; shibbin.
aamusnaan-ta: a.qaab hadal la'aan ah oo aan wax jabaq ah la samayn; jabaq la'aan ku sugnaasho. b. hadal yaraan, waxaa la yiri: saddex haday kugu liidato saddex baa lagu kaashadaa, haddii quruxdu kugu liidato, furka ayaa lagu kaashadaa, haddii diinku kugu liitana salaaddaa lagu kaashadaa, hadddii caqligu kugu liitana aamusnaanta ayaa lagu kaashadaa. Soomaalidu aamusnaanta way jeceshahay, waxayna u haystaa in ay tahay astaan astaamaha garaadbadnida ka mid ah.
aan: a.eray ku tusa codsi, t.aan cuno ; macunaa?. b.eray ku tusa adkayn iyo taageerid, t.aan diidno, ama aan dilo; waan diidaynaa iyo waan dilayaa, iwm. c.qodob horgale ah, oo ku tusiya qofka labaad ama qofka koobaad, t.markii aan imid meeshan cidi ma joogin, ama markii aan nimid meeshan cidi ma joogin; markii aan anigu imid.., markii aan annagu nimid.
| |
BOGGA 10AAD |
|
|
|
|
|
|