|
BOGGA 1AAD | ARARTA WARGAYSKA |
|
|
|
|
|
BOGGA 2AAD | WARARKA SOOMAALIDA |
|
Warbixintii Xoghayaha-Guud ee Qarumada Midoobay uu ka qoray Somalia Waxaa soo turjumay: Ibraahim Moalim Mursal 16 August 1999 Qaybtii 2aad B. XAALADDA GUDAHA Muqdisho 19. Iyada oo la raacayo go'aankki wadajirka Qaahira ee 22ka Disaember 1997, Cali Mahdi, Cismaan Cali "Caato" iyo Xusseen Caydiid waxay dabayaaqadii Jannaayo 1998 ku soo laabteen Muqdisho. Markii ay caddaatay in Shirweynihii dib-u-hishiisiinta Qaranka oo loo qoondeeyay inuu Baydhaba ka dhaco 15 Febraayo 1998 uusan qabsoomaynin, waxay dadaal u galeen in ay u dejiyaan maamul Gobolka Banaadir (Muqdisho). Dadaalkoodaasi waxaa ku geesinimo geliyay wakiilka gaarka ah Masar ee arimaha somaliya. 20. Horumar laga gaaro dhismaha maamulka noocaasi ah waxaa ka horyimideen dhowr mushkiladood, oo ay ka mid yihiin sheegashada madaxweynenimada Xusseen Caydiid iyo mucaradka Cali Mahdi kaga yimid qabiilka Mudulood dhexdiisa. Mucaaradkaas oo ay hoggaaminayeen Xusseen Xaaji Bood iyo Xaaji Muuse Suudi "Yalaxoow", labaduba cali Mahi garab u ahaayeen, waxaa ugu dambayntii ku soo biiray Cismaan "Caato". 21. 5tii Luulyo 1998 ayaa afarta hoggaaiyayaal Soomaliyeed ka dhoofeen Muqdisho iyaga oo ku sii socda Liibiya, si ay uga qayb galaan xuska dhalashada Nabi Muxammad SCW. Waxay Muqdisho ay ku soo laabteen 11ka Luulyo 1998 iyaga oo uu la socdo wakiilka Liibiya ee arimaha Soomaaliya. G/le Sare Mucammar Ghaddaafi, dida la soo sheegay, wuxuu ku soo adkeeyay inay dhammaystiraan dhismihii maamulka gobolka Banaadir, dib u furaanna badda (dekedda) iyo cirka (Gegida diyaaradaha), wuxuuna u ballaan qaaday qalab iyo lix bilood kaalimo maaliyadeed oo lagu dhiso ciidanka booliska Muqdishu. Halka Cali Mahdi iyo Xusseen Caydiid ay ka ballanqaadeen in maamulka Banaadir uu dhalan doono 18ka Luulyo 1998, Muuse Suudi iyo kooxaha Mucaaradka ee akle waxay ku andacoodeen in weli wada tashiga uusan dhammaanin iyo isuday kasta ee dhismo maamul goboleed uu horseedi doono iaka horimaad oo dhiig ku daata. Waxaa kaloo jiray khilaafaad xagga qaybsada matalaadda qabbaa'ilka oo ay ku jiraan kuwa laga tira badan yahay. [Waa socotaa..] Weerar lagu qaaday baabuur gargaar sidda!! Muqdisho, October 16, 1999 (AP) Sagaal qof ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay dagaal dhex maray laba kooxood oo qolana ilaalinaysay 25 baabuur oo gargaar u sidday Mahadday qolada kalena doonaysay in ay gargaarkaas dhacaan. Gargaarkaas oo la sheegay in uu gaarayay 252 ton oo ganley ah waxaa weday hay'adda WFP, laakiin waxaa la sheegay in aan wax shaqaalaha hay'addaas ahi la socon baabuurta, nimanka dagaalka soo qaaday iyo kuwa baabuurta difaacayay dhammaan waxay wada degaan Mahadday. Nimankii dagaalkaas soo qaaday in kasta oo dib loo caabiyay halkaa waxaa lagu dilay sagaal qof 11 kalena waa lagu dhaawacay, warar kalena waxy sheegeen in ay nimankii dagaalka soo qaaday dileen saddex nin oo beeraleey ah. Madax UN-ka ka socota oo Soomaaliya booqday Nairobi, October 14, 1999 (PANA) Wafdi uu hoggaaminayo Sergio Vierra de Mellow oo ka socda UNka ayaa booqasho qarsoodi ah oo aanan horey loo sheegin ku tegay soomaaliya maalintii arbacada ee la soo dhaafay, wafdigaas ujeedadiisu waxay ahayd in ay soo xaqeejiyaan xaaladda gobalada qaarkood ku yaalla koofurta soomaaliya kuwaas oo loo malaynayo in abaaruhu si xun u waxyeeleeyeen. Wafdigaas waxaa la sheegay in uu Baydhabo booqday oo la shiray madaxda jabhadda halkaas hadda gacanta ku haysa ee RRA, iyo duqayda magaalada iyo kaaba qabiillada, ayna indhaindheeyeen xaaladda gargaarka iyo sida guud ahaanba nolosha dadka magaalada ku dhaqani tahay. Waxaa kale oo uu wafdigaasi booqday Marka, waxayna sidoo kale la kulmeen duqayda iyo odayaasha magaaladaas kuwaas oo ay kala hadleen arrimo la xiriira xagga gargaarka iyo ilaalinta nabadda shaqaalaha gargaarka. Wafdigaas booqashada ay soomaaliya ku tageen horey looma sheegin, waxaana loo malaynayaa in ay taas ugu wacnayd nabad gelyo xumida hadda ka taagan soomaaliya iyo shaqaalihii gargaarka ee dhawaan lagu dilay soomaaliya. |
BOGGA 3AAD | BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA |
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD | BOGGA QUBANAHA |
ALBANI ALLAHA U NAXARIISTO Albaani iyo Cilmibaarista Albaani waxaa lagu duraa in uusan sheekh lahayn oo uusan xaddiiska cidna ka baran, taasina ay keentay in uu "saxafi" noqdo, oo looga jeedo "qofka cilmiga xaashada ka aqrista asiga oo aan loo billaabin, ee kolkaa qaladaad badan oo baawsi ah ku dhaca", laakiin waxaa dadka qaar sheegeen in uu cilmiga ka meersaday sheekh la yiraahdo "al-sheekh al-kataani" oo reer shaam ah. Si kastaba arrinku ha ahaadee, al-baani cilmiga xaddiiska aad ayuu u bartay, wuxuuna qoray kutub gaaraysa 200 oo kitaab, wuxuuna leeyahay manaahij u gaar ah oo cilmigaas lagu xaqeejiyo oo ah "manhajun taxliiliyon-tarkiibiyon", waana madhab dharaandhiris iyo isasaar isugu jira. Kolka uu xaddiiska dersayo, marka hore wuu dharaandhirshaa, ilaa uu findhicil - findhicil u kala dhigo xadiiska "lafdigiisa iyo sanadkiisa" intaba, kolkii uu sanadka hubsado, ayuu lafdiga u soo laabanayaa, markaas buu "manhaj tarkiibi ah" kula dhaqmayaa, tusaale ahaan, xadiis ayuu xaqeejiyay, xadiiska waxaa laga yaabaa in uu dheeryahay, kolka haddii uu qaar jumladaha xaddiiskaas ka mid ah sanadkooda hubsado, wuxuu qaadanayaa inda sanadkoodu sax yahay. Jumladahaas sanadkoodu sax noqday ayuu kolkaa u gaynayaa jumlado kale oo sanadkoodu sax yahay oo uu axaadiis kale ka helay, manhajka tarkiibiga ahina waa kaas, jumladahaas ayuu isasaarayaa, dabadeedna halkaas xaddiis cusub ayaa uga soo baxaya. Su'aashu waa "xadiiskaas nabigu ma yiri?" haah, jumladaha xaddiiska oo dhan nabiga ayay ka sugnaadeen, laakiin xaddiiska oo dhan nabiga lagama soo werin, marka xaddiis jaadkaas ah oo isasaar ah xukum ma lagu salayn karaa, mas'aladan waxay wareerisay fuqahada laakiin ragga xaddiiska dersa mashaakil wayn kuma aha, maxaa yeelay iyagu fiqhiga xaddiiska dan wayn ka geli mayaan ee sax ahaantiisa siiba sanadka ayaa u dan ah. Mas'aladan ma aha mas'alo aan halkan ku geli karno, marka aqristaha waxaan ka codsanayaa in uusan qalad fahmin maxaa yeelay manhajka albaani afar sadar loogama hadli karo, waxaan laakiin u tilmaamayaa qofkii faahfaahin kooban oo arrinkan ku saabsan doonaya in uu aqriyo hurdhaca kitaabkiisa "sifatu salaat an-nabi" iyo hordhaca kutubtiisa xaddiiska sida silsiladaha uu qoray ee aad loo habeeyay. Mad-habta Salafiga ah Albaani wuxuu rumaysnaa in la raaco mad-habkii selefka oo diinta loo fahmo sidii selefku u fahmay, wuuna difaacay mad-habkaas intii tabartiisa ah, intii uu sacuudiga ka shaqaynayay, mad-habkaas, waxaa laga arki karaa oo uu ku firirsanyahay kutubtiisa dhedooda, laakiin kutub waawayn oo gaar ah kama qorin, wuxuu qoray risaalooyin yaryar oo badanaa qaar ardaydiisa lagu magacaabay, laakiin waxaa la ogyahay in uu wadaadku ahaa salafi dhacmakudheg ah. Tusaale ahaan, waxaan akhriyay intii aan Jordan ardayga ka ahaa kitaab yar oo uu qoray al-baani, wuxuu kitaabkaas kaga hadlayay bidcooyinka, intii uu bidcooyinkaas tirinayay wuxuu ku soo deray bidcada "kujiritaanka qabriga nabiga uu ku jiro masaajidka nabiga dhexdiisa", wuxuu ka wadaa "qabriga nabiga ee hadda ku dhexyaal masaajidka nabiga ee madiina" waa bidco. Sikastaba ha ahaatee, mas'aladaas waxay ka mid ahayd waxyaabihii keenay in wadaadka sacuudiga laga soo eryo oo shaqadii uu jaamicadda madiina ka hayay laga finisho. Waxaa kale oo ay wadaadka madaxa is gashadeen culumo badan oo ay ka mdi yiyiin al-buuti camiidka kulliyada shareecada jaamicadda Dimishiq, waxayna isku reddiyeen laba kitaab oo caan ah, Buuti wuxuu qoray kitaab la yiraahdo "al-laa mad-habiyah tuhaddid al-islaam" albaanina wuxuu ku reddiyay kitaab kale "al-laa madhabiyah hiya al-bidcatu al-mutacasibah", sidoo kale albaani wuxuu reddiyay kitaabka Buuti qoray ee siirada nabiiga. Labada nin midna waa shaafici usuuli ah midna waa salafi xambali ah, marka in ay is xagxagtaan la yaab malaha, taa waxaa la sii jirtay in ay reer shaam isla ahaayeen. Waxaa kale oo uu al-baani madaxa la galay culumo badan oo ay ka mid ahaayeen Tuwayjiri iyo qaar kale, badanaa culumada sacuudiga wuu ka dhowrsan jiray, si cadna ugama hortegi jirin, waligay ma maqal mana aqrin meel uu ibn baaz wax uga sheegayo ama naqdinayo. eeg bogga cilmi baarista!! |
BOGGA 5AAD | BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA |
Albaani iyo Mas'alooyinka Fiqhiga Albaani fiqhiga xariif kuma ahayn, usuusha fiqhigana kuma fiicnayn, taas ayaana keentay in uu masaa'il fiqhi ah ku qaldamo ama culumo waawayn oo la yaqaan sida Shaafici usuushooda wax ka sheego. Sheekhu wuxuu aad u ammaanay kitaabka uu qoray Sayyid saabiq ee loo yaqaan "fiqh assunnah" laakiin kutubta kale ee fiqhiga ma jecla. Waxaan akhriyay mar kitaab uu qoray, kolka meelo kitaabkaas ka mid ah ayuu ku soo qaaday mas'alada caanka ah ee shaafici ku caan baxay ee loo yaqaan mas'alada "meherka gabadha" markaas buu shaafici ku ceebeeyay arrinkaas, Buuti ayaa u jawaabay oo yiri; haddii uu fahmi lahaa al-baani hadalka shaafici ku qoray risaalada iyo kitaabka al-umm waxaa kuma hadleen. Gabagabo iyo Gunaanad Aad baan uga xumahay in aanan mowduucan xaqiisa siin karin dhowr waxyaabood awgood, oo ay ugu daranyihiin waqtiga iyo meesha oo inagu cariiri ah iyo cilmigayga oo gaaban, laakiin figrad gaaban oo dhan walba taabanaysa haba iska xumaatee ayaan aqristaha u soo bandhigay. Hadalkii oo dhan, albaani waxaan dhowr jeer ku arkay Jordan, asiga iyo ardaydiisuba fiqhiga kuma fiicnayn, laakiin xadiiska calaamo ayuu ku ahaay, waxaa kale oo aan aragnay intii aan Jordan joognay in aaney ardayda salafiyiinta ahi luqada carabiga ku fiicnayn, waxaan xasuustaa habeen mid ardaydaas ka mid ah uu salaad inagu tujiyay masaajid ku yaalla Ammaan, Kulliyadda Culuunta Islaamka. Salaaddii waxaa ka soo qayb qaatay muftiga ciidamada jordan Sheekh Cali al-Faqiir, oo markii dambe laga dhigay wasiirka diinta, wiilkii salaaddii ayuu ku dhex sahwiyay, rukuuc ayuu ka tegay, markii salaaddii laga baxay ayaa muftigii istaagay oo yiri salaaddu waa baadil, dabadeedna intuu masaajidka meel ka mid ah istaagay salaaddii dib u tukaday. Wiilkii imaamka inoo ahaa iyo saaxiibadiis arrinkaas way ka xanaaqeen, markaas bay salaaddii kolkii laga baxay maktabadda kulliyadda dib ugu laabteen oo axaaddiis ay mowqifkooda ku difaacayaan xaasho ku soo qorteen. Salaadii cishaha kolkii la tukaday ayaa mid ka mid ahaa istaagay oo xadiiskii aqriyay, intii uu xadiiska aqrinayay ayaan waxaan xisaabinay qaladaadkii naxwiga ahaa ee uu galay kolkaas bay waxay noqdeen 40 qalad!, markaas baan waxaan ku dhahnay, walaalow waxaad doonaysaa in aad reddiso muftiga ciidamada qalabka sida ee boqortooyada Jordan, hal xadiis baad aqrisay markaas baad afartan qalad oo luqada gashay, sow isku xishoon maysid? Yarkii kulliyaddii waa laga eryay arrinkaas dartiis, 1987 mar aan cumro aaday ayaan ku arkay asiga oo kacbada illinkeeda fadhiya! Waa qiso, shaqsi ah oo iga soo martay dhallinyaradii salafiyiinta ahaa ee aan Jordan wax ku wada baran jirnay, dhammaantood khayr allaha siiyo, waxay ahaayeen kuwo mar walba ina xasuusiya sida loogu baahanyahay in diinta usuusheedii hore loo laabto, sheekh al-baanina wuxuu ahaa nimnanka madhabtaas difaaca kuwa ugu waawayn. |
|
BOGGA 6AAD | BOGGA HAWEENKA |
IMAAM NOQOSHADA SALAADDA IYO DUMARKA Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax |
Ibnu Qudaamah ayaa isna waxa uu yiri: "xaal ahaanba dumarku raga kuma tujinayaan salaad, ha ahaato mid sunno ah ama mid faral ehe". Markaas ayuu Abu Thawr yiri: " Laakiin mar hadduu ninku ku daba tukado ma soo celinayo salaaddii, kaasina waa Qiyaaska hadalka Muzani, Waxaase jira qaar asxaabteena, culimadii Xambaliyada ka mid ahaa oo qaba in ay haweeney salaad Taraawiix ah tujin karto ragga oo ay Imaam ugu noqon karto . Doodda halkaas ka furantay awgeed ayaa qaar ka mid ah culimadii hore ku adkaysteen in dumarku ay imaam salaada ku noqon karaan. Taasina waxa ay dhalisay dood fara badan oo u muuqata in ugu dambaystii ragaas looga guulaystay oo la hir galiyey in aysan salaad tujin karin. Waxaa xusid mudan in markii dambe ay doodi ka sii furantay in haddii uu nin ku daba tukado naag ay salaadaasi u jirto iyo in kale. Waxaa Abuu Da'ud laga soo weriyey in uu yiri: "Ibnul Mundir iyo Shaafici ayaa yiri; haddii uu nin ku daba tukado naag wuu ku soo celinayaa salaadiisii". Laakiin culimo kale ayaa arintaas ku mucaaraday oo ku adkaysatay in aan salaadaas lagu soo celinaynin. Waxa uu yiri Abuu Thawri: " kuma ay soo celinayaan haday rag ku xirtaan salaadooda naag". Laakiin haddii aan inaguna maanta wax ka qiyaasanao doodaas saw kama fahmi karno in ay dhacday ugu yaraan in qaar muslimiinta ka mid ah ragoodu ay ku xiran jireen salaadda haweenka. Sidaas darteed ay doodu ahayd mid jiitamaysay ilaa lagu murmo ku celiya salaadiina iyo ha ku celinina ee mar dambe ha u noqonina, iwm.? Hadaad leedihiin weligeed taariikhda laguma arag naag rag tujinaysa, waxaan idin leeyahay taariikhi diin inama barto ee bal aan iminka ku dayno. Haddii aad leedihiin lama arag haweeney rag tujisay waagii Nebigu noolaa, waxaan idinka leeyahy hadde raguba cidna ma tujin jirin mar haduu Nebigu goob joog yahay. Sidaas ka sokow miyaad Nebiga ka haysaan in uu yiri: "yeysan dumarku Imaam noqon ama ragga ka bixin salaad"?. Hadaad cadayn sidaas tusinayasa haysaan bal ina soo tusa. Haddii kale walaalayaal inta aad haysaan ma ahan mid aan marnaba laga hor imaan karin oo qofkii wax ka sheegaa uu diinta ka baxayo ee waa qodob ugu yaraan laga hadli karo. [Waa socotaa..] |
BOGGA 7AAD | DIINTA ISLAAMKA |
|
CASHARKA 56-57AAD WAA IN LA ISKA REEBAY IN DABAYSHA LA CAAYO Ubay Bin Kacab Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay, in nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Dabaysha ha caayina, haddaadse aragtaan wax aad kahataan, waxaad dhahdaan: Eebbow waxaan ku waydiisanaynaa khayrka dabayshan, iyo khayrka wixii ay waddo, iyo khayrka wixii la faray (dabaysha), waxaanna kaa magangelaynaa dabayshan sharteeda, iyo sharta wixii ay waddo, iyo sharta wixii la soo faray"{Tarmadai ayaa saxay}. Mas'alooyinka Casharka Tan 1aad: Waa in la iska reebay in la caayo dabaysha. Tan 2aad: Waa in la isku hanuunshay hadalka wax anfacaya haddii uu qofku arko wax uu necbaysto. Tan 3aad: Waa in la isku hanuunshay in ay dabayshu amrantahay. Tan 4aad: Waa in ay dhici karto in la faro khayr iyo in la faro shar. [Waa socotaa..] |
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 43aad Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre J I I R K I I --IYO-- T U K I H I I Jiirkii: walaaltinimadaada waan ogolaaday, aniguna waligay qof dan kuma celin, waxaanna waxaan kugu billaabay kuugu billaabay, in aan naftayda wax u hubsado, oo aad haddii aad i dhagarto aadan dhihin, waxaan arkay in jiir dhagriddiisu fududdahay, kadibna godkiisii buu ka soo baxay oo iridka buu istaagay. Tukihii baa ku yiri: maxaa kuu diiday in aad soo baxdo oo aad iisoo dhawaato? mise wali waad iga dhiiloontahay, jiirkii baa ku yiri: reer adduun laba walxaato bay isa siiyaan oo iskuna xiriirshaan, waana qudha iyo xerada, kuwa qudha isu hurana waa wadayaalka, kuwa xerada isu hurana waa iskaashatooyinka qaarba qaarka kale wax dheef ka doonayo, waxdheef adduun dartiis ninkii wanaag u sameeyana waxa uu hurayo iyo waxa uu dhiibayo wuxuu kala mid yahay, sidii ugaarsadihii miraha u firdhinayay shimbiraha, taasna aan uga dan lahayn in uu shimbiraha wax taro ee wuxuu uga dan leeyahay in uu naftiisa wax taro. In aad qudhaada hurto ayaana kaaga wanaagsan in aad xeradaada hurto, waxaanna kugula kalsoonaanayaa qudhaada, aniguna sidoo kale qudhayda baan kuu huray, in aan soo baxana mala xumo aan kuu qabo iima diidana, hase ahaate waxaad ogtahay in aad leedahay wadayaal aad isku bah tihiin, oo aan kugu aragti ahayn!! [Waa socotaa..] |
BOGGA 9AAD |
|
|
Qaybtii 36aad 1. Miro geed saaran mira gunta kuugu jira looma daadsho. 2. Meel geel ka kaagacay galaw ku galgalay. 3. Meeshii ay kaaga qoydo waa lagu qalalsadaa. 4. Meel aan lagu hurdi doonin laguma gamo'. 5. Maslaxadaada Maqaar eey baa loogu seexdaa. | 6. Midig rag iyo mici gallayr baa adduunyo ku dhaqantahay. 7. Madax tima riman, gedana marreexaan riman. 8. Midgaan baa la yiri maanyee. 9. Meeshii ilu fogaysaba addin baa dhaweeya. 10. Meeshaa tegi maayo lama yiraahdo oo cimri baa ku gaarsiin, waxaa cunimaayo lama yiraahdo oo calaf baan kuu gayn. |
Casharka Afsoomaaliga
Tusmo: calaamadda (>) = [eeg], (;)=[lamid], (t)=[tusaale], (w)=[wadar], (f)=[fal].
Waxaa qoray: Hersi Labagarre.
Daraasadani waxay ku salaysantahay, shan walxaato: 1. maahmaahda soomaalida. 2.maantoolaha iyo dhaqanka soomaalida. 3.gabayga soomaalida. 4. abwaankii uu qoray Yasiin Cismaan Keenidiid. 5.diiwaankii gabayadii sayidka. Maraajicda kale wax halkan lagu koobi karo ma aha, laakiin shantaas ayaa daraasadan aasaas u ah.
Qaybtii 5aad
aanaa-alif-ka: waa cashar ka mid ah alifka marka quraanka la baranayo ayaa la soo dhigtaa, waxaana loogu dhawaaqaa sidan "aanaa alifow laba kordhaban, inaliif laba hosdhaban, unaliif labaa gudan".
aanaanuuleey-da: waa cashar ka mid ah alifka marka quraanka la baranayo ayaa la dhigtaa, waana casharka sagaalka cashar ee alifka ugu dambeeya, waxaana loogu dhawaaqaa sidan "aanaa aa alif la kaordhebay alif lagu reebay, naanuun la kordhebay", "iina ii alif la hoos dhebay alif lagu reebey naanuun la kordhebey", " uuna uu alif laa goday waw la gu reebey naanuun la kordhebay.
aan'ahayn: a. eray ka kooban laba eray oo la is cusjiyay oo ah "aan iyo ahayn" ujeeddadiisuna tahay "dhab ugama jeedo ama sida aan u iri hadalka sidiisa kale ama sida ka soo horjeedkeeda ah ayaan uga jeedaa" t.dhimo aan'ahayn; noloow; ha dhimane, sidoo kale, cirka lagaaga soo dhac aan'ahayn; cirka lagaagama soo dhaco, kolka hadalka eraygan ka horreeya ee marka hore la sheego geddiskiisa ama ka soo horjeedkiisa ayaa weerta looga jeedaa. b.waxaadna ogaataa in haddii labada eray ee eraygani ka samaysanyahay la kala gooyo ee la dhexgelsho horgalaha "ka" ee la yiraahdo "aan ka ahayn" uu ujeeddo kale yeelanayo siyaalo kalena loo adeegsado, taas oo ah in uu hadalkii hore ee weerta ka horreeyay ee la soo sheegay ka bixinayo ujeeddada hadalka kolkaas la wado looga danleeyahay, t.saddexdaas inta aan ka ahayn waa run iwm; saddexdaas marka laga reebo inta kale waa run iwm, intaas waxaa kuula jirta in aan eraygan marka hadalku ogolaasho yahay ee aan diiddo ku jirin aan loo adeegsan sida uu hadda yahay ee aan soo sheegnay, sidaa awgeed haddii aad tiraahdo "intaas inta ka ah" kuu toosi maydo, marka waa in aad adeegsato "ahayn" maxaa wacay erayga "aan" iyo "ah" isma qaataan hadii aan hadalku diiddo ahayn, sidaa datreed haddii aad tiraahdo "aan ka ah" ama "aan ah ka" ama "ka aan ah" ama "ka ah aan" ama "ah aan ka" waxa aad sheegto la garanmaayo, waxaadse leedahay "aan ka ahayn" ama "aan ahayn, ka", t.labadaas inta "aan ka ahayn" ama " labadaas inta aan ahayn, ka reeb arrinta" iwm. intaas aan kor kuugu soo dharaandhirinnay waa marka aad doonayso in aad adeegsato "ka" iyo weerta "aan ahayn" oo isla socda adiga oo uga jeeda "marka laga reebo" hase ahaatee haddii aad doonayso in aad ka tagto "ka" ee aad adeegsato "aan ayahayn" adiga oo isla ujeeddadan doonaya way kuu bannaantahay ayada ayaana badanaa la adeegsadaa maxaa wacay way ka fududdahay tan hore, sidaa darteed, haddii aad tiraahdo, "labadaas inta aan ahayn wax igama dhibto" adiga oo doonaya in aad tiraahdo "labadaas marka laga reebo inta kale wax igama dhibto" waad qumantahay. "aan ahayn" badanaa waxaa loo adeegsadaa burrunta hadal la soo yiri, ama reebidda qayb ka mid ah hadal la yiri, ama la dhihi doono, ama qayb la doonayo in laga reebo wax la sheegay ama la sheegi doono.
t. hoog oo ba' aan ahay; ha hoogin oo ha bi'in, ama maxamad intaan ahayn; maxamad mooyee inta kale.
aan'ahayne:> aan'ahayn, t.soo haad aan'ahayne, cirka lagaaga soo dhac aan'ahayne, iwm, waa sidi aan'ahayn.
aanaqaad-ka: ciilqaad; xumaan hore oo la isu hayay uur ku haynteed.
| |
BOGGA 10AAD |
|
|
|
|
|
|