Somalia: Jamacada Mogadishu, oo furtay "(Computer Science and Information Technology -CSIT)-

Dr.Ali Ahmed Aboubakar –Dean of MU


The Special Report: About Mogadishu university, Past and Present
The Special Report: Famine aid urged for the Horn of Africa
The Special Report: Regional integration with Somalis in Somalia, Djibouti, Ethiopia, and Kenya
Politics:

JAMACADA MUQDISHO, OO FURTAY KULLIYADA CASRIGA AH (Computer Science and Information Technology -CSIT)

Dr. Ali Sheekh Ahmed Aboubakar
Guddomiyaha Jamcada Mogadishu and father of Modern Somali Education

Edited by HAN(GEESKAAFRIKA.COM)January 30th, 2003


XAFLADII FURRITAANKA KULIYADA CUSUB EE JAAMCADA MUQDISHU (Computer Science and Information Technology -CSIT)

HAN "Djibouti Monitering
Dr. Ahmed yasin
Geeska Afrika Online Magazine

Djibouti (HAN) ; January 30th, 2003

Magaalada Mogadishu, oo dhibka ka taagani astaan uyahay “hellid la’aanta dawlad dhexe oo somaliyeed, oo katalisa gayiga Somalia, ayaa waxaa manta laga furray, Kulliyad cusub, oo daba taagan kulliyado kale oo ay Jaamacad Mogadishu, ka furtay Dhulka Somalia, gaar ahaan magaalada Mogadishu.Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad balaadhan oo looga dan lahaa furitaanka kulliyada Computer Scinece- iyo Information Technology. Munaasabadan oo ka dhacday xarunta cusub ee kulliyada oo ku taala bartamaha magaalada Muqdisho. Kullankan oo ay kasoo qeyb galeen marti sharaf badan ayaa waxaa ugu horeyntii khudbad kasoo jeediyay xiriiriyaha jamacadda Muqdisho u qaabilsan kulliyada cusub oo lagu magaacabo Prof. Sharif Osman.

Eng.Asad Osman ayaa sharax balaadhan ka bixiyay muhiimada cilmigani uleeyahay, ganacsiga, gancsatada, dalka, bulshada iyo ardayda somaliyeed.

Professor Xuseen iimaan oo ahaa xidhiidhiyaha barnaamijka furritaanka Kulliyada ayaa si xurmad iyo sharifi kujirto ugu soo dhaweeyay madasha xaflada, Guddoomiyaha Jamacada Muqdisho Dr. Ali Sheekh Axmed Aboubakar (The father of modern Somali education) oo runtii guntiga dhiisha isaga dhigay, hirgallinta iyo abaabulka Jaamacada Mogdishu, oo astaan iyo sharaf unoqotay, dadka iyo dhulka somliyeed.

Sawirka aynu kaqaadan karno Dhismaha Jaamacada Muqdisho iyo hirgallinteedu waxay inoo bildhaaminaysaa, aragti ah in hadii caqliga somaliga ee fiican, kartida somalida ee badan iyo iskashiga dadwaynahu ay keeni karto, fursad lagu dhiso barnaamij muddan meeshiisa, oo dalka iyo dadkiisaba anfaca, sida manta Jaamacada Muqdisha, oo kudhsantay aragti iyo dadaalka xubno u samray dhibka somalida manta haysta, kalsoonina ka haysta iskaashiga awooda dadwaynaha iyo hoggamin daacadnimo kujirto kuna dhisan cadaalad, karti, hufnaan, somalinimo iyo u’adeega bani’aadanimada.

Xafladaasi oo ay kasoo qayb galeen, marti sharaf, isugu jira, ganacsato, aqoon yahano, waxaa aad iyo aad loogu dhiiri galliyay, in sharafta manta ay muujiyeen Maamulka Jaamacada Mogadishu, iyo Iftiinka ay ushideen Mogadishu inay tahay wax lagu faano islamrkaana ay sii wadaan, dadaalka loogu jirro, baadidonka bulsho kudhisan aqoon, si loo hello cadaalad, horrumar iyo Qaranimo.

Kuliyadaha kale ee Jamacada Muqdishu hoosyimada waxaa kamid ah:

  • Shari’a and Law (S&L)
  • Education (Ed)
  • Arts and Human Studies (A&HS) Economics & Management (E&M)
  • High Institute of Nursing (HIN)
  • Continued education and public service center (CEPSC)
  • Computer Science and Information Technology (CSIT)


    Sources: Ruunkinet, Horn Africa Newsline (HAN)


    General assignments reporter and can be reached Through HAN Email HAN News Line


  • Send Your Comments and views -All materials on this page copyright ©
    To The Editor: The Horn Africa NewsLine, Dr. Ahmed Yasin




    Back to top


    Rights held: The Horn Africa Newsline .

    Back | Shopping | Categories | Search | Home | Contact us

    All materials on this page copyright ©The Horn Africa NewsLine
    The Horn Africa News Line


    Geeska Afrika Online Magazine

    Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!