Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Government
Internet
Travel
Shopping
Health
Business
Education
Organisations
Women
NewsLinks
SOMALI e-JOURNAL

Somali Map + Logo
Islamic Studies
Casharka Diinta Islaamka
Su'aalo iyo Jawaabo
Waydii Su'aal
Baro Caqiidada Islaamka
Iskajir Kooxaha Lunsan
Baro Fikirka Muslimiinta
Fikirka Muslimiinta(1)
Fikirka Muslimiinta(2)
Fikirka Muslimiinta(3)
Fikirka Muslimiinta(4)
Fikirka Muslimiinta(5)
Fikirka Muslimiinta(6)
Siyaasadda Muslimiinta
Muslimow Magacaa Ba'
Dibudhaca dunida Islaamka
Kooxaha Muslimiinta
Taariikhda Wahhabiyada(1)
Taariikhda Wahhabiyada(2)
Caqiidada Wahhabiyada(1)
Caqiidada Wahhabiyada(2)
Caqiidada Wahhabiyada(3)
Caqiidada Wahhabiyada(4)
Al-Ittixad Al-Islami(1)
Al-Ittixad Al-Islami(2)
Dhaqanka iyo Hiddaha
Tacliinta Soomalida(1)
Tacliinta Soomalida(2)
Tacliinta Soomalida(3)
Dhaqanka Soomaalida
Qoraallo Free ah
Assalafiyah al-Wahhabiyah
Kalila iyo Dimna
Kitab at-Tawxiid(so)
Al-Caqiida Al-Daxawiyah
Tafsiir Asma-ullah
Muatabat An-Nafs
Hujaj Al-Qur'an
Tirsiyadii Hore ee SEJ
2 0 0 2
07.04.2002 31.03.2002
24.03.2002 17.03.2002

2 0 0 0
02.01.2000 09.01.2000
16.01.2000 23.01.2000
30.01.2000 13.02.2000
20.02.2000 27.02.2000
05.03.2000 12.03.2000
19.03.2000 26.03.2000
02.04.2000 09.04.2000

1 9 9 9
22.08.1999 15.08.1999
08.08.1999 01.08.1999
25.07.1999 18.07.1999
11.07.1999 04.07.1999
20.06.1999 13.06.1999
25.04.1999 11.04.1999
28.03.1999 21.03.1999
14.03.1999 07.03.1999
28.02.1999 28.02.1999
20.02.1999 14.02.1999
01.02.1999 25.01.1999
17.01.1999 10.01.1999
04.01.1999 28.12.1998

1 9 9 8
21.12.1998 14.12.1998
06.12.1998 29.11.1998
05.10.1998 28.09.1998
21.09.1998 13.09.1998
07.09.1998 31.08.1998
24.08.1998 17.08.1998
10.08.1998 03.08.1998
27.07.1998 19.07.1998
12.07.1998 05.07.1998
28.06.1998 21.06.1998
14.06.1998 07.06.1998
01.06.1998

Mowduucan hadda kala munaaqashoo Dr. Hersi!

[SEJ Cadadka Toddobaadkan 14.04.2002]

MASIIBOOYINKA UU KEENAY MANHAJKA WAHHABIYADU
Toddobaadkii hore waxaa ballankeennu ahaa in aan ka gudubno daraasada mowduuca Wahhaabiyada una gudubno kooxda Ikhwaanka loo yaqaan, annaga oo ballanteennii oofinayna ayaan akhristaha xasuusinayaa in ay lagama maarmaantahay in aan u laabanno marlabaad kooxdii Wahhaabiyada si aan u fahamno kooxda Akhwaanka, sidaa darteed, toddobaadkan waxaan dulmar ku samaynaynaa Manhajka Wahhaabiyada (Macnaha qaabkii wahhaabiyadu ula dhaqantay, culumada iyo cilmiga).

Manhajka Wahhabiyada: wuxuu ku salaysnaa qodobadda soo socda.
1. Xulashada Culumada qaarkood.
In laga xusho culumada muslimiinta intii ayaga dookhooda cajibenaysa dabadeedna lagu magacaabo magacyo been ah oo waawayn sida (Shaykh al-Islaam, Xujatul Islaam, Callama, iwm) si dadka caamada ah loogu sabo magacyadaas beenta ah. Tusaale ahaan, Wahhaabiyadu culumada Islaamka ee kumanyaalka ah ee caanka ah oo dhan waxay ka doorteen dhowr qof sida Ibn Taymiya, Ibn Qayim, Ibn Kathiir iyo Ibn Cabdilwahhab kolkaas bay waxay ku magacaabeen magacyo waawayn oo caamadu haddii ay maqasho ay ku sirmayaan sida (Sheekhul Islaam).

2. Xulashada kutubta qaarkood.
Waxay sidoo kale xuleen dhowr kutub oo ay qoreen wadaaddada ay horey u xusheen, sida kitaabka tafsiirak Ibn Kathiir, iyo Kutubta Ibn Taymiya iyo Ibn Qayim iyo Ibn Cabdilwahhab. Kutubta kale ee ay qoreen culumada kale ee caanka ah sida Abii Xaniifa iyo Maalik iyo Shaafici ama kutubta ay qoreen culumadii Caqiidada sida Ashcari iyo Maaturiidi iyo Muctasilada iyo kooxaha kale, dhammaan midna ka arki maysid oo way qarsheen, suuqa in lagu iibshana lama ogola.

Sanadkii 1987kii ayaan tegay jaamicadda Madiina ee Islaamiga ah, oo ah meesha wahhaabiyada laga fidsho, aniga oo Jordan ka imid oo cimraysanaya, kolkas baan waydiiyay kutubta halkaas laga dhigto waxa ay tahay - wallaahi in aanan been sheegayn - waxay ii soo baxsheen dhowr kitaab oo uu qoray ibn Cabdulwahhab oo kaliya, sida kitaabkiisa Towxiidka iyo Mukhtasarka Siirada iyo risaalooyin kale oo yaryar, aad baan uga naxay dhallinyaradii waagaas aan ku arkay jaamicaddaas, waxaa ii caddaatay in aanay wax cilmi ah haba yaraatee baran ee oryantayshan wahhaabiyo oo kaliya meesha lagu hayo.

Kolkii aan Maka tegay ayaan aaday xafiiska dacwada laga fidsho ee wasaaradda diinta sacuudiga oo kacbada agteeda ku yaalla, kolkaas baan wadaadkii masuulka ka ahaa waydiistay in uu i tuso kutubta dacwada loogu tala galay ee ay muslimiinta u qaybinayaan - Ilaah baan ku dhaartay - wuxuu i tusay dhowr kitaab oo la mid ah kuwii aan Madiina ku soo arkay!

Waxaan ku iri ma haysaa kitaabkii Riyaadusaalixiinka ee Sheekh Nawawi? Kolkaas buu iigu jawaabay "wuu dhammaaday oo nuskho kama taallo!". Halkaas waxaa iiga caddaatay in aanan meesha dacwo Islaam lagu hayn ee ay woxoodu yihiin sidii dacwadii Shuuciyada, oo la fidinayo figrado kooxo gaar ah leeyihiin. Dacwada Islaamka sida aan ognahay, waxay ku salaysantahay Xurriyadda Ra'yiga iyo Daraaso Cilmiyaysan, iyo Fikir saxiix ah oo aanan ku koobnayn nin iyo laba nin oo si gaar ah afkaartooda loo caabudayo sida kuwa wahhaabiyada.

3. Leexinta Tafsiirka Quraanka
Wahhaabiyadu waxay turjumeen kitaabka Quraanka ah, luqado aanan carabi ahaynna way ku fasireen, falkaas waa fal wanaagsan oo looga mahadcelinayo, laakiin mushkiladi waxay ka dhacday leexinta ay leexsheen macnihii saxda ahaa ee aayaduhu lahaayeen.

Tusaale ahaan Kitaabka Quraanka ah ee Afsoomaaliga loo turjumay, waxaad arkaysaa in aayadaha caqiidada iyo kuwa siyaasadda dhammaan loo fasiray siyaabo khalad ah oo u janjeera manhajka Wahhaabiga ah.

Tusaale gaaban haddii aan kuu soo qaado bal fiiri kitaabkaas, waxaad arkaysaa wadaaddada turjumay in ay ay erayga (inna ladiina aamanuu) u turjumayaan (Kuwii xaqqa rumeeyay), waana tarjamad khalad ah, wayna ogyihiin laakiin kas bay u yeelayaan, tarjamada saxda ah waa (kuwii rumeeyay) erayga (xaqqa) ayaga ayaa kas ugu deray waana eray ay isla yaqaannaan oo ay uga jeedaan (mad-habta wahhaabiyada).

Sidaa darteed waxaad arkaysaa kooxaha Itixaadka soomaalida waxaa halkudheg u ah (waagii aan xaqqa bartay..) ama (Xaqqa rumaynay.. ) iwm, macnaha waagii aan Itixaad noqday, maxaa yeelay Islaamku Itixaadka ka hor buu jiray.

Kitaabka Quraanka ah ee Soomaaliga loo turjumay khaladaadkiisa halkan uga hadli mayno, inshaa allaahu duruus kale baan kaga hadli doonnaa (Naqdiga) kitaabkaas, laakiin halkan tusaale ahaan baan ugu soo qaatay si aan akhristaha u tuso qaabka manhajka wahhaabigu diinta u fasirayo ama u dersayo.

4. Leexinta manhajka daraasada Sunnada nabiga
Sunnada nabigu waxay ka mid tahay usuusha diinta aasaaska u ah, kolka daraasadeedu waa in ay ahaataa mid cuskan manhaj saxiix ah oo cilmiga waafaqsan. Culumada Wahhaabiyada ama Salafiyada ee dersay Sunnada waxaa ugu caansan Naasir addin al-albaani, marka asiga ayaan tusaale u soo qaadanaynaa manhajkiisa sida uu u dersay Sunnada Nabiga.

Halkan laguma soo koobi karo manhajkii Naasiruddin, laakiin figrad guud ayaan ka siinayaa akhristaha sida ninkaasi xaddiiska ugu ciyaaray, tusaale ahaan, haddii uu derso sanadka xadiiska oo uu arko in qayb xadiiska ka mid ah ay sanad sax ah leedahay, qaybtaas buu qaadanayaa inta kalena wuu ka tegayaa, kolkaas buu xadiis kale u gudbayaa, kolkaas buu hadana dersayaa sanadkiisa, haddii uu arko qayb sanad sax ah leh wuu qaadanayaa inta kalena wuu ka tegayaa, mid kale ayuu hadana u gudbayaa haddii arko qayb sax ah wuu qaadanayaa.. sidaas ayuu ku soconayaa, kadibna qaybihii saxda ahaa ee uu soo qaatay buu isu gaynayaa oo xadiis cusub ka samaynayaa! oo xukun cusub ku salaynayaa!

Su'aasha meesha taal waxay tahay, ma bannaantahay in xaddiis cusub oo uusan nabiguba dhihin la sameeyao, kaas oo ka kooban erayo goosgoos ah oo laga soo qaatay axaadiis kale? Mise bannaantahay in Sharci lagu saleeyo xaddiis asiguba noocaas ah oo aanan sal iyo baar lahayn?

Way adagtahay si aan halkan ugu sharaxno mowduucan, laakiin macnaha guud waa figradda doorashada aan idiin soo sheegay, wixii ayaga dookhooda cajebsha way soo xulanayaan ama aayad ha ahaado ama xaddiis ha ahaado ama kitaab nin qoray ha ahaado, wixii aanan dookhooda cajebinaynna way diidayaan oo inkirayaan xattaa haddii uu quraan cad yahay ama sunno qayaxan tahay dan ka geli mayaan, marka manhajkoodu wuxuu ku salaysanyahay "xulasho".

5. Sheegashada Mad-habtii Salafka Saalixa ah
Wahhaabiyada ama Ittixaadka iyo Salafiyadu waxay caado ka dhigteen in ay si mintidnimo leh ugu nisbeeyaan falalkooda fooshaxun Salafkii Saalixa ahaa ee Muslimiinta. Falkasta oo ay ku kacaan ama tafsiir kasta oo ay keenaan ama ha saxnaado ama ha khaldanaadee waxay leeyihiin waa falkii salafka saalixa ah.

Salaf assaalixiin waxaa looga jeedaa culumadii muslimiinta ee noolayd 3 dii qarni ee ugu horreysay sanadka hijriga, kuwaas oo la aaminsanyahay in ay ugu fadli badnaayeen ummadda muslimiinta ah, sida xaddiiska lagu sheegay.

Kolka wahhaabiyadu si ay u sharciyayso figradaheeda habaowsan waxay mar kasta isku daydaa in ay ku sahdaan salafka salixa ah, taas ayaana daliil u ah in ay lunsanyihiin, maxaa yeelay haddii ay ogyihiin in ay toosanyihiin maxaa ku khasbaya in ay la darooryaamaan salafkii baan waafaqsannahay, umadda Islaamka ah iyo culumadeeda kaleba waxaas ma dhahaane?!

6. Kufrinta Muslimiinta aanan ayaga raacsanayn
Wahhaabiyada, Ittixaadka iyo Salafiyada inteeda kaleba waxay caado ka dhigteen in ay dadka aanan mad-habtooda raacsanayn kufri ku xukumaan, waxaana caadadaas ay ka barteen culumadooda sida Ibn Taymiya iyo Ibn Cabdulwahhaab.

Qarnigii 18aad kolkii wahhaabiyadu ka soo baxday jasiiradda carabta ayaa Ibn Cabdulwahhaab ku andacoon jiray in "muslimiinta maanta joogta ay ka kaafirsanyihiin kufaartii quraysh ee joogtay casrigii jaahilga" wuxuu intaas ku deray in "lixdii boqol ee la soo dhaafay ay ummadda islaamku kufri ku jirtay" wuxuu ka wadaa wixii ka dambeeyay qarnigii 3aad ee hijriga dadku kufaar bay noqdeen.

Hadalkaas waxaa maqlay muslimiintii xajka imaanaysay siiba muslimiinta Hindiya oo ah kuwa hadda Pakistaan loo yaqaanno. Dabadeedna culumadoodii waxay u qaateen in Carabtii ay diintii ka noqotay oo jasiiradda carabta aanan hadda dad muslim ahaba aanay joogin ee waxa joogaa ay yihiin dad ka sii liita kufaartii quraysh ee joogtay waagii nabi Muxamad.

Culumadii Hindiga ee sidaa u qaatay hadalka Ibn Cabdulwahhaab waxaa ka mid ahaa (Mowduudi iyo Imam Nadawi) Nimankaas ayaana soo saaray figradaha jamaacada Ikhwaanka.

Dersiga soo socda waxaan ka hadli doonnaa Dhalashadii Kooxda Akhwaanka.

Hersi Labagarre
www.2garre.com
View this site with frames

Join Our Mailing List
Your email address:
Pick a password:
Reenter password:
Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
No Yes

Links
  • Somali Culture
  • Somali Forum
  • Search the web
  • Somali Banners
  • Somali Links
  • Invest in Somalia
  • Somali sites
  • Technology
  • Add to all-Somalia

    1. Your City:

    2. Your Email:

    3. Your Comments
    Add to all-Somalia
  • West Somalia
  • Lower Shabelle
  • Somaliland
  • Djibouti
  • Hiiraan
  • Awdal
  • Lower Juba
  • Banaadir
  • Bay
  • Bakool
  • Mudug
  • Sool
  • Middle Shabelle
  • Gedo
  • Galguduud
  • Bari
  • Middle Jubba
  • Sanaag
  • Togdheer
  • N.F.D

  • Somali Forums
  • Somali Forum
  • Discussion Board
  • Students Forum
  • Free downloads
    Download free books - articles on Somalia! Click here

    Add to Somali Pages
    Add your Web Page to Somali Home Pages, it is Free and automatic! Click Here
    View Somali Home Pages
     1  2  3  4  5

    Ask Dr. Hersi
    SEJ editor
    Need experts in Somali affairs? Click here to contact them.

    Auto responders
  • Government:
    som-gov@2garre.com
  • Education:
    som-edu@2garre.com
  • Business:
    som-bus@2garre.com
  • Travel:
    som-tra@2garre.com
  • Info:
    info@2garre.com

    Find out now!
    Somali news .. Somali views .. Somali links .. Somali culture .. Somali business .. Somali forums .. Somali web pages .. Somali warlords .. Somali experts .. and more!!

    Peace for Somalia
    Peace for Somalia Click To SignOr View the signed Pages: 1  2  3  4  5  6  7  8  9  10  11  12  13  14  15  16  17  18


  • Top Somali News Headlines

    News in Somali

    Government
    Internet
    Travel
    Shopping
    Health
    Business
    Education
    Organisations
    Women
    NewsLinks
    Copyright 1999 - Labagarre - All rights reserved.
    Subscribe SEJ
    Contact Us
    Subscribe to SEJ List
    SEJ Old Website
    SEJGuest Book(Sign)
    SEJGuest Book(View)
    Somali Forum
    Editor's Page
    SEJ Terms
    SomaliPages
    [Listen to the National anthem!
    Add URL to Somali Pages
    [Yahoo! News Search
    Yahoo! Yellow Pages
    [Yahoo! Quotes]
    [Feedback]
    [SEJ NetGuide]
    Subscribe SEJ]
    Contact Us
    Labagarre - All rights reserved]